-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ka billowday howlgal ay sameynayaan ciidan ka tirsan kuwa ammaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ciidanka ayaa xiliyada habeenkii ah meel barxad ah isugu keena dhalinyarada qaar kadibna waxay weydiiyaan su’aal ah “yaa doonaya in uu kamid noqdo ciidanka qaranka, ama isagoo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa wata nala shaqeynaya?” Ciidanka ayaa reebta ama xira dhallinyarada diida in ay la shaqeeyaan dowladda iyagoo weydiiya sababta kadibna ku sameeya baaritaan kale oo dheeri ah. Degmada Shibis oo kamid ah degmooyinkaas ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay waxaa su’aalahaas la weydiinayay dadka salaada ku tukada masaajida degmada, waxaana la xiray tobanaan qof oo dhalinyarada xaafada ah, kuwaas oo sheegay in aysan diyaar u aheyn la shaqeynta ciidanka iyo kamid noqoshada dowladda. Arrintaan ayaa loo arkaa qorsho cusub oo cabsi weyn ku abuuraya dhalinyarada xaafada maadaama ay wajahayaan cadaadis badan oo ay kala kulmayaan ciidanka amniga ee dowladda Soomaaliya. “Habeen kasta markii aan ka baxno masjidka oo aan Tukano Salaada Cishaha waxaa noo yimaada dhallinyaro bastoolado wata waxeyna noo sheegaan in aan kamid noqon doono ciidanka amniga tababar naloo qaadi doono, ama in aan la shaqeyno iyaga, qofkii maya dhaho waa la xiraa, haddii aad haa dhahdana waa halis kale,” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyarada degmada Shibis oo la hadlay Caasimada Online. Wali mas’uuliyiinta amniga ma faah faahin waxay ka ogyihiin arrintaan oo ay dhalinyaradu ka muujiyeen qeylo dhaan badan. Degmada Shibis waa halka ugu daran oo ay ka jiraan baaritaanadaan. Qaar kamid ah dhalinyarada degmadaaa iyo degmooyin kale ayaa hada u xiran diidmo ay sameeyeen waxaana laga cabsi qabaa in uu sii socdo howlgalkaan.
-
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayaa sheegtay in xalay dekedda Boosaaso ay soo gaartay doonni sidday Qaxooti Yemeniyiin iyo Soomaali ah oo ka yimid waddanka Yemen. Qaxootiga oo ka kooban 75 Qoys ayaa ka soo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen, sida ay sheegtay Wasaaradda. Qoysaskaas oo u badnaa haween iyo carruur waxa soo dhowayn loogu sameeyay xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland waxay sheegtay in doonnidaas ay tahay tii labaad oo todobaadkan gudihiisa Qaxooti ka keentay dalka Yemen ee colaaddu ragaadisay. PUNTLAND POST The post Qaxooti ka soo cararay dalka Yemen oo xalay soo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga soo dejiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Gor-Gor oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaas oo diyaarad militeri ay ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale isla shalay ayaa boqolaal kale oo askari laga dhoofiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo tababarka Gor Gor ku soo qaadan doona dalka Turkiga, waana ururkii 7-aad, sida lagu shaaciyey qoraal ay baahisay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Ismaaciil Daahir Cusmaan oo horay u soo noqday Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa waareysi uu siiyey VOA waxa uu uga warbixiyey goorta la bilaabay tababarka ciidankan Gor Gor, hanaanka lagu soo xulo iyo waxa ay kaga duwanyihiin ciidamada ay dowladaha kale u tababaraan Soomaaliya. Ismaaciil waxa uu sheegay in heshiiska lagu tababaro ciidanka Gor Gor ay gashay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanadkii 2018-kii. “Xilligaas shir ka dhacay magaalada London waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya loo dhiso ciidan 18-kun ah oo militeri ah, kaas oo dowlad goboleed kasta laga soo xulayo 3,000. Halkii mar waxaa la diraayey 300 oo askari oo ah hal urur, ciidanka waxaa laga soo xulaa deegaanada shanta maamul goboleed ee dowladda federaalka hoos yimaada,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir. Waxuu intaas ku sii daray “Tirada lagula heshiiyey in dowladda Turkigu ay u tababarto Soomaaliya waa 18 kun oo askari oo militeri ah, kuwaas maamul goboleed kasta laga keenayo 3,000, tan iyo markii uu tabarkaan bilaabay Turkigu waxaa yaraaday tababarradii kale ee dalalka caalamku ay siin jireen ciidamada Soomaaliya.” Sidoo kale Ismaaciil Daahir waxa uu sheegay in hadda ay wax badan iska bedeleen hanaankii lagu soo xuli jiray ciidanka Gor Gor, isla markaana waayihii dambe ay Villa Somalia isku soo koobtay soo xulidda askarta ku biireysa Gor Gor ee tababarka loogu dirayo Turkiga. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/Ismaaciil.mp3
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Shaqo ka joojinta guddoomiyaha ayaa ku timid eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee magaalada Boosaaso, waxaana wareegtada lagu xusay in madaxweyne Deni uu tallaabadan u cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka Puntland. Wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynuhu markuu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo cabashooyinka ka imanaya shacabka degmada Boosaaso.” Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta.
