-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xog Culus: Qiimaha hubka la kala siisto Muqdisho oo sare kac ku yimi + Hub urursi si xawliya u socda & Sababta Waxaa bilihii u dambeeyay la dareemayay sarre u-kac balaadhan oo ku yimid qiimaha magaalada Muqdisho la kala siisto hubka noocyadiisa kala duwan, xili ay xaalada dalka kasii dareyso. Hubka uu sarre u-kaca ku yimid ayaa waxaa kamid ah qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, waxaana dhamaantood hadda lagu iibiya qiimihii hore labo jibaarkeeda, sida ay ogaatay Warbaahintu. Suuqyada hubka ee loo yaqaano ‘Cir-toogte’ ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay saa’id loogu kala iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, tan iyo intii uu sii xoogeystay khilaafka doorashada dalka. Sidoo kale sarre u kaca hubka ayaa loo sababeeynaya xaaladda ka jirtay gobolka Gedo, oo ay dowladda federaalka muddooyinkii dambe u daabuleysay hub kala duwan. Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in dhinacyada u badan ee iibsanayay hubka ay kamid ahaayeen Musharaxiinta mucaaridka oo ayagu aad isku hubeynayey, kadib weeraradii kala duwan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ku qaaday 19-kii Febraayo iyo iska hor-imaadyadii u dambeeyay. Xiisada u dhaxeysa Madaxda u sareeysa dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa waxay kasii dartay markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay oo geystay dhimasho iyo dhaawac. Xaalada siyaasad ee dalka ayaa mareysa meeshii u sareysay, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana aysan jirin heshiis ama is-faham guud oo laga gaaray hanaanka doorashada dalka, mana cada halka ay wax sal dhigan doonaan. Hoos ka eeg qiimayaasha markii hore iyo Hadda lagu kala iibsado Hubka; Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka markii hore Qiimihiisu ahaa 15 kun oo dollar Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore Qiimihiisu uu ahaa 12 kun oo dollar Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore Qiimihiisu ahaa kun & shan boqol oo dollar AK47 $1,800 halka markii hore Qiimihiisu ahaa $1,100 Bastoolada $2,200 markii hore Qiimiheedu ahaa $1,500 Qaran News
-
Xukumadda Somaliland oo Laba Malyuun Oo Dollar ka codsatay Ganacsatada Dalka+Waxa lagu qabanayo Xukuumadda Somaliland, ayaa ka codsatay Ganacsatada dalka in ay lacag gaadhaysa laba Milyan oo dollar kaga qayb qaadato qorshe ay sheegtay in ay ku doonayso in ay ku soo iibiso tallaalka Cudurka COVID19, oo wakhtigan si weyn ugu faafay Somaliland. Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlayey kulan ay la yeesheen Ganacsatada dalka, ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan qorshahaasi ugu talo galeen, 1 Milayn oo dollar, Ganacsatadana laga doonayo 2 Milayn oo dollar, si bulshada Somaliland u hesho Tallaal. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta masaajid ku yaalla magaalada Lamu ee wadanka Kenya ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyay nin degan dalka Mareykanka, kaas oo naqshadeeyay Funaanad uu xirtay heesaaga weyn ee Jay Z, sida uu baahiyey wargeyska Daily Nation. Dad badan ayaa ka carooday falkaan, waxayna kusoo bandhigeen caradooda baraha bulshada, taas oo keentay in warqadaan cabashada ah la diro, waxayna hoosta ka xariiqeen inaan la aqbali karin arrintaas. Fanaanka Jey Z ayaa xirtay funaanad lagu sawiray masjidka taariikhiga ah ee Riyadh, waxaana aad loo cambaareeyay in sawirka masjidka lagu soo bandhigo funaanad loo qaadanayo ‘baarar lagu caweeyo’ waxaana arrintaas si adag uga hadlay madaxda masaajidka. “Munaarad diimeed lama xiriirin kartid waxyaalaha adduunka. Waxaa daabaceysaa funaanad ay ku qoran tahay astaan laga yaabo in loo qaato ‘kalaabyadda