Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. For months Alberta’s Muslim community has been on edge. A series of racially motivated assaults against mostly Black, Muslim women in Calgary and Edmonton has left many in the community feeling anxious and unsafe. Source: Hiiraan Online
  2. Columbus' Somali leaders push for better access to COVID-19 vaccine Source: Hiiraan Online
  3. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) handed over control of Afgoye military base to the Somali National Army (SNA) as part of plans ensure the transfer of security responsibility to Somali forces. Source: Hiiraan Online
  4. Xildhibaan ka tirsan Guurtida S/land oo ka Hadlay Halista Laydhka Xukuumaddana farriin u Diray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Ilkacase, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland,ayaa ka hadlay halista laydhka iyo khatarta uu bulshada ku hayo. Waxaanu farriin u diray Xukuumadda Somaliland oo uu u soo jeediyay in ay wax badan ka bedesho hannaanka shirkadaha laydhku u shaqeeyaan iyo sida ay dadka adeegbixiyeyaasha shirkadaha laydhku dadka ugu adeegaan iyo qiimaynta qasaaraha ka dhasha laydhka. Xildhibaanka oo ugu horrayn ka hadlayay shirkadaha alydhku kaabadaha ay isticmaalaan iyo xadhkaha laydhka ee magaalada dul mara iyo halistooda,ayaa yidhi.“Marka biyaha laga yimaado qodobka labaad ee soo raaca waa laydhka, mar xalado badan iyo culays badan ayaa laydhka laftiisu innagu hayaa, dhammaan Kaabadaha laydhku maanta ku xidhan yahay waxaa ay u badan yihiin kuwii xilligii dawladii Soomaaliya la taagay, wax dayactira oo dambe oo ay heleena ma jirto, waliba intan shirkaduhu sameeyeen mooyaane intii hore. Xadhkaha saararina waa ay daaleen maanta, waxa aynu u baahannahay in dib u qiimayn lagu sameeyo, kaabadahaas oo dhan iyo xadhkaha saaranba” Xildhibaan Ilkacase waxa uu is dul taagay dhibaatada kala duwan ee ay laydhka bulshadu kala kulanto. “Dhibaatooyin fara badan ayuu dabku xaafadaha ku hayaa, oo shacabka iyo dadka danyarta ah ku hayaa, dabkay soo daynayaan iyo guluubka xadhiga laydhka ku jiraana ismalaha, dab ka badan ayay soo daynayaan, wax allaale wixii agab yaallay guryahaasi waa ay gubtaan, cid allaale cid u magdhawda iyo cid ay u dacwoodaana ma jirto, qofka marka laydhka loo gelinayo waraaq ayaa laga saxeexa waxaana ku qoran wax alaale wixii gurigaaga soo gaadha adaa isu qaba, waana lagu wada qasbana, balse waxa loo baahan yahay in dawladdu dib u eegto waraaqaha heshiiska ay dadka la gelayaan, oo dadka danyarta ah iyo dadka adeeg bixiyeyaasha ay dawladdu u dhaxayso, oo heshiisyada ay la gaalaan dib loo eego, oo wixii dibedda kaga yimaadana waa in lagu yeesho adeeg bixiyihii, wixii guriga gudihiisa ka yimaada ee aan shoodh dibedda kaga yimid ahayn qofkuba ha qabbo.” Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.“Hase ahaate imika guryihii ayaa gubanaya, qasaaladihii ayaa gubanaya, Tv-yadii ayaa gubanaya, wax alaale wixii alaab electronic ahayd habeenkii dadkii oo hurda ayaa shoodh dibedda kaga imanaya deetana waa ay wada gubanaysa, halis ayay marka dadkii ku jiraan, guriba gubtay ayaa la odhanaya qiimayntiisa lama garanayo sababto ah waxa la odhanaya dab ayaa gubay, ma gudaha ayuu ka yimid mise guriga dibediisa ayuu ka yimid. Marka waxaa aynu u baahanahay, hay’adda tamarta waata la sameeye in la sameeyo dabagal rasmiya, taasina waa qodobka u baahan in la is dul taago oo dadka in loo dhaxeeyo, oo ay dawladdu xil iska saarto.” Qaran News
  5. Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank. Wajiga labaad ee Barnaamijka Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla. Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Salaam Somali Bank ee Afgooye ayaa ganacsatada lagu wareejiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda. Ganacsatada ka faa’ideystay maaligalinta Qardu Xasan, oo rag iyo dumar isugu jira ayaa uga mahadceliyay Salaam Somali Bank taageerada joogtada ah ay marwalba la garab taagan yihiin ganacsatada yar yar ee dalka. Sida uu sheegay maamulka Bangiga, Barnamijak Qardu Xasanka waa mid loo sameeyay in lagu dhiira-geliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda. Maal-gelintan ayaa la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho. View the full article
