-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubaland, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa jawaab ka bixiyay war ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa in uu fashilmay shirkii Muqdisho. Puntland iyo Jubaland, waxay beeniyeen eedaynta dowladda Federaalka oo la xariirtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen in dalku doorasho aado, islamarkaana ay fashiliyeen shirkii Muqdisho. Wasiirada labada dowlad goboleed, waxay sheegeen in uusan fashilmin shirka, balse madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu awoodda wareejiyo, maadaama mudda-xileedkiisu dhammaaday. Sidoo kale, waxay boor isku-qarin ku tilmaameen hadalka wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo sheegay in Puntland iyo Jubaland fashiliyeen Shirka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Jubaland oo beeniyay eedayn uga timid Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qodoba dhowr ah oo ay keenen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay sababtay in uu fashilmo Shirka Afisyooni. Shirkan oo goordhaw lagu kala tagay ayaa muqdisho tan iyo 3-dii bishan . Qodobada Fashilka keenay ee dowladda ay sheegtay ayaa waxaa ka mid ah :- 1: In Baarlamaanku uu noqdo kusime . 2: In Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday qoro warqad uu ku cadeynayo in uu kusime yahay 3: Xukuumaddu noqoto xil gaarsiin oo aysan qaadan Qaraaro mustaqbalka sameyn yeesha 4: In Beesha Caalamka ay damaanad qaade ka noqoto heshiiska dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada 5: In shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada ee qeeybta ka ahaa weerarkii 19 February Muqdisho ka dhacay , ee loo geystay madaxweeynayaashi hore . Qodobadaan ayeeyna diiday dowladda, iyadoo ku tilmaamtay in haddii ay dhacdo taas la micno tahay Dowlad La’aan Source: goobjoog.com
-
Madaxwwynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaga baxay shirkoo socda , wuxuuna Madaxweynuhu ka carooday kadib markii Madaxweyne Axmed Madoobe uu hadalo ku yiri. Ilowareedyo ayaa Puntlandi.com u xaqiijayay in labada Madaxweyne ay ku mureren Arinkaas Gobolka Gedo iyo Kulankii ay Wasaarada Arimaha Gudaha Ay ku sheegtay inay la kulmeen Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland. Madaxweyne Farmaajo kolkuu Shirka ka baxay waxaa ka daba baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele . Goor dhow ayaa Ountland Qoraal kasoo saaraysaa Burburka Shirka, waxayna ku sharaxayaan sababta keentay in Shirka lagu kala koco. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ka xanaaqay Shirkii Wadatashiga appeared first on . Source
-
Waxaa goordhaw Fashil ku soo dhamaaday shirka wadatashiga doorashooyinka oo magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka. Shirka oo labada dhinac ay isku mari waayeen Ajendayaasha qaar. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka uu ka socon wayay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegey in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay sabab u yihiin fashilka shirka. “Waxa hadda soo gebegaboobay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo illaa bishii hore ee March dhammaadkeedii lagu dedaalayey in lagu qanciyo madaxda Puntland iyo Jubaland qabsoomidda doorashada. Haddaba Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.” ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Barta Facebook. Sikastaba Fashilka wadahadalada garwadeynka ay ka aheyd beesha Caalamka ayaa sii Cakiraya xaaladda Dalka. Source: goobjoog.com
-
Shirkii Madaxda Soomaalida uga socdey Afisyooni ayaa soo dhamaadey iyadoon wax guul ah laga gaarin, Wararka rasmiga ah waxyaabaha Sababay in lagu kala koco Shirka ayaa ah sidaan. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegey inuu ogolaanayo in uu wax ka badalo Gudiga Doorashada iyo in Shirka Weyn ay kasoo qaybgalayaan Xubno matalaya Musharixiinta iyo Soomaaliland taas badalkeeda in Xukuumadiisa laba Sano iyo Bar loo kordhiyo walhtiga si Dalka ay u gaarsiiso Doorasho. Arnkaan waxaa ka biyadiidey Puntland iyo Jubbaland, oo sheegey in Arintaan uusan sinaba qayb uga ahayn wadahdalka, Waxayna ku tilmaameen Carqaladeyn. Madaxweynaha Galmudug ayaa Soo dhaweeyey soo jeedinta Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmasjo wuxuu diidey in laga hadlo Arinkaas Gobolka Gedo, taasna Puntlandi.com The post War Deg Deg ah— Shirkii Madaxda Soomaalida oo Lagu kala kacay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey. Shirka ayaa fashilmay kadib markii la isku mari waayey dhowr qodob oo uu diiday madaxweyne Farmaajo, oo ay ka mid yihiin; in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro amniga doorashada, gaar ahaan doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo musharaxiinta mucaaradka kula mideysan Madasha Badbaado Qaran, ayaa qaba in kadib wixii dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo ciidamada amniga ay weerareen musharaxiinta, aan Farmaajo lagu aamini karin amniga doorashada. Farmaajo ayaa sidoo kale didiay in ajandaha shirka lagu daro doodda la xariirta, muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka ee dhammaaday, iyo in beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan wada-hadallada. Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho. “Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe. Farmaajo ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ogolaaday in ka qeyb-galaaysha shirka la ballaariyo, laguna soo daro qaar ka mid ah mucaaradka, balse waxa uu diiday dhammaan qodobadkii kale ee la doonayey in ajendaha lagu soo daro. Hoos ka daawo wasiir Dubbe
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ku eedeysay in aysan rabin in dalka ka dhacdo doorasho asaaskeedu yahay heshiiskii 17 September 2020 iyo is fahankii 16 February 2021. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii February. “Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Dubbe. Hoos ka daawo hadalka Wasiir Dubbe PUNTLAND POST The post Wasiir Dubbe: Puntland iyo Jubaland ma rabaan in dalka doorasho ka dhacdo appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland and Zambia are looking on ways of building closer relations on trade and development. Zambia Justice Minister Gavin Lubinda held talks with Somaliland President Muse Bihi on Tuesday morning at the Presidential palace in Hargeisa where they discussed matters of mutual interest between the two countries. Zambia and Somaliland have enjoyed close relationship over the years. Former Zambian President Kenneth Kaunda twice visited Somaliland and enjoyed good relations with the Republic of Somaliland. During the Tuesday meeting, President Muse and the President of Zambia Edgar Chagwa Lungu, spoke on the phone, discussing bilateral relations and closer cooperation on matters trade and development. They discussed issues such as strengthening relations between the two countries, and the history of the two countries since the colonial era, which has resulted in the people of Somaliland living and working Zambia. Somaliland has been on a shuttle diplomacy across Africa to build close ties with different countries as the country looks towards gaining development partners in the continent and seeking allies within the African Union to press for international recognition. pd.co.ke Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — Anton Lyadov, a Russian YouTuber, visited Somalia several weeks ago to make a documentary for his channel, The People. He fixers in Mogadishu welcomed him and facilitated visits to different parts of the capital city. During his visits to several markets in the Mogadishu Lyadov felt more at home with locals. Anton Lyadov took down the disinformation-fuelled documentary on Somalia after a substantial number of viewers disliked it and complained to YouTube. “The outcome of his visit has been a documentary portraying Somalia in way that can only be likened to areas in his homeland under the Russian mafia” says , a Somali media analyst in Mogadishu. On Monday Lyadov took down the documentary after receiving the highest number of dislikes and reports to Google. “Somalis who have watched the documentary have realised it was a hatchet job against Somalia. They did not only dislike the documentary but they also lodged complaints against Lyadov’s channel due to disinformation contained in the documentary” added the media analyst. Lyadov posing for the camera with his fixers described by a Somali YouTuber as “lackeys”. Lyadov modelled his documentary on previous documentaries he had produced such as “Most Dangerous State in Mexico” and Venezuela: Most Dangerous City on Planet”. Abdihafid Jama, an influential Somali YouTuber, described the Somali fixers who had facilitated Lyadov’s entry into Somalia as “lackeys”. Abdihafid Jama, a Youtuber, took Lyadov to task for a Pravda-inspired hatchet job against Somalia. “Lyadov of utilises disinformation tactics from the former KGB’s playbook. That he used Youtube as the means to spread disinformation about countries reflects tactics of the fake news purveyors” said Adan Mohamud, a mass communications lecturer in Mogadishu. Lyadov might lose his scaremongering YouTube channel, which has the agenda to spread canard about countries. © Puntland Post, 2021 The post A Russian YouTuber Takes Down a Misleading Documentary On Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa biyo qabow ku shubtay wararka sheegaya iney kaliya garab istaag u muujineyso Jubaland oo kaliya iyadoo iska ilowday Soomaalida inteeda kale. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay su’aasha la xiriirta iney kaliya isbaheysi la aburteen Jubbaland, wuxuuna wareysi siinayay Tv-ga RTN. “Su’aashaan aad ayey iigu soo badatay, wixii Puntland ka hallaaba waxey ka hallaabeen Soomaalida oo dhan, wixii Soomaalida ka hallaabana waxey ka hallaabeen Puntland, meesheeda ayaana ku dareemeynaa,” ayuu Jaamac Deperaani u shegay RTN. Isagoo hadalkiisa wii wata wuxuu yiri: “Waa marin habaabin in Puntland kaliya u hiiliso gobolka Gedo iyo Jubbaland, Arrinta Somaliland, isqabqabsiga guddiyada, iyo arinta gobolka Gedo oo ah qodob ka mid ah arrimaha doorashada ayaa laga hadlayaa” Sidoo kale labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland waxey doonayaan in ajandaha shirka guud ee doorashooyinka lagu daro walaca amniga iyo xad gudubkii 19-kii February, kaas oo maamulka madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku weeraray madaxweynayaal hore. Dhanka kale Jaamac Deperaani wuxuu ka hadlay in Farmaajo iyo maamulkiisa ay u fiicneed iney xafiiska banneeyaan 8-dii February, lana sii amba-qaado dimoqoraadiyadii xilka la isugu wareejin jiray. “Caqabadda hadda jirta waxay la xiriirtaa madaxda dowladda federaalka kuraasta ayay kusii fadhiyaan iyaddoo muddo xileedkooda uu ka dhamaadey dalkana uusan aadin heshiis doorasho – taas waxay culeys ku haysaa dhamaan dadka Soomaaliyed,” ayuu mar kale yiri. Talaabada ku kacay ee ah in uu wali kursiga isku sii dhejinaayo ayuu ku tilmaamay “fursad ka luntay” dadka Soomaaliyeed iyo in ay ahayd “xujo uusan dhaafi karin” madaxwayne kasta oo waddankan soo maraya isaga gedaashiisa.
-
Study refutes theory that blood type affects COVID risk A or B, AB or O, it doesn’t matter—your blood type has nothing to do with your risk of contracting severe COVID-19, a new study concludes. Early in the pandemic, some reports suggested people with A-type blood were more susceptible to COVID, while those with O-type blood were less so. But a review of nearly 108,000 patients in a three-state health network has found no link at all between blood type and COVID risk. “Since the beginning of this pandemic, there have been associations postulated between blood type and disease susceptibility,” said Dr. Amesh Adalja, a senior scholar with the Johns Hopkins Center for Health Security. “From this large study, it appears that there is no association between blood type and susceptibility or severity, and other explanations were likely present,” added Adalja, who had no role in the study. An early report from China suggested that blood type might influence COVID risk. Subsequent studies from Italy and Spain backed that up, researchers said in background notes. However, other studies out of Denmark and the United States offered mixed and conflicting results. To clear things up, researchers led by Dr. Jeffrey Anderson, from Intermountain Medical Center Heart Institute in Murray, Utah, analyzed data from tens of thousands of patients with Intermountain Healthcare, a nonprofit health system of 24 hospitals and 215 clinics in Utah, Idaho and Nevada. Of those in the analysis, nearly 11,500 tested positive for coronavirus, while the rest tested negative. Blood type did not play a significant role in anyone’s risk of contracting COVID, the researchers reported April 5 in JAMA Network Open. “I’ve always said this whole thing with the blood types is much hoopla about nothing,” said Dr. Aaron Glatt, chairman of the department of medicine and hospital epidemiologist at Mount Sinai South Nassau in Oceanside, N.Y. “It was never a significant enough thing that people should be terrified if they have one sort of blood type or reassured if they have another blood type. It never made any practical difference.” Glatt was not involved in the new research. He said the findings from earlier studies demonstrate why correlation is not the same as causation—in other words, why showing that two things are statistically linked is not the same as proving that one caused the other. “If you go and look at enough things, you will find some random incidental findings that may or may not have any significance,” Glatt said. “Some people looked at so many different variables and one of them was blood type. They saw that some people did worse with a certain blood type, but the studies were conflicting, which makes sense if it’s random.” Glatt concluded: “This puts this whole thing to rest, but it never should have been up.” Medical press Qaran News