iyo baararka’. Bixi raalligelin,” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah wadaadada ku nool dalka Kenya. Ninka nashqadeeyey Funaanadaan muranka abuutay waxaa la yiraahdaa Zeddie Lukoye, waxuuna ka tirsan yahay shirkadda Blkburd Genes oo ah shirkad maxali ah oo hadafkeedu yahay inay dadka adduunka oo dhan ku wacyi galiso taariikhda, dabeecadda, iyo arrimaha taagan markaas. Hase yeeshee culumada hadashay waxay qabaan inay aheyd inay adeegsato shirkadan astaamo kale oo taariikhi ah oo xattaa Lamu ku yaalla, intii uu masaajidka adeegsan lahaa. Si gaar ah ayaa loo beegsaday naqshadeeyaha Funaanadaan Zeddie, masaajidka uu astaantiisa ku xardhay ee Riyadh waa kan ugu cimriga dheer ee sida joogtada ah loogu cibaadeysto, waana mid ka mid ah goobaha waxbarashada ugu weyn ee Islaamka, marka laga hadlo dadka ku hadla luqadda Sawaaxiliga.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan soo saaray go’aamo looga hortagayo mowjadda saddexaad ee cudurka Coronavirus, kaasi oo qeybo kamid ah dalka Kenya loogu soo rogay bandow. Go’aanka Uhuru Kenyatta ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga iyo shaqooyinkii dadka ka shaqeyn jiray huteelada iyo goobaha dadweynaha isugu imaadaan ee magaalada Nairobi, ayada oo uu si gaar ah dhibaato hor leh ugu keenay ganacsatada Soomalida ah. Ganacsigii suuqa Soomaalida Islii ee magaalada Nairobi ayaa bandowgan waxa uu ku yeeshay saameyn xoogan, ayada oo ganacsiyada qaar uu u horseeday inay gebi ahaanba baaba’aan. Xoghayaha guddiga ganacsatada Suuqa Islii, Cumar Ibraahim Xuseen oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in saameynta ugu xoogan ee go’aankan uu 70% lumiyey ganacsigii Huteelada iyo goobaha lagu cunteeyo. “Bandowga uu madaxweynaha ku dhawaaqay saameyn badan ayaa kasoo gaaray Islii ahaan, waxaa kamid ah ganacsatada ugu badan ee saameysay meelaha raashinka lagu kariyo. Ganacsiguna hoos ayuu u dhacay isku socodkii maadama la xanibay, dad badan ayey shaqo beel ku dhacday,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ku booriyey inay u hogaansamaan shuruudaha caafimaad, islamarkaana ay ka digtoonaadan qatarta cudurka Covid-19 oo markale si weyn ugu soo labo kacleeyay dalkaas. Saameynta ka dhalatay bandowga uu soo saaray madaxweynaha Kenya ayaa si weyn looga dareemay suuqa Islii ee Soomaalida, waxaana xiliyadii hore u tukaameysi iman jiray boqolaal dad ah, midaasi oo uu meesha ka saaray cudurka Covid-19.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay shuruud hor leh oo ay ku xireyso dadka caalamka kale ka imanaya ee doonaya inay tagaan Cumrada iyo kuwa salaada ku tukanaya masjidka Xaramka, laga bilaabo bisha Ramadaan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka Coronavirus/COVID-19 loo ogolaan doono inay tagaan Cumrada. Sidoo kale waxaa bayaankaas lagu sheegay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday. Shuruudahan oo ay wasaaraddu sheegtay inay dhaqan geli doonto bisha Ramadaan ee bartamaha bishan April, ayaa waxa xiligaas wixii ka dambeeya loo ogolaan doonaa dadka Tallaalan oo keliya inay gutaan Cumrada ama ay Salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH. Siyaasaddan cusub ee uu soo saaray Wasiirka cusub ee Wasaarada Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa si faah-faahsan loogu sheegin in shuruudahan ay ku egyihiin oo keliya inta lagu gudo jiro Ramadaanka. Mana cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka. Tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus waxaa hoos u dhacday dadkii tagi jirey Xaramka, waxaana Xajkii 2020-ka ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yareyd ka qeyb-galayaashii 2019-ka oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid daafaha adduunka.
