Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag e uu dalka ku jiro, gaar ahaan soo labo-kacleynta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Wasiir Fowsiyo ayaa shaaca ka qaaday in haatan cudura uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo. Sidoo kale waxa ay soo jeedisay in xiyaaraad lagu soo rogo dalka oo dhan, si loo xakameeyo fidista cudurkan oo fara ba’an ku hayo Soomaaliya. “Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno,” ayey tiri wasiirka caafimaadka. Fowsiyo Abiikar Nuur oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in sanadkii hore xakameynta cudurka ay kaalin mugleh ka qaadatay xayiraadii lasoo rogay. “Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka,” ayey sii raacisay wasiir Fowsiyo. Dowladda federaalka ah ayaa haatan ka fakireysa go’aankan, sida ay horey u shaacinay Shabakadda Caasimada Online. Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, gaar ahaan Covid-19 iyo muranka weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag e uu dalka ku jiro, gaar ahaan soo labo-kacleynta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Wasiir Fowsiyo ayaa shaaca ka qaaday in haatan cudura uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo. Sidoo kale waxa ay soo jeedisay in xiyaaraad lagu soo rogo dalka oo dhan, si loo xakameeyo fidista cudurkan oo fara ba’an ku hayo Soomaaliya. “Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno,” ayey tiri wasiirka caafimaadka. Fowsiyo Abiikar Nuur oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in sanadkii hore xakameynta cudurka ay kaalin mugleh ka qaadatay xayiraadii lasoo rogay. “Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka,” ayey sii raacisay wasiir Fowsiyo. Dowladda federaalka ah ayaa haatan ka fakireysa go’aankan, sida ay horey u shaacinay Shabakadda Caasimada Online. Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, gaar ahaan Covid-19 iyo muranka weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
  3. Warar Wargeyska Foore ka helay illo rasmi ah,ayaa tibaaxay in dhaq-dhaqaaqyo hor dhac ahi oo gooni-gooni ah u bilaabmeen hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu hore u qaadacay xaraana ku tilmaamay shirkii toddobaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo bishii aktoobar ee sannadkii hadda dhammaaday ee 2020-kii ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, isla markaana eedaymo kale duwan ujeeddiyey Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga,Ma jiro Warar amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay dhinacyada la sheegay in kullamadu dhex mareen. Hase-yeeshee, sida xoggaha lagu sheegay hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo siyaasiyiinta beesha Barriga Burco ee ka tirsan xukuumadda iyo Xisbigaa,ayaa la sheegay inay siyaabo gooni–gooni ah kullamo ula yeesheen Siyaasi Maxamuud Xaashi oo hore uga du’day Xisbiga KULMIYE,kaas oo eedaymo uu laf jab ah ujeeddiyey Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha KULMIYE,balse hadda waxa la sheegay in Maxamuud Xaashi la soo lad-qabeeyey madaama lagu jirro xili doorasho,isla markaana lagu qanciyey inuu la shaqeeyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo uu dhex-da u xidho sidii ay Musharraxiinta Beeshiisu ugu soo hooban lahayeen KULMIYE,waxaanu hadda si rasmi ah u bilaabay hawshaas,Siyaas xaashi ayaa sida wararku tibaaxen wax ay xidhiidho gooni-gooni ah oo hor dhac ah la sameeyen Masuuliyiin sarre oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE,wallow illuhuu ka gaabsadeen inay xuseen xubnaha KULMIYE ee kullamada la yeeshay Maxamuud Xaashi. Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in kullamada dhinacyadani yeeshen qaarkood dhaceen toddobaadyadii ugu dambeeyey, halka qaar kale-na xuseen in xidhiidhada KULMIYE iyo siyaasi Maxamuud Xaashi ay taxnayeen, tan iyo curashadii sannadkan 2021-ka,balse waxay sii xooggeysteen markii uu Madaxweyne Biixi muddeeyey inay doorashooyinka isku sidkan ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay dalka ka dhacayaan bisha May 31 ee sannadkan 2021-ka . Dhanka kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa kasoo dhex muuqday toddobaadkan munsaabad ka qabsoontay Magaalada Burco, taas oo uu Xisbiga KULMIYE ku qaabiley musharraxiin,isagoo halkaas ka sheegay ujeeddad uu xafladaas uga soo qayb-galay inay tahay mid la xidhiidha in musharraxiinta beeshu KULMIYE la keeyo,“Saddex arrimood ayaan u imi Musharraxiinta waxa laga sharraxayaa Xisbiga KULMIYE,anniguna waxa aan kamid ahay Xisbiga KULMIYE, malaa waxa laga yaabaa dareenkaygii,doodaydii,damacaygii iyo dudmadaydii in aan KULMIYE ka tegay, kama tegin,wellina arragtidayda waan qabaa oo waan ku adkay annoo KULMIYE kamid ah Source
  4. Loollanka marba is-muquuninta Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ee Gobolka Awdal, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada Xisbi ee ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cirro oo hadda isaggu isu arka dhankiisa inuu yahay Nin Xaraarta-butaystay oo aan cid kale ku goor-diyeyn Gobolka Awdal oo uu doorashooyinkii ugu dambeeyey Xisbiga uu hoggaamiyaa codadkii ugu badnaa ka helay, waxaanad mooddaa in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey hadda u wareegtay garoomada deegaanada Gobolka Awdal marka laga hadlayo tartanka Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo loollanka ugu adagi ka taagan yahay. Xisbiga KULMIYE oo isagu ka guuray shaxadii hore ee uu kusoo geli jiray tartan-ka doorashooyinka gaar ahaanna shaxdii gobolka Awdal, kaas oo samaysatay shax cusub oo u gaar ah gobolkaas, qorshahaasi oo uu u arkay inay tahay midda keliye ee uu kaga adkaan karrayo Xisbiga WADDANI ,waxaanu Guddoomiye ku-xigeenka afraad ka dhigay Wasiir Saajin oo ka soo jeeda Beelaha Ballaadhan Awdal ama uu bidayo inay ugu codka baddan-yihiin, waxaana xayndaabka Hoggaanka Xisbiga la dhaafiyey Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo uu KULMIYE Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo godkiisii ay biyo ugu soo galeen,ayaa isna keliya waxa uu muuqdaa mid xooggaynaya shaxdisii hore ee uu ku soo geli jiray tartanka doorashooyinka gaar ahaana gobolka Awdal,kaas oo xubno fir-fircoon safka hore soo dhigay oo ay hoggaaminayaan Musharrax Madaxweyne xigeenka Xisbiga Maxamed Cali Aw Cabdi oo yaqaan siyaasadda guuro bahalaynta iyo faq hoose iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isna ollolaha iyo ficiltanka aan looga dhakow siin-ba Geesta kale Wasiirka Saajin oo isagu hormood u ah kooxda Xisbiga KULMIYE ee buraashadaha u biyeysatay sidii Xisbigu uu dhigiisa WADDANI ugaga adkaan lahaa doorashooyinka isku sidkana gaar ahaana Gobolka Awdal, ayaa la sheegay in Saylici oo xadhka uu xidho aan la furri jirin in aanay isku san-banaanay Saajin oo aanu ku wehelin hawshaas,waxaanu Saylici u muuqdaa mid ka muuqrtay xafiil tagkaa iyo xaraaradaas,balse Saajin iyo kooxda uu hoggaaminayo ayaa dedaalo wadda ay ku doonnayaan sidii Xisbiga KULMIYE uu ugu ku guulays lahaa doorashooyinka Xildhibaanada ugu baddan ee gobolkaas,waxaana xusid muddan in tallaabooyinka uu qaaday ay noqdeen qaar ay ka qayliyeen labada Xisbi ee UCID,WADDANI oo ay sheegay inuu odayaal ku xidhay Xisbi hebel ayaad cid ka sharrax-deen iyo musharraxiin tagtay labada xisbi mucaarad oo iyana ay sheegaan inuu Boorama ku xidhay qaarna fakadeen,lakiin saajin ayaa u arka rajada keliya ee uu leeyahay ama uu