-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Stand up here too long and you’ll be a target,” warns the manager of a hotel near the airport in Mogadishu. Visible from the rooftop are two watchtowers and several military checkpoints. In the basement is a bunker. The risks for visitors to this fortified enclave of the Somali capital are not hypothetical: on February 19th a rocket-propelled grenade hit a row of shops near its edge. Source: Hiiraan Online
-
Turkey is playing a key role in Somalia even amid a political stalemate in the Horn of Africa country due to delays in national elections, according to a Turkish analyst. “As a donor country, Turkey has been playing an important role in Somalia since 2011,” Serhat Orakci, a researcher at the Istanbul-based Humanitarian and Social Research Center (INSAMER), which is part of the Humanitarian Relief Foundation (IHH), told Anadolu Agency. “And because of that, the political instability in the country has been watched carefully by Turkish officials,” said Orakci, also the author of a 2018 book on Turkish-African relations. According to Orakci, some candidates for the presidential polls have histories of close ties with Turkey, for instance, former presidents Sheikh Sharif and Hassan Sheikh Mohamud, who both worked with Turkey. “However, Turkey’s policy in Somalia seems to focus on the country’s development rather than particular figures,” he explained. “I think Turkey has the ability to work with any candidate who will be the country’s next president when the election dispute ends.” A decade ago, Somalia’s 2011 drought killed over a quarter-million people, and Turkey played a key role in overcoming the ensuing famine by initiating many projects, such as a 200-bed training and research hospital that opened in 2015. During the 2011 famine, when then-Prime Minister and current Turkish President Recep Tayyip Erdogan visited the country, he went to camps where internally displaced people were staying instead of rushing straight to the presidential palace, a move which inspired Somalis’ feelings of love and solidarity towards the Turkish people. Mukhtar M, Sayid, the head of Somalia’s Peace Justice and Development Party and a presidential candidate contender, also fondly recalls Erdogan’s visit. “When the Turkish government in 2011 went to Somalia to save dying children dying of famine,” Sayid told Anadolu Agency, “the rest of the world was watching Somalia die and perish.” Sayid, who also has Australian citizenship, added that he divides his time between Somalia, Turkey, and Australia. “At that time, there was not a single embassy in Somalia except for the Ethiopian Embassy,” he explained. But the years that followed saw the Turkish government forge strong bonds with Somalia and send considerable aid to the country. It helped “stop the famine, support the building of hospitals, build the roads, support the Somali community,” said Sayid. Later, he added, an “influx of embassies and foreign diplomats came to Somalia.” Election dispute remains According to Orakci, the election dispute in Somalia remained unresolved. “The COVID-19 pandemic, financial deficits, and disputes between regional states with the federal government under Somalia’s federal system have all caused delays in the election calendar,” Orakci said. “Recently, federal authorities sat down with regional governors but the conference did not bring any result,” he added. The Horn of Africa country hit a political stalemate after presidential and parliamentary elections were delayed and the president’s constitutional mandate expired on Feb. 8. Recent clashes between government forces and opposition protesters have claimed the lives of at least four people, including soldiers. President Mohamed Abdullah Mohamed has called on regional leaders to hold talks to end the political deadlock. “The election process in Somalia is an indirect system, since some parts of the country still remain under the control of Al-Shabaab,” said Orakci, referring to an al-Qaeda-linked terrorist group that has committed scores of deadly attacks in Somalia, including ones directly targeting Turkish projects in the country. “Somalia’s election was supposed to take place last year by direct voting, but for security reasons and center-periphery disputes there have been delays until today,” he added. “In the indirect system, a number of elders choose MPs for parliament, and the MPs are supposed to choose a new president. However, this system is open to corruption and it is very doubtful whether it reflects the real opinion of the people or not,” Orakci explained. Last month Turkey expressed concern over unrest in Somalia as tension rose due to the delayed polls. “We are concerned about the recent negative developments arising from the dispute over the election process in Somalia,” the Foreign Ministry said in a statement. “It is important that all parties act with common sense by avoiding steps that may lead to violence, and that the Federal Government and Federal Member States’ Leaders come together and try to resolve disputes with an inclusive and constructive dialogue on the basis of the agreement reached on 17 September 2020,” the statement added. “We believe that the friendly and brotherly people of Somalia have the will and political maturity to determine their own future,” the ministry said. “In this context, we hope that a consensus will be reached on the election process, on the basis of mutual understanding without further delay,” it added.