-
Trends Analysis of agrometeorology In Somaliland (Part 01) Meteorology is the branch of science concerned with the processes and phenomena of the atmosphere, especially as a means of forecasting the weather. Meteorologist is a person who study meteorology, their task is to find out the changes in weather and use different tools predict the weather. The tools help them to collect the basic information about humidity, temperature, air, pressure and other factors which affect the atmosphere. The following are the tools used by meteorologist in USA to forecast the weather; they are satellites, radars, weather balloons, automatic weather stations (900), supercomputers and computer models (AWIPS (NOAA’s Advanced Weather Information Processing. Elsewhere in Africa the tools used are automatic weather stations. Meteorology has application in many diverse fields such as the military, aviation, agriculture, Hydrometeorology, Maritime and environment and much more. However, we are going to concentrate agrometereological situations in Somaliland. The agrometereological services in Somaliland is close to 80 years old and is managed by the department of agrometereology and the main role of the department is to monitor climate in Somaliland, including drought and flood tracking and early warning information to enable rapid response to the hazards. The climate information coming from the weather stations is channeled to the SWALIM climate experts in Nairobi, where it is analyzed and stored in a central database. The data collected from the monitoring network is used to produce regular weather bulletins, such as the Gu and Deyr weekly and monthly weather bulletins, during rainy seasons. The data is provided to stakeholders in the sector (Farmers, government Ministries, SWALIM and other humanitarian agencies), to monitor and report on climate-related disasters like drought and flash floods. Furthermore, it is used to support relief and development interventions as well as for research both locally and internationally In order to improve hydro-meteorological services, particularly flood and drought early warning systems, the department routinely carries out maintenance on all the weather stations throughout the country to ensure the equipment runs correctly and efficiently. In Somaliland, there are data centers at the Ministry of Agriculture, water and Environment. The data centers are equipped with computers, internet connections, and other facilities, but these centers cannot perform data analysis because of lack of skill and data base. In addition, the data for agrometeorology are generally inadequate, as six automatic stations are installed in Somaliland while three of them are not working. These observational tools are not able to cover the density needed to meet the agrometeorology data needs in the country and are not modern compared to fast-growing technology, thus limiting agrometeorology activities. It is therefore anticipated that 20 automatic stations will be sufficient to meet national agrometeorology data requirements. The flow of data to users continues to be a high requirement. Users, especially the farming community, usually request information on the onset of effective rains (to know when to plant), the length of the cropping season (to decide what to plant), the behavior of the dry and wet spells within the cropping season, and how likely an extreme event is likely to occur. The provision of this information is currently very limited. Government and farmers are greatly interested in knowing how much grain yields and crop production are expected by the end of the rain/crop season. This knowledge helps strategic planning. Genuine efforts are, therefore, needed to improve agrometereological services and make their products accessible to end users. There are variety of indigenous agrometeorology knowledge which are still in use in the country, there is a need to explore this knowledge and improve it. Agrometeorology contributes significantly to agricultural production. However, successive governments in the past have failed to pay due attention to meteorology in general and agro-meteorology in particular. If we had the expertise and the resources, we could have collected, analyzed, and projected crop yield, pest outbreak, Tropical storms (cyclones, hurricanes, typhoons, etc.) associated with high winds, flooding and storm surges; and crop expansion in the country. In the meanwhile, Local universities