Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi iyo wafdi la socda ayaa gaaray Caasimadda dalka Ciraaq ee Bagdaad. Wasiirka Waxa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Ciraaq Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani. Wafdiga Wasiirka ayaa ka helay martiqaad rasmi ah Wasiirka Biyaha Ciraaq si uu uga qeyb galo shirkii 1-aad ee Biyaha Caalamiga ah ee Baqdaad. Wasiirka ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Bagdaad waxa uu kulamo la yeelan doona madaxda Wasaaradda biyaha Ciraaq, iyagoo ka wada hadlaya iskaashiga Dhanka Maaraynta kheyraadka Biyaha. PUNTLAND POST The post Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo gaaray Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  2. Turkey, Russia iyo Qatar ayaa wada isku day wadajir ah oo la doonayo in wax looga qabto xaladdaa siyaasadeed ee Syria oo muddo 10 sano ah ay ka socdaan dagaalada,sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen wadahadalada ka dib, wasiiradu waxay sidoo kale ku xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, madax-bannaanida, midnimada iyo midnimada dhuleed ee Suuriya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in saddexda dal aysan raadineynin in la beddelo dadaalladii ay wadeen Turkiga, Ruushka iyo Iiraan ee sanadkii 2017 ,kaas oo ahaa in la joojiyo dagaallada ka socda Suuriya oo laga wada hadlo xal siyaasadeed. “Maanta waxaan bilownay hannaan wadatashi oo seddex geesood ah,” ayuu yiri Cavusoglu khamiistii kadib wadahadal uu kula yeeshay Doha wasiirrada arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Qatar. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Ruushka oo riixaya xal siyaasadeed oo laga gaaro Suuriya appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasiya kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan, Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Axmed Madoobe ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore walaac uga muujiyay amniga magaalada Muqdisho iyo isku haleynta ciidamada dowladda, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ku kacay falal ka dhan ah xoriyatul qowlka ayaga oo ka amar qaadanaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Shirka looga arrinsanayo doorashada ayaa la qorsheynaya inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo ah meeshii afar sanno ka hor lagu soo doortay Farmaajo, kadib markii madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen in shirka uu ka dhaco Villa Somalia oo ay u arkaan goob aan amaan ahaan la isku haleyn karin.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaaday dowladda ee ay ciidamada amniga ku xireen qeybo kamid ah wadooyinka Muqdisho. Xasan Xundubey ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyay dhibaatada ay u mareen waddooyinkii ay xireen ciidamada dowladda, taasi oo uu sheegay inay keentay Madaxdii kala duwaneyd ee ka qeyb-galeysay Aaska madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. Xundubey ayaa sheegay in dedaalka guddiga loo xil-saaray aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu alle u fududeeyay mas’uuliyadda laga sugayay oo dhowr qeyb ahayd sida uu sheegay, una kala qeyb-saneyd soo qaadista Maydka, Janaasada iyo aaska loo sameeyay. “Looma kala harin aaska loo sameeyay AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed, howsha aaska oo saddex qayb ah waxa ay kasoo bilaabatay in laga soo qaado Nairobi, Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde iyo aaska qabriga la geeyo, waa howl culus oo dhammaan shacab, Madax, Ehel, Ciidamo, Saraakiil iyo cid weliba oo kaalin ka qaadatay aaska qaran, waana in loo soo wada duceeyo,” ayuu yiri. Salaada Janaasada ee marxuum Cali Mahdi ayaa waxa garoonka gudihiisa uga tukaday Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka. Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, waxaana saaka diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, ayada oo aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.
