Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada, oo uu isbital ku jiray. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-1032021.mp3 View the full article
  3. (SLT-Hargewysa)- Maamulihii qaybta Habalaha ee Dugsiga Sare ee Salaama, Nuur Cumar Iidaan ayaa la xidhay. Gelinkii Hore ee Maanta ayaa waxa Isna la xidhay Maamulihii Guud ee Dugsiyada Salaama, Siciid Faarax Xuseen. Xadhiga labbada Maamule ayaa la ii sheegay In ay Khusayso Dhacadadii Maanta ka Dhacday Dugsiga Sare ee Salaama Qaybta Inamada. Cabdifatax Sh. Cabdilaahi oo ka mid ah maamulka dugsiyada hoose/dhexe ee Salaama ayaa ii xaqiiyey. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta qaaday tallaabo muran leh oo ay ku muujineyso in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday bil ka hor, uu weli haysto sharciyad madaxweyne. Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada UK u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Kate Foster, oo dhamaadkii bishii hore timid dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. “Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri “Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa”. Arrintaan ayaa waxaa dhowaanahan ka taagneyd dood adag, waxayna muran ka dhex dhalisay safaaradda UK ee Soomaaliya, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada ay iskaga horyimaadeen cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub, maadama uu Farmaajo ka dhamaaday muddo xileedkiisu. Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, midaasi oo aheyn arrin ku cusub safaarada, sida ay ku doodeen. Afar sano ka hor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya, David Concar ayaa waxa uu ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo, maadama uu xiligaas kusoo aaday dhamaadka mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana warqadihii aqoonsiga laga guddoomay 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Kate Foster ayaa lasoo warinaya inay hore uga madax adeygtay inay waraaqaha aqoonsiga u gudbiso Farmaajo, maadama uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga, mana cada sababta xiligan ku kaliftay arrintaas. Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligana Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda. Si kastabam UK ayaa maanta sharciyad siisay Farmaajo inkasta oo sida ku cad dastuurka uu muddo xileedkiisa sharciga ahaa dhammaaday.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi. View the full article
  6. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalda Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta Guddoomiyay shir looga hadlayay dardargalinta iyo sugitaanka amniga caasimada iyo uruurinta daqliga. Kulanka ayaa ka dhacay xarrunta dhallinyarada Gobolka Banaadir. Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka iyo maaliyadda Gobalka Banaadir, agaasimeyaasha maamulka gobolka iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ee ee gobolka ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sugida amniga caasimadda iyo in la kordhiyo howsha daqli uruurinta oo mas’uuliyad gaar ah la iska saaro. View the full article
  7. Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha danjirino maanta ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Uganda, danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur). Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay u soo ahaa diblimaasi ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Pakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda. View the full article
  8. War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa looga tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo saaka ku geeriyooday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. “Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii ku timid Xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonoow oo magaaladda Baydhabo ku geeriyooday” ayaa lagu yiri qoraalka. “Gudoonka Golaha Shacabka sidoo kale waxay si gaar ah ugu tacsiyadeeyeen qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah u naxariistee, Xildhibaan Maxamed Boonoow sidoo kalena ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda Amniga gudaha, waxaana marxuumka uu kamid ahaa ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka Soomaaliya muddo dheer” ayuu lagu soo gunaanaday bayaanka. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshil Group oo ka jawaabeysay baaqii wasaarada caafimaadka Soomaaliya, ayaa Oxygen gaarsiisay qaar ka mid ah isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay cudurka COVID-19, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warsaxaafadeed Shirkadda Dahabshil Group oo u damqaneeysa bulshada Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay baaqii wasaarada caafimaadka, kaasoo ahaa in si degdeg ah loo soo gaarsiiyo Oxygen isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay caabuqa Covid 19. Waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu danbeeyay Oxygen yari ay ka jirtay isbitaalada lagu dabiibayo bukaanada qaba Covid 19. Taasoo si siman looga dareemay go’naanta Oxygen-ta guud ahaan isbitaalada dowlada & kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaa Oxygen la’aan darted u geeriyooday boqolaal bukaan kuwaasoo u baahnaa gargaar degdeg ah in loo fidiyo islamarkaana lala garo Oxygen bukaanada Covid 19 si ay neef la’aan ugu dhiman. Shirkadda Dahabshil Group oo si degdeg ah uga soo jawaabtay baaqii dowlada soomaaliya, sidoo kale ahmiyad gaar ah siisay baahida ay qabaan shacabka soomaaliyeed xiligaan adag ee lagu jiro iyadooo bulshadu isugu darsantay Coovid 19 mowjadiisii 2aad, abaaro & biyo la’aan ku habsaday gobolada koonfurta & bartamaha soomaaliya qaarkood. Dahabshil Group ayaa ugu deeqday wasaarada caafimaadka & isbtaalka martini warshad dhalisa Oxygn-ta, taasoo ay ka faa’ideysan karaan malin kasta ilaa 250 bukaaan. Shirkadda dahabshil Group ayaa xal la taaban karo u heshay mushkiladii oxygen-la’ aanta ka jirtay isbitaalada lagu daweeyo bukaanada uu soo ritay Cudurkaan Halist ah ee Covid 19. Dahabshil Group ayaa balanqaaday Qarasha ku baxaya rakibida (PSA Oxygen System) & Habsami usocodka shaqooyinka maalinlaha uu Machine-kaan qabanaayo Waxaa intaas dheer cilad bixintiisa hadii ey cilad ku timaado. Sidoo kale shirkadda dahabshil Group ayaa waxa ay haatan olole biyo dhaamin ka wadaa gobalka Gedo oo laga soo sheegayo abaar baahsan & biyo yari saameeyay dadka iyo duunyada intaba. Horaantii sanadkii tagay ayey aheyd markii ay Dahabshil Group ugu deeqday gaari Ambulance Hyundai casri ah (Zero Mile) kaasoo ka qeybqaatay ololaha gurmadka bukaanadii uu haleelay caabuqa Covid 19 Heerkiisii 1aad ee sanadka 2020.
  10. Allah u naxariistee, waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay xaqiijiyeen ehelada xildhibaanka. Guddoonka, Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha shacabka ayaa iyagu dhankooda ka tacsiyeeyey, waxayna allah uga baryayaan ehelkii Iyo Qaraabadiisii inuu samir iyo imaan kasiiyo, Isaga allah janadii fardowsa ka waraabiyo. Xildhibaanka Maxamuud Boonow waxaa uu sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda amniga gudaha xukuumaddii Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu soo noqday Wasiir dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed. View the full article
  11. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster. Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi. Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska Danjire Kate oo la soo magacaabay bishii Jannaayo ayaa badashay Danjire Ben Fender. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowaan waxaa teendhada Afisyooni ka furmaya shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, oo ay goobjoog ka tahay beesha caalamka, shirkaas oo looga hadlayo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya. Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogeyn kaalinta uu ku yeelan karo shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo aheyd halkii lagu doortay afar sano ka hor. Beesha caalamka ayaa FARMAAJO ku cadaadisay inuu shirka furo islamarkaana soo xiro, balse uu shirka toos uga qeyb gali doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-heynta Maxamed Xuseen Rooble, waana arrin aysan ku qancin qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Farmaajo uu rabo inuu ka cudur daarto ka qeyb galka shirka ka dhacaya teendhada Afisyooni, iyadoo cudur daarka laga dhigayo xanuunka Covid-19, isla markaana uu wakiilan doono Rooble. Iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa jira saddex shardi oo ay soo gudbiyeen Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo laba ka mid ah ay hirgaliyeen beesha caalamka taasoo ah in goob amaan ah loo dooro shirka, sidoo kalana ay beesha caalamka goob joog ka noqoto, marka laga tago intaas waxaa haray qodob xasaasi ah oo madaxweynayaasha ku xireen furitaanka shirka. Qodobka xasaasiga ah wuxuu yahay in madaxweynaha uu qoro warqad uu ku caddeynayo inuu dalka doorasho galaayo, isla markaana la xakameeyo awoodahiisa, waxaa sidoo kale soo raacaya qodobo kale oo laga sugayo inuu saxiixo Farmaajo ka hor shirka. 1. Inuu ogolaado inuusan saameyn ku yeelaneyn doorashada oo loo xil saaro xukuumadda xil heynta iyo ciidamada Booliska oo ay wehlinayaan AMISOM. 2. in guddiyada doorashada si mug leh loo badalo, lagu daro xubno dhex-dhexaad ah oo aan dhinacna raacsaneyn. Beesha caalamka waxey xoogga saari doontaa sidii la isugu keeni lahaa hogaamiyayaasha maamullada iyo dowladda dhexe si ay u saxiixaan heshiis doorasho, loona guda-galo fulinta wixii lagu heshiiyay. In mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ka qeyb galaan shirka ayaan loo arkin wax weyn, taasna waxey u badan tahay in meesha laga saari doono, maadaama Farmaajo aad u diidan yahay. Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya Afisyooni, isla markaana uu rabo inuu Rooble wakiisho. Qof walba wuxuu xasuusanayaa shirkii dhexmaray midowga musharaxiinta iyo Maxamed Xuseen Rooble kaas oo ku dhamaaday fashil, shaki badan ayaana ka jira in Farmaajo ka qeyb galayo shirka lagu balansan yahay iyadoo qaar ka mid ah madaxda maamullada ay doonayaan inuu yimaado iyadoo beesha caalamka goob joog tahay.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane. Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan. Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.