in Somaliland have failed to address the issue neither of them have conducted research on the indigenous agrometeorology knowledge available locally nor conducted research on the subject matter. The Agrometereology department of the Ministry of Agricultural Development is also hampered by lack of commitment, understanding and knowledge about the importance of agrometeorology in crop production and lack of finance, skill, policy and strategy to improve the country crop production. Furthermore, training, among other things, is vital to enhance the skill and capacity of the department, firstly, to analyze data coming from weather stations and store it in central database located in the country so as to offer agrometereological bulletins. The department also needs the capacity to issue early warning information, efficient weather monitoring and efficient assessment of the impact of extreme events and capacity to raise the standard of the some of the weather stations to automatic weather stations, secondly, the department needs to expand its services and coverage throughout or much of the country’s regions which require from the department to upgrade the skill for its staff and equipment to help reduce the impact of natural disasters, including pests and disease outbreak. Regards, Abdirahman Ibrahim Abdilahi Contact: Abdirahman270@gmailcom Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-932021-ok.mp3 View the full article
-
Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodad ee Amnesty International ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan xorriyadda warbaahinta iyagoo cabsi geliya, dhibaateeya isla markaana si aan macquul ahayn u xira suxufiyiinta. Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegtay in afar weriye si aan macquul ahayn loogu xiray Garowe iyo Bosaaso labadii bilood iyo badhkii la soo dhaafay, taas oo walaac ku abuureysa xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, iyadoo dalku u jihaysan yahay doorashooyin dib u dhacay. “Kordhinta xadhiga suxufiyiinta Puntland waxay muujineysaa cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo xorriyadda warbaahinta. Xarigyadan waxay saameyn xun ku yeelan doonaan shaqada suxufiyiinta ka hor doorashada, inta lagu jiro iyo kadib,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta qaarada Afrika ee Amnesty International. Amnesty International waxay sheegtay in Puntland ay joojiso eedeymaha been abuurka ah ee loo haysto wariye Kilwe Aadan Faarax, isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo. “Maamulka Puntland waa inuu joojiyaa dhamaan eedeymaha aan salka laheyn ee ka dhanka ah Kilwe Aadan Faarax isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga sii daayo xabsiga. Sidoo kale waa inay joojiyaan dhibaateynta iyo cagajugleynta suxufiyiinta kale, oo ay ka mid tahay in la marsiiyo maxkamad militari taasoo ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, ”ayuu yiri Deprose Muchena. Amnesty International waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer federaal ee Soomaaliya inay oggolaadaan in suxufiyiintu shaqadooda ku qabsadaan xayiraad la’aan, maaddaama uu dalku isu diyaarinayo doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Amnesty International: Puntland waa inay joojisaa xarigga sharci darrada ah iyo dhibaateynta suxufiyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay hooyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay magaalada Muqdisho, oo ku dhex-yaalla aagga garoonka Aadan Cadde, isla markaana ay labada masuul ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arimaha Doorashada. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu baahiyey xafiiska Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubaland ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo lagu wado in maalmaha soo socda uu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, shirkaas ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka hareeyey doorashada dalka. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in la dejiyey gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, waxaana ammaankiisa sugaya ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidanka AMISOM, sida lagu shaaciyey qoraal maanta lagu baahiyey bogga TV-ga Jubaland. Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa horay u dalbaday in shirka looga hadlayo doorashada lagu qabto goob ammaankeeda ay isku haleyn karaan, taas oo ka dhigan inay isku aamini waayeen xarumaha dowladda federaalka. Sida aan xogta ku helnay shirkaas ayaa hadda loo qorsheeyey in lagu qabto teendhadii afar sano kahor lagu doortay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeed ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana qabsoomidda shirkan dadaal badan ku bixineysa beesha caalamka.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha degmada Boosaaso shaqada looga joojiyay eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aan nidaamka maamulka dhaqaalaha ee Degmadda Boosaaso iyo cabashooyin ka yimid shacabka oo ay soo jeediysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Wareegtada madaxweynaha Puntland ayaa lagu faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Degmadda Boosaaso. Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso ayaa la faray in uu shaqada sii wado. PUNTLAND POST The post Duqii Boosaaso oo shaqada looga joojiyay tuhun musuqmaasuq appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha degmada Boosaaso shaqada looga joojiyay eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aan nidaamka maamulka dhaqaalaha ee Degmadda Boosaaso iyo cabashooyin ka yimid shacabka oo ay soo jeediysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Wareegtada madaxweynaha Puntland ayaa lagu faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Degmadda Boosaaso. Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso ayaa la faray in uu shaqada sii wado. PUNTLAND POST The post Duqii Boosaaso oo shaqada looga joojiyay tuhun musuqmaasuq appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa fiidkii booqasho ugu yimid James Swan, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Siyaasada Soomaaliya, James Swan wuxuu kaloo hada yahay Hogaamiyaha kulanka dhexmaraya Madaxda Soomaaliya oo uu Muqdisho isugu keenayo Beri oo Arbaco ah. Howlwadeenada Puntlandi.com oo Xog ka helay kulanka Caawa dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ambasador James Swan, waxaa laga wadahadlay kulanka u furmaya Madaxda Soomaaliya, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu caawa mar kale eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuusan diyaar u ahayn in wax heshiis ah la gaaro, waxaa Hadaladii Madaxweyne Axmed Madoobe kamid ahaa oo uu ka dhawaajiyey sida ay Muhiimka u tahay in Koox Sadexaad ay goob joog ahaato si loo ogaado qaabka loowadahadlayo iyo waxyaabaha lagu heshiiyo, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in qaabkaan oo qura uu Shirku ku mira dhacayo. Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu cadeynayaa in isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni aysan wax kalsooni ah ku qabin Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka u furmaya Madaxda Soomaaliya waxaa la filayaa inay goob joog ka ahaanayaan Xubno ka socda Beesha Caalamka. Puntlandi.com Muqdisho The post Kulankii Caawa Axmed Madoobe iyo James Swan”Hadii Shirka ladoonayo inuu guulaysto waa in markhaatiyaal joogaan” appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar hoobiyeyaal ah oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho, oo ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah. Swan, oo qoraalka uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka, ayaa xaqiijiyey in illaa lix hoobiye ay kusoo dhacene Xalane. Waxa uu sheegay inaysan jirin wax hanti QM ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka, iyo khasaare nafeed oo kasoo gaaray shaqaalaha QM ee ku sugan Xalane. Si kastaba, danjire James Swan ayaa sheegay inuu jiro khasaare weerarka kasoo gaaray dad aan aheyn shaqaalaha QM oo ka shaqeeya qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde, oo xerada Xalane ay ku jirto xeendaabkiisa. “Waxaan cambaareynayaa weerarka hoobiye ee Al-Shabaab ay kusoo qaadeen aagga garoonka Muqdisho. Waxaan soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka ku dhaawacmay weerarka ee ku sugnaa qeybaha kale ee garoonka,” ayuu yiri James Swan. “Inkasta oo ay jiraan ficilladan rabshadaha ah, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageeridda horumarinta waddanka,” ayuu yiri. Dhinaca kale, taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray weerarka ku sheegay ay ku dhaawacmeen seddax qof oo ka tirsanaa shaqaalada AMISOM. “Saacaddu markay ahayd 13:15hrs, Al-Shabaab waxay dhowr hoobiye ku weerartay xerada Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin AMISOM, UN iyo hay’ado kale oo caalami ah oo ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Seddex ka mid ah shaqaalaha AMISOM ayuu dhaawac fudud soo gaaray, waxayna heleen daaweyn. Xaaladda markii dambe waa la xakameeyay. Tallaabooyin taxaddar ah oo lagama maarmaan ah ayaa loo qaaday si loo hubiyo amniga iyo nabadgelyada shaqaalaheenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ay u adeegsadeen hoobiyeyaasha, mana shaacin wax khasaare ah. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas.
