-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda Ciidammada Millatariga Somaliland ayaa xukun ku riday askari ka tirsan Ciidanka Millatariga Somailand oo lagu eedeeyay inuu hore si badheedh ah dil ugu geystay qof shacab ah. Askariga ayaa waxaa la sheegay inuu qof shacab ah oo ahaa Macalin Iskuul uu ku dilay Magaalada Gabiley, isla markaana falkaas kadib ay soo qabteen Ciidanka Booliska oo xidhay. Maxkamadda Ciidamada Milateriga ayaa waxaa la horgeeyay cadeymo la xidhiidha kiiska lagu helay askariga, iyadoona la tilmaamay in qoyska Ninka laga dilay ay dalbadeen in sharciga la marsiiyo askariga. Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askariga dilay Ninka oo kamid ahaa Macallimiinta dugsiyada Magaalada Gabiley ee deegaanada Somaliland. Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa hore xukuno kala duwan oo isugu jiray dil toogasho ah iyo kuwo xabsi ah ku riday Askar ka tirsan ciidammada Somaliland oo falal kala duwan ka geystay halkaas. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka. Golaha ayaa marka hore ka digay in ay markale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo asteeyey oo aheyd 8-dii Febraayo. Sidoo kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay heshiis ka gaaran muranka ka jira doorashada 2021-ka. 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa sidoo kale xoojiyey muhiimada uu leeyahay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo xaaladda dalka. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo agaasimaanka doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii. Dhinaca kale golaha ayaa ugu dambeyun meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howl-galkaMidowga Afrika ee AMISOM oo la gaarsiiyey, illaa bisha December. Si kastaba Soomaaliya ayaa weli wajaheyso xaalad hubanti la’aan oo ka dhalatay is marin-waaga ka taagan doorashada 2021-, taas oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin, xilli uu dhammaaday muddada xil-heynta ee madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Waxaa sakay gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Inta badan wadooyinka soo gaala wadada Maka Almukarama ayeey ciidamado ka celinayaan gadiidka dad weeynaha , iyadoo dadka ay lugta maalayaan. Isgooyska bakaaraha, Tarabuunka iyo dhamaan wadooyinka soo gala wadada Maka Almukaramah ayaa ka mid ah wadooyinka xiran. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ciidamada ay u xireen wadooyinka . Shacabka ayaana dhib badan kala kulmay xirnaanshaha wadooyinka caasimadda . Source: goobjoog.com
-
Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho. Sida ay GoobJoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiinka tirsan maamulka Puntland saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya Madaxweynaha Puntland in uu u soo duulo caasimadda dalka ee Muqdisho. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdishi kaga qeyb galayo shirka wada tashiga Arrimaha doorashooyinka dalka oo Muqdisho ka furmayo maalmaha soo socda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashada 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro. Sidoo kale labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la dardar-geliyo shirka u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee doorashooyinka. “Waxaa maanta booqasho iigu yimid Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Aadan Xasan Aadan, oo aan ka wada hadalay arimaha Doorashada dalka iyo dardar galinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo arimaha Doorashada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. Maamulka Kismaayo ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan doorashada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana khilaafka uu soo taagnaa sanadihii dambe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka dadweynaha & kuwa gaarka loo leeyahay laga celinayo qaar kamid ah jidadka. Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Warshadaha, Soddonka & isgoysyo kale oo muhiim u ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diidaya marinka waddooyinkaasi, iyadan oo illaa iyo adda aysan ka hadlin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dadweynaha ayaa sidoo kale saaka maalaya Cagahooda, maadaama ay Sabti tahay, si ay u gaaraan goobahooda shaqada. Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha loo xiray waddooyinka ay tahay, si loo xoojiyo ammaanka caasimada oo uu ka dhacayo shirka dowladda & dowlad goboleedyada. Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale loo xiray waddooyinka Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cali Mahdi Maxamed.