kalsooniday Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka KULMIYE ku kasban karraa inay tahay doorashooyinka isku sidkan oo uu Xisbiga KULMIYE hello codadka ugu baddan gobolka Awdal,waxaanu qaadayaa tallaabo kasta oo uu is leeyahay dan ayaa ugu jirta Xisbiga KULMIYE . Dhanka kale Musharrax ku xigeenka WADDANI Maxamed Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE iyo siyaasiyiin kale oo fir-fircoon ayaa xisbiga WADDANI Boorama u jooga sidii uu Xisbigu u sii laba jibaari lahaa taageeradda reer Awdal,kuwaas oo uu war-baahinta iyo si hooseba ula dar-daarmay Cirro,sidii uu Xisbiga WADDANI uu codadka ugu baddan uga helli lahaa Gobolkaas markale, isla markaana loogu quus-goyn lahaa KULMIYE, waxaana si weyn uga dhex muuqda Guddoomiye ku xigeenka Golaha wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isagu waysada u biyaystay taa jirin. Si kastaba ha ahaatee, marka la isku wada geeyo dhaq-dhaqaqyada iska soo horjeeda ee ka socda Awdal ee ay waddaan KULMIYE iyo WADDANI, waxa uu u muuqdaa mid loollanka ugu culusi dhex mari doono Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Iyo wasiir Maxamuud Xasan Sacad Saajin, waxaany xisbi waliba doonayaa in uu qaato Aqlabiyadda xildhibaannada Golaha wakiillada ee Gobolka Awdal, marka la gaadho wakhtiga qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee aakhirka May. Source
  5. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Fawsiyo Abiikar ayaa sheegay in si loo xakameeyo faafinta cudurka Covid 19 ay tahay in xayiraad lagu soo rogo guud ahaan dalka. Fawsiyo oo in muddo ah ka sheeganeysay arrimaha ayaa goordhow waxaa ay barteeda Twitterka ku qortay Source: goobjoog.com
  6. Ilaa kun askari oo Uganda ahaa, kuna jiray xilliga hawlgabka ayaa dib loogu yeeray si loogu soo diro Soomaaliya oo ay qeyb uga noqdaan kuwa nabad ilaalinta AMISOM. Maj Bilal Katamba oo aha madaxa guutada kowaad ayaa sheegay in ciidamada dib loogu yeeray la doonayo iney warqadahooda soo gudbiyaan ugu dambeyn maanta oo isniin ah. Qorshaha waxaa uu ahaa in ciidanka la keeno Soomaaliya April 2020 laakin waxaa uu dib ugu dhacay sababo la xiriira Covid 19. Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 6,000 oo askari, kuwaas oo ku jiray hawlo nabad ilaalin ah tan iyo 2007dii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Axadii kooxda Xuutiyiinta ee ka dalaamaha wadanka Yemen ku qaadeen magaalooyin ka tirsan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu mid rgagixiso ah. Sidoo kale qoraalkan ayey dowladda Soomaaliya ku sheegtay in weerarka kooxda Xuutiyiinta Yemen uu adgudub ku ah sharciga caalamiga ah & kan bani’aadamnimada. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaatay in weerarkan uu carqaladeynayo dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in xal waara loogu gaaro colaadada sanadaha badan ka taagan wadanka carbeed ee Yemen. “Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay degan yihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka dadkeeda.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Axadii kooxda Xuutiyiinta ee ka dalaamaha wadanka Yemen ku qaadeen magaalooyin ka tirsan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu mid rgagixiso ah. Sidoo kale qoraalkan ayey dowladda Soomaaliya ku sheegtay in weerarka kooxda Xuutiyiinta Yemen uu adgudub ku ah sharciga caalamiga ah & kan bani’aadamnimada. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaatay in weerarkan uu carqaladeynayo dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in xal waara loogu gaaro colaadada sanadaha badan ka taagan wadanka carbeed ee Yemen. “Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay degan yihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka dadkeeda.
