Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa galabta ka goostay dowladda federaalka, iyagoo ku biiray ciidanka taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran. Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu wato ciidamo xoog leh iyo gaadiid dagaal, waxaana arrintaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo si dhow ula shaqeeya ciidamada Mucaaradka. “Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad si weyn ugu adeegsan jirtay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah siyaasadiida, maadaama uu aad ugu kalsoonaa, balse hadda waxay ku biirayaan mucaaradka. Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka. Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga. Shalay Madaxweyne waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho. The post Taliye xigeenkii Haramcad iyo ciidankiisa oo ku biiray ciidanka Badbaado Qaran appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (PP Editorial) — The decision of the Lower House to endorse a return to 17 September electoral model will go down in the Somali political history as an event that pulled the country from the brink of civil strife. The controversial mandate extension exposed vulnerabilities in Somali security forces and army. It did not take Somali opposition leaders in Mogadishu too long to mobilise clan militias and flex their political muscles in several neighbourhoods in Kaaraan, Hodan and Hawlwadaag districts. They dubbed mutineers “Salvation Forces.” The photo of Mohamed Hassan Haad, a traditional leader, with Mahad Salad, an MP, at hand to witness camels being donated to forces loyal to the opposition was mortifying. Going to elections without addressing institutional anomalies in security forces and the army is bound to create more problems for any administration. The security reform was fiscally successful but institutionally inadequate. Roble will lead the Somali electoral process and invite stakeholders to attend a national consultative summit. President Mohamed Abdullahi Mohamed asked for the Parliament to endorse a return to 17 September electoral agreement, and tasked Prime Minister Mohamed Hussein Roble with leading electoral talks and taking charge of the national security plan. The Somali opposition groups had not expected concessions on that scale. Federal Member States that questioned the impartiality of Roble are now expected to take part in national consultative summit to be held in Mogadishu. Under 17 September electoral model stakeholders are the signatories — the Federal Government, five Federal Member States and Banadir. Expanding the definition of stakeholders will make electoral talks cumbersome. Roble may not renegotiate terms of the electoral model including Baidoa Recommendations. It is noteworthy that the Federal Government of Somalia made concessions twice: the electoral law was abrogated in favour of indirect elections; the mandate extension was annulled to return to electoral talks within the parameters of 17 September electoral model. There are some sticking points that Roble should be aware of. Jubaland Administration’s mandate ends in September 2021, if one takes into account the interim recognition conferred by the Federal Government of Somalia due to the parallel elections held in Kismayo in 2019. President Mohamed Abdullahi Mohamed’s decision to task the Prime Minister with leading Somali electoral process has ended political uncertainties. Jubaland leader Ahmed M. Islam might ask for clarity on his administration’s status in the eyes of the Federal Government. A new government might regard his administration as illegal if some sort of mandate extension for Jubaland does get expedited. If electoral talks drag on until September 2021, then Jubaland President’s term in office will have ended in four months’ time, a possibility that will affect his stakeholder status. This is one of the challenges facing Roble. In a November 2020 interview with Shabelle Television Roble said he was committed to facilitating inclusive and transparent elections. To attain that goal he deserves the cooperation of all stakeholders. © Puntland Post, 2021 The post A Historic Political Compromise in Somalia appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka warbixiyey xaaladda ammaan ee dalka ayaa sheegay in maanta ra’iisul wasaare Rooble uu magacaabay guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya hir-gelinta amarkii uu dhawaan siiyey ciidamada isku hor fadhiya magaalada Muqdisho. “Ra’iisul wasaaruhu waxa uu maanta howlgeliyey guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya sidii loo hir gelin lahaa amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in ciidamada qalabka sida ee isku hor fadhiya magaalada, iyagoo aan mucaarad iyo muxaafid kala laheyn ay dib ugu noqon lahaayeen xeryahooda, lana soo afjaro astaamaha colaadeed ee maalmahaan ka taaganaa magaalada Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala. Sidoo kale Cabdiraxmaan Al-Cadaala waxa uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin diidan inuu shaqeeyo amarkii ra’iisul wasaaraha, isagoo uga digay