Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa la filaya in saacadaha soo socdo uu soo gaaro magaalada Muqdisho . qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Puntland oo la hadlay GoobJoog News ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Saciid Cabdullahi Deni uu maanta gelinka hore imaan doono magaalada Muqdisho. Madaxweeyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho kaga qeyb galo shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo la filayo in uu ka dhaco xarunta ciidamada Cirka ee Afisiyooni. Source: goobjoog.com
  2. Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray tiro Hoobiyayaal ah oo shalay lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho . Qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa lagu cambaareyay weerarkii lagu qaaday Xalane , iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo rajeyay in ay soo caafimaadan . Ergayga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan weerarada noocan oo kale ah marnaba aysan joojin karin taageerada ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo baxay QM Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha. “Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Md. Swan. “Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay khilaafaadka ka jira arrimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi uu uga qeyb gali lahaa shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo maanta lagu wado in uu Muqdisho ka furmo Source: goobjoog.com
  4. Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u soo saartay Jadwalka dhageeysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya . ICJ ayaa sheegtay iyada oo la tixgelinayo Caabuqa safmarka Corona Virus ay dhageysiga dacwadda isugu jiri doonta hab isku dhafan Oo Fogaan arag iyo xubna Hoolka soo xaadira isugu jiri doona . Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhageeysiga oo ah laba qaab uu socon doono 15-ka illaa iyo 24-ka bishan. Hoos Ka Akhriso Jadwalka ICJ ee Dhageysiga Dacwadda 1- Wareega Koowaad Isniinta 15 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya) Talaado 16ka Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Soomaaliya) Khamiista 18 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya) Jimco 19 Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Kenya) 2- Wareega Labaad. Isniinta 22 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya) Arbaco 24 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya) Source: goobjoog.com
  5. Armed conflict remains major concern in Horn of Africa country, says UN office Source: Hiiraan Online
  6. Two external investigations into the high-profile arrest of a Somali-Canadian man in Waterloo region last summer have concluded that the officers involved acted appropriately, according to a report going before the police services board this week. Source: Hiiraan Online
  7. After stealing the show in last year’s coming-of-age drama Rocks, rising star Kosar Ali is showing no signs of slowing down. Fresh from a surprise Supporting Actress nomination at this year’s BAFTAs, Source: Hiiraan Online
  8. US President Joe Biden has temporarily suspended the use of drone strikes outside of war zones where American forces are operating, reversing a Trump-era policy that had given the military and CIA greater authority in countries such as Somalia and Yemen. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, Somalia - A new batch of Somali soldiers Tuesday departed for Turkey to get military training. Source: Hiiraan Online
  10. Hani Jacobson, community health nurse, is fighting for health equity and better COVID-19 care in St. Cloud’s Somali community Source: Hiiraan Online
  11. Baidoa – Nearly 7,000 internally displaced persons (IDPs) who were facing eviction from their homes in Somalia were relocated on Sunday by the International Organization for Migration (IOM) to Barwaaqo, a new site for IDPs, in the South West State. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay ujeedka laga lahaa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada Xalane ee ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha. “Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kadib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.” Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas aanu ka weecin doonin qorsheyaasha mideysan ee lagu wajahayo argagixisada, sida lagu yiri qoraalka. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay sare u qaadday feejignaanta amni, islamarkaana ay baaritaan dhammeystiran ku sameyn doonto weerarkan hoobiyayaasha ah. Weerarka ayaa yimid ayada oo la filayo in dhowaan xerada Xalane ay marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda kulankaas ka qeyb galeysa.
