Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbaahinta dunida qaarkood, ayaa wax ka qoray isla-markaana si gaar ah u soo qaatay hadal ku jiray Khudbad-sanadeedkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan u jeediyey labada Gole ee Baarlamaanka. Madaxweynaha oo khudbad dheer u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada), ayaa waxa ku jiray Farriin uu ku canaantay Qaramada Midoobay, isagoo ku eedeeyay inay indhaha la lalisay Dawladnimada Somaliland iyo waxa Shacabka Somaliland gacmahooda ku samaysteen. Warbaahinta kala ah Menafn.com, Taiwan Times iyo busiweek, ayaa siyaalo kala duwan u soo qaatay qaybo ka mid ah khudbaddii Madaxweynaha Somaliland u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka, waxayna si gaar ah isku dul taageen khudbadda inta khusaysey Qaramada Midoobay iyo siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo Madaxweynuhu sheegay in sannadkii tagay ee 2020 wax badan ka hirgaleen, isagoo Tusaale u soo qaatay kulan uu Magaalada Nairobi kula yeeshay dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta. Warbaahinta Menafn ayaa War-bixinta ka samaysay hadalka Madaxweynaha Ciwaan uga dhigtay “Madaxweyne Biixi oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid aan Ixtiraamayn Qawaaniinta u gaarka ah (Somaliland)..”, waxayna Warbaahintaasi oo faallaynaysaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Muuse Biixi muujinayo sida Somaliland ugu baahan tahay Aqoonsi, maaddaama oo horumarka dalku ku xidhan yahay xidhiidhka marka la aqoonsan yahay uu la yeelanayo Dalalka kale ee Caalamka. Warbaahinta busiweek, ayaa iyaduna si gaar ah u soo qaadatay hadalka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaga hadlay siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in kulankii uu Nairobi kula yeeshay Nairobi uu rejo cusub u abuuray Somaliland. Warbaahinta busiweek waxay sheegtay in Somaliland hirgelisay Nabadgalyo, doorasho cod iyo Qof ah iyo arrimo kale oo muhiim ah. Halkan hoose ka Daawo khudbadii madaxweynaha oo dhammaystiran Source
  2. Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ah Guddoomiyaha shirkadda MSG siisay dal ku galka dahabka ah ee UAE ee loo yaqaano “Golden VISA”. Maxamed Aw Siciid Geeddi, ayaa ka mid noqonaya dadka Afrikaanka ah ee ugu horeeya ee ay dawladda UAE siiso “Golden VISA”. Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa dal-ku-galkan siisa ganacsatada dunida ee maalgashiga ku sameeya dalka Imaaraadka si ay Visa la’aan ugu noolaadaan ugana shaqaystaan dalka UAE. Saraakiil ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa toddobaadkan guddoonsiiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid “Golden VISA”, waxaanu ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ka dareen celiyay dal-ku-galkan la siiyay uu dawladda UAE uga mahadceliyay hedyadda qaaliga ah ee ay guddoonsiiyeen, isagoo sheegay inuu dalka UAE ka faa’iiday khibrad uu ku horumariyay ganacsigiisa. Wargeysyada ugu caansan dalka UAE ayaa khamiistan maanta warbixino kala duwan ka qoray dal-ku-galka la siiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo weliba ganacsigiisa, waxaanay sheegeen inuu Maxamed Aw Siciid ganacsigiisa ka soo bilaabay meel hoose, isagoo hadda gaadhsiiyay inuu noqdo ganacsiyada Afrika ugu caansan ee aflaxay. Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, ayaa ah ganacsade maalgashiyo kala duwan ku sameeyay dalal badan oo dunida ah oo ay Somaliland ku jirto oo uu geliyay lacag aad u badan oo uu ku keenay adeegga VIber OPTIC ee Internetka. Source
  3. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dhawaan isku shaandhayn ku samaynayo Xukuumaddiisa. Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay arrintaasi, laakiin ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhaynayo Xukuumaddiisa isla-markaana uu ku soo darayo Wejiyo cusub. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ku soo darayo Weji cusub, kuwaasi oo qaarkood buuxin doonaan Jagooyin ay banneeyeen Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahaa, balse Toddobaadkii hore isku casilay inay ka qayb-galaan tartanka doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021. Waxa la sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale eryi doono qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaarkood u beddeli doono Wasaarado kale, halka uu Wasiirro cusubna soo Magacaabi doono. Xilligan, waxa bannaan Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ka dib markii uu is casilay Wasiirkii wasaaraddaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada, waxa kale oo bannaan Afhayeenka Madaxweynaha, ka dib markii uu iscasilay Afhayeenkii hore Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo Xilal dhowr ahi ka bannaan yihiin Hay’adda Waddooyinka Qaranka, ka dib markii Masuuliyiinta Hay’addaasi badankoodu isku Casileen. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Tallaalkii Covid-19 ee loogu deeqay dalka Soomaaliya oo kamid aheyd dalalka ka faa’iideystay mashruuca COVAX oo ay hirgelisay Hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO) oo kaashaneysa isbaaheysiyo dhowr ah ayaa waxa laga dejiyay dalka Kenya. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in tallaalkaas oo ah nooca Covaxin oo lagu sameeyay dalka India laga dejiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo 3-dii March laga soo qaaday dalka India si loo keeno Soomaaliya. Sii-hayaha wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo idaacada VOA-da ay wax ka weydiisay ayaa sheegtay in talaalkaas loo geeyay dalka Kenya arrimo dhanka farsamada ama socdaalka, maadama ay ku dooday inay maamulayaan Hay’adaha UNICEF iyo WHO ee Qaramada oo xarumahooda waaweyn ku yaalan caasimada Kenya. “Tallaalka waxa uu yimid oo uu Trasnit ku yahay dalka Kenya, waxaa filayaa in Khamiis ilaa Sabti uu soo galo dalka. Waxaa ka shaqeynayaaye soo dejinta UNICEF iyo WHO oo wuxuu ka yimid India waxa uu hakad ku yahay Kenya, logistics-ka dhinacaas ayey ka imaanaysa oo hay’addaha waxay xafiisyada logistics-ka ku leeyihiin Kenya,” ayey tiri Fowziya Abuukar. Wasiirada oo la weydiiyay sababta kaliftay in tallaalka uu ku hakado Kenya ayada oo xiisad kala dhaxeyso ayey ku jawaabtay “Caafimaadka siyaasada ma galo oo waxa ka shaqeya UNICEF iyo WHO, weyna imaaneysa (Goojada tallaalka)”. Soomaaliya ayaa waxaa loogu deeqay saddex kun oo Goojo, taasi oo noqoneysa qeybtii ugu horeysay ee tallaalka ay sugeyso Soomaaliya oo lagu sheegay 1 Milyan iyo 200-kun, waxa uuna ka degay afar maalin ka hor magaalada Nairobi. Wasiirka arrimaha dibedda India Subrahmanyam Jaishankar ayaa horaantii bishan March shaaciyey in India laga qaaday tallaalkii Soomaaliya, islamarkaana uu kusii jeedo caasimada dalka, hase yeeshe waxa 6-dii March laga dejiyay Nairobi. Tallaalka India oo ay sameysay shirkadda Bharat Biotech ayaa lagu magacaabaa Covaxin, wuxuuna wax ku ool yahay 81%. Marka loo barbar dhigo, tallaalka AstraZeneca ee UK waa 62%, halka tallaalada Mareykanka ee Pfizer iyo Moderna ay kala yihiin 94% iyo 95%. Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu markale si weyn ugu soo labo kacleeyay dalka, gaar ahaan Caasimada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga diiwaan-geliyay kiisaskii u badna, mana jirto tallaabo adag oo laga qaaday faafitaanka cudurka. Tallaalka la filayo inuu soo gaaro Soomaaliya ee xiligan yaala Kenya ayaa waxa la ogeyn qaabka loo qeybin doono, inkasta oo ay wasiirka caafimaadka sheegtay in wajiga koowaad lagu bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka oo iyagu la tacaalaya bukaanada uu soo rito cudurkaan.
  5. PRESS RELEASE UNSMIL Statement on the Approval by the House of Representatives of a New Interim Unified Government Applauds the HoR leadership and its members for coming together in unity on this historic day and for upholding the interests of their country and their people TRIPOLI, Libya, March 11, 2021/ — The United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) congratulates the Libyan people on the approval by the House of Representatives (HoR) of a new interim unified Government and applauds the HoR leadership and its members for coming together in unity on this historic day and for upholding the interests of their country and their people. Libya has now a genuine opportunity to move forward towards, unity, stability, prosperity, reconciliation and to fully restore its sovereignty. UNSMIL also commends the Libyan Political Dialogue Forum (LDPF) for their patriotic efforts that led to this landmark moment in the history of Libya, as well as all parties in Libya who supported this process including, national and local authorities, the 5+5 Joint Military Commission and elders and notables of Sirte and all of Libya. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL). SOURCE United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed ayaa waxa maalinta berri ah la keeni doona magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasi doono, sida ay sheegen Guddiga xukuumadda xil-gaarsiinta u xil saartay aaskiisa. Guddiga ayaa maanta shir deg-deg ah iskugu yimid, kaasi oo uu shir guddoominayey Wasiirka amniga Soomaaliya oo ah guddoomiyaha guddigan oo uu ra’iisal wasaaraha u magacaabay aaska madaxweyne Cali Mahdi. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo kamid ah guddigaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada guddiga uu qeybta ka yahay ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee aaska qaran ee loo sameynayo madaxweynihii hore ee dalka, islamarkaana ay u diyaar-garooween “Waxaa isku yimid guddiga aaska qaran ee uu magacaabay ra’iisal wasaraha, guddigaas oo loo magacaabay sidii hab-maamuuskii iyo aaska qaran loogu sameyn lahaa madaxweynihii hore ee geeriyooday Mudane Cali Mahdi AUN, Samir iyo iimana allaha ka siiyo bulshada Soomaaliyeed iyo Qoyskaba,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa lagu wadaa meydka madaxweynaha in berrito la keeno dalka Soomaaliya oo laga soo duuliyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa la filayaa in janaasada marka hore madaxda ay ku tukan doonto, kadibna bulsho weynta Soomaaliyeed ay janaasada kula tukan doonaan goobta uu ka dhacayo aaska”. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, oo ka kooban 11-xubnood waxaana guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxay iskugu jiraana Wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa xalay maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana geeridiisa kadib uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday amray in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuumka.