  9. Ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo midowga musharaxiinta oo maanta kulan qado ku leh Décalé Airport Hotel ayaa lagu wadaa iney dhisaan guddiyo. Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in shirkan lagu dhisayo labo guddi, oo labada dhinac kala matalaya. Labadan guddi la sameyn doono ayaa lagu sheegay guddiga dibadbaxa lagu qorsheynayo iyo guddiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febraayo. 25-kii bishii hore ayey aheyd markii Rooble iyo musharaxiinta ay heshiis ku gaareen dib u dhigista dibadbaxa jimcihii hore iyo arrimo kale. Maamul Farmaajo ayaa 19-kii Febraayo hor istaagay dibadbax ay qorsheeyeen musharaxiinta iyada oo la adeegsaday xabad nool, keentana dhimashada tiro 9 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Waxa aan qoraalkaygan ku eegayaa bal in aan sawir ka siiyo dadkayga iyo dalka guud ahaan xaaladaha uu ku jiro iyo sida ay wax iigu muuqdaan, xili ay doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanku dhow yihiin , isla markaana xilka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumada xisbiga kulmiye uu ka hadhsan yahay sanad iyo badh kali ahi , oo aanay dalka ka muuqan wax waxqabad iyo horumar ah guud ahaan. Madaxweynaha laftiisa ayaa ka garaabay in aanay xukuumadiisu waxba qabanin oo ay ku qaadatay mudo sadex sanadood ah in uu dhameeyo xanaftii doorashadii madaxtooyada ee dhacday 2017 , arinkani ayaa loo fasiran karaa macneyaal badan in uu leeyahay oo ahaa; 1- In uu deegaanka uu ka soo jeedo oo uu la hadlayey leeyahay waxba idiin ma hayo isaga oo laga sugayey balanqaadyo badan oo uu xiligii kaambaynka uu sameeyey iyo qaar dadka goboladaasi filayeen . 2- In uu rabo in uu mudo kordhin sameysto oo uu u sii qiil banaysanayo , taasi oo laga dareemayey safaradiisii u dambeeyey ee uu dalka marayey oo u ekaa qaar kaambayn doorasho. 3- In uu rabo in uu mar labaad isku soo taago booska madaxweynaha qaranka oo uu murashax yahay una sii quus goynayo cidii han kaga jirey mudo xileedkiisan waxii ka dambeeya ee xisbigiisa ahayd . Xaga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne biixi waxa ay noqotay xukuumadii ugu horeysay ee mudo xileedkeeda labadii sano ee ugu horeeyey doorasho qaban kari wayday marka loo eego labadii xukuumadood ee ka horeeyey intii dalku u guuray nidaamka dimuqaradiga iyo axsaabta badan. Mudo xileedka xukuumadani waxa ku soo beegan 4 doorasho oo la eegi doono sida ay uga baxdo oo kala ah; 1- Doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka oo la mudeeyey 31-May-2021. 2- Doorashada golaha guurtida oo hal sano ka dambayn doonta marka la qabto doorashada golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland. 3- Tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada oo ku beegan dhamaadka sanadka 2022 ayna tahay in June 2022 la sameeyo gudiga diwaangalainta ururada iyo axsaabta siyaasada. 4- Doorashada madaxtooyada oo ku beegan 13 Nov 2022 . Xaga xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka waxa ay noqotay xukuumadani hada talada haysaa xukuumadii ugu liidatay ee Somaliland soo marta ee dadkeeda cabudhisa oo la daba taagan xoog iyo xadhig iyo tab iyo xeelado warbaahintii madaxa banaanayd dhamaanteen lagu wada fadhiisiyey taasi oo caqabad ku ah hanaanka dimuqaradiyadeed ee jamhuuriyada Somaliland. Xaaladaha Nabadgalyo Iyo Xasiloonida Siyaasadeed Ee Dalka Guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland xiligani waa mid xasiloon xaga nabadgalyada oo aanay jirin xaalado dagaalo lagula jiro dawlado kale iyo dagaalo beeleedyada inta badan ka dhex dhaca dadka jamhuuriyada Somaliland . Xaga siyaasadana dalku waa xasiloon yahay oo ma jirto murankii iyo isqabsigii axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadu oo waxa heshiis lagu yahay in dalka doorashooyin ka dhacaan kuwaasi oo sababay in dalku siyaasiyan uu yahay mid xiligani aad u xasiloon marka aad soo eegto taariikhda sanadihii ugu dambeeyey ee Somaliland. Xaaladaha Nololeed Ee Dadka Somaliland Siday Yihiin Xiligani? Xiligani oo dalka jamhuuriyada Somaliland ku jiro duruufo adag ayaa xaaladaha dalka marka aad eegto ay yihiin qaar aad u cakiran oo nolosha dadku aanay ka soo kabanain dhaqaale daradii iyo dhibaatooyinkii ka soo maray xanuunka Coronavirus oo saameyn xoogan ku yeeshay guud ahaan dadka jamhuuriyada Somaliland. Waxa kale oo jirta in xiligani ay gobolada iyo deegaanada qaar dalka ay soo waajaheen biyo yaraani oo jiilaalkii dheeraaday , oo la galay biyo dhaamis iyo gurmad taasi oo aanay xukuumada jamhuuriyada Somaliland haba yaraatee wax dedaal ah oo ay wadaa aanu muuqan. Qalinka: Maxamed Cabdi Jamac (Maxamed Dhimbiil) Source
