Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. GUDIDA UU GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADU U SAARAY XEERKA DOORASHOOYINKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAASADA JAMHUURIYADA SOMALILAND XEER LR.14 IYO WAXA AY KA SUGAYAAN DADKA SOMALILAND. Shalay oo ay taariikhdu ahayd 13-March-2021 ayaa waxa uu gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland gudi u saaray ka soo talo bixisa wax ka badelka iyo kaabida lagu sameyn doono xeer lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee 45naad. Xeerkani waxa uu saldhig u yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuqaaradiyada Somaliland oo waa xeerka ay ku dhisan yihiin axsaabta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale xeerkani waxa ku dhisan gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ah hay’ad dawladeed oo uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland gudigeega magacaabo. Xeerkani waxa uu soo maray taariikho badan iyo marar hore wax laga badaley isaga oo xeerka markiisa hore la sameeyey sanadkii 2000 oo waxa uu ahaa seeskii nidaamka dimuqaradiyadeed ee Somaliland . Hadana waxa wax ka badel lagu sameeyey sanadkii 2011 kii oo xiligaasi markii dib loo eegay dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale markii la eegay baahida dadka jamhuuriyada Somaliland u qabaan in ururo siyasadeedyo kale yimaadaan , oo ay furan karaan muwaadiniinta aan ku qancin sadexdii xisbi qaran ee xiligaasi joogay . Waxa ugu weyn ee la isku qabsaday xiligaasi waxa ay ahayd axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland maadaama oo uu dhigayo qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 2aad in aan axsaabta siyaasadu ka badan karin 3 xisbi qaran , isla xeerkaasi faqradiisa 3aad waxa ku qoran qaabka loo furan karo xisbi siyaasadeed iyo waxa ka reeban oo ah gobolaysi iyo qabyaalad , oo faqradani cadeyn u tahay in la furan karo xisbi siyaasadeed. Sidoo kale waxa kabaya qodobada dastuurka ah ee 23naad faqradiisa 3aad iyo qodobka 22naad faqradiisa 1aad iyo 2aad , markaa waxa ay noqotay in wax laga badelo xeerkii hore ee ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland xeer lr14. 2000 oo uu noqdo xeer lr.14 2011 , waxaana si cad loogu qeexay in 10kii sanadoodba hal mar la furto ururo siyaasadeed , iyada oo lagu furi doono doorashada dawladaha hoose ee dalka. Haddaba waxa uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland soo saaray bishii sept ee 2020 xeer loogu magac daray xeerka guud ee doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland , oo lagu ururiyey dhawr xeer doorasho , waxaana uu xeerkaasi madaxweynaha Somaliland saxeexay 14/10/2020 isaga oo xeerku faafinta rasmiga ah ee garyaqaanka guud ee qaranka galay 19/10/2020 . Xeerkani cusub ee Xeer lr.91 faaiidooyinka ugu waaweyn ee ku jiray waxa ay ahaayeen in uu xeerku qaabeeyo hanaanka guud ee doorashooyinka iyo xeerarkooga marka laga reebo xeer lr 14 , waxaana meelaha ugu muhiimsani ahaayeen in xeerkani lr.91 lagu xusay in faqradiisa 6aad in gudiga doorashooyinku hal mar wada qaban karaan hal doorasho iyo waxii ka badan , faqradani oo u gogol xaadhaysa mustaqbalka in doorashooyinka mar la wada qaban karo , sidoo kale xeerka waxa ku jiray shuruudaha murashaxyada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka oo wax laga bad badalay. Xeerka waxa kale markii la sameynayey lagu daray hadii goleyaasha deegaanada dalku mudo dhaafaan duruufaha xeerarku sheegeen awgood in loo kordhin karo mudada sida goleyaasha kale ee qaranka , isaga oo aanay xeerarkii kale ee hore ku cadeyn oo ay dhacday in goleyaasha deegaanka oo mudo xileedkoodii sharciga ahaa dhamaaday hadana ay iska