  7. PRESS RELEASE COVID-19 cases in Africa to top 4 million, vaccine rollout underway Following a second wave which peaked at much higher numbers than Africa’s first surge, new case numbers declined for five weeks, and then plateaued during the past three weeks BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), March 11, 2021/ — Africa is poised to surpass 4 million COVID-19 infections this week since the continent’s first confirmed case in February 2020. The year-long battle against the virus, which has also claimed over 106 000 lives, is now receiving a crucial boost with the arrival of vaccines through the COVAX Facility – a multi-partner vaccine procurement platform. Following a second wave which peaked at much higher numbers than Africa’s first surge, new case numbers declined for five weeks, and then plateaued during the past three weeks at around 70 000 cases per week. In the last week, there has been a slight uptick in new cases and an upward trend in 12 countries, including in Cote d’Ivoire, Ethiopia and Cameroon. While deaths reported have dropped by more than 50% over the past 28 days compared with the previous 28 days, the case fatality ratio or the proportion of deaths among confirmed cases is at 3.6% for the past 28 days. This is higher than the global average. With COVID-19 vaccine deliveries picking up speed, the response to the pandemic is getting a much-awaited boost. More than 14.6 million vaccine doses have been delivered to 22 African countries since 24 February through COVAX, an effort co-led by the Coalition for Epidemic Preparedness Innovations (CEPI), Gavi, the Vaccine Alliance and the World Health Organization (WHO) in partnership with UNICEF. Ten countries have started vaccination using COVAX-funded vaccines, while another 10 began with vaccines procured outside the COVAX Facility – either bilaterally or through donations. More than 518 000 doses of COVAX-supplied vaccines have been administered. “Every new COVID-19 vaccine delivery to Africa is a step towards equity and ensuring we get our lives and livelihoods back,” said Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa. “But doses will remain limited and it’s critical that frontline health workers and other priority groups are at the front of the queue. Health workers deserve protection because without their pivotal role, efforts against the pandemic can go only so far.” COVID-19 has heavily jolted the health workforce in the African region. Since the beginning of the pandemic, 267 health worker infections have been recorded on average every day, translating to 11 new health worker infections per hour. To date, more than 100 000 health workers have contracted COVID-19 in the African region. Health worker infections account for 3.5% of the total number of cases in the region. “The pandemic has nearly knocked loose the linchpin of the health systems in many countries,” said Dr Moeti. “We must further protect and equip our health workers to effectively contribute to the efforts to contain COVID-19. Everyone’s wellbeing is at stake without an adequately supported health workforce.” Africa’s health systems have been severely tested, with doctors, nurses and other health workers stretched to the limit. Several studies have identified lack of personal protective equipment, exposure to COVID-19 patients, work overload, poor infection prevention and control measures as the main risk factors associated with infections in health facilities. WHO has supported countries to strengthen COVID-19 infection prevention and control, developed and disseminated guidance on health worker infection prevention as well as helped train more than 200 000 health workers. With partner organizations, WHO has also shipped more than 6.4 million rapid diagnosis test kits to African countries to boost COVID-19 testing even in remote areas. Laboratory diagnosis of the virus in the African region has improved greatly over the past three months, with tests nearly doubling to 243 per 10 000 people up from 149 tests per 10 000 people. More than 27 million tests have been performed in the region to date. Cabo Verde, Botswana, Gabon, Mauritius, Seychelles and South Africa have registered the highest testing rates. Dr Moeti spoke during a virtual press conference today facilitated by APO Group. She was joined by Mr Ferdinant M. Sonyuy, Chair, Secretariat and Central Africa Regional Representative, Africa NCDs Network, Mrs Perpetual Ofori-Ampofo, President of the Ghana Registered Nurses and Midwives Association and Dr Salam Gueye, Director, Regional Emergency Preparedness and Response, WHO Regional Office for Africa. Also on hand to answer questions were Dr Richard Mihigo, Immunization and Vaccine Development Programme Coordinator, WHO Regional Office for Africa, and Dr Nsenga Ngoy, Emergency Response Programme Manager, WHO Regional Office for Africa. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  8. Diblomaasi Soomaaliya oo loo magacaabay Af-hayeenka uru Goboleedka IGAD Nuur Maxamuud Shiikh Diblomaasi Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Af-hayeenka Rasmiga ah ee Urur Goboleedka IGAD, sida laga soo xigtay warqad ka soo baxday Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu. Wargeyska The Daily Nation, oo ka soo baxa waddanka Kenya, ayaa sheegay in Nuur Maxamuud Shiikh oo u dhashay Soomaaliya loo magacaabay Af-hayeenka cusub ee Urur Goboleedka IGAD. The Daily Nation, ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD ka soo xigtay in Af-hayeenka cusub uu karti u leeyahay dhisidda xiriirka IGAD iyo Ururada kale, islamarkaana uu xoojin doono Iskaashiga dalalka ku midaysan Urur Goboleedkan. Mr. Nuur Maxamuud Shiikh, wuxu mudda 30-sano ah ka soo shaqeeyay Arrimaha Diblomaasiyadda, isagoo La-taliye sare u soo noqday xafiiska IGAD u qaabilsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Urur Goboleedka IGAD, waxa ku midaysan sideed waddan oo kala ah: Soomaaliya, kenya, Ethiopia, Djibouti, South Sudan, Eritrea, Uganda iyo Sudan. Qaran News
  9. Somaliland signed an agreement with Taiwan on March 3 to upgrade the digitalization of the East African country’s government, the Ministry of Foreign Affairs (MOFA) announced Thursday (March 11). Taiwan’s opening of a representative office in the Somaliland capital of Hargeisa last August was seen as a major diplomatic breakthrough for the island. Somaliland launched its own office in Taipei on Sept. 9. The new accord was signed by a Taiwanese information technology assistance group in Somaliland as well as the country’s Ministry of Telecommunications and Technology, CNA reported. A three-year plan will involve training qualified staff, launching a cross-ministry data exchange platform, and improving the Somaliland government’s internet management, according to MOFA. Taiwan already manages two other development programs in Somaliland: one targets the health of pregnant women and infants, and the other aims to improve the quality of vegetables grown in the country. While both Taiwan and Somaliland lack international recognition and must battle relative isolation, there have been no signs yet that they wish to upgrade the relationship to full diplomatic recognition Taiwan news Qaran News
  10. Netanyahu oo baajiyey Safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka xaalad degdega oo soo wajahday Awgeed Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan. Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, ayada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka. Safarka Netanyahu ayaa noqon lahaa mid taariikhi ah, oo sii xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee cusub ee ay sanaddii tegtay aas-aasteen Israel iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sare u qaadi lahaa rajada Netanyahu ee doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel. Sarkaal u hadlay xafiiska ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Sara Netanyahu loola cararay isbitalka Hadassah Medical Center kadib markii ay xanuun dareeentay, islamarkaana ay ku jiri doonto maalmo. Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed. Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xiriir la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan deg-deg ah oo uu kaga hadlayo xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo iyo sidoo kale tan ka dhalatay cudurka safmarka ah Covid-19. Sheekh Shariif ayaa marka hore ugu baaqay ganacsatada, dowladda iyo hay’adaha samafalka in gurmad bani’aadanimo la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan Gedo. Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Shariifka ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday in fududeyso sidii loo heli lahaa wax kasta oo looga hortegi karo cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Halkan hoose ka aqriso:- Ugu horreyn Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka. Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay. Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha.