  11. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Ugnada ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo horleh oo ka mid noqonayo howl-galkada AMISOM ay u soo direyso gudaha Soomaaliya. Afhayeen u hadlay dowladda Uganda oo lagu magacaabo, Janaraal Yusuf Bilal Katamba ayaa sheegay ciidamadan ay gaarayaan illaa 1,000 askari, wuxuuna sheegay in la filayay in ay Somalia soo gaaraan bishii April ee sanadkii 2020, balse uu dib u dhigay Covid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartan ay bedali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, islamarkaana Soomaaliya ku sugnaa muddo hal sano ah. Katamba ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar bil ah, kadibna ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab. Kunka askari ee ay haatan soo direyso dowladda dalka Ugand ayaa ah qaybta 31-aad ee ciidamada Difaaca UPDF, waxayna ka qeyb-qaadan doonaa howl-gallada AMISOM. Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo lagu qiyaaso illaa 6,000 oo askari, kuwaas oo ka qeyb-qaata howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika.
  12. Xogo qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka ayaa la sheegayaa in lagu helay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo maleeshiyaadka daacadda u ah iney wadaan isir sifeyn ka dhan ah Tigreyga. ‘Gebi ahaanba deegaanno ayaa la tirtiray’ sidaasi waxaa lagu xusay warbixintan oo ay heshay New York Times. Warbixinta waxaa ay intaasi ku dareysaa in dagaalyahannada Amxaarada oo gobolka Tigeyga u yimid taageerada ra’isul wasaaraha Abiy waxaa ay wadaan isir sifeyn qorsheysan. Abiy Axmed, waxaa waqtigiisu dhammaaday xilli hore, laakin waxaa uu dib u dhigay doorashada isaga oo qaab sharci darro ah kursiga ku fadhiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee 24 saac ee u dambeeyay laga heley ayaa maraysa 266 kiis, iyadoo 1,807 la baaray, gobolka Banaadir ayaa ah gobolka ugu badan ee kiisaska cudurka laga heley taas oo ah 141 kiis. Puntland ayaa laga heley 88 kiis oo cudurka Corona ah, halka 25 kiis laga diiwaan geliyay Soomaaliland, iyadoo 8 qof xanuunka u dhinteen. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa maraysa 7,257 kiis oo ay ku jiraan 3,808 oo cudurka ka bogsooday iyo 239 oo u dhimatay cudurka. Xogta ay shaacisay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 21 kiis ka bogsoodeen safmarka 24 saac uu ugu dambeeyay. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu markale maanta kulan gaar ah la qaato xubnaha midowga muysharraxiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sii amba qaadida wada-hadallada xukuumadda iyo mucaaradka oo 25-kii bishan heshiis horudhac ah ku gaaray hotelka Decale ee garoonka Aadan Cadde. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay si gaar ah labada dhinac uga arrinsanayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xoogan ee weli ka taagan doorashada 2021-ka, gaar ahaan sidii ay iskaashi uga yeelan lahaa arrintaasi. Sidoo kale xukuumadda & musharraxiinta ayaa isla soo qaadaya arrimo ay ka mid yihiin banaan-baxa ay abaabulayaan mucaaradka oo lagu ballamay in la qabto 10 cisho gudahood, iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kulankan xogta ay uruuriyeen xubnaha guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray dhacadaadi 19-kii Febaraayo , 2021-ka. Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ka wada doodi doonaan kaalinta ay Midowga Musharraxiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dhowaan ka billowdaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, xilli dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay boggaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Muqdisho.