  14. Maamulka gobalka Benaadir ayaa ku Amar ku soo rogay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir ayaa laga soo saaray Amaro looga hortagayo safmarka Corona . Maamulka ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo xanuunka ay bateen maalmihii la soo dhaafay , loona baahan yahay in ay shacabka ka taxadaraan. Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Saalax Carab ayaa sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu soo qaato qalabka looga hortago Xanuunka , ciddi soo qaadan weysaysana la dul dhigayo Ganaax Lacageed. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in laga bilaabo maanta qofkii aan wadan qalabka Afka lagu xirto Face Mask in la ganaaxi doono. Qofka ka soo tago Face Mask ayeey sheegen in laga qaadi doono lacag dhan $5 , ciddii aan bixinna Xabsiga lageyn doono. Source: goobjoog.com
  15. Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada degmada Yaaqshid. Cabdullaahi Shiilow, Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada degmada Yaaqshid ayaa la sheegay in uusan la socon xilliga uu qaraxa dhacay Gaariga . Inta la xaqiijiyay in kabadan 4 qof ayaa ku dhimatay halka tira kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa ka dhacay Yaaqshid. Gaariaga ayaana qaraxa lala eegtay xilli uu mareyay agagaarka Hotel Guuleed ee degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir . Qaraxa ayaana ah midkii labaad oo maanta ka dhaca caasimadda . Source: goobjoog.com
  16. DUBAI, United Arab Emirates Dubai’s airport, the world’s busiest for international travel, can already feel surreal, with its cavernous duty-free stores, artificial palm trees, gleaming terminals, water cascades and near-Arctic levels of air conditioning. Now, the key east-west transit hub is rolling out another addition from the realm of science fiction — an iris-scanner that verifies one’s identity and eliminates the need for any human interaction when entering or leaving the country. It’s the latest artificial intelligence program the United Arab Emirates has launched amid the surging coronavirus pandemic, contact-less technology the government promotes as helping to stem the spread of the virus. But the efforts also have renewed questions about mass surveillance in the federation of seven sheikhdoms, which experts believe has among the highest per capita concentrations of surveillance cameras in the world. Dubai’s airport started offering the program to all passengers last month. On Sunday, travelers stepped up to an iris scanner after checking in, gave it a good look and breezed through passport control within seconds. Gone were the days of paper tickets or unwieldy phone apps. In recent years, airports across the world have accelerated their use of timesaving facial recognition technology to move passengers to their flights. But Dubai’s iris scan improves on the more commonplace automated gates seen elsewhere, authorities said, connecting the iris data to the country’s facial recognition databases so the passenger needs no identifying documents or boarding pass. The unusual partnership between long-haul carrier Emirates, owned by a Dubai sovereign wealth fund, and the Dubai immigration office integrates the data and carries travelers from check-in to boarding in one fell swoop, they added. “The future is coming,” said Major Gen. Obaid Mehayer Bin Suroor, deputy director of the General Directorate of Residency and Foreign Affairs. “Now, all the procedures have become ‘smart,’ around five to six seconds.” But like all facial recognition technology, the program adds to fears of vanishing privacy in the country, which has faced international criticism for targeting journalists and human rights activists. According to Emirates’ biometric privacy statement, the airline links passengers’ faces with other personally identifying data, including passport and flight information, retaining it for “as long as it is reasonably necessary for