Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Yaxya Caamir oo kamid ah dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in Cali Mahdi ilaa afar cisho kahor la keenay magaalada Nairobi kadib markii isaga iyo xaaskiisaba ay xanuunsadeen. “Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona”, ayuu yiri Yaxye Caamir. Waxaa kale oo uu sheegay in neefta ay ku dhageysay, dhaqtarkuna uu ka deyriyay xaaladiisa saacadihii lasoo dhaafay. Isbitaalka la geeyay ayuu sheegay in uusan ahayn mid la geeyo bukaanada feyraska qaba Corona. View the full article
  2. Robert F. Kennedy Human Rights urges state authorities and international actors to take immediate action to release freelance journalist Kilwe Adan Farah from nearly three months of arbitrary detention in Puntland, Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Robert F. Kennedy Human Rights urges state authorities and international actors to take immediate action to release freelance journalist Kilwe Adan Farah from nearly three months of arbitrary detention in Puntland, Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo. View the full article
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin; Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin Xasan Xuseen Xaaji, Xubin Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin Durraan Axmed Faarax, Xubin Cumar Cali Rooble, Xubin Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi View the full article
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Cali Mahdi door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, islamarkaana muddo illaa saddex cisho hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso:- Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya. Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey. Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooda View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saaray geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi. “Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkan qoraalka ah. Sidoo kale waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Ummadda Soomalaiyeed. Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Cali Mahdi Maxamed uu door weyn kasoo qaatay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka. Halkan hoose ka aqriso:- Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya. Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey. Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  8. Lamu Fishermen have voiced their concerns over the government’s decision to steer ahead with the Kenya-Somali border dispute case at The Hague currently, indifferent to their non-involvement in the case stating that they are likely to suffer the most if Kenya loses in its bid to retain its territorial waters. Source: Hiiraan Online
  9. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo xalay marti ku ahaa barta Xiriirka Bulshada ee loo yaqaan Club House, ayaa ka warbixiyay Arrimaha Guddiga uga qabsoomay diyaarinta Hannaanka Xisbiyada badan. Guuleed Saalax ayaa sheegay in Guddigu diyaariyay dhammaan Habraacyada iyo xeerarka ku saabsan hirgelinta Barnaamijka xisbiyada badan, si loo qabto doorashooyin ku salaysan Hannaanka qof iyo cod, islamarkaana looga gudbo Nidaamka Qabaliga ah. Mr Guuleed wuxu sidoo kale tilmaamay in Guddigu soo iibsaday Qalabka Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo casriya, kaas oo Indhaha iyo Wejiga qofka laga qaadayo, sidaas darteedna aysan suurta-gal ahayn in qofkaas laba jeer is diiwaan-geliyo, si uu laba jeer u codeeyo. Ururada Siyaasadda ee haatan ka dhisan Puntland, ayuu sidoo kale ku tilmaamay kuwa macna weyn, oo ay ku jiraan %90 siyaasiyiinta miisaanka leh ee Puntland. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay doorashooyin hordhac ah oo bartamaha sannadkan laga qaban doono saddex degmo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo tijaabo u noqon doona Hirgelinta Doorashooyinka qof iyo cod. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sannadkan gudihiisa qabanaysa doorasho ku salaysan qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Kulankii Khamiislaha ahaa eeGolaha Wasiirada wuxuu Xalay kula yeeshay Bosaso qaar kamiada Golaha Wadiirada. Kulanka ayaa Furitaankiidii loogu duceeyay Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi oo shalay makhribkii ku geeriyooday Nairobi. Kulanka waxaa looga hadlay Amaanka gaar ahaan howlgalada ka socda Gobolka Bari, Waxaa kaloo looga hadlay oo u muhiimsanaa Doorashada Soomaaliya iyo Wadahadalada lagu balan sanyahay inay ka dhacaan Muqdisho. Hoos kabdaawo Sawirada The post Madaxweyne Deni oo Bosaso kulansgiray Golaha Wasiirada appeared first on . Source