fadhiyeen , isaga oo uu qiil u noqday qodob ku jira Xeerka gobolada iyo degmooyinka Xeer Lr.23 oo sheegaya in golaha deegaanka gole kale oo deegaan oo la doortay uun ay badali karaan. Haddaba xeerkani markii la sameynayey laguma fadhiisin Xeer lr14 oo ah xeerka uu ku aas-aasan yahay nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland , hadii aan xeerarka la waafijinina waxa laga yaabaa in uu khal-khal ku yimaado wareega shaqo iyo xili ee doorashooyinka ( elections mandate and frame work disorder ). Sidoo kale xeerkani waxa ku jira oo aad loo danaynayaa furistii ururada siyaasada oo ahayd in lagu furo doorashadan dawladaha hoose ee mudaysan 31-05-2021 , hadana wali ay axsaabta siyaasada ee maanta joogta ay mudo koobani uga hadhsan tahay shahaadadoodii oo aanu wakhtigoodii dhamaanin , iyada oo dadka somaliland ee danaynaya ururada siyaasaduna qabaan tuhun hoose oo axsaabta maanta joogtaa ay doonayaan in aan ururo lagu furin , ayaa aad loogu dhag taagayey waxa laga yeeli doono Xeer lr 14. Dad badan baa hore wax uga qoray oo aan ka mid ahay oo is weydiinayay sababta xeerka loogu daray ajandaha kalfadhigii golaha wakiilada , isweydiinahan iyo filashada shacabka jamhuuriyada Somaliland ee ah in la furo urur siyaasadeedo cusub waxaa jawaab wanaagsan u noqon doonta qaabka uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland xeerkani wax uga badelo iyo sida uu goluhu isugu hagaajiyo xiliga ururadii la furayo , qaabka kale ee loo furi karo maadaama ay doorashadii deegaanku ee lagu furi lahaa meesha ka baxday , waana aynu sugi doonaa insha Allah. Qofwalba waa ku waajib in uu ilaashado xeerarka dalkiisa , u dagaalamo xuquuqaha muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ee dastuurka dalka iyo xeerarku siiyeen oo ay xuquuqda siyaasadeed tahay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee u baahan in loo ilaaliyo dadka jamhuuriyada Somaliland. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo caawa ku geeriyoodey magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gudbiyey marxaladihii adkaa, isaga oo door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, xasilloonida, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. View the full article
  3. Mogadishu (HOL) - The International Court of Justice is scheduled to begin hearing the oral arguments in the maritime dispute between Somalia and Kenya, despite the latter pulling out of the proceedings in protest after being denied a fourth extension to postpone the case. Source: Hiiraan Online
  4. Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 244 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 18 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 61 ruux. Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta Feyruska Karoona, ayaa lagu sheegay in xaaladaha cusub laga diiwaan galiyey Puntland (152), gobolka Bamaadir (29), Somaliland (45), Jubbaland (7), Galmudug (3), Koonfur Galbeed (2), iyo Hirshabeelle (6) qof, 153 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay in laga helay feyras Karoona waa rag, halka 61-na ay yihiin haween. Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,190, waxaa bogsootay xanuunka 4, 230 Ruux. guud ahaan 367 ruux ayaana u geeriyootay. View the full article
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1532021.mp3 View the full article
  6. Through aggressive testing and stringent measures to curb the disease, the city has consistently lower rates of infection and deaths. Source: Hiiraan Online
