Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Soomaaliland iyo Puntland ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey Dacwad ah in Xukuumada hada jirta ee Soomaaliya aan lagu aamini karin inay maamulaan Talaalka Covid19 ee loogu deeqay Soomaaliya. Waana sababta keentay in Talaalka loogu deeqay Soomaaliya loo weeciyo Nairobi, oo uu hada yaalo mudo 9 Cisho ka badan. Soomaaliland iyo Puntland ayaa Beesha Caalamka ee ku deeqay Talaalkaan waxay u gudbiyeen Cadeymo dhowra oo muujinaya intii lagu guda jiray Dagaalka ka dhanka ah Covid19 in Malaayiin dollar iyo Qalab Caafimaad oo loogu deeqay Soomaaliya aysan waxba kasoo gaarin labadaan Maamul, qalabkaas qaarkiisna lagu arkay Suuqyada Ganacsiga. Sida aan Xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO qaybteeda Gacanta ku haysa Talaalkaan iyo Hay’ado kale ayaa baaritaan dheer oo dacwadaan ku saabsan iyo Wadatashi ay la sameeyeen Xafiisyada kale ee Qaramada Midoobaybu jooga Soomaaliya kadib waxay go’aansadeen in Talaalka Shixnada u horaysa lageeyo Garowe, halkaasoo lagu keydinayo, Waxaa jira iyana warar sheegaya in Talaalka u horeeya ee Qof Soomaaliya lagu duro uu ka dhici doono Garowe, Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa iyana gudbiyey Qorshe ah in Shaqaalaha Caafimaadka iyo Dadka Waayeelka ah lagu bilaabo talaalka. Puntlandi.com Nairobi The post Breaking News—Dowlada Federaalka oo loo diiday inay maamulaan Talaalka Covid19 ee Soomaaliya loogu deeqay, Kadib Dacwad katimid Puntland iyo Soomaaliland appeared first on . Source
  2. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geele ayaa shaaciyey in damaca ku jira Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu yahay laba arimood. Geele oo ah Afhayeenka Mudharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Madaxweyne Farmaajo kuberdeeyey inuusan doonayn Doorasho Xalaal ah oo loo siman yahay. Daahir M Geele Qoraal ayuu ku yiri wadaan.. Walaalkay Farmaajo-ow Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa. Waa markii u horaysay Soomaaliya oo Muran heerkaan gaarsiisan uu ka dhasho Doorashada, Qaabka hada wax u socdaana wuxuu u muuqaal egyahay 12 sano ka hor Meeshay Soomaaliya joogtay. Puntlandi.com Muqdisho The post Daahir Geele “ Farmaajo Dalka Doorasho Boob ah ama Xoog uu ku heysto ayuu rabaa” appeared first on . Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday ay ku mashquulsan yahiin sidii ay u kala jabin lahaayeen Midowga Musharaxiinta madaxweynaha. Daahir oo wasiir kasoo noqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa gaashaanka u daruuray in la kala qeybiyay xubnaha ay ka kooban yahiin midowga musharaxiinta, isagoo intaas ku daray in maalintii lagu dhawaaqay midowga ilaa iyo hadda ay yahiin kuwa aad isugu dhaw oo aan kala fogaan. “Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo. Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan,” ayuu yiri Daahir Gelle Waxa uu intaas ku daray “Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: “Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah, KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO” Daahir Maxamuud Gelle waa afhayeenka midowga musharaxiinta madaxweynaha kuwaas oo aad u diidan madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee Farmaajo, waxeyna taageersan yahiin heshiis la gaaro iyagoo sidoo kale doonaya iney talo ku yeeshaan heshiisyada doorashada inkastoo ay jiraa xubno ku aragti ah oo ku matala.
