-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu gabalku ku dhacay diyaaraduhuna ka cudur daarteen inay goor habeen ah ka degaan Dhuusamareeb. Qoor Qoor ayaa berri tegaya magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay ka dhamaatay mudadii 45-ka cisho aheyd ee dastuurka Galmudug uu u ogolaanayey in Madaxweynuhu ka maqnaa karo deegaanka. Safarka Madaxweyne Qoor Qoor uu berri ku tegayo Dhuusamareeb ayaa ku qotoma kaliya inuu soo qaato ogolaanshaha waqti kale oo deegaanka uu ka maqnaan karo. Dad u badan xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa galabta soo xaadiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, si loo soo dhaweeyo Qoor Qoor, balse gabal-dhicii ayaa lagu war-geliyey inuu baaqday. Xildhibaanada qaar ayaana duba bilaabay guux siyaasadeed, maadaama 45-ka cisho ee dastuurku u ogolaanayo in madaxweynuhu ka maqnaado deegaanka ay caawa ku egtahay. Madaxweynaha Galmudug markii uu berri subax tago Dhuusamareeb waxaa la sheegay in gelinka dambe ee isla berri uu dib ugu soo laabanayo Muqdisho ama ugu dambeyn maalinta Talaadada gelinkeeda hore. Shirarkii hor-dhaca u ahaa shirweynaha xalka looga gaarayo khilaafka doorashada ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay Afisyooni uga socday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhamaaday natiijo la’aan. Waxaa la qorsheeyey in shirka laga soo nasto Isniinta berri ah, isla markaana madaxdu ay soo sameeyaan la tashiyo la xariira qodobadii la isku mari waayey, si maalinka xiga ee Talaadada loo sii amba qaado wadahadallada loogu gogol xaarayo shirka guud.
-
Kenya on Saturday announced mandatory quarantine for passengers from Britain, in response to being placed on the country's so-called red list, which Nairobi rejected as " discriminatory". Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-Habeenimo-442021-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Kulankii maanta oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka. Madaxda ayaa la sheegay in berri ay soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kulanka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin. Wararka ayaa sheegaya in imadaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa. Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka. Farmaajo ayaa waxaa mowqifkiisa ku raaciyey saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah Cabdicasiis Laftagareen, Qoor Qoor, iyo Cali Guudlaawe, halka Cumar Filish uu markii horeba meesha talo ku lahayn oo uu shirarka noocan ah iska fadhiyo un. Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay ka hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19-ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin. Shirkan ayaa waxaan goobjoog ka aheyn beesha caalamka, oo ay suurta-gal aheyd inay kala dhex-geli lahayd dhinacyada. Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta faro-gelinta tooska ah ee beesha caalamka.
-
Shirkii maanta ayaa Dood xoog badan waxay ka dhalatay qaabka ay Musharixiintu uga qaybgali karaan Shirka Qaybaha la isu diyaarinayso, kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi uu soo jeediyay in Mudharixiinta boos laga siiyo Miiska Wadahadalka isla markaasna Soomaaliland ay iyana matalaad helaan. Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Hirshabeele Cali Guudlaawe ayaa hadalka Madaxweyne Deni ka jawaabay iyagoo sheegay in ay iyagu ( Qoorqoor iyo Guudlaawe) ay Matalayaan Beesha Mogadishu Clan sidaas awgeed uusan boos uga banaanayn Musharixiinta Mogadishu Clan ee doonaya inay miiska Wadahadalka Doorashada ay soo fariistaan , laakiin Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ma aysan soo hadal qaadin matalaada Soomaaliland. Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay xogta ku hayaan, Muran xoogan ayaa Arinkaas ka dhashay iyadoo Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayeen in Gogosha la balaariyo maadaama lasoo dhaafay Xiligii Doorashada ayna waxyaabo badan isbadaleen kadib Heshiiskii Sebtembar 17 keeda. Waxaa jira warar aan helayno oo sheegaya in Kulanku uu baaqan doono beri oo isniin ah, maadaama Labadii maalmood ee kulanku socdey aysan wax natiijo ah kasoo bixin, iyo waxaa la hadal hayaa in ay caawa akulmaayaan Madasha Badbaado Qaran si Deni iyo Axmed Madoobe ay warbixin ku saabsan meesha wax marayaan ay u siiyaan Madasha, wixii talo ahna ay ka dhagaystaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe “ Beesha Mogadishu Clan Anaga masiirkooda Matalayna” appeared first on . Source
