-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka Weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale & Cumar Dheere oo dhamaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka uu ahaa goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howl-galkaasi ay ku soo qab-qabteen illaa 18 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka aasida qaraxyada miinooyinka. Ugu dambeyn saraakiisha ka warbixiyey howl-galka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/Hoose ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya deegaanadaas gobolkaasi oo ay howl-gallo ka wadaan ciidanka huwanta.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa la filayaa inay mar kale maalinta Jimcaha kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, xilli weli dalka uu ka jiro muran la xiriira arrimaha doorashada. Fadhiga Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo badan, balse arrimaha Soomaaliya marka ay tahay si gaar ah ayaa loo dul istaagi doonaa oo loo qiimeyn doonaa, balse arrimaha kale ee laga hadli doono waxaa ka id ah arrimo ku saabsan Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique. Sida lagu shaaciyay wargeyska Foreign Policy, waxaa klanka lagu dhageysan doonaa xaaladahii laga diiwaan galiyay arrimaha Soomaaliya, ayada oo QM ay cadaadineyso in dhinacyada Soomaaliya ay gaaraan heshiis doorasho. James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka ku faah-faahin doona arrimo badan oo uu ka diyaariyay waxyaabahii ka dhacay Soomaaliya dhanka amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale ka hadli doonaa arrimaha doorashooyinka oo uu gacanta kula jiro. Fadhigii ugu dambeeyay ee golaha ammaanka uu ka yeesho arrimaha Soomaaliya waxey aheyd 22-kii February, sidaas darteed wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii la diiwaangaliyay ee ku xeeran xaaladda soomaaliya ayaa la dhordhigi doonaa guddiga. Si kastaba Beesha caalamka waxey ka shaqeyneysaa sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda kala guurka iyadoo James Swan uu si gaar ah ugu shaqeynayo inuu isku soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si ay u dhameytiraan heshiisyadii horay loo gaaray
-
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga, oo ay Boosaaso ku yeesheen Golaha xukuumadda Puntland. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in kulankaas looga hadlay dardar gelinta Hawlgallada Amni ee ka socda Gobolka Bari, oo meel wanaagsan maraya. Madaxtooyadu waxay sheegtay in Ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana dowlad iyo shacab loo guntaday sidii Argagixisada looga sifayn lahaa guud ahaan Puntland. “Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka hadashay Gulufka ka socda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi+Nooca xanuunku u geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in uu maalmihii dambe la xanuunsanaa cudurka Covid-19. Kumuu ahaa Cali Mahdi? Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar. 1991-kii ayuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii Soomaaliya Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan. Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno “afar biloodle” oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid. Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas. Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo go’aankaas aysiyaasiyiinta qaar kasoo hor jeedeen. Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga. Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre. Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay. Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aan loo baahneyn “in dagaal dib loogu laabto”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay geerida Allaha u naxariistee madaxweynihii Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu horeyn tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda, si loo muujiyo murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso ‘dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.’ Madaxweynaha ayaa ugu sambeyntii yiri, “Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.” Dhanka kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, kaas oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxayna kala yihiin xubnaha guddigaas. 1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye 2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen 3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin 4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin 6. Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), Xubin 7. Durraan Axmed Faarax, Xubin 8. Cumar Cali Rooble, Xubin 9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin 10. Xil. Maxamed Axmed Abtidoon, Xubin 11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin. Hoos ka Daawo MW Farmaajo
-
