Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdadii 19-Febraayo ee ciidamada dowladda ku rasaaseyeen banaan-baxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore. Jeneral Odowaa oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacada VOA-da ayaa ugu horeyntii ku dooday ‘in dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ay ahaayeen waajib lagu muujinayey dowladnimada dalka ka jirta’. Odowaa oo u muuqda mid ka gaabsanaya ka warbixinta dhacdooyinkaas ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada qaranka uu waajib ka saaran yahay ka hortaga falkasta oo wiiqaya nabad-gelyada iyo jiritaanka dowladnimada. “19-kii Febraayo waxaa dhacay, dad kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo darajooyinka ugu sarreeya leh ayaa magaalada Muqdisho qeybo kamid ah intay tageen ayey ka cadeeyay inay ayaga la wareegeen oo wax dowladd ah aysan jirin. Waajib ayaa naga saaran xubin kasta ee ciidanka xooga oo ku kacda wax baal-marsan sharciga iyo nidaamka u yaala dalka,” ayuu yiri. “Waa mas’uuliyad na-saaran in tallaabo ka qaadno cidkasta oo baalmarta sharciga iyo waxkasta oo qal-qal galinaya amniga dalka.” Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed aysan ku dhex milmin siyaasada, balse ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan tallaabo kasta oo horseedi karta amni darro, sida uu ku dooday. Hadalkaan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe ay mas’uuliyiinta mucaaridka ku eedeynayeen madaxda waqtigooda dhamaaday inay dano siyaasadeed oo gaar ah u adeegsanayaan ciidamada dowladda, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen tallaabooyin ka dhan ah mucaaridka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu dhawaan shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya. “Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo.” https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/odowaa.mp3
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdia ka socda dalka Zambia ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyey wasiir ku-xigeenka ahna kusimaha wasiirka arrimaha dibadd Somaliland. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda cadaaladda dalka Zambia, Gavin Lubinda, waxayna saacadaha soo socda kulamo kala duwan ay la qaatan madaxda u sareysa ee xukuumadda Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigaan ka socda dalka Zambia ayaa waxay mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi kala hadli doona xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay wada saxiixdaan iskaashi dhanka garsoorka ah. Somaliland oo ayada ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada ayaa sanadihii u dambeeyay waxay heshiisyo iskaashi la galeysa dalalka Afrika, waxaana muddooyinkii dambe caasimadeeda gaarayey wafuud caalami ah.
  3. A new round of talks aimed at resolving the electoral impasse in Somalia finally kicked off in the capital of Mogadishu Saturday amid pressure from the international community for a consensus. Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHU (HOL) - Two Al-Shabaab militants who were planting land mines on a road in South West state were killed Monday by Somali military. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa dhowaan sheegay in Farmaajo isaga oo aan afka kala qaadin ay jiraan rag ka soo horeeya oo u doodayey intii uu socday shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoone. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shakhsiyaadka kasoo horeeyo madaxweyne Farmaajo oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada ay u ku doodayaan islamarkaasna ay dhahayaan: 1- Looma baahna in laga hadlo muddo xileedka dhamaaday ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. 2- Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dhacay. 3- Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto. 4- Looma baahna in damaanad loo helo fulinta heshiiska. Waxa uu yiri “Taasi waxay ka dhigan tahay in la galo doorasho uu Farmaajo murashaxiinta la tartamaysa weerari karo, xildhibaanka uu diidan yahay Baarlamaanka ka xiran karo, Madaxweyne Dawlad Goboleedna uusan Muqdisho si nabad ah murashaxii uu doono ugu ololayn karin. Waxaa nala kala dooransiinayaa Muddo kororsi mise doorasho qorayga caaradiisa ah.” Caasimadda Online ayaa ogaatay in shaqsiyaadka uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegayo ay yihiin madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay madaxweyne Farmaajo kala hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19-ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin. Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa u muuqda inay yihiin kuwa aad ugu dadaalayo inaan la qaadan shuruudaha ay Axmed Madoobe iyo Deni ku xireen ka qeybgalka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku doodaya in ajandaha aan lagu soo darin wax ka baxsan heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September 2020. Wada-hadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka ee Muddo xileedkoodu dhammaaday iyo dowlad goboleedyada ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan caqabadaha hortaagan. Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta faro-gelinta tooska ah ee beesha caalamka.
