-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaashanaya madaxweyne goboleedyada taabacsan ayaa dejiyey qorshe uu toosh ugu ifinayo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Sida aan ku helnay ilo-wareedyo xog-ogaal ah, madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kulankii habeenkii Axadda dhacay Villa Somalia ku heshiyay inay shirka Afisyoone tagaan inkasta oo ay qaadaceen madaxda Puntland iyo Jubaland Qorshaha arrintan laga leeyahay ayaa ah in beesha caalamka loo dareensiiyo in ay ka go’antahay heshiis la gaaro, sidoo kalane ay beesha caalamka u aragto in shirarka ay diidan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ayaa mar kale shalay iyo maanta shir ku qabsaday Afisyoone, ayaga oo isu muujinaya xal doon, oo cidda dhibaatada waddo ay yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. Villa Somalia ayaa sidoo kale habeenkii Axadda baahisay ajende shir oo aan raali laga wada-aheyn oo ay soo gudbisay beesha caalamka. Ajendaha oo ahaa mid aan dhameystirneyn oo Villa Somalia loogu gudbiyey un inay eegto, ayey u dusisay warbaahinta, si looga carreysiiyo Deni iyo Axmed Madoobe. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo garab ka helaya midowga musharaxiinta ayaa dagaal adag kula jira Madaxweyne Farmaajo iyo maamulada taabacsan, kuwaas oo aad isugu dayaya in ay meel mariyaan rabitaanka Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadka darsa arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in maqnaanshaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ah qorshe ay ka shaqeysay Villa Somalia looga dan leeyahay in loo muujiyo kuwa diidan doorashada Soomaaliya, si la saaro cadaadis beesha caalamka ah. Si kastaba, ma cadda haddii qorshahan uu ka gadmi karo beesha caalamka, maadaama walaacyada ay qabaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay yihiin kuwa sharci ah, oo muuqda, waxaana qoraallada beesha caalamka kasoo baxay si toos ah loogula hadlay labada dhinac. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo ay sameynayaan dhinacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaas oo raadinaya danaanshaha Soomaaliya.
-
Mogadishu (Opinion) — The United Nations might be gradually losing its impartiality in Somali politics. As the lead organisation in Somalia, its office, UNSOM, competes with foreign embassies in authorising tweets that reduce Somalia to a political threatre of absurdity. Its latest tweet reflects a patronising attitude rather than the role of an organisation formed to promote peace and conflict resolution. Inconsistency: James Swan, UNSOM Chief, emphasises 17 September electoral model as a key milestone, but his office mischaracterises the Somali electoral deadlock as mere disagreement between two sides. Instead of offering any possible technical support to break the deadlock over the 17 September electoral agreement, UNSOM deepens the deadlock either by emphasising the primacy of the electoral model or portraying the cause of the deadlock as a disagreement between Jubaland and Puntland on one side, and the Federal Government of Somalia, Galmudug, Hirshabelle, South West State and Banadir on the other side. Both emphases cannot be correct. If UNSOM finds being seen as biased towards one side unpalatable, it should clarify why a reference to the core principles of the electoral model, which should have been implemented by now, aims to remind Somali political stakeholders of their obligation to keep their word. The sticking point is the demand of Jubaland to renegotiate the terms of 17 September Electoral Agreement. This is a risky venture that can open up a Pandora’s box of political demands, and can damage the image of the Federal Government of Somalia. The Chairman of the Upper House Abdi Hashi told the BBC Somali Service today that “all Somalis must meet and reach an agreement”. Hashi said he is not allowed to participate in the electoral talks. He views the 17 September electoral model as a palaver. UNSOM should seek the advice of Department of Political and Peacebuilding Affairs at the United Nations to be able to constructively contribute to maintaining the political, social and economic progress attained in Somalia partly because of the selfless help of Somalia’s International Partners. Wa’ays Dahir The post UNSOM Risks Losing Impartiality in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