  6. Laba garab oo ka tirsan kooxda Daacish, ayaa Jimcihii ku dagaallamay buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Amniga ah. In ka badan lix xubnood oo ka tirsan labada garab ee Daacish, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaas oo duhurnimadii shalay ka dhacay dhul buuraley ah qiyaastii 40KM u jirta degaanka Dhaadaar. Loollan adag uu ku salaysan dhanka awoodda ayaa ka dhex aloosan malayshiyaadka, oo u kala jabay laba garab, islamarkaana ku muransan cidda beddeli doonta hoggaamiyaha Kooxda Cabdulqaadir Mu’min, kaas oo la il-daran xanuunka loo yaqaan Macaanka. Loollanka iyo khilaafka soo jiitamayay ee sannadihii u dambeeyay ka dhex jiray Daacish ayaa sababay dagaallo kala duwan oo labada garab ee kooxda ku dhexmaray buuraleyda Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo kooxda Daacish ku dhexmaray buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo badan oo ku gadaaman xaaladda dalka gaar ahaan doorashada. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad aad u adag kadib markii shirar looga hadli arrimaha doorashooyinka ay qabsoomi waayeen, kadib markii dhinacyada is-haya ay isku xireen shuruudo, qaarna ay qaadaan tallaabooyin ay ku carqaladeynayaan. Jabriil ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo uu la qaatay beesha caalamka, madaxda maamul goboleedyada yimid magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loo xaqiijiyo hiigsiga dowladnimo. Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle waxaa uu si dareen leh uga hadlay arrinta walaaca laga qabo ee doorashooyinka, wuxuuna ka digay in halis loogu jaro in talada ay ka baxdo gacan Soomaaliyeed. “Haddii aan xal la helin, oo aan arrintan xal laga gaarin, arrinta doorashooyinka, waxay keeni doontaa, in awooddii aan heshiis ku gaari laheyn, ama awooddii aan dalkeeni annaga hoggaan ugu noqon laheyn ay cid shisheeye gacanta u gasho,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle. Waxaa uu ku taliyay in aan lagu kala tagin shirka Muqdisho ka furan ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo habsami u socodkiisa shaki wayn laga muujinayo. Waxa uu ugu baaqay in madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe inay u tanaasulaan danta guud oo ay qaataan go’aan waddo wanaagsan u xaaraya dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in afartii sanaba mar ay muhiim tahay inay dalka ay doorasho ka dhacdo, taasi oo mar walba jiheysa dowladnimada dalka. Musharax Jabriil waxaa uu soo jeediyay in hadii la isku fahmi waayo qodobada la isku-haaya in loo weecdo dhanka dhaqanka, taasi oo aheyd xal soo jireen ah oo Soomaalidu ku dhaqmi jiray Hoos ka daawo Jabriil
  8. Dowladda Kenya oo sheegtay iney tarxiili doonto Soomaalida ku nool dalkeeda Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay iney dalkeeda kasoo tarxiili doonto Soomaalida ku nool gaar ahaan kuwa aanan haysan sharciga dalka Kenya. Waxay sidoo kale sheegtay dowladda Kenya iney si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakisan yahay argagixisada kuwaas oo aay sheegtay iney kala wareegi doonto hantidooda. Hadalkan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa imaanaya xili maalin ka hor ayay aheyd markii Kenya aay ku dhawaaqday iney xereyso dhamaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkeeda oo aay Hay’adda UNHCR aay u qabatay muddo 14 cisho iney ku xirto xeryahaasi oo aay ku nool yihiin boqolaal Soomaali ah. Isku soo wada duuduubo arrimahan Kenya aay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkeeda ayaa imaanaya xili Kenya aay ku guul dareysatay ka qeybgalka dhageysiga kiiskii Dacwada Badda Soomaaliya ee murunka galisay dowladda Kenya. Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujinaya khilaafka cirga isku sii shareeraya ee ka dhaxeeya dowladaha kenya iyo Soomaaliya. Qaran News
  9. Maxaad ka taqaanna luuqadaha tarjumaadooda loo taag waayey? Dunida waxaa ka jira in ka badan toddobo kun oo luqadood, kuwaas oo afar kun oo ka mid ah la qoro. Balse 100 luqadood oo keli ah ayaa la tarjumi karaa iyadoo la adeegsanayo aaladaha ama mashiinnada tarjumaadda sida Google Translate. Waqti xaadirkanna waxaa socda cilmi-baaris cusub oo ididiilo wanaagsan leh oo naga caawin doonta inaan luuqado badan ku wada xiriirno. Kaba soo qaad waxaa ku soo gaartay farriin ama macluumaad gacan ka geysanaya badbaadinta qof noolashii, balse mushkiladdu waxay tahay inaad hal erey ka fahmin farriinta ku soo gaartay waxaana taa ka sii daran kumannaanka luuqadood ee dunida ka jira inaad wax badan ka aqoon, farriinta qoraalka ah fahankeedna daa, haddaba maxaad sameyneysaa? Haddii farriinta ku soo gaartay ay ku qoran tahay luuqadda Faransiis ama Spanish adiguna afafkaasi aadan garaneyn waxaa taa xal u noqonaya mashiinta luuqadaha tarjunto oo aad farriinti ku soo gaartay ku qortid markiba waxaad heleysaa tarjumaaddi oo Ingiriisi ah ama luuqadda aad garaneyso. Balse weli waxaa jira luuqado aad u badan oo dunida looga hadlo oo aan loo heleyn mashiinno tarjumo oo ay malaayiin qof oo dunidan ku noolna ay ku hadlaan sida luuqadaha Wolof, Luganda, Twi iyo Ewi oo waddama qaaradda Afrika ka mid ah looga hadlo. Taasoo uga wacan Algorithm-ka ay ku tiirsan yihiin nidaamka ay mashiinada wax tarjumo ku shaqeeyaan. Luuqadaha Tarjumaadooda sida aadka ah dunida looga adeegsado waxaa ka mid ah luuqadaha Ingiriisiga, Faransiiska iyo Spanish. Barlamaanka Canada, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub sanad walba waxay soo saaraan dokumantiyo aad u badan. Midowga Yurub oo keli ah 10-ki sano ee la soo dhaafay in ka badan 1.37 balyan oo erey ayey ku tarjumeen 23 luuqadood. Luuqadaha qaarkoodna wey adagtahaya in tarjumid sax ah loo helo maadaamaa ay baahsan yihiin waana sababaha luuqadaha noocaasi ah loogu yeero luuqadaha faraca yar. Halka mashiinta ‘Google Translation’ ee la wada garanayo ay dadku u saamaxdo iney ku wada xiriiraan 108 luuqadood, barnaamijka kale ee tarjumaadda ay Microsoft sameysayna waxay suuragelisay 70 luuqadooda in lagu wada xiriiro. Balse afafka dunida looga hadlo oo kor u dhaafaya 7,000, 4,000 oo afafkaasi ka mdi ah ayaa la qoraa. Qaramada midoobay sanad weliba waxay adeegsataa tarjumaadda lqoraallo aad u badan “Inta badan dadku waxay xiiseeyaan iney fahaamaan macluumaadka adduunka, waxaana si kordheysa baahida loo qabo helitaanka xogaha aan ku qorneyn luuqadda Ingiriiska” ayuu yiri Car Rubino oo ka mid ah cilmi baadhayaasha cilm-baadhista cusub ku howlan. “Wakhti dheer ayeyna qaadaneysaa in dadka wax tarjumo tababarro la siiyo ama khubarada la baro luuqadaha cusub oo tarjumaaddooda loo baahan yahay in la hormariyo, tusaala ahaan dalka Nigeria oo keli ah waxaa looga hadlaa in ka badan 500 oo luuqadood” ayuu yiri. Kooxda khubarada ee waddo cilmi-barista luuqadaha kala duwan sidi loogu heli lahaa mashiinno tarjumo waxay xoogga saareen siddeed luuqadood oo ay ka mid yihii Soomaaliga, Kiswahili, Tagalog iyo Kazak. Mashiinnada wax tarjuma ayaa qofka ka caawin kara inuu macluumaad helo marka aan la heli karin qof wax u tarjuma Khubaraduna waxay si buuxda ugu guuleysteen xoga qoraal ama cod ah oo ku saabsan afafka ay cilmi-baaristooda xoogga ku saarayeen iyaga oo xogahaasi ka helayey Internet-ka, qoraallada bogagga kala duwan la soo dhigo iyo muqaallada afafkaasi ku duuban oo la baahiyo. Xogahaasi oo dhan waxay khubaradu ka heleen internetka waxayna u mahadcelinayan dadka internet-ka isticmaala oo daafaha dunida ku nool oo qoraallada afkooda hooyo ku soo bandhiga. “Haddi aad rabtid xog ku saabsan Af-Soomaaliga waxaad internet-ka ka heleysaa boqollaal malyan oo erey, ayuu yiri Scott Millerm oo ah Saaynisyahan dhinaca Koombiyuuutarrada ah oo ka tirsan jaamacadda Southern California oo cilmi-baadhista qayb ka ah. . Kooxaha khubaradu waxay soo saareen nidaam suuragelinaya halki mar inuu luuqado badan la raadiyo waxayna hagaajiyeen waxtarkooda iyagoo ku daray luuqado cusub “Qalabkan tikniyoolajiyaddu waxay wax ka beddelayaan qaababka falanqeeyayaashu ay xogta uga soo ururiyaan qoraallada ku qoran afafka qalaad, maadaama ay u oggolaan doonaan falanqeeyayaasha ku hadla afka Ingiriiska oo keliya inay falanqeeyaan xog aysan markii hore awood u lahayn inay akhriyaan ama fahmaan,” ayuu yiri Rubino. Dadka ku hadla luuqadaha aan aadka u kobcin aanna haysan dhaqaale ay luuqaddooda ku hormariyaan ayaa iyaguna ka qaybqaata mashruucan, maadaama ay u baahan yihiin macluumaad muhiim ah oo lagu qoro afafka qalaad, oo aan loogu talo gelin basaasnimo, laakiin gacan ka siiyo tayada nolal maalmeedka. Howsha cilmi-baarista waxa iyaguna qayb ka ah xubno ka soo kala jeeda bulshooyinka Afrika si ay u soo uruuriyaan macluumaadka la xiriira afafka Afrika looga hadlo sida Ayo, Fon, Tuy iyo Luiganda. Haddaba khubarada cilmi-baarista luuqadaha kala duwan mashiinno tarjumi karo sidi loogu soo saari lahaa ka shaqeynaya waxay ku rajo weyn yihiin iney imaaneyso maalin aan dhammaanteen heleyno mashiinno afaf kala duwan noo tarjumi karo iyada oo hal badhan oo keli ah la taabanayo. Balse hadda haddii aad rabto inaad fahanto mid ka mid ah qoraallada luuqadaha aan badankood tarjumaaddooda la helin waxa keli ah ee kuu suuragelin kara waxay tahay inaad afkaasi barato adiga oo ka mid noqonaya bulshooyinka afkaasi ku hadlo si aad uga barato si loo diyaariyo aaladaha mashiinnada tarjumaadda iyo farsamooyinka la xiriira. Qaran News
  10. Boqortooyada UK, ayaa si adag uga hadashay muranka ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, ee ka dhex taagan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Ingiriisku waxay ugu baaqday hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya, in ay isu’gu yimaadaan shir deg deg ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo waafaqsan Heshiiskii 17-kii September ee Muqdisho iyo Isfahamkii 16-kii February lagu gaaray magaalada Baydhaba. Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay in aysan marnaba taageeri doonin doorasho hal dhinac ah, mid isbarbar socota iyo mudda kordhin loo sameeyo Golayaasha dowladda Federaalka ee haatan jira. Warka ka soo baxay UK ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor uga digtay Beesha Caalamka in ay fara-gelin ku sameeyaan Arrimaha doorashooyinka dalka, kadib markii ay qoraallo kulul soo saareen qaar kamid ah safiirada Shisheeye. PUNTLANDPOST The post Dowladda Ingiriiska oo si adag ula hadashay Hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Maxkamadda derejada kowaad ee Gobolka Gardafuu (Puntland), ayaa xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Puntland. Doonyaha oo saddex ahaa, ayaa laba kamid ah lagu riday ganaax lacageed, kadib markii lagu helay kalluumaysi sharci-darro ah, halka tan saddexaadna wax danbi ah lagu waayay ,islamarkaana dib loo fasaxay. Labada doonyood oo kala ah: Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa tan kowaad lagu ganaaxay $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar. Doonta saddexaad oo lagu magacaabo Al-Hilaal ayaa wax danbi ah lagu waayay. Sidoo kale, kalluunka saaran doonyaha Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa maxkamaddu xukuntay in dowladdu la wareegto maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay kallunkaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukunno ku riday doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.
  12. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu goor dhowayd ka dhacay qarax xooggan oo khasaare kala duwan gaystay. Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari nooca loo yaqaan Qooqanta ah oo marayay nawaaxiga Hoteelka lagu magacaabo Oriental sida laga soo xigtay goobjoogaal ku sugan aagga Hoteelkaas. Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaan weli faahfaahin laga helin balse sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan oo qaraxaas gaarsiiyay gaariga lala eegtay. Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha cusub ee UK, Kate Foster oo dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ka guddoomay waraaqaha danjirinimo. Kulankaan oo ka qabsoomay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada amni ee dalka iyo dhismaha dowladnimada oo hormuud u yihiin hay’addaha nabad-gelyada. Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya, gaar ahaan mida ciidamada oo ay kamid taha dalalka sida weyn u taageera dhismaha dowladdnimada Soomaaliya. Labada mas’uul ay intii uu socday kulankaas waxay isku dhaafsadeen hadalo warbixin ah, iyadoo danjiraha uu bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya. Talie Xijaar ayaa dowladda UK uga mahad-celiyay taageerada ballaadhan ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan garab istaaga joogtada ah ee ciidamada booliiska, isagoona ka dalbaday dar-dar gelinta taageerada ciidamada. UK ayaa waxay kamid tahay dowladaha taageero maaliyadeed oo badan ku bixisa dowladda federaalka dib u dhiskeeda, midaasi oo ay muhiimsan tahay Hay’adaha nabad-geliyada oo booliisku ugu horeeyo.