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Caddaaladda dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa markii u horreysay socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, u xaqiijiyey Ku-simaha Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah JSL, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Liibaan Yuusuf Cismaan. Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa si diiran madaarka Cigaal International Airport ugu soo dhaweeyey Weftiga Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda. Wasiir Liibaan Yuusuf waxa uu tilmaamay in weftiga Wasiirka Zambia ay kulamo yeelan doonaan masuuliyiinta Xukuumadda, iyadoo Salaasadda ee Beri uu la kulmi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu tilmaamay in wadajir ay uga wada hadli doonaan iskaashiga iyo masaalixda labada dal. Wasiirka Caddaaladda ee Zambia waxa uu hore u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaasi oo ku yaalla koonfurta Qaarada Afrika, kaasi oo xog ogaal u ah Xaaladda iyo Qaddiyada Somaliland. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dedaal weyn gelisay inay qaddiyadda JSL dhacsiiso dalalka Midowga Afrika oo xiligan ay koradhay dalalka danaynaya inay wax la qabsadaan Somaliland. Source
  7. Warka soo baaxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageray xarriga uu Boqorka Urdun u geeystay dhaxal sugihii Boqortooyada . Wasaaradda ayaa sheegtay in ayada oo ka duuleysa xiriirka qotoda dheer ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Urdun ay garab istaageyso Talaabooyinka uu qaaday Boqor Cabdalla bin Al Hussein . “Iyadoo lagu saleynayo xirirka qotada dheer, cilaaqadkeena kalsoonida leh iyo danaha guud ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo boqortooyada an walaaha nahay ee Boqortooyada Hashemiydda ee Urdun, Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay si weyn u taageersantahay isla markaana ay si adag isubarbar taagayso dhammaan tallaabooyinka iyo go’aamada uu qaatey Boqorka Cabdalla bin Al Hussein, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida Boqortooyada.” Dhaxal suge Amiir Xamza bin Xuseen ayaa la xiray kadib markii uu amray boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Bin Al hussein. Muuqaalkan uu soo duubay Sabtidii ayuu ku yidhi “waxaa booqasho iigu yimid taliyaha ciidanka Urdun saaka oo ii sheegay in aan la ii ogolayn in aan guriga ka baxo oo aan dadka la xidhiidho ama aan la kulmo sababta oo ah kulamo aan fadhiyey ayaa lagu dhaliilay boqorka”. Wuxuu sheegay in aan isaga qof ahaan loogu eedayn dhaleecaynta. Hase yeeshee isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “anigu ma ihi qofka ka masuulka ah maamulka dumay, musuqa iyo karti darrada ka jirtay maamulka dalkeena 15 ilaa 20 sano ee u dambeeyey ee hadana ka sii daraya. Anigu kama mausul ihi in shacabku kalsooni ku qabi waayaan hay’adahooda dawladda”. “Waxay arintu gaadhay meel aan qofna awoodin inuu hadlo ama uu aragtidiisa cabiro isaga oo aan ka baqayn in la handado, la xidho ama loo hanjabo” Xadhigga siyaasiyiinta sarsare waa ku dhif Urdun oo ah dal ay xulufo yihiin Maraykanka oo Bariga Dhexe ku yaal. Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Qaahira)-Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Itoobiya ee la xidhiidha biyo xidheenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaadhi karo kahor inta ayna Itoobiya dib u billaabin buuxinta biyo-xidheenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay Masar. Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa. “Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaadhaan…. kahor xilliga daadadka,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar. Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xidheenka. “Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yidhi. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yidhi Sissi. Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus millatari la sameysya Masar. Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka. Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xidhay walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuurayay halkaas. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada” Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu soo diray kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galiyay. Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo Source