-
Fifteen years after the creation of al-Shabaab in Somalia, terror still reigns and the reality on the ground just shifted more in their favor. Source: Hiiraan Online
-
Istanbul (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Turkish ah Serhat Orakci ayaa sheegay in Turkey ay la macaamili karto musharax kasta oo noqda madaxweynaha xiga ee Soomaaliya marka uu dhammaado muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u magacaabay laba ka mid ah.. Hadalka Serhat Orakci, oo ah cilmi-baare ka tirsan xarunta daraasaadka bulshada INSAMER ee magaalada Istanbul, ayaa yimid ayada oo maalmihii dhowaa la tuhmayey in Turkish-ka ay si hoose ula shaqeynayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ciidamada Turkiga uu tababaray ee Gorgor iyo Haramcad u adeegsaday in lagu caburiyo mucaaradka. Hase yeeshee Orakci ayaa muujiyey in Turkay ay sidoo kale xiriir dhow la leedahay musharaxiinta kale qaarkood. “Qaar ka mid ah musharaxiinta waxay xiriir dhow oo taariikhi ah la leeyihiin Turkey, tusaale, madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo labaduba la shaqeeyey Turkey,” ayuu yiri Serhat Orakci. “Waxaan u maleynayaa in Turkey ay awood u leedahay inay la shaqeyso musharax kasta oo noqon doona madaxweynaha xiga ee dalka marka murabnka doorashada uu dhammaado,” ayuu yiri. Si kastaba, Serhat Orakci ayaa sheegay in siyaasadda Turkey ay ku wajahan Soomaaliya ay tahay mid diiradda lagu saaro horumarka dalka ee aanay quseyn shakhsiyaad gaar ah. Turkey ayaa bishii tegtay walaac ka muujisay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka doorashada Soomaaliya, waxaana wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ay ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka fogaadaan tallaabooyinka horseedi kara rabshado. Serhat Orakci ayaa sheegay in saraakiisha Turkey ay hadda si dhow isha ugu hayaan waxa ka socda Soomaaliya.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday dalka Jabuuti. Madaxweyne Deni, ayaa Qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray dhammaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday suldaanka gaar ahaanna Qoyska iyo Eheladiisi. “Alle ha u naxariisto Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti, geeridiisa waxaan uga tacsiyeenaya ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland.” Marxuumka oo ka mid ahaa odeyaasha dhaqanka Puntland, wuxuu kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo lagu xasuusto kaalintiisii Shirkii Carta ee sanadkii 2000. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida suldaan Axmed Jaamac appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday waddanka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, nabaddeynta, dib u heshiisiinta iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee xal u helidda dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay. “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi waxa uu door weyn ka soo qaatay dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee dib u yagleelidda dowladnimadeenna iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna qeyb ka ahaa Wax-garadkii hoggaaminayey Shirkii Carta ee sannadkii 2000” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Suldaan Axmed Jaamac oo ku geeriyooday Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday dhaqtarkii Soomaaliya ugu wanaagsanaa daaweynta cudurada neef-mareenka ku dhaca iyo Tiibashada Dr. Xeydar Cali Raage oo ku takhasusay cudurka Tiibashada “TB”. Dr. Xeydar Cali Raage oo mudo ka badan 40 sano ka howlgalayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu xarun caafimaad oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da uu ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana gobolada dalka looga imaan jiray daaweyntiisa iyo khibrada fog ee uu u lahaa daweynta cudurkaasi. Sida aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow dhow ehelladiisa Dr. Xeydar ayaa waxaa soo ritay cudurka Coronavirus, oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday. Dr. Xeydar ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirtii Soomaaliyeed ee tan iyo burburkii dalka meelna ugu bixin dalka, wuxuuna marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray uu ku shaqeynayay, isagoo ahaa dhaqtar u gargaara dadka dhibaateysan. Xaruntii uu ku lahaa degmada Karaan ayaa dadka aan awoodin iney iska bixiyaan lacagta fiisitada waxay lahaayeen maalmo gooni ah oo dhaqtarku qaabili jiray iyadoo aysan jirin khidmo laga qaado, kuwii aan awoodinna inay iibsadaan daawada dhaqtarku ka bixin jiray qarashka daawada. Ali Muhiyaddiin Ali Caasimada Online, UK
-
Innaa Lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Siciid Suldaan Cabdilqaadir Suldaan Cabdilaahi oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxaan Allah ka baryayaa inuu Marxuum Siciid Naxariistii Janno uu ka waraabiyo, dhamaanteena uu Samitlr iyo Iimaan ka siyo. Aamiin. Waxaan Tacsi gaar ah u dirayaa Qoyska Saldanada reer Suldaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waa geeri aad u xanuun badan, waxaan Allah ka baryayaa inuu Marxuumka Jannadiisa ku casuumo, samir iyo iimaana uu dhamaanteen inaga siiyo. Aamiin. Qaran News
-
Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday Madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii ay xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka. Cali Mahdi – oo Alle ha u naxariistee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Niarobi ayaa xilka ugu sarreeya waddanka Soomaaliya qabtay xilli uu socday dagaal sokeeye oo xooggan. Wuxuu noqday madaxweynihii afaraad ee soo mara dalka Soomaaliya. Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa qaabka uu Cali Mahdi xilkaas ku qabtay, caqabadaha uu wajahay iyo markii dambe qaabka uu ku wareejiyay. Cali Mahdi iyo Caydiid Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jen. Maxamed Siyaad Bare. Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC. Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid. “Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi. Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi. Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh. Shirkii Jabuuti Bartamihii 1991, waxaa shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya martigeliyay madaxweynihii Jabuuti ee xilligaas, Xasan Guuleed Abtidoon. Shirka waxaa ka qeybgalay inta badan hogaamiyayaashii jabhadihii hubaysnaa, waxaana Cali Mahdi loo ansixiyay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu shirkaas ka qeybgalin Jen. Ceydiid. Dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Talyaaniga ayaa durbadiiba aqoonsaday madaxtinimada Cali Mahdi, taasoo ka dhigtay madaxweynaha uu caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya. Hase ahaatee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi ayaa fursad u heli weysay in ay xukunkeeda dhaafiso magaalada Muqdisho, sida uu sharraxayo Cilmi Faarax Webi. Maamulkii loogu magac daray”Salballaarta” ayaa awood maamul u helay qeybo kooban oo kamid ah Muqdisho, waxaana dalka intiisa kale uu u kala jabay qeybo ay maamulaan hogaamiye kooxeedyo. Cilmi Faarax Webi ayaa qaba in Cali Mahdi aanu eed ku lahayn in xukuumaddiisa ay dalka intiisa kale gaari weyday. “Xilligii Cali Mahdi la doortay wuxuu ahaa xilligii ugu xumaa ee Soomaaliya ay dagaallada ku jirtay. Waad la socotaa , madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre wuxuu joogay Gedo, dadku qax ayeyba ku jireen xilli dowlad la fidiyo ama fursad lagu ballaariyo Cali Mahdi xukuumaddiisii maba aysan helin.” “Cali mahdi Ma uusan helin taageero dhaqaale iyo mid milateri oo uu xukunkiisa ku gaarsiin karay meel ka baxsan Xamar,” ayuu yiri Webi. 11-kii bishii December ee sanadkii 1992-kii ayey labada hoggaamiye kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo dhigayay in ciidamada iska soo horjeeday 48 saacadood looga bixiyo magaalada. Cali Mahdi xilka madaxweynaha waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka. Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre. Sanadihii dambe waxa uu ku mashquulsanaa howlo ganacsi oo uu ka waday magaalada Muqdisho. Wuxuu dhawaan dhameystiray dhismaha ugu dheer caasimadda, oo uu sheegay in ay leedahay xaaskiisa, laguna maalgaliyay dhaqaale kasoo xarooday dhinaca ganacsiga. Isha: BBC SOMALI
-
Bosaso (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni today appointed an interim administration for Bosaso, the commercial city of Puntland. President Deni appointed Abdiqani Ahmed Ismail as the Interim District Commissioner of Bosaso. Nuur Haji Huruse was appointed as the Deputy Interim District Commisioner. Abdiqani Ahmed Ismail, the Interim Bosaso District Commisioner (left) and Nuur Haji Huruse, the Deputy Interim District Commissioner (right). The new appointments come one day after President Deni suspended Abdisalan Bashir, the former District Commisioner, from work. Last night Abdisalan submitted a letter of resignation. Puntland President has dissolved Bosaso administration following financial mismanagement allegations. The city is reeling from prison raid by Al-shabaab in which the proscribed group released more than three hundred inmates. Last year, Puntland Interior Ministry reorganised Bosaso into four neighbourhoods. One week ago, authorities banned carrying weapons in Bosaso. President Deni visited Bosaso in military fatigues and vowed that “some people will have to carry the can for the failure to prevent the prison raid by Al-shabaab.” © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Appoints an Interim Administration for Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca xiga garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ku dagaalameen laba ciidan. Ciidamo militeri ah ayaa caawa weeraray Bar-control oo ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin afaafka hore ee magalaada, gaar ahaan dhanka xiga garoonka diyaadaha ee Ugaas Khaliif. Bartaas Koontorool ayaa ah mid ay ciidamada boolisku ku qaadaan cashuurta. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada la weeraray ay is difaaceen, isla markaana dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaas, waxaana weli hoobta isku hor fadhiya ciidamadii dagaalamay. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka ciidanka weerarka qaaday iyo qeybta ay ka tirsan yihiin. Wararkii qaar waxay sheegayaan in ciidanka militeriga ah ee weeraray booliska ku sugnaa bartaas koontorool ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, isla markaana ay doonayaan inay la wareegaan goobtaas lagu qaado canshuurta.