-
War-weyn:Wararkii u danbeeyay ee Markab Iran leedahay oo lagu weeraray Duleedka Jabuuti Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Iiraan oo la rumeysan yahay inuu saldhig u yahay ciidamada ilaalada kacaanka oo sanado badan ka howlgalayay badda cas meel ka baxsan Yeman ayaa la weeraray sida ay ku warantay warbaahinta dalkaasi. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran ayaa Arbacabada maanta ah xaqiijisay weerarka, iyada oo sheegtay in markabka MV Saviz uu haleelay qarax aan la garanayn oo sababay “waxyeello yar” abbaaraha 6-da subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Badda Cas, kuna dhow xeebta Jabuuti. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in markabka Saviz uu yahay markab aan militari ahayn oo si rasmi ah uga diiwaan gashan Hay’adda Badaha Caalamiga ah ee u shaqeysa sida “saldhigga saadka” ee Iiraan ee Badda Cas, oo fuliya howlgalo ka dhan ah burcad-badeedda. “Nasiib wanaag wax dhimasho ah kama dhalan dhacdadaas, qiimeyn farsamo oo la xidhiidha sida ay wax u dheceen iyo halka ay ka bilaabatay ayaan wadnaa” ayuu yidhi. Weerarku wuxuu yimid markii Iran iyo quwadaha adduunku ay bilaabeen shirka Vienna wadahadalladii ugu horreeyay ee ku saabsan sida uu Maraykanku ugu soo laaba lahaa heshiiskii nukliyeerka ee Tehran, taasoo muujineysa in caqabadaha horyaalla aysan ku koobnayn oo keliya wadahadalladaas. Joogitaanka markabka ee gobolka, oo si isdaba joog ah u cambaareeyay Sacuudi Carabiya, ayaa yimid iyadoo reer Galbeedka iyo khubarada Qaramada Midoobay ay sheegeen in Iran ay hub iyo taageero siisay jabhadda Xuutiyiinta Yemen xilli uu dalkaasi dagaal sanado badan socday. Iran way beenisay in ay hubeyso Xuutiyiinta, laakiin qaybaha laga helay hubkii jabhadda ayaa muujinaya sida ay iskugu xiranyihiin Tehran. Taliska Dhexe ee Milatariga Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay kaliya in ay “ka war hayaan wararka warbaahinta ee ku saabsan dhacdo la xiriirta Saviz ee Badda Cas”. “Waxaan xaqiijin karnaa inaysan jirin ciidamo Mareykan ah oo ku lug lahaa dhacdada,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska. “Ma hayno macluumaad dheeri ah oo aan bixinno. ” ayay hadalkooda raaciyeen. Qaran News
-
Sudan oo laashey Sharci mamnuucayay Jiritaanka Israel iyo inay Xidhiidh la yeelato Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen (Bidix) iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin oo dukumintiyo is weydaaranaya Khartoum January 25, 2021. Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa Talaadadi shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xiriir dhexmaro Sudan iyo Israel. Go’aankan ayaa waddada u xaaraya hagaajinta xiriir diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilooyin kaddib marki ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis nabadeed. Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xariir ay la sameeyaan Israel. Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israel.Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israel u aqoon dal jira. Qaran News
-
Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay 20 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magalada gaarisa, waxaa sidoo kale burbur xoogan uu gaaray Gawaaridii shilka gashay. Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa xaqiijiyay shilkaas, waxaana uu sheegay in dadka dhintay ay ku jiran labadii Daarawal ee Basaska waday. Waxaa intaas uu ku daray in dhowr shaqaale dowladeed ah oo katirsan dowlad deegaanka Kilifi ay shilka ku dhinteen, isla markaana ay wadaan baritaano la xiriira sababihii keenay inay labada Bas isku dhacaan. Wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Shilal Gaari oo geystay khasaaro kala duwan, iyada oo booliska Kenya ay baritaan ku hayaan sababihii ka dambeeyay. PUNTLAND POST The post dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gudaha Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa shalay lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea. Markabkaasi oo lagu magacaabo SAVIZ waxaa la sheegay inay la kacay Miino baddeedka, waxaana soo gaaray Khasaaro aan weli la shaacinin. Telefishinka Al Xadath ayaa baahiyay in ay ka dambaysay Israa’iil, taasi oo u muuqato mid aargoosi ah, kadib, markii Iiraan lagu eedeeyey Qarax lal beegsaday 2 Markab oo Israa’iil laheed. Markabka la qarxiyey waxa uu dhowr sano ku sugnaa Badda Cas, halkaasi oo la sheegay inuu soo gelbin jiray Maraakiibta Ganacsiga Iiraan ee ka gudba Gacan-biyoodka Badda Cas. PUNTLAND POST The post Iiraan oo laga gubay Markab Dagaal appeared first on Puntland Post.