  7. Waxaa maanta oo Isniin ah la filaya in magaalada The Hague ee dalka Nederland ka furanto dacwadda muran xudeedka Badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya . Dacwaddan oo soo jiitameysay mudda 10 sano ah ayaa maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday bilawgii bishaan in sikama dambeysay ah dacwadda loo qaadayo 15 March . Galabta xilliga geeska Afrika markey saacadda tahay 5:00 Pm ayeey si toos ah u furmi doonta dacwadda , iyadoo xarunta The Hague ay ku sugan yihiin qareenada Soomaaliya ee difaacaya Badda . Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay in aysan soo xaadiri doonin dhageysiga fadhiga Maxkamadda ICJ , iyadoo eedeyn u soo jeedisay garsoore Abdul Qawi oo ah muwaadin Soomaaliyeed. Dacwadda ayaana maanta noqon doonta mid dhinac kaliya ay dhageysato Maxkamadda cadaaladd Adduunka ICJ. Aqoonyahanada dhanka sharciga ayaa sheegay in aysan xeerarka iyo shuruucda ICJ aysan ku jirin in garsoore lagu eedeyn karo in dowlad uu la jiro. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, agaasimiyaal iyo saraakiil kale ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya laga joojiyay lacago kab ah oo ay ka heli jirtay hay’ado caalami ah iyo dowlado taageera miisaaniyada dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay ka dambeyso khikaafyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo qabsoomid la’aanta doorashada. Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in arintaan ay ka dambeysay kadib cabashooyin badan ay gudbiyeen mucaaradka iyo maamul gobaleedyada dalka. Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Soomaaliya ay isku rogtay nidaam kali-talis ah. Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maamul gobaleedyada qaar iyo mucaaradka ay warqado u direen dhamaan dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dalbanayaan in aysan dhiiri gelin xukun ay ku sheegeen kaligiis talis, caburin dadweyne iyo hantidooda loo isticmaalo olole gaar ah maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hogaanka dowladda. Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka tagaya raadad xun iyo guuld darrooyin dhaqaale oo aan laga soo kaban karin, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii xoogeysto haddii aan xal deg deg ah laga gaarin.
  9. On Monday, the United Nations’s highest court is due to begin hearings on a maritime boundary dispute between Somalia and Kenya, after years of delays in a case that has strained the neighbours’ diplomatic relations. Source: Hiiraan Online
  10. Xiriirka Caalamiga ee Suxufiyiinta ee IFJ ayaa shaaca ka qaaday in 65 weriye lagu dilay adduunka oo dhan sanadkii tagay ee 2020 iyagoo howlahooda gudanaya, iyagoo wajahay sare ukac dhanka xadgudubyada ah, sanadkii la soo dhaafay. Warbixinta ay uu soo saaray Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ayaa lagu muujiyay in tirada dilalka kusoo korartay, illaa iyo 17 kiis marka loo barbardhigo sanadkii hore (2019), waxana xiriirku sheegay in dilalka ay galaafteen nolosha 2,680 oo isugu jira saxafiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed tan iyo 1990. Wuxuu sidoo kale sheegay xiriirku in saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ay dhibane u ahaayeen falalka ay gaystaan ​​kooxaha sameeya dambiyada abaabulan, kuwa xag jirka ah iyo urur-diimeedyada. Warbixinta Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta waxay tilmaamtay in Mexico ay tahay dalka ugu halista badanaa suxufiyiinta sanadkii 2020, iyadoo lagu saleynayo wadarta dhimashada ee dalkasta, maxsico ayaana ku noqotay dalka ugu halista badan ee saxafiyiinta, maadaama lagu dilay 14 weriye, waxaa ku xiga Afghanistan, oo tirada saxafiyiinta lagu khaarijiyay gaareyso 10 wariye, waxaana sadaxaad galay Pakistan oo lagu diley 9 saxafi, Hindiyana waxaa lagu diley 8 weriye, halka dalalka Filibiin iyo Siiriya uu midkiiba