  13. Wakiilka QM ee Somalia James Swan oo war kasoo saaray weerarkii Xalane iyo khasaaraha ka dhashay Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar hoobiyeyaal ah oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho, oo ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah. Swan, oo qoraalka uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka, ayaa xaqiijiyey in illaa lix hoobiye ay kusoo dhacene Xalane. Waxa uu sheegay inaysan jirin wax hanti QM ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka, iyo khasaare nafeed oo kasoo gaaray shaqaalaha QM ee ku sugan Xalane. Si kastaba, danjire James Swan ayaa sheegay inuu jiro khasaare weerarka kasoo gaaray dad aan aheyn shaqaalaha QM oo ka shaqeeya qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde, oo xerada Xalane ay ku jirto xeendaabkiisa. “Waxaan cambaareynayaa weerarka hoobiye ee Al-Shabaab ay kusoo qaadeen aagga garoonka Muqdisho. Waxaan soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka ku dhaawacmay weerarka ee ku sugnaa qeybaha kale ee garoonka,” ayuu yiri James Swan. “Inkasta oo ay jiraan ficilladan rabshadaha ah, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageeridda horumarinta waddanka,” ayuu yiri. Dhinaca kale, taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray weerarka ku sheegay ay ku dhaawacmeen seddax qof oo ka tirsanaa shaqaalada AMISOM. “Saacaddu markay ahayd 13:15hrs, Al-Shabaab waxay dhowr hoobiye ku weerartay xerada Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin AMISOM, UN iyo hay’ado kale oo caalami ah oo ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Seddex ka mid ah shaqaalaha AMISOM ayuu dhaawac fudud soo gaaray, waxayna heleen daaweyn. Xaaladda markii dambe waa la xakameeyay. Tallaabooyin taxaddar ah oo lagama maarmaan ah ayaa loo qaaday si loo hubiyo amniga iyo nabadgelyada shaqaalaheenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ay u adeegsadeen hoobiyeyaasha, mana shaacin wax khasaare ah. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas. Qaran News
  14. A mortar attack targeted the offices of UN and African Union peacekeeping mission in the Somali capital Mogadishu on Tuesday. The offices are located inside the heavily protected Adan Adde International Airport and the compound houses several western diplomatic missions in Somalia. Security sources told Anadolu Agency by phone that at least three explosions hit the compound. However, eyewitnesses at the airport told Anadolu Agency by phone they heard over five explosions in and around the airport. Somali-based terror group al-Shabaab claimed responsibility for the attack. The group had targeted the UN compound several times in the recent past. Meanwhile, the UN condemned the attack in which six mortar rounds landed within the airport premises. No UN facilities were affected and no personnel was injured in the attack, the UN said in a statement. “I condemn this al-Shabaab mortar attack on the airport facility in Mogadishu,” said James Swan, UN secretary-general’s special representative for Somalia. “We wish a speedy recovery to those injured elsewhere at the airport. Despite such acts of violence, Somalia’s international partners remain committed to stand by the people of Somalia, and continue supporting the advancement of the country,” the UN official said. Source: Anadolu
  15. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa soo saartay jadwalka rasmiga ah dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo kenya. Maxkamadda ayaa sheegtay in dhegaysiga dacwadda uu bilaaban doono 15 bishan March 2021, oo ku beegan maalin Isniin ah, islamarkaana uu socon doono ilaa 24 March oo ku beegan maalin Arbaco ah. Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, wuxu ka bilaaban Isniinta 15 bishaan March, wuxuuna socon doonaa mudda afar maalmood ah oo ku eg maalinta Jimcaha ee 19 March, sida ku cad Qoraal ka soo baxay ICJ. Wareega labaad ee dhegaysiga dacwaddaas ayaa isna bilaaban doona maalin isniin ah oo ku aaddan 22 March 2021,wuxuuna soo geba-gaboobin 24 March oo Arbaco ah. Maalin kasta oo kamid ah labadaas wareeg waxa dacwadda la dhegaysan doonaa 3 p.m.-6p.m. Galabnimo, sida ku xusan warka ay soo saartay Maxkamadda. PUNTLAND POST Qaran News
  16. Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodad ee Amnesty International ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan xorriyadda warbaahinta iyagoo cabsi geliya, dhibaateeya isla markaana si aan macquul ahayn u xira suxufiyiinta. Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegtay in afar weriye si aan macquul ahayn loogu xiray Garowe iyo Bosaaso labadii bilood iyo badhkii la soo dhaafay, taas oo walaac ku abuureysa xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, iyadoo dalku u jihaysan yahay doorashooyin dib u dhacay. “Kordhinta xadhiga suxufiyiinta Puntland waxay muujineysaa cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo xorriyadda warbaahinta. Xarigyadan waxay saameyn xun ku yeelan doonaan shaqada suxufiyiinta ka hor doorashada, inta lagu jiro iyo kadib,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta qaarada Afrika ee Amnesty International. Amnesty International waxay sheegtay in Puntland ay joojiso eedeymaha been abuurka ah ee loo haysto wariye Kilwe Aadan Faarax, isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo. “Maamulka Puntland waa inuu joojiyaa dhamaan eedeymaha aan salka laheyn ee ka dhanka ah Kilwe Aadan Faarax isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga sii daayo xabsiga. Sidoo kale waa inay joojiyaan dhibaateynta iyo cagajugleynta suxufiyiinta kale, oo ay ka mid tahay in la marsiiyo maxkamad militari taasoo ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, ”ayuu yiri Deprose Muchena. Amnesty International waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer federaal ee Soomaaliya inay oggolaadaan in suxufiyiintu shaqadooda ku qabsadaan xayiraad la’aan, maaddaama uu dalku isu diyaarinayo doorashooyinka. Qaran News
  17. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa soo saartay jadwalka rasmiga ah dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo kenya. Maxkamadda ayaa sheegtay in dhegaysiga dacwadda uu bilaaban doono 15 bishan March 2021, oo ku beegan maalin Isniin ah, islamarkaana uu socon doono ilaa 24 March oo ku beegan maalin Arbaco ah. Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, wuxu ka bilaaban Isniinta 15 bishaan March, wuxuuna socon doonaa mudda afar maalmood ah oo ku eg maalinta Jimcaha ee 19 March, sida ku cad Qoraal ka soo baxay ICJ. Wareega labaad ee dhegaysiga dacwaddaas ayaa isna bilaaban doona maalin isniin ah oo ku aaddan 22 March 2021,wuxuuna soo geba-gaboobin 24 March oo Arbaco ah. Maalin kasta oo kamid ah labadaas wareeg waxa dacwadda la dhegaysan doonaa 3 p.m.-6p.m. Galabnimo, sida ku xusan warka ay soo saartay Maxkamadda. PUNTLAND POST The post Maxkamada ICJ oo soo saartay jadwalka rasmiga ah ee dhegaysiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  18. Booliiska Koonfurta Suudaan ayaa laga soo xigtay in hal askari uu ku dhintay, darewal Soomaali ahna ku dhaawacmay weerar jid-gal ah oo todobaadkan ka dhacay Gobolka Cueibet ee dalkaas. Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Cueibet ee caasimadda Gobolkaas G/sare Machar Muorwel, ayaa u sheegay Idaacadda maxalliga ah ee Radio Tamazuj in weerarka uu Axaddii ka dhacay nawaaxiga degaanka Kabur. “ Waxaan hadda joogaa tuulo fog oo ka baxsan degmada Cueibet, waxaanse maqlay in weerarka lagu dilay hal askari, islamarkaana lagu dhaawacay darewal Soomaali ah.” Ayuu yiri G/sare Machar Muorwel. Sidoo kale, wuxu sheegay in uu amar ku bixiyay in Booliisku hawlgal roondayn ah ka sameeyaan wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Cueibet iyo Rumbek. Maydka askari oo ka tirsan Ciidamada Koonfurta Suudaan iyo dhaawaca darewalka Soomaaliga ah ayaa la geeyay isbitaalka degmada Rumbek. Kooxdii weerarka fuliyay, oo goobta ka baxsaday ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida laga soo xigtay Booliiska. PUNTLAND POST The post Nin Soomaali ah oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Koonfurta Suudaan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ka billowday howlgal ay sameynayaan ciidan ka tirsan kuwa ammaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ciidanka ayaa xiliyada habeenkii ah meel barxad ah isugu keena dhalinyarada qaar kadibna waxay weydiiyaan su’aal ah “yaa doonaya in uu kamid noqdo ciidanka qaranka, ama isagoo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa wata nala shaqeynaya?” Ciidanka ayaa reebta ama xira dhallinyarada diida in ay la shaqeeyaan dowladda iyagoo weydiiya sababta kadibna ku sameeya baaritaan kale oo dheeri ah. Degmada Shibis oo kamid ah degmooyinkaas ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay waxaa su’aalahaas la weydiinayay dadka salaada ku tukada masaajida degmada, waxaana la xiray tobanaan qof oo dhalinyarada xaafada ah, kuwaas oo sheegay in aysan diyaar u aheyn la shaqeynta ciidanka iyo kamid noqoshada dowladda. Arrintaan ayaa loo arkaa qorsho cusub oo cabsi weyn ku abuuraya dhalinyarada xaafada maadaama ay wajahayaan cadaadis badan oo ay kala kulmayaan ciidanka amniga ee dowladda Soomaaliya. “Habeen kasta markii aan ka baxno masjidka oo aan Tukano Salaada Cishaha waxaa noo yimaada dhallinyaro bastoolado wata waxeyna noo sheegaan in aan kamid noqon doono ciidanka amniga tababar naloo qaadi doono, ama in aan la shaqeyno iyaga, qofkii maya dhaho waa la xiraa, haddii aad haa dhahdana waa halis kale,” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyarada degmada Shibis oo la hadlay Caasimada Online. Wali mas’uuliyiinta amniga ma faah faahin waxay ka ogyihiin arrintaan oo ay dhalinyaradu ka muujiyeen qeylo dhaan badan. Degmada Shibis waa halka ugu daran oo ay ka jiraan baaritaanadaan. Qaar kamid ah dhalinyarada degmadaaa iyo degmooyin kale ayaa hada u xiran diidmo ay sameeyeen waxaana laga cabsi qabaa in uu sii socdo howlgalkaan.