  5. Nin Ingiriisa oo loo kireystay inuu soo dilo taajir Halis badnaa oo u dhashay dalka.. Peter McAleese wuxuu ahaa calooshiis u shaqeysta aada goobaha dagaallada, xitaa Rhodesia (oo hadda ah Zimbabwe) Sannadkii 1989-kii, koox calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Britain ayaa u safray sidii ay u soo dili lahaayeen ninkii ugu halista badnaa caalamka. Waxaa kooxdaas hoggaaminayay Peter McAleese. Ninka ay raggaas qorsheynayeen in ay qaarijiyaan wuxuu ahaa Pablo Escobar, kaas oo hoggaaminayay burcadda daroogada ee Medellin, oo ka jirtay dalka Colombia. Wuxuu ahaa burcadkii ugu taajirsanaa abid ee dunida soo mara. Wuxuu ahaa ninkii soo saari jiray daroogadii ugu badnayd ee cocaine ah ee ka dibna caalamka oo dhan la geyn jiray – Wuxuu masuul ka ahaa maadooriyeyaasha dunida,, boqolkiiba 80%, xilligii uu noolaa. Kooxda Britain ka soo jeeday ee uu hoggaaminayay McAleese, waxaa kireysatay burcad kale oo dagaal uu kala dhexeeyay Escobar, oo ka jirtay Colombia. Filim iyo barnaamij cusub oo baaritaan oo loogu magacdaray “dilka Escobar” ayaa ugu dambeyn lagu shaaciyay in howlgalkaas uu fashilmay iyo ninkii ka dambeeyay waxa uu ahaa. Pablo Escobar wuxuu ahaa ninkii ugu taajirsanaa uguna halista badnaa ee burcaddii daroogada caalamka. Ninka filimkan cusub soo saaray, David Whitney wuxuu sheegay in McAleese uu ahaa nin “aan la saadaalin karin” oo uu haystay “jahwareer nafsi ah”. Muuqaalka dhexdiisa waxaa laga arkay McAleese, oo hadda ah 78 sano jir. Wuxuu sheegay: “Waxaa la ii tababaray in askarta dartood aan wax u dilo”. McAleese wuxuu sheegay in askeri uu noqday isagoo 17 sano jir ah, si uu xal ugu helo xanaaqiisa badan. Markii uu yaraa wuxuu ahaa qof dhib badan oo daandaansi iyo cuqdadba lahaa. Peter McAleese wuxuu ka mid ahaa askartii Britain ee sannadkii 1980-maadkii dagaalka la galay maleeshiyaadkii xuriyad-doonka ee uu watay madaxweynihii hore ee Zimbabawe, Robert Mugabe. McAleese ka dib markii uu ciidamada ka baxay, wuxuu noqday qof marba meel ka shaqeeya oo jahwareeray. Ka dib wuxuu xadgudub kula kacay gabadh uu shukaansanayay, wuxuuna ku muteystay xabsi. Markii la soo daayay, wuxuu wanaag u arkay in uu aasaasto koox ciidan oo isaga u gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah. Wuxuu billaabay in uu qaarijinta iyo shirqoollada dil ka shaqeeyo. Wuxuu qeyb ka noqday dagaalkii sokeeye ee Angola, ka dibna Zimbabawe iyo South Afrika ayuu ka fuliyay howlgallo lacag lagu siiyay oo dad lagu qaarijinayay. Wuxuu la shaqeysan jiray askeri kale oo ku xeel-dheeraa sida hubka qarsoodiga ah loo safriyo oo lagu magacaabay Dave Tomkins. Waxay ku kulmeen Angola. Waxay ahaayeen laba nin oo si wayn saaxiibbo u ah, waxayna ka wada shaqeeyeen qorshihii dilka-fashilmay ee Escobar. Kaarka Aqoonsiga Peter McAleese, intuu ka howlgalayay Afrika Jorge Salcedo, oo qeyb ka ahaa koox burcad ah oo ka jirtay Colombia oo lagu magacaabay