-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 325 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 22 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 91 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (179) Galmudug (39) gobalka Banaadir (28), Puntland (28) Hirshabeelle (27) Jubbaland (22) iyo Koonfur Galbeed (2) qof, 219 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 106-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,925 waxaa bogsootay 4,420 Ruux. guud ahaan 414 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa 16-kii bishan March lagu bilaabay Tallaalka COVID-19 ee ugu horeeyay gudaha dalka Soomaaliya. Wasiirr Fowsiya ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka. View the full article
-
Washington ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaantay in ay abuureyso hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah xasilloonida, iyo horumarka dalka. Xoghayaha arimahaha dibadda maraykanka antony blinken aya ku sheegay wa qoraak ah oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka”Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, madaxda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka. Hubaal la’aan sii socota waxay wiiqaysaa amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada ” Maraykanka aya sidoo kale dhinacyada soomaalida si adag ugu booriyay in ay si dhaqso leh uqabtaan doorashooyinka dalka. “Waxaan ka boorinayna madaxda Soomaalida inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayaa lagu soo gabangabeeyay qoraal lagu daabacay barta rasmiga ah ee wasaarradda arimaha dibadda maraykanka. Source: goobjoog.com
-
Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay in ka badan 20 dhalinyaro ah, oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in dadka la qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro u dhashay degaanka, oo ka soo laabtay Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale, waxa xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah dadka wareejiya Ganacsiga yar yar, waxaana gebi ahaanba Gobolka laga mamnuucay Ganacsiga noocaas ah. Saraakiishu waxay sheegeen in haatan baaritaan ku socdo tuhmanayaasha lagu qabtay Gaalkacyo, kuwaas oo aysan weli ku caddayn, haddii ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Puntland oo xabsiga dhigtay in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinayo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2032021.mp3 View the full article
-
Ethiopian leader warns fugitive Tigray leaders to surrender
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
HAMDAYET, Sudan (AP) — Ethiopia’s prime minister issued a “final notice” Friday to the fugitive leaders of the country’s embattled Tigray region, saying they should surrender peacefully to avoid “severe punishment” and prevent the “misery of their people.” Source: Hiiraan Online -
The company has set the issue price of the shares at its IPO at $100 per share Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah. DHAMMAAAD View the full article
-
Barely a month after his demise, the late Garissa Senator Yusuf Haji has finally been honoured. Source: Hiiraan Online
-
Maritime delimitation case between East African countries has already started at ICJ without Kenya’s participation Source: Hiiraan Online
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Finance Minister Hassan Shire enumerated a set of policies the State government had implemented to reform security forces and boost remuneration packages for soldiers. Shire delivered a speech for security forces trainees who underwent a training. “Puntland State government has tripled the salaries of security forces. Hassan Shire: “We have tripled salaries for Puntland security forces.” In addition, the State government has put in place policies to look after members of the security forces who are wounded on duty. We will give wounded soldiers the medical attention they deserve” said Puntland Finance Minister. Last year Puntland State introduced biometric-based security reforms that substantially reduced phantom soldiers on security forces’ payroll. Puntland State Government shoulders the responsibility to pay blood money to families of victims accidentally killed by security forces, a policy that brought to an end payment of compensation or blood money by the subclan of a soldier accused of causing accidental injury or loss of life. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Security Forces Receive Substantial Pay Rise appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, shirkaas oo dhacaya 22-ka bishan March. “Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada. “Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.” Shirkan ayaa noqonaya kii afaraad ee Farmaajo uu ku baaqo tan iyo markii muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February, ayada oo dhammaan shirarkii kale ay diideen madax goboleedyada madaxa-banaan ee Jubaland iyo Puntland. Inkasta oo shirka uu Farmaajo ku baaqay uu ka dhacayo Muqdisho, haddana lama shaacin halka uu si gaar ah uga dhacayo, haddii ay tahay Villa Somalia iyo Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ku baaqday beesha caalamka. Baaqa Farmaajo ayaa yimid sacado un kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka. “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa abuuray awoodo siyaasadeed oo dowladda ku jira islamarkaana ah laba awoodood oo iska soo hor-jeeda. Sida caadiga, haddii uu dhamaado muddo xileedka hay’adaha dowladda, sida baarlamaanka iyo madaxtooyada, waxaa geedi socodka doorashada iyo ka bixitaanka waqtiga kala guurka ah dalka la rabaa in ay ka saaraan maamul gobaleedyada dalka iyo xukuumada xiligaas jirta waana sababta maanta loo abuurayo awoodo iska soo horjeeda oo sharci ah. Madaxweyne Farmaajo oo kaashanaya maamulada taabacsan ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday Isbaheysi isku dan ah islamarkaana ka shaqeeya danahooda gaarka ah, halka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay iyagana Khamiistii abuureen Madasha Badbaado Qaran ah oo ay ku jiraan maamulada Puntland, Jubaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo haddii si kale loo eego ah Gobalada Waqooyi. Xaalada ayaa noqotay saddex iyo saddex oo ay gadaal ka joogaan Madaxweynaha Waqtiga ka dhamaaday iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay. Sidoo kale xaalada ayaa u muuqata in ugu dambeyn la isugu imaan doono wada-hadal dhab ah oo labada garab ah. Waa Madal Badabaado tii ugu awooda badneyd oo dalka laga aas aaso tan iyo ka bixitaanka marxalada kumeel-gaarka ah iyo ka sii horba markii ay bur-burtay dowladnimada Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqdo in wajahayo guul darrooyin siyaasadeed oo waa weyn, kuwaas oo ugu dambeyn sababi kara in uu hor-fadhiisto Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Axmed oo kursiga kaga horreeyay islamarkaana uu kala dhaxeeyo khilaaf culus, si uu heshiis ugala gaaro doorashada.. Jawhareerka iyo khilaafyada siyaasadeed ee dalka ayaa sii xoogeystay lamana oga meesha ay sal dhigan doonto xaalada wadanka oo maalin walba ka sii dareyso.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo laba maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo shir kale ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Somalia Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in accoun-ka uu ku leeyahay barta twitter la jabsaday isla markaana lagu soo qoray fariin dadkii akhristay ay la fajaceen. Farriin lagu soo qoray barta twitter ee Taliye Xijaar oo ku qorneyd luuqada English-ka ayaa u dhigneyd “Iam going to be forever Somali Police commissioner!-Weligeey waxaan ahaanayaa taliyaha Booliska Soomaaliyee.” Balse saacado kadib ayaa waxaa lasoo dhigay koontada Taliye Xijaar qoraal kale oo lagu sheegay in la jabsaday acount-ka twitter-ka Taliye Xijaar waxaana lagu yiri. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku wargalinayaa in la jabsaday barta aan Twitter-ka ku leeyahay ee @GenHijaar, war khaldanna lagu qoray. Ilaahay mahaddii waan ku guulaysanay in aan dib u soo celinno Koontada. Waxaan bulshada ka raalli galinayaa cilladda dhacday. Mahadsanidin. Arrintaasi lama oga inay aheyd mid si ula kac ah loogu qoray, oo kadib la xumaatay, iyo in la jabsaday, inkastoo koontada taliyaha ay tahay mid aan dad badan ku xirneyn oo dadka Followers gareeyay ay yihiin 1,891.