  12. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan. Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, ayada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka. Safarka Netanyahu ayaa noqon lahaa mid taariikhi ah, oo sii xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee cusub ee ay sanaddii tegtay aas-aasteen Israel iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sare u qaadi lahaa rajada Netanyahu ee doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel. Sarkaal u hadlay xafiiska ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Sara Netanyahu loola cararay isbitalka Hadassah Medical Center kadib markii ay xanuun dareeentay, islamarkaana ay ku jiri doonto maalmo. Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed. Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xiriir la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan. REUTERS + AP
  13. Waxaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ilaa hadda ma cadda sababta uu u dhintay, mana jirto baaris arrintan la xiriirta oo lagu dhawaaqay, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda loo dhigo aas qaran halka Villa Somalia ay sheegtay in saddex maalin hoos loo dhigay calanka, lana muumuusayo. Haddaba, waxaan akhristeyaasheena xusuusineynaa waxyaabihii uu madaxweynaha ku hawlanaa geerida ka hor. 1. Yagleelidda dowlad rayid ah: Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, waxaa uu weligii diidanaa keligii taliska, xoog wax lagu doonno iyo askarta siyaasadda lugaha la gasha, isaga oo ku gadooday keligii taliyey Maxamed Siyaad sla markaana ahaa maalgeliyaha USC, madaxdii manifesto oo Barre kula taliyey inuu dadka u tanaasulo, markii dambana Gen. Caydiid isugu dhaceen in aanu askari lagu badalan karin askari kale, waxaase maalmahan dambe isaga oo nabadda uun ka shaqeynayey ka hadalsiiyey markii uu arkay habdhaqanka maamulka Farmaajo ee uu uga meermeerinayo qabashada doorasho. Madaxweynaha oo ka hadlayey haddii la waayo dowlad fiican waxaa uu yiri ‘‘Siyaasadda niman ayaa noogu jira, aniga siyaasi waa ahaay, hadda ma ahi, miskiin gurigiisa jooga ayaa ahay, laakin hal waxaad ayaan rabaa, qof aan ka waayo aan la dagaalamaayo, dowlad fiican, oo caadil ah, oo dalka caadil ku dhaqaayo ayaan rabaa, ninkii aan ka waayana qoraygii cadaa, weli xabaddii kama bixin, warku inuu cadaado ayaa la rabaa’’. 2. Dhaliilidda aragtida maamulka Farmaajo: Waxaa uu Farmaajo ku dhaliilay marar badan in aanu wax maqleyn, kursi isku dhejin, isla markaanu aanu cidna talo weydiin, waxaa uuna uga digay in kursiga isku dhejiyo oo dalka uu geliyo dagaal sokeeye, isaga oo yiri ‘’Cabdullahiyow waa soo dadaashay, waxbaad qabatay, xuduuddii ayaad joogtaa, kursi haddii darajo leeyahay, haddii janno lagu kasbanaayo, muddo lagu kasbado waad joogtay, haddii aan naar ku kasabatana, muddo lagu kasbaday waad joogta, waxaan kula talineynaa doorashadaasi waa iney ku dhacdaa waqtiga dastuuriga ah, cid Soomaali oo yeeleysaa in dib loo dhigo ma leh, haddii aad ku qabato waan ku xushmeynenaa, haddii aad soo noqoto waan ku xushmeheyna, haddaad dhacdo waan ku qadarineynaa madaxweynihii hore ayaa tahay, kursiga waan kaaga kaceynaa, laakin Soomaaliya haku hoggaamin dagaal dambe oo sokeeye’’. 3. Mideynta beesha Mudulood: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa bilihii ugu dambeysay uu waday dadaallo la xiriira mildeynta beesha Mudulood, isaga oo qabtay shirar badan oo arrinkan la xiriiira. Mid ka mid ah shirarka waxaa uu ka yiri ‘‘Taariikhda ay Muduloow, waa kii Talyaaniga marka xukumayey axsaabta waxaa ay galayaan, xisbiga ku guuleysta ayaa xukuumadda dhisi doona, Leegada ayey galeen, gaalo jabiye ayaa loo bixiyey, ummadan meesha uma fadhiyaan iney qabiil ku duulaan, uma fadhiyaan iney dowlad maanta jirto ay dunto, waxay u fadhiyaan maadaama la is dishay, iyada dhexdeeda is cafiso, kadibna golol Soomaaliyeed ay dhigto. Muduluud waa Qaran, macnaheeda ma ahan qaran Soomaaliyeed waxaa ula jeedaa tirada, awoodda iyo baaxadda ayaa qaran ka dhigaayo’’. 4. Maqaamka caasimadda Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu dadaal badan u galay in caasimadda yeelato maqam u gaar, isaga oo uga digay dowladda federaalka ah in aaney dhageysan 4 milyan. Mar uu ka hadlayey maqaamka Muqdisho waxaa uu yiri ‘‘Maamul gobolka uu yeeshaa rabnaa, gobolkan waxaa uu ka mid yahay 18 gobol, 17 gobol dadkii ku noolaa xuquuqdoodii waa heleen, gobolka Banaadir dadka ku nool xuquudoodii waa iney helaan, waa gobol 3 ama 4 milyan oo Soomaali ah ku noolshahay, waxa dhisanaayo Mogadishu Clan ma aha, Soomaaliya ayaa deggan, oo dhisaneysa, iney dowladda dhisto waan ka sugeynaa, haddii aysa diido, xuquuqda inkirto, dadka waa tashanaayaan’’. 5. Geed fadhigga mucaaradka: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu bilihii dambe geed fadhi u ahaa mucaaradka dowladda, waxaana booqasho joogta ah ugu tagi jiray madaxweyneyaashii hore iyo in kale oo badan oo musharaxiinta ah si ay ugala tashtaan xaaladda dalka, marxaladda kala guurka iyo diyaar garowga doorashada 2021. 