  4. MOGADISHU (HOL) - The United Arab Emirates has deployed its first representative to Somaliland in what elevates the break-away region’s quest for international recognition. Source: Hiiraan Online
  5. Bismilaahi alraxmaan alraxiim. Waxaan salaamaya warbaahanta iyo dadweynaha Somaliland. Intaas kadib waa la wada ogyahay cudurkii covid 19 corona halka u marayo oo runti dalkii Aomaliland miyi iyo magaalaba galay oo dad farabadan ay u jeefaan guryaha, iyo dad badan oo gudbinaya cudurka kuwa basaska saaran iyo suuqyada ka ganacsada. Mee doorkii wasaaradda arimaha gudaha iyo caafimaadka iyaga maanta ka masuul ah xakamaynta cudurka covid 19 somaliland, maanta cudurkii wuxuu ordaya gobolo ay adeega caafimaadku hoos u yahay tusaale sanaag, waxaana bahalkan sii faafiyey waa xafladaha musharaxiinta ay qabsanayaan hoolalka, iyo basaska dhexdooda iyagoo aan maask gashanayn, iyo kala iibsiga suuqyada. Wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin iyo wasiirka caafimadkuba cumar cali waa in ay talaabooyinka laga sugayey ay qaadan oo waxaa ka mid ah: 1- joojinta xafaladaha musharaxiinta iyo aroosyada lafu qabanayo hoolalka. 2- joojinta adeega basaska. 3- dadku khasab ay sitaan mask dibada lana qabto cidi bela mask oo la ganaaxo. 4- in doorashooyinka dib loondhigo inta la xakamenayo cudurkan aduunkuna sida la sheegayo ila 2022 ba la xakamayn kara. 5- ciidamada lagu daadiyo magaalooyinka si iso socodka la yareyo oo bando wixi 9 habeenimo dalka u galo. 6- cid walba somaliland soo falaysa xaga diyaradaha amba dhulka waa in warqada koronada u sito. Bahalkii wuu sii faafaya guryihina ayuu soo gali doona hadaa wax imika laga qaban. Qore mukhtar cilmi mukhtarcilmi@hotmail.com Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimadda Soomaaliya)– Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu magaalada isaga soo hormariyey ciidamo aad u badan. Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo u badan kuwa deegaanda Puntland iyo kuwa siyaasad ahaan diidan Farmaajo ayaa Saciid Deni kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Madaxweyne Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa la dajiyey xeyndaabka garoonka Aadan Cadde waxaana ammaankiisa la wareegay ciidamo uu horey u watay oo magaalada kaga soo horeeyey iyo sidoo kale kuwa midowga Africa ee AMISOM. Inta uu Muqdisho ayaa waxaa uu ka qeyb gali doona shir ku saabsan hanaanka doorashooyinka oo lagu waday in lagu soo afjaro khilaaf muddo dheer soo taagnaa. Inta uusan Muqdisho imaan madadweyne Deni waxaa kasoo horeysay diyaarad siday ciidamo aad u hubeysan oo ka yimid Magaalada Garoowe kuwaas oo ku hubeysanaa hubka culus iyo kuwa Fudud. Magaalada Muqdisho waxaa horey u joogay madaxweynayaasha Jubbland iyo Hirshabelle waxaana safar dalka Turkiga ah ku maqan madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la filayo inay maalmaha soo socdo soo gaaraan Muqdisho.
  7. To: H. E. Recep Tayyip Erdogan President of The Republic of Turkey T. C. Cumhurbaskanligi Genel Sekreterligi 06689 Cankaya, Ankara Turkey E-mail: cumhurbaskanligi@tccb.gov.tr Fax: (+90)312 525 5831 cc: Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali info@pmo.gov.et President of Kenya Uhuru Muigai Kenyatta contact@statehousekenya.go.ke President of Uganda Yoweri Kaguta Museveni info@statehouse.go.ug President of Djibouti Ismail Omar Guelleh addresscontact@ansie.dj March 11, 2021 Your Excellency, I would like to thank you for the long-lasting good relations you have with the Somali people and your support for the healthcare, education and humanitarian efforts in Somalia. The Somali people have been hindered by war, conflicts and disagreements between them. They have long time been waiting peace and prosperity. We have had elections in 2012 and 2017. But unfortunately after President Farmaajo was elected and inaugurated four years ago, this positive process was stopped, and the people have no longer have any confidence in the current leadership. Since the end of President Farmaajo’s term of office at midnight on Feb. 07th 2021, Somalia has been without a legitimate constitutionally based government. Now the Ex-president Farmaajo has been breeding conflict between clans in order to stay in power using divide and conquer tactics. The resources and the financial assistance given by your great country is unfairly used for his own political advantage. Therefore, the Somali people are disappointed about Turkish been exploited. Now the question is, why Turkey is silent about this misuse of their support surely given in good faith? The ex-president used Turkish trained forces to stop peaceful protestors marching against his rule of Feb. 19, 2021, showing his dictatorial intentions. He has also used the GorGor forces for coercion and rigging of regional elections. So there is no doubt the same forces and weapons provided by Turkey will be used to hijack the upcoming elections. The former president assuredly and in our best estimation will not yield power voluntarily. Mr. President, given the role of Turkish Somali relations, the Somali people are looking forward to your intervention in this matter. I request you to set up a committee to investigate the misuse of support