GAROWE, Somalia (Reuters) – The security minister of a Somali regional administration said on Wednesday he had defected along with hundreds of troops and allied himself to President Mohamed Abdullahi Mohamed, who faces calls by rivals to quit after his term as national leader ended. Abdirashid Janan, security minister of the semi-autonomous Jubbaland state, said he had defected together with 400 troops from Jubbaland’s forces, potentially bolstering the position of the president, known in Somalia by his nickname ‘Farmajo’. Mohamed is facing pressures to resign, including from Jubbaland and another semi-autonomous state, Puntland. Somalia’s remaining three regional governments back him. The standoff has stoked tensions in the Horn of Africa nation that was ripped apart by civil war and which is still battling an insurgency by al Shabaab, an Islamist group that launches attacks in Mogadishu and elsewhere. “I defected to the federal government. I do not want to be part of the … war in the region,” Janan told Reuters, adding a colonel was among the defecting troops. Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam Madobe said in a statement he had sacked Janan as security minister for conducting talks with the president. Officials in both Jubbaland and Puntland say they do not recognise Mohamed as Somalia’s president since his term expired. Mohamed’s four-year term ended last month without a successor. Somalia’s parliament was supposed to elect a new president on Feb. 8, but the exercise was delayed because new lawmakers have yet to be picked. Opponents of Mohamed, who is seeking a second term, also accuse him of packing his supporters into the regional and national boards who choose the legislators. Talks have been taking place involving Mohamed, various political leaders and members of the international community aimed at fixing a new date for elections. The presidents of Jubbaland and Puntland however refused to participate, arguing Mohamed must not chair the talks as he was no longer president. In a sign the president is expanding support for his continued stay in office, residents in Dhahar district in Puntland demonstrated on Wednesday, expressing approval for Mohamed while denouncing the state’s president. “We want Farmajo, we don’t want president Deni,” they chanted, referring to the state’s leader. Police dispersed the protesters by firing in the air.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento. Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad. “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay tani saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty Internation. Now that Abdirashid Janan is in the hands of the federal government of #Somalia, authorities must ensure justice and accountability for all the alleged human rights violations he committed in Gedo. Victims and impacted families deserve justice. pic.twitter.com/oGfhV9iu8r — Amnesty Eastern Africa (@AmnestyEARO) March 24, 2021 Horay hey’addan u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Internation ayaa Cabdirashiid Janan ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dembiyo dagaal, kadib markii ay soo bandhigeen warbixino sheegaya in ciidamadiisu ay dad badan ku dileen gobolkaas. Sidoo kale Amnesty ayaa markii uu Janan ka baxsaday gacanta dowladda Soomaaliya waxay dalbatay in la qabto, si cadaaladda loo marsiiyo. “Baxsashada Cabdirashiid Janan waxay dhibanayaasha dambiyadiisa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan dilal shacab, iyo is-hortaaga gargaar ka dhigeysa kuwa ka shakinaya inay weligood caddaalad heli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay Amnesty soo saartay markii uu Janan, sida la sheegay, ka baxsaday Muqdisho. Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen. Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada. “Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
-
Wakaalada Biyaha Burco ayaa Cagaf ku Caawisay Xabaalaha Burco, kadib markii ay kor ukacday Tirada Dadka ku Dhimanaya Burco. Gudida Xabaalaha Burco ayaa sheegay inay Daaleen Xabaali Qodkii diyaarin jiray Godadka xabaalaha , kadib markii ay kor ukacday tirada Dadka Ku Dhimanaya Burco. Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili Maalmihii udanbeeyayay kor ukacay dadka udhimanaaya Xanuunka Covid19 ee Magaalada Burco. Source
-
Hay’adda u doodda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay baaritaan ku sameyso Cabdirashiid Janan oo ay Hay’adda horay ugu eedeysay in uu gabood falo ka geeystay Gobalka Gedo. Amneysty ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan oo horay u ahaa wasiirkii Amniga Jubbaland uu dambiyo dagaal ka geeystay Gobalka Gedo . Hay’adda ayaa xustay in looga baahan yahay mas’uuliyiinta dowladda in ay baaritaano ku sameeyaan maadam uu hadda gacantooda ku jiro. Qoraal ka soo baxay Amnesty ayaa lagu yiri “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay hubiyaan caddaaladda iyo la xisaabtanka dhammaan xadgudubyada xuquuqul insaanka ee la sheegay inuu ka gaystay Gedo. Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in dhibanayaasha uu dhibka u geeystay in ay u baahan yihiin Cadaalad in ay helaan . Qoraalka Amnesty ayaana lagu yiri “Dhibbanayaasha iyo qoysaska saamaynta ku yeeshay waxay mudan yihiin caddaalad.” Hadalka Amnesty ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay Heshiis la gaartay Janan iyadoo Beledxaawo ku soo dhaweysay . Source: goobjoog.com
-
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo ciidamo uu wato ayaa maanta gelinkii dambe lagu soo dhaweeyay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale ayaa duleedka degmada Baladxaawo ku soo dhaweeyay Cabdirashiid Janan oo dowladda isku dhiibay kadib wadahadal dhexmaray. Cabdirashiid Janan oo bartamaha magaalada Baladxaawo kula hadlay boqolaal qof oo ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in uu u tanaasulay danta dadka iyo dalka. Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in ay dhammaatay colaaddii ka jirtay Gedo ee u dhaxaysay Dowladda Federaalka iyo Jubaland. Cabdirashiid Janan ayaa sheeganaya wasiirka amniga Jubaland, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay in uu xilkaas ka qaaday. Hadal-jeedintii Janan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay Cabdirashiid Janan danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo horay ugu baaqday in la xiro Cabdirashiid Janan oo caddaalad la marsiiyo, ayaa maanta markale Dowladda Federaalka ugu baaqday in ay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashiid Janan. PUNTLAND POST The post Cabdirashiid Janan: Waa dhammaatay colaadii Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aysan sal iyo raad laheyn eedaha iyo Hanjabaadaha ka soo baxaya beesha caalamka . Saaxibada taagera Soomaaliya ayaa 48-saac ee la soo dhaafay waxa ay eeda kulul u jeeydinayeen dowladda federaalka iyo Maamul Gobaleedyada dalka. Wasiir Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Waxaan jira danjirayaal mararka qaar qora, oo usoo dira dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed farriin aan waafaqsaneyn shauruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida dalalka. ” Dubbe ayaa intaas hadalkiisa sii raaciyay ” JFS waa jamhuuriyad madaxbannaan, arrimaheedu gudahana ay yihiin lama taabtaan, lamana fara geliyaan, Soomaaliya Cidna doorashadeeda ma farageliso, tweeterna uma qorto, sidaa oo kale saxiibada caalamka waxaan ugu baaqeynaa iney ilaaliyaan madaxbannanida iyo wadajirka bulshada caalamka, farriin kasta oo ka hor imaaneysa madaxbbaanida iyo gobannimada waa mid aan la aqbali kareyn. Source: goobjoog.com
-
1. Janan oo dambiile ah, dad shacab ah xasuuqay, maxkamadna soo saartay waaran lagu soo qabanayo! 2. Janan oo dowlada isku soo dhiibay. Fahad Yasiin na kala shaqaynaya duminta maamulka Jubaland! 3. Janan oo ku xiran xabsi ku dhex yaala xarunta Nabad Sugida ee Habar Khadiijo! 4. Janan oo baxsad ah kana fakaday Xabsigii Nabad Sugida, lana baadi goobayo! 5. Janan oo qaran dumis ah, hoggaaminayana maleeshiyaad Kenya lagu soo tababaray! 6. Janan oo dagaal ku soo qaaday Beledxaawo, dad shacab ah xasuuqay, dambiyo dagaalna ku eedaysan mar labaad! 7. Janan oo wadani iyo qaraabo ah oo isagoo hoggaaminaya ciidamo aad u fara badan dowlada la heshiiyay! 