-
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay marti ku ahaa bar-kulanka Club House, ayaa sheegay in suxufiyiinta Puntland ku shaqeeyaan xorriyad aysan helin weriyaasha kale ee Soomaaliyeed. Wasiir Dhabancad, ayaa hadalkan sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay heerka xorriyadda suxufiyiinta Puntland, oo marar badan cabasho ka muujiyay xarig iyo cabburin ay kala kulmaan xukuumadda madaxweyne Deni. Haddaba, waxa is weydiin mudan immisa weriye ayaa Puntland lagu xiray mudadii uu xilka hayay madaxweyne Deni, si aan jawaab dhab ah ugu helno heerka xorriyadda suxufiyiinta ku nool Puntland? Madaxweyne Deni oo la doortay 8-dii January 2019, wuxu xilka hayaa mudda laba sanno iyo saddex bilood ah, waxaana mudadaas Puntland lagu xiray ilaa 8 suxufi oo ka hawl-gelayay warbaahinta kala duwan. 13 July 2019, Booliiska Garoowe ayaa xabsiga dhigay suxufi madax-bannaan Maxamed Siciid Yuusuf (Boqorka), kaas oo war ka duubay nabaddoon dowladda dhaliilay, waxaana la sii daayay 14 maalmood kadib markii wax danbi ah lagu waayay. 17 October 2019, Booliiska Garoowe ayaa xiray suxufi Axmed Sheikh Maxamed Tallman oo ka tirsanaa Radio Daljir, kadib markii dowladdu dhibsatay war ka baxay idaacadda Daljir. Suxuf Tallman lix maalmood kadib ayaa la sii daayay, kadib markii uu raalli-gelin ka bixiyay warkaas. 5 February 2020, Booliiska Garoowe ayaa xabsiga dhigay suxufi Cumar Maxamed Soomane, kadib markii uu idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ka sii daayay warar Puntland ka caraysiiyay. Hal habeen ayuu ku xirnaa Garoowe kadibna waa la sii daayay. 25 Agoosto 2020, Ciidanka PSF ee Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi madax-bannaan Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudayfi), waxaana la sii daayay saddex maalmood kadib, inkastoo aan la shaacin qaladka lagu haystay. 26 December 2020, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa xirtay weriye Kilwe Aaden Faarax oo eedaymo kala duwan loo jeediyay, islamarkaana laba jeer la xukumay, balse la sii daayay 22 March 2021 kadib markii madaxweyne Deni Cafis u fidiyay. 11 January 2021, Ciidanka PMPF ee Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi Maxamed Cabdi Lakiman oo ka tirsan Radio Daljir, kadib markii uu qoray war la xiriira ciidanka, inkastoo la sii daayay lix saacadood kadib. 22 February 2021, Ciidanka madaxtooyada Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi Axmed Bootaan, saacado uun kadib markii uu shacab Boosaso ka duubay Ra’yi uruurin ku saabsan khudbad madaxweyne Deni jeediyay, waxaase la sii daayay maalintii xigtay.. 25 February 2021, Booliiska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay weiye Cabdifitaax Cabdullaahi Faarax (Dalla’aan) oo isna shacabka Garoowe ka uruuriyay ra’yi ku saabsan khudbaddii madaxweyne Deni kaga hadlay xaaladda dalka. Cabdifitaax waxa la sii daayay kadib 2 saacadood oo uu xabsiga ku jiray. Sidoo kale, suxufiyiin kala duwan oo ku nool Puntland ayaa sheegay in ay handadaad iyo cabburin kala kulmeen xukuumadda madaxweyne Deni, waxaana jirta in weriyaasha qaarkood dalka dibaddiisa u baxeen. Puntland Post Cabdiraxmaan Ciise The post Maxaa ka run ah xorriyadda Dhabancad sheegay? appeared first on Puntland Post.