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaa inta badan lagu eedeyn jiray in uusan runta qaddarin jirin. Sidaasoo ay tahayna qaar ka mid ah madaxweyneyaashii ka horreeyay ayaa soo sheegi jiray been isugu jirta mid layaab leh iyo mid naxdin leh intaba. Haddaba waa sidee marka la is barbar dhigo iyaga iyo Trump? Markii Saadaam Xuseen uu qabsaday boqortooyada Saliidda hodanka ku ah ee Kuwait bishii August ee sanadkii 1990-kii, Madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka, George HW Bush, waxa uu si caro leh u yidhi: “Arrintan ma istaagi doonto.” Laakiin xilli ay ciidamada Mareykanka kusii qulqulayeen Khaliijka, shacabka Mareykanka waxay shaki ka muujinayeen marmarsiiyada loo heysto in la qaado tallaabo militari. Dowladdii Kuwait oo dibadda ka joogtay waddankeeda ayaa shaqaaleysiisay shirkad Mareykanka laga leeyahay oo ka shaqeysa xiriirka dadweynaha, oo lagu magacaabo Hill & Knowlton, taasoo xafiiskeeda Washington DC uu maamulayay madixii hore ee golaha Wasiirrada Bush. Shirkadda ayaa soo diyaarisay marqaatifur ay sameyneysay gabar 15 jir ah oo magac looga dhigay “Nayirah” taas oo Golaha Wakiillada Mareykanka ilayoo ilmeyneysa u sheegtay Bishii October, 1990, in ciidamada Ciraaq ay gudaha u galeen isbitaal ku yaalla KUwait, kaddib ay carruur dhalooyinka lagu xannaaneeyo ku jira ka saareen dhulkaoo qabow ahna u dhigeen si ay u dhintaan. Wariyeyaasha ayaa loo xaqiijiyay in Nayirah ay magacaas u isticmaaleysay cabsi ay ka qabtay in qoyskeeda lagu dhibaateeyo waddankeeda. Hase yeeshee markii uu dagaalka dhammaaday waxaa la ogaaday in gabadhaas uu dhalay safiirkii Kuwait u fadhiyay Mareykanka. Sheekadeedana waxay ahayd mid aan gabi ahaanba sal iyo raad toona lahayn, sida uu John MacArthur ku sharraxay buuggii uu ka qoray dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii. Bush waxaa warbaahinta laga duubay isagoo sheekadan soo xiganaya ugu yaraan lix jeer, si uu buunka dagaalka u afuufo. “Ilmo ayaa laga saaray dhalooyinka lagu xannaaneeyo waxaana sida qoryaha dabka lagu shido loogu daadiyay dhulka,” ayuu yidhi oo mar khudbad u jeedinayay ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Sacuudiga. Sanadkii 1991-kii si dirqi ah ayey Aqalka Senate-ka ku ansixiyeen qaraarkii Bush ee dagaalka lagu qaadayay. Lix Senator ayaa laga soo xigtay in sheekada carruurta isbitaalka ay ahayd marmarsiiyo lagu raadinayay fasaxa dagaalka, sida MacArthur ku qoray buuggiisa. Maalmo kaddibna waxaa la billaabay holwgalkii Saxaraha. Haddaba waxay u muuqataa in carruurta ay run ahaantii dhinteen kaddib markii dhalooyinkooda laga saaray xilligii uu socday Dagaalkii Khaliijka. Waxaa dhacdooyinka noocaas ah si sax ah loo soo tabiyay markii ciidamada cirka ee uu Mareykanka hoggaaminayay bullaabeen duqeymaha culus. Habeenkii ugu horreeyay ee ay duqeynta billaabatay, markii ay fiilooyinkii korontada ku go’een madaafiicda, hooyooyin naxsan ayaa carruurtooda ka saaray qalabkii dhalooyinka ahaa ee ku jireen oo dhex yaallay isbitaal ku yaalla magaalada Baqdaad, iyagoo ula cararay meel qabow ah oo ay duqeynta uga gabanayeen, halkaasna waxaa ku geeriyooday in ka badan 40 carruur ah, sida lagu xusay maqaal uu daabacay wargeyska New York Times. Waxaa jiray dad lagu qiyaasay kumannaan qof oo lagu dilay dagaalkii socday 42-da maalmood. Inkastoo waligeed aan la xaqiijinin in Bush uu ka warqabay in sheekada carruurta ay ahayd mid been abuur ah, haddana Aqalka Cad ayaa si guud looga filayaa in uu xaqiijiyo sheegashooyinka madaxweynaha – gaar ahaan marka ay yihiin kuwo aad naxdin u leh. Wariyeyaasha Mareykanka waxay ku guul darreysteen in ay ogaadaan marqaatifurka beenta ah ee Nayirah ilaa intii uu dagaalka ka dhammaaday. Muranka badan wuxuu ka dhashay markii dhawaan la qoray taariikh nololeedkii soo jiidashada lahaa ee Bush iyo wararkii laga soo tabinayay madaxweynenimadiisii markii uu geeriyooday sanadkii 2018-kii. Hase yeeshee, eedeymaha ku saabsan in madaxweynaha uusan runta qaddarineynin waxay warbaahinta xaqiijin joogto ah ku sameynayeen intii uu xilka hayay Mr Trump. Wargeyska Washington Post ayaa haya xogta ku saabsan hadalladii