the purposes for which it was collected.” The agreement offered few details about how the data will be used and stored, beyond saying that while the company didn’t make copies of passengers’ faces, other personal data “can be processed in other Emirates’ systems.” Bin Suroor stressed that Dubai’s immigration office “completely protects” passengers’ personal data so that “no third party can see it.” But without more information about how data will be used or stored, biometric technology raises the possibility of misuse, experts say. “Any kind of surveillance technology raises red flags, regardless of what kind of country it’s in,” said Jonathan Frankle, a doctoral student in artificial intelligence at the Massachusetts Institute of Technology. ”But in a democratic country, if the surveillance technology is used transparently, at least there’s an opportunity to have a public conversation about it.” Iris scans, requiring people to stare into a camera as though they’re offering a fingerprint, have become more widespread worldwide in recent years as questions have arisen over the accuracy of facial recognition technology. Iris biometrics are considered more reliable than surveillance cameras that scan people’s faces from a distance without their knowledge or consent. Despite concerns about overzealous surveillance in the UAE, the country’s vast facial recognition network only shows signs of expanding. Last month, Prime Minister Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, who also serves as Dubai’s ruler, announced the country would begin trials of new facial recognition technology to cut down on paperwork in “some private sector services,” without elaborating. During the pandemic, the skyscrapper-studded city of Dubai has advanced an array of technological tools to fight the virus in malls and on streets, including disinfectant foggers, thermal cameras and face scans that check for masks and take temperatures. The programs similarly use cameras that can record and upload people’s data, potentially feeding the information into the city-state’s wider biometric databases. Japan today Qaran News
  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Ethiopia ayaa iska diiday soo-jeedin ka timid dalka Sudan, midaasi oo la xiriirtay xiisada adag ee biyaha wabiga Nile oo sanadihii dambe isku hayaan labadaas dowladood iyo Masar. Sudan ayaa soo jeedisay in arrinta biyaha wabiga Nile ay ka wada xaajoodaan afarta dhinac ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalwadda Maraykanka, si xal looga gaaro xiisada muddada dheer ka dhex aloosneyd saddexda dal. Diidmada Ethiopia ayaa imaneysa xilli saddexda dal ee arrintan isku haya oo kala ah Ethiopia, Masar iyo Sudan ay ku guuleysan la’yihiin inay xal ka gaaraan muranka ka dhashay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile. Soo-jeedinta Sudan ayaa waxa taageertay dowladda Masar oo xiisadaas kala dhaxeyso Itoobiya, waxayna u aragtaa mid da-dajin karta xal ka gaarista xiisada wabiga Nile oo ka dhalatay biyo-xireenka Itoobiya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa warbaahinta u sheegay in diidmada dowladiisa ee la xiriirta hindisaha Sudan gaarsiiyeen wafdiga dowladda Kongo, wuxuuna sheegay inay weli ku adkeysaneyso xukuumadiisu in dhex-dhexaadiyaha muranka wabiga uu keliya ahaado Midowga Afrika. Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhowr jeer bur-bureen wada-hadalo u dhaxeeyay saddexda dowladeed ee ku muransan biyaha wabiga Nile, kuwaasi oo fashil kusoo afmeeray kadib markii dhinacyada is-diidan ay heshiis wada gaari waayeen. Horaantii sanadkan cusub ayaa waxa heshiis cusub wada gaaray dalalka Masar iyo Sudan, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan. Sudan iyo Masar ayaa isku mowqif ka ah xiisada wabiga, ayaga oo culeys saaraya dowladda Itoobiya oo xiligan ay ku furan yihiin dagaalo gudaheeda, mana cada halka ay ku dambeyn doonaan wada-hadalada saddex-geesoodka ah.
  18. Xoghayaha wasaaradda difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa oggolaaday codsi uga yimid booliska Capitol Hill kaas oo ku aadan in la kordhiyo ilaalada xarunta Congress-ka bisha May. saraakiisha difaaca ayaa sheegay Talaadadii, in loo baahan yahay ciidama dheeri ah si looga hortago khatar waliba oo dhici karta . “Tani waxay ka dhigan tahay dhimista ku dhowaad 50 boqolkiiba xoogagga taageerada hadda jira,” ayuu yiri Kirby. “Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si qoto dheer loo eegay codsiga iyo ka dib markii si dhow loo tixgeliyay saameynta ay ku yeelan karto diyaargarowga.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ciidamada Mareykanka ayaa aad u sii adkeeyay kadib Ammanka hareeraha Capitol tan markii ay rabshado ka geeysteen taagerayaasha Trump Jan. 6. Maalintii Calema saarka Madaxweyne Biden ayeey aheyd markii Capitol Hill la geeyay 26,000 Askar ah, kuwaas oo sugayey ammaanka Caleema saarka. Kirby wuxuu sheegay in saraakiisha difaaca ay la shaqeyn doonaan booliska Capitol maalmaha soo socda inta ay xaaladuhu ka dagayaan . “Waxaan uga mahadcelineynaa Ciidanka Qaranka taageeradooda intii ay howlgalkaan socdeen, iyo sidoo kale dadaalada muuqda ee ay ka wadaan guud ahaan dalka ee lagula dagaallamayo cudurka COVID-19 ee faafa,” ayuu yiri Kirby Afhayeen u hadlay ilaalada qaranka ee DC, Capt. Tinashe T. Machona, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray talaadadii ka dib markii Kirby uu ku dhawaaqay in ilaalada qaranka ee DC “ay sii wadi doonaan la shaqeynta la-hawlgalayaasha hay’ada sharci fulinta rayidka ah” . Booliska Capitol ayaa codsaday kordhinta usbuucii la soo dhaafay, iyagoon si cad u sheegin inta ay noqon doonto. Hay’addu toddobaadyadii la soo dhaafay waxay raadineysay inay sii waddo ka qeyb qaadashada Ilaalada Qaranka, iyadoo tixraaceysa khataraha amni ee joogtada ah ee Golaha. Ciidanka ilaalada ayaa waxay ka kooban yihiin ilaa 1,100 ka mid ah ilaalada D.C. ee qiyaastii 2,700 xubnood, oo lagu daray ciidamo ilaalo ah oo ay soo direen gudoomiyeyaasha si ay uga caawiyaan Degmada. Dhammaan xubnaha ilaalada waxay hoos yimaadaan taliska Maj. Gen. William Walker, madaxa D.C. National Guard, inta ay ka qayb qaadanayaan howlgalka. Toddobaadkii la soo dhaafay, Sen. James M. Inhofe (Okla.), Oo ah sarkaal ka tirsan Jamhuuriga ee Guddiga Adeegyada Hubka ee Senate-ka, ayaa ugu yeeray codsiga Booliska Capitol ee kordhinta “wax laga xumaado.” “Taasi ma ahan wixii ay ahayd inay noqdaan. Taasi maahan hadafkooda, ”ayuu yiri Inhofe. Doodda ayaa timid iyadoo sharci-dajiyayaasha iyo saraakiisha amniga ay la legdamayaan sida caasimadda dalka looga dhigi lahaa meel ka ammaan badan rabshadaha mustaqbalka. WQ/ Abdirahman Sabriye Source: goobjoog.com
  19. Hal Ruux oo Habeenimadii xalay ku dhintay Ceel-biyood ku yaalla Dhaamka Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa. Hargeysa Alle haw naxariistee waxaa habeenimadii xalay ceel biyood ku dhintay Nin, ceelkan ayaa ku yaalla dhaamka Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa. Habeenimadii xalay Abaaro 1:15 ayaa Ciidanka Dabdemisku ka hawlgaleen, waxaana ciidanku Maydkii ka soo saareen Ceelka. Sababta Ninkani ugu dhintay ceelka waxaa gacanta ku haya baadhista kiiskaas ciidamada Booliska. Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada Somaliland ku wacyigelinayaa inay ka digtoonaadaan kana taxadaraan goobaha Godadka iyo ceelasha, waxay keeni karaan halis Nafeed iyo mid hantiyeedba.sidoo kale bulshadu ka taxadaraan ku shaqaynta wehel laan goobaha Godadka iyo Ceelasha. Xafiiska warbaahinta CDQ Hargeysa/ Somaliland Info@somalilandfire.com Qaran News
  20. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyey Guddoomiyaha ahna duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa shaqadii lagaga joojiyey guddoomiye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Waxaana lagu sheegay inuu shaqada sii wadayo guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee degmadda Boosaaso. Hoos ka akhriso: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka March 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Eedaymaha la xidhiidha ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso Markuu arkay: Tallo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. 2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso. 3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baadhis dhammeystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay. Source