Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war kasoo saartay imaatinka Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Muqdisho iyo goobta loo asteeyay inuu ku dago, xili uu dhawaan maamulkiisu uu walaac xoogan ka muujiyey amaanka magaalada Muqdisho. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta galinka dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayada oo ay soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka doorashada uu muranka ka taagan yahay ayaa waxa uu degi doona xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Telefishanka Jubaland. Waxaa amnigiisa sugi doona ciidamada AMISOM iyo ciidan kamid ah kuwa ilaaladiisa gaar ah oo saaka diyaarad qaas ah kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, sida lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo, kadib markii uu sheegay inuusan isku haleyn karin dowladda federaalka.. Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8-February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan. Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda iyo xuno ka mid ah midowga musharixiinta. Wafdigaan uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa kasoo horeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, wuxuuna qeyb ka dagi doonaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida la sheegay. Inkastoo imaatinka madaxweynaha saacado ka hor la duqeeyay xerada Xalane, hadana sidii la filayay wuu yimiad Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo saxiixayaasha heshiiska doorashada. Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.
  3. Warbixin Gaar ah Muqdisho (Wararka PP) — Waxaa foodda nagu soo haya dhegeysiga dacwadda muran badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sababtee ayay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamigu u dhexdhexaadinaysaa laba dal oo muran badeed uusan dhex oollin ka hor 2014tii, shan sano kaddib Heshiiskii Isafgarad dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya? Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyihii hore ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in Kenya 2005tii xadaysay badda, oo ay shirkado siisay heshiis badda lagaga baarayo shidaal, iyo in Statoil, oo Norway laga leeyahay, ay ka mid tahay shirkadaha heshiiska shidaal baaris la galay Kenya. Warqad diidmo ah oo ay dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga waxay ku xigatay xeeldheerayaal sharci oo Soomaali ah oo difaacaya Heshiiska Isafgarad (Memorandum of Understanding), waxayna u kala qaybisay dadka Soomaalida ah diiddan Heshiiska Isafgarad laba kooxood: Al-shabaab iyo Soomaaali “u nuglaatay dacaayad ka dhan ah Heshiiska Isafgarad”. Reer Ba’ow Yaa Ku Leh? Burburka Soomaaliya ayaa keenay in dalal kale ay Soomaaliya baddeeda soo haweystaan, ayuu Axmed Cali Daahir sheegay. Wuxuu Heshiiska Isafgarad ku tilmaamay mid wax lagaga qabanayo muran ka dhashay go’aan Kenya keligeed ugu xadaysay badda 2005tii. Axmed Cali Daahir marnaba muu xusin dalka xadgudubka sameeyay. Muxuu Xeer Ilaaliyihii hore oo mar Wakiil Soomaaliya u xilsaartay dacwadda badda ahaa, uga gaabsaday inuu sheego in Soomaaliya laga gardaran yahay? Hadalka Axmed Cali Daahir wuxuu taageeray xog Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke 2016kii Garoowe ka sheegay oo ah “in Noway ay qortay Heshiiska Isafgarad ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen.” Norway waxay u danaynaysay shirkaddeeda Statoil, oo heshay xaq ay shidaal kaga baarto dhul badeed Soomaaliya ay leedahay oo Kenya ay boobtay. Kenya way erisay Statoil dhowr sano kaddib saxiixistii Heshiiska Afgarad Soomaaliya lagu siray. Statoil way diidday inay sahan ku samayso boloogga L26 ka mid ah dhul badeed Kenya sheegatay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ( bidix), Shariif Sheekh Axmed (dhexda) iyo Cumar Cabdirashiid (ugu geeseeya, midig) waxay fududeeyeen in Kenya sheegato bad Soomaaliyeed kaddib Heshiiskii Isafgarad ee 2009kii. Axmed Cali Daahir wuxuu buriyay doodda Cumar Cabdirashiid in “Heshiiska Isafgarad ku saabsanaa Soomaaliya oo doonaysay inay fidsato badda, oo hadda ah 200 oo mayl badeed.” Ra’iisal Wasaare Cumar wuxuu sheegay in Soomaaliya ka baxday Heshiiska Isafgarad kaddib markii Kenya ay“ si xun u adeegsatay Heshiiska Isafgarad.” Axmed Cali Daadir wuu ka warwareegay xusidda in Kenya sheegatay bad Soomaaliyeed inkastuu Soomaaliya mar ugu xilsaarnaa ka qeybgalka dacwadda muran badeedka oo ay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamigu qaadayso. Heshiiska Isafgagard waxaa ku qoran in Soomaaliya iyo Kenya isku maandhaafsan yihiin dhul badeedka dhaafsiisan 200 mayl badeed iyo meelo kale. Dowladihii Soomaaliyeed kala dambeeyay may caddaynin dhul badeedka Kenya nagu sheeganayso. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu 2016kii ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur inay badda Soomaaliyeed ku rideen gacanta Kenya. Ku Qabso, Ku Qadi Maysid Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa 2006dii ku gacan-sayray dalab Kenya ku doonaysay inay la gasho Soomaaliya Heshiis Isafgarad ku saabsan badda. Buubaa wuu diiday in muran badeed uu Soomaaliya kala dhexeeyo Kenya. “Badda Soomaaliya xadkeedu wuu cad yahay” ayuu Buubaa ku yiri farriin uu diblomaasi Soomaaliyeed u gudbiyay Kenya. Sidee Soomaaliya bad u fidsan kartay 2009kii xilli Al-shabaab ka talinaysay seddex meelood laba meel (2/3) Muqdisho? Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuu diiday inuu ka hadlo heshiiska. “Ra’iisal Wasaariihii dowladda [Cumar Cabdirashiid] iyo Wasiirkii saxiixay [Cabdiraxmaan Cabdishakuur] ayaa jooga” ayuu wariye u sheegay. Waa dhab in Kenya ka faa’iideysatay burburka Soomaaliya oo ay ka dhaadhicisay madax Soomaaliyeed in sheegashada Kenya xaq tahay. Ilaa hadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uun baa sheegay in Kenya si xun u adeegsatay Heshiiskii Isafgarad, isaga oo, sida cad, eedda ka leexinaya dowladda uu Ra’iisal Wasaaraha u ahaa oo si indho la’aan ah dhul badeed Soomaaliyeed kaga dhigtay “dhul badeed lagu muransan yahay”. Cumar Cabdirashiid, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur way og yihiin in dareenka qarannimo ee Soomaalidu ka taagdaran yahay dareenka heyb beeleedka. Waa sababta ay weli ugu jiraan siyaasadda Soomaaliya oo weli han hoggaamineed u leeyihiin. Kenya waxay maxkamadda la tagtay doodda ah “Soomaaliya ayaa 2009kii qirtay in muran badeed uu labada dal u dhexeeyo.” Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu dhaxlay dal dhulkiisa barriga iyo badduba aysan muran ku jirin. Go’aan 2009kii Villa Somalia ka soo baxay ayaa ma’suul ka ah in Kenya sheegato dhul badeed ay Soomaaliya leedahay. Weli Soomaaliya way u nugushahay siyaasiyiin dibindaabyo qaran ku kici kara xitaa haddii Soomaaliya ku guuleysato dacwadda badda. © Puntland Post, 2021 The post Sababta Kenya u Sheeganayso Bad Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa goordhow ilaa afar hoobiye ay ku dhaceen xerada Xalane ee saldhigga u ah hey’adaha shisheeye. Xerada ayaa isku diyaarineysa iney marti geliso Shirka madaxa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war Murtiyeedka guddiga Farsamada ee Baydhabo 15-16 bishii Hore Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Muqdisho)-Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin khasaaraha ka dhashay. Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhawaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka soo qeybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo Source
  6. Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xalane oo ah Bogcada Safaaradaha & Hayadaha Caalamku ka degan yihiin Muqdisho War goordhow warbaahintu heshay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah. Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa warbaahinta u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Qaran News
  7. Ugu yaraan illaa 25 ka mid ah Al-Shabaab ayaa la dilay, 15 kalena adhaawacyo ayaa soo gaaray kadib duqeyn lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobollada Shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha Xoogga dalka. Sarreeyo Guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-gal saacado qaatay lagu dilay sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howl-galadan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya. View the full article
  8. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku guddoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubbaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool. Shirka waxaa madaxweynaha kala qeyb galay guddi gaar ah oo loo magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha. Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala guddaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka dowladda Jubbaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubbaland ay ka kooban tahay. View the full article
  9. Xili maalinta Beri ah lagu wado inuu furmo Shirka Wadatashiga Madaxda Soomaaliya ayaa maanta la weeraray Xerada Xalane oo hooy u ah Beesha Caalamka. Dad ku sugan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in uhu yaraan 7 Madfac ay ku dheceen Xalane. Lhasaaraha ka dhashay weerarka lama dhaacin ilaa hada , Ciidamada Amisom oo gacanta ku haya Amaanka Xalane iyaguna wali kama hadal weerarkaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking — Xerada Xalane oo Hoobiyayaal lagu garaacay appeared first on . Source
  10. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu galabka soo gaaro caasimadda Muqdisho Waxaa saaka diyaar gaar ah ku yimid ilaalada Madoobe oo aad ugu labisnaa hub, waxaa ayna taasi sii xoojisay sida aaney ugu kalaooneyn amniga Villa Somalia. Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy. Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo. Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka. Source: goobjoog.com
  11. Weerar culus oo hoobiyaal ah ayaa goor dhowayd lagu garaacay Xerada Xalane, oo qayb ka ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan, in ilaa lix hoobiye lagu duqeeyay Xarunta Xalane, inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas. Xarunta Xalane oo si weyn Amnigeeda loo ilaaliyo, islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Reer Galbeedka, waxaa marar kala duwan lagu weeraray madaafiic hoobiyaal ah, kuwaas oo Al-sahbaab sheegteen. Waxaase xusid mudan in weerarka aysan weli cidna sheegan . PUNTLAND POST The post Madaafiic hoobiyaal ah oo lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-932021.mp3 View the full article
  13. MOGADISHU (HOL) - Journalists in Somalia have called for their inclusion in the first phase of COVID-19 vaccinations since they serve as frontline workers. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah. Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Naga filo faah-faahin dhowaan, Inshga Allah.
