-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle, oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan khaar ah la lahaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe). Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo in turro danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed oo meel aad fog laga keenay, iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaalah. Axmed Madoobe oo kulanka kasoo saaray qoraal kooban ayaa yiri “Saamileeyda Siyaasada dalka waxay muhiim u yihiin geedi socodka Doorashada iyo shirka lagaga hadlayo ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.Waxaan arimahaas ka sheekaysanay musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah tartamayaasha xilka Madaxtinimada dalka.” Mudane Jabriil Cabdulle ayaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku booriyay tanaasul, iyadoo loo hiilanayo danta dalka iyo mustaqbalka shacbiga Soomaaliyeed. Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah xeeldheere mudo 27 sano ka badan ka shaqeynaayey dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeerba dadaal dheeri geliya daminta colaadaha iyo dhibaatooyinka dhex yaala qabaa’ilka Soomaalida. Jabriil Cabdulle oo ah shaqi kasoo jeeda bulshada rayidka khabiirna ku ah dhismaha Dowladda wanaaga iyo arimaha dib u heshiisiinta ayaa magaaladda Muqdisho ka wada kulamo gaar gaar oo uu la yeelano siyaasiyiin xil doonka ah iyo madaxda Dowladda Federalka ah ee xiligoodu dhamaaday.
-
Hague (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey halka uu marayo kiiska badda ee Soomaaliya & Kenya, gaar ahaan kulamadii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Hague ee wadanka Holland. Axmed Cali Daahir oo ka mid ah guddiga Soomaaliya ku metalata dhageysig dacwadda Badda ee maxkamadda ICJ ayaa shaaca ka qaaday in rajadooda ay wanaagsan tahay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaliya qubaro aqoontoodu ay sarreyso, islmarkaana ay yihiin sharci yaqaano lagu kalsoonaan karo. “Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo,” ayuu yiri xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka. Dr Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in Soomaaliya ay dhibane u tahay Kenya oo sheeganeyso badeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, illaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa Jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta,” ayuu markale ku yiri wareysiga Dr Axmed Cali Daahir. “Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo, Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, ilaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta,” ayuu yiri Axmed Cali Daahir. Si kastaba 15-ka bishan March ayaa lagu wadaa inay bilaabato dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya & Kenya, waxaana magaalada Hague ku sugan wafdi ka socd dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.
-
(SLT-Hargeysa)- Komishanka doorashooyinka ayaa wakhtiga kama dambaysa ah u qabtay Saddexda Xisbi qaran in ay u gudbiyaan Liisaska Murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada. War gelin qoraal ah oo lagu socodsiiyey saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu sheegay in ay maalinta arbacadda ah ee 17 bishan ay gudbiyaan liisaska murrashaxiintooda. Halkan hoose ka akhriso Source
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa mudda kordhin u sameeyay Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya Kulan jimcihii shalay isugu yimaadeen golaha ayay ku meel mariyeen in muddada loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dhammaadka sanadka 2021. Sidoo kale, golaha waxay sheegeen in mas’uuliyadda amniga dalka AMISOM ay kala wareegi doonaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya 2023. Sidoo kale, golaha ammaanka waxay hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqeen in ay qabtaan doorasho xaq iyo caddaalad ah iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September sanadkii hore 2020. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo muda kordhin u sameeyay AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo saaxib la’ah Soomaaliya ayaa markale ka hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashooyinka 2021-ka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu oo u warramay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay xal rasmi ah ka gaaraan muranka hareeyey doorashada. Mevlut Cavusoglu ayaa xusay inay muhiim tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada, si loo dhiso dowlad cusub hore usii wada Soomaaliya. “Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga. Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Maalmaha soo socda waxaa inoo qorsheysan socdaal aan ku tageyno Soomaaliya si aan u xoojino taageeradeena waana ku dhaqaaqeynaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana hadalkan uu kusoo aadayaa, xilli weli la’isku hayo hanaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doono kaalmada dhaqaale ee Itoobiya siin jireen taas oo lagu bixin jirey laamaha ammaanka, ka dib maalmo markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken xaaladda gobolka Tigray ku tilmaamay isir sifeyn. Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Ned Price ayaa jimcihii sheegay in Washington aysan fasixi doonin dhaqaalihii horey loo hakiyay oo Itoobiya siin jireen. “Anagoo ka duuleyna xaaladda Itoobiya ee xilligan, waxaan go’aansanay in aanan dib u bilaabin kaalmadii maaliyadeed oo ay ku jiraan lacagtii lagu bixin jirey laamaha amniga ,” sidaa waxaa yiri Price. Xoghaye Blinken ayaa Itoobiya ku cadaadinaya in ay soo afjaraan colaadda ka socota gobolka Tigray, xilli uu ka hor hadlayay Congress, waxaana uu sheegay in ciidamo Eritriyan ah iyo kuwa gobolka Amxaarada ka socdo xadgudubyo ka dhan ah bani aadanimada ka geysteen gobolka, isagoo waxaa halkaas ka socda ku sifeeyay isir sifeyn. Bishii hore waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay sheegeen in joojinta dhaqaalaha Itoobiya siin jireen uusan wax xiriir ah la laheyn muran ka taagan biyo xireen Adis Ababa ka dhistay webiga Nile kaas oo ay isku khilaafsan yihiin; Itoobiya, Suudaan iyo Masar. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
DowladdaTurkiga ayaa sheegtay in ay dhex dhexaadin ka bilaabi doonto arrimaha Cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay Dhinacyada siyaasadda ka dhaxeeyso ay isku fahmi la’ayihiin . Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in ay dowladdiisa qorsheyneyso in ay qeyb ka noqoto wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo Doorashooyinka Soomaaliya. Mevlut Cavusoglu ayaa yiri “Maalmaha soo socda, waxaan qorsheynaynaa Socdaal aan ku tagno Soomaaliya, si aan u xoojino dadaalada socda. Iyaga waxay kaloo doonayaan inay inoo yimaadaan, iyaga ayaana inaga codsaday in aan u nimaano” . Qoraalka ka soo baxay wasiir Cavusoglu ayuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad siyaasadeed kadib markii uudhaamada mudda xileedka Madaxweeynaha iyo Baarlamaanka . “Dalka ku yaal Geeska Afrika wuxuu ka dhacay ismari waa siyaasadeed ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo madaxweynaha waqtigiisii dastuuriga ahaa uu dhacay Febraayo 8.” ayuu yiri wasiirka . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiir Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga Source: goobjoog.com
-