-
Waxaa goordhaw soo gaba gaboobay Shirka arrimaha doorashooyinka oo maalintii labaad Teedha ku taalla Afisyooni uga soconayay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin waxyaabaha madaxda ay isla garteen ayaa soo xirmay , iyadoo ay muuqato kala fogaan aragtiyadeed oo madaxda qaar ka dhex jirta . Wararka GoobJoog News ka heleyso ayaa sheegaya in madaxda qaar weli ay isku mari la’yihiin qodobada shirka looga hadlayo , iyadoo shirka dib la isugu soo noqon doono maalinta Talaadada. Shirka ayaa la sheegay in uusan berri oo Isniin ah qabsoomi doonin sida ay inoo sheegen illa ku dhaw dhaw Shirka . Illa iyo hadda wax natiija ah kama soo bixin shirka labada maalin madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga socda Muqdisho . Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa goordhaw ka ambabbaxay magaalada Muqdisho markii uu soo dhamaaday shirka , isagoo aaday madaxweeynaha magaalada Dhuusamareeb. Socdaalka madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in madaxweeynaha uu ka dhamaaday waqtiga dastuurka dowlad gobaleedka Galmudug madaxweeynaha u ogolaanayo in uu deegaanka ka maqnaado. Dastuurka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa madaxweynaha u fasaxaya in uu kaliya 45 maalmood madaxweeynaha ka maqnaan karo deeganada maamulkaas. Dhanka kale dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan wada hadalada xalka loogu raadinayo doorashooyinka . Qoraal lagu daabacay Barta Facebook-ga ee madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri”Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Maalinkii labaad ka qeybgalay shirka hordhaca ah ee u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.” “Shirkan oo loogu gogol xaarayo shir weynaha Doorashooyinka ayaa diirada lagu saaray sidii meel la iskula dhigi lahaa ajandaha shirka soo socda iyo arimaha kale ee mudnaanta u leh Doorashada.” “Madaxdu waxay sii wadi doonta wada hadalada hordhaca ah iyadoo laga wada arinsanayo sidii dalka loogu jihayn lahaa Doorasho loo dhan yahay.” Dhinaca kale Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa soo dhaweysay dadaalada ay beesha caalamka waddo ee xal loogu helayo doorashooyinka Soomaaliya . “Qoraal lagu daabacay Barta Facebook-ga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri” Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.” “Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.” Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay shalay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku qaadeen xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose. James Swan ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay naf-hurnimada maalinkasta ay sameeyaan askarta ciidamada dowladda, kuwaasi oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab. Waxaa uu si weyn u cambaareyay weerarkaas, asagoona ciidamada dowlada ku sifeeyay ‘geesiyaal u dagaalama bad-baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed’. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarada lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Swan. Sidoo kale waxa uu ka tacsiyadeeyay ciidamadii ku dhintay weerarkaas oo shalay ku qaadeen dagaal-yahaano ka tirsan Shabaabka, halka kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. “Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg-deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.” Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay. Dowladda ayaa dagaalkaas ka sheegatay guulo, halka taasi badalkeedana ay sheegatay Al-Shabaab oo baraha bulshada ay ku leedahay ku baahisay inay dagaalkaas kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.