diiwaan geliyay dilka 4 weriye, waxaa ku xiga Nigeria iyo Yemen oo 3 weriye lagu diley midkiiba, laba weriye ayaa naftooda kuwaayay Ciraaq iyo Soomaaliya, halka Bangladesh, Cameroon, Honduras, Paraguay, Russia iyo Sweden uu mid kast diiwaan geliyay dilka hal weriye. Xoghayaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta, Anthony Bellanger, wuxuu ka yiri arrintan: “Sannadka 2020 kama aysan reebaneyn warbixinteena ficilada adag ee dambiilayaasha Mexico, rabshadaha kooxaha xagjirka ah ee Pakistan, Afgaanistaan ​​iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale dulqaad la’aanta kooxaha xagjirka ah ee Hindiya iyo Filibiin kuwaas ayaana ka qayb qaatay daadinta dhiigga sii socda. “ Source: goobjoog.com
  11. Waxaa jira warar sheegaya in Kenya ayna ka soo qayb galeyn dhagaysiga Dacwada Xadaynta Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo la qorsheeyey in ay billaabato berri oo taariikhdu tahay 15ka Maarso 2021. Qodobka 53(1) ee Xeerka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa qaba “ markii mid ka mid ah dhinacyada dacwada ka dhaxayso uuna soo xaadirin maxkamadda, ama uu ku guuldarraysto in uu difaacdo kiiska, dhinaca kale waxa uu Maxkamadda ka codsan karaa in ay kiiska u xukunto.” Arrinku hadda ma ahan mid dhib badan keenaya qaanuun ahaan, waana la isku raacsan yahay in maxkamaddu kiiska qaadi karto. Sida aan la soconno, Maxkamaddu horay ayey go’aan uga gaartay in ay awood qaanuun u leedahay in ay kiiska qaaddo go’aankeedii 2/2/2017. Waxaa kale oo jira in Kenya ay qoraalladeedii (counter-memorial) oo ay ku muujinayso dooddeeda ay maxkamadda horay ugu gudbisay. Kenya ma noqonayso dalkii ugu horreeyey oo aan soo xaadirin dacwad ka dhan ah oo hor taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Xilliyadii dagaalkii qaboobaa, dalal badan ayaa go’aansaday in ayna ka baaqsadaan ka qayb galka dacwadadda ka dhanka ah ee hor taallay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Weliba toddobaatameeyadii iyo sideetameeyadii aad ayey u badneed. Laakiin hadda aad ayey u yaraadeen dalalka ka maqan dacwadda ka dhanka ah. Kiisaska ugu caansan waxaa ka mid ah, Dowladda Maraykanka oo 1985tii u sheegay Maxkamadda in ayna ka qayb galayn dacwad ay ka gudbisay Nicragua, iyada oo ku doodaysay in ayna maxkamaddu lahayn awood qaanuun oo ay kiiska ku qaaddo, iyo in uu yahay kiis siyaasadeed. Maxkamaddu kiiskii waa qaadday, oo go’aan ay gaartay 1986, waxa ay guushii raacday Nicragua. Waxaa kale oo jira kiis ay 2014kii Marshal Iselands ay ka gudbisay dalal Pakistan ka mid tahay. Pakistan wey gudbisay dooddeedii (counter-memorial), ka bacdina waxay maxkamadda u sheegtay in ay kiiska ka baxday oo ayna ka qayb galeyn. Maxkamaddu kiiskii waa gashay, waxa ayna soo saartay go’aan Oktober 2016kii. Sidoo kale markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Maxkamadda Caddaaladda Adduunka weydiistay talo sharci oo ku saabsan darbiga Israil dhisaysay, dowladda Israil waa diiday in ay ka qayb gasho, laakiin maxkamadda wey sii wadday kiiskii, waxayna go’aamisay in dhismaha darbigu ka soo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah. Markii uu dal u sheego Maxkamadda in uuna ka soo qaybgalayn dacwadda, waxaa weli u furan in qoraallo soo gaarsiiyo maxkamadda (position papers) uu ku caddaynayo dooddiisa. Dalka Shinaha ayaa sidaas sameeyey dacwaddii South China Sea. Maxkamadda Dhexdhexaadinta (Arrbirtation Tribunal), kiiskan waxa ay gashay iyada oo China ka maqan tahay waxaana guushii qaatay Philipines. Tan kale, dalka hadduu ka maqan yahay dacwadda macnaheedu ma ahan in laga xukumo dacwadda. Maxkamaddu waxa ay dacwadda u qaadaysaa si caddaalad ah oo qawaaniinta caalamiga ah waafaqsan. Soomaaliya waa in ay Maxkamadda ka codsataa in kiiska la guda galo loona xukumo. Haddii ay Soomaaliya rabto in kiisku socdo, maxkamaddu wey qaadaysaa. Maqnaashaha Kenya waxba uma dhibayso go’aanka maxkamadda iyo in labada dalba ku qasban yihiin in ay fuliyaan. WQ/Ahmed Khayre, PhD Source: goobjoog.com