19 maalmood ka hor, waxa war rejo geliyey bulshada, kana nixiyey murrashaxiin badan, uu ka soo yeedhay guddida tacliinta sare iyo xafiiska Imtixaannaadka qaranka oo si wada jir ah farriin ugu direen murrashaxiinta u tartamaysa kuraasta Wakiillada iyo Deegaanka. Labadan xafiis ayaa warka ay sheegeen waxa uu salka ku hayey in ay si caddaalad ah u hubin doonaan aqoonta iyo shahaadooyinka looga baahan yahay murrashaxiinta ee uu xeerka guud ee doorashooyinka ee 91/2020 ku waajibiyey, iyaga oo xusay in ay si gaar ah xil iska saari doonaan hubinta shahaadooyinka ay murrashaxiintu haystaan, madaama ay dhici karo in la samaysto shahaadooyin foojari ah, waxaanay masuuliyiinta Waxbarashadu tilmaameen in murrashaxa Goleyaasha Deegaanka u sharaxan ee laga rabo shahaado Jaamacaddeed, ay khasab tahay inuu soo raaciyo tii dugsiga sare, si loo hubiyo jaran-jaradiisa aqoonteed in ay sax tahay, halka kuwa Golaha Wakiillada u sharaxana ee dugsiga sare laga doonaya ay xuseen in ay baadhitaan adag marin doonaan. Hadalkan iyo qorshahan ay daboolka qaadeen labadan xafiis waxa si weyn u soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan, oo u arkayey in dadka meteli doonaa ay noqon doonaan kuwo aqoontooda lagu xulanayo, waxna ka qaban kara baahiyahooda. Sidoo kale, waxa ay tallaabadan Wasaaradda waxbarashada ka soo baxday, ay dhiiri gelin iyo rejo abuur u noqotay boqolaal dhalinyarro wax baratay ah iyo dad kale oo aqoon leh, kuwaas oo reerahoodu ka door bideen markii ay murrashaxiinta xulayeen, kuwo kale oo aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn, balse qaarkood jeebkoodu ladnaa. Qorshahan, ma noqon mid ka farxiyey murrashaxiin badan oo iyagu isu arkayey in aanay ka gudbi karin qorshahan, waxaanay murrashaxiintan dagaal ka galay in aanay tallaabadani shaqayn, iyaga oo qaarkood abuuray dacaayado la xidhiidha in murrashaxiinta qaarkood loola jeedo oo lagu reebayo. Saddexda Xisbi Qaran, ayaa iyagu hawshan u arkay mid caqabad ku ah hawlaha doorashada ee socda, madaama oo murrashaxiinta ay soo sharaxeen ee gaashaya 993 murrashax aanay ahayn qaar ay aqoon iyo waayo aragnimo ku soo xusheen, balse reeruhu u keeneen, sidaasina ay ku aqbaleen. Sidoo kale, waxa ay xisbiyadu u arkeen arrintan mid gaabis ku keeni karta doorashada, madaama wakhtiga la haysto iyo hubinta aqoonta murrashaxiintu ay wakhti qaadan karo, wakhtigaasna aan loo haynin Xukuumadda lafteeda, ayaa qorshahan hubinta aqoonta murrashaxiinta u aragtay mid aan dani ugu jirin, madaama oo ay iyada iyo Xisbigeedu dabada ka riixayeen murrashaxiin la aamisan yahay in aanay aqoontoodu heer jaamacaddeed ah gaadhsiinayn. Dhinacyadan kala duwan ee aan la dhicin qorshahan, waxa ay aakhirkii keentay in 2 bishan Komishanka doorashooyinku warqad u qoreen Wasaaradda Waxbarashada, iyaga oo ka dalbaday in ay fududeeyaan hawlaha hubinta aqoonta, isla markaana aan murrashax lagu xidhin, haddii uu haysto Shahaado Jaamacaddeed, mid dugsi sare. Sidoo kale ay aqbalaan wixii u dhigma dugsi sare. Warqadan Komishankuna waxa ay keentay in ay Xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada u qaabilsan hubinta shahaadooyinku in ay fududeeyaan hannaankii hubinta ee ay markii hore adkeeyeen. Fududeyntan, ayaa waxa ka dhashay, in murrashaxiin badan oo heerkooda aqoonteed su’aali ka taagnayd baraha bulshada ku baahiyaan warqado cadayn u ah aqoontooda oo Xafiisyada waxbarashadu siiyaan. Sidoo kale, waxa iyadu soo baxay in murrashaxiinta qaarkood loo caddeeyo, shahaadooyin la sheegay in ay ka qaateen Dugsiyo sare ee Xamar ku yaalla iyo Jaamacaddo kacday oo muddo aan shaqayn. Si kastaba ha ahaatee, ujeeddadii hubinta shahaadooyinka iyo aqoonta murrashaxiinta laga lahaa, ayaa aakhirkii noqday kuwo ay si wada jir ah dhinacyadii hawsha doorashadu khusaysay ay u fashiliyeen. Source
-
Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa daah-furay talaalka kahortaga cudurka Carona-Viruska, oo shaley soo gaadhay magaalada Jigjiga. Xaflada daah-furkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, wakiilo ka socday haayada caafimaadka aduunka(WHO) waxgaradka, cuqaasha iyo marti sharaf kale. Talaalkan oo ay tiradiisu dhantahay 108-kun oo dhaws ayaa ah wajigii 1-aad ee soo gaadha Deegaanka Somalida ayuu halkii shaqsi qaadandonaa 1-dhaws, halka 30-maalmood Kadibna uu qaadan doono dhawska 2-aad sida ay dhakhaatiirta caafimaadku sheegeen. Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo xafladani ka hadlay, ayaa Sheegay in bulshadu ay sii xoojiyaan taxadarka balaadhan ee lagaga hortagayo caabuqan, madaama diwaangalintii cod-bixiyayaasha doorashada 6-aad ee Dalku bilahani soo socda bilaabmi doonaan. Garaad kulmiye Garaad Maxamed Dool ayaa geestiisa soo dhaweeyay talaalka ka-hortaga caabuqa Covid-19, isagoona bulshada ku booriyay in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan ilaa inta ay ka helayaan talaalkan. Talaalka ayaa lagu bilaabi doonaa shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala cusbitaalada iyo xarumaha caafimaad iyo dadka da’da ah, waxaana lagu xigsiindoonaa dadka qaba xanuunada macaanka, dhiig-karka iyo xanuunada aan la isu gudbinin, dhawaan ayaana lafilaaa in lagaadhsiiyo Gobolada Deegaanka sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiska caafimaadku. Guud ahaan Dalka itoobiya 2,510-qof ayaa u geeriyooday caabuqa Covid-19 (inta la ogsoonyahay) halka caalamkana malaayiin dad ah ay ku waayeen naftooda, hadase waxa ay u muuqataa in Dalal badan uu gaadhay talaalka kahortaga cudurka Carona-Viruska, taasi oo loo baahanyahay in lasii xoojiyo taxadarka iyo kahortaga lagula tacaalayo cudurkani dilaaga ah, kahor iyo Kadib inta aan laqaadan Talaalkani. Source
-
WASHINGTON (Reuters) – The State Department on Friday said Washington has decided not to lift the pause in assistance to Ethiopia for most programs in the security sector, days after U.S. Secretary of State Antony Blinken described acts in Tigray as ethnic cleansing. U.S. Secretary of State Antony Blinken departs after briefing Senators on Capitol in Washington, U.S., on March 11, 2021. REUTERS/Joshua Roberts State Department spokesman Ned Price said that while the United States has decided to resume certain types of assistance, including that related to global health and food security, assistance for other programs and most programs in the security sector would remain paused. “Given the current environment in Ethiopia, we have decided not to lift the assistance pause for other programs, including most programs in the security sector,” Price said at a news briefing. Blinken has pressed Ethiopia to end hostilities in Tigray and on Wednesday, testifying before Congress, he said he wanted to see forces in Tigray from Eritrea and Amhara be replaced by security forces “that will not abuse the human rights of the people of Tigray or commit acts of ethnic cleansing, which we’ve seen in western Tigray.” Thousands of people have died, hundreds of thousands have been forced from their homes, and there are shortages of food, water and medicine in the region of more than 5 million people. Blinken, in a call with United Nations Secretary-General Antonio Guterres on Thursday, discussed the importance of an international investigation into reported human rights abuses in the region, the State Department said on Friday. It said that in the call, Blinken also called for “enhanced regional and international efforts to help resolve the humanitarian crisis, end atrocities, and restore peace in Ethiopia.” The U.N. said last week that Eritrean troops were operating throughout Ethiopia’s northern Tigray region and reports suggested they were responsible for atrocities. The State Department last month said Washington will de-link its pause on some aid to Ethiopia from its policy on the giant Blue Nile hydropower dam that sparked a long-running dispute between Egypt, Ethiopia and Sudan. But it cautioned that resumption of assistance would be assessed on a number of factors, including “whether each paused program remains appropriate and timely in light of developments in Ethiopia that occurred subsequent to the pause being put in place,” according to a State Department representative. Source: Reuters The post U.S. will not resume assistance to Ethiopia for most security programs appeared first on Puntland Post.