-
Waxa maalintii labaad natiijo la’aan ku dhammaaday Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida Puntland Post u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah. Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeeshay arrimaha ku saabsan ka qayb-galka iyo Ajandaha Shirka guud ee doorashooyinka dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan Qodobadii laga dooday. Puntland iyo Jubaland ayaa ku dooday in Midowga Murashixiinta laga qayb-geliyo Shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, oo ay si toos ah miiska u fariistaan, halka dowlad goboleedyada kalena ay soo jeediyeen in Midowga Murashixiinta khudbado uun keliya laga siiyo Shirka. Intaas kadib, dhinacyada ayaa isla gartay in maalinta berrri ah qola kasta gaarkeeda u shirto, islamarkaana saadambe dib la isu’gu soo noqdo, si looga sii doodo Ajandaha iyo ka qayb-galka Shirka guud. PUNTLAND POST The post Shirkii Muqdisho oo maalintii labaad natiijo la’aan ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Kuwa Dowlada Federaalka uga socdey Afisyooni ayaa soo dhamaadey maanta iyadoon wax natiijo lasheego aan lagasrin, waxaana mar kale la balamay in la isusoo laabto beri oo Isniin ah. Qodobada Muhiimka ahaa ee Heshiiskii 17 Sebtembar ayaa qaarkood muran ka taagannyahay, Madaxweyne Farmasjo ayaa diidan in Qodobada qaar laga dhigo Ajandaha Shirweynaha. Waxaa maanta laga wada hadlay in Ajandaha lagusoo daro Xubno matalaya Soomaaliland iyo Mucaaradka si loo buuxiyo Awoodqaybsiga, Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug ayaa Arinkaas hor istaagay. Madaxweyne Farmaajo wuxuu diiday inuu saxiixo waraaqda Awoodooda hoos u dhigaysa maadaama uu musharax yahay taasna wuu diidan yahay, Waxaa hada labalan sanyahay beri oo isniin ah, Waxayna u muuqataa in lagulala tagayo natiijo la’aan hadii kulanku kusii socdo qaabkii shalay iyo Masnta. Puntlandi.com The post Shirkii Madaxda Dalka oo markale natiijo la’aan ku soo dhamaadey. appeared first on . Source
-
Dunidu waxa la wada ogyahay dilal iyo shirqoolo loo geystay dad caan ka ah dunida iyo masuuliyiin, kuwaasi qaarkood sidii la rabay u fulay kuwa kalena ay fashilmeen. Dilalkaasi waxa fuliya sirdoonada dawladaha qaarkood. Alexander Litvinenko waxa uu ka mid ah sirdoonkii Ruushka (KGB) laakiin mar danbe ayuu ka baxsaday oo magan geliyo weydiistay Ingiriiska. Dawlada Ruushka ayaa ninkaasi si weyn uga cadhootay maadama u ahaa xubin muhiim ah, waxaana loo sameeyay shirqoolkii lagu khaarajinayay. Alexander ayaa koob shaah oo uu cabayay loogu soo daray maado Yuraniyam ah. Waxaana shirqoolka dilkiisu ka dhacay gudaha hutel caan oo ah oo ku yaalla magaalada London. Suxufiga Georgi Markov waxa uu ahaa isaguna suxufi caan oo dalka Bulgariya u dhashay, oo lagu yaqaanay inuu si madax banaan uga waramo dalkaasi oo shuuci ahaa oo aan ogolayn warbaahinta xorta ah. Sirdoonka Bulgaariya ayaa si weyn isugu deyay inay dilaan. Ugu danbaystiina dalaayad qof agtiisa marayay sitay ayaa muday , taasi oo ay ku xidhnayad sun ay jidhkiisa u gubinaysay. Sababtaasi ayuu dhintay ka dib markii dhigiisu sumoobay wax yar ka dib, waxase lagu ogaaday baadhista. Madaxweynihii hore Cuba Mr.Fidel Castro ayaa isagu noqday masuulkii in ka badan 50 jeer CIA Maraykanka isku deyday inay khaarijso laakiin dhamaantood ay ku fashilmeen. Kuwa ugu yaabka badanaa waxa ka mid ah markii bakteeriya loogu abuuray dharka uu xidho iyo mar Sigaar loo keenay sun lagu sameeyay. Dhammaan isku deyadaasina way wada fashilmeen . Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Horumarka tiknoolajiyadda ee haatan dunida gaadhay wuxuu sahlay in dalal badan ay isku dayaan inay daruuraha bacrimiyaan si roob badani ugu da’o. Waxaan dalalka bilaabay dadaalladan kamid ah Imaaraadka iyo Itoobiya oo dunida saddexaad ka mid ah. Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa xadhigga ka jaray xarunta bacmirinta daruuraha. Wuxuu sheegay in tiknooloojiyaddan ay Itoobiya ka caawin doonto wax soo saarka beeraha. Waxaana Itoobiya barnaamijkan ka caawiyay Imaaraadka Carabta. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Badbaado Qaran ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uga digay inuu fashil u horseedo shirka Afisyoone. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii sheegay in xiligan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu haysto fursad uu ku xalin karo khilaafka doorashada oo kala dhaxeeya maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diidan hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda federaalka Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii uu maanta rabo Farmaajo inuu heshiis la gaaro madaxda dowlad goboleedyada ee diidan, si doorasho loo aado uu haysto fursad uu kula heshiin karo inta aysan wax walba gacmaha kasii bixin. “Waxaan leenahay Maxamedoow maantay weli tallo kugu sugan tahay ee yeysan dhaafin teendhada Afisyoone, berri Kampala, Jabuuti iyo Addis Ababa ha ka jirin, oo meel kale ha ka jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka digay in xalka maanta taagan teendhada Afisyoone oo ay ku wada shirsan-yihiin madaxda dowladd federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada laga doono meel ka baxsan dalka, sida uu sheegay. Hadalkaan ayaa imanaya xili uu weli teendhada Afisyoone ka socdo shir gaar ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ee waqtigooda dhamaaday, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Wada-hadallada ka socda teendhada Afisyoone oo galay maalintii labaad ayaa horudhac u ah shirka guud ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo haddii la isku fahmo shirarkaan suurta-galinaya in heshiiska laga gaaro doorashada dalka.
-
Guddiga Xallinta Sicir-bararka u qaabilsan dowladda Puntland, ayaa mar kale go’aamiyay in wixii hal Dollar ka yar la xaddido lacagta danabaysan, si loo xasiliyo qiime kororka ku yimid adeegyada as’aasiga ah. Qoraal ka soo baxay Guddiga, ayaa lagu sheegay in Lacagta Shilin Soomaaliga ah aysan weli si buuxda uga shaqayn gudaha Puntland, taasina ay keentay qiime koror ku yimid adeegyada as’aasiga ah ee lagu iibsan jiray Shilinka, marka loo eego lacagta danabaysan. Guddiga ayaa caddeeyay, in arrintaas ay abuurtay sicir-barar qarsoon, oo u dhexeeya labada lacagood ee Dollarka iyo Shilin Soomaaliga danabaysan, maadaama Shilin Soomaaliga lagu daray nidaamka lacagaha la isu’diro. Guddigu waxay sheegeen, in ay kulan la qaateen wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo shirkadaha Isgaarsiinta, si loo xasiliyo qiima kororka ku yimid sicirka adeegyada as’aasiga ah, sidaas darteedna la xaddiday lacagta danabaysan wixi $1 Dollar ka yar. Puntland post Cabdiraxmaan Ciise The post Puntland: Lacagta danabaysan oo la xididay appeared first on Puntland Post.