8. Janan oo mar sideedaad shaati loo soo geliyana waan sugaynaa! Janan sanadkiiba labo mar ayuu na soo maraa isagoo mashruuc ah (mar dambiile ah, mar maxbuus ah, mar fakad ah, mar qaran dumis ah, mar wadani ah, marna qaraabo ah) ee imisa lacag ah ayaa lagu cunaa mashruucan aan dhamaadka lahayn ee Cabdirashiid Janan?! W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta qaaxada adduunka (World TB Day). Halkudhiga sanadkan waxa uu ahaa “Saacadu waxay qaraacaysaa wakhtigii cirib tirka cudurka qaaxada.” Agaasimaha guud wasaaradda Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo madaxa la dagaalanka qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Xasan waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda hay’adaha World Vision Puntland iyo Mercy USA Puntland. Munaasabada waxaa ka hadlay Dr Cali Xasan, madaxa la dagaalanka qaaxada wasaarada caafimaadka Puntland wuxuuna yiri “Waxaan idinka mahadcelinayaa ka soo qaybgalka xafladan aan ku xusayno maalinta qaaxada adduunka oo ah maalin wacyigalin la sameeyo la isna xasuusiyo sanadkii la soo dhaafay waxa qabsoomay iyo halka la tiigsamayo.” “Puntland oo ay ku yaalaan 15 xarumood oo si bilaash ah loogu baaro looguna daweeyo dadweynaha iskaga shakiya ama laga helo xanuunkan, sanadkasta waxaa xarumaha lagu daweeyaa in ku dhaw 2,000 qof, waxaa sidoo kale idin la wadaagayaa inaan xarun cusub sanadkan ka furayno degmada Caluula ee gobolka Gardafuu, kaasoo meel fog oo muhiim u ah Puntland ku yaala.” Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasbada madaxda hay’addaha World Vision Puntland iyo Mercy USA Cali Salaad iyo Maxamuud Yuusuf oo sheegay in ay sii wadayaan taageerida mashruuca la dagaalanka qaaxada ee ay wasaaradda kala shaqeeyaan, waxayna amaaneen sida wanaagsan ee ay shaqada ugu wadaan Dr Cali Xasan iyo shaqaalaha la shaqeeya. Ugu danbayn munaasabada waxaa soo xiray Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan waxaana uu yiri “ Waxaan soo dhawaynayaa inaan maanta ka soo qaybgalo maalintaan muhiimka ah oo lagu xusayo maalinta qaaxada adduunka .”World TB Day” sanadkasta maanta oo kale laga qabto, wasaaradda caafimaadka Puntland waxay u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta qaybta qaaxada ee wasaaradda, shaqaalaha xarumaha qaaxada ee Puntland iyo hay’addaha kala shaqeeya wasaaradda.” “Wasaaradda caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 15 xarumood oo ku kala yaala gobolada Puntland, kuwaas bixiya adeeg baaritaan iyo mid daweyn oo si bilaash ah loo siiyo dadweynaha booqda,waxaa sidoo kale wasaaradda caafimaadka oo ka duulaysa qorshaheeda ah adeega loo dhaweeyo lana gaarsiiyo dadka meel kasta oo ay uga baahanyihiin si gaar ah meelaha laamiga ka baxsan sanadkana laga furi doonaa xaruntii 16aad degmada Caluula ee gobolka Gardafuu iyadoo horayna uu uga furnaa Bargaal.” PUNTLAND POST The post Puntland oo xustay maalinta qaaxada iyo Caluula oo sanadkan yeelan doonta xarun qaaxo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fariimaha kulul ee dalalka beesha caalamka ah ee saaxiibada Soomaaliya uga hadlayaan doorashada oo xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba dowladda federaalka aqbaleyn faro gelin lagu sameeyo arrimaha gudaheeda oo ay kamid tahay arrinta doorashada oo xiisad ka taagan tahay. “Waxaa jirra danjireyayaal mararka qaar qora oo dira, oo usoo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madax-banaanida dalalka. Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad madax-banaan, arrimaheeda gudaheena ay yihiin lama taabtan lama faro-geliyaan,” ayuu yiri. “Soomaaliya cidna doorashadeed ma faro-geliso, twitter-na uma qorto sidaas oo kale Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka.” Hadalka wasiirka oo si toos ah ugu socda safaaradaha dalalka beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa uga digay inay sii wadaan fariimaha ku aadan arrimaha doorashooyinka ee ay u dirayaan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo kuwa maamul goboleedyada, si xal looga gaaro doorashada dalka. Sidoo kale waxa uu imanaya hadalka Dubbe, xili ay maanta Qoraalkii ugu adkaa ay u dirtay dowladda Norway, kaasi oo ay uga dalbatay madaxda waqtigooda dhamaaday inay iska wareejiyaan tallada, islamarkaana xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka ka taagan hanaanka doorashada, inkasta oo ay markii dambe ka laabatay. Si kastaba, Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan ku saaraya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisada doorashada, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-2432021.mp3 View the full article
-
(SLT-Oslo)-Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib uga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo saarto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg-deg u wareejiso. Qoraalka cusub ee kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhexaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, islamarkaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xukunka deg-deg u wareejiso’. “Safaaradda waxa ay jeceshahay inaan caddeyno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay tahay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo jaal muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doontaa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka Norway. Qoraalkii hore ee Norway “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed.” Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid kamid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifkeedii adkaa ee muujisay. Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxiibada la ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya in ayna runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwaasi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u direen baaqyo la xidhiidha xaalada Soomaaliya. Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu badan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horreysay luuqad adag kula hadashay madaxda waqtigooda dhammaaday, inkasta oo ay markii dambe dabacsanaan ka muujisay xaalada dalka Soomaaliya. Musharaxiinta mucaaradka ayaa hore u sheegay in sababta xal looga gaadhi la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la’yahay cid runta u sheegta FARMAAJO, xilli ay sheegeen inay caddahay in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto Source
-
(SLT-Dubai)-Ku xigeenkii Amiirkii Imaarada Dubai, Sheikh Hamdan bin Rashid Al Maktoum oo ahaa 75 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu bilihii la soo dhaafay uu xanuunsanayay. Sheikh Hamdan, wuxuu kale oo uu muddo dheer ahaa wasiirka Maaliyadda ee Imaaraadka Carabta, waxana ay walaalo ahaayeen ninka hadda xukuma Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum. Sheikh Hamdan wuxuu dhashay 25-kii bishii Diseembar 1949, wuxuu ahaa wiilkii labaad ee uu dhalay amiirkii waqtigiisu dhammaaday ee Sheikh Rashid Bin Saeed Al Maktoum. Sheikh Hamdan wuxuu hayey jagada wasiirka maaliyada tan iyo markii la magacaabay golahii wasiirada ee ugu horreeyey 1971 kadib dhismihii Imaaraadka oo uu sameeyey Amiirkii geeriyooday, Sheikh Zayed Al Nahyan. Waxaa lagu ammaanay inuu Dubai u rogay xarun caalami ah oo ganacsi iyo dalxiis, wuxuuna hoggaaminayay wufuud Imaaraad ah oo ka socday Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Ururka Sanduuqa Dhoofinta Batroolka ee Horumarinta Caalamiga. Sheikh Hamdan wuxuu xukumay shirkado badan oo gaar loo leeyahay kuwaasoo qeyb ka ah dhaqaalaha Dubai, sida Maamulka Dekedaha Dubai, Xarunta Ganacsiga Dunida ee Dubai iyo Shirkadda Gaaska Dabiiciga ee Dubai. Sida walaalkiis oo kale, wuxuu magac weyn ku helay tartanka fardaha ee Imaaraadka, asaga oo aasaasay Shadwell Racing sannadkii 1981. Source
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiis la’aanta saamilesya siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan hanaanka doorashada dalka. Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka dalkooda iyo sidoo kale in lagu guuleysto nabad iyo barwaaqo dalku gaaro. “Waxaan mar kale ugu yeereynaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeeneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka taageereyso shacabka iyo dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, sida ugu dhaqsaha badan. Qoraalka Turkiga ayaa imanaya ayada oo dhowaan warbaahinta dalkaas ay tebisay in wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda is-mari waaga Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale baaqa Turkiga ku biirayaa baaqyada beesha caalamka ee ku aadan in xal deg deg ah la gaaro, waxaana muuqata in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay madaxda dowlad goboleedyada ka tegin Muqdisho, ayada oo aan heshiis la gaarin.