paid by your taxpayers and the use of troops during the demonstrations on February 2021 mentioned above. Naturally, it would be prudent not to provide further support in form of arms to the Somali forces, as Somalis would interpret this as support for illegal dictatorship by the Turkish government. I have written this letter in order to advance the bilateral relationship and cooperation between our two countries. I wish that Turkey will in the future listen directly the voices of the Somali people. Now is the time to stop supporting unjust leadership and advance peace and stability in Somalia and to forge long lasting good relationships between our two countries. I hope you will help to persuade former President Farmaajo to dismiss the national army commanders involved in the attack against peaceful civilian protestors and opposition leaders and remove the army from engaging in politics. It is also vital that meetings, demonstrations and other peaceful political activities can be resumed without restrictions from the current Somali government. Sincerely, Mahamad Caalim Signed on behalf of Somali Diaspora Committee consisting of: 1) Ahmed Siad, Somali Atlantic Council, President of the Somali Diaspora Committee 2) Mahamad Caalim, former Diplomat, Chairman, and the Founder of Somali European Association 3) Ahmed Gagaale, Somalia Liberal Party Markkinakatu 10 C 93, 02230 Espoo caalim68@hotmail.com Source: goobjoog.com
  8. The post Daawo Madaxweyne Deni oo soo gaaray Muqdisho appeared first on . Source
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayao ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni waxaa Muqdisho uga soo horreeyay cutubyo ka tirsan ciidamada madaxtooyada Puntland, oo loogu talagalay sugida amniga madaxweyanaha iyo wafdigiisa. Afhayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Dabaraani oo warbaahinta uga warbixiyay safar madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa sheegay in uu la xiiro arrimaha doorashooyinka, uuna ka qeybgalayo shirka maalmaha soo socda furmaya ee looga hadli doono doorashada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi. Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay. Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon sanno markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka. Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka. Qaran News
  11. Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah diiday eedeymaha Mareykanka ee ah in isir sifeyn laga gaystay gobolka Tigray, iyadoo iska riixeysa dhaleeceyntii ugu dambeysay ee ka dhan ah howlgalladeeda milatari ee gobolka waqooyiga ee Tigray taasi oo uga timid maamulka cusub ee Washington. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in uu doonayo in ciidamada Eretria iyo kuwa ka soo jeeda gobolka Amxaarada lagu bedelo ciidamada ammaanka oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha oo aan “sameyn doonin ficillo isir sifayn ah.” “(Eedaynta) ayaa ah gabi ahaanba xukun aan sal iyo raad toona lahayn oo ka dhan ah dowladda Ethiopia,” ayaa lagu yidhi qoraal Sabtida maanta ah ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi. Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay. Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon sanno markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka. Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka. Allaa Mahad Leh Xafiiska warbaahinta Madaxtooyada JSL Source
  13. Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni , iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Deni iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aden Adde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Madaxweynaha Puntland ayaa Muqdisho kaga qeyb gali doona Shirka Arrimaha doorashooyinka oo muqdisho ka furmi doona. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Nin Tooreey ku hubeysan oo la sheegay in uu ka tirsan-yahay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta meelo kamid ah Soomaaliya oo ay ku jirto Muqdisho ayaa saakay xaafada Daalo ee degmada Howl-wadaag ku dilay askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo aan hub wadan, sida ay noo sheegeen dadka degaanka. Wararka aan ka helnay Xaafada Daalo ayaa sheegaya in Askari kale oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya uu la socday kan la dilay uu isagana toogasho ku dilay ninkii Tooreyda watay ee dalka u geesteen askariga kale ee ka tirsanaa ciidanka amniga. Saraakiisha ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka dilka gaystay jeebkiisa laga helay cadeymo muujinaya in uu ka tirsan kooxda Daacish, gaar ahaan kooxda dilalka geysata ee bastooladaha wata. Sawirro la soo bandhigay ayaa muujiyey in qofka Mindida watay oo ahaa nin oday ah uu ka tirsan Daacish islamarkaana jeebkiisa laga helay xogo kale iyo dad kale uu damacsanaa in uu dilo. Kooxda Daacish ilaa hadda ma aysan sheegin dilkii saakay ka dhacay Muqdisho iyo in qofka la dilay uu ahaa xubin iyaga ka tirsan. Weerar argagixiso oo lagu fuliyo mindi ayaa waxaa inta badan ay ka dhacaan dalalka Yurub, kuwaas oo ay gaystaan taageerayaasha kooxda Daacish ee aan heli karin hubka qoryaha, hase yeeshee dhacdadan ayaa ah mid ku cusub.