-
Amiir Xamza-ha Urdun oo xabsi Guri la geliyey+Sababta Prince Hamza Militariga dalkan Urdun ayaa u sheegay boqorka walaalkiis Amiir Xamza bin Hussein in uu joojiyo ficillada lagu bartilmaameedsanayo “amniga iyo xasiloonida,” taas oo dadka la socda arrintan ay sheegeen in ay la xiriiri karto shirqool lagu qalqal-gelinayo dalka. Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee dowladda ayuu militarigu ku sheegay in digniinta loo diray Amiir Xamza ay qeyb ka tahay baaritaan ballaaran oo amniga ku saabsan kaas oo lagu xiray wasiir hore, xubin darajadiisu hooseyso oo ka tirsan qoyska boqortooyada iyo dad kale oo aan la magacaabin. Amiir Xamza ayaa cajalad muuqaal ah oo uu duubay ku sheegay in la geliyay xabsi guri ku jiro, iyadoo loo sheegay inuu guriga joogo oo uusan cidna xiriir la sameyn karin. Dhaxal sigihii hore ayaa muuqaal uu qareenkiisu u gudbiyay BBC ku sheegay inuusan qeyb ka aheyn shirqoollo shisheeye oo ka dhan ah Urdun, isagoo dowladda dalkaasi maamusha ku sheegay mid musuq-maasuq ah. Wargeyska Washington Post ayaa qoray in dowladda Urdun ay xirtay Hamza iyo 20 qof oo kale, kuwaas oo mas’uuliyiintu ay sheegeen inay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi. Taliyaha ciidamada militariga Yusef Huneiti ayaa beeniyay wararka ku saabsan xabsi gelinta amiirka, balse waxa uu sheegay in lagu wargeliyay “in uu joojiyo howlaha loo adeegsanayo in lagu bartilmaameedsado amniga iyo xasilloonida Urdun.” Laba qof oo xaaladda si dhow ula socday ayaa Reuters u sheegay in ciidamada amaanka ay tageen qasriga amiirka ayna bilaabeen baaritaan. Boqor Cabdalla-ha Urdun ayaa sanadkii 2004-tii shaqada ka eryay Amiir Xamza oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada, tallaabadan oo uu boqorku ku xoojinayay awooddiisa. Qaran News
-
The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan, condemned yesterday’s attacks against the Somali National Army bases in Barire and Awdhegle towns in the Lower Shabelle region. “We strongly condemn these attacks that targeted Somali forces. This is a vivid reminder of the sacrifices being made by Somali soldiers every day as they fight bravely to keep Somalia and its people safe,” said Mr. Swan. “We extend our condolences for the loss of life, and wish a speedy recovery to the injured.” Al-Shabaab has claimed responsibility for the attacks and has reportedly sustained heavy losses in the face of strong action by the Somali National Army. View the full article
-
The UN on Sunday called for joint efforts to eradicate threats posed by the increasing use of explosive hazards in Somalia. Qurat-ul-Ain Sadozai, UN Mine Action Service (UNMAS) program director in Somalia said the major impact of explosive hazards is on civilians and particularly on children. “Together, we must press on to reinforce the development of national mine-action capacities and continue to support Somalia, ensuring protection of civilians as well as social and economic development,” Sadozai said in a joint statement issued in Mogadishu to mark the International Day for Mine Awareness and Assistance in Mine Action. According to statistics from the UNMAS program in Somalia, there were 1,140 civilian casualties due to improvised explosive devices (IED) in 2019. The number dropped to 454 in 2020. Also, in 2019, there were 59 civilian casualties due to explosive remnants of war (ERW) and that number dropped to 53 in 2020. While there has been a welcome decline in the number of casualties, they are still a major concern that requires dedicated attention, according to the UNMAS in Somalia. Sadozai said the UNMAS is working with the Somali government and the Federal Member States, along with partners to support the Somalia Transition Plan. “This includes clearing explosive hazards, delivering explosive ordnance risk education, raising awareness at the community level, enhancing national mine action capabilities, and supporting government efforts to serve survivors of landmines and explosive remnants of war and persons with disabilities,” UNMAS said. James Swan, UN secretary-general’s special representative for Somalia highlighted this year’s theme of “Perseverance, Partnership, Progress” in working to eliminate the threat of explosive hazards to Somalis. “While the country is improving in preventing explosive hazards, we must continue to work together to rid Somalia of this scourge which not only kills and injures so many innocent civilians each year, but also puts a brake on the country’s development,” Swan said. View the full article