-
Ty McCormick’s Beyond the Sand and Sea is a heart-wrenching story that chronicles the life of a Somali family trapped in a seemingly endless state of statelessness. The book demonstrates how the global migration system Source: Hiiraan Online
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu dib u bilowdo Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo maalmihii u dambeeyay ka socday xarunta Afisyooni ee Muqdisho. Shirkan oo ay qaban-qaabisa Beesha Caalamku, waxa looga arrinsanayaa ajandaha iyo ka qayb-galka shirka guud ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo dhowaan dhexmari doona dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir. Kulamo maalmihii u dambeeyay dhexmaray dhinacyada ayaan wax hormar ah laga samayn kadib markii lagu heshiin waayay ajandaha iyo cidda ka qayb-gelaysa shirka guud ee arrimaha doorashada dalka. Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda dalka cadaadis ku saaraysa in ay si deg deg ah uga heshiiyaan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya, si loo qabto doorasho nabdoon oo loo dhanyahay. PUNTLAND POST The post Maxaa ka cusub Shirkii Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel iyo in wax xiriir ah lala yeesho cid ka tirsan mas’uuliyiinta Israel. Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa ansixiyay baabi’inta qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xiriir dhexmaro Sudan iyo Israel. Go’aankan ayaa qayb ka ah hagaajinta xiriir diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilo kaddib marki ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis nabadeed. Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xariir ay la sameeyaan Israel. PUNTLAND POST The post Dowladda Sudan oo baabi’isay sharci mamnuucayay in xiriir lala yeesho Israel appeared first on Puntland Post.
-
Wada-xaajoodka barnaamijka niyukleerka Iran Dowladda Iran iyo dalalka loogu yeero quwadaha dunida, ayaa shalay yeeshay mar kale bilaabay wada-xaajood, si xal loogu helo barnaamijka niyukleerka Iran. Dhinacyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen, dhismaha guddi kasoo shaqeyn doona sidii uu Mareykanka cunaqabeynta uga qaadi lahaa Iran, iyo sidi ay Tehran u joojin laheyd bacriminta maaddada yuraaniyamta ee laga sameeyo hubka niyukleerka. Wadahadalki shalay waxaa ka qeybgalay, wakiillo ka kala socday dalalka Iran, Britain, China, France, Germany iyo Russia. Kulanka oo uu guddoomiyay Midowga Yurub ayaa waxaanan ka qeybgalin Mareykanka. Dhex-dhexaadiyaal ka socda Yurub ayaa isku dayaya in ay magaalada Vienna ee caasimadda Austria isugu keenaan, saraakiil ka kala socda Washington iyo Tehran, si la isugu dayo in dhammaan dhinacyada ku lugta leh ay dib ugu soo laabtaan heshiiskii sannadki 2015-ki ee niyukleerka Iran. PUNTLAND POST The post dowladda Iran iyo Quwadaha dunida oo shir ka yeeshay arrimaha niyukleerka Iran appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in ay maamullo kale difaac u yihiin oo ka hortaagan yihiin Al-shabaab. Qoorqoor oo maanta hadal u jeedinayay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugan degaanka Sinadhaqo oo hoostaga degmada Ceelbuur ayaa yiri “anagu degaano iyo maamullo kale ayaan difaac u nahay oo ka hortaaganahay argagixisada oo aan hubno in ay dhagartooda dhakhso ku gaarsiin la haayeen” “Cidna wax gaara ugama rabno waa dad iyo degaan Soomaaliyeed oo in aan difaacno xaq noogu leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Galmudug. Madaxweyne Qoorqoor ayaa hadalkan yiri, iyadoo degaano badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ay ka taliyaan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Qoorqoor “Maamullo kale ayaa ka hortaaganahay Al-shabaab” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad hakad ku jira shirka looga hadlayo ajendaha shrika arrimaha doorashada Soomaaliya una dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ee teendhada Afisyoon. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeya in Villa Somalia ay diiday shan qodob oo ay soo jeediyeen maamulada Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin, kuwaas oo kala ah:- 1- In la ballaariyo shirka oo laga qeybgeliyo mucaaradka si loo qaato go’aan kama dambeys ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya. 2- In laga doodo mudddo xileedka hay’adaha dowladda ee dhamaaday si gaar ah madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Si gara ah in Madaxweynaha Soomaaliya qoro warqad uu ku cadeynayo in uusan aheyn Madaxweyne islamarkaana ka dhamaaday muddo xileedkiisa, oo uu yahay kaliya sii-hayaha xilka madaxweynaha. 