Mogadishu (PP News Desk) — Ali Mahdi Mohamed, a former Interim President of Somalia and one-time hotelier, has passed away in a Nairobi hospital. The cause of the death was Covid-19. United Somali Congress installed Ali Mahdi as an Interim President in 1991, shortly after the overthrow of the military regime led by Mohammed Siad Barre. He was a member of the USC Central Committee. Although his political clout waned Ali Mahdi Mohammed was critical of the incumbent Federal Government of Somalia. Born in 1938, Mahdi was a key signatory of the historic 1990 Manifesto that called for Siyad Barre to relinquish power. General Mohammed Farah Aidid, a leader of USC military wing, had objected to the nomination of Ali Mahdi as an Interim President in July 1991 in Djibouti where reconciliation conference was held for representatives of Somalia’s armed opposition organisations. The election of General Aidid as the Chairman of United Somali Congress at Guled Hotel in Mogadishu intensified the power struggle that had culminated in a three-month battles in Mogadishu between forces loyal to General Aidid and President Mahdi. General Aidid (left) and Ali Mahdi hailing their 1993 meeting in Mogadishu organised by the United Nations. In January 1992 the United Nations brokered talks in New York between representatives from the two warring USC factions. In 1993 in Mogadishu the UN organised a meeting between Ali Mahdi and General Aidid. After the death of General Aidid in 1996, Ali Mahdi’s political clout in the then divided capital of Somalia waned. In 2007 he chaired a reconciliation conference organised by the former Transitional Federal Government of Somalia. He did not sit on the sidelines in Somali politics. From time to time he commented on the electoral deadlock. Politically, Ali Mahdi viewed the federal system as divisive and cumbersome. The President of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed and Prime Minister Mohammed Hussein Roble have sent a message of condolence to the family of the former Somali leader. “The Somali flag will fly at half-mast for three days” said President Mohammed in a televised statement. © Puntland Post, 2021 The post Former Interim President of Somalia Passes Away in Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed shalay galab ku geeriyooday dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin; 1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye 2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen 3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin 4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin 6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin 7. Durraan Axmed Faarax, Xubin 8. Cumar Cali Rooble, Xubin 9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin 10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin 11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeyay marxuun Cali Mahdi appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia - At least one person was killed and three others wounded in a bomb blast targeting a COVID-19 pandemic awareness team in the Somali capital Mogadishu, local media reported. Source: Hiiraan Online
-
The UN top envoy in Somalia on Tuesday condemned a mortar attack on an international airport in Mogadishu which injured an unknown number of people. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Saxaafadu ku dhaliidhay inuu ka aamusay inuu tacsi u diro Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Dalka Cali Mahdi oo Makhribkii maanta ku geeriyooday Dalka Kenya ayaa aakhirkii soo duubay cajilad tacsi ah Oo caawa saqdhexe lasoo dhigay Baraha Bulshada Abaarihii 23:38, Shan saac kadib Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka. Waakan Twitter The post Madaxweyne Farmaajo oo tacsiyeeyey 23:39 Sacada Muqdisho isagoo isticmaalay Baraha bulshada appeared first on . Source
-
Sida ay Puntlandi.com ay kasii xigteen Ehelka Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed, waxaa la qorsheynayaa in beri oo Khamiista la soo qaado Marxuumka loogasoo qaado Muqdisho. Diyaarad Khaasa ayaa Soo qaadeysa Marxuumka waxaana la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho in kastoo aysan Qoyskiisa wali go’aankaan halka lagu aasayo. Illaahay ha u naxariisto Marxuumka, Samirna hakasiiyo Qoyskiisa iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Puntlandi.com Nairobi The post Deg Deg Diyaarad khaasa oo beri soo qaadeysa Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya appeared first on . Source
-
Madaxweyne Farmaajo wali ma tacsiyayn, Dube-na ma dhawaaqin
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ilaa iyo hada kama uusan tacsiyayn Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Alla ha u raxmee Cali Mahdi Maxamed io Caawa ku geeriyooday Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweyne Farmaajo Waxaa hubaal ah in hadii Gabar yar Ay ku dhawacanto Adis Ababa caawa inuu Daqiiqado gudohood uu tacsi ugu diri lahaa Raysal wasaare Abiye Laakiin Madaxweynuhu wuxuu caawa garan waayay inuu kala saaro Dagaal Siyaasadeedka iyo Waajibaadka Qaran ee Saaran Masuulka kolkaas degan Villa Soomaaliya. Waxaase aan sugnaabaa inuu caawa saqda Dhexe kolka Diiqu uu ciyo in la maqli doono Dhawaaqa Wasiir Dube iyo Tacsida Villa Soomaaliya , too late too little, The post Madaxweyne Farmaajo wali ma tacsiyayn, Dube-na ma dhawaaqin appeared first on . Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho. Qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay ka wadahadleen sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay. “Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kulankaan uu Axmed Madoobe la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka waxaa ka horeeyey kulan kale oo uu isla maanta la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dhammaan kulamadaas lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladan. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa hooyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana qoraal uu xafiiska Axmed Madoobe ka soo saaray kulankaas lagu yiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas berlanga. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo saamilayda Siyaasada dalka.” Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1032021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo katirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay.” Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Baydhaba ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow. Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi. Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii. Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya
-
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa caawa ku geeriyooday Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay Soomaaliya ee ku meelgaar ah burburkii kadib. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo u liitay maalmihii la soo dhafaay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne hore Cali Mahdi. Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii 1938. Wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, 1959 ayuu dalka Masar u aaday waxbarasho. Sanadkii 1969 ayuu isagoo aad u da’yar ka mid noqday Baarlamaankii Soomaaliya. Cali Mahdi wuxuu muddo ka shaqeynayay wasaaradii caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna noqday Agaasime guud. Sanadki 1977 ayuu Cali Mahdi ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey 1977 iyo 1990 wuxuu ahaa ganacsade caana. Siddeetamaadkii Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre. Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha KMG ah Soomaaliya. 1991 wuxuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, wuxuuna xilkaas ku magacownaa tan iyo Jun 1995. Cali Mahdi mudadii uu madaxweynaha ahaa waxaa dagaalo lagu huubtay ay dhexmareen isaga iyo Gen. Maxamed Faarax Ceydiid oo rabay in uu xilka xoog uga qaado. Cali Mahdi wuxuu xilkii ku madaxweyne ku wareejiyey shirkii Soomaalida Carta ee 2000. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Former Somali president, Ali Mahdi Mohumad has died of Covid-19 in Nairobi, the capital city of Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynahii 4-aad ee Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyoodey Nairobi. Taariikhdiisa oo kooban! Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Jowhar 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade. Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre. Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991. Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen. Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya. 2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhambaal tacsiya u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Eheladii Marxuum Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Galabta geeriyoodey. Madaxweynaha Puntland isagoo ku hadlaya Magiciisa iyo kan Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka tacsiyaynayaa Geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. “Wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed, Wuxuu Nabadoon Soomaaliyeed , Wuxuu kaalin mugweyn kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, Waxaa lagu xasuusanayaa taariikhdiisa uu iga tagay Shacabka Soomaaliyeed, maalmihii u dambeysay Gurigiisa wuxuu ahaa mid ay taalay Gogol badan oo Dalka Xal loogu raadinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ka tiiraanyeysan Geerida Marxuumka ayuu tacsi u diray Qoyskii, Ehelkii iyo Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi. Wuxuuna Marxuumka Illaahay uga baryayaa Inuu ka waraabiyo Janadii Fardowsa, Aaaamiiin Aaaaamiiin aaaaamiiin The post Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi appeared first on . Source
-
Illaahay ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Galabta geeriyoodey, Isaga ok 81 jir ah, Ehelada Madaxweynaha ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey. Illaahay ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi ayaa maalmahaan xanuunsanaa, wuxuuna maanta ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho. Dhamaan Howlwadeenada iyo Maamulka Warbaahinta Puntlandi.com waxay Tacsida la wadaagayaan Caruurtii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Dhacabka Soomaaliyeed, Marxuumkana Waxaan Illaahay uga baryaynaa Jano waarta. Aaaaamiiin Aaaaaamiiin The post Deg Deg Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo geeriyoodey appeared first on . Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale xaqiijiyeen. Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada, oo uu cisbital ku jiray. Source
-
Allaah u naxariisto waxaa goordhaw magaalada Niarobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahadi Maxamed . AUN madaxweynaha ayaa muddooyinkii u danbeysay ku xanuunsanayay dalkaas. Cali Mahadi Maxamed ayaa dhashay 1 January 1939 . Madaxweyne Cali ayaa 26 January 1991 loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya kadib markii uu dalka ka tagay Maxamed Siyaad Barre . Waxa uu sidoo kale December 1997 uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxiixday Heshiiskii Qaahira . Cali Mahadi ayaa ahaa rug caddaa Siyaasadeed iyo Oday dhaqan. Source: goobjoog.com