  10. Xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay wada hadalada u socda madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . QM ayaa sheegtay in ay dhiira gelineyso Kulamada hor-u dhaca ah ee u dhaxeya dowladda Fedaraalka iyo dowlad gobaleedyada , kaas oo furmay 3 Bishan . “QM waxaa dhiiri galiyneysa Wadahadalada DFS iyo dhamaan hogaamiyaasha dowleedyada ee Hor u dhaca ah , kuwaas oo laqabtay 3-4 Abriil. Waxaan fahamsanahay in hogaamiyayaashu qorsheynayaan inay sii wadaan wadahadalkooda, waxaanna ku boorrinaynaa inay ku gaaraan heshiis wadahadalladaan muhiimka ah.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Soomaaliya . Hadalka QM ayaa yimid iyadoo muddo labaa maalin ah wadahadalo hor u dhac ah madaxda dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada Muqdisho uga socdeen , wallow maanta la nasanayo madaxdana berri oo Talaada ah wada hadalada dib u bilaabi doonaan . Source: goobjoog.com
  11. Haweenay Naaquude markab ah oo lagu eedeeyay inay xayirtay kanaalka Suez’ Marwa Elselehdar haweeneydii ugu horreysay ee u dhalatay Masar ee naaquuda noqotay Bishii aynu soo dhafnay, Marwa Elselehdar ayaa waxay la kulantay arrin la yaab leh. Waxaa soo ifbaxay wararka sheegaya in markab weyn oo xamuul qaaado laguna magacaabo Ever Given uu fariistay kanaalka Suez, arrintaas oo saameyn weyn ku yeelatay mid kamid marinka ugu muhimsan ee maraakiibta caalamka Balse waxay teelkeeda ka aragtay warar been abuur ah oo sheegaya in iyadu ka dambeysay waxa meesha ka dhacay. “Aad ayaan ula yaabay,” ayay tiri Marwa oo ah gabadhii ugu horeysay ee naaquuda markab ka noqoto dalka Masar. Xilliga markabku fariisanayay kanaalka Suez, Ms Elselehdar ayaa maamulka u haysay markabka Aida IV, boqolaal mayl meel u jirta biyaha Alexandria. Markabka ay hogaanka u hayso ayaa waxaa leh waaxda badbaadada badda ee Masar wuxuuna sahay u siday xarun tababar oo badda cas ku taalo. Waxaa baraha bulshada qabsaday warar been abuur ah oo laga dhigay inay tebiyeen warbaahinta Carabta oo ah in shilka kanaalka ay ka dambeysay Marwa Elselhedar. Marwa Elselhedar waa 29 Jir waxayna BBC-da u shegetay in aysan ka warqabin cida faafisay wararka been abuurta iyo danta ka la haayeen. Marwa Elselehdar says she feels encouraged by some of the response she’s had to the false rumours “Waxaan u maleynayaa sababta la ii bartilmaamedsaday in aan guul ka gaaray. howshan anigoo ah haweeney Masaari ah,” ayay tiri Marwa. ” Aragtida dadka ee warbixinta been abuurka ee baraha bulshada iga asoo dhigay aad ayay u qalafsanayeen waana kuwo niyad jab leh, balse sidoo kale waxaa jiray dad kale oo wanaag badan goobta ku qoray sida dadka aan isla shaqeyno oo garab i siiyay, sidaas darteed waxaan go’ansaday in aan diirada saaro wixii wanaagsancaradeydana waxaan ku baddelay jaceyl”. “Waxaa xusid mudan in aan caan noqday weli ka duwan sidi hore aan ahaa.” Waxaa sidaasi sheegtay Marwa. Bisha soo socota Marwa Elselhedar ayaa uu fariisan doonta imtixankeeda kama dambeysta ah ee ay ku doonayso inay noqoto Captain-ka Markabka (naaqudaha guud) waxayna ku rajo weyntahay inay tusaale u noqon doonto dumarka. “Farinta aan u dirayo dumarka doonayo inay ka shaqeeyan badda ayaa ah, waa in aad u dagaalanto waxaad jeceshahay hana ogolaan in wax yar oo nacayb ah ay ka hor istaagto hamigaaga.” Ayay ku dhiiragelisay Marwa.Last month, Marwa Elselehdar noticed something strange. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiira-gelisay joogitaanka dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wada-tashiga ee 3-dii ilaa 4-tii April ka dhacay Muqdisho QM ayaa sidoo kale ku boorisay dhinacyada ku shirsan Afisyoone inay xal ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka. “Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorsheynayaan sii wadida wada-hadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Shirkan u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Kulankii shalay oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka. Madaxda ayaa la sheegay in maanta ay soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kulanka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo hadal qaaday wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni, kuwaas oo diirada lagu saarayo is mari-waaga doorashada. Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay fashil ku yimaada wada-hadallada socda oo ah kuwa ugu dambeeya ee lagu dhameystirayo heshiiska 17-kii September. “Haddii si dhab ah ay u wada hadlaan saamileyda siyaasadda waxaa lagu gaari karaa doorasho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyeyaasha waa in ay si faah-faahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgortanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo weeciyo la guuldareysan doono,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyado ay hakad galeen kulamadii u socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, ka gadaal markii la’isku fahmi waayey qodobada qaar ee ku jiro wada-hadallada looga arrinsanayo doorashooyinka.
  14. Howlgalo ciidamada Daraawishta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ka sameeyen deegana hoosaga gobalka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay xubna ka tirsan Urrurka Al-shabaab. Ciidamada ayaa si gaar ah howl galka uga sameeyay Degmada Qansax-dheere ee gobalka Bay, ayaa sheegay in howl galka ay ku dileen xubna ka tirsan Urrurka Al-shabaab. Maxamed Mukhtaar Cabdi Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Qansax-dheere ayaa sheegay in laba Ruux oo ka tirsan Al-shabaab ay dileen . Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in raggan xilliga la dilayay ay doonayeen in ay aasaan Miinada nooca dhulka la geliyo . Holw galkan oo ahaa mid qorsheysan ayuu Maxamed Mukhtaar sheegay in ay goobta ay ka fuliyeen Al-shabaab ay ku lahaayeen Fariisimo sidoo kalena ay ku farsameyn jireen Miinooyinka . Source: goobjoog.com
  15. Garowe (PP News Desk) — The Exchange Rate Crisis Committee chaired by the former Puntland President Abdirahman Sheikh Mohamud Farole has issued a three-point recommendatios about electronic money transactions below 1 US dollar. Appointed by the Puntland Finance Ministry, the Committee urged mobile money operators to introduce Somali shilling-denominated transactions below 1 US dollar. At the receiving end of vague instructions: Mobile money operators in Puntland The Finance Ministry expects the recommendations to take effect in five days. The light regulation by the Finance Ministry will affect Somtel, Amtel, Golis, Daryeel Bank and Som Bank, key players in Puntland mobile money market. However, the second point of the recommendations contains vague instructions to the mobile money operators in some Puntland State districts that might not be affected by recommendations. The second point in the recommendations vaguely instructs some Puntland-based telecommunications companies not to change tack. “It has been agreed that telecommunications companies operating in Puntland State cities bordered with cities, where other competitors are operating, will continue to conduct their dollar-based transactions as usual” reads the second point in the recommendations in translation. Puntland State Government appointed the Exchange Rate Crisis Committee last year to rein in the depreciation of the Somali shilling against the dollar due party to dual exchange rates and preference for the US dollar over the Puntland-printed Somali shilling for transactions. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Exchange Rate Crisis Committee Issues Recommendations appeared first on Puntland Post.
  16. Roobabka Gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhul kala duwan oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka DDS, halkaas oo abaaro iyo biyo la’aan daran ka jirtay. Roobabka oo Mir iyo Mayay-ba leh, ayaa sida la sheegayo maaruqay balliga Waaf-dhuug iyo degaanno kale oo ka tirsan degmada Wardheer ee Gobolka Doollo. Sawirro laga soo qaaday balliga Waaf-dhuug, waxay muujinayan xareed waran iyo rays qoyan oo weli ka muuqda dhulka. Sidoo kale, waxa sawirka ka muuqda daruur biyaysan oo cirka ku marriiman. PUNTLAND POST The post Roobabka Gu’ga oo ka curtay Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka DDS appeared first on Puntland Post.
  17. Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay xukun dil ah ku fuliyeen laba nin oo odayaal ah, kuwaas oo ay ku tilmaameen saaxiriin. Warbaahinta Al-shabaab, ayaa daabacday in labada oday lagu toogtay fagaare ku yaalla degaanka Buulo-fallaay oo ka tirsan Gobolka Baay. Maxkamadda Al-shabaab oo xukunka ridday, ayaa shaacisay magacyada iyo da’da odayaasha la toogtay, inkastoo aysan sawiradooda baahin. Labada nin waxay kala ahaayeen Xasanow Caliyow Maxamed oo da’diisu tahay 64-sano jir iyo Cabdi Ibraahim Sheekh oo da’diisa lagu sheegay 78-sano jir sida laga soo xigtay maxkamadda Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay odayaal 64 jir iyo 78 sano jir ah appeared first on Puntland Post.
  18. Qarax Culus oo lala eegtay Ciidamada kenya +Halkuu ka dhacay & Khasaaraha Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa gaadhi ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino lagula eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas. Gaadhi ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Ugu yaraan hal ruux oo ahaa darawalkii waday gaadhiga ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaadhiga. Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoo sheegay inay ku dileen Darawalkii gaadhiga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay askar kale. Qaran News