-
Rwanda's Kagame first East African leader to take Covid jab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Rwanda's President Paul Kagame on Thursday became the first leader in East Africa to receive the Covid-19 vaccine, which has been rolled out in the region in recent days, his office announced. Source: Hiiraan Online -
Is Turkey’s expanding African footprint also a proxy battleground for Erdoğan’s Middle East and European rivalries? Source: Hiiraan Online
-
A group of Somali community members and business leaders worked together to open the new retail and gathering place after a redevelopment project forced small businesses to close. Source: Hiiraan Online
-
Community leader Shukri Olow [Shuu-kree Oh-low] recently announced that she is running for King County Council District Five, which includes all or parts of Kent, SeaTac, Tukwila, Burien, Normandy Park, Des Moines, and Renton. If elected, Shukri would be the first Black woman to win a county council seat in Washington. Source: Hiiraan Online
-
The UN Security Council on Friday adopted a resolution extending the mandate of the African Union peacekeeping mission in Somalia until December, and called on Somali authorities to hold elections "without further delay." Source: Hiiraan Online
-
More than 83,000 people have been displaced in Somalia due to water shortage since November 2020, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said Friday. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa todobaadkan ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qab-galayo shir ku saabsan xallinta muranka ka taagan arrimaha doorashada dalka. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna wakhtigan ku sugan Muqdisho, kadib markii uu garaay todobaadkii hore. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo haatan ku sugan Turkiga ayaa dhankooda la sugaya in ay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan Muqdisho. Shirka la filayo in uu todobaadkan ka dhaco Muqdisho, oo ay gar-wadeen ka tahay Beesha Caalamka, ayaa la doonaya in lagu xalliyo muranka taagan, si loo qabto doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay go’aansatay inaysan qaadin hakad ay ku sameysay kaalmada la siiyo Ethiopia ee inta badan la xiriirta qeybaha amniga, maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken uu ficillada ka socda gobolka Tigray ku qeexay isir sifeyn. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda, Ned Price ayaa sheegay in Mareykanka uu go’aansaday inuu dib u billaabo kaalmooyinka la xiriira caafimaadka iyo cuntada, balse dhammaan kuwa la xiriira amniga ay hakad kusii jiri doonaan. “Sababo la xiriira xaaladda Ethiopia ee aiminka, waxaan go’aansannay in aynan qaadin hakad la geliyey kaalmooyinka barnaamijyada amniga,” ayuu Ned Price ku yiri shir jaraa’id. Blinken ayaa ku cadaadiyey Ethiopia inay soo afjarto colaadaha Tigray, wuxuuna Arbacadii, isaga oo ka hor hadlaya Congress-ka, sheegay inuu doonayo in ciidamada Eritrea iyo Amxaarada ay ka baxaan gobolka, laguna beddelo kuwa amni “oo aan ku xadgudbi doonin xuquuqda aadanaha dadka Tigray ama aan gaysan doonin ficiilo isir sifeyn ah,” oo lagu arkay galbeedka Tigray. Kumanaan qof ayaa ku geeriyooday, boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, waxaana gobolkan oo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof ka jira cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. Blinken, oo Khamiistii taleefon kula hadlay xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa kala xaajooday muhiimadda baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka, sida ay sheegtay Waaxad Arrimaha Dibedda. QM ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Eritrea ay hol-galayaan inta badan waqooyiga gobolka Tigray, waxaana jira warbixino sheegaya inay mas’uul ka yihiin xasuuqa ka dhacay gobolka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo shalkay aas qaran loogu sameeyey Muqdisho. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somaklia, madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka. “Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.
-
Ex xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre, oo xalay wareysi siiyay Radio Daljir ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu laaluush ku soo baxay doorashadiisi. Mr Dhoorre ayaa arrintan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd, haddii uu isagu laaluush ku qaatay codkiisa wakhtigii doorashada Puntland. Wuxu sheegay in laba murashax oo Deni ku jiro ay isaga u soo bandhigeen lacag laaluush ah, si uu codkiisa u siiyo, balse uu iska diiday lacagtaas. Sidoo kale, wuxu caddeeyay in uu codkiisa siiyay murashax Asad Cismaan Diyaano, taasina uu Deni ku colaadiyay oo markii dambe Baarlamankaba ka saaray. Waxa xusid mudan, in Dhoorre uu kamid ahaa 8 xildhibaan oo Baarlamanka Puntland laga saaray 3-dii December 2020. PUNTLAND POST The post Dhoorre: Deni waxaan ka diiday Lacag Laaluush ah appeared first on Puntland Post.