  12. Maqaal dheer oo saaka lagu daabacay bogagga hore ee wargeyska ugu afka dheer ee kenya kasoo baxa ee The Daily Nation ayaa lagu sheegay in kenya ay ka baaqsatay ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo dib lomaasiyasadeed oo kenyan ah iyo xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka ee kenya Mr Kariuki aya sheegay in kenya aysan hadda diyaar u aheyn ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda bacdamaa ay maxkamaddu iska indha tirtay beey yiraahdeen codsigooda ah in dib loo dhigo dacwadda badda. Xeer ilaaliye kariuki ayaa sheegay in maalmo kahor uu maxkamadda u qoray codsi ah in dib loo dhigo dacwadda si buu yiri ay diyaar garow baaxad weyn u sameeyaan qareenada kenya ay dhawaan qabsatay, balse maxkamaddu waa ay iska indha tirtay iyadoo ku adkeysatay in waqtigii la mudeeyey ay dhici doonto dhageysiga dacwadda. Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamadda uu udiray codsi labaad oo ah in isaga loo ogolaado in 30 daqiiqo uu warbixin siiyo garsoorayaasha maxkamadda kahor inta aysan bilaaban dhageysiga dacwadda, balse maxkamaddu ayuu ku eedeeyey in wali aysan kasoo jawaabin codsigiisa. Doodo adag ayaa tan iyo xalay ka socday TV-yada kenya kuwaas oo lagu falanqeynayay halka uu ku biya shuban karo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee soomaaliya iyo kenya ka dhexjira. David Matsaka oo dood kaga qeybgalayay KTN tv ayaa sheegay in ay aheyd in dowladda kenya ay marhoraba ka baaraan dagto kiiskan oo ay sii diyaarsato qareenadeeda, wuxuu ku eedeeyey madaxda kenya in aysan daacad ka aheyn in kiiska badda loo xukumo dowladda Kenya. Falanqeeyayaasha ayaa qaba in kenya ay isku haleyneyso xubinta aan joogtada aheyn ee ay bishii hore kaheshay golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay, waana taa midda keentay ayey leeyihiin in ay kenya gabi ahaanba diido ka qeybgalka dacwadda badda. Kenya ayaa dhawr jeer oo hore codsatay in dib loodhigo kiiska maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ horyaala , kaas oo oo dacwadiisa ay soomaaliya geysay maxkamadda cadaaladda aduunka bishii august ee sanadkii 2014 tan. Xeerka Maxkamadda ee Maqnaashaha dhinac iyo is difaac la’aanta. Maxkamadda Qaramada Midoobay ee ICJ waxay gashaa Dacwadaha ka dhaxeeyo Dowladaha aqbalay awoodda Maxkamadda, waxayna u qeyb-samaan seddax markii dowladaha ay furanayaan Dacwo: 1. Dowlado u baahan in ay ku heshiiyaan in ay Dacwoodaan “Special Agreement”. Waana Dowladaha aan xubinka ka ahayn Qaramada Midoobay. 2. Dowlado Aqbalay mar hore in ay u Hoggaasamayaan Dacwad kasta oo ka dhalato “Pre-earlier commitment”. 3. Dowlado qasab ay ku tahay in ay u Hoggaansamaan “Voluntary declaration”. waana Dowladaha Nidaamka saxiixay oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana arintaa xusayo Q. 94-aad ee Cahdiga UN-ta ” United Nation Charter”. Maqnaashaha dhinac kamid ah dhinacyada waxuu ku yimaadaa, ka qeyb-gal la’aanta dhinac ka mid ah dhinacyada “non-appearance before the ICJ” ama is difaacidla’aan “défaut de conclure”. Xaaladahaan marka ay yimaadaan waxaa la gudboon Maxkamadda in ay raacdo tilaabooyinkaan:- 1. Maxkamadda waxay hubin in ay kiiska u leedahay awood sharci sida ku xusan Qodobada “Jurisdiction 34/38″. Taas oo ah mid mar hore ay Maxkamadda hubisay 2 bishii February 2017 kadib markii ay xukun ka soo saartay is hortaag Kenya sameysay kuna saabsan awwoodda Maxkamadda “ Preliminary objection of ICJ jurisdiction “. 