Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa lagu soo dhaweeyay deegaano ka tirsan gobolka sool Yaasiin Faratoon, ayaa u tartamaya musharaxnimada golaha wakiilada somaliland Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa iska casilay xilka uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa dadaal iyo olole kula jira booska uu is-casilay ee arrimaha dibadda Somaliland, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo aanu helnay. Wasiir Koore Iyo Faratoon, ayaa lagu soo dhaweeyay deegaanadda Guumays, Yeyle Iyo Goljanno oo ka tirsan gobolka Sool. Yaasiin Xaaji Maxamuud, ayaa xukuumadu ku wadaa inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiiladda somaliland balse waxa tartan xooggan kula jira labo musharax oo isku hayb yihiin kuwaas oo kala ah musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Prof. Abyan Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga WADDANI Source
  2. Sida wararku ay sheegayaan waxaa hakad uu ku yimid wadahadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling ee Kooxda Manchester City. Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay in wadahadalladii heshiis kordhinta Raheem Sterling iyo Kooxdiisa Manchester City ay hakad galeen. Hakadka ku yimid wadhadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling iyo kooxdiisa reer England ayaa lagu sababeeyey labo arrin oo ay tan koowaad tahay inay xiddiga asal ahaan ka soo jeeda Jamaica ay labo waddo kala raaceen wakiilkiisii. Garabka xulka qaranka England ayaa isaguna doonaya in sare loo qaado mushaharkiisa haatan uu ka qaato Kooxda Man City oo la gaarsiiyo todobaadkii 320,000 oo gini si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub oo shan sanadood ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Etihad. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga arrinsanayo khilaafka hareeyey hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2021. Wararka laga helayo xerada Xalane ayaa ku warramaya in goor dhow shir u dhexeeya madax goboleedyada iyo gudoomiyaha Aqalka Sare uu ka furmay hotel ku yaalla garoonka Aadan Cadde. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Cabdi Xaashi oo dhinac ah. Ilo ku dhow kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saarayo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka iyo tabashada uu qabo guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadda hoggan u ah Madasha Bad-baado Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya kulankani uu sidoo kale gogol xaar u yahay shirka arrimaha doorashooyin ee loo dhan yahay ee dowladda iyo dowla goboleedyada, iyaga oo wada-hadlayo dejinta ajenda la’isla ogol yahay oo looga hadlo shirweynahaasi. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kulamadii ay yeeshaan madax goboleedyada laga gaaray is-fgarad horudhac ah oo ku aadan in lasii wado wada-hadallada socda.
  4. Allaah U naxariisto waxaa magaaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen Ismaacil Axmed Ismaacil. Generaalka ayaa waxa uu mudda dheer ka mid ahaa ciidamadii Booliska Soomaaliya iyo ciidamadii Asluubta dalka, isagoo soo noqday Taliyihii ugu horeyay ee Ciidamada Asluubta . Hoos Ka Akhriso Taariikhda Gen Ismaacil Axmed Ismaaciil General Ismaaciil Axmed ismaaciil waxa uu ku dhashay Gobolka Sanaag Magaalada Ceerigaabo Sanadii 1936-kii isla magaalada ceerigaabo ku barbaaray ka dibna waxaa loo ka xeeyay Dalka Yaman Gaar ahaan Magaalada Cadan, halkaas oo Waxbarashada aasaasiga iyo tan dugsiga saraba wuxuu ka qaatay magaalada cadan Sanadihii 1948-kii ilaa iyo 1956kii. Sanadii 1957-kii wuxuu ku biiray Ciidamadii Booliska Yaman ee uu Ingiriisku maamulayay, Sanadii 1958-kii waxaa tababar loogu qaaday dalka ingiriiska waxa uu soo bartay culuunta ka duwan ee ciidamada booliska markii uu ku soo laabtay dalka yaman waxaa loo dalacsiiyay darajad xidigle, isla sanadkaasi ayuu u soo waregay magaalda Barbara wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee karaani ka noqda halkaasi. Sanadii 1959-kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Ciidamada