-
Qoyska Ninkii Madoobaa ee Askariga cadaanka ahi dilay George Floyd oo la siiyay magdhawgii ugu badnaa taariikhda Mareykanka ee la bixiyo Masuuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa 27 milyan oo magdhow ah gaarsiisay qoyska George Floyd, oo ahaa nin madow oo Maraykan ah. Dilkii uu askariga boolis caddaanka ah gaystay wuxuu sababay iney gobollada Mareykanka oo dhan ay ruuxaan muddaharaadyo rabshada wata iyo dibadbaxyo ka dhacay meelo badna oo caalamka ah. Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinaya wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa. Qoyskiisa ayaa sheegay in hadddii uusan ahayn muuqaalka laga duubay markii Askariga luqunta jilibka kaga hayay ay adkaan lahayd in caddaad la helo. Dhanka kale qareennada qoyskiisa ayaa sheegay in muuqaaka uu fududeeyay cadaalad aan la dafari karin iyo isbadal. Xulista xeerbeegtida ee dilkii George Floyd ayaa hadda socota, waxaana ilaa haatan la xulay Lix ka mid ah 12 garsoorayaal oo ka hawl geli doona dhageysiga bilaabmaya 29 Maarso. Golaha Magaalada Minneapolis ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay ansixinta lacagta magdhawga ah kahor dhageysiga dacwadda ee dhammaadka bishaan Maarso, waa lacagtii ugu badnayd ee abid lagu bixiyo gobolka Minnesota. Qareenada qoyskiisa ayaa dacwad gudbiyay bil ka dib dilka Floyd oo ku begnayd bishii June 2020. George Floyd inta uusan dhiman 30 daqiiqo ka hor maxaa dhacay? Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan. George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah. George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis. Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa. George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray. Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa. Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday. Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin. 8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray. Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay “inuu ku yiri gaariga ka soo deg ” intaa kaddibna “George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro” ayuu yiri. 14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray. Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray. Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran. George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la’aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa. Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh “waan neefsan la’ahay” mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey “hooya iga soo gaar”, “fadlan, fadlan, fadlan” isaga oo leh. Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey. Askariga dacwadda dilka lagu soo oogay Derek Chovin 6 daqiiqo marka uu askariga jilibka kaga hayo qoorta Floyd ayuu George dhaqdhaqaaqi gabay. Askari ka mid ah ayaa isku dayay inuu gacantiisa midig uu ku fiiriyo garaaca wadnahiisa balse wax dhaqdhaqaaq ah ma lahayn. Hase yeeshee, weli askarti booliska ahayd jirka Floyd kama dul kicin. Daqiiqaddii 27-aad ayuu askarigi jilibka ka qaaday jirka dhaqdhaqaaqa gabay ee George Floyd. George Floyd ambalaas ayaa lagu qaaday waxana la geeyey isbitaal balse saacad kaddib Floyd ayaa la sheegay inuu geeriyooday. Christopher Harris oo ay Floyd saaxibba ahaayeen wuxuu sheegay dhimashada George Floyd maalin ka hor mar ay sheekeysanayeen uu u sheegay inuu raadinayo shaqo ku meel gaar ah. “Dilka loo geystay waa mid arxandarra ah”, ayuu yiri Harris. “In muddo ah wuxuu askarta ka baryayey iney naftiisa badbaadiyaan. Marka aad kalsooni siiso nidaam aan adiga laguugu talagelin natiijadu sidan ayey noqonaysaa. Marka aad caddaalad heli weydo adigoo raacaya sharciga, waxaad billaabeysaa in si bilaa sharci ah aad caddaaladda ku raadsato. Qaran News
-
Barnaamijka Hordhaca ah ee Xisbiga/Ururka S.P.P ( SOMALILAND PEOPLES PARTY ) XISBIGA DADWEYNAHA SOMALILAND BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA/URURKA DADWEYNAHA SOMALILAND ( S.P.P ) OO GUUD MAR AH HORDHACA QAYBTA 1AAD Bisha, Abriil 2022 oo ah waqtiga la sugayo in lagu dhawaaqo gudiga diwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland . 20 sano ayaa ka soo wareegay kolkii Somaliland nidaamkeega dimuqaradiyadeed dhidibada loo taagey , waxaana laba goor oo hore la furay ururada siyaasada Somaliland oo kala ahaa sanadkii 2002 iyo 2012 , waxaana ay markii sadexaad ku beegan tahay sanadka 2022. Dadweynuhu waxay u bukaan isbeddel xukuumadeed, kuwo badan oo dadkaas ka mid ahina waxay rajadooda ku xidhayaan doorashada tartanka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland oo ay u arkaan in ay iman karaan ururadii iyo axsaabtii ka turjumeysay ujeedada dastuurka dalka iyo nidaamka dimuqaradiyadeed laga lahaa oo haatan aan muuqan. Xisbiga/Ururka S.P.P mugdi kagama jiro baaxadda iyo baahiyaha dadka jamhuuriyada Somaliland qabaan , taas ayaana ku qasbaysa in ururku dedaalkiisa laban-laabo si uu dadka u baraarujiyo una dareensiiyo dhibaatooyinka soo fool leh, haseyeshee waxa uu wax walba ka fuudhyeelayaa soo bandhigidda iyo qeexidda barnaamij siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo tifaftiran, kaas oo ay hagayso aragti iyo ujeeddoyin looga gol- leeyahay in lagu higsado nabad waarta, barwaaqo, dimuqraadiyad iyo istraatijaddii xubin lagaga noqon lahaa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. HIMILADA XISBIGA/URURKA S.P.P Barnaamijka Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu ka turjumayaa xaqiijinta himilooyinka hoos ku xusan? Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu u hawl-gelayaa xaqiijinta iyo taabbo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka mid-noqoshadeeda ururrada caalamiga ah iyadoo ah dawlad la aqoonsan yahay. Xisbiga/Ururka S.P.P wuxu hiigsanayaa inuu dalkan Somaliland ka dhiso bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, keli-talisnimda iyo guud ahaan maamul xumada weji kasta oo ay leedahay; Xisbiga/Ururka S.P.P wuxu ku naalloonayaa yagleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga ee ka soo jeeda dhaqankeenna suubban , diinteenna Islaamka ah iyo waayo-aragnimada ina anfacaysa ee aynnu ka soo dheegannay horumarka sayniska iyo teknoolajiyada bulshada caalamku ku tallaabsatay; Xisbiga/Ururka wuxu ku hammiyayaa abuuridda bulsho nabdoon oo u hiilisa sinnaanta, is-xaqdhawrka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha ummadda Somaliland gaar ahaan iyo dadyawga gobolka iyo adduun-weynaha guud ahaan; Xisbiga/Ururka wuxuu tiigsanayaa xaqiijinta bulsho ka dhiidhida addoonsiga weji kasta oo uu leeyahay iyo nooc kasta oo gumaysi ah, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta; MEEL-MARINTA MAAMUL-WANAAGGA: Si uu u xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu meel-marinayaa mabaadi’da xukun-wanaagga ee hoos ku qoran? adeegsiga gole xukuumadeed oo kooban, tayana leh iyadoo xeer jideyn doono jiritaanka wasaarad ama hay’ad kasta oo xukuumadeed, xeerkaas oo caddayn doona