-
The security minister of a Somali regional administration said on Wednesday he had defected along with hundreds of troops and allied himself to President Mohamed Abdullahi Mohamed, who faces calls by rivals to quit after his term as national leader ended. Abdirashid Janan, security minister of the semi-autonomous Jubbaland state, said he had defected together with 400 troops from Jubbaland’s forces, potentially bolstering the position of the president, known in Somalia by his nickname ‘Farmajo’. Mohamed is facing pressure to resign, including from Jubbaland and another semi-autonomous state, Puntland. Somalia’s remaining three regional governments back him. The standoff has stoked tensions in the Horn of Africa nation that was ripped apart by civil war and which is still battling an insurgency by al Shabaab, an Islamist group that launches attacks in Mogadishu and elsewhere. “I defected to the federal government. I do not want to be part of the … war in the region,” Janan told Reuters, adding a colonel was among the defecting troops. Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam Madobe said in a statement he had sacked Janan as security minister for conducting talks with the president. Officials in both Jubbaland and Puntland say they do not recognise Mohamed as Somalia’s president since his term expired. Mohamed’s four-year term ended last month without a successor. Somalia’s parliament was supposed to elect a new president on Feb. 8, but the exercise was delayed because new lawmakers have yet to be picked. Opponents of Mohamed, who is seeking a second term, also accuse him of packing his supporters into the regional and national boards who choose the legislators. Talks have been taking place involving Mohamed, various political leaders and members of the international community aimed at fixing a new date for elections. The presidents of Jubbaland and Puntland however refused to participate, arguing Mohamed must not chair the talks as he was no longer president. In a sign the president is expanding support for his continued stay in office, residents in Dhahar district in Puntland demonstrated on Wednesday, expressing approval for Mohamed while denouncing the state’s president. “We want Farmajo, we don’t want president Deni,” they chanted, referring to the state’s leader. Police dispersed the protesters by firing in the air. View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalkeenna ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soosaareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed. “Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee aan ka soo qeyb gelin Shirka muddadii saddexda cisho ahayd ee aad la soo dhaafay in ay ku soo biiraan, ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Beesha Caalamka qaarkeed ay ku xadgudbeen arrimaha gudaha iyo madax-bannaanida shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Wasiirka Dubbe ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen danjireyaasha Beesha Caalamka qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda diblumaasiyadeed ee caalamka. “Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira danjireyaal u soo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” ayuu yiri Wasiir Dubbe. Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka maalintii saddexaad ka socda xarunta Afisyoone ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ka hadashay qoraaladii Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegey iney ka xunyihiin isla markaasna rabaan Raaligalin buuxda in laga bixiyo Twitter ay Xalay oo talaado ahayd ay soo saareen Safaarada Norway. Qoraalka kasoo baxay Safaarada ayaa ahaa mid lagula talinayo Xukuumada Madaxweyne Farmaajo waxayna Norway kula taliyeen iney Xilka Wareejiyaan. Waatan warqadii Villa Soomaaliya ay u direen Safaarada Norway The post Villa Soomaalia oo ka carootay Hadalkii kasoo baxay Safaarada Norway ee ahaa inay Xilka wareejiyaan, Qoraal appeared first on . Source
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen. Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada. Janan ayaa sheegay inuu u tanaasulay dhibaatooyin faro badan oo uu sheegay inay wajahayaan shacabka gobolka Gedo, islamarkaan uu ula heshiiyay dowladda federaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Abaarta, Xanuun & Soo labo kacleynta Coronavirus. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ka taagna gobolka Gedo uu soo afmeermay, isagoo ku hadlaya magaca maamulka Jubbaland oo uu hore uga tirsanaa, maadama uu xilka ka qaaday madaxweyne Axmed Madoobe. “Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mardambe uusan qeyb ka noqon doonin dagaal ka dhaca gobolka Gedo oo ay isku haystaan dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu hore uga tirsanaan jiray Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan oo hore uga tirsanaa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hadda banaanka ka jooga kadib markii uu heshiis la galay dowladda, mana cada go’aanka ay maamulkiisi ka qaadan doonaan arrinta uu balan qaaday maante ee inuusan dagaal dambe ka dhaceyn gobolka Gedo.
-
Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa galabta gaaray degmada Beledxaawo, kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaalya, maamulka gobolka Gedo iyo shacabka reer Beledxaawo ayaa ku soo dhoweeyay Janan gudaha degmada Beledxaawo oo ay horey ugu dagaalameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis rasmi ah la galay dowladda Soomaaliya, kadib wada-hadallo uu la yeeshay saraakiil ka tirsan hay’adda NISA. Sidoo kale Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka ayaa la sheegay in ay u tageen gobolka Gedo dhameystirka heshiiska iyo soo dhoweynta Janan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Masuuliyiin ka Socda Ingiriiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska dawladda Ingriiska ee Somaliland. Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaciil, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Deeq Aw Cali Yuusuf iyo La-taliyaha Wasiirka Sucaad Daahir Maxamed, waxa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyntii hay’addaha dawaladda iyo kuwa caalamiga ah ee la dagaalanka cudurka COVID-19 Wasiir Koore ayaa tafaasiil ka siiyey masuuliyiintaas kaalinta Wasaaraddu ku leedahay wacyigelinta xannuunkan iyo kor u qaadista wacyiga guud ee bulshada Somaliland. Waxa kulankaas laba dhinacba ku balameen inay yeeshan shirar dambe oo lagu sii xoojinayo wada shaqeyntooda. Qaran News