Trump – oo gaaraya in ka badan 30,000 – kuwaasoo uu wargeysku sheegay in ay ahaayeen hadallo been ah ama kuwo uu madaxweynaha dadka ku marin habaabiyay. Qaar badan oo ka mid ah hadalladaas, sida kuwa ku saabsan ciyaaraha golf-ka ama hantidiisa ama xitaa mar uu sheegay in isagoo isusoobax sameynaya uu baraf da’ay, dhammaantood wax muhiimad ah malaha. Balse qaar kale, sida sheegasho ku saabsan in uu si ulakac ah dadka Mareykanka ugu marin habaabiyay arrimaha fayraska corona, ama hadalkii aan caddeynta lahayn ee uu ku sheegay in doorashadii Aqalka Cad ee 2020-kii lagu shubtay, ayaa noqonaya kuwo dhaawac weyn sababay. Benjamin Ginsberg, oo ah qoraa aruuriya beenta Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyneyaasha qaarkood ay ka daran yihiin kuwa kale. Wuxuu soo qaatay hadallo uu madaxweynihii uu dhalay Bush, ee George W Bush, dadka Mareykanka ah uga gaday si ay u oggolaadaan weerarkii uu ku qaaday Ciraaq. Waxaa ka mid ah in uu iska dhaga tiray shakiga ay sirdoonka ka muujinayeen in maamulkii Saadaam Xuseen uu heystay hub si ba’an wax u burburin kara, iyo in uu ku doodayay inuu xitaa heysan karo nuclear uuna xulafo la yahay Al-Qaacida. Prof Ginsberg wuxuu sheegay in hadallada beenta ah ee horseeday tallaabada militari ay ahaayeen kuwa ugu saameynta xun, Trump-na uusan ahayn mid sameeyay wax ka xun waxyaabihii ay soo sameeyeen madaxweyneyaashii ka horreeyay. Dad badan oo ku xeel dheer taariikgda waxay sheegaan in beenta madaxweyneyaasha Mareykanka lagu eedeeyo ay kasoo billaabatay Lyndon Baines Johnson, inkastoo uusan ahayn madaxweynihii ugu horreeyay ee arrimahaas lagu sheegay. JFK walaakiis, Robert Kennedy, ayaa mar hadda ka hor isagoo ka hadlaya Robert Kennedy yidhi: “Wuxuu si joogto ah been uga sheegaa wax kasta. Wuxuu been sheegaa isagoo aan ku khasbaneyn.” Beenihii uu Johnson ka sheegay dagaalkii Vietnam waxaa ka mid ahaa in uu isticmaalay weerar dhinaca baddana uu sheegay in Bishii August, 1964 la fuliyay, kaas oo aan waligiis ka dhicin gacanka Tonkin balse uu doonayay oo kaliya inuu dagaalka kusii huriyo. Madaxweynihii xilka kala wareegay, Richard Nixon, ayaa markii uu doorashada u taagnaa ballan qaaday in uu “si sharaf leh” u soo afjari doono colaaddii Vietnam, ka hor inta uusan dagaalkaas kusii xoojinin bambooyin si qarsoodi ah loogu garaacay Cambodia oo dhexdhexaad ahayd. Haddana wuxuu qariyay fadeexaddii Watergate si uu fursad uga ilaaliyo siyaasiyiintii kasoo horjeeday. Arrintaasina waxay burburisay madaxweynenimadii Nixon. Qaar ka mid ah beenihii ay madaxweyneyaashii xilalka hayay ee Mareykanka soo sheegeen waxay ahaayeen kuwo layaab leh. Sanadkii 1983-kii, Madaxweyne Ronald Reagan ayaa sheegay in uu muuqaallo ka duubay falalkii arxan darrada ahaa ee ka socday meelihii loogu magac daray xeryihii geerida ee Nazi-ga xilli uu sawir qaade ahaan ugu shaqeynayay militarigii Mareykanka ee ku sugnaa Yurub. Wuxuu sheekadaas u sheegay Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil, Yitzhak Shamir, oo markaas ku sugnaa Aqalka Cad. Reagan waligiis kama uusan bixin Mareykanka intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Dad yar ayaa xasuusta beentaas layaabka lahayd. Tusaale kale oo muujinaya beenta madaxweyneyaashii hore ee soo maray Mareykanka waxaa ka mid ah mid uu u bareeray William Jefferson Clinton, oo loo yaqaanno Bill Clinton. 1998-kii, ayaa Clinton lagu eedeeyay in uu galmo la sameeyay haweeney tababar shaqo u joogtay Aqalka Cad laakiin wuu beeniyay. Baaritaan lagu sameeyay in uu been sheegayay iyo in kale ayaa lagu helay caddeymo muujiyay beentiisa Waxay baareyaasha ogaadeen in madaxweynaha uu gabadha markaas 22 jirka ahayd ugu yeeray xafiiskiisa Oval, uuna la sameeyay ficillo la xiriira jinsiga. Halkii uu ceeb ka dareemi lahaa maadaama uu qaranka khiyaanay, Clinton waxa yy si gaar ah nafis qaatay nafis, sida uu taariikhdiisa ku sheegay John F Harris. Isagoo isu diyaarinayay khudbad uu jeedinayay bishii August ee sanadkii 1998-kii ayuu qof saaxiibkiis ah u sheegay in “beenta uu sheegay ay badbaadisay” Qaran News
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii hoobiyayaasha lagu bartilmaameedsaday xarunta Xalane ee Muqdisho. “Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya. “Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.” Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan. “Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah.” Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii xarunta Xalane appeared first on Puntland Post.