  11. Allaah U naxariisto waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Martiini ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliye Sareeye Guuto Axmed Jaamac Muuse . Taliye Axmed ayaa mudda dheer soo maamulayay ciidaada Booliika Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa waaya arag dhanka Ciidamada ah. S/G Axmed Jaamac Muse ayaa hadda ka mid ahaa Lataliyayaasha Taliyaha Ciidamada Booliska Xijaar . Source: goobjoog.com
  12. Gudoomiyaha Jaamacada Golis Faraceeda Magaalada Berbera Xil Naasir Cali Shire ayaa Waxba kamo Jiraan ku tilmaamay Wararka sheegaya inuu Mayirka degmada Berbera ka mid yahay Ardayda ka qalin Jabinaysa maalinta beri ah kuuliyadaha kala duwan Ee jaamacadaasi. Xildhibaan Naasir Xaaji shire oo u waramay Weriye Axmed Siciid Maxamed ayaa yidhi “Arrinkaasi Baraha bulshada la Wareejinayo wax ka jiraa ma jiraan , aniguna waxaan ahayn qof qiyam leh igamana suurtowdo inaan qof aan kamid ahayn Ardayda dhigata Jaamacada aan ku Daro kuwa qalin Jabinaya Cidda uu doono ha ahaado, lacagta uu doono ha haysto” Gudoomiyaha Jaamaacada Golis Berbera Nasir Xaji Cali shire Source
  13. Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar. Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan. Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno “afar biloodle” oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid. Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas. Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo go’aankaas aysiyaasiyiinta qaar kasoo hor jeedeen. Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga. Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre. Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay. Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aan loo baahneyn “in dagaal dib loogu laabto” View the full article
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1132021.mp3 View the full article
  15. Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has ordered the lowering of the flag to half-staff for three days following the death of former Somali President Ali Mahdi Mohamed. Source: Hiiraan Online
  16. Somali diplomat Nuur Mohamud Sheekh has been named the spokesperson for the regional bloc Intergovernmental Authority on Development (Igad). Source: Hiiraan Online
  17. MURFREESBORO, Tenn. — Two Middle Tennessee State University students have been charged with stealing over $114,000 from the school, according to the Tennessee Bureau of Investigation. Source: Hiiraan Online
  18. Authorities in Somalia’s Puntland regional state have escalated their attacks on media freedom by intimidating, harassing and arbitrarily arresting journalists ahead of presidential and parliamentary elections, Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
  19. It has been more than a quarter of a century, but to this day the word "Somalia" sends a shiver down the backs of soldiers old enough to remember it. Source: Hiiraan Online
  20. Nuur Maxamuud Shiikh Diblomaasi Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Af-hayeenka Rasmiga ah ee Urur Goboleedka IGAD, sida laga soo xigtay warqad ka soo baxday Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu. Wargeyska The Daily Nation, oo ka soo baxa waddanka Kenya, ayaa sheegay in Nuur Maxamuud Shiikh oo u dhashay Soomaaliya loo magacaabay Af-hayeenka cusub ee Urur Goboleedka IGAD. The Daily Nation, ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD ka soo xigtay in Af-hayeenka cusub uu karti u leeyahay dhisidda xiriirka IGAD iyo Ururada kale, islamarkaana uu xoojin doono Iskaashiga dalalka ku midaysan Urur Goboleedkan. Mr. Nuur Maxamuud