  14. Qormo ku saabsan: Siyaasadda Soomaaliya iyo Duruufaha ku xeeran Sida Aqoonyahanada cilmiga siyaasada ku xeel dheeri ku macneeyeen siyaasadu waxa ay tahay waa Iskaashi iyo isku haynta fikradaha kala duwan, rabitaanka kaladuwan, tartamayaal kala duwan. siyaasadu waxa kala ay tahay mabaadii aas aasi ah oo dowladi ku dhaqanto ama raacdo si ay u gaadho yoolkeeda mustaqbalka isla markaasna ay ku maamusho dadka iyo dalka ay xukumeyso si ay u gaadhaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal fiican. Dadka Soomaaliyeed hadaad waydiiso waa maxay siyaasad? Iyo waxa ay ka aamin sanyihiin? Dadka badankiisa waxa ay kuu sheegayaan siyaasaddu in ay tahay ‘been oo kale’ oo ku hareeraysan sawir dhibaato, khalkhal galin, rabshado, khiyaano, wax is daba marinta, muran, iyo toogonimo. Hadaba, siyaasadu waxa leedahay micno balaadhan waa waxqabadka iyo hagaha ay dadku ku meel maraan waxna ku badalaan iyagoo umaraya xeerarka iyo qawaaninta u dajisan. Siyaasaddu waa cilmi labarto balse dad yar ayaa siyaasadda ku soo gala bilaa fikir gaar ahaan Soomaaliya waa ka duwantahay oo dadka siyaasiyiinta badankooda iyagoon siyaasadda aqoon iyo fikir fiican ka haysan ayay siyaasadda soo galaan. Waana sababta siyaasiyiinta soomaaliyeed badankooda ay siyaasada ugu fashilmeen. Hadaan is dultaago fashilka haysta siyaasadda Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waa dad fiican oo leh dal fiican oo hodan ah illaahayna siiyay khayraad badan oo ay kamid yihiin; laba wabi, laba badood, dhul balaadhan oo beerashada ku fiican, macdan badan, shidaal, hawada marinka diyaarada oo balaadhan, kaluun badan, xoolaha sadaxda nooc gaar ahaan geela u badan caalamka, hawo fiican, dadka oo Muslim ah 100% iyo meel Istaraatiiji ah ku yaala. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa nimco walbo nusqaanteeda leh. Inagoo waxaas oo nimco ah haysano haddana waxa mudo dheer shacabka Soomaaliyeed la daalaa dhacayeen dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin; abaaro, daadad, cuduro, dagaalo sokeeye, qabyaalad, waxbarasho la’aan, dhaqaalo xumo, qaxooti, iyo mida ugu weyn oo waxaas dhibaato ah sababtay oo ah siyaasi iyo siyaasad xun oo aan u arko dhibaatooyinkaas oo dhan in uu sababta u badan leeyahay. Siyaasiyiinta soomaaliyeed oo badankooda aqoon iyo khibrad siyaasadeed lahayn oo salaanka siyaasada ku soo galay 4.5, tan iyo markii uu dalku bur buray waxa soo baxay kumaakun siyaasi soomaaliyeed. Tiradooda iyo waxa ay qabteen haddii la is barbar dhigo waxaa badan tiradooda waana wax laga naxo. Goobaha dadku ku kulmaan waxaad ku arkaysaa Ex Wasiir hore, xildhibaan hore, madaxwyne hore, Agaasime hore iyo wax lamida, iyaga oo ku faanayo masooliyadahoodii hore (title) ay soo qabteen iyo anagaa ka fiicnayn kuwan imika. War dhafoor ayuu ku yaalaa ayay Soomaalidu tidhaahdaa, balse hadaad indha caafimaad qabo ku eegtid taariikhdoona iyo waxa ay soo qabteen iyo fursadaha iyo xoolaha umadda ay qasaariyeen waxa aad is odhanaysaa armay u qurux badantahay in ay is qariyaan oo ayna ku faafin fursadaha ay shacabka ka qasaariyeen. Maxaa yeelay hadday waxbadan soo qabteen waxa ay ka muuqan lahayd dalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo wali la daalaa dhacayo dhibaatooyin badan oo sababay siyaasi xumo iyo dowlad la’aan. Iyada oo ay jiraan siyaasiyiin fiican hadana inta badan siyaasiga Soomaaliyeed waa mid u soo qaraab taga sidii uu xoola uga tabcan lahaa isagoo meel iska dhigay ama is illowsiinayo dhaartii uu dhaartay, diinteena, dhaqankeena iyo masuuliyada uu u qaaday in uu u adeego shacabka masaakiinta ee la daalaa dhacayo. Iska daa in uu wax u qabto shacabka ee qaarkood dhibta ayay ku sii badiyaan oo ay marar badan isku dayaan ama ku soo noqdaan mansabyo siyaasadeed iyagoo leh shacabka wax u qabanaynaa, oo kasii daranee tiro taageerayaal ah wata. Siyaasiyiinta doorashada isku haysta ee khilaafku ka dhaxeeya iyagana hal mid ayaan u soo jeedinayaa. Walaalayaal waxaad u soo ban baxdeen oo rabtaan in aad dalkan iyo dadkan aad wax u qabataan idinkoo isku arko in aad tihiin dadkii ku haboonaa in ay dalkan hogaamiyaan, hal dhinacna waa u wada jeedaaan oo ah in doorasho dhacdo, waxaana hubaa in aad saaxiiba soo ahaydayn, tihiin, mustaqbalkana noqon doontaan. Dhinacyada khilaafka ka dhaxeeyo waxaan u soo jeedinayaa dulqaadka, tanaasulka iyo wada hadalka hala joogteeyo hana la badiyo, is