siyaasiyiintaas dhaqdhaqaaqyada aan u adeygeyn danta guud. “Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la dawaagno inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan xubno siyaasiyiin ah, waxaana dadkaas uga digeynaa howlahaas aan saacidey dadaalka xukuumadda, oo ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara kalsooni darro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Wasiirka oo aan carabaabin xubnaha uu eedeynayo ayaa sheegay inay qabad ku yihiin in ciidamada dib loogu celiyo xerahoodii, isagoo sheegay in taas ay u arkaan mid laga leeyahay u jeedooyin qaarsoon. Sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan in la soo afjaro qalalaasaha laga abuuray Muqdisho, isagoo sheegay in cabashada dadka ay dhageysa doonaan. Hoos ka Daawo The post Daawo: DF oo u digtay siyaasiyiin ay sheegtay inay Muqdisho ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisulwaasaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Raabole ayaa maanta caasumaad u diray Madaxda Maamulgoboleedyada iyo gobolka banaadir isaga oo ku ballamiyey shirka wadatashiga doorashooyinka qaranka oo lagu dhameytirayo heshiiskii 17 September. Shirka ayaa loo muddeeyey inu qabsoomo 20-ka bishaan May kaasi oo la filayo in go’aan looga gaaro arrimaha la xiriira doorashooyinka. Afhayeenka xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimoo ayaa akhriyay shirka loogu baaqay Madaxda Maamul goboleeyada dalka sidaan ayuuna u qornaa: “Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble waxa uu casuumaad u diray madaxweynayaasha dowladgoboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalKa iyo maamulka goboka banaadir isaga oo ku casuumay inay ka soo qeybgalaan shirka wadatashiga qaran ee dhameystirka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17 september oo ra’iisulwasaaraha uu u mudeeyay 20 bisha may oo ah maalin khamiis ah, ra’iisulwasaaraha waxa uu rajeynayaa in madaxda ay ka a jiibi doonaan islamarkaasna shirka laga soo wada qeyb gali doono, ra’iisulwasaaraha waxa uu sheegay inuu ka codsanayo madaxda ina maalinta ka horreysa Arbacada ay yimaadaan si shirka uu u bilowdo waqtigii loo qorsheeyay. Macalimu oo sii hadlaya waxaa uu intaasi raaciyey “Dad badan ayaa laga yaabaa inay is yiraahdan maxaa 20ka looga dhigay oo hadda shirka si dhaqsi ah loogu baaqi waayay, waxaad ogtihiin in hadda aan kuguda jirno 10kii ugu dambeeyay ee bisha rama amadan runtii ah maalmo dadka muslimiinta ah muhiim u ah waxaana ku xiga ciidii iyo wadacii marka waxaa la isla gartay xiriiro ama la tashiyo uu lasameeyay ra’iisulwasaaraha madaxda in ay ku haboontahay in laga dhigo 20ka, waxaa rajeyneynaa in dhammaanlaga soo wada qeybgali doono umadda Soomaaliyeedna waxay ka fileysaa shirkaas inuu noqdo mid horseedo kii lagu gaari lahaa heshiis doorasho oo xor iyo xalaal ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ergeyga gaarka ah ee Qatar u qaabilsan la dagaalanka argigixisada iyo dhexdhexaadinta oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kulamo la yeeshay Madaxda dowladda Federaalka. Dr. Mudhlaq ayaa ugu horeeyn waxaa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo doorashada 2021-ka. Dr Mutlaq ayaa kulan waxa uu la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdraxmaan iyaga oo kawada hadlay sidoo kale xaaladda dalka uu maryao gaar ahaan doorashooyinka. Xoghaya guud ee golaha shacabka Cabdikarim xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in guddomiyaha Golaha Shacabka iyo ergeyga Qatar inay kawada hadleen doorashooyinka uu hadda dalka galayo uuna bogaadiyey ergeyga go’aankii ay qaateen golaha shacabka oo ay ku laaleen muddo kordhintii ay sameeyeen Madaxweynihii hore. Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr Mutlaq Al qatxaani, labada mas’uul ayaa waxaa ay kawada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo, xallinta khilaafyada ku hor gudban arrimaha Doorashooyinka, iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee ay Dowladda Qadar ay ka qaadan karto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Dhinacda isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah, xalaal ah oo la isla oggolyah. Dr Mutlaq ayaa sidoo kale waxa uu kulan la yeeshay ra’iisulwasaare Maxame Xuseen Rooble iga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab sidoo kale labada Masuul ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii wadanka ay uga dhici la heyd doorsho xalaal ah oo laa wada simanyahy. Dr Mutlaq ayaa lagu wadaa inuu waaca kulamo uu la qaato golaha Midowga Musharixiinta waxaana la filayaa inay kawada xaajoodaan arrimaha doorashooyinka la xariira. Dr Mutlaq Al Qatxaani ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga oo horay ula soo kulmay madaxda Somalinad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa iclaamiyey shirweynaha doorashada ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada. Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd shaaciyey in ra’iisal wasaare Rooble uu casuumad u direy madaxweynayaashada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay uga qeyb-galaan shirweynaha wada-tashiga. Ra’iisal wasaaraha ayaa qabsoomida shirkaas u mudeeyay 20-ka bishan May, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan madaxad dowladda federaalka iyo mucaaridka. “Ra’iisal wasaaraha xukuumadda waxa uu casuumad u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Benaadir, isaga oo ku casuumay inay kasoo qeyb-galaan shirka wada-tashiga qaran ee dhameystirka doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,” ayuu yiri Afhayeenka. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka ayaa waxa uu ra’iisal wasaaraha ka muujiyey rajo wanaagsan oo meesha looga saarayo khilaafka mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna hanaanka doorashada. Shirweyanaha uu iclaamiyey Rooble ayaa waxa uu gundhigiisu noqonayaa heshiiskii 17-kii September, oo markale uu Golaha Shacabka maalintii shalay aheyd uu meel-mariyay in dib loogu noqdo, kadib markii ay socon weysay muddo kororsigii uu hore u sameeyay. Si dhab ah uma cadda in madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland iyo Jubbaland ay aqbali doonaan shirkaan uu iclaamiyey ra’iisal wasaaraha, inkasta oo ay wax badan iska bedeleen hanaanka shirarkii hore oo uu iclaamin jirey waqtigiisu dhamaaday. The post Rooble oo shir isugu yeeray madax goboleedyada iyo waqtiga loo iclaamiyey + Video appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc ayaa ku baaqay in fursad xooggan la siiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda la wareegay arrimaha doorashada iyo amniga. Mashruuc ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Mudane Mohamed Hussein Roble waa in loo arkaa Raisul Wasaare xilka hadda la wareegay. Mudane Rooble qayb kama ahayn nidaamaki iyo siyaasaddii dalka lagu hagayay afartii sano la soo dhaafay, ee abuurtay kalsnooni darrada baahsan.” “Waxa uu dhexlayaa caqabada badan taabanaya dhanka amniga, doorashada, dhaqaalahah, xiriirka arrimaha dibadda iyo guud ahaan hannaanka dawladnimo. Haddaba, dalka si uu doorasho deg deg u aado waa in dhan kasta laga muujiyaa tanaasul iyo is fahan si looga gudbo dhammaan caqabadaha taagan.’ Mashruuc ayaa dhankiisana ugu baaqay Rooble inuu soo celiyo kalsoonida lagu qabi karo awoodda dowladnimada, maadaama uusan musharax ahayen. “Mudane Mohamed Hussein Roble maadama uusan musharax ahayn waa inuu soo celiyaa kalsoonida lagu qabi karo awoodda dawladnimada si loo hubiyo inaan loogu isticmaalin gaarista hanka siyaasadeed ee saaxiibadiisa Villa Somalia . Dhanka kale dawlad goboleedyada iyo mushaarixiintaba iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waa in taageero buuxda la siiyaa dadaallada wasiirka 1aad si uu dalka uga saaro xaaladda cakiran ee qaranku ku sugan yahay.” Rooble ayaa caawa iclaamiyey shirweynaha doorashada ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada. Ra’iisal wasaaraha ayaa qabsoomida shirkaas u mudeeyay 20-ka bishan May, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan madaxad dowladda federaalka iyo mucaaridka. The post Mashruuc: Fursad xooggan hala siiyo wasiirka koowaad appeared first on Caasimada Online.
  8. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee dowladda Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday shan amiir oo ka tirsan Al-shabaab. Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi, ayaa dhammaantood ahaa amiiro ka tirsan AL-shabaab, sida ay sheegtay Maxkamaddu. Dhegaysiga Gar-maqalka dacwadda loo haysto shantan horgooge, ayaa mudda laba maalmood ah ka socotay xarunta ay Gaalkacyo ku leedahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xorriyadooda u celisay afar qof oo ku eedaysnaa Shabaabnimo, balse lagu waayay wax danbi ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukun dil ah ku ridday shan amiir oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxaned Xuseen Rooble ayaa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ku casumay shir ku saabsan dhammaystirak heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September. Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow, oo Galabta warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in shirkaas uu Ra’iisul wasaare Rooble u muddeeyay 20-ka bishan May 2021. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasare Rooble oo shir ku casumay madaxda dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday, shirweyne ku saabsan xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland ee Waxbarashada heerka labaad u raadsada Turkiga, kadib markii hay’adda Tacliinta sare u qaabilsan Turkiga ee YOK ay sheegtay, in aysan aqoonsanayn Shahaadada Jaamacadaha Puntland. Shirka waxa looga arrinsan doonaa Dib u-eegista, Qiimaynta, Hormarinta iyo Tayeynta Tacliinta Sare ee Puntland iyo xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland ee Waxbarashada heerka labaad u raadsada Turkiga. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in la hawl-gelinayo Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland, si uu waajibaadkiisha shaqo u guto, islamarkaana qayb uga noqdo xallinta Caqabaddan soo korortay. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday shir weyne ku saabsan xallinta Caqabadda Ardayda Puntland ka soo wajahday Turkiga appeared first on Puntland Post.