  20. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayaa sheegtay in xalay dekedda Boosaaso ay soo gaartay doonni sidday Qaxooti Yemeniyiin iyo Soomaali ah oo ka yimid waddanka Yemen. Qaxootiga oo ka kooban 75 Qoys ayaa ka soo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen, sida ay sheegtay Wasaaradda. Qoysaskaas oo u badnaa haween iyo carruur waxa soo dhowayn loogu sameeyay xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland waxay sheegtay in doonnidaas ay tahay tii labaad oo todobaadkan gudihiisa Qaxooti ka keentay dalka Yemen ee colaaddu ragaadisay. PUNTLAND POST The post Qaxooti ka soo cararay dalka Yemen oo xalay soo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga soo dejiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Gor-Gor oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaas oo diyaarad militeri ay ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale isla shalay ayaa boqolaal kale oo askari laga dhoofiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo tababarka Gor Gor ku soo qaadan doona dalka Turkiga, waana ururkii 7-aad, sida lagu shaaciyey qoraal ay baahisay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Ismaaciil Daahir Cusmaan oo horay u soo noqday Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa waareysi uu siiyey VOA waxa uu uga warbixiyey goorta la bilaabay tababarka ciidankan Gor Gor, hanaanka lagu soo xulo iyo waxa ay kaga duwanyihiin ciidamada ay dowladaha kale u tababaraan Soomaaliya. Ismaaciil waxa uu sheegay in heshiiska lagu tababaro ciidanka Gor Gor ay gashay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanadkii 2018-kii. “Xilligaas shir ka dhacay magaalada London waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya loo dhiso ciidan 18-kun ah oo militeri ah, kaas oo dowlad goboleed kasta laga soo xulayo 3,000. Halkii mar waxaa la diraayey 300 oo askari oo ah hal urur, ciidanka waxaa laga soo xulaa deegaanada shanta maamul goboleed ee dowladda federaalka hoos yimaada,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir. Waxuu intaas ku sii daray “Tirada lagula heshiiyey in dowladda Turkigu ay u tababarto Soomaaliya waa 18 kun oo askari oo militeri ah, kuwaas maamul goboleed kasta laga keenayo 3,000, tan iyo markii uu tabarkaan bilaabay Turkigu waxaa yaraaday tababarradii kale ee dalalka caalamku ay siin jireen ciidamada Soomaaliya.” Sidoo kale Ismaaciil Daahir waxa uu sheegay in hadda ay wax badan iska bedeleen hanaankii lagu soo xuli jiray ciidanka Gor Gor, isla markaana waayihii dambe ay Villa Somalia isku soo koobtay soo xulidda askarta ku biireysa Gor Gor ee tababarka loogu dirayo Turkiga. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/Ismaaciil.mp3
  22. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Shaqo ka joojinta guddoomiyaha ayaa ku timid eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee magaalada Boosaaso, waxaana wareegtada lagu xusay in madaxweyne Deni uu tallaabadan u cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka Puntland. Wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynuhu markuu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo cabashooyinka ka imanaya shacabka degmada Boosaaso.” Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta.