maquuninta hala joojiyo dhinacba dhinaca kale uu rabo in 100% ka guulaysto (dominant). dhinac kasta ama qof kasta waxa uuna jeclayn in lagu sameeyo ama loola yimaado yaanan la isku samayn la iskuna dayin. Xukunka Allah ayaa bixiya ha isku muuqanina, danihiina yayna idiin muuqan ee mar walba ka eega danta shacabka iyo dalka. Dagaalka idinka dhaxeeyo yaanuu noqon mid wadan shisheeye aad kula jirtaan oo kale sida Kenya oo badeena damacday oo kale oo aad la dagaalamaysaan, cidiyaha ha ku dagaalamina ee khilaafka idinka dhaxeeya waa mid walaaltinimo kuna eega indho wadan jacayl is qanciya wada hadalna ku dhameeya arinta, taas ayay danta guud iyo mida gaarka ahba ku jirtaa. Dhinaca saxaafada iyo dadka baraha bulshada isticmaalo(social media) waxaan u soo jeedinayaa garabyada is haya ha ku kala taageerina dana gaara iyo mid qabiil, hana isku soofaynina, Allah ka cabsada oo arinta hala isku soo dhaweeyo suluxna halaga shaqeeyo yaanan la isku sii hurin siyaasiyiinta. taas ayaa danteena iyo danta qarankaba ku jirtaa.Dowladihii soomaray Soomaaliya haba yaraatee wax way qabteen, wax badana waa ay dhimanyihiin oo fari kama qodna. Dadka wanaagsan ee waxbartay waxaan u soo jeedinayaa in ay dalkan iyo dadkiisa usoo qalab xidhaan sidii ay u bad baadin lahaayeen oo ay siyaasada soo galaan. Gaar ahaan dhalinyarada wax baratay waa in ay dalkooda nafta iyo waqtigaba u huraan(sacrifice) iyagoo kudayana dhalinyaradii hore ee SYL. Siyaasiga xuna waxaan u soo jeedinayaa aakhiradaada, shacabkaaga iyo naftaada u tur xoolo umadeed waa qaaxo kugu maqan. waxa jira wadamo badan oo caalami ah iyo kuwa jaarka ah oo Soomaaliya dano kale waana in lala yimaadaa siyaasad arimo dibadeed oo ku fadhido ugu yaraan 30 sano ee soo socda isla markaana la is waafajiyaan danaha soomaaliya iyo danaha iyo xidhiidhka ay naga leeyihiin wadamada caalamka. Waxa aan ku soo gaba gabaynayaa qoraalkayga waa in lakala horaysiiyaa baahiyaha Soomaliya ee waqtigan taagan (priorities) sida dib u heshiisiinta, soo celinta kalsoonida shacabka, nabadgalyada, dowlad dhisida, dastuurka iyo dimuqraadiyada. WABILLAAHI TOWFIIQ Qore: Sayid Abdullahi Email: ab.hersi19@gmail.com Mogadishu, Soomaaliya Qaran News
  15. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey ee Soomaaliya uu kusii jeedo Magaalada Adis Ababa halkasoo ay ku sugu foonaan Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea. Hogaamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea Abiy Ahmed Iyo saias Afwerki ayaa Todobaadka soo socda waxay ku balansan yihiin Adis ababa, Kulankasoo Madaxweyne Farmaajo lagu casumay. Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegay in labadaan Masuul ay ka walwalsan yihiin in Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya in Isbadal deg dega ku yimaado. Macada sababta Adis Ababa ay ugu yeereen Madaxweynaha Soomaaliya ee Xilkiisu dhamaadey, Waxaan iyana ilaa hada cadey Dharciyada Madaxweyne Farmaajo oo Walhtigiisu dhamaadey inuu Dalka ka duuli karo iyo in kale, Puntlandi.com Nairobi The post Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa looga yeeray appeared first on . Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki weyn ayaa ka dhashay kulan maalinta berri ah loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay. Kulanka loogu yeeray xildhibaanada ayaa la sheegay in looga hadli doona xaaladda cudurka COVID-19, ayada oo uu shir guddoomin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Si kastaba, xildhibaanada qaar ayaa durba billaabay inay isla dhex-maraan in COVID-19 lagu dhex qarin rabo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, gaar ahaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo. Xildhibaanada qaar ayaa wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin ayna ka xigaan gacan ka hadal in muddo kordhin sharciga ka baxsan loo sameeyo hay’adaha waqtigoodu dhammaaday. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno!” Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. QM ayaa isla maalinkii xigay ka digtay isku daygan ayada oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in beesha caalamka aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin. Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore.” Haddii Mursal, oo xulufo la ah Farmaajo, uu ku dhaqaaqo tallaabadan waxay noqon doontaa is-miidaamin siyaasadeed oo qalalaase xooggan gelisa dalka.