Shiikh, wuxu mudda 30-sano ah ka soo shaqeeyay Arrimaha Diblomaasiyadda, isagoo La-taliye sare u soo noqday xafiiska IGAD u qaabilsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Urur Goboleedka IGAD, waxa ku midaysan sideed waddan oo kala ah: Soomaaliya, kenya, Ethiopia, Djibouti, South Sudan, Eritrea, Uganda iyo Sudan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Diblomaasi Soomaaliyeed oo loo magacaabay Af-hayeenka Urur Goboleedka IGAD appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xal u helidda muranka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya iyo shirka ku saabsan Doorashada oo la filayo in uu dhowaan ka qabsoomo Muqdisho. Shirka oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa lagu turxaan-bixin doona Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September. “Madaxweynahu wuxuu tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah kulan gaar ah la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulanka labada mas’uul wuxu ka qabsoomay hooyga madaxweyne Axmed Madoobe ka degganyahay magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubaland. Axmed Madoobe iyo Mr Yamamoto ayaa kulankooda uga wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo weli muran ka taaganyahay sida ay Jubaland sheegtay. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.” PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadkan soo gaaray cutub ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Gorgor, waana cutubka 15-aad oo tababar kusoo qaatay wadanka Turkiga. Warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay kala hadashay Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhamaaday inaan siyaasad loo adeegsan ciidamada Gorgor iyo Haramcad, sida ay horay u sameeyeen Mareykanka oo diiday in ciidamada Danab loo adeegsado qalalaasahii ka dhacay Muqdisho. Sarkaal magaciisa la qariyay ayaa dhowaan u sheegay wargeyska Washington Post in Mareykanka ay ku gacan seyreen codsi uga yimid Farmaajo kaas uu ku dalbaday inuu Muqdisho kusoo daabulo Danab, waxaana taa beddelkeed caasimadda la keenay Gorgor iyo Haramcad oo shacab dibad-baxayey ku dilay magaalada. Ma cadda, haddii Farmaajo yeeli doono codsiga Turkiga, waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga ay dhowaanahan isku dhowaayeen madaxweynaha waqtigu ka dhacay, ayada oo ka tagtay dhex-dhexaadnimadii ay ku jeclaadeen shacabka Soomaaliyeed. Imaatinka ciidamadaan waxey kusoo aadeen xilli mucaaradka ay dood badan ka qabaan hab adeegsiga ciidamada qaranka, waxeyna madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku eedeeyeen inuu si baalmarsan sharciga u isticmaalay ciidanka, iyadoo laga tusaale qaadanayo wixii dhacay 19-kii February. Ciidanka Gorgor iyo kuwa Haramcad waxaa tababarkooda iyo xoojintooda qaabilsan Turkiga oo ku tababara gudaha dalka iyo banaankaba, waxaana la diyaariyay ciidan xoogan oo awood u leh iney sugaan ammaanka caasimadda. Si kastaba walaac badan ayaa laga qabaa ciidamada ay dowladda Turkiga tababarta, maadaama aan loo adeegsaneynin dano qaran ee shakhsiyaad ay hogaanka u hayaan, waxaana muuqaneysa iney taasi tahay ku tumasho dhanka dastuurka iyo sharciga ah sidey leeyahiin dadka siyaasadda u dhuun duleela. Ciidamada waxey masuul ka yahiin nabad galyada, waana iney ka dhex baxaan siyaasadda ayey ku taliyeen dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, kaas oo muddo bil ah si sharci ah darro ah ku jooga aqalka looga taliyo dalka. Ugu dambeyntii dhaqanka FARMAAJO ee soo shaac baxay markii uu muddo xileedkiisa dhamaaday waxaa dib u dhac u arka mucaaradka, iyadoo la fiirinayo adeegsiga ciidamada iyo xaq dhawr la’aanta dastuurka maadaama uusan wali ogolaan inuu yahay xukuumad xil heyn ah.