Cali Cartel, wuxuu xiriiriye ka ahaa fulinta howlgalka dilka Escobar. Wuxuu qorsheeyay in Tomkins uu qorto koox awood leh oo fulisa duullaanka. McAleese wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la is weydiiyay. “La iskama kaa weydiisanayo in aad qorsheyso qaarijinta Pablo Escobar, haddii aadan lahayn khibraddeeda,” ayuu yiri McAleese. “Ma jirin anshax iga celinayay in aan dilo ninkaas,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray, “Marna uma eegin sida dil bareer ah. Waxaan u arkayay fulinta weerar bartilmaameed leh.” Burcadda Cali waxay kalsooni wayn ku qabtay in Escobar lagu dili karay gurigiisii raaxada ee beerta Hacienda Napoles. Qoryaha iyo bambooyiinka Beerta uu guriga ku dhex yaalay waxaa buuxay xaywaanno kala duwan, baabuur aad u badan, sidoo kale garoon diyaarado oo gaar ah ayaa ku dhexyalay, wuxuuna lahaa gidaarro difaac oo adag. McAleese wuxuu diyaarad ku dul maray beerta, wuxuuna sheegay in howlgalka la fulin karo. Qorshihii qaarijinta ayaa sidaa ku bilowday. Tomkins wuxuu sidoo kale qortay 12 qof oo calooshood u shaqeystayaal ah – waxay ka koobnaayeen dad uu horey ula soo shaqeeyay iyo kuwo lagula taliyay. In dalka Colombia ay si qarsoodi ah ku galaan waxaa ka caawiyay Jorge Salcedo oo ka tirsanaa burcadda Cali. Raggaas oo dhan waxaa loo qoray mushaar ah $5,000 dollar bil kasta iyo bixinta qarashaadkooda intii uu howlgalka socday. Balse Tomkins wuxuu maalin kasta qaadanayay $1,000 dollar. Kooxdii loo qoray fulinta dalka oo ku tababaranayay dalka Colombia. Filimka cusub ee laga sameeyay waxaa lagu soo bandhigay muuqaallo uu duubay Tomkins, waxaana laga arkay ragga oo haystay lacag badan. Marka hore, waxay ku sugnaayeen magaalada Cali, balse si aan loo arkin darteed waxay u guureen meel beer ah oo ku taallay duleedka magaalada, halkaas oo loogu geeyay hub aad u badan. “Waxay ahayd xilliga ciidda masiixiyadda,” ayuu yiri McAleese. “Waxkasta oo aan u baahnayn sida hubka waan naloo keenay.” Calooshood u shaqeystayaasha si fiican ayey ugu tababarteen howlgalka, balse Tomkins iyo McAleese, way garanayeen qofka uu bartilmameedka yahay. Ka hor inta aan xubnaha kale ee kooxda aan loo sheegin qofla la dili rabo, mid ka mid ah raggii la soo qoray ayaa isaga haray howlgalka, wuxuuna dib ugu noqday dalkiisa. Ka dib wuxuu warkii u sheegay wargeys, balse ma uusan magacaabin kooxda iyo halka uu howlgalka ka dhacayo. Markii uu soo dhowaaday xilligii weerarka, kooxda waxay galeen duurka si ay u tijaabiyaan hubkooda iyo bambooyiinka. Sawir dhab ah oo laga qaaday kooxda, markii ay duurka ku jireen. Qorshaha weerarka waxaa ka mid ahaa laba diyaarad oo ah kuwa qumaatiga u kaca, oo ku dul duula beerta Hacienda Napoles, xilliga ay kooxdan dhulka ka galayaan dhismaha – ujeedada waxay ahayd in si xoog ah lagu maro ilaalada awoodda leh ee halkaas ku sugnayd. Waxay doonayeen in madaxa Escobar ay horey usoo qaataa