Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beesha Caalamka ayaa Digniin kulul u dirtay kuwa ku dhawaaqay in Shirkii Afisyooni uu burburay, hadalka Dublamaasiyadeed ee Beesha Caalamku wuxuu si buuxda u taageeray hadalkii Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa In shir burburay uusan jirin. Hadalka kasoo yeeray Beesha Caalamka waa kamid ahaa sidaan hoose.. Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamku waxay ka argaggexeen hadalkii shalay kasoo yeeray qaar kamida Madaxda Soomaaliya, kasoo walaac ka dhex abuuray Shacabka. “Waxaan ka codsaneynaa hogaamiyaasha in ay si deg deg ah ugu laabtaan Miiska wadahadalada si loo gaaro heshiis, iyadoo arrimaha harsan loo marayo wado tanaasul. Waxaan ku celineynaa in Beesha Caalamku iyo cid kale toona aysan taageeri doonin geeddi-socod isbarbar socda, Doorasho qayb ah, ama dadaallada lagu doonayo wakhti kororsi”. Beesha Caalamku waxay kaloo sheegeen iney wadatashi deg deg ah ay la samaynayaan Mucaaradka iyo Cidwalba oo ay qusayso Siyaasada Dalka si go’aan buuxa looga gaaro socodsiinta Go’aamada lawada gaaro. Hadalkaan kasoo yeeray Beesha Caalamka waxaa muuqata inuu si toosa jawaab ugu yahay hadalkii kasoo yeeray Wasiir Dubbe, waxaana si cad loola hadlayaa Villa Soomaaliya iyo Maamulada taageersan, Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News—Beesha Caalamka oo Canaan kala dul dhacdey Villa Soomaaliya appeared first on . Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay seddax qodob oo kala ah amniga, abaaraha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka iyo saameynta cudurka Covid-19 oo aad ugu faafay dalka bilihii u dambeeyey. Sidoo kale fadhigii maanta ee golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubin cusub oo lagu biiriyey guddiga doorashooyinka, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka. Golaha wasiirrada ayaa kulankoodii maanta warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegeen in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira,” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay xafiiska Rooble. Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn kulankii maanta warbixin uga dhageystay guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray laba caruur ah oo aacadihii la soo dhaafay meydkooda laga helay xaafad ka tirsan magalaada Baydhaba ee gobolka Bay. “07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 caruur ah oo deganaa Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya. Caruurta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi waxayna kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir. Qoraalkan ayaa lagu sheeciyey in meydadka caruurta oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba. “Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee Magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka. Taliska ayaa sidoo kale qoraalkan ku shaaciyey inay socoto baaris qoto-dheer oo ay wadaan ciidanka Boliisku, iyadoo dad lagu tuhmay loosoo xiray arrintaan. “Walow ay baaristu weli socoto. Cidii ay ku cadaatana Garsoorka awooda u leh lawaafajin doono. Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheekh Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid caruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka booliska Soomaaliya.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday shalay, kadib markii ay dowladda shaacisay inuu fashilmay. Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho, midaasi oo ay iska fogeeyen labada madaxweyne, hase yeeshee madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan ka war-hayn shir fashilmay balse ay dowladdu “dooneyso inay fashiliso.” Haddaba, maxaa lagu macneeyneyn karaa fashilka ku yimid shirkaas, maxaase xigi doona? Agaasimaha hay’adda Heritage, Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo haatan ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa arrintaas si qoto dheer u falanqeeyay, wuxuuna ku tilmaamay fashilka shirka mid hore loo sii ogaa, maadama uu shirka madaxda ku yimid culeys dhanka beesha caalamka oo uusan ku imaan rabitaanka madaxda sarre. Wuxuu sheegay in qoddobada la isku haya ay ka balaadhan-yihiin hanaanka doorashada, islamarkaana la isku haysto awooda dowladnimo, isagoona carabaabay in madaxda sarre ee dowladda ay doonayaan wax uu ugu yeeray ‘awood maroorsi’. “Waxaa hadda muuqata dowladda iyo dhaqankeeda inuu u egyahay inay rabto in xoogto, ama ay sameyso doorashooyinkii ay keli-talisyada caadiga ah sameyn jireen sameyso, qoladaan kalena waxaad mooda in dowladaan iyo dadka hogaamiyaba inay meesha ka wada baxaan,” ayuu yiri Prof Afyare. Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu dowladda ku eedeyay inaysan u diyaarsaneyn ka qeyb-galka doorasho wada-ogol ah, ayna daacad ka aheyn wada-hadal ay la gasho dhinacyadey is-hayaan, islamarkaan la indho sarcaadinayo beesha caalamka. Dr. Afyare ayaa sheegay in shirka markii horeba uusan ku iman rabitaanka dhinacyada Soomaalida, balse uu ku yimid cadaadisa golaha ammaanka, waxaana uu uu sheegay haddii is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka uu sii socdo inay beesha caalamka qaab ka duwan midkii hore usoo faro-gelinayso, ayna suurta-gal tahay in tallaabooyin adag uu qaado Golaha Amaanka, sida uu u sheegay. “Golaha Ammaanka, waxaa xogaha qaar ay sheegayaan in ay leeyihiin markan bal markii ugu dambeysay fursad hala siiyo Soomaalida, haddii ay heshiin waayaana in beesha caalamka ay ku wajahdo si ka awood badan sidii hore,” ayuu yiri Dr. Afyare. “Waxay u eg tahay in Soomaalida ay kaararkii oo dhan ay gacanta u geliyeen beesha caalamka, waxayna ku xirnaan doontaa sida ay u wajahaan iminka.” Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladaha tabarta daran ay awood xoog leh ku leeyihiin beesha caalamka, oo ayadu muddooyinkii dambe gadaal ka riixeysay kulamada madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ee fashilmay. Hoos ka dhageyso Dr. Afyare https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/5600e590-4fb7-4f25-927b-f1b85a91d97e_48k.mp3
  5. Shirka Khamiis laha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta caafimaad ee dalka uu ku yeeshay safmarka Covid-19. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah. Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee safmarka Covid-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ugu dambeyn golaha ayaa ansixiyay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirrada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  6. Amnesty International oo qoraal gaar ka soo saartay xaaladda Soomaaliya ayaa xoogga saartay caburinta ay la kulantay saxaafadda Soomaaliya 2020-kii iyada oo soo qaadatay kiisas ay ka mid ahaan tifaftiraha guud ee Goobjoog ahna agaasime ku xigeenkeeda Cabdicasis Gurbiye iyo cabsigelinta weriyaha rugcadaaga ah ee VOA Haaruun Macruuf. Amnesty International, waxaa ay xustay in Weriye Cabdicasis Gurbiye uu ku dhiiraday la xisaabtanka xukuumadda federaalka ah isaga oo daaha ka qaaday sida ay uga gaabisay Covid 19, waxaa kale oo warbixinta ku jirtay qoraallo Facebook ah uu ka sameeyey ventilator uu sheegay in madaxweynaha uu qaatay. Amnesty International ayaa qortay “Isla April, waxaa ay booliiska xireen Cