-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay caqabad ku yihiin wadahadallada la doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka dhashay muranka biyaha webiga Nile. Wadahadalladii ugu dambeeyay ayaa lagu guuldareystay iyadoo dhinacyada ay isku jeediyeen eedeymo, waxaana wadahadalladaas lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa sheegtay in wadahadallada lagu guuldareystay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhageen qodobo laisku heystay oo ku saabsan saamiga biyaha webiga Nile. Itoobiya waxay sheegtay in ‘labadan dal ay qaadeen tallaabooyin ay kaga hortagayaan hannaanka wadahadallada ah ee lagu xallinayo muranka ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika’ Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegtay in Itoobiya u handdadeyso dadka uu ka dhexeeyo qeybsiga biyaha Nile gaar ahaan shacabka Suudaan. Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xidheenka iyadoo Masar iyo Suudaan ayaa ka baqayaa in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika. Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha. Source
-
Maanta oo Arbaco ah waxaa dib u bilowdey Shirkii Madaxda Soomaalida ee Arimaha Doorashada kasoo baaqdey Shalay balse maanta ayuu dubbing furmay. Warar hordhac ah oo aan helayno waxay sheegayaan in Wali ay aad ukala fog yihiin Madaxda kuvshirsan Afisyooni, Qodobada la isku hayo ayaa u muuqda kuwo aan heshiis laga gaari Karin maanta, Qodobadaas waxaa kamida Gudiyada Doorashada ee Dowlada Federaalku soo magacaabeen. Madaxweyne Farmaajo ma ogola in la badalo gudiyadaas, halka Mucaaradku ay ku andocooayaan in Gudiyadaas aysan Masuul ka noqon Karin Doorashada, Mucaaradku waxay fariintooda usoo dhiibeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Waxaa muuqata in Gudiga Doorashadu uu yahay caqabadaha uguweyn ee hortaagan Doorashada, Gudiga inta badan waxay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha, waxaa kaloo kamida Xubno ka tirsan Ciidamada NISA, Mucaaradkuna waxay u arkaan Gudigaan mid aan dhexdhexaad ka noqon Karin Doorashada. Hadii aan maanta heshiis kaga gaarin Gudigaan , Shirku wuxuu noqonayaa mid aan guul kusoo dhamaan. Puntlandi.com The post Breaking News— Shirka Madaxda Soomaalida ee maanta bilowdey oo laga cabsi qabo inuu natiijo la’aan kusoo dhamaado appeared first on . Source
-
Mashruuca Lagu dhisayo Dekada Garacad oo ku bilowdey Hanaanka isku tashiga Bulshada ayaa waxaa ku baxaya in ka badan 200 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,Waa Madhruuca uguwatn Afrika oo Bulshadu hirgaliso iyagoon wax Casumaad dhaqaale ah aysan ka helin gacan shisheeye. Rumayso ama ha rumaysan Dekada Garacad waxay noqonaysaa Dekada ugu weyn Soomaaliya , Hada waxaa Bada Gudaha loogala in waxyar ka badan 700 oo mitir, waxaana la filayaa in la gaarsiiyo 1 km( 1000 mitir). Waxayna noqonaysaa Dekada ugu noolaa dheer( Gunta hoose ee Bada). Dowlada Puntland ayaa u samaysay Ciidan gaara oo ilaaliya Dekada kuwasoo Saldhig wayn ka samaystey dhanka Koonfireed ee Magaalada Garacad, Garacad waxay noqonaysaa Dekada labaad ee Puntland, Dhismaha Dekada waxaa feer socda oo meel fiiacan maraya Dhismaha Haangarada Lagu keydin doono waxyaabaha kasoo dega Dekada, waxayna noqonayaa Hangaro aad u waaweyn. Maamulka Mashruucaan waxay tidobaadkaan shaaciyeen in guul weyn laga gaaray Dhismaha Dekada, Puntlandi.com The post Mashruuca Dekada Garacad waa kii ugu weynaa Abad oo Bulshadu hirgaliso appeared first on . Source
-
MOGADISHU (HOL) - A team of local and foreign economic advisors appointed by the Federal Government in 2018 has called for the urgent resolution of the ongoing political stalemate warning continued gridlock risks wiping out all economic gains and further destabilising the country. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 100 qof ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dagaal gobolka Sitti ku dhex-maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween oo ku sugnaa gobolka Sitti, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhalinyarada gobolka ay sameeyeen iska caabin, isla-markaana ay dileen ugu yaraan illaa 25 ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday. Qoraal ah kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso 100-ruux oo isugu jiro labada dhinac, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi. Dagaalladan oo ah kuwa soo noqo-noqday ayaa waxaa ka dhashay barakac, xaalado bani-aadamnimo iyo kuwa caafimaad oo ka taagan gobolka Sitti. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya Soomaalida iyo Canfarta oo dhowr jeer isku dhacyo ay ku dhex-mareen halkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Onilne) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho dib uga billowday kulankii u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo Sabtidii ka billowday Teendhada Afisyoone. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, shanta madax goboleed iyo duqa Muqdisho. Kulankan ayaa shalay dib u dhacay, sababo la xiriira safarkii Qoor Qoor ee Dhuusamareeb, kaas oo gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Wararka sheegaya in shirkan laga filayo in horumar laga sameeyo, gaar ahaan qodobada la’isku haya ee hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyoone. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, waxaana si aada la’isugu hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021 oo uu ku yimid dib u dhac baahsan.
-
(SLT-Addis Ababa)-Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadaladii u dhaxeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee looga hadlayay biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ayaa soo dhamaaday iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin. Wufuudda saddexda dal waxay kulmeen iyagoo isku dayaya inay jabiyaan ismari waaga wadahadallada biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Niil, mashruuca Addis Ababa ayaa ku tilmaantay inuu fure u yahay horumarintiisa dhaqaale iyo soo saarista awoodda korontada. Wadaxaajoodyada, oo lagu qabtay magaalada Kinshasa, DR Congo, ayaa la soo gabagabeeyay Talaadadii iyada oo aan wax heshiis ah la gaarin, sida lagu sheegay war-murtiyeed la shaaciyay markii ay wadahadaladu dhammaadeen. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa sheegtay in wadahadalka uu fashilmay kadib markii Itoobiya ay diiday soo jeedinta Suudaan ee ahayd in wada hadalada lagu daro dhexdhexaadiyayaal caalami ah. Afhayeen Axmed Hafez wuxuu sheegay in Itoobiya ay diiday Mareykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo door ku leh korjoogteynta wadahadalada. “Mawqifkani wuxuu mar kale muujinayaa la’aanta Itoobiya ee rabitaan siyaasadeed oo ay kula xaajooto niyad wanaag,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar. Wasiirka arrimaha dibedda ee Suudaan ayaa sheegay in talaabooyinka hal dhinac ee Itoobiya ay ka qaaday biya xireenka ay tahay xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah. “Haddii aan loo wajihin wadaxaajood cusub, waxaa fursad loo helayaa in Itoobiya ay fuliso qorshaheeda isla markaana ay qatar geliso dhammaan shucuubta gobolka,” ayay tidhi Mariam al-Sadiq al-Mahdi. Saraakiisha Itoobiya wax hadal ah oo degdeg ah kamay bixin. Itoobiya ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu fure u yahay horumarintiisa dhaqaale iyo soo saarida koronto ee dadkeeda oo ah 110 milyan oo qof. Laakiin Masar waxay ka cabsi qabtaa in biyo xireenka uu qatar geliyo sahaydeeda biyaha Niilka, halka Suudaan ay ka walaacsan tahay nabadgelyada biyo xireenka oo biyuhu ay dhex marayaan biyo xireenno iyo xarumo biyood u gaar ah. Toddobaadkii la soo dhaafay, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi wuxuu yidhi “waxaa jiri doona xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka” haddii sahayda biyaha ee Masar ay saameyso biyo xireenka. Suudaan iyo Masar oo dhinac ah waxay rabaan in dhexdhexaadinta la ballaariyo oo lagu daro Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub – kuwaas oo hadda haya kaalinta kormeerayaal – halkii ay ka ahaan lahaayeen dhexdhexaadiyeyaasha. Si kastaba ha noqotee, Itoobiya ayaa dooneysa in wadahadallada GERD ay hoggaamiyaan kaliya Midowga Afrika. Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in Masar iyo Suudaan ay la yimaadeen qodobo aan ka mid ahayn ajendaha, sida dib u dhigista buuxinta GERD ilaa heshiis laga gaadhayo. Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in buuxinta labaad ay dhici doonto bisha July waxaana lagu wadaa inay keydiso 13.5 bilyan oo mitir kuyuub oo biyo ah. Taasi waa saddex jibaar ka badan xaddiga biyaha ee ku keydsanaa GERD markii ugu horreysay ee la buuxiyay sannadkii hore, taasoo saameyn ku yeelatay saldhigyada biyaha iyo qaar ka mid ah beeraha ku teedsan wabiga Nile oo saameyn ku yeeshay biyo-gelinta shan milyan oo qof oo dalka ku nool. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM. Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka. Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah. Shiinaha ayaa horey u muujisay mowqifkeeda, ayada oo taagero weyn siisay dowladda Farmaajo xilli ay cadadais ku hayeen dalalka reer galbeedka. Qoraal uu bishii hore soo saaray safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.” Haddii labadaan dal is hortaagaan qaraarada ka dhanka ah Soomaaliya ee la keeno Golaha amaanka ayaa Soomaaliya sii ahaan karto sidaan maadaama aysan UN-ka ka qaadan karin go’aan ku aadan xaalada cakiran ee Soomaaliya. Cakirnaanta dhinaca doorashada ee Soomaaliya ayaa u muuqato mid ay door ku leeyihiin dowlado waa weyn, kuwaas oo dano ka leh Soomaaliya waxaana la aaminsan yahay in arintaan ay madaxda dowladda ee muddo xileedkooda dhamaaday u horseedi karto dhiranaan ay xafiiska ku sii joogaan.
-
(SLT-Khartoum)-Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israa’iil Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa salaasadii shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xidhiidh dhexmaro Sudan iyo Israa’iil. Go’aankan ayaa waddada u xaadhaya hagaajinta xidhiidh diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israa’iil iyo Sudan, waxana uu imanaya bilo kaddib marki ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis nabadeed. Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xadhiidh ay la sameeyaan Israa’iil. Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israa’iil.Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israa’iil u aqoon dal jira. Source
-
Kadib muddo laba maalin ah oo uu hakad ku jiray shirka hor-u dhaca ah ee arrimahad doorashoyinka waxaa dib u bilaabmaya maanta wadahadalada dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka . Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada , Farmaajo , Ra’iisul wasaare Rooble iyo Duqa Muqdisho ayaa la filaya in saacadaha soo socda ay kulamada hor-u dhaca ah ee wadatashiga Doorashooyinka Afisyooni ku yeeshaan. Shirkan oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashada iyo Ajendaha shirweynaha wadatashiga Doorashada ayaa weli madaxda ay isku mari la’yihiin . Labada dhinac oo cadaadis kala kulmaya beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ka hor Bisha Ramadan ay heshiis ka gaaran khilaafka . Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo noqday kadib safar maalin qaatay oo uu ku maqnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug . Axmed Qoor Qoor ayaa kadib laba maalin uu ka qeyb galayay shirka hor u dhaca doorashooyinka dib ugu noqday magaalada Dhuusamareeb , kadib markii ay ka dhamaatay mudada Dastuurka Galmudug u ogolaanayo madaxweynaha in uu deeganadiisa ka maqnaado. Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirarka Hor u dhaca ah ee arrimaha doorashooyinka , kaas oo magaalada Muqdiso uga socda madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay dib uga billowdaan wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir. Wada-hadallada oo hakad-galay labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa qorshuhu yahay inay maanta dib uga billowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyooni. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday in shuruudo horleh lagu xiro fulinta heshiiska 17-kii September, kuwaas oo dib usii dhigi kara wada-hadallada haatan socda. Si kastaba Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, waxaana si aada la’isugu hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021 oo uu ku yimid dib u dhac baahsan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diiday in shuruud lagu xiro shirka maalmihii u dambeeyay ka socday Afisyooni, kaasi oo maalintii Axadda hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu shirkaas dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah la gaarin. Madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday iyo madaxda Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah ayaa isku haya qoddobo dhowr ah oo ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta si la iskugu fahmo, inkasta oo uu haddana baaqday. Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka. Hase yeeshee, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa diiday in xiligan “wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen,” si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay, sida uu sheegay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey waxa uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari-waa. Madaxtooyada ayaa dooneysa kaliya in laga wada-xaajoodo qodobadii heshiiska September 17, hase yeeshee Jubaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in dowladda ay kadib qaaday tallaabooyin carqaladeyn ah, ayna tahay in laga wada-hadlo. Go’aanka Villa Somalia iyo shuruudaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa sii dheereyn kara is-mari-waaga dhinacyada is-haya, xili ay beesha caalamka muddo ku dhow bil magaalada Muqdisho ku hayso madaxda Puntland iyo Jubaland oo ayagu diidan hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeeda dhamaaday. Waxaa hoos u dhacday rajada laga qabay in is-faham guud oo lagu galo shirweynaha doorashada laga gaaro kulamada Afisyooni, mana cadda in beesha caalamka oo gadaal ka riixeysa wada-hadaladan ay si toos ah usoo faro-gelin doonto.
-
On 5 February 2021, minutes after she gave birth to her eighth child at the Hanaano General Hospital in Dusamareb, 37-year-old Zahra’s* heart sank. Her doctor explained her baby had birth asphyxia, which meant she was having difficulties in breathing. She had an oxygen rate of less than 40%, compared to the required levels of 90% and above. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (AP) — Tanzania’s new president appears to be taking a new, scientific approach to combat the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khabiir ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah, una dhashay dalka Finland, ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyey. Geerida Khabiirkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Agaasimaha Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland oo ka qeybgalay tacsi loo sameeyey Khabiirkaan. Khabiirkaan oo u shaqeynayey howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaan illaa hadda la sheegin magaciisa, balse wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Finland ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo khabiir ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka soo gaara rayidka uu dhinto isagoo howlgalka ku jira. “Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka waxa ay si qoto dheer ula qaybsanaysaa murugada weyn ee ehelka khabiir ku dhintay howlihii maaraynta dhibaatooyinka rayidka” ayuu yiri Kirsi Henriksson oo ah Agaasimaha Xarunta Maareynta dhibaatooyinka Finland. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dhimashadaan ay murugo ku abuurtay dadka ka shaqeeya maaraynta dhibaatooyinka rayidka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalkaas. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, khabiirkaan ayaa Muqdisho ku dhintay 21-kii bishii hore ee Maarso, kadib markii uu dhowr maalmood la xanuunsaday cudurka Coronavirus. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Finland, meydka khabiirka ayaa la geeyey dalkaas maalintii Khamiista oo taariikhdu aheyd 1-kii bishan Abriil. Shaqooyinka Howlgalka Maareynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah ayaa waxaa kamid ah taageerida qeybaha booliska badaha, taageerida horumarinta ciidamada ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo hormarinta guud ee booliska. Dowladda Finaland ayaa howlgalkaan waxay ku leedahay illaa sideed khubaro ah, sida ay baahisay warbaahinta dalkaas Finland, inkastoo mid ah uu yahay kan la shaaciyey geeridiisa. Finland ayaa sanad kasta ilaa 120 qof oo bartay maaraynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah waxay ugu deeqdaa howlgalada EU, UN, OSCE, NATO ama Golaha Yurub.