si guusha ay ugu dabaaldegaan. Markii ay maqleen in Escobar uu dhismaha ku sugan yahay, si degdeg ah ayey isu diyaariyeen. Laakiin weerarkaas marna lama fulin oo maba dhicin. Diyaaraddii siday McAleese iyo Tomkins ayaa shil ku gashay aagga Andes, waxaana ku dhintay duuliyihii. Ballanqaadkii uu sameeyay Dadkii kale ee diyaaradda saarnaa way badbaadeen, laakiin McAleese ayaa si xun u dhaawacmay, waxayna ku sugnaayeen dhul buuraley ah. Illaa seddax maalmood ayuu dhul yaal ahaa, ka dib ayaa la soo badbaadiyay. Escobar ayaa maqlay qoshihii ku saabsanaa in la qaarijin rabo, ka dib askartiisii ayuu u diray buuraleyda si ay raggaas u soo qabtaan. “Haddii Pablo uu i qaban lahaa, dhiibaato wayn ayay igu noqon lahayd, silac iyo saxariir na waan u dhiman lahaa,” ayuu yiri McAleese. Laakiin wuu ka badbaaday wuxuuna wacad ku maray in uusan ku laaban doonin howlgal noocaas ah – intii uu iska yaallay dhulka buuraleyda ah, isagoo dhaawac ah oo aan dhaqaaqi karin. Hadda waa 78 sano jir, Peter McAleese wuxuu sheegay in uu wax badan ka shallaayay, balse hadda uu nabad ku nool yahay. “Wax badan oo aan ka shallaayay ayaa jiro, mana ahan goobta dagaalka, balse waa in aan u fashilmay aabe ahaan iyo sey ahaan,” ayuu yiri. Hadda waa 78 sano jir, wuxuuna sheegay in uu si nabad ah u noolyahay. Dhanka kale, Pablo Escobar waxaa la dilay sannadkii 1993-dii, xilli uu ka baxsanayay maamulka Colombia. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maanta oo Jimce ah ay kulan deg-deg ah ka yeeshan xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo is-mari-waaga doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka. Shirkaan ayaa waxa warbixin dheer ka jeedin doona Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, midaasi oo uga hadlayo arrimihii ugu dambeeyay ee xaalada siyaasadeed alka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Swan ayaa sidoo kale inta uu socdo shirka waxa uu Golaha uga warbixin doona dadaaladii u dambeeyay ee Qaramada Midoobay ka sameysay xaalada dalka iyo isku soo jiid-jiidka madaxda is diidan ee isku haya doorashada. Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon, islamarkaana ay isku wada raacsan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka oo iyagu hore u kala saxiixday heshiis dhaqan-gali waayay 17-kii Septemer ee 2020-ka. Kulankaan oo u dhacaya qaabaka fogaan araga ayaa waxa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada doorashooyinka, waxaana gaba-gabada kulankaas laga soo saari doona War-saxaafadeedka lagu faah-faahinayo natiijada kasoo baxday shirkaas deg-dega ah. Ma aha markii u horeysay ee Golaha amaanka uu fadhi deg-deg ah ka yeesho xaalada Soomaaliyada, waxaana dhamaadka bishii hore uu shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo saaray baaq la xiriira in deg-deg loo qabto doroashada, midaasi oo uu sheegay inay lama maarmaan u tahay geedi-socodka Soomaaliya.