-
Once you look and assess the Somali election stalemate, the mistrust and lack of shared vision for Somalia between the FGS and FMS, you can begin to realise what is at play is far greater and deep seated. It is unfortunate, but today we have political leaders across Somalia who lack imagination, Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Mareykank ayaa sheegtay in ay aad uga waalacsan yihiin jahwareerka ku gedaaman doorashooyinka la filaayo in ay ka dhacaan Dalka Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu xusay in doorasho la’aan uu dalka galayo xaalad siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu shaaciyay in caqabadaha haatan taagan ay yihiin kuwa wiiqeya horumarka, waddada loo marayo qorshaha deynta cafinta oo dhameystiran iyo dagaalka lagula jiro Kooxda Al Shabaab. Bayaankan ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Dalka in ay ka soo dhalaalaan mas’uuliyadda ka saaran Shacabka Soomaaliyeed. Mareykanka ayaa sidoo kale ka dalbaday Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada in ay ogolaadaan in doorasho xor iyo xalaal ah laga qabto Dalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa ka codsaday madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka, islamarkaana ay gaaraan heshiis dhab ah oo lagu qaban karo doorasho hufan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si adag uga jawaabay eedeyn la xiriirtay heshiiska MOU oo la sheego inuu keenay damaca Kenya ee Badda, kaasi oo u jeediyay Abuukar Cawaale. Abuukar Cawaale oo soo dhigay qoraal bartiisa Facebook ayaa sheegay in heshiiskii is-faham ee 2009-kii uu amar ku bixiyey Cumar Cabdirashiid, islamarkaana uusan wax shaqo ah ku laheyn Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xiligaas lagu amray inuu saxiixo, sida uu sheegay. “Madaxweyne Sh Shariif shaqo kuma lahayn mana ogeyn meel lagu saxiixay MOU ninka amarka bixiyey Wuxuu ahaa R/Wasaare Sharmaarke ee ninkaas hala raadiyo. CCW Sawirka gal oo warqadaas saxiix ayaa lagu amray (Qob moos ayaa loo dhigay) ee hala raadiyo kaabalaadarka weyn Mr Cumar,” ayuu yiri Abuukar Cawaale oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka. Saacado kadib waxaa jawaab kulul eedeyntaas kasoo bixiyey Cumar Cabdirashiid. wuxuuna yiri “Abukar Awale Qof aan garanayo ma tihid waxaase yaab leh inaad Weli ku gaaf wareegayso MOU baa la saxiixay adigoo og in MOU da ay maxkamadii caalamiga tiri nuxurkeeda wuxuu ahaa continental shelfs ka ku darsashadeeda oo kenya ay ka carartay Maxkamada inay kasoo qayb gasho. Adiga iyo inta weli rabta Somali inay ku marin habaabiso arrinkaan iyo kuwa lacagta indin kusiiyaba qalbiga Ayad ka jiran tihiin”. Heshiiska MOU wax saameyn ah ma ku leeyahay kiiska Badda ee dhawaan dhageysigeeda laga furay Maxkamada ICJ? Heshiiskas is-faham ee 2009-kii (MOU) ayaa waxaa mid kamid ah qareenada Soomaaliya ee dacwadda Badda uu sheegay in is-fahankii ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, uusan wax khilaaf ah ku ahayn dacwadda. Philippe Sands ayaa sheegay in is-fahamkaas uu kamid ahaa qodobbada ay Kenya illaa iyo hadda cuskaneyso, kaasi oo ay kala saxiixdeen dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, islamarkaana la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Is-afgaradkaas wuxuu dhigayay in labada dal aysan iska hor istaagin inay gudbitaan cabbirka, xogta iyo qariiradaha la xiriira Qalfoof badeedka labada dal, oo loo gudbinayay Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qalfoof badeedka dalalka Caalamka. Is-fahamkaas waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Sida ay sheegen qareenada dalkeena Is afgaradkaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa oo ah in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
PRESS STATEMENT ANTONY J. BLINKEN, SECRETARY OF STATE The United States is deeply concerned by the electoral impasse in Somalia, which is creating political uncertainty that threatens security, stability, and development in the country. Source: Hiiraan Online
-
Mareykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay jaahwareerka doorashooyinka Soomaaliya oo abuuri kara hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu yiri “Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka”. Mareykanku wuxuu ka codsaday madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee gaarka ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay” ayaa war-saxaafadeedka la raaciyay. Mareykanku wuxuu xusay in uu taageersan yahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaharaadaan si nabad ah oo ay ka horyimaadaan fikirka koox kasta. Wuxuu tilmaamay Mareykanku in caqabada hada ka jira Soomaaliya ay wiiqayaan wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran iyo la dagaalanka argagixisada. PUNTLAND POST The post Mareykanka: Soomaaliya waa in ay si deg deg ah u qabataa doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa qoraalkii ugu kululaa kasoo saaray is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay doorasho deg deg ah oo dalka ka dhacda. Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka. “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken. Waxa uu sheegay in is-mari waaga uu waxyeeleynayo horumaradii ay sameysay Soomaaliya islamarkaana uu dib u dhigayo isbeddelada deg degga ah ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay ugu sii socoto waddada ay ku gaareyso deyn cafin buuxda, ayna wiiqeyso la-dagalaanka argagixisada. Blinekn ayaa sidoo kale taageero u muujiyey dibad-baxyada shacabka Soomaaliyeed ee dowladda ay isku dayday inay hor-istaagto. “Mareykanka waxa uu taageerayaa xuquuqda ay muwadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si nabdoon u dibad-baxaan, waxa uuna si qayaxan uga soo horjeeda in dhinacna uu rabshado u adeegsado,” ayuu yiri. “Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha Soomaalida, inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu fulinayo doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha,” ayuu yiri.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-1932021.mp3 View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga shir muhiim ah kula yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda UK ee Soomaaliya Danjire Kate_Foster iyo mas’uuliyiin kale oo arimaha horumarinta u qaabilsan UK. “Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Dowladda UK, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 oo hada dhibaato xooggan ku haya bulshada Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle. Wasiir Beyle ayaa xusay in Dowladda UK ay ka mid tahay saaxibada Soomaaliya ee muhiimka u ah horumarka Soomaaliya, isla markaana garab taagan mar waliba. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh oo ku hubeysan Hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ka tirsan Millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor. Amarka ciidamada looga dejiyay Gedo ayaa waxa uu kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu amray in Gedo laga dejiyo ciidanka iyo hubka, xili ay wajaheyso xaalada Abaaro. Ciidamadaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gobolka Gedo, taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakool Kooke iyo Saraakiil kale oo ka tirsan millateriga Soomaaliya. Diyaarad gaar ah ayaa ka dejisay ciidamadan oo ku gaashamaan qoryaha culus iyo gaadiidka dagaalka, xili ay deegaanada gobolkaas laga deyrinayay xaalada bini-aadanimo. Gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagna abaaro baahsan, waxaana la filayay in xiligan adag ay dowladda federaalka gaarsiiso gar-gaar bini-aadantimo, ayada oo hore u ballan-qaaday dhaqaale aysan ilaa hadda gaarsiin. Ma cadda sababta keentay in xiligan ay dowladda waqtigeedu dhamaaday ka dejiso hub iyo ciidamo hor leh gobolka Gedo, mana aha markii u horeysay ee dowladda sidaan oo kale ciidamo u dejiso gobolkaas.
-
Doha (Caasimada Online) – Ayada oo ka cabsaneysa guul-darro, ayey Kenya go’aansatay inay qaadacdo dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, waxaana hadda ay rajeyneysaa inay arrintan xal u hesho ayada oo gacan ka heleysa Qatar. Sida uu qoray wargeyska African Intelligence, Uhuru Kenyatta ayaa sameynaya wax kasta oo uu awoodo si uu Soomaaliya u keeno miiska wada-xaajoodka, waxaana rajadiisa ugu dambeysay ay tahay Qatar. Sida lagu sheegay warbixinta African Intelligence, Kenyatta ayaa Qatar weydiistay inay Soomaaliya ka dhaadhiciso wada-hadal. Intii uu ku sugnaa magaalada Doha, oo uu kaga qeyb-galay shirka hubka ee Milipol oo socday 14-kii illaa 17-kii March, wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Khalid bin Khalifa Al Thani isaga oo weydiistay in Qatar ay gacan siiso Kenya. Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo isna shirkaas uga qeyb-galay Doha ayaa la kulmay Sheikh Khalid bin Khalifa Al Thani, ayada oo la rumeysan yahay inuu arrintan kala hadlay. Kenya ayaa xiriri wanaagsan la leh Qatar. Waxaa sidoo kale jirta in Qatar ay saami ku leedahay shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, taasi oo Kenya ay siisay shati ay shidaal kaga baarto dhul-badeedka ay sheeganeyso ee ay Soomaaliya leedahay. Doha oo ah dowladda ugu weyn ee taageerta Villa Somalia, inkasta oo wax la taaban karo aysan u qaban shacabka Soomaaliyeed, ayey Kenya rumeysan tahay inay ka dhaadhicin karto madaxtooyada Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho kiiska badda. Si kastaba, wargeyska African Intelligence ayaa sheegay in muranka ka taagan doorashada Soomaaliya uu wada-hadal dhex-mara Nairobi iyo Muqdisho ka dhigaya mid adag, maadaama uu dhacay muddo xileedka Farmaajo, oo uusan qaadan karin go’aano masiiri ah.