  15. Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biirtay ciidamada cirka ee Itoobiya Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay. Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan. Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen. Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan ayaa BBC u sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada. Qaran News
  16. Nin Soomaali ah oo uu ku nool waddooyinka Faransiiska+Sababta ku keliftay? Nin Soomaali ah oo ku nool dalka Faransiiska ayay danta ku khasabtay in uu ku noolaado waddooyinka dalkaas kadib markii labo dal ka tirsan Yurub ay u diideen inay magangelyo siiyaan, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka Turkiga ee Anadolu. Axmed Maxamed ayaa Anadolu u sheegay in Faransiiska uu diiday in magangelyo uu siiyo kadib markii 2 sano uu sugayay codsi uu dirsaday isla markaana waxaa xoog looga saaray xarun la geeyo dadka magangelyada la siiyo. Wuxuu sheegay in Belgium ay meesha ka saartay codsi uu uga raadinayay magengelyo, muddo 11 bilood ah ayuu ku sugnaa xeryo ciriiri ah oo ay ku sugan yihiin dad muhaajiriin ah. Wuxuu intaas ku daray in kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda racfaanka balse mar kale loo diiday in magangelyo la siiyo, sanadkii 2017-kii ayuu dib ugu soo laabtay Faransiiska. “Waxaan ku suganahay xaalad daran, waxay iiga tageen in aan ku noolaado waddooyinka xilliggan uu dunida saameeyay cudurka safmarka ah, nolosheyda halis ayay ku jirtaa, dib ugama laaban karo dalkeyga” ayuu yiri Maxamed oo u warramayay wakaaladda wararka ee Anadolu. Qaran News
  17. Gudiga gurmadka abaaraha Degmada Baladxaawo Ee Gobalka Gedo ayaa bilaabay biya dhaamin loogu gurmanayo dadka xool dhaqatada ah ee ay abaarta saamaysay. Iyadoo inta badan Gobalka Gedo ay ka jirto abaar baahsan taasi oo saamaysay dadka iyo duunyada ayaa waxaa maanta gudiga gurmadka abaaraha degmada Baladxaawo ay 17 booyadoodoo oo biya dhaamin waxa ay ka amba bixiyeen degmada Baladxaawo si loo bad baadiyo dadka iyo duunyada kudhaqan deegaanada miiga ee gobolka gedo kuwaasi oo kujiro xaalad bini aadan nimo. Gudiga ayaana ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dadka muxsiniinta in ay usoo gurmadaan dadka reer guuraaga ah oo u dhimanayo haraad iyo gaajo kuwaasi oo u baahan gar gaar bini aadan nimo. View the full article
  18. Qaar ka mid ah deeganada Hoostaga magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa laga soo warinaya in ay ka jirto Abaar aad u daran . illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Seddax ruux oo isugu jira carruur iyo dad da’ah ayaa Haraad iyo baahi ugu dhintay deegaan hoos taga degmada Raage ceelle . Laba carruur ah oo mid ka mid ah uu yahay 7 jir , halka midka kale uu jir 13 sano iyo qof da’ah ayaa la xaqiijiyay in ay 48 saac ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen deegaana hoostaga Raaage Ceelle Xasan Weli oo ka mid ah dadka deegaanka Raage ceelle ayaa GoobJoog uga waramay xaaladda deegaanka isagoo sheegay in xaalad Bini’aadanimo ay ka jirto deegaanka Raage Ceelle iyo deegaanada . Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xassan Weeli https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2021/03/wareysi-dad-ku-dhintay-raage-ceelle-.mp3 Source: goobjoog.com
  19. Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu iskasoo hor mariyey ilaaladiisa Gaarka ah, iyaguna Muqdishuu kusoo wajahan yahay, si uu kulamo hordhac ah ula qaato Mudharixiinta amadaxwwynaha Soomaaliya. Shirka Wadatashiga Doorashada ee beri ka furmaya Muqdisho wuuu ka duwan yahay Kuwii hore, Kolkaan waxaa goobjoog ahaanaya oo markhaati ahaan u joogi doona Xubno ka socda Beesha Caalamka , waxaana sidaas dalbadey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa hada la diyaariyey Teendhadii lagu shiri lahaa, Ee Sawirada hooos ka daawo The post Sawiro Ciidamada Jubbaland oo gaaray Muqdisho iyo Goobta Shirku ka dhacayo appeared first on . Source
  20. MOGADISHU (HOL) - The sixth round of electoral talks in Somalia are is set to commence Wednesday following the expected arrival of Jubbaland and Puntland presidents in Mogadishu today. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gelinka danbe maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si uu uga qayb galo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho. Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynw Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy. Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo. Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.