Xabsiyada ee British Somaliland markii ay soomaaliya xoriyadda qaadatay oo ay israaceen goboladii waqooyiga iyo koofurta oo soomaaliya ay midowday ka dib wuxuu u soo wareegay magaalada muqdisho. Sanadii 1961-kii waxaa xilligaasi loo xilsaaray inuu soo dhiso ciidanka xabsiyada maadaama ay gobolada waqooyi ay ka dhisnaayeen ciidankaasi, kormeer uu ku tagay magaalada hargeysa Dr C/rashiid Cali Sharmaarka ayaa dhalisay in koofurta laga sameeyo waxayna dowladii xilligaas ka codsatay Ismaaciil Axmed ismaaciil inuu soo dhiso ciidankaasi markii uu dhismihiisa soo idlaadayna isaga ayaa taliye looga dhigay. General Ismaaciil Axmed ismaaciil waxa uu nasiib u helay inuu noqdo Taliyihii ugu Horeeyey ee Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, Ugu Taariikhda dheeraa ee soo mara Ciidamada Asluubta Wuxuuna Ahaa qof Naxariis badan waxaana lagu yaqaanay Maalinta Ciidda inuu cafis uga dalbi jiray Maxaabiista kuwooda Dambiyada Fudud masuuliyiintii dowlda. Source: goobjoog.com
  5. The Kenyan troops in Somalia have received their first dose of the Covid-19 jab. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo haatan ka tirsan Senatorada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay is mari-waaga weli ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto kuwa diidan heshiiskii 17-ka September, ayna tahay in la cunaqabateeyo. Senator-ka ayaa ku eedeeyey inay dalka u horseedayaan xasilooni darro siyaasadeed iyo dib loogu noqdo colaadihii sokeeye & fowdo dambe oo kale, sida uu hadalka u dhigay. ‘‘Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseeda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada,’’ ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in kaliya xaaladda adag ee lagu jiro looga gudbi karo in si dabacsan loo dhaqan-geliyo heshiiskii horey looga gaaray hannaanka doorashooyinka. ‘‘Hadda, in kasta uu jiro gaabis hadana in si dabacsan loo dhaqangeliyo heshiiskii September 17 waa xalka ugu haboon ee xasilinta xaaladda jirta,’’ ayuu sii raaciyey. Si kastaba hadalkan kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa kusoo aadaya, iyada oo dowlad federaalka, dowlad goboleedyada qaar & mucaaradka ay si weyn isugu hayaan hannaanka doorashada dalka iyo sida looga gudbi karo xaalada kala guurka ah.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Glamudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka fal-celiyey buuqii shalay hareeyey kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in dhacdadii shalay ay tahay toogashii ug la kac loo geystay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isaga oo intaasi ku sii daray in la damiyey Iftiinkii dimuqraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay. “Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo mar labaad ku soo rogaal celiyey dowladda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ajandaha Covid-19 ee la horgeeyey baarlamaanka laga leeyahay dano gaar ah, taasina ay cadeyn u tahay ciidamo la dhoobay Villa Hargeysa. Ugu dambeyn Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in aan la qaadan karin marnaba tallaabada uu guddoomiye Mursal kulamada baarlamaanka uga mamnuucay xildhibaanada qaar. Halkan hoose ka aqriso:- Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo mar labaad ku soo rogaal celiyey dowladda. Ajande Covid-19 sanad iyo saddex biloood oo uu dalka ka jirey ka dib xilli dalku siyaasad ahaan uusan degenayn lagu soo aadiyey, ajandahaas qaloocan oo ciidamo boqol kor u dhaafay ay difaacayaan ma soo marin Barlamaanka Soomaaliya taariikhdii uu jiray, markii Xildhibaanadu ay ka hadleena isla askartii loo dhiibo liiskooda in ay u diidaan gudashada waajibkooda waa handhaqan ugub ah oo ka marqaati kacaya wadada qaloocan ee dalka loo weeciyey. Waxaan dhowraynaa Covid-19ka ciidamadu ay galbinayaan halku uu saldhigto iyo natiijada uu dhalo!.! Waxaase aan la qaadan karin marnaba tallaabadan guddoomiyaha golaha shacabku uu ku bartilmaameedsanayo qaar ka mid ah Xildhibaanadii Villa Soomaaliya ka aragtida duwanaa.