  11. Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Axadda maanta ah cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib markii warbaahinta loo dusiyay cod sir ah oo uu ku sheegay in taliyaha la dilay uu door aad u weyn ka ciyaaray diblomaasiyadda. Soleimani, oo ahaa taliyihii qeybta howlgallada dibadda ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay dalka Ciraaq. Warbaahin ka howlgasha dalal ka baxsan Iran ayaa Axaddii hore baahiyay cajalad maqal ah oo muddo saddex saac socotay oo laga duubay Wasiirka Arimaha Dibada Mohammad Javad Zarif, taasi oo dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida. Cajaladda maqalka ah, ayuu Zarif kaga hadlay militariga inay saameyn badan ku leeyihiin diblomaasiyada, wuxuuna xusay doorka muuqda ee uu ciyaaray Soleimani. Zarif ayaa dhaleeceyn kala kulmayay siyaasiyiinta muxaafidka ah iyo warbaahinta kadib markii codkaas la dusiyay iyadoo hadallada Soleimani ay yihiin kuwa aad looga carooday. “Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif. “Hadalkeyga … ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani,” ayuu Zarif ku daabacay boggiisa Instagram. VOA The post Wasiirka Arrimaha Dibadda IRAN oo CAFIS weydiistay qoyska Qassem Soleimani kadib cod si sir looga duubay appeared first on Caasimada Online.
  12. Taliyaha Ciidanka Booliska S/aland oo u Hanjabay Dadka Dhaliila Shaqadooda Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa u hanbay dadka dhaliila qaabka shaqo ee ay ciidanku qabtaan shacabka iyo khadyada ka dhaca xilliga ay ku jiraan hawlgallada . Taliye Dabagale ayaa ku goodiyey in ay talaabo ka qaadi doonan dadka ku foogaan ka hadalka arrimaha ciidanka ,”kuwa booliska dhaliilaya ee caayaya ee ujeedooyinka kale leh laga yeeli mayo taas, ciidanku khalad wuu geli karaa, wanan gelaynaa, waxaan keenaysa shaqada la hayo “ ayuu yidhi Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (dabagale) waxa uu sheegay in ciidamada Boolisku ay leeyihiin xeerar lagu ciqaabo askariga khaladka gala islamrkaana ay hore talaabooyin uga qaadeen haddana ay ka qaadayaan askriga ku kacay fal khalad ah . Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmayaa xilli uu guddoomiyaha Xisbiga UCID isaga ku dhaliilay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa si cajiib ah uga hadlay qaabka uu Farmaajo uga laabtay muddo kororsigii uu meelmariyay Golaha Shacabka, kaasi oo xiisad dagaaladeed ka abuuray magaalada Muqdisho. Caynte ayaa ugu horeyntii 1-May oo aheyd shalay, islamarkaana uu Farmaajo ka laabtay “maroorsigii xukunka” ku tilmaamay inay sumad u tahay “Maalinta dib usoo nooleynta dimoqraadiyadda Soomaaliya”. Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay si aan kala har laheyn uga dhiidhiyeen boobka xukunka iyo soo laba kacleynta kalitalisnimada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Caynte ayaa hoosta ka xariiqay in Afar arrin ay keenen in Farmaajo uu dib uga laabto muddo kororsiga, taasi oo uu ugu yeeray “Isa-soo dhiibidda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday”. Hoos ka aqriso 4-QODOB ee uu Caynte ku sheegay inay hormuud u ahaayeen in meesha laga saaro muddo kororsigii Farmaajo. 1. Inuu guuleystay halgankii adkaa ee Madasha Badbaado Qaran iyo shacabka xaq u dirirka ah ee Muqdisho 2. Inuusan qof dambe kusoo saqajaami doonin boobka xukunka iyo nidaamka kalitalisnimada 3. In laga baaqsaday colaad dhibaato weyn u geysan laheyd dalka iyo dadka 4. In hannaankii dimoqraadiga ahaa ee dalku ku socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay dib loogu laaban doono, xoogaaga dhaawaca ah ee soo gaarayna la dhayi doono. Si kastaba, Caynta ayaa yiri ” Waxaas oo dhan waa haddii uu mudane Farmaajo saxiixo warqad uu si rasmi ah ugu wareejinayo masuuliyadda amniga iyo midda doorashada R/Wasaare Rooble.” The post C/raxman Caynte oo sheegay inay 4 arrin ka dhigan tahay go’aanka uu qaatay Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Mr Rooble uu kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada, Multaq Alqahtani. Qoraalka waxa sidoo kale lagu sheegay, in labada mas’uul ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka. “Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Rooble o la kulmay ergayga Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada appeared first on Puntland Post.
  15. Gaadiidka isaga goosha Laamiga dheer ee xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, ayaa saacado badan ku xanniban togga Ceeldoofaar ee Gobolka Bari, kadib markii ay halkaas ku soo rogmadeen daadad xooggan. Gaadiidleyda ku sugan halkaas ayaa laga soo xigtay in ay weli ku xanniban yihiin togga Ceeldoofaar, halkaas oo mowjado biyaha ku soo dhaceen, kadib roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag. Roobabka gu’ga ayaa maalmihii u dambeeyay si xawliya uga da’aya Gobollada Puntland gaar ahaanna Gobolka Bari oo meelaha qaarkood abaar ba’an ay ka jirtay ka hor Roobabka haatan curtay. PUNTLAND POST The post Gaadiid badan oo ku xannibay togga Ceeldoofaar appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidanka Booliiska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay koox abaabulan oo ku hawllanaa gubista kaymaha si ay dhuxul uga shitaan. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay 17 ruux oo ku hawllanaa gubista dhuxusha kadib hawlgal Booliisku ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan degmada Boosaaso. Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay dab qabad-siiyeen sagaal goobood oo kooxdan ay ku urursan jireen dhuxusha kadib marka ay gubaan si ay uga ganacsadaan. Hawgalka ayaa laga sameeyay tuulooyinka Dhagcaan iyo Garas oo hoosyimaada degmada Boosaaso sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay kooxo dhuxusha ka ganacsada appeared first on Puntland Post.
  17. Covid-19 is a global disease. That means, as the Guardian’s Hannah Ellis-Petersen recently wrote, that India’s crisis is the world’s crisis. India’s devastating second wave is already impacting Africa. In March, Covax, the global vaccine-sharing initiative, confirmed its plans to allocate the AstraZeneca vaccine to African countries, which make up 40 of the 64 low-income countries being supported by the initiative. Using population size as a guide, Covax’s first allocation round divided up 64.5 million doses of the vaccine to be distributed to African nations through May 2021, all to be manufactured by the Serum Institute of India (SII). That plan came to a grinding halt when the SII restricted exports of vaccines towards the end of March, as a second, more virulent wave of Covid-19 swept through the country. “As India confronts a truly dreadful wave of the pandemic, it is clear that all Indian vaccine production—for the next month at least—will be committed to protecting its own citizens,” a spokesperson for Gavi, the vaccine alliance helping to coordinate Covax, told Quartz Africa. The group is working to secure vaccines from other manufacturers and high-income countries before announcing further allocations. With some of the vials already distributed, vaccine programs on the continent have been thrown into disarray, as countries scramble to delay and find supplies for a second dose. “We find ourselves collectively in a very very dire situation,” Dr. John Nkengasong, the director of the Africa Centre for Disease Control, said in a recent press briefing. The heat map below, which shows the proportion of initial vaccines allocated through this program to Africa, illustrates the degree to which the continent was dependent on India for its vaccine drives. The pandemic has also raised critical questions over why Africa was unable to develop its own vaccine, and why its efforts to distribute them have been so slow. But while African governments can do a lot to improve their vaccine portfolios, procurement, and distribution plans, they shouldn’t stand alone. Yes, countries like the US, Canada, and the UK are pouring money and equipment into the problem. A more powerful approach would be to stand shoulder to shoulder with those most vulnerable by unlocking their own surplus of vaccines and waiving intellectual property protections in order for countries to manufacture their own generic versions at home. Western countries must understand that their own recovery from the pandemic is intimately linked to the recovery of the world’s most neglected nations. —Carlos Mureithi and Jackie Bischof Source: Quartz Africa The post India’s Crisis Hits Africa appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha fowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarunta Madaxtooyadda kulan kula qaatay Hay”addaha kala duwan ee garsoorka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa warbixin guud ka dhegaystay sida ay ugu shaqeeyaan bulshada reer koonfur galbeed waxaa shirka qeyb ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare koonfur galbeed Mudane Dr Axmed Cali Muuse iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda cadaaladda Kgs Mudane Cabduwahaab Cabduulahi iyo dhamaan Hay”addaha Garsoorka Koonfur galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis ayaa kulankan is xogwareysiga ku amaanay labadii sano ee ugu dambeysay adeegyada garsoorka iyo sida ay u qaataan go’aamadda dhabta ah, Sidoo kale wuxuu madaxweynaha uu la wadaagay in sida ugu dhaqsiyaha badan laga hirgelin doono garsooryaasha degmooyinka dhiman si bulshada ay u haleen adeeg garsoor. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay”addaha Garsoorka kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada reer koonfur galbeed loogu cadaalad fali lahaa ayna cadaalad dhab u helaan taas oo ay sababeyso in bulshada ay ku dhiiradaan garsooorka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la qaatay Laamaha Garsoorka koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  19. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib cod laga duubay Mohammad Javad Zarif Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Axadda maanta ah cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib markii warbaahinta loo dusiyay cod sir ah oo uu ku sheegay in taliyaha la dilay uu door aad u weyn ka ciyaaray diblomaasiyadda. Soleimani, oo ahaa taliyihii qeybta howlgallada dibadda ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay dalka Ciraaq. Warbaahin ka howlgasha dalal ka baxsan Iran ayaa Axaddii hore baahiyay cajalad maqal ah oo muddo saddex saac socotay oo laga duubay Wasiirka Arimaha Dibada Mohammad Javad Zarif, taasi oo dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida. Cajaladda maqalka ah, ayuu Zarif kaga hadlay militariga inay saameyn badan ku leeyihiin diblomaasiyada, wuxuuna xusay doorka muuqda ee uu ciyaaray Soleimani. Zarif ayaa dhaleeceyn kala kulmayay siyaasiyiinta muxaafidka ah iyo warbaahinta kadib markii codkaas la dusiyay iyadoo hadallada Soleimani ay yihiin kuwa aad looga carooday. “Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif. “Hadalkeyga … ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani,” ayuu Zarif ku daabacay boggiisa Instagram. Qaran News
  20. Afar qof oo Mareykan ah oo ka mid noqday dad lagu laayey Gudaha Israel Muwaadniin Mareykan ah ayaa ku jira tobaneeyo qof oo lagu dilay, laguna dhaawacay is-buurasho ka dhacday munaasabad diimeed oo lagu qabtay Israel, waxaa sidaas Sabtidii sheegay safaaradda Mareykanka. Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay, in ka abdan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen munaasabadda diimeed ee ay qabsanayeen Yahuudda aadka ugu adag diinta, oo ka dhacday Buurta Meron, habeenkii Khamiista. Illaa iyo hadda ma cadda waxa rasmiga ah ee sababay is-buurashada, hase yeeshee xogta goobjoogeyaal iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in qaar ka mid ah ka qeyb-galaaysha oo kasoo dhacay jaranjaro ay xireen waddo yar oo ay marayeen boqolaal qof kadibna la is dardaray. Wakiil ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa yiri “waxaan xaqiijin karaa in dhowr qof oo muwaadiniin Mareykan ah ay ku jiraan dadka dhintay iyo dhaawaca,” isaga oo aan bixin faah-faahin. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israel ayaa Jimcihii sheegtay in saraakiisha qunsuliyaddeeda New York ay la xiriireen qoysaska afar qof oo Mareykan ah oo ku dhintay dhacdadan. Qiyaastii 100,000 oo qof ayaa ka qeyb-gashay munaasabdda, waxaana hadda ay carro xoogan ka jirtaa sababta ay dowladda u ogolaatay munaasabadda, maadaama aan la ogoleyn in da ka badan 10,000 ay meel isugu yimaadaan, sababo la xiriira xanibaadaha cudurka COVID-19 Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, oo ah Ergeyga gaar ah ee dowladda Qatar usoo dirtay Soomaaliya, ayaa dadaallo ka billaabay magaalada Muqdisho oo uu xalay soo gaaray, kadib markii uu safarkiisa shalay ka billaabay magaalada Hargeysa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergaygan oo wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq Alqahtani. Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka. Ergeyga ayaa sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiaxmaan. Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood. Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020. Ergeyga cusub ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doona dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka isku haya, gaar ahaan mucaaradka iyo xubno ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isku haya hanaanka doorashada. Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka agdhow Musharaxiinta, Dr Mutlaq al-Qahtani ayaa sidoo kale waxa uu caawa kulan gaar ah la qaadan doona Midowga Musharaxiinta, kaasi oo ka dhacaya hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Al-Qahtani ayaa waxa hogaamiyeyaasha mucaaridka kala hadli doona dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khilaafka ragaadiyey dalka ee doorashada oo kal hore gaaray gacan ka hadal. Kulankaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa oo Mas’uul sarre oo ka socda dowladda Qatar uu la qaato Mucaaridka dowladda, tan iyo intii ay kasoo dabacday sida la fahamsan yahay mowqifkii halka dhinac ahaa. Si kastaba, dowladda Qatar ayaa dadaal balaaran ugu jirta sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex-dhexaad ka tahay xiisada doorashada ee dalka, islamarkaana aysan jirin koox gaar ah oo la safan tahay, xili muddooyinkii dambe lala xiriiriniyey madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday. The post Wararkii ugu dambeeyey ergeyga QATAR oo dadaallo ka wada Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  22. Ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble ayaa sheegay in xukuumadiisa ay la wareegtay Hirgelinta doorashada, Amniga doorashada iyo Amniga guud ee dalka . Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka oo horay shaki uga muujiyay Awooddaha lagu warejiyay Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay soo dhaweyay Hadalki ka soo baxay Rooble , iyadoo qaarkood ay shaki geliyeen in Ra’iisul wasaaraha weli uusan ka madax banaaneyn Villada . Madaxweynihii dowladdii kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa soo dhaweyay hadalkii iyo Go’aankii howlaha dorashada loogu wareejiyay xukuumadda . Madaxweyne Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay Xukuumadda , Dowlad goboleedyada iyo Saamileyda siyaasadda dalka in ay isla fahmaan doorashada. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha shacabka ay maanta gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September. Waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo qayb ka ahayd. Waxaan in muddo ah aan u taagnayn sidii heshiiskaas loogu laaban lahaa oo uu yahay xalka kaliya ee doorasho ee aan haysanno. Waxaan markale ku celinaynaa in heshiiskaas iyo fulintiisaba ay tahay in ay iska fahmaan Xukuumadda xilgaarsiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda ee Dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Shariif . Dhankiisha Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Abshir Mohamed Ahmed ayaa soo dhaweyay Talaabada uu Rooble kula wareegay Amniga guud ee dalka iyo kan doorashada . “Waxaan soo dhaweynayaa kaalinta iyo qorshaha cusub oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula wareegayo maamulka doorashooyinka, dardargelinta amniga doorashada dalka iyo sidoo kale amniga guud ee qaranka, iyadoo Heshiiska 17 Sebtembar 2020 uu yahay saldhiga laga duulayo. Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble u rajeynayaa in Alle SWT uu u fududeeyo mas’uuliyadaas adag uuna u guto si xilkasnimo iyo hufnaan ay ku jirto” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga Senator Abshir Mohamed Ahmed. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Hadalka Rooble xalay ka soo baxay, isagoo xusay in ay garab istaagi donaan Dowladda . “Waa tallaabo soo dhowayn mudan in laga laabtay muddo kororsigii sharci darada ahaa ee sababay qalalaasaha amni iyo siyaasadeed. Waxaan boggaadinayaa kaalinta Raysalwasaare Rooble uu kula wareegay masuuliyada doorashada iyo amniga dalka. Waxaan u rajaynayaa guul iyo in uu istaago xallinta dhibkii ka dhashay muddo kororsiga oo ay ugu horayso midaynta ciidanka, dhismaha kalsoonida saamilayda siyaasadeed iyo qabashada doorasho wadar-ogol ah, xor iyo xalaal ah. Waxaan diyaar u nahay in aan ku gacan siino, kuna garab istaagno muhimadaas culus.” yuu yiri Siyaasi Abdirahman Abdishakuur Warsame . Dhinaca kale Xildhibaan Abdirahman Odawaa ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble . Xildhibaan Odawaa ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri “Waxaan soo dhaweynayaa qorshaha RW Rooble uu ku sheegay in uu ku fulinayo amniga guud ee qaranka.Amniga doorashada iyo kan qaranka laba makala noqon karaan waana ku mahadsanay yahay RW Rooble in uu sidaa u faah faahiyo , si kalsoonida usoo noqoto doorasho cabsi ciidan iyo qalqal aminba ka madaxbanaan dalka uga qabsoonto Ra’iisulwasaare qorshaha aad soo badhigi doonto haka muuqato isbadal la taaban karo.” Sidoo kale Xildhibaan Mahad Maxmed Salaad ayaa sheegay in khudbaddii uu ra’iisul wasaaraha xalay jeydiyay ay weli ka muuqato in uusan ka badax banaaneyn Farmaajo. “Khudbada Rooble waxaan ka fahmay in uusan ahayn qof madaxbanaan lkn wali laga hagayo maskaxda Farmaajo. Abtiyow wali fursad ayaad heysataa ee dib isugu laabo!” ayuu ku yiri Xildhibaan Mahada Qoraal uu soo dhigay Barahiisa Bulshada . Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya dib uga noqday muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhoweynaynaa go’aanka dib uga noqoshada muddo kororsiga, loona laabtay heshiiskii 17-ka September. Goluhu wuxuu u mahacelinayaa shacabka iyo ciidanka difaacay Dastuurka, kana dhiidhiyey in go’aankii sharci-darrada ahaa ee muddo¬kororsiga uu dhaqan galo,” ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay Golaha. Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale soo dhaweeyey in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka iyo Amniga doorashada dalka. “Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhowaynayaa in Rai’sal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka Midowga Musharixiinta. Midowga Musharixiinta oo soo saaray war murtiyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ra’iisul wasaare Rooble kala shaqeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ku dhacdo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah. “Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo Rai’sul Wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna diyaar u yahay ka qaybgalka shirka wadatashiga, si uu miiska u soo saaro tabashooyinka ku aaddan fulinta heshiiska 17-ka September.” Golaha ayaa Ra’ii sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu dhexdehxaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka uusana la safan dhinac kamid ah dhinacyada ku tartamayo doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo. Dhinaca kale, Golaha Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa Xukuumadda xilgaarsiinta ah usoo jeedisay inay magacowdo hoggaan mideyn kara ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taas sabab uga dhigeyn in ciidamada ay ku kala qeybsameyn diidmada iyo difaaca muddo kordhintii uu baarlamaanka u sameeyey Madaxweyne Farmaajo. “Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa. Goluhu wuxuu ku boorrinaayaa Rai’sal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-murtiyeedka. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta The post Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u gudbiyey Rooble kadib la-wareegistii doorashada iyo amnigeeda appeared first on Caasimada Online.
  24. Dowladda Qatar ayaa ergay gaar ah usoo dirtay Soomaaliya, ergeyga oo la kulmi-doono saamileyda siyaasadda ayaa lagu sheegay tillaabo ay Doxa ku dooneyso iney saameyn ku yeelato doorashada 2021-ka. Dalka ay dadkiisu yihiin rubuc milyan, kuna yaalla Khaliijka ayaa saameyn weyn kulaa doorashada Soomaaliya ka dhacady 2012-kii iyo 2017-kii iyada oo lagu eedeeyo in lacag ku bixisay taageerada qaar ka mid ah musharaxiinta, dooneysana markii 3-aad iney saaxada timaado sanadkan. Qoyska Aala-thaani oo ku caan-baxay keligii talisnimo, xirxirnaashiyo iyo iney is afgabiyaan ayaa muddo dhaqaale ahaan taageerayey Farmaajo taasi oo ka fogeysay shacabka Soomaaliyeed, shaki weynna keeni karto damacoodan cusub. Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka argigixisada iyo dhexdhexaadinta ayaa sabtidii soo gaaray caasimadda Muqdisho. Dr. Mudhlaq Bin Maajid Al-Qaxdhaani oo wakiil ka ah amiirka Qatar Tamiim ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee dalka gaar ahaan siyaasiyiinta isaga oo qeexi doona halka ay Qatar ka taagan tahay musharaxiinta. Dr. Mudhlaq inta aanu Muqdisho iman, waxaa uu horay usoo maray Hargeisa isaga oo kulamo la yeeshay madaxda maamulkaasi. Qatar, marka laga soo tago iney muddo dheer Farmaajo la aheyd isbaheysi siyaasadeed, siina jirtay taageero dhan walba ah, iyada oo furahana uu ahaa Fahad Yaasiin agaasimaha NISA ayaa haatan la isweydiinayaa sababta ay ergay usoo dirtay xilli midowga Afrika uu dhexdhexaadin wado, waxaana laga shaki qabaa iney qas ka dhex bilowdo saamileyda siyaasadda iskuna deydo iney jiheyso doorashada 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com