3- In laga wada hadlo arrimihii dhacay 19-kii Feberaayo 2021, kuwaas oo ahaa weeraradii loo geestay mucaaradka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale diidmada Farmaajo ku raacsan Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor. 4- In laga hadlo amniga doorashada iyo cidda sugeysa maadaama qaar ka mid ah ciidamada qaranka lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen weeraradii mucaaradka. 5- In xilalka laga qaado taliyaasha ciidamada qaarkood, kuwaas oo la sheegay in ay door ku lahaayeen qalalaaso ka dhacay Muqdisho, si gaar ah ah taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasin, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dowladda. Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia diidan tahay in qodobadaan ka tanaasusho halka dhinacyada kalane ay diideen in ay ka tanaasulaan, taasi oo xaaladda ka dhigeysa mdi is-mari waa ah. Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka Soomaaliya waxaase la aaminsan yahay in sababahan dartood uu shirku guul darro ku dhamaan doono.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga warbixiyey kulan wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax uu Muqdisho kula yeeshay odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Jubaland, kuwaas oo cabasho ka ah maamulkooda, sida lagu sharaxay qoraalkan. “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaan in odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmay ay cadeeyeen in aysan ku qanacsaneyn maamulka hadda ka jira Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoo dalbaday in Jubbaland laga dhiso maamul la wada leeyahay. “Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar ayaa sida lagu sheegay qoraalkan odayaasha beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubaland ka dhageystay cabashooyinka ay soo gudbiyeen ee la xariira caqabadaha ay ka wajahayaan maamulka Axmed Madoobe. Maamulka hadda ka arrimiya Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe ayaan laheyn macaamil wanaagsan, waxaana ka dhex jira khilaaf salka ku haya doorashadii u dambeysay ee markiisii 3-aad uu ku soo baxay Axmed Madoobe. Dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hor timid dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mar dambe u ogolaatay in si ku meel gaarnimo ah uu Axmed ku sii xukumo Jubbaland, illaa bisha Agosto ee sanadkan, oo haatan ay ka hartay afar bilood.
-
Somali parties suspend talks on electoral process for a day
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, (Xinhua) -- Consultative talks between the Somali government and five leaders of the federal member states will resume on Wednesday, the presidency announced on Tuesday. Source: Hiiraan Online -
Mogadishu (HOL) - A host of international partners have issued a joint statement appealing to Somali leaders to resolve the electoral crisis ahead of the Holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
-
NEW DELHI — The world's largest vaccine maker, based in India, will be able to restart exports of AstraZeneca doses by June if new coronavirus infections subside in the country, its chief executive said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilihii u dambeeyay la dareemayay sarre u-kac balaadhan oo ku yimid qiimaha magaalada Muqdisho la kala siisto hubka noocyadiisa kala duwan, xili ay xaalada dalka kasii dareyso. Hubka uu sarre u-kaca ku yimid ayaa waxaa kamid ah qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, waxaana dhamaantood hadda lagu iibiya qiimihii hore labo jibaarkeeda, sida ay ogaatay Caasimada Online. Suuqyada hubka ee loo yaqaano ‘Cir-toogte’ ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay saa’id loogu kala iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, tan iyo intii uu sii xoogeystay khilaafka doorashada dalka. Sidoo kale sarre u kaca hubka ayaa loo sababeeynaya xaaladda ka jirtay gobolka Gedo, oo ay dowladda federaalka muddooyinkii dambe u daabuleysay hub kala duwan. Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in dhinacyada u badan ee iibsanayay hubka ay kamid ahaayeen Musharaxiinta mucaaridka oo ayagu aad isku hubeynayey, kadib weeraradii kala duwan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ku qaaday 19-kii Febraayo iyo iska hor-imaadyadii u dambeeyay. Xiisada u dhaxeysa Madaxda u sareeysa dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa waxay kasii dartay markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay oo geystay dhimasho iyo dhaawac. Xaalada siyaasad ee dalka ayaa mareysa meeshii u sareysay, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana aysan jirin heshiis ama is-faham guud oo laga gaaray hanaanka doorashada dalka, mana cada halka ay wax sal dhigan doonaan. Hoos ka eeg qiimayaasha markii hore iyo himika lagu kala iibsado Hubka; Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar AK47 $1,800 halka markii hore $1,100 Bastoolada $2,200 markii hore $1,500