  23. Trends Analysis of agrometeorology In Somaliland (Part 01) Meteorology is the branch of science concerned with the processes and phenomena of the atmosphere, especially as a means of forecasting the weather. Meteorologist is a person who study meteorology, their task is to find out the changes in weather and use different tools predict the weather. The tools help them to collect the basic information about humidity, temperature, air, pressure and other factors which affect the atmosphere. The following are the tools used by meteorologist in USA to forecast the weather; they are satellites, radars, weather balloons, automatic weather stations (900), supercomputers and computer models (AWIPS (NOAA’s Advanced Weather Information Processing. Elsewhere in Africa the tools used are automatic weather stations. Meteorology has application in many diverse fields such as the military, aviation, agriculture, Hydrometeorology, Maritime and environment and much more. However, we are going to concentrate agrometereological situations in Somaliland. The agrometereological services in Somaliland is close to 80 years old and is managed by the department of agrometereology and the main role of the department is to monitor climate in Somaliland, including drought and flood tracking and early warning information to enable rapid response to the hazards. The climate information coming from the weather stations is channeled to the SWALIM climate experts in Nairobi, where it is analyzed and stored in a central database. The data collected from the monitoring network is used to produce regular weather bulletins, such as the Gu and Deyr weekly and monthly weather bulletins, during rainy seasons. The data is provided to stakeholders in the sector (Farmers, government Ministries, SWALIM and other humanitarian agencies), to monitor and report on climate-related disasters like drought and flash floods. Furthermore, it is used to support relief and development interventions as well as for research both locally and internationally In order to improve hydro-meteorological services, particularly flood and drought early warning systems, the department routinely carries out maintenance on all the weather stations throughout the country to ensure the equipment runs correctly and efficiently. In Somaliland, there are data centers at the Ministry of Agriculture, water and Environment. The data centers are equipped with computers, internet connections, and other facilities, but these centers cannot perform data analysis because of lack of skill and data base. In addition, the data for agrometeorology are generally inadequate, as six automatic stations are installed in Somaliland while three of them are not working. These observational tools are not able to cover the density needed to meet the agrometeorology data needs in the country and are not modern compared to fast-growing technology, thus limiting agrometeorology activities. It is therefore anticipated that 20 automatic stations will be sufficient to meet national agrometeorology data requirements. The flow of data to users continues to be a high requirement. Users, especially the farming community, usually request information on the onset of effective rains (to know when to plant), the length of the cropping season (to decide what to plant), the behavior of the dry and wet spells within the cropping season, and how likely an extreme event is likely to occur. The provision of this information is currently very limited. Government and farmers are greatly interested in knowing how much grain yields and crop production are expected by the end of the rain/crop season. This knowledge helps strategic planning. Genuine efforts are, therefore, needed to improve agrometereological services and make their products accessible to end users. There are variety of indigenous agrometeorology knowledge which are still in use in the country, there is a need to explore this knowledge and improve it. Agrometeorology contributes significantly to agricultural production. However, successive governments in the past have failed to pay due attention to meteorology in general and agro-meteorology in particular. If we had the expertise and the resources, we could have collected, analyzed, and projected crop yield, pest outbreak, Tropical storms (cyclones, hurricanes, typhoons, etc.) associated with high winds, flooding and storm surges; and crop expansion in the country. In the meanwhile, Local universities in Somaliland have failed to address the issue neither of them have conducted research on the indigenous agrometeorology knowledge available locally nor conducted research on the subject matter. The Agrometereology department of the Ministry of Agricultural Development is also hampered by lack of commitment, understanding and knowledge about the importance of agrometeorology in crop production and lack of finance, skill, policy and strategy to improve the country crop production. Furthermore, training, among other things, is vital to enhance the skill and capacity of the department, firstly, to analyze data coming from weather stations and store it in central database located in the country so as to offer agrometereological bulletins. The department also needs the capacity to issue early warning information, efficient weather monitoring and efficient assessment of the impact of extreme events and capacity to raise the standard of the some of the weather stations to automatic weather stations, secondly, the department needs to expand its services and coverage throughout or much of the country’s regions which require from the department to upgrade the skill for its staff and equipment to help reduce the impact of natural disasters, including pests and disease outbreak. Regards, Abdirahman Ibrahim Abdilahi Contact: Abdirahman270@gmailcom Qaran News
  24. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-932021-ok.mp3 View the full article