2. Dhinaca joogo Waxuu codsanayaa in loo wado Dacwada dhinacii kale oo maqan, waana dooda beri ay Soomaali jeedin doonto. 3. Maxkamadda waa in ay hubiso Codsiyadaas in ay yihiin kuwa ku dhisan Sharci iyo xaqiiqo “Law and Fact” maadaama uusan joogin dhinicii iska difaaci lahaa. Sidaasi waxaa Qeexayo Q. 53-aad ee Xeerka lagu dhisay Maxkamadda ICJ. Hadaba Xeerka Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa u qoran sidaas oo xitaa hadii mid kamid ah dalalka kiiskooda la dhegeysanayo uu kabaxo dhageysiga dacwadda lasii wadi doono dhageysiga dalka xaadirka ah, taas ayaana soomaaliya fursad u siin doonta in dhageysiga kiiskooda uu sii socda. Dowlado horey u diiday imaanshaha Maxkamadda. Kenya ma aha dowladdii ugu horreysay ee diida in ay xaadirto Maxkamadda ICJ, waxaa horey u diiday Dowladda Colombian 2012-2016 kiis kala dhaxeeyey Nicaragua, kaas oo ku saabsanaa qol-foof qaareedka ka dambeeya 200 mayl oo ah mid lamid ah dooda hex-taalo Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa diiday Maxkamadda Dowladda China kiis taxkiim ahaa oo kala dhaxeeyey Dowladda Philippines ku saabsanaa South China Sea, Philippines iyo China waxay kamid ahaayeen dowladihii 1982 saxiixay Heshiiska Unclouse si lamd ah Kenya iyo Soomaaliya balse china ayaa ku doodaysay declration ay soo saartay oo ah arimaha siyaasadada “ sovereignty” la xariira in chapter 15 Unclouse lagu dabaqayo, taas oo u dhaw dooda MOU-ga Kenya ay ku doodayso balse looga guuleystay walaow laga wada hadlay markii dambe. Venezuela ayaa kamid ahayd Dowladihii diiday xaadiritaanka ICJ dacwadana kala dhaxeysay Guyana kuna saabsanayd Gobalka Essequibo. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Qareenka Philippines iyo Nicaragua ee kasoo horjeeday China iyo Colombia uu ahaa Paul richer oo ah midka hoggaaminayo kiiska kooxda qareenada Soomaaliya. In kastoo ay jiraan Dowlado badan oo diiday xaadiritaanka Maxkamadda kuwaas oo ku dacwoonaayey dodo lamaid ah ama u agdhaw kuwa Kenya, hadana lama oga Lama oga go’aanka kasoo bixi doona Maxkamadda ku go’aan qaadato codka aqlabiyadda, waxayna ku xirantahay dooda Soomaaliya ay keeni doonto, balse waxaa la filan karaa labo arin mid: 1. In la dhageysto dood afeedka Soomaliya iyadoo ay Kenya maqantahay sida Xeerka Maxkamadda iyo dhacdooyinka waafaqsan taas oo ah hadhaw ka dhigan in fulinta xukunka ay kasii cuslaan doonto sida la filan karay marka ay Kenya is difaacdo. 2. In Kenya la siiyo waqti kama dambays ah oo ay ku diyaar-garowdo, taas oo aanay u badnayn maadaama go’aan hore ay Maxkamadda gaartay balse aanay reebaneen dhicideeda. W/Q: Avv. Cali Sh. Aadan Yusuf “Cali Somali” Source: goobjoog.com
  13. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa maanta mar kale bilaabi doonta dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya. Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, ayaa sida qorshaysan bilaaban doona 3 p.m. ee Galabta oo Isniin ah, inkastoo Kenya ka baxday dhegaysiga kiiskan. Dowladda kenya oo marar kala duwan Maxkamadda ka codsatay in dhegaysiga dib loo dhigo, ayaa markii u dambaysay laga diiday codsigeeda, taas oo keentay in ay ka baxdo dhegaysiga dacwadda. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya aya si buuxda uga qayb-gelaysa dhegaysiga kiiska, iyadoo halkaas u dirtay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu haya dhegaysiga dacwaddan ku saabsan kiiska badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya. PUNTLAND POST The post Maxkamada ICJ oo mar kale maanta bilaabaysa dhegaysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa diiday eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan in isir sifeyn ay ka dhacday gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada dowladda ay kula dagaalameen kuwa ururka TPLF. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay inuu doonayo in ciidamada Eritrea iyo kuwa ka yimid gobolka Amxaarada ay ka baxaan Tigray laguna beddelo ciidamo amni, oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha, islamarkaana aan “gaysan doonin ficillo isir sifeyn ah.” “Eedeyntan waa mid aan haba yareetee laheyn wax sal ah, waana eedeyn been ah oo ka dhan ah dowladda Ethiopia,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia. “Intii uu socday iyo markii uu dhamaaday howlgalka hirgelinta sharciga ee Tigray ma dhicin wax lagu qeexi karo isir sifeyn ula kac ah oo ka dhan ah cid ku sugan gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso khubarada caalamiga ah ee xuquuqda aadana inay baaritaano ku sameeyaan eedeymahan. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay go’aansatay inaysan qaadin hakad ay ku sameysay kaalmada la siiyo Ethiopia ee inta badan la xiriirta qeybaha amniga, maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken uu ficillada ka socda gobolka Tigray ku qeexay isir sifeyn. Kumanaan qof ayaa ku geeriyooday, boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, waxaana gobolkan oo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof ka jira cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. Blinken, oo Khamiistii taleefon kula hadlay xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa kala xaajooday muhiimadda baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka, sida ay sheegtay Waaxad Arrimaha Dibedda. QM ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Eritrea ay hol-galayaan inta badan waqooyiga gobolka Tigray, waxaana jira warbixino sheegaya inay mas’uul ka yihiin xasuuqa ka dhacay gobolka.
  15. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri ayaa sheegay in hadal keliya aan lagu soo celin Karin xiriirka Turkiga iyo Masar. Warbaahinta Masar ayaa ka soo xigtay wasiirka in dowladda Turkiga laga doonayo in ay beddesho siyaasadeeda ku wajahan Arrimaha Masar ka hor inta aan la soo celin xiriirka labada dal. Wasiirku wuxu sheegay in hadalka ka soo yeeray Turkiga ee ku aaddan hagaajinta xiriirka labada dhinac ay ka horrayso in Turkigu wax ka beddelo hab-dhaqankiisa dhanka siyaasadda. Hadalka Wasiir Saamix Shukri ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Turkigu sheegay in la soo celinayo xiriirka iyaga iyo Masar oo go’naa tan iyo sannadkii 2013. PUNTLAND POST The post Masar oo hal shardi ku xirtay soo celinta xiriirka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  16. Laba Musharax oo iska casilay Xisbiga Kulmiye Laba Murrashax oo Xisbiga Kulmiye ka sharaxayey Gobolka Togdheer oo kala ahaa Cabdilahi Yuusuf oo Golaha Wakiilada u sharaxnaa iyo Suldaan Jaamac Golaha Deegaanka ee Burco u sharaxnaa ayaa u gudbiyey Xisbiga Kulmiye Warqada Iscasilaadooda. Xubnaha ayaa iska sharaxay Xisbiga Waddani Qaran News
  17. Bulshadda S/land oo Baadi-goobaysa Guddida COVID-19 xilli uu kusii Fidaayo Dalka Cudurkii Covid 19 ayaa si ba’an u xulay gobollada Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ay soo badanayaan tirada dadka uu xanuunku ku dhacay iyo kuwa u dhintayba oo siday sheegtay wasaaradda horumarinta Caafimaadku maanta oo kaliya fayraskaa laga helay 67 qof. Ilaa hadda ma jirto wacyigalin iyo go’aamo kasoo baxay guddidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmaday la tacaallida Caabuqa kaasi oo dadweynaha uga digaya siyaabaha cudurkani u faafo iyo sida la iskaga ilaalin karo. Suuqyada, xafiisyada iyo xarumaha ganacsi waxa lagu arkayaa dadkii oo is dhex qaadaya