  15. Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay Ciidamo cusub u soo diri doonto Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya. Ciidamadan oo gaaraya kun askari ayaa la filayay in ay soo gaaraan Dalka Soomaaliya bishii April ee sanadii 2020, balse uu dib u dhac ku yimid safarkooda sababo la xiriira cudurka COVID-19. Janaraal Yusuf Bilal Katamba oo ah Afhayeen u hadlay Dowladda Uganda, ayaa sheegay in Ciidamadan cususb ay badali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, maadaama muddo hal sano ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Waxaa uu tilmaamay in Ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar billood si buu yiri ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya. Uganda waxaa ka jooga Dalka Soomaaliya ciidamo tiro ahaan lagu qiyaasay 6,000 kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM. View the full article
  16. (SLT-Washington)-Donald Trump oo jeediyay khudbaddii u horreysay tan iyo markii uu ka baxay Aqalka Cad ayaa sheegay in aanu sameyn doonin xisbi cusub oo siyaasadeed, isagoo u sheegay shir ay Florida ku leeyihiin conservative-ka in tallaabadaas ay kala dhantaali doonto codadka xisbiga Jamhuuriga. Khudbadda oo ahayd tii u horreysay ee uu Trump jeediyo tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Joe Biden, ayaa waxa uu dadka dareensiiyay in madaxtinnimada uu markale u tartami karo doorashada 2024. Trump ayaa si weyn u dhaliilay ninka xilka kala wareegay, isagoo sheegay in uusan mudnaanta siin siyaasadaha danta u ah Maraykanka. “Joe Biden waxaa soo martay bishii ugu fashilka badneyd ee uu waajaho madaxweyne ka taliya Maraykanka taariikhda casriga ah. Durbadiiba maamulkiisa waxa uu muujiyay inuu ka horjeedo shaqooyinka, qoysaska, xuduudda, tamarta, dumarka iyo weliba sayniska,” ayuu yidhi Trump. Khudbaddiisa ayaa ku soo beegantay todobaadyo kadib markii lagu waayay dacwad ahayd inuu kiciyay dadkii weeraray xarunta baarlamaanka Maraykanka. Saameynta siyaasadeed ee Trump Khudbadda uu ka jeediyay kulanka Orlando ayaa muujinaysa in weli uu galaangal weyn ku dhex leeyahay xisbiga Jamhuuriga. Shirka ayaa waxaa door muhiim ah ku lahaa taageerayaasha Trump oo ay ugu cadcad yihiin senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha hoe ee Donald Trump Jr. Trump waxaa weli saaran xayiraad ay ku soo rogeen baraha bulshada ee Twitter iyo Facebook, kuwaas oo dhaliilay qaabkii uu uga falceliyay weerarkii hubaysnaa ee January ka dhacay xarunta Capitol. Tan iyo markii uu xilka ka degay waxa uu ku noolaa hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida. Muxuu sheegay Trump? 74 jirka ayaa aad loo soo dhaweeyay markii uu soo fuulay masraxa shirka oo ka socda huteelka Hyatt Regency. Inta badan dadka goobta ku sugnaa ayaan xidhneyn maaskaraha la isaga difaaco Fayraska Korona. “Waxaan halkan u joognaa inaan ka hadalno mustaqbalka xisbigeena iyo mustaqbalka dalkeena aan jecelnahay,” ayuu yidhi Trump. Waxa uu meesha ka saaray in uu xisbi cusub sameyn doono, isagoo sheegay in warkaas yahay “been abuur”. “Waxaan haysanaa xisbiga Jamhuuriga. Waxaan ka shaqeyn doonaa midnimadeena iyo in aan xoojinno xisbiga si ka wanaagsan sidii hore.” Inkastoo lagaga guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhacay November, si weyna loogu dhaliilay rabshaddii xarunta baarlamaanka ee January, ayaa hadda waxaa muuqata in Trump uu weli haysto shacbiyad badan. Todobaadkii la soo dhaafay, ra’iyi ururin laga sameeyay Maraykanka ayaa tilmaantay in 46% dadkii su’aalaha la weydiiyay ay sheegeen inay Trump u codeyn lahaayeen haddii uu sameysto xisbi cusub. Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa intooda badan weli daacad u ah Trump. Taasi ayaa sabab u ahayd inuu ka badbaado dacwaddii looga soo oogay Congress-ka. Shirka uu khudbadda ka jeediyay Trump oo soo bilowday 1974 ayaa loo arkaa kulanka ugu muhiimsan ay lagu jiheeyo mustaqbalka xisbiga Jamhuuriga. Source