6. Bilic soo-celinta Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu ku hawlanaa soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho isaga oo hadda dhisayey dabaqa ugu dheeraa, waxaa kale oo uu ganacsatada kula taliyey in dalka kusoo noqdaan, oo maalgeshtaan. Madaxweynaha oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelkiisa ku yaal xeebta Liido ayaa yiri ‘‘Waxaan go’aansaday in Soomaaliya ka dhiso hotel 5 star ah, oo u qalma hotellada caalamiga ah, dabcan keligiis kuma filno, oo 30 hoteel noocaan ah la dhiso, waddanku uu nabad helo, waa ku yaraanayaan, oo hotelo kale aye u baahnaan doonaan, laakin aniga waxaan noqday kii ku dhiirada inuu bilaabo hotel saasa ah, oo u baahan lacag xoog leh, dhismaha aan u jeediin Ingineer aan Soomaali aheyn waxba kuma darsan, gacansatada Soomaaliyeed ee Kenya waxaa kula taliyey xoolaha ay ajnabiga gelinayaan in aaney iyagu laheyn, haddii aadan Soomaaliya geyneyn ugu yaraan 50% dalka keliya, dal walba waxaa dhiso dadkiisa, laga sumi waayo dowlad oo sharci ayey sameysaa, maalgelinta waxaa leh ganacsatada uu ilaah xoolaha siiyey’. 7. Xariirka Farmaajo iyo Cali Mahdi: Madaxweyne Cali Mahdi Waxaa uu sheegay in aan wax xiriir ah kala dhaxeyn Farmaajo, isaga oo ka hadlayey labo jeer oo ay kulmeen waxaa uu yiri ‘‘Aniga madaxweynaha colaad gooni ah uma qabo, saxiibtinnimo gooni ah uma qabo, Farmaajo aniga labo jeer ayaan arkay weligey, maalin waxaa ii geeyey Governatooraha Cumar Finish, innaga oo faataxeysaneyna sooma kala tagin, waxaan kusoo kala tagnay waxaan kuu gooynaa kaar aad magaalada ku marto, maalin taas ayey aheyd taariikh madow ayey aheyd, marna waxaan u tagay isaga ayaa isoo wacoo, dad isoo diray, xafiiskiisa ayaa galay kursiga uu fadhiyo inta aanan tagin, irida aan 5 daqiiqo istaagneyn, waana kasoo tagay, mana go’aansan in aan mar dambe u tagin’’. Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa arbacadii ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Shabeellada dhexe 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade. Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre. Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991. Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen. Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya. 2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda. W/D: Cabdicaziz Gurbiye Goobjoog News
  14. Puntland waxaa laga manuucay Gawaarida bilaa calaamada ah ( Taarko) ee Wadooyinka maraya, waxaana Booliska awood buuxda loo siiyay inay gaarigii bilaabtaarko ah ay Furaha ka qaataan Wadahadal. Wareegto aan faahfaahsanayn ayaa Booliska lagu amray inay manuuc tahay in Wadooyinka lagu arka Baabuur bilaabtaarko ah, ha ahaado gaari gaar loo leeyahay ama gaari Dowladu leedahay. Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa ogaadey in Booliska Amar lagu siiyay in Gaarigii bilaa Taarko ah ay Furaha ka qaadaan wadaha gaariga, Wadaha gaariga waxaa Furaha la siinayaa markuu la yimaado Taarko sharciyasan uuna bixiyo Lacag Ganaax ah. Sharcigaan cusub wuxuu howlgalay 10/3,2021 Hoos ka alhriso Wareegtada lagu marayo Bileyska Puntlandi.com Garowe The post Ciidamada Booliska Puntland oo la amray inay fariisiyaan gaarigii bilaa yaarko ah appeared first on . Source
  15. Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa tacsi Qaran ugu tagay Qoyska Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. Labada Masuul ayaa Tacsida lawadaagay Qoyska iyagoo ka dhagaystay Qoyska qaabka iyo goobta lagu aadayo Marxuumka, Madaxweynayaasha hore waxay tacsi Guud u direen Shacabka Soomaaliyeed, Qoyska Reer Mahdi Maxamed iyo Guud ahaan Ehelkiisii, Waxay kadib si Wadajir ah ugu duceeyeen Marxuumka. The post Xasan Sheikh iyo Shariif Sh Axmed oo tacsi ugu tagay Qoyska Marxuum Cali Mahdi appeared first on . Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qoraal u diray Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo uu kaga dalbanayo taageero hor leh oo xilligan lasiiyo Soomaaliya. Dhambaalkan oo loo dhiibay wasiiru dowlaha madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif ayaa gaarsiiyey xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abu Kheyt, isaga oo kulan gaar ah la qaatay, kaas oo ay uga wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya. Ugu horeyn wasiiru dowlaha ayaa u gudbiyey Ururka Jaamacadda Carabta farriinta uu ka sidday madaxweynaha ee ku aadan in la kordhiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee la siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama xilli adag lagu jiro. Sidoo kale qoraalka madaxweynaha ayaa waxaa lagu xusay, sida uu ugu kalsoonyahay inay sii socon doonto taageeradaasi oo muhiim u ah shacabka & dowladda. Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo kulanka ka hadlay ayaa isna ballan qaaday inay fulin doonaan dalabka kaga yimid madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana ay garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya daruufo adag. Waxa kale oo u7u xaqiijiyey in Jaamacadda Carabta ay si buuxda uga go’an tahay inay sii wado taageeradda ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, deganaanshaha, dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaha iyo Juhdiga dadaallka Soomaaliya looga cafin lahaa geymaha ay ku leeyihiin dalalka caalamka. Farriinta madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya wajaheyso xaalad ka dhalatay muranka doorashooyinka.