  7. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo soo xidhay shirweynihii 5aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA). Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/03/2021, si rasmi ah u soo xidhay shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland, oo labadii cisho ee u danbeeyay shir uga socday magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qayb galeen garyaqaano ka kala yimid dhammaan gobolada dalka. Guddoomiyaha oo madasha shirka soo gunaanaday ayaa xusay caqabadaha Ururka ku gadaaman iyo sida looga bixi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in Ururku lahaado qaab-dhismeed dhaxal-gala si jiilba jiil ugu dhiibo. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay hoggaankii hore ee SOLLA sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen, halka uu hoggaanka cusubna u rajeeyay in ay si fiican u wada shaqayn doonaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu bogaadiyay gabdhaha muddooyinkii u danbeeyay ku soo biirayay Ururka qareenada, kuwaasi oo saddex ka mid ahi ka mid noqdeen boodhka cusub ee Ururka. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in aannu jirin duulaan hay’adda garsoorka kaga socda Ururka Qareenada waxaanu yidhi “Ma jirto duullaan ama wax dagaal ah oo hay’adda Garsoorka kaga socda ama qorshaysan ururrada qareenada ama garyaqaanada ma jirto, anoo afkii Garsoorka ku hadlaya waxaan aaminsanahay in qareenku yahay rukun lagama maarmaan ah oo hay’adda Garsoorka ka mid ah”. Ugu danbayn waxa uu garyaqaanada u soo jeediyay in aanay si barbar yaacin ee ay nidaamsanaadaan, oo si nidaamka waafaqsan arrimahooda u dhamaystaan. Halkan riix si aad muuqaalka uga bogato. https://fb.watch/4anhKJBooT/ Qaran News
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Mahdi Maxamed waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Marxuum Cali Mahdi oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Mucaarad iyo Muxaafid oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Aaska, The post Sawiro, Madaxweynihii hore ee Dalka oo Aas Qaran loo sameyay appeared first on . Source
  10. Cunno la’aantii ugu darnayd taariikhda casriga ah ayaa ku dhufatay dalka yamen. 5 daqiiqo 4 caruur ah ayaa nafaqi darro iyo gaajo ugu dhinta dalkaasi, 400 oo kun oo caruur ah ayaana la qiyaasaya in geeridu haleeli doonto sanadkaan. 16 milyan oo qof ayaa ubaahan gargaar degdeg ah si ay u noolaadaan, guud ahaan 80 boqolkiiba dadyowga dalkaasi aya waxa ku tiisanyihii deeqaha caalmiga ah. Colaadda dalkaasi aya bishan sii laba kaclaysay, xutiyiinta ayaa weerar ba’an dhowr jiho kaga qaaday gobolka ma’rib oo ah gobolka kali ah ee ay joogaan kooxaha ay dawladda sacuudigi tageero kaga sugantahay bartamaha iyo waqooyiga dalka. xulafada Sacuudiga iyo Emaaraat ka aya weeraro duqaymaha diyaaradaga dagaalka ah si tallantaali ah ugu haya magaalada sanca si ay xutiyiinta cadaadis ugu saaraan in ay hakiyaan gulufka ay ku hayaan gobolka ma’rib. Xutiyiinta dhankooda waxa ay weeraro ay u adeegsanayaan diyaaradaha an duliyaha lahayn iyo gantaalada balaastiga ku hayaan gobolada bartama iyo waqooyiga sacuudiga, waxayna 10kii maalmood ee laso dhaafay ugu yaraan 30 diyaaradood ku weerareen boqortooyada. Source: goobjoog.com
  11. Orange Democratic Movement (ODM) leader Raila Odinga has tested positive for Covid-19. Source: Hiiraan Online
  12. Allaah U naxariisto waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho maanta laga soo dejiyay meydka Madaxweeynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed . Madaxweyne Cali ayaa maalin ka hor waxa uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu isbitaal ku yaallo ku xanuunsanayay. Meydka Marxuumka ayaa gudaha Garoonka Aden Adde lagula tuaday salaadda Janaasada , iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madax hore . Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay Aaska madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaashi hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Gudoomiyaba Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman , Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Mas’uuliyiin kale . Saaladda kadib ayaana madaxweynaha lagu wadaa in la aaso. Cali Mahdi ayaa Dalka Madaxweyne ka noqday intii u dhaxeysay sanadihii 1991 illa 1995 . Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhaw laga soo dajiyay garoonka caalamiga ah ee Aadn Cadde, iyadoo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, waxaana laga soo dajiyay Muqdisho. Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka ayaa garoonka gudaha u galay si ay salaadda Janaasada ugu tukadaan. Meydka marxuumka ayaa loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu aaso. DAAWO SAWIRADA:
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gudaha garoonka u diiday musharaxiinta iney la galaan ilaaladooda, xilli halkaas laga soo dajinayay meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka. Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay madaxda dowladda ayaa is hor istaag ku sameeyay musharaxiinta oo ay u diideen iney ilaaladooda la galaan gudaha, taasna waxaa ka dhashay xaalad kacsanaan ah. Sida aan xogta ku helnay ciidamada ay wateen madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xaalad ka abuuray goobtii, waxeyna diideen in qofna uu galo garoonka, taasna ay abuurtay in ciidamada AMISOM ay qudhooda lasoo baxaan hub culus ilaa xaaladda la dajiyo. is-mari waaga dhacay oo muddo xaalad kacsanaan ah ka abuuray afaafka hore garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe la xaliyay, waxaana ilaalada musharaxiinta mucaaradka ee doonayay iney galaan garoonka loo ogolaaday iney gudbaan. Sidoo kale wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga loo balansan yahay in lagu aaso madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ah dagmada Yaaqshiid iyo agga u dhaw garoonka diyaaradaha ayaa la xiray, iyadoo aan la ogoleyn isku socodka gaadiidka. Madaxweynayaashii hore, guddoonka labada aqal e Barlamaanka, xildhibaano, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay aaska marxuu Cali Mahdi Maxamed.
  15. Allah U naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyoday Dr Xaydar Cali Raage oo si weyn looga yaqiin gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho. Dr Xeydar ayaa in muddo ah waxa uu ka shaqeynayay xarumaha Caafiimaad ee dalka, DR Xeydar ayaana waxa uu caan ku ahaa daweynta cudurka Qaaxada ama TB-da loo yaqaan. Xeydar ayaa 30-kii sano ee u dambeyay ka mid ahaa sidoo kale bahda caafimaad ee bulshada xilliyadii adkaa wax u qabaneysay. DR ayaana aad looga yaqiinay geyiga ay dagto Soomaalida gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay Source: goobjoog.com
  16. MOGADISHU (HOL) - The body of the former Somali president, Ali Mahdi Mohamad just arrived at Aden Adde international airport in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Illaahay ha u naxariistee Madaxweynihii hore Cali Mahdi ayaa saaka oo Jamce ah lagsoo dejiyey Magaalada Muqdisho halkaasoo Salaada Jinaasada lagu tukanayo kadibna idla maanta ayaa lagu aasayaa Muqdisho. Aas Qaran oo ay kasoo qaybgalayaan Madaxda Dalku ayaa loo aanaynayaa Marxuumka. Puntlandi.com The post Meydka Madaxweynihii hore oo Muqdisho la keenay appeared first on . Source
  18. Mogadishu (HOL) - The body of former Somali President Ali Mahdi Mohamed will be brought to Mogadishu for burial today. Source: Hiiraan Online
  19. Many years ago I conducted an interview with a leader of the Ogaden National Liberation Front (ONLF). At the time, Ethiopia’s Somali regional state was often referred to as ‘region 5’ or kilil amist. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka la qorsheynayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni ee madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada uu wajahayo caqabad keeni karto inuu baaqdo ama dib u dhaco ugu yaraan. Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ayaa aad uga soo horjeeda inuu shir ku galo teendhadaas, isaga oo taas u arka inay si weyn u dhaawici doonto sharciyaddiisa, waxaana jira isku dayo dhowr ah oo uu Farmaajo shirkaas uga war-wareegayo. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu jiro qorshe madaxweyne goboleedyada raacsan Farmaajo sidan Cali Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen looga dhaadhicinayo inay shirkaas diidaan, oo ay dalbadaan in madaxtooyada lagu shiro. Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaan weli soo gaarin Muqdisho, halka Guudlaawe oo markii hore ku sugnaa uusan weli shirkan ka hadlin. Shirka teendhada Afisyooni ayaa waxaa dalbaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo sheeegay inaysan aamineyn Villa Somalia, waxaana haddii sida hadda la isku dayayo ay suurta-gasho, oo ay diidaan qaar ka mid madaxweyne goboleedyada kale ay mugdi weyn gelin doonta qabsoomiddiisa. Haddii qorshahan uusan hirgelin, waxaa jira qorshe labaad oo ah in Farmaajo dalbado in shirka uu noqdo oo kaliya xaflad lagu saxiixo heshiiskii Baydhaba ee 15- Febraayo, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay wataan shuruudo soo kordhay kadib shirkii Baydhaba, kuwaas oo kala ah: 1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, oo u uku sheegayo in muddo xileedkiisu dhammaaday. 2 –In wixii sharciyo oo ay baarlamanka ansixiyeen kadib 27-kii bishii December, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka, laga laabto. 3 –In amniga doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo la weeraray dibad-baxayaal iyo musharaxiin mucaarad ah oo la rasaaseeyey. Ma cadda sida xaal noqon doono, hase yeeshee madaxweyne Farmaajo ayaa rumeysan in haddii Xalane uu galo ay ka dhigan tahay inay luntay sharciyaddiisa madaxweyne ee weli uu aamisan yahay inay jirto, ayna ku tahay bahdil.
  21. One year after the nation was brought to a near-standstill by the coronavirus, U.S. President Joe Biden used his first prime-time address Thursday night to announce his plan to make all adults vaccine-eligible by May 1 and “begin to mark our independence from this virus” by the Fourth of July. He offered Americans fresh hope and appealed anew for their help. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - The U.S. Ambassador to Somalia, Donald Yamamoto, met with Jubaland State President Ahmed Madobe at Halane Base Camp in Mogadishu on Thursday amidst the ongoing talks between the federal government and federal member states on the electoral crisis. Source: Hiiraan Online
  23. Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hakiyey lacagtii tooska aheyd ee uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist. Lacagta tooska ah ee Midowga Yurub uu siiyo dowladda federaalka ayaa la billaabay sanaddii 2018, ayada oo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan dowliga aheyn (NGOs), si ay Soomaaliya ugu qarash gareeyeen. Hase yeeshee, warbixinta uu maanta qoray wargeyska The Economist ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeyey bishii June ee sanadii tegay uu mar kale Midowga Yurub hakiyey miisaaniyaddaas, sababo la xiriira walaacyo ku saabsan isku day lagu xadayo doorashada Soomaaliya. Warbixinta wargeyska ma bixin wax faah-faahin oo intaas dhaafsan, hase yeeshee waxay madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigi ka dhammaaday ku eedeysay in tan iyo markii uu xukunka qabtay uu isku dayayey inuu awoodda xoojisto isaga oo dhinac u riixaya mucaaradka, islamarkaana u adeegsanaya ciidamada dowladda. Arrintan ayuu wargeyska sheegay inay walaac ku abuurtay dalalka Reer Galbeedka ee inta badan bixiya miisaaniyadda dowladda federaalka. Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama hadlin haddii ay jirto in miisaaniyadda Midowga Yurub la hakiyey, hase yeeshee daba-yaaqadii sanadkii tegay iyo horraantii sanadkan waxaa soo ifbaxayey dhowr kiis oo ku saabsan ciidamo iyo shaqaale rayid ah oo aan mushahar qaadan, taasi oo markii hore aan dhici jirin. Beesha caalamka, oo ay ugu weyn yihiin Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa hadda ku qasbaya madaxweyne Farmaajo inuu madaxweyne goboleedyada kula shiro Xalane, taasi oo uusan raali ka aheyn, waxaana muuqata in awoodda maaliyadeed ee ay Soomaaliya ku leeyihiin ay adeegsanayaan cadaadiska ay ku hayaan Farmaajo.
  24. NPR's Steve Inskeep talks with Rep. Ilhan Omar, D-Minn., about her proposed bill to sanction Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman over the killing of journalist Jamal Khashoggi. Source: Hiiraan Online