  17. Caawa waxaa kulan ku balansanaa Madasha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Galmudug Mudane Axmed Qoorqoor iyo Mudane Cali Guudlaawe laakiin kulankaas wuu baaqdey, daqiiqadihii u dambeeyay xiligii la balansanaa ayay Madaxweynayaashii la casumay ay sheegeen ineysan imaan karin kulanka. Kadib waxaa la ogaadey in Madaxweyne Farmaajo uu Casho u sameeyay Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe Cashadaasoo lagusoo aadiyay saacadii ay la balan sanaayeen Madasha Musharixiinta. Maalmahaan waxaa Muqdisho kusoo batay Isbaarooyinka uu Madaxweyne Farmaajo u dhiganayo kulamada Siyaasada. Bishaan bilowgeedii ayaa Beesha Caalamku ku dhawaaqdey inay shir isugu keenayso Madaxda Soomaaliya Shirkasoo loo diyaariyey Teendhada Afisyooni, qabanqaabadii Shirka oo meeshii u dambaysa maraysa ayaa Madaxweyne Farmaajo uu isbaaro u dhigtay Shirkii. Waxaa xigay Kulankii 5 Madaxweyne ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Jubbaland oo shalay duhuradii ka dhici lahaa Xalane, Kulankasoo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Caalamku, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulankaaana isku dayay inuu isbaaro u dhigto, Laakiin Dagaal culus oo Beesha Caalamku la gashay kadib Isbaaradaas waa laga burburiyay Madaxwwynaha, shirkiina aakhirkii Xalay ayuu dhacay, inkastoo uu Madaxweynu warqad kadaba tuuray, uu leeyahay Madaxweyne Qoorqoor, Madaxweyne Guudlaawe iyo Madaxweyne Laftagareen Ergo ahaan Ayaan ugu diray Deni iyo Madoobe si ay ugasoo dhaadhiciyaan kasoo qaybgalka Shirka ka socda Afisyooni, Caawa xaaladu waxay maraysaa inuu Madaxweyne Farmaajo uu isbaaro u dhigto kulankii Madasha Musharixiintu ay ku casumeen Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo isbaaro u dhigtay kulankii ay caawa ku balansanaayeen Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele appeared first on . Source
  18. Gudoomiyaha Baarlamaanka Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Mursal ayaa maanta Fariin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed wuxuuna faray in beri oo sabti ah 27/3,2021 ay Xildhibaanadu isugu yimaadaan Kulan aan caadiyan ahayn oo looga hadlayo Xanuunka faafa ee Covid19. Siyaasiyiin dhowra oo aan waxka waydiinay kulankaan waxay shaki ka muujiyeen Kulanka iyo Ajandihiisa qarsoon ee ku hoos jira. Warar kala duwan waxay sheegayaan in kulankaan uu Gudoomiye Mursal isugu yeeray Xildhibaanada uu yahay mid mudo kororsi loogu samaynayo Xukuumada Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa maalin ka hor ka digtay in lagu fakaro mudo kordhin iyo isfeeryaac Siyasadeed. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa ku qarsoon Kulanka Bari oo Sabtida uu Xildhibaanada isugu Yarey Gudoomiye Mursal appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday shir lagu waday in caawa yeeshaan Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo Midowga Musharaxiinta, kadib faro-gelin ka timid madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shirka caawa ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf caawa lagu qabanayo Villa Somalia oo goor dambe oo maanta ah ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ay xulufo dhow yihiin, kadib markii la ogaaday kulanka Midowga Musharaxiinta. Ma cadda sababta Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen kulan ay imaatinkiisa ballan-qaadeen, hase yeeshee xildhibaano ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan laheyn xorriyad, oo saacad kasta oo looga yeero Villa Somalia ay ku qasban yihiin inay tagaan. Waa markii labaad ee laba maalmood gudahood ah ay faro-gelin ka timid Farmaajo wax ka beddeshay qorshaha madaxweyne goboleedyada taabacsan, kadib markii sidoo kale uu shalay xilli ay la ballansanaayeen beesha caalamka iyo Axmed Madoobe iyo Deni uga yeeray Afisyoone. Farmaajo ayaa kadib u sheegay Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay la kulmi karaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, balse aysan beesha caalamka goobjoog ka noqon karin, taasi oo ay aqbaleen lana kulmeen xalay xilli dambe. Dhanka kale, waxaa caawa la filayaa in uu qabsoomo shir u dhaxeeya Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, kadib cashada Villa Somalia, wuxuuna qeyb ka noqonaya shir docoodyada loogu gogol xaarayo is-faham ay shanta madaxweyne goboleed ka gaaran doorashada.