  17. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar gentaalo ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga. Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuureen jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti. “Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda. View the full article
  18. Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xiisad dagaal ka bilaabatay laba ciidan oo ka wada tirsan Somaliland, kuwaas oo ku sugan jiidda Tukaraq. Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa dhaqdhaqaaq iyo xiisad colaadeed ka bilaabay Tukaraq, kadib markii ay ka gadoodeen xuquuq la’aan iyo hab-dhaqanka Taliyaasha sare ee Ciidamada maamulkaas. Ciidanka gadooday ayaa laga cabsi qabaa in ay weerar ku qaadaan Ciidamada kale oo ka soo jeeda dhinaca Burco iyo Hargeysa, waxaana labada dhinacba samaynayaan dhadhaqaaq ciidan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Reer Sool ah. Xiisaddan ayaa ku soo beegmatay todobaad, kadib markii Ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq ay sameeyeen cabasho iyo gadood ciidan, islamarkaana qaybtood dib uga baxeen Tukaraq iyo nawaaxigeeda. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland ee Tukaraq oo qarka u saaran in dagaal ka dhex qarxo appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-132021.mp3 View the full article
  20. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Isniin ah mar kale kulan gaar ah la yeelan doona Midowga Murashixiinta Muqdisho. Kulanka oo sida qorshaysan ka qabsoomi doona Hoteelka Decale ee magaalada Muqdiso, waxaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha ka qabsoomay Heshiiskii todobaadkii hore dhexmaray labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka. Midowga Murashixiinta ayaa doonaya in laga qayb-geliyo shirarka ku saabsan xal u helidda muranka doorashada, kuwaas oo lagu go’aamin doono hirgelinta doorashada madaxtinimada dalka. Kulankii hore u dhexmaray Ra’iisul wasaaraha iyo Midowga Murashixiinta, ayaa baajiyay bannaanbaxyo ay iclaamiyeen mucaaradka oo laga cabsi qabay in ay Muqdisho ka dhacaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble maanta kulan gaar ah la yeelanaya Midowga Murashixiinta appeared first on Puntland Post.
  21. Mr. Buubaa Waxaa Uu Raadinayaa Somaliweyn Malaa Laga Helo Xiddiga Mariikh (Mars) Mr. Ismaaciil Buubaa wuxuu midnimada Somaliweyn u yaqaan Somaliland iyo Somalia oo isku noqda. Somaliweyn waa 5ta Somaliyeed oo wada xor ah oo ay ka dhaxayso hal dawlad iyo hal calan. Jabuuti waa dal gaar ah oo uma soo socoto Somaliweyn, Somali Galbeed iyo NFD waxay ka kala tirsanyihiin Itoobiya iyo Kenya oo xataa haddii ay xoroobaan lama yaqaan inay aaminsanyihiin Somaliweyn oo ku soo biiri inta xorta ah. Haddaba, muxuu Ismaaciil Buubaa ula jeedaa Somali ma kala maarmikarto, xagay ayuu ku arkayaa midnimada Somaliweyn ee uu raadinayo maanta? Soomaali oo qabyaaladu kaga xoogweyntahay Diinta Islaamka, labadii is-raacay 1960 (Somaliland iyo Somalia) waxay kala tageen 1991 markii kelitalisnimo qabiil tacadiyo waaweyn u geysatay Somaliland. Maantana la arkayo waxa ka taagan Muqdisho oo asalkeedu yahay qabyaalad marlabaad laga dhaxlo burbur iyo halaag. Mr. Buubaa waxaa uu ula jeedaa waraysigii uu bixiyay February 27, 2021 in midnimada Somaliweyn ee uu aaminsanyahay ay tahay Somaliland iyo Somalia oo qudha oo isku noqda, dabadeedna ay 4ta kale ee Somaliyeed u soo xukun iyo boob doontaan Somaliland sidii dhacday 30 sano ee Is-raaca (1960-1990). Waxaa uu rabaa Ismaaciil Buubaa in marlabaad Somaaliweyn oo aan wax wada lahayn waxna isku darsan ay liqdo Somaliland, marka laga horyimaadana loogu abaal-gudo gummaad, burbur