-
DEG DEG: Qarax culus oo goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle waxaa goordhaw ka dhacay qarax aan weli la xaqiijin nooc uu ahaa, kaas oo ka dhacay Bar control oo ciidamo boolis ah ay ku sugnaayeen. Qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa mid xoogan ayaa ka shacay bar control oo ciidamada ammaanka HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, gaar ahaan halka loo yaqaano lambar Uno. Khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaas, in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay. Wararku waxay sheegayaan in nooca qaraxaas loo maleynayo inuu yahay, miino horay loogu aasay goobta, oo ay deganyihiin ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle. Qaraxa kadib waxaa la sheegay inay ciidamadu fureen rasaas badan, taas oo illaa hadda aan la garaneyn in khasaare ka dhashay. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online -
”Diiwaangelintu maxay muujinaysaa ”. Diiwaan-gelintu waa nooc ka midda waxyaabaha la yidhaahdo xog-uruurinta , xog uruurin kastana marka la hello waa lagga hadliyaa waxaana la iska waydiiyaa suaalo ka dhasha xog uruurinta , suaalahaas ayaana sabab u noqda helista xalalka loo baahan yahay Hadaba Diiwaangelintan maalinta dhawayd lasoo bandhigay hadaynu si yar oo kooban gees uga yara eegno . Somaliland waxay ahaan jirtay laba qaybood oo isu dheelitiran kuwaas oo kala ah Barri iyo Galbeed . 1- Hargaysa, Berbera iyo Boorama waa Galbeed . 2- Burco, Ceergaabo iyo Laas-caanood waa Barri . Hadaba labadaa qaybood oo isku dhadhawaa dhinaca Dadka ayay diiwaan-gelintani muujinaysaa in wax wayni iska badaleen sababtoo ah Gobolka Maroodi-jeex waxaa iska diiwaangelisay 499,000 . Goboladda Togdheer, Sool iyo Sanaagna 481 ,000 . Marka la kala jarro wadarta 3 Gobol ee Barri iyo Gobolka Maroodji-jeex , waxaa soo baxaysa in Gobolka Maroodi-jeex dheer yahay 3 Gobol ee Barri 18 kun oo cod . Arrinta labaad ee Diiwaan-gelintan ka muuqataa iyana waxay tahay , In Gobolka Sool aad usoo kabanayo maxaa yeelay Diiwaangelintii horre waxaa iska diiwaangeliyay 64 kun oo qof halka imikana 45 kun ,iyadoo is badalkaasi ku dhacay muddo aad u kooban . Waxa kale oo iyana is diiwaangelintani muujinaysaa in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu baaxad wayn Somaliland hadana yahay Gobolka Dadka ugu yari iska diiwaangeliyeen , iyadoo tiradda guud ahaan Gobolka iska diiwaangelisayna ay tahay mid aan u dhigmin baaxadda Gobolka iyo qiyaasta lagga filayo Sidaa darteed Gobolka Sanaag waxaa ka muuqata soo kabasho la’aan iyo dib udhac loo baahan yahay in xoog looga gacan qabto Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 oo maanta markale dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka. Musharax Jabriil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada cakiran ee dalka uu u horseeday is-qab-qabsiga madaxda Soomaaliyeed oo ilaa hadda heshiis rasmi ah ka gaarin is-mari-waaga doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda. Jabriil ayaa sheegay oo carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay tahay inay tanaasul sameeyan, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka. “Waxa lama huraan ah in is-qab-qabsiga la isku haysto laga soo bilaabo 2019-ka ilaa maanta aan joogno shirar joogto ah ayaa la iskugu imaanayeen, shirarkaas la iskugu imanaayeen intooda badan waxay ahaayeen dano shaqsiyadeed oo ma aheyn kuwo loogu daneynayay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Marka danta shaqsiga ah laga hadlayo wey adag tahay in la isku tanaasulo, qof kasta wuxuu sheeganayaa awood iyo caqli, wax shaqeynaya ayadana maaha, arrintaas wal-wal badan ayey igu haysaa oo waxaa ii muuqata wax wada-qeybsi la’aanta ayaa waxay sii dhalineysa in xaalada aan hadda ku jirno ay sii hurto”. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda lagu wado inay dhawaan shir ku yeeshen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane ay tanaasul u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay waqti geliyaan sidii uu u guuleysan lahaa shirkaas, maadama kuwii ka horeeyay ay kusoo afmeermeen fashil. Musharaxa ayaa waxa kale oo uu ka digay in dowladnimada loo isticmaalo qaab ku takri-fal ah, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay falalkii u dambeeyay ee dowladda waqtigeedu dhamaaday kula kacday madaxdii hore ee dalka. Ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, wuxuuna bulshada ku baraarujiyey inay taxadar muujiyeen, asagoona ka tacsiyadeeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee u geeriyooday cudurkaasi, halka kuwo la xanuusana caafimaad ALLE uga baryay.