  15. Kismayo (PP News Desk) — On Friday morning, Kismayo residents who went to Lido beach for morning swim had encountered the unusual sight of dead fish strewn on the beach. One of the visitors filmed the scene and shared it on social media platforms. Dead fish that washed up on Kismayo’s Lido beach on Friday morning. Fish sellers in Kismayo believe that illegal dumping of toxic waste in the Somali coastline “resulted in the death of fish that washed up on Kismayo beach.” Jubaland authorities in Kismayo have yet to visit Kismayo beach or order investigation into causes of dead fish scattered around the beach. The silhouette of the visitor filming the dead fish scattered on Kismayo beach. Somalia does not have coastal guards. Kenyan Defence Forces within Amisom control Kismayo Port. Somalia and Kenya have maritime disputes with each other over sea boundaries not too far from Kismayo. “The United Nations puts more resources into fighting piracy, and Al-shabaab seen as a threat to global stability but derelicts its duty to protect Somalia’s sea against toxic waste dumping” said Dahir Ali Ibrahim, a businessman in Kismayo. “Anti-piracy forces in the Indian Ocean must be given the mandate to search ships suspected of carrying toxic waste” Abshir Mohamud, a security researcher told Puntland Post reporter in Kismayo. © Puntland Post, 2021 The post Dead Fish Washed Up On Kismayo Beach Raises Fears of Toxic Waste Dumping appeared first on Puntland Post.
  16. Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, oo u taagan murashax xildhibaan ka tirsan Golaha Shacaka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya si weyn loogu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe. Murashax Eng Kayse, waxa Garoowe ku soo dhoweeyay dad isu’gu jira Aqoonyahanno, siyaasiyiin, Ganacsatado, Cuqaal, waxgarad, Ururada Haweenka, kooxaha Fanka, dhalinyaro iyo dadweyne kale oo isaga yimid xaafadaha caasimadda. Murashaxa oo soo dhowayntiisa kadib warbaahinta la hadlay, ayaa aad ugu mahadceliyay dhammaan dadweynaha soo dhoweeyay, waxaana uu ballan-qaaday in uu matalaad dhab ah ka muujin doono, haddii uu kursigaas ku guulaysto. Sidoo kale, Qayaba kala duwan ee Bulshadii soo dhowaysay Eng Kayse ayaa bogaadiyay murashaxnimadiisa kursiga Golaha Shacabka, iyagoo ku tilmaamay aqoonyahan da’yar oo si dhab ah uga soo bixi kara xilkaas. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Murashax xildhibaan Eng Kayse oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka guddoomay waraaqda aqoonsiga wakiil Imaaraadka u soo magacowday Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Muuse Biiixi waraaaqaha aqoonsiga ka guddoomay Abdulla Alnaqbi oo ah Wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacowday Somaliland. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland wakiilka Imaaraadka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka la qorsheeyey inay Somaliland ka qabsoomaan sannadkan 2021ka. Muuse Biixi ayaa magacaabista Wakiil Imaaraadka ku tilmaamay mid dhidibada u sii adkanaysa wadashaqaynta Somaliland iyo Imaaraadka. Imaaraadka Carabta ayaa horey Somaliland ula galay heshiisyo ay kamid yihiin dekedda Berbera. PUNTLAND POST The post Imaaraadka oo Wakiil u soo magacowday Somaliland appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo dagay diyaarad siday Illaalada gaarka ah ee madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland . Ilaalada madaxweeynaha oo ku hubeysan Hubka noocyadiisa Culus ayaa ka soo dagay garoonka xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalad Muqdisho Madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni . Deni ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmi doona . Sawirada Illaalada Deni Source: goobjoog.com
  19. Laba nooc oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa gaaray Magaalada Muqdisho si ay u ilaaliyaan Amaanka Wafdiga Madaxweyne Deni io Muqdisho kusoo wajahan. Amaanka awgiis waa la diiday in la shaaciyo wakhtiga uu soo degayo Madaxwyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sawirada hoos ka daawo The post Daawo Sawirada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo Muqdisho gaaray appeared first on . Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Galinka Dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Deni halkaas oo la filayo inuu uga qaybgalo wadahadallada madaxda Soomaaliya ee ku aadan xalinta khilaafka ka taagan qabashada doorashada waqtigeeda la soo dhaafay. Goordhaweyd waxa Muqdisho ka dagtay diyaarad ay la socdeen ilaallada madaxweyne Deni oo horudhac u ah tagistiisa Halkaasi. Muqdisho waxa horey u joogay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, inkastoo xubno kale ay wali ka maqan yihiin. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu shir uga furmay teendho ku taalo Afisyooni Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Shirka ka furmayo Afisyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Beesha Caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro heshiis ku saabsan qaabka ah noqoneyso doorashada Soomaaliya.