-
Mogadishu, 6 April 2021 – As Somalis prepare to welcome the Holy Month of Ramadan, international partners* express hope that the basic tenets of reflection, tolerance, forgiveness and reconciliation will usher in a successful summit of the Federal Government and Federal Member State leaders. Noting the importance of the planned FGS-FMS summit, international partners urge that this Somali-led and Somali-owned dialogue lead to the resolution of all outstanding issues and permit implementation of the 17 September electoral process. Such an agreement, symbolising unity, compassion, and care for others, would demonstrate leadership and concern for the Somali nation and offer a special Ramadan gift to the people of Somalia. We urge FGS and FMS leaders to use this opportunity to resolve their differences and make the necessary compromises in order to ensure that credible, timely, and peaceful elections can be held without further delay to allow Somalia to move forward. * African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Djibouti, Ethiopia, European Union (EU), Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan League of Arab States (LAS), Netherlands, Norway, Organisation of Islamic Cooperation (OIC) Russia, Qatar, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, and the United Nations.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Soomaalida inay heshiis gaaraan, xilli maanta mar kale uu baaqday shirkii Afisyoone ee arrimaha doorashada, kaasi oo sidoo kale shalay aan dhicin. “Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Qoraalka beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 September. “Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa madaxda Soomaalida ku boorisay inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto. Shirka madada dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee Afisyoone ayaa mar kale maanta la hakad geliyey, ayada oo la sheegay inuu dib u furmi doono maalinta Arbacada ee berri. Dib u dhigista dib u billaabashada shirka ayaa loo sababeeyey maqnaanshaha madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Qoor Qoor ayaa shalay dib ugu laabtay magaalad Dhuusomareeb kadib 45 cisho uu joogay Muqdisho iyo Istanbul. Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka uusan 45 cisho oo xiriir ah ka badan ka maqnaan karin deegaanada gobolka. Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta. Qoraalka beeshaa caalamka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
-
Shirkadda Lagu Wareejiyay Dekeda Magaaladda Berbera ee DP World Ayaa cabasho xoog leh ka muujisay Codsiyo iyo Go’aamo uu wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin uu dul dhigay isaga oo u xaglinaya Shirkadda Soo Saarta Daqiiqda ee Al Wadaniya. Waxa ay Dp World war qoraal oo ay soo saartay laguna daabacay Shabakadda Somaliland Chronicle ay ku tidhi “DP World waxay xasuusineysaa Wasiirka in cadaaladdu ay quseyso howlaheeda isla markaana aanay kala sooci karin macaamiisha iyada oo u sameynaysa qiimo dhimis Khaas ah macmiil kasta iyo in Shirkadda National Flour Mill ay bixiso khidmadaha Xamaaliinta dekeda ka shaqeeya ee Geele sida macaamiisha kale ee Dekeda Berbera ay isaga bixiyaan.Waa markii ugu horeysay ee Adduunka oo ay shirkaddu ka hawl gasho in aanu warqad ka helno wasiir dalbanaya in debecsanaan loo muujiyo shirkadd gaar loo leeyahay, taas oo khasaare ku ridi karta shirkaddaha kale ee dalka laga leeyahay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas uu soo saaray agaasimaha DP World ee Berbera Mr. Sanjay Badam Source
-
Mogadishu (HOL) - The Somali government has ratified seven international agreements on labour rights at a virtual ceremony held at the Ministry of Labor and Social Affairs on Tuesday with the Director-General of the International Labor Organization (ILO), Guy Ryder and other officials. Source: Hiiraan Online