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-2632021.mp3 View the full article
  21. Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa Xalay u bilowdey Kulan loogu gogol xaarayo Ajandaha Shirka Watashiga Dooradhada ee ka furmi doona Afisyooni. Kulankii Xalay waxaa looga dooday Qodobada hortaagan Heshiiskii 17 Sebtembar qaabka looga dhigi karo Ajandaha Shirka, waxayna Madaxdu ay durba iska ilaaween wixii khilaaf ah ama lakala tabanayo, taasna Way isla garteen iyagoo ku balamay in la iska ilaaliyo Waxwalba oo horseedi kara khilaaf. Madaxda Maamul Goboleedyadu waxay Xalay muujiyeen inay ka go’antahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho heshiis lagu wada yahay. Kulanka Xalay oo bilow ahaa waxaa la isugusoo laabanayaa Sabtida. Saameynta Madaxweyne Farmaajo ee kulankaan Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey kuma qanacsanayn Shirka, wuxuuna shalay isku dayay inuu horb staago Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, laakiin Beesha Caalamka ayaa sigaara u cadaadisay xubnahaan si ay Shirka u yimaadaan, Wayna aqbaleen, Aqbalaadaas ka dib Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbadey in Shirka laga dhigo Jamcada (maanta ahayd) Laguna qabto Teendhada Afisyooni, inkastoo Beesha Caalamku ay dalabkaas soo dhaweeyeen hadana waxaa diidey Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ku adkeystay in kulanku uu ka dhaco meeshii loo qorsheeyay oo ahayd Hoolka Hotel ku yaal Garoonka diyaaradaha, saas ayayna noqotay aakhirkii, Madaxweyne Farmaajo mar Sadexaad ayuu isku dey sameeyey wuxuuna Dalbadey in Laba Wasiir oo isaga matalaya ay Shirka ka qayb noqdaan, Taasna intaan Deni iyo Axmed Madoobe la gaarin waxaa is hortaagay oo diiday Beesha Caalamka iyagoo ku adkeystay in kulanku uu dhexmarayo oo qura Shantaan Madaxweyne. Madaxweyne Farmaajo ma harin oo markay Sadexdii Madaxweyne ay u dhaqaaqeen dhankaas iyo Xalane wuxuu kasoo daba tuuray warqad uu leeyahay sidaan “ Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug Ayaan u direy Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ay ugu soo qanciyaan inay kasoo qaybgalayaan Shirka ka socda Afisyooni”. isjiidjiidkaan ayaa keenay in Xalay uu Shirku bilowdo, qorshuhu wuxuu ahaa in uu Shirku bilowdo maalinimadii shalay ahayd. halkaas ayuu xaalku marayaa hada. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxda Maamul Goboleedyada oo Shirkoodu sii socon doona beri oo sabti ah appeared first on . Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku taageerayso hanjabaadii ay dhawaan dowladda federaalka u dirtay dalalka beesha caalamka ee inta badan sida adag uga hadla xaalada dalka, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada. Shiinaha ayaa sheegay inuu dhowrayo madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana uu taageerayo horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka, sida lagu baahiyay barta twitter-ka ee Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya. “China waxay ixtiraameysaa madax-banaanida Soomaaliya, madax-banaanida dhuleed, xoriyadda iyo sharafta siyaasadeed, waxayna si adag u taageerayaa nabadda, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, waxayna ilaalineysaa mabda’a ah ‘Milkiyad Soomaaliyeed iyo Hoggaan Soomaaliyeed’,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha. China respects Somalia’s sovereignty, territorial integrity, political independence and dignity, firmly supports Somalia’s peace, development and prosperity, upholds the principle of “Somali Ownership, Somali leadership”.#Somalia — Chinese Embassy in Somalia (@ChineseSomalia) March 25, 2021 Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo muujinaysa la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka. “Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii DFS ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye,” ayaa lagu yiri warbaahinta dowladda federaalka oo si weyn u baahineysa qoraalka Shiinaha. Dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba ka aamusi jirtay fariimaha ay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay soo saaran, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay u badnaa hanjabaado iyo canaan toos ugu socota Villa Somalia iyo madax goboleedyada, oo la xiriirta xal ka gaarista khilaafka doorashada. Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan mareysa marxalad xasaasiya, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana uusan jirin heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hanaanka doorashada. Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa, xili ay beesha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, midaasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madaxda is-khilaafsan, taasi oo uusan dooneyn.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee xalay uga furmay Airport Hotel ee xarunta Xalane ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad iyo isu soo dhawaansho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Shirka ayaa marka hore ku billowday is-eedeyn iyo dood kulul, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay eedeeyeen saddex madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo, kana dalbadeen inay qaataan kaalintooda hoggaan oo aysan noqon kuwa wax kasta loo meeriyo. Dhanka kale, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa iska difaacay eedeymahaas ayaga oo Deni iyo Axmed Madoobe ku eedeeyey in caqabadda ay dhankooda ka imaneyso, oo mar kasta oo xalku dhow yahay ay la imanayaan shuruudo cusub. Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah ajendaha shirka, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay caddeeyeen inaysan dooneyn in Farmaajo uu shirka guddoomiyo, maadaama sida ay sheegeen uu muddo xileedkiisu idlaada, islamarkaana uusan haysan maqam madaxweyne. Axmed Madoobe iyo Deni waxay sidoo kale caddeeyeen inay doonayaan daamanadda beesha caalamka, ayaga oo ku dooday inaysan aamini karin Farmaajo. Ilo-wareedyo ka ag dhow dhinacyadaas ayaa sheegay markii dambe la isku soo dhowaaday la iskuna fahmay laguna ballamay shirar kale oo kan ugu horreeya ay berri subax iskugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxdo shirarkooda. Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen mar kale ay isbeddelaan marka ay ku laabtaan Farmaajo, sida horey looga bartay. Shirkaa oo u gaar ahaa shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii shalay galab la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.