ama goob ku urursan iyada oo aanay gashaneyn af xidh. Dhinaca kale Waxa kale jirta dad maalin walba dalka soo gala oo ka yimaadda Soomaaliya oo fayrasku ku badan yahay iyo dalaka Yurub gaar ahaan Ingiriiska. Munaasibaddaha ay qabasanayaa Musharaxiinta ee kulminaysa kumanaanka ruux ayaa qayb ka ah faafinta xawliga ah ee Cudurka COVID-19. Guddida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmaday la tacaalidda iyo xakamaynta Cudurka waxa ay shacabka uga fadhiyaan in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinaayo bulshada ay iskugu biireen biyo yaraanta iyo Cudurka dilaag ah ee COVID-19. Qaran News
  18. Garowe (Caasimadda Online) – Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe lasoo gaarsiiyo dalka Soomaaliya, waxeyna noqoneysaa markii ugu horreysay ee la keeno iyadoo lasii iclaamiyay halka laga dajin doono. Talaalka waxaa la geyn doonaa magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxeyna noqotay goobta ugu horreysa ee tallaalka laga geyn doono Soomaaliya. Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xassan ayaa sheegay in ka badan 300,000 oo qof tallaal loogu talagalay la geyn doono Garowe. Tallaalka wuxuu haatan ku diyaarsan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana la rajeynayaa inuu Puntland soo gaaro 24-ka iyo 25-ka Maarso. Xanuunka safmarka ah e Covid-19 ayaa loo helay tallaal iyadoo uu si xun u baabi’inayo dadka dunida, hadana waddamo badan ayaa helay tallaalkiisa, Soomaaliya ayaana ka mid noqotay wadamada la geynayo tallaalka.
  19. Dowladda Cumaan ayaa sheegtay, in ay dalkeeda ka xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Clubhouse. Mas’uuliyiinta dalka Cumaan, ayaa laga soo xigtay in App-kaas uusan ogolaansho ka haysan dowladda, sidaas darteedna loo xayiray. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase yeeshee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay warbaahinta in app-ka loo xannibay ruqsad-la’aan. PUNTLAND POST The post Dowladda Cumaan oo xayiraad saartay App-ka Clubhouse appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa kulan gaar ah Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiga u Jooga Soomaaliya Mehmet Yilmaz. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeeya labada waddan. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan kulan la qaato wasiirka arrimaha gudaha soomaaliya, waxaan ka wadda hadalnay xariirka labo geesood ah iyo xoojinta iskaashiga labadda waddan.” PUNTLAND POST The post Wasiir Afrax oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  21. Luuq (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo. Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda ku weeraray Bar-control oo ay ku leeyihiin Buundada degmada Luuq-Ganaane, waxaana halkaas ka dhacday is-rasaaseyn xoog leh oo mudo saacad ku dhaw socotay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ciidamada dowladda ayaa iska caabiyey weerarkii uga yimid Al-Shabaab, waxaana dib uga laabtay degmada kooxdii soo weerartay. Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Luuq ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ay la galeen kooxdii ku soo weerartay degmadaas oo ay sheegeen inay tahay Shabaab. Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinacba, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay.
  22. The U.N. Security Council urged Somalia’s government on Friday to organize elections “without delay” in a resolution that stressed the pressing threat to the country’s security from al-Shabab and armed opposition groups. Source: Hiiraan Online
  23. Natural disasters, COVID-19 pandemic, terrorism all major challenges for Somalia, says top official Source: Hiiraan Online