-
Kate Foster, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho ugu tagtay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Madoobe, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay islasoo qaadeen waxaa kamid ah Arimaha Doorashada iyo Shirka lafilayo inaybisugu yimaadaan Madaxda Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee laga wadahadlay waxaa kamid ah Xaalada Abaaraha ka jira Deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo, Oo maalmahaanba uu Madaxweynuhu u baadi goobayay Kaalmo Caalami ah oo lagaardiiyo Gedo. Madaxweyne Axmed Madoobe Iyo Ambasador Kate waxay isla meeldhigeen muhiimada uu kulanka Looga hadlayo Doorashada uu u leeyahay Geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya. Waa ku waan sawiradii kulanka Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirada UK oo Muqdisho ku kulmay appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada Booaaso u magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen ku meelgaara. Wareegto uu caawa soo saaray Madaxwene Deni ayaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Boosaaso. Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) ayaa hadda ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Puntland. Dhanka kale Axmed Nuur Huruuse ayaa si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa xalay isaguna sheegay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayay degmada Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa maanta kala kala diray golohii degaanka Degmada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Degmada Boosaaso oo maamul ku meelgaar ah loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii ka eryey Golaha Deegaanka Magaalada Bosaso. Wareegto kasoo Baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa lakala diray Golaha Deegaanka. Maalmahaanba waxaa socdey Qorshe Isbadal loogu samaynayo Golaha Deegaanka Magaalada Bosaso tasoo keentay in Golaha gabi ahaanba lakala diro si loosoo doorto Gole cusub oo la jaanqaadi kara Qorshayaasha docda. Waatan Wareegtada lagu kala eryay Golaha The post Golaha Deegaanka Bosaso oo lakala diray appeared first on . Source
-
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCIIN. Allaah ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay Arbaco 10.03.2021 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cali Mahdi Maxamed. Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo ahaa hogaamiye iyo Oday Somaaliyeed oo door muhiim ah ka qaatay halgankii looga soo horjeeday xukunkii kalitaliska ahaa iyo sidoo kale waxa uu hormuud ka ahaa dadaalkii dheeraa ee loo soo maray dib u yegleelida Dawladnimada Somaaliyeed. Dhamaan xubnaha Jaaliyada Somaaliyeed ee Reer Puntland iyo Jubbaland ee Danmark waxay iyagoo ka tiiraneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbigii Somaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. Waxaa halkan Tacsi ka diraya Bootan Bare Samatar Suldaan Cabdirisaq Xirsi Carab Cabdikariin Ciise Cali Caaqil Maxamed Farax Sandheer Suldaan Xuseen Ramadaan Dr.Said Ahmed oor Xaaji Mohamed Hussein Daaniye Cali Daahir Jamac Kawis ( Qalinle) Cabdirisaq Khalif Xirsi ( Biine ) Sharmaake C.Farax Qambi iyo xaaskiisa Deeqa Cabdi Nuur Xuseen Cabdullaahi Khaliif (Naftixoor) Cabdirisaaq Yusuf Cali Xoosh Oday Qandala Abdi Xasan Abuukar Hussein Baynax Barre Mohamed Hassan Gelle Suldaan Cabdirisaq Xirsi Carab Eedo Xaliimo Soofe Haweeyo Farax Baashi Xasan Tubaako Axmed Dibe Cabdinaasir Wacbuudhan Cabdirshiid Burburshe Saciid Cabdille Cali Ilweyn Cumar Sheikh Xaashi Cali Foor