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa goordhow anisixyey qaraar lagu kordhinayo waqtiga joogista AMISOM iyaga oo sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorasho qof iyo cod ah. Golaha ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimid doorashada 2020/2021, iyaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada in si degdeg ah loo qabto doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah iyada oo lagu shaqeynayo heshiiskiiSep 17, 2020. Farmaajo oo bil ka hor waqtigiisu dhammaaday, isla markaana raadinaya afar sano oo kale ayaa la sheegayaa in uu dib u dhigay doorashada isaga oo dhibaatada dusha uga tuuray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa la sheegayaa inuu sanad ku daray joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM Qoraal ka koobnaa 13 bog ay soo qortay dowladda Ingiriiska ayaa loogu codeeyey si aqlabiyad ah, iyada 15-ka xubin ay wada ogolaadeen. Dalal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Kenya, Niger iyo Tunisia ayaa horay u dalbaday in codeynta dib loo dhigo, waxaa ay dood ka qabeen maalgelinta AMISOM, laakin sida muuqato waa laga diiday. Niger oo qoraal arrinkan ka qortay ayaa sheegtay in warbixinta soo baxday ee Ingiriisku hormuud ka ahaa, aanu ka tarjumeyn rabitaanka dalalka Afrikaanka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Ciidammada Millatariga Somaliland ayaa xukun ku riday askari ka tirsan Ciidanka Millatariga Somailand oo lagu eedeeyay inuu hore si badheedh ah dil ugu geystay qof shacab ah. Askariga ayaa waxaa la sheegay inuu qof shacab ah oo ahaa Macalin Iskuul uu ku dilay Magaalada Gabiley, isla markaana falkaas kadib ay soo qabteen Ciidanka Booliska oo xidhay. Maxkamadda Ciidamada Milateriga ayaa waxaa la horgeeyay cadeymo la xidhiidha kiiska lagu helay askariga, iyadoona la tilmaamay in qoyska Ninka laga dilay ay dalbadeen in sharciga la marsiiyo askariga. Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askariga dilay Ninka oo kamid ahaa Macallimiinta dugsiyada Magaalada Gabiley ee deegaanada Somaliland. Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa hore xukuno kala duwan oo isugu jiray dil toogasho ah iyo kuwo xabsi ah ku riday Askar ka tirsan ciidammada Somaliland oo falal kala duwan ka geystay halkaas. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka. Golaha ayaa marka hore ka digay in ay markale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo asteeyey oo aheyd 8-dii Febraayo. Sidoo kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay heshiis ka gaaran muranka ka jira doorashada 2021-ka. 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa sidoo kale xoojiyey muhiimada uu leeyahay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo xaaladda dalka. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo agaasimaanka doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii. Dhinaca kale golaha ayaa ugu dambeyun meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howl-galkaMidowga Afrika ee AMISOM oo la gaarsiiyey, illaa bisha December. Si kastaba Soomaaliya ayaa weli wajaheyso xaalad hubanti la’aan oo ka dhalatay is marin-waaga ka taagan doorashada 2021-, taas oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin, xilli uu dhammaaday muddada xil-heynta ee madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Waxaa sakay gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Inta badan wadooyinka soo gaala wadada Maka Almukarama ayeey ciidamado ka celinayaan gadiidka dad weeynaha , iyadoo dadka ay lugta maalayaan. Isgooyska bakaaraha, Tarabuunka iyo dhamaan wadooyinka soo gala wadada Maka Almukaramah ayaa ka mid ah wadooyinka xiran. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ciidamada ay u xireen wadooyinka . Shacabka ayaana dhib badan kala kulmay xirnaanshaha wadooyinka caasimadda . Source: goobjoog.com
-
Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho. Sida ay GoobJoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiinka tirsan maamulka Puntland saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya Madaxweynaha Puntland in uu u soo duulo caasimadda dalka ee Muqdisho. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdishi kaga qeyb galayo shirka wada tashiga Arrimaha doorashooyinka dalka oo Muqdisho ka furmayo maalmaha soo socda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashada 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro. Sidoo kale labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la dardar-geliyo shirka u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee doorashooyinka. “Waxaa maanta booqasho iigu yimid Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Aadan Xasan Aadan, oo aan ka wada hadalay arimaha Doorashada dalka iyo dardar galinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo arimaha Doorashada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. Maamulka Kismaayo ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan doorashada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana khilaafka uu soo taagnaa sanadihii dambe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka dadweynaha & kuwa gaarka loo leeyahay laga celinayo qaar kamid ah jidadka. Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Warshadaha, Soddonka & isgoysyo kale oo muhiim u ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diidaya marinka waddooyinkaasi, iyadan oo illaa iyo adda aysan ka hadlin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dadweynaha ayaa sidoo kale saaka maalaya Cagahooda, maadaama ay Sabti tahay, si ay u gaaraan goobahooda shaqada. Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha loo xiray waddooyinka ay tahay, si loo xoojiyo ammaanka caasimada oo uu ka dhacayo shirka dowladda & dowlad goboleedyada. Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale loo xiray waddooyinka Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cali Mahdi Maxamed.
-
Rwanda's Kagame first East African leader to take Covid jab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Rwanda's President Paul Kagame on Thursday became the first leader in East Africa to receive the Covid-19 vaccine, which has been rolled out in the region in recent days, his office announced. Source: Hiiraan Online