-
Wadaxaajoodkii Biyo xireenka Al-Nahda ee u dhaxeysa dalalka, Masar, Suudaan iyo Itoobiya, kana socday Congo, ayaa ku dhammaaday fashil sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar. Intii lagu guda jiray wadahadallada Biyo xireenka Al-Nahda ee Wabiga Niil, ayay dawladaha Masar iyo Suudaan, si wada jir ah ugu edeeyeen dhigooda Itoobiya in shirka ay la yimadeen go’aan ay diideen in ay wax ka badalaan. Markii uu bilawday muranka Biya xireenkan, dawladda Masar, aya bishii Juun ee la soo dhaafay dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay golaha amniga, sida ku xusan Qodobka VI, kaas oo ka hadlaya dejinta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya wadamadan. Dr. Zaki Al-Buxeyri oo ah Professor ku takhasusay daraasaadka Afrika ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhiseyso gudahah Niil, 3 biyo xireen oo kale oo aan ka aheyn biyo xireenka Al nahda, kuwaa oo keydin karaan ilaa 200 bilyan oo mitir cubic oo biyo ah, taas oo looga gol leeyahay in laga dhaliyo koronto , si meesha looga saaro Saamiga Wabiga Niil ay ku leeyahiin dalalka Masar iyo Suudaan. PUNTLAND POST The post Wada-xaajoodkii Biyo xireenka Wabiga Niil oo fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Imaraadka oo Hawlgeliyey Warshadda Nukliyeera Imaaratka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo howlgeliyo warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka. Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Barakah ay dalkaas ka haqabtiri doonto baahida korontada. Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraatka ayaa tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah kadib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo ku tallaabsado in uu isticmaalo korontada laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka. Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshaha in uu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka marka la gaaro sanadka 2050. Imaaraatka Carabta ayaa leh tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan teendhada Afisyoone ayaa maanta is-faham ka gaaray mid ka mid ah qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada, dhinacyada shirka leh ayaa isku fahmay mabda’a ahaan in la ballaariyo shirka soo socdo, islamarkaana ay kasoo qeyb galaan saamileyda kale ee dalka ee aan horey qeybta uga aheyn. Dhinacyada ayaa isku fahmay in furitaanka shirka soo socdo ay ka qeyb galaan guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, madaxweynayaashi hore ee dalka, ra’iisul wasaarayaashii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Qodobkan, oo ay soo jeediyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ahaa mid uu aad uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha uu tanaasulay kadib maalmo badan oo la isku fahmi la’aa. Ballaarinta ka-qeyb-galaasha shirka ayaa sidoo kale ka dhigan inuu halis ku jiro heshiiska 17-ka September oo dowladda iyo beesha caalamka ay doonayeen in lagu salleeyo heshiis kasta oo cusub oo la gaarayo. Maadaama xubnaha cusub ee ka qeyb-galaya shirka aysan qeyb ka aheyn heshiiskaas, waxay ka dhigan tahay in dib looga doodi doono. Qodobada kale ee illaa hadda aan heshiiska laga gaarin waxaa ka mid ah in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, awooddana ku wareejiyo xukuumadda, amniga doorashada iyo in tallaabo laga qaado taliyeyaashii ku lugta lahaa wixii dhacay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday mucaaradka iyo dibad-baxayaal. Kulamada ayaa sii soconaya ilaa inta guud ahaan laga xalinayo qodobada kale ee la isku hayo, si loogu daro ajendaha shirka guud ee wada-tashida. Shirka Afisiyoonr ayaa barqonimadii maanta dib u furmay kadib laba maalmood, oo uu hakad ku jiray.
-
MOGADISHU (HOL) - Federal and regional state leaders have convened in Somali capital to discuss the main agenda for a crucial electoral summit which is expected to kick off soon. Source: Hiiraan Online
-
Khasaaraha ka dhashay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ka dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ku yaalla xadka labada gobol Ugu yaraan illaa 100 qof ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dagaal gobolka Sitti ku dhex-maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween oo ku sugnaa gobolka Sitti, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhalinyarada gobolka ay sameeyeen iska caabin, isla-markaana ay dileen ugu yaraan illaa 25 ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday. Qoraal ah kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso 100-ruux oo isugu jiro labada dhinac, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi. Dagaalladan oo ah kuwa soo noqo-noqday ayaa waxaa ka dhashay barakac, xaalado bani-aadamnimo iyo kuwa caafimaad oo ka taagan gobolka Sitti. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya Soomaalida iyo Canfarta oo dhowr jeer isku dhacyo ay ku dhex-mareen halkaasi. Qaran News