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa xalay geeriyooday Madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isbitaal ku yaal Nairobi ku geeriyooday, maalmihii lasoo dhaafayna xanuunka safmarka ah ee Corona uu la ildarnaa. Waxaan halkaan kusoo koobeynaa taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Cali Mahdi iyo waxa lagu xusuusan doono. Cali Mahdi Maxamed waxaa uu ku dhashay tuullada Caddoow-uul ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe qiyaastii 1938-kii, Waxaana yaraantiisa la keenay Xamar oo uu ku barbaaray, wuxuu waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho, isagoona heerka waxbarashada dheeriga ah kusoo dhameystay dalka Masar. Sanadkii 1969-kii wuxuu ka mid noqday xubnihii golaha baarlamaanka, iyadoo deegaan doorashadiisana aheyd magaalada Jowhar, oo waqtigaasi ka tirsaneyd gobolka Banaadir, baarlamaanka qaranka wuxuu ku biiray isagoo da’yar, wuxuuna sidoo kale uu howsha siyaasadeed u barbar socday arrimaha ganacsiga, wuxuuna ka mid noqday maal qabeenada waaweyn ee macruufka ka ah Soomaaliya. Allaha u naxariistee Cali Mahdi, xiligii xukunkii askarta wuxuu billaabay shaqada dowladda wuxuuna ka mid noqday madaxdii waaweyneyd ee wasaaradda caafimaadka maamuleysay, wuxuuna ahaa madaxii la dagaalanka cudurka duumada, iyo agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka. Markii ay dowladdii Kacaanka bilowday caburinta iyo eexsiga qabiilka ku dhisnaa Cali Mahdi wuxuu u xerga goostay inuu ku biiro siyaasiyiin dooneysay in dalka iyo dowladdaba lagu toosiyo wadada sharciga ee dastuuri ah kuna dhisan caddaalada iyo sinnaanta bulshada, wuxuuna aakhirkii isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku dhawaaqeen 15-05-1990-kii ururkii Maanafeesto ee dhabaha u xaaray in laga takhluuso awoodihii kalitalisnimadii Siyaad Barre, balse ujeedada ururkaasi ayaa ku saleysnaa in si nabad ah xilka uu ku wareejiyo Siyaad Barre, lana dhiso dowladd loo dhan yahay. Todobo bilood kadibna jabhado dadweyne ay xukunkii ka tuureen Siyaad Barre. Burburkii dowladdii Kacaanka 26-kii Janaayo, Cali Mahdi wuxuu juhdi geliyay in dalku noqdo mid la isku soo celiyo, waxaana qabsoomay shirkii loogu doortay madaxweynaha Somalia isagoo xiligaasi ka maqnaa madashii shirka oo lagu qabtay dalka Jabuuti 1991-kii. Dowladdii Jabuuti looga dhawaaqay ee Cali Mahdi loogu doortay waxaa ka horyimid Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isagana rabay in loogu dhawaaqo hoggaamiyihii badalay kaliyihii taliyihii Siyaad Barre. Beesha caalamka waxay soo dhoweysay dib u heshiisiintii iyo dowladdii ka dhalatay Jabuuti ee madaxda looga dhigay Mudane Cali, Nasiib darase waxay ka dhacday dowladdii iyadoo wada hannan maamulkii dalka in magaaladii Muqdisho ka qarxo dagaal sokeeye oo ay isaga horyimaadeen xooggagii afka dhulka daray kaliyihii taliyihii Siyaad Barre. Dagaalkaasi wuxuu dhacay 1992-kii wuxuuna sababay burbur, barakac, iyo inuu fududeeyo abaarihii wadanka dhacay. Dagaalkii afarta bilood oo ahaa dagaal aad u xoog badan inta taarikhda laga og yahayna Somalia horay usoo marin, wuxuu sabab u noqday inuu wadanka ka bilaabmo faragelin shisheeye oo ilaa hadda Somalia la ildaran tahay. Mudadaasi kadib labadii hogaamiye waxay bilaabeen waan waan iyo xal lagu dhameynaayo dhibaatadii wadanka ka dhacday, dabadeedna waxaa la isugu tegay shirkii Addis Ababa ka dhacay iyadoo wax u eg labadaasi hoggaamiye ay bilaabeen tanaasulaad aan hirgelin. Geeridii Jen. Caydiid kadib, Cali isna wuxuu ka tanaasulay sheegada inuu madaxweyne ka yahay wadanka, wuxuuna aakhirkii ka mid noqday hoggaamiyeyaashii taageerada weyn siiyay inuu qabsoomo shirkii Carte ee Jabuuti, taasoo lagu doortay mudane C/qaasim Salaad. Mudooyinkaasi kadib Cali Mahdi wuxuuu u xuubsiitay inuu noqdo oday Soomaaliyeed, ee saameyn iyo qeyb weyn ku leh nabadeyn iyo dib u heshiisiin, wuxuuna door ka qaatay shirkii Mbaghati oo u arkayay maslaxad Soomaaliyeed iyo fursado Soomaali dib loogu mideyn karo. Cali Alle ayaa oofsaday, waqtiyadiisii ugu danbeeyay wuxuu juhdi weyn gelshay isu keenida beelaha Soomaaliyeed oo uu ka bilaabay dib u heshiisiinta qowmiyada Muddullood, taasoo ku guuleystay, naqshadiisase waxay ku saleysneyd inuu heer Soomaaliyeed gaarsiiyo. Wuxuu ka bilaabay beelihii Muqdishoow deganaa, isagoona dhinaca kale xiriiro toos ah la sameeyay hoggaamiyeyaashii dowlad goboleedyada, sanadkii tegay ay yimaadeen Xamar. Cali Mahdi aas-aas fiican ayuu u dhigay qaranimada Soomaaliyeed hase ahaatee tallaabooyinkiisii waxay u baahan yihiin Hoggaamiyeyaal dhameystira. Qore: Ali Muhiyaddiin Ali Muxiyaddiin@hotmail.com London, United Kingdom