  17. Waxaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ilaa hadda ma cadda sababta uu u dhintay, mana jirto baaris arrintan la xiriirta oo lagu dhawaaqay, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda loo dhigo aas qaran halka Villa Somalia ay sheegtay in saddex maalin hoos loo dhigay calanka, lana muumuusayo. Haddaba, Goobjoog News ayaa akhristeyaasheeda xusuusineysa waxyaabihii uu madaxweynaha ku hawlanaa geerida ka hor. 1. Yagleelidda Dowlad Rayid ah: Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, waxaa uu weligii diidanaa keligii taliska, xoog wax lagu doonno iyo askarta siyaasadda lugaha la gasha, isaga oo ku gadooday keligii taliyey Maxamed Siyaad sla markaana ahaa maalgeliyaha USC, madaxdii manifesto oo Barre kula taliyey inuu dadka u tanaasulo, markii dambana Gen. Caydiid isugu dhaceen in aanu askari lagu badalan karin askari kale, waxaase maalmahan dambe isaga oo nabadda uun ka shaqeynayey ka hadalsiiyey markii uu arkay habdhaqanka maamulka Farmaajo ee uu uga meermeerinayo qabashada doorasho. Madaxweynaha oo ka hadlayey haddii la waayo dowlad fiican waxaa uu yiri ‘‘Siyaasadda niman ayaa noogu jira, aniga siyaasi waa ahaay, hadda ma ahi, miskiin gurigiisa jooga ayaa ahay, laakin hal waxaad ayaan rabaa, qof aan ka waayo aan la dagaalamaayo, dowlad fiican, oo caadil ah, oo dalka caadil ku dhaqaayo ayaan rabaa, ninkii aan ka waayana qoraygii cadaa, weli xabaddii kama bixin, warku inuu cadaado ayaa la rabaa’’. 2. Dhaliilidda Aragtida Maamulka Farmaajo: Waxaa uu Farmaajo ku dhaliilay marar badan in aanu wax maqleyn, kursi isku dhejin, isla markaanu aanu cidna talo weydiin, waxaa uuna uga digay in kursiga isku dhejiyo oo dalka uu geliyo dagaal sokeeye, isaga oo yiri ‘’Cabdullahiyow waa soo dadaashay, waxbaad qabatay, xuduuddii ayaad joogtaa, kursi haddii darajo leeyahay, haddii janno lagu kasbanaayo, muddo lagu kasbado waad joogtay, haddii aan naar ku kasabatana, muddo lagu kasbaday waad joogta, waxaan kula talineynaa doorashadaasi waa iney ku dhacdaa waqtiga dastuuriga ah, cid Soomaali oo yeeleysaa in dib loo dhigo ma leh, haddii aad ku qabato waan ku xushmeynenaa, haddii aad soo noqoto waan ku xushmeheyna, haddaad dhacdo waan ku qadarineynaa madaxweynihii hore ayaa tahay, kursiga waan kaaga kaceynaa, laakin Soomaaliya haku hoggaamin dagaal dambe oo sokeeye’’. 3. Mideynta Beesha Mudulood: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa bilihii ugu dambeysay uu waday dadaallo la xiriira mildeynta beesha Mudulood, isaga oo qabtay shirar badan oo arrinkan la xiriiira. Mid ka mid ah shirarka waxaa uu ka yiri ‘‘Taariikhda ay Muduloow, waa kii Talyaaniga marka xukumayey axsaabta waxaa ay galayaan, xisbiga ku guuleysta ayaa xukuumadda dhisi doona, Leegada ayey galeen, gaalo jabiye ayaa loo bixiyey, ummadan meesha uma fadhiyaan iney qabiil ku duulaan, uma fadhiyaan iney dowlad maanta jirto ay dunto, waxay u fadhiyaan maadaama la is dishay, iyada dhexdeeda is cafiso, kadibna golol Soomaaliyeed ay dhigto. Muduluud waa Qaran, macnaheeda ma ahan qaran Soomaaliyeed waxaa ula jeedaa tirada, awoodda iyo baaxadda ayaa qaran ka dhigaayo’’. 4. Maqaamka Caasimadda Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu dadaal badan u galay in caasimadda yeelato maqam u gaar, isaga oo uga digay dowladda federaalka ah in aaney dhageysan 4 milyan. Mar uu ka hadlayey maqaamka Muqdisho waxaa uu yiri ‘‘Maamul gobolka uu yeeshaa rabnaa, gobolkan waxaa uu ka mid yahay 18 gobol, 17 gobol dadkii ku noolaa xuquuqdoodii waa heleen, gobolka Banaadir dadka ku nool xuquudoodii waa iney helaan, waa gobol 3 ama 4 milyan oo Soomaali ah ku noolshahay, waxa dhisanaayo Mogadishu Clan ma aha, Soomaaliya ayaa deggan, oo dhisaneysa, iney dowladda dhisto waan ka sugeynaa, haddii aysa diido, xuquuqda inkirto, dadka waa tashanaayaan’’. 5. Geed Fadhigga Mucaaradka: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu bilihii dambe geed fadhi u ahaa mucaaradka dowladda, waxaana booqasho joogta ah ugu tagi jiray madaxweyneyaashii hore iyo in kale oo badan oo musharaxiinta ah si ay ugala tashtaan xaaladda dalka, marxaladda kala guurka iyo diyaar garowga doorashada 2021. 