iyo barakicin sidii hore u dhacday (1984-1990). Somalida maanta joogta ayaa aad uga xun Somalidii 1960 marka laga eego xagga qabyaaladda, xukun jacaylka iyo musuqmaasuqa, waxayna u adeegsataa Baraha Bulshada qabyaalad, is-nacayb, munaafaqnimo, aflagaado, kala fogaansho iwm. Halkii samanku isku soo dhaweyn lahaa ayay damiir-xumo awgeed sii kala fogaatay, hirgelintii Somaliweyna sii rajo-dhigtay. Sidaas daraadeed, la isma aaminikaro, midnimo dambana looma badheedhi karo waayo waxaa ku duugan halis si fudud lagu burburinkaro xukun kasta iyo dastuurkasta oo lagu heshiiyo. Somalidu weli uma bisla dawladnimo. Waxay u bisishahay qabyaald iyo xukun-jacayl oo ah wedka dawladnimo iyo raadinta Somaliweyn. Dadka Somaliland laguma hodayo mar labaad jacayl iyo xiiso Somaliweyn aan jirin. Somaliweyn ma jirto maanta sida aanay u jirin Carabweyn. Somaliland maanta waa dawlad dhisan oo haysata dad iyo dalba. Waa in shuruuc adag laga soo saaraa, tallaabo adagna laga qaadaa kuwa la iibsadayaasha ah ama maangaabka ah ee maanta raba inay Somaliland u loogaan Somaliweyn aan jirin. Somali intii isku dal, dad iyo xuduud ah ayaa isfahmikarta ee aayaheeda haka tashado hana suuliso qabyaaladda oo ah wedka dawladnimada iyo midnimada. Waxaa muhiim ah in 5ta Somaliyeed ay dhexmarto walaalnimo iyo iskaashi sokeeye. Mr. Ismaaciil Buubaa waxaa uu raadinayaa Somaliweyn malaa laga helo Xiddiga Mariikh (Mars) oo Dhulka u jira 140 milyan oo mile, ahna meel aan lahayn biyo, hawo iyo geedo oo xataa aanay Somaliweyn ku hirgalayn. Reer u guura meel aan loo sahamin waa khasaaraa. Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
  22. EDMONTON -- There’s a sense of fear in Edmonton’s Muslim community after several attacks on Black, Muslim women in recent weeks. Source: Hiiraan Online
  23. Safiirka Cusub ee UK u soo magacawday Somalia oo ka gaws adaygtay inay Warqadaheeda Aqoonsi u gudbiso Farmaajo+Sababta Safiirka cusub ee dowladda Ingiriisku ay dhawaan u magacaabatay Soomaaliya Ms Kate Foster ayaa maalmo ka hor soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna badeleysaa safiirkii hore ee UK Ben Fender. Kate Foster oo hadda ku sugan safaaradda UK ee Muqdisho waxay sugeysaa in warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo laga guddoomo, waxuuna sharciga Soomaaliya dhigayaa in madaxweynaha dalku uu ka guddoomo aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilowdo. Hase yeeshee waxaa jirta dood adag oo ka dhex taagan safaaradda UK ee Soomaaliya, taas oo salka ku heysa cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub. Sida aan xogta ku helnay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, maadaama uu madaxweyne Farmaajo waqtigii ka dhamaaday 8-dii bishan Febraayo. Safaaradan kuma cusba arrintan oo kale, waxuuna afar sano kahor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo. David Concar oo afar sano ka hor November 2016 ay UK u soo magacaabatay Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxuuna warqadihiisa aqoonsi raadiska ahaa la sugtay madaxweyne sharciyad heysta. 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayaa danjirihii xilligaas ee UK David Concar laga guddoomay warqadihiisa aqoonsiga. Safiirkii waqtigu ka dhamaaday Ben Fender oo dhawaan dib ugu laabtay dalkiisii Ingiriiska waxaa u dhamaatay mudadii uu sharcigu u ogolaanayey inuu safiir kasii ahaado Soomaaliya, waxaana markii uu baxayey xaflad sagootin ah u sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, waxuuna ahaa shakhsi aad uga hadla, oo dariiqa toosan tilmaama, markii ay cakiranto siyaasadda Soomaaliya. Qaran News
  24. At least nine al-Shabaab terrorists were killed in Somalia Sunday when the al-Qaeda-affiliated terror group mounted an attack Sunday morning on an army base in the country's southwest. Source: Hiiraan Online