xilkeeda, qaab-dhismeedkeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha kale ee dawladda; hirgelinta hannaanka dimuqraadiga ah si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqankeena suubban ee Soomaaliland iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo araganimada waxtarka leh ee dadyawga aduunka ee arrintaas ka midho dhaliyey; dhiirri-gelinta iyo ka midho-dhalinta nidaamka xisbiyada badan, u-tartanka xorta ah ee hoggaaminta dalka, adkaynta hay’adaha dimuqraadiga iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee talada dalka; la-dagaallanka musuqmaasuqa, qaraaba kiilka iyo eexda; xoojinta is-ilaalinta iyo is-dheelli-tirka hay’adaha dawladda (check and balance); meel-marinta madaxbannaynta garsoorka iyo horumarintiisa; dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafad xor ah; dhawridda xuquuqaha aasaasiga iyo xorriyadaha lagama maarmaanka ah ee noolaha jamhuuriyada Somaliland. meel-marinta iyo horumarinta isla-xisaabtanka iyo xalliibnaanta (accountability and transparency); xaqdhawridda iyo horumarinta ku-dhaqanka xeerka (respecting and promoting the rule of law); Horumarinta, xaqdhawridda iyo u-hoggaansanaanta isticmaalka awoodaha cod-bixiyaha iyo cashuur-bixiyaha; xoojinta iyo horumarinta nidaamka xukun daadejinta (encouragement and development of decentralization); u-kala xaqsooridda gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyo isu dheelitirka qaybsiga khayraadka qaranka; dhiirri-gelinta iyo ka qayb gelinta beelaha laga tirade a badan yahay iyo haweenka talada dalka; dhiirri-gelinta wada jirka muwaadiniinta Somaliland iyo u xallinta khilaafaadka si nabddoon; dhiirri-gelinta deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha dalalka deriska ah kuwa mandaqadda iyo beesha caalamka. SIYAASADDA DEBEDDA: UJEEDOOYINKA SALDHIGGA AH EE SIYAASADDA DEBEDDA. Xisbiga/Ururka S.P.P wuxu aaminsan yahay in siyaasadda debeddu ay qayb ka tahay siyaasadda qaran ee dalka, sidaas darteedna tahay qayb muhiim ah oo tilmaamaysa danaha iyo ujeedooyinka istraatiijiga ah ee ummadda. Nuxurka siyaasadda debedda ee Somaliland waxay tahay inay caalami ahaan horumariso madaxbanaanida dawladda Somaliland, si loo kasbado ictiraaf waxna ula qabsato beelsha caalamka. Waxa xisbiga/Ururka S.P.P mudnaanta siinayaa siday Somaliland saaxiibo ugu yeelan lahayd Afrika iyo daafaha kale ee adduunka, sababtoo ah, waxan qiraynaa in masuuliyadda hore loogu riixayo madaxbanaanida dadkeenan u harraadan dimuqraadiyada iyo ka mid noqoshadooda beesha caalamku ay si aad ah ugu xidhan tahay hadba sida loo maamulo siyaasdda debedda. Waxa xisbigaUrurka S.P.P ku dedaalayaa sidii Somaliland go’doonka looga saari lahaa ayna uga mid noqon lahayd beesha caalmka. taasi waa ujeeddo muhim ah oo khusaysa siyaasdda debedda waana mid si toos ah uga tarjumaysa boholyawga dadkeenu u hayo dimuqraadiyadda, horumarka iyo aayo-ka-tashiga. MABAADII’DA HAGAYSA ARRIMAHA DEBEDDA: In siyaasdda Debeddu ahaato mid ka turjumaysa danaha Somaliland In barwaaqaynta dhaqaale ee Somaliland ku xidhan yahay iskaashi dhaqaale ee heer gobol iyo heer caalami iyo suuqa xorta ah. Inay siyaasadeena debedda ka muuqato siday inooga go’an tahay inaan dhisno Somaliland dimuqraadi ah. Inaan isku hawllo in xuquuqaha dadka aanay ku koobnaanin siyaasadda, ee ay gaadhaan dhinacayda dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka. maamulidda xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland waa inay ahaadaan kuwo muuqda oo sigib tiran (transparent) waxayna dhacayaan iyadoo lagala tashanayo baarlamaanka iyo hay’adaha dawladeed ee ku shuqul leh. danaha qaranka Somaliland ayaa mar walba hagaya siyaasadeena debedda. ammaanka iyo tayada nolosha dadka Somaliland, sharciga iyo kala danbaynta, nabadda iyo xasiloonida dhaqaale, iyo iskaashiga goboleed ayaa noqonaya mabaadii”da aasaasiga ah ee ay ku dhismayso siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland marka xisbiga/Ururka S.P.P talada dalka qabto insha Allah. KA FAAIIDEYSIGA DHIBAATOOYINKA IYO CAQABADAHA SOMALILAND KA HOR YIMID 30 KA SANADOOD EE AY MADAX BANAANIDA HAYSATAY. Arrinta ictiraafka caalamiga ah ee dawladaha aduunka aynu ku rabnaa waxa loo raaci doonaa qaab wanaagsan iyada oo laga shidaal qaadanayo caqabadihii iyo dhibaatooyinkii inagaga yimid arimaha dibeda mudadaasi iyo waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay. Xisbiga/Ururka S.P.P waxa uu meesha ka saarayaa gabi ahaan xidhiidhka lala leeyahay Somalia ilaa ay ka dhalanayso Somalia dawlad meeqaam ahaan Somaliland u dhiganta oo dalkeeda maamusha. AMMAANKA QARANKA. MABAADII’DA GUUD. Nabadgalyadu maadaama ay tahay aasaaska nolosha aan la’aanteed wax suuragalayaa jirin Xisbiga/Ururka S.P.P waxa uu ka dhigayaa ahmiyada koowaad waxaana uu galin doonaa dedaalka ugu badan tamar iyo tacab ba. Ammaanka qaranka waxa soo gelaya wax kasta oo wax-yeellayn kara muwaadinka Somaliland. Xisbiga/Ururka wuxuu ahmiyad siinayaa arrimaha ammaanka qaranka, ilaalinta iyo daryeelidda nabadgelyada muwaadiniinta, gaar ahaan arrimaha saamaynta xun ku leh caafimaadka muwaadiniinta, qiyamka, diinta, waxbarashada iyo guud ahaan suubbanaanta shacbiga , sigib tirnaanta maamulka iwm. Xisbiga/Ururka wuxuu aaminsan yahay, iyadoo ay ugu wacan tahay adduunkii oo edeg ku wada-jira, isa saamayntiisuna ay maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhayso, ayaa waxa lagama maarmaan ah in feejigo la yeesho, iyadoo wixii wanaagsan laga faai’daysanayo, la iskana caabbiyayo wixii dhibaato u leh dhaqanka, diinta, caafimaadka, barbaarinta iyo koboca shakhsiyadda qofka . Si uu arrimahaas u xaqiijiyo, XIsbiga/Ururku wuxu yeelanayaa siyaasad dhammays-tiran oo uu ku waajaho wixii khuseeya ammaanka qaranka. Sidaa darteed, S.P.P wuxuu dejinayaa, horena u- marinayaa siyaasad dhinacyo badan leh oo ku wajahan ilaalinta ammaanka qaranka. DIFAACA QARANKA IYO SUGIDDA XUDUUDAHA CIIDANKA MILLATERIGA: Xisbiga/Ururka wuxuu aaminsan yahay in ciidan milateri ah oo adag oo dalkani yeeshaa u yahay sees aasaasi ah xaqiijinta gooni-isu-taagga iyo madax-bannaanidiisa. Sidaa darteed. waxa Xisbigu/Ururku ku talo-jiraa dhisidda ciidan milateri ah oo tayo sare leh kuna fillaada difaaca dalka iyo ilaalintiisa. Si taas loo suurto-geliyo, Xisbigu wuxuu ku tallaabsan doonaa: in uu isagoo ka duulaya khataraha hor-yaalla, qorsheeyo tirada ciidan ee lagaga hor-tegi karo, tayada uu u baahan yahay (tababar, hub iyo qalabba) iyo sida loogu heli karo; in ciidamada hada jiro oo tayo iyo tiroba leh oo laban laabo daryeelkooga guud ee ciidanimo iyo daryeelkooga qofeed iyo qoyseedba taasi oo laf dhabar u ah wanaaga iyo horumarka amni ee laga rabo askariga jamhuuriyada Somaliland. KOBCINTA DHAQAALAHA IYO LA-DAGAALLANKA SABOOLNIMADA: Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu u arkaa in faqrigu yahay masiibo culus oo Ilaahay laga magan-galo, haddaanay ummaddu u guntan inay wax ka qabsato oo aanay wajihin inay mushkiladdaa isku-duubni kaga baxdana aanay jireyn cid kale oo ka saari