Cabdirshiid Siyaasi Jamac Axmed Nuur Cabdimaalik Qar iskaxoor Cabdullahi Guuleed Ibraahim Cabdi Qayaad Liibaan Farax Xayir Maxamed Axmed(Bashiir Cagay) Cabdulahi xuseen Calas Cabdirshiid Shirwac Maxamed Jamac Sooyaan Mohamuud Khaliif Abdijabar shekh cumar(Afguriye) Faadumo abdiraxmar max,ed(dhoodi) Cabdiqadir Khalif Xirsi Dhamac (Biine) Cabdi Dhaanjoor Cabdi Sahid Axmed Barre Cabdullahi Warsame Xasan Ahmed A. Osman Cabdirisaq Sanweyne Maxamuud Axmed Cali (Ilkacase) Dr.Mohamed Jamac Dr.Cabdirizak Jamac Ciise Sheekh Ibraahim Saalax Aadan Cabdicasiis Gurxan Cbdullaahi Xaashi Wayrax Dr.Cabdi Muuse Shiil Cabdikhaliif Mire Cabdirashiid Jamac Ciise Ex- Govoner Maxamed Faarax Ciise Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Jamac Oday Yuusuf Shancad Cabdi Xasan Ciid Abdulaahi shiine Bashiir Quule Maxamuud cigaal Jakarab Mohamoud Omar Bulqaas Mohamed Abdulaahi Hussein (Shoortaayo) Mohamoud Osman (Surka) Ahmed Hussein Farax (Heeryo) Salah Said Diiriye Maxamuud Xarago Mustafe Yare Yusuf Cartan Abdullaahi Ahmed Haragweyn Eng.Omar Mohamoud Abdiqadir Sandeyl Cabdirisaq Cali Xaaji(Namhaan) Farah Isse Said Siciid Xuseen Faarax Siciid Maxamed Siciid Faadumo Cali Maxamed Xaawo Shabac Mulaaxo Xaraare Sahra Faarah Isir M Dhoore Asli Cabdulaahi Madaxey Maryan Jamac Aar Faadumo Axmed Ciid Ubax Axmed Ciid Bashiir Cali Adan Maxamed Axmed Shiino Abdirahman Hirsi Noor(Shiine) Ahmed Mohamed Isse(Dhakal) Jibriil Adan Galool Siciid Shabaab Daahir Maxamed Cali Cariif Cadnaan Maxamed Cusmaan Ubax Maxamed Cusmaan Idiris Xaaji Cali Cabdirisaaq Jamac Xasan Mursal Dhagaweyne Warsame Dhagacade Muuse Caydaruus Caydaruus Jamac Faarax Farxaan Ali Haashi Siciido Cusmaan Xaaji Xaawo Abdi Abshir Sucaad Mohamed Baynax Farxiyo Hassan Siciid caasho Koronto Farxiya Xasan Cali Xaashi Sahro Xasan Cali Xaashi Khadiijo Xaaji Axmed Ubax Maxamuud Kadawe Caasho Cusmaan Firin Sureer Cali Maad Hodan jeer Jeer Canab Cabaase Hodan Yusuf Nuux Canab Xuseen Xaraare Idil Xasan Cusmaan Kenadiid Sagal diiriye Colaad Abdihalim M.Ali-ilwen Ahmed Mohamed Nuur Axmed Cabdi Yusuf Siciido Adan Bidaar Mohamed Shukri Cabdulaahi Joocaar Maxamed Xasan Dooyo Cabdulaahi Hoover Yusuf Ilweyn Iiman Maxamed Cali Farax Camashuluq Cabdinasir Axmed Cigaal Abdifatah Ali Maas Cabdulaahi Gabeyre Maxamed Yusuf Qaylo Cabdirashiid Khaliif Nuune salaad Saciid Daahir Barkhadle Cali Ciise Dheere Mahad Ali Mohamed( Qoloocow) Mohamed Guray Mohamed Abdulaahi Haashi (Elay) Mohamoud Muse Hasan Weli Cabdinasir Cabdiqadir Cadceed Mohamoud A/qadir Haaji Mohamed Ali Dheere Axmed Wariye Cabdiraxiin Xasan Jabuuti Saciiid Karuur Maxamuud Xaamud Maxamed Ciise Cabdi Cabdilaahi Khaliif Fiiqow Abdulaahi Ali Shaandhe iyo Mumtaas Mohamed Faraax Najiib Qoob-leex iyo Jamiilo Looyaan Axmed Faarax Siciid Maxamed Cali Mohamed Abdi Cartan Maamulka iyo hawlwadeenada Shabakada caalamiga ah ee Puntlandi waxay sidaa si la mid ah Tacsi tiiranyo leh u dirayaan Dhamaan qoyska Reer Mahdi Maxamed iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed ,waxayna Eebbe uga baryayaan inuu ka siiyo samir iyo iimaan,marxuumkana waxaan Allaah uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf. The post TACSI : – Jaaliyada Puntland/ Jubbaland ee Danmark waxay tacsi u dirayaan dhamaan shacbiga Somaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid M/weyne Cali Mahdi Maxamed appeared first on . Source
-
Boosaaso: 11 March 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD faafinta: Puntland Post The post Madaxweyne Deni oo kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