  8. Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan oo ka dhacay tuulada Buulo Xaaji lagu dilay sarkaal sare lagu magacaabo Ismaaciil Jiis iyo 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay dowladdu shaacisay in lagu gaasiiyey khasaaraha xoogan. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
  9. Cabdirashiid Maxamed Xiddig, oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa markii u horraysay ka hadlay go’aanka isaga iyo xildhibaanno kale looga joojiyay shan kulan oo kamid ah fadhiyada Baarlamanka. Xildhibaanka oo kamid ah 15 mudane oo laga joojiyay kulmada Golaha, ayaa sheegay in ay kulan qabsanayaan, islamarkaana ay dooranayaan Guddoon kale oo hoggaamiya Golaha shacabka. “Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaamka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”ayuu yiri Xiddig Xildhibaan ayaa sheegay in aysan jirin wax laga mamnuucay, laakiin ay arkeen warqadda soo baxday oo keliya,haddii uu Guddoonka ku adkeysto go’aankaasi uu baarlamaanka xirmayo. “Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Fadhigii Baarlamanka ee shalay oo buuq iyo sawaxan hareeyay kadib, ayaa Guddoonku xalay sheegay in 15 xildhibaan laga joojiyay fadhiyada Golaha shan kulan. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Xiddig oo sheegay in ay Guddoon cusub u dooranayaan Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garowe Qaybta kubada Kolayga ayaa labadii bil ee u danbeeyay wuxuu uga socdaa Tababar Gabdho loo tababarayo sidii ay u noqon lahaayeen xidigo ciyaara kubadda koleyga ah . Gabdhahaan ayaa Waxaa taageerta Ha’adda Somali women foundation , Sucaad Cabdulaahi Gallow oo Madax ka ah hay’ addaas ayaa u Goobjoog u sheegtay in Tababarka gebdhahan ay bixiyaan macalimiin Gabdho ah , waxa ciyaarayana ay yihiin gabbdha oo kaliya , Qaar ka mid ah Bulshada ayaa soo dhaweyay dhankooda, iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in la helo gabdho diyaarsan jir ahaan iyo maskax ahaan si Looga hortago Tacadiyadda ka dhanka ah dumarka. Hoos Ka Daawo Sheekada Oo Dhameystiran Source: goobjoog.com
  11. Senator Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa sheegay in ciddii qasta heshiiska September ay tahay iney muteysato cunaqabateyn. Senator Cumar oo arrinkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu yiri ‘‘Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseeda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada’’. Cumar Cabdirashiid oo horay Soomaaliya labo jeer ra’isul wasaare uga noqaday waxaa uu qabaa inkasta uu gaabis jiro hadana in ay tahay in la dhaqangeliyo heshiiskaas isaga oo yiri ‘‘ Hadda, in kasta uu jiro gaabis hadana in si dabacsan loo dhaqangeliyo heshiiskii September 17 waa xalka ugu haboon ee xasilinta xaaladda jirta’’. Senator Cumar oo qaranka u agoontoobay kadib markii la toogtay aabihii Cabdirashiid Sharma’ arke oo madaxweyne ahaa isaga oo 8 jir ah waxaa ku dooday in shacabka Soomaaliyeed ayba uga horreeyaan hanka dimoqaadiyadda sida ay xukuumadda wax u waddo, waxaa uuna arrintaas ka yiri ‘‘Dadkeenna Soomaaliya filashadooda la xiriira tallaabooyinka loo qaadayo dimoqoraadiyadda waxaa ay horeysaa sida xukuumaddan wax u waddo.’’. Ugu dambeyntii, Senator Cumar Cabdirashiid Sharma a’ke waxaa uu soo jeediyey in xalka uu ku jiro in kalsooni dhex marto shanka maamul goboleed ee fedeaalka ah iyaduga ay hoogaamiyaan marxaladda waxaa uu yiri ‘‘Sidaas ay tahay, caqabadda jira waa sidii kalsooni loo dhex dhisi lahaa shanta dowlad goboleed dhexdooda si waxtar ugu yeeshaan meesha loo socdo’’. Hadalka Senator Cumar ayaa ku soo aadaya xilli muddo tobaad ka badan ay Muqdisho ka socdaan shirar isbarbar socda oo dowladda fedeaalka ah oo dhinac, maamul goboleedyada oo dhinac kale ah iyo xataa madasha badbaado qaran, lamana oga sida ay xaaladdu noqon doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanada laga mamuucay kulamada soo socda ee golaha shacabka, kadib warqad kasoo baxday gudoonka sare ayaa si adag uga hadlay arintaasi. Xidig oo la hadlay BBC-da ayaa shaaciyey in isaga iyo 14-ka xildhibaan kale ay arkeen warqada uu soo saaray guddoomiye Mursal, balse wuxuu tilmaamay in aysan sameyneynin wax macno ah, ayna ka joojin karin kulamada baarlamaanka. “Warqadda waan aragnay, laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.” ayuu yiri Xil. Xidig. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad waxa ay doonayaan in sac baqtiyay ay caano ka maalaan marka hadalkooda wax macno ah ma sameeynayo.” Xildhibaanka oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in xiisada haatan ka dhex aloolsan golaha shacabka ay sababi karto inuu xirmo Kalfadhiga baarlamaanka, si la mid ah Aqalka Sare. “Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay, dabcan Golaha Shacbkana wuu xirmayaa,” ayuu markale yiri C/rashiid Xidig. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay qabsan doonaan ka xildhibaano ahaan shir gaar ah, islamarkaana ay ku dooran doonaan guddoon cusub, sida uu hadalka u dhigay. “Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaambka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey. Si kastaba arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay kulanka golaha shacabka ay is hortaag ku sameeyeen xildhibaanada mucaaradka, kuwaas oo tuhun ka muujiyey in muddo kordhin loo sameynayo madaxweynaha iyo sidoo kale baarlamaanka federalka Soomaaliya.
  13. Waxaa deeganada dalka Jabuti ka socda diyaar garowga ololaha doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi Jabuti, iyadoo la filayo in si rasmi ah doorashada 9-ka April ay u dhacdo doorashada . Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Ismaacil Cumaar Geelle iyo Musharaxa kaliya ee la tartamayo ayaa ku jiro ololahooda doorashada xilliyadiisii ugu dambeyay . Musharaxa Midowga ee aqlabiyadda madaxweynaha (UMP, isbahaysiga talada haya) ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyay ee ugu weynaa ku yeeshay magaalada Tadjourah. Markii uu yimid goobta isaga oo ay wehliyaan hogaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee ka kooban UMP, madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu soo dhaweyn balaaran ka helay dhowr kun oo ka mid ah taageerayaashiisa. Doorashadan ayaa noqoneysa middii Lixaad ee madaxweynanimo ee ka dhacda dalka Jabuti iyadoo madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Ismaacil Cumar Geelle uu doonayo in markiisii shanaad loo dhaariyo kursiga Madaxweynaha Jabuti. Djbauti ayaa tan iyo markii 1977 xornimada ka qaadatay Gumeystaha Faransiiska waxa ay yeelatay Laba madaxweyne . Zakaria Ismaïl Farah, oo ah ganacsade ayaa sanadkan kula tartamaya kursiga Ismaacil Cumar Geelle oo tan iyo 1999 hayay xilkaas. “Dalku wuxuu ubaahanyahay isbadal,” ayuu yiri, Zakariye isagoo cambaareeyay “qiimaha maciishada sare” wuxuuna balanqaaday abuuritaanka “nidaamka kaalmada bulshada ee dhalinyarada shaqo la’aanta iyo waayeelka”. Illaa iyo hadda 200,000, oo cod cod-bixiyeyaal reer Jabuuti ayaa la diiwaan geliyay , si ay u codeeyaan doorashada laba todobaad kadib . GoobJoog Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Myanmar)-In ka badan 100 qof ayaa Sabtidii lagu dilay dalka Myanmar iyadoo booliska uu sii wado gacanta birta ah ee uu kaga hortagayo dadka u bannaabaxaya demoqoraadiyadda. Sabtidii ayaa noqotay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo kowdii February, markaas oo ay soo bilaameen mudaharaadyada ka dhanka ah afgambigii millatari. Warbaahinta Myanmar Now ayaa soo warisay in dhimashada xilli dambe oo Sabtii shalay ah ay gaadhay ugu yaraan 114 qof, Iyadoo 29 qof oo carruur shan jir ahaana uu ku jirayna lagu dilay magaalada waqooyiga ku taalla ee Mandalay, halka ugu yaraan 24 kalena ay ku dhinteen rabshado uu booliska ku lug lahaa oo ka dhacay magaalada Yangon. Wakaaladda wararka AP oo soo xigatay cilmi baadhe ku sugan magaalada Yangon ayaa sheegtay dhimashada 107 qof, labada tiro ayaana ka badan tii hore loo wariyay banaanbixii 14-kii March oo lagu dilay 90 qof. Taliska millatariga ayaan wax jawaab ah ka bixin dadkii ciidanka amniga ay ku laayeen mudaharaadyadii Sabtidii dhacay, laakiin waxay afgambigooda ku difaaceen inuu ahaa mid ay ku diideen, natiijada doorashadii 8 November kasoo baxday, taas oo uu ku guulaystay xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi. Source
  15. MOGADISHU (HOL) - Fifteen MPs have been barred from attending the next five sessions following what House speaker Mohamed Mursal termed a violation of the House Standing Orders. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (HOL) - The Speaker of Parliament Mohamed Mursal has announced that 15 MPs have been suspended from the lower house for their part in upending Saturday's session. Source: Hiiraan Online
  17. Ra’isuul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah u naxariistee, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Ex-Digfeer ee Erdogan. Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku dhignaa sidan; Waxaan qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii, gaar ahaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kana mid ahaa aas-aaseyaashii Ciidanka Asluubta Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون View the full article
  18. Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin, doorashooyinka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac gaar ahaan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray dardar gelinta howlaha tababar ee UK ka waddo Koofur Galbeed iyo sidii loo labo jibaari lahaa shaqooyinkaas. Madaxweyne Laftagareen ayaa dowladda UK ugu mahad celiyay taageerada Soomaaliya ay siiso gaar ahaan dadaalada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka. Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegtay in ay sii wadayaan tababarada iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka oo ay ka wadaan degaanada Koofur Galbeed. Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor taagan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay. View the full article
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil waa mid murugo badan. Marxuumku wuxuu u soo adeegayey Qarannimada Soomaaliyeed muddo dheer, waxa uuna qeyb ka ahaa qorshihii aasaaskii Ciidanka Asluubta” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelka, shacabka iyo dowadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo saacadihii lasoo dhaafay madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen gudaha xerada Xalane, kuwaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka. Kulamadan oo ahaa kuwa is daba-joog ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen 5-ta hoggaamiye goboleed ee Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabellle. Wararka ayaa sheegaya in kulamadan laga gaaray is-afgarad horudhac ah, islamarkaana Axmed Madoobe iyo Deni ‘lagu qanciyey’ inay ku biiraan shirka wada-tashiga ee Afisyooni. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday dooda musharraxiinta iyo tabashada ay ka qabaan hannaanka ay dowladda federaalka wax u wado ee ku aadan doorashada 2021. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in maanta madax goboleedyada ay qaabili doonaan guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyaga oo kala hadli doono khilaafka arrimaha doorashooyinka. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada is jiid-jiida siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada uu kasii darayo, waxaana haatan magaalada Muqdisho ka socda kulamo goobi gooni ah iyo dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo iska soo horjeedo. Dhanka kale, waxaa jirta cabsi ah in Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ay mar kale isbeddelaan marka ay ku noqdaan Farmaajo, sida horey looga bartay, taasi oo rajadan cusub mugdi gelineysa.
  21. Somalia said Kenya is politicizing refugee camps, which have sheltered hundreds of thousands of Somali nationals for three decades, by moving to have them closed. Kenya upped pressure on the United Nations this week to come up with a plan to shut down the country’s Kakuma and Dadaab camps, saying their continued existence posed a security threat to East Africa’s biggest economy. This came after authorities accused some refugees of harboring links to the Somali-based al-Shabaab Islamist group behind terror attacks on Kenyan soil. “Refugees are protected by the Geneva Convention and therefore Kenya has no right to forcefully expel them,” Somalia’s Information Minister Osman Abukar Dube said in an interview with BBC’s Somali-language service Saturday. The neighbors are entangled in a number of political disputes, including a disagreement over their maritime border, which is at the center of a case at the International Criminal Court at The Hague, Dube said. “If Kenya loses in politics, it should not take revenge on refugees,” he said. A spokeswoman for Kenya’s Ministry of Interior didn’t respond to a call and text message seeking comment. Source: Bloomberg
  22. Ilaa hada waxaa Puntland soo gaaray 40,990 Irbadood oo Talaalka Covid 19 ah, Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanayaan Qaramada Midoobay ayaa Talaalka gaarsiiyey inta badan Magaalooyinka Puntland. Sidaan ka soo xiganay Wasaarada Caafimaadka Puntland,Dhamaan Caasimadaha gobolada Waxaa lagaarsiiyay Qoondada ay heleen, waxaana lagu cabiray baahida ka jirta deegaanadaas, Talaalka ugu badan waxaa lagaarsiiyay Magaalada Bosaso, Shixnada labaad ee Talaalka markay soo gaarto Puntland sidaas oo kale ayaa loo qaybinayaa. Sawiradaan hoose waa Magaalada Baran oo Sabtidii laga bilaabay Talaalka Covid19. The post Satiriske : Sidee loo qaybiyey Talaalkii Covid19 ee Puntland heshay appeared first on . Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad, oo ka mid ah 15 xildhibaan oo uu guddoomiyaha baarlamanka sheegay inuu ka mamnuucay kulamada baarlamanka, ayaa jawaab ka bixiyey tallaabada uu qaaday Maxamed Mursal. Mursal ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay in 15 xildhibaan aysan ka qeyb-gali karin 5-ta kulan ay soo socda ee baarlamanka, isaga oo ku eedeeyey inay fowdeeyeen kulankii shalay ee la tuhmay in muddo kordhinta loogu sameyn lahaa madaxweyne Farmaajo. 15-ka xildhibaan ayaa kala ah: 1 –Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur 2 –Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow 3 –Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow 4 –Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur 5 –Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad 6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed 7 –Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene 8 –Xildhibaan Maxamed Cali Cumer 9 –Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed 10 -Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey 11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig 12 –Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji 13 –Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon 14 –Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa 15 –Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay “in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena.” “Sharaf iyo karaamo ayey inoo ahayd aniga iyo sxbada halkaan ku xusan iyo kuwa aan ku xusnayn ee maanta ku guulastay in ay fashiliyaan muddo kororsiga ay doonayeen kuwa matalaadi shacanka ku iibsaday sanbuuska ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Mursal oo ku shaqayna fikirka guracan ee Farmaajo, waxaana aaminsanahay in aan marna dalkaan ka hirgeli doonin mudo kororsi waana ku hungoobi doonaan, Balse wixi dhacay maanta waxaa ay shacabka bareen wejiyada runta ah ee Farmaajo iyo Mursal, sidoo kale Waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur. Dhinaca kale, Mahad Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!” Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad iyo xildhibaano kale ayaa shalay la wareegay minbarka baarlamanka, waxayna fashiliyeen qorshe ay sheegeen in Mursal uu doonayey inuu laba sano oo muddo kordhin ah ku siiyo Farmaajo.
  24. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2832021.mp3 View the full article