-
(SLT-Laascaanood)-Afar qof ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ugu geeriyooday Xanuunka Safrmarka ah ee Covid-19. Isuduwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool, Dr Maxamuud Xaaji Khaalif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xanuunka laga helay soddon iyo todoba qof bishii ugu danbaysay islamarkaana ay u geeriyoodeen afar ruux. Xanuunka Dilaaga ah ee covid-19 ayaa dib ugusoo laba kacleeyey Jamhuuriyadda Somaliland xilli ay shacabku ka cago jiidayaan fariimaha caafimaad ee ay la wadaagayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-932021.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-xoog), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay khudbad sannadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi shalay ka jeediyey labada Gole, waxaanu sheegay inay khalad iyo sharci daro ahayd in Golayaasha Sharcidejinta loo diido inay Madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan xaaladda dalka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-xoog), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadu shalay ka hor istaageen inuu Golaha soo galo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynaha maadaama uu jeedinayo khudbad sannadeedkiisii, kana hor jeedinaayo Labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtida, kana xog-warramayo xaaladda uu dalku marayo, sharciyan xaq baanu u leenahay in aanu su’aalo weydiinayo, oo Madaxweynaha la xisaabtano, waana sharci-daro in la diido su’aalaha Madaxweynaha aanu weydiinayno, Daahir Rayaale wuxuu u badheedhi jiray in aanu su’aalo ka weydiinayo xaaladda dalka, laakiin Xukuumaddaha kulmiye ee talada dalka u kala dambeeyey in lala xisaabtamo, oo xaaladda dalka wax laga weydiiyo way diideen, waxaa looga baqayo su’aalahana garan mayno, ee Daahir Rayaale sharciga u ogolaaday in aanu su’aalo weydiinay, Muuse Biixi iyo Axmed Siillaanyana sharciga naga hor istaagay maan garan, laakiin waxaa cad in Xukuumadda Kulmiye ay dhaqan ka dhigatay inay sharciga baalmarto, oo ay diidan tahay in lala xisaabtamo, oo danta qaranka lagula xisaabtamo”. Mar aanu wax ka weydiinay sababta ka baajisay inuu shalay Golaha iman waayo ayaa yidhi “Waan imid Golaha, waanu xidhnaa, oo Golaha albaabka ayaa u xidhnaa, Golahana waxaan imid khudbadda oo socota, in aan soo galana Ciidamo ayaa iga hor istaagay, kadibna iskumaan sii adkayn ee waan iskaga tagay”. Source
-
A suspected mortar attack targeted the offices of United Nations and African Union peacekeeping mission in the Somali capital Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo inta badan dhaliila hogaaminta madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si yaab leh uga hadlay hoobiyeyaashii maanta lagu tuuray xerada Xalane. Mahad Salaad ayaa su’aal geliyay in Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay uu ka dambeeyo madaxwenaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo, asaga oo ku eedeyay in uu weerarka hoobiyeyaasha uu ka leeyahay ujeedo gaar ah. “Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay Farmaajo miyaa ka dambeeya mise wada shaqayntii Shabaab iyo iyaga ayaa dhabowday oo gacan Shabaab ayay rabaan in ay wax ku cunaan Fahad iyo Farmaajo!,” ayuu yiri Mahad Salaad. Eedeynta Mahad Salaad oo ah mid culus ayey si madax banaan u xaqiijin karin Caasimada Online, hase yeeshe weerarka hoobiyeyaasha lagu eekeyay xerada Xalane ayaa imanaya ayada oo uu maanta kasoo degayay garoonka Muqdisho madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayaan madaxda sarre ee dowladda federaalka. Weerarka madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah. Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada, kuwasi oo gaystay khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo uu Xildhibaanku ku eedeyay in weerarkan cadeyn u yahay gacan-saarka kala dhaxeeya Farmaajo ee kooxdan. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
-
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho Soo gaaray Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo. Waftiga madaxweeynaha ayaa waxaa garoonka Aden Adde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinka tirsan dowladda. Axmed madoobe ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qeyb gali doona shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo maalmaha soo socda ka furmi doona Caasimadda. Source: goobjoog.com