kartaa. Sidaa darteed; Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu ku dedaali doonaa inuu u abaabulo ummadda loo abuuro shaqooyin iyo mashruucyo maal galineed si dadka loogu kala jaheeyo oo la gaadhsiiyo ilaa in qofwaliba maareyn karo nolol maalmeedkiisa iyo ka qoyskiisa. XOOLAHA Xisbiga/Ururka S.P.P isagoo ka duulaya in xoola-dhaqashadu horena u ahayd laf-dhabarka dhaqaalaha dalka, waqtiyada soo socdana ahaan doonto wax-soo-saarka koowaad ee nolosha dadweynaha badankiisu ku tiirsan tahay, tahayna ilaha ugu weyn ee lacagta adagi ka soo hoyan karto ayaa waxa xisbigu mudnaanta kowaad siinayaa kobcinta docda (sector)ka xoolaha, daryeelka deegaanka xooluhu ku sugan yihiin iyo horumarinta xoola-dhaqatada isagoo ku tallaabasanaya arrimaha soo socda: daryeelka caafimaadka xoolaha; daryeelka dhul daaqsimeedka; dhiirri-gelinta dhoofka xoolaha; helidda iyo horumarinta habab cusub oo looga faaii’daysto cadka iyo caanaha xoolaha; samaynta wershado lagu farsameeyo walxaha xoolaha ka soo jeeda sida cadka, caanaha, hargaha, dhogorta iyo lafaha; curinta habab cusub oo loo dhaqo xoolaha; maaraynta isbeddelada aan qorshaysnayn ee ku socda hanaankii soo jireenka ahaa ee xoolo-dhaqasho ee ku dhisnaa guur-guurka xorta ah; soo noolaynta seera-daaqsimeedyadii; helidda ilo tamareed (source of energy) si loo badbaadiyo deegaanka; qabashada biyo roobaadka (samaynta harooyin iyo biyo-xidheenno); hakinta biyaha iyo joojinta boholaha/jeex-jeexyada); hakinta qulqulka ay dadka miyigu ku soo gelayaan magaalooyinka; ku tallaabsiga cilmibaadhisyo ku wajahan daraasadda hanaanka xoola-dhaqasho; samaynta machadyo lagu barto dhinacyada kala duwan ee cilmiga xoolaha. BEERAHA: Beeruhu waa wax-soo-saarka labaad ee dalka Soomaliland, Xisbiga/Ururku wuxuu ogsoon yahay in Somaliland tahay meelaha dhifka ah ee adduunka ku haboon wax beerashada marka aad eegto dhulka iyo cimiladaba. Xisbigu/Ururku waxa u ajande ah dhiirri-gelinta wax-soo-saarka beeraha, beer roobaadyada iyo beer waraabyadaba, iyo baridda beeraleyda dalagga ku habboon cimilada dalkan; siinta beeralayda qalabka iyo khibradda ay u baahan tahay; dhiirri-gelinta ururro iyo iskaashatooyin ay isugu tagaan beeraleydu; dhiirri-gelinta samaynta wershado yar-yar oo miira saliidaha midhaha iyo xabkaha iyo kuwo qasacadeeya khudaarta iyo suuq u raadintooda ; Adeegsiga Jaamacadaha iyo dugsiyada beeraha si loo gaadho mustaqbalka umad dhinacwalba isaga filan. GANACSIGA: Xisbiga/Ururku isagoo ka dhaqaaqaya dareenka ah in bulshada reer Somaliland tahay bulsho ganacsiyeed iyo wax isku-doorsi ayaa wuxu ku tallaabsanayaa: dhiirri-gelinta ganacsi ku fadhiya suuqa xorta ah; awoodsiinta rug ganacsi oo uruurisa una sahan tagta ganacsatada reer Somaliland; u-hawl-gelidda sidii Somaliland u noqon lahayd albaabkii iyo biriijkii Geeska Afrika ku xidhayey dunida inteeda kale; soo jiidashada maalgashiga shisheeye. horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka, isgaadhsiinta (basic infrastructure); ballaadhinta iyo casriyeynta dekedaha dalka iyo dhisida dekedo kale si aynu ula beretano dalalka iyo dekedaha ka jira mandaqadda . dhiirri-gelinta abuuritaanka baanan ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo kuwo wadaag ahba; DHIIRRI-GELINTA KA FAAI’IDAYSIGA KHAYRAADKA KALE: Waxa xisbiga/Ururka S.P.P diiradda saarayaa ka faa’iidaysiga iyo abuuridda ilo cusub oo dhaqaale kuwaas oo ay ugu horeeyaan: ilaalinta, dhawrista iyo si san uga faaii’daysiga khayraadka badda; Sahaminta macdanta iyo