6. Bilic Soo Celinta Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu ku hawlanaa soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho isaga oo hadda dhisayey dabaqa ugu dheeraa, waxaa kale oo uu ganacsatada kula taliyey in dalka kusoo noqdaan, oo maalgeshtaan. Madaxweynaha oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelkiisa ku yaal xeebta Liido ayaa yiri ‘‘Waxaan go’aansaday in Soomaaliya ka dhiso hotel 5 star ah, oo u qalma hotellada caalamiga ah, dabcan keligiis kuma filno, oo 30 hoteel noocaan ah la dhiso, waddanku uu nabad helo, waa ku yaraanayaan, oo hotelo kale aye u baahnaan doonaan, laakin aniga waxaan noqday kii ku dhiirada inuu bilaabo hotel saasa ah, oo u baahan lacag xoog leh, dhismaha aan u jeediin Ingineer aan Soomaali aheyn waxba kuma darsan, gacansatada Soomaaliyeed ee Kenya waxaa kula taliyey xoolaha ay ajnabiga gelinayaan in aaney iyagu laheyn, haddii aadan Soomaaliya geyneyn ugu yaraan 50% dalka keliya, dal walba waxaa dhiso dadkiisa, laga sumi waayo dowlad oo sharci ayey sameysaa, maalgelinta waxaa leh ganacsatada uu ilaah xoolaha siiyey’. 7. Xariirka Farmaajo iyo Cali Mahdi: Madaxweyne Cali Mahdi Waxaa uu sheegay in aan wax xiriir ah kala dhaxeyn Farmaajo, isaga oo ka hadlayey labo jeer oo ay kulmeen waxaa uu yiri ‘‘Aniga madaxweynaha colaad gooni ah uma qabo, saxiibtinnimo gooni ah uma qabo, Farmaajo aniga labo jeer ayaan arkay weligey, maalin waxaa ii geeyey Governatooraha Cumar Finish, innaga oo faataxeysaneyna sooma kala tagin, waxaan kusoo kala tagnay waxaan kuu gooynaa kaar aad magaalada ku marto, maalin taas ayey aheyd taariikh madow ayey aheyd, marna waxaan u tagay isaga ayaa isoo wacoo, dad isoo diray, xafiiskiisa ayaa galay kursiga uu fadhiyo inta aanan tagin, irida aan 5 daqiiqo istaagneyn, waana kasoo tagay, mana go’aansan in aan mar dambe u tagin’’. Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa arbacadii ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Shabeellada dhexe 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade. Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre. Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991. Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen. Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya. 2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda. W/D: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Alberto Vecchi ayaa maanta heshiis muhiim ah ku saxiixay Muqdisho. Heshiiskan oo ah mid deyn cafin ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii. Sidoo kale heshiiskan & qorshihiisa ayaa ahaa mid ay labada dhinac muddo kasoo wada shaqeynayeen, sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Talyaaniga kaga mahad-celiyey, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay dowladda & shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya & Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi. Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey dadaal badan ku bixisay barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan.
  19. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaabilay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto, kaas oo booqasho ugu tegay hoygiisa. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli qabsoomida doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka Sidoo kale labada dhinaca ayaa isla soo hadal qaaday sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan laheyd dadaallada socda, siiba qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland. Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni. Si kastaba madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ka wada caasimada, isaga oo horey ula kulmay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya & Midowga mushrraxiinta.
  20. MOGADISHU (HOL) - Banaadir Regional Administration has announced a $5 penalty for those who fail to wear face masks as the city battles with the COVID19 menace. Source: Hiiraan Online