-
Aw-dheegle (Caasimadda Onlin) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerarradii ay shalay kusoo qaadeen xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in maleeshiyada laga dil Al-Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ay magacyadooda ku sheegeen: 1- Xareed Dheere oo ahaa ku-xiggeenka guud ee amniyaadka Al-Shabaab. 2- Ismaaciil Dubad oo ahaa madaxii gurmadka Jabhadaha Al-Shabaab. 3- Cabdi Nuur Qaar Qaar oo hoggaaminayey maleeshiyaadii weerarka ku qaaday Awdheegle. Dhanka kale, General Odawaa Yuusuf Raage oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay. “Awdheegle oo kaliya Al-Shabaab waxaa looga dilay in ka badan 100 askari, qiyaas maahan waa tiro la dul tagay, waxaana saacadaha soo socdo usoo bandhigi doonaa saxaafadda,” ayuu yiri Odawaa. Mar Odawaa wax laga waydiiyey khasaaraha soo gaaray ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ka dhinteen 14 askari halka uu sheegay inay jiraan dhaawacyo uusan sheegin tiradooda. Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay. Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay ku leedahay iyana ku sheegtay inay dagaalka kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.
-
Shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyooni ee M/Muqdisho. Intisa badan waxaa shirkan diiradda lagu soo saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxda Soomaaliyeed ay warbixin ka dhageysan doonaan guddiga farsamada ee shirarka kusoo yeeshay magaalada Baydhabo, kuwaas oo talooyin ka bixinaya sida looga gudbi karo caqabadaha hareeyey doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli la’isku hayaa hannaanka doorashada dalka ka dhaceysa sanadkan 2021-ka. View the full article
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdirixmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan baahsan oo ka jirta gobolka. Cali Diiriye ayaa ka deyriyey xaaladda cafimaad ee bulshada ku dhaqan gobolka oo uu sheegay in aysan heli karin Oxygeen ku filan , inkastoo uu xusay inay jiraan isbitaalo yaryar oo isku dayaya in ay la tacaalaan xaalada Covid-19 ee ka jirta Gobolka. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in qeybo badan oo gobolka ah ay ka taagantahay xaalad abaareed oo baahsan , waxaana uu u xusay in ay wadaan dadaalo ayaga oo kaashanayo shacabka , isla markaana ay meelaha qaar ka sameynayaan biyo dhaamin. Covid-19 oo ah cudur si deg deg ah ku faafo ayaa dhibaato lixaad leh ku haayo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka iyo Magaalda Muqdisho. View the full article
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo ay ka wada hadleeyn dar-dargalinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka. “Waxa aan maanta kulan muhiim ah Xafiiskayga kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo aan ka wada hadalnay dar-dargelinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka, Waxaana naga go’an in aan horumarino wax soo saarka iyo fikradaha cusub ee wax tarka u leh dadkeena iyo dalkeena”. ayuu yiri Wasiir Beileh Sidookale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin isku xirka bulshada Hey’adaha Isgaarsiinta dalka kobcinta dhaqaalaha iyo sare uqaadidda Dakhliga gudaha. View the full article
-
Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka fariistay shaqadii dhakhtarnimo iyo siyaasadda oo uu labadaba muddo dheer ku soo jiray. Dr Gaboose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in uu hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doono hawlaha samafalka, diinta iyo ka warqabka caruurta. Gaboose ayaa in ka badan 40 sano kamid ahaa dhakhaatiirta ugu fiican Soomaalida ee dhinaca neerfaha, isla muddadaasna siyaasadda ku jiray oo xilal sare ka soo qabtay Somaliland. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Dr Gaboose PUNTLAND POST The post Dr Gaboose oo ka fariistay dhakhtarnimadii iyo siyaasadda appeared first on Puntland Post.