shidaalka; Sahaminta gaasta dabiiciga ah sahaminta khayraadka biyaha, qabashada biyo roobaadka, samaynta biyo-xidheeno, harooyin iyo balliyo. LA-DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA: Xisbiga/Ururka S.P.P waxa u qorsheysan la dagaalanka musuqa nooc kasta oo uu yahayba waxaana la mideyn doona hay’adaha maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqa dhamaantood iyada oo loo sameyn doono sharciyad adag. dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa oo fulinteedu ka timaaddo kor ila hoos; dejinta nidaam maaliyadeed oo lagu ogaan karo xatooyada iyo wax-is-weydaarinta, heer kasta oo shaqo, laga bilaabo madaxtooyada ilaa heerka ugu hooseeya ee wax-soo-saar ama isticmaal hanti ummadeed; dejinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa oo suurto-geliya in la baadho dembi lagu oogo, cidda lagu helena xabsi dheer looga heli karo iyo dib-u-soo celin hantida ku maqnaata sida la- wareegid hantida uu ka meelaystay shaqada ama horeba uu u lahaa si looga gooyo hantida ku maqnaata; Waxa la dhiirigalin in dabagal iyo isla xisaabtan lagu sameeyo dadkii hantida qaranka sifaha sharci daradda ah ugu tagrifalay ee qaranka jamhuuriyada Somaliland Somaliland masuuliyada sare ka soo wada qabtay iyo kuwa hada ka hayaba dhamaantood. u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud . DHALLINYARADA: Dhalinyaradu waa mustaqbalka iyo hantida uu dalkani leeyahay hagaajintooda iyo raadinta xuquuqahoogu waxa weeyaan hagaajinta mustaqbalka umadan tacabka badan u soo gashay helida dawladnimo wanaagsan. Waxaana Xisbiga/Uruku qaadayaa talaanooyinkan ; dhiirri-gelinta isboortiga iyo ciyaaraha; dhisidda garoomo lagu ciyaaro isboortiga; furidda maktabado; dhiirri-gelinta waxbarashada guud ahaan. CADDAALADDA: Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu u arkaa in caddaladdu tahay aasaaska nabadda, barwaaqada, midnimada iyo horumarka ummadda. Sidaa darteed, wuxuu ku tallaabsan doonaa sidii caddaaladdu u noqon lahayd mid ummadda wada deeqda. GARSOORKA: Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu aaminsan yahay in garsoorku yahay halkii sixi lahayd caddaalad darro kasta oo dhacda ama cidi tirsato. Si garsoorku u gudan karo mas’uliyaddaa ahmiyadda weyn leh, waa inuu yahay loona arko inuu yahay mid dhex u ah dhinacyada uu u garnaqayo isla markaana haysta imkaaniyaadka kale ee lagama maarmaanka u ah , sida madax banaani qanuuni ah . Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu u arkaa in garsoorku noqon karo mid dhex u ah dhinacyada uu u gar-naqayo keliya marka uu ka madax-bannaan yahay dhinacyadaa. Sidaa darteed, Xisbigu/Ururka wuxuu xaqiijin doonaa in garsoorku helo madax-bannaaani dhammays-tiran hay’ad ahaan (institutional independence) iyo garsooreyaal ahaan (individual or decisional independence). Si taas loo suurto-geliyo, Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu: soo-jeedin doonaa in dastuurka lagu sameeyo dib-u-eegis si loo helo wax-ka-beddel dastuur oo garsoorka siiya madax-bannaani dhammays-tiran; madax-bannaanidaas waxa lagu xaqiijin karaa: Xisbiga/Ururku waxa uu aaminsan yahay si dimuqaradiyada iyo metelaada shacabka jamhuuriyada Somaliland u noqoto mid dhab ah in dalka loo badelo nidaamka loo yaqaano ( parliamentary system ) si qofkasta oo muwaadin ahi qaranka u hogaamin karo isla markaana isla xisaabtanka iyo is miisaamida hay’adaha qaranku u noqoto mid sigib tiran. …… la soco qaybta 2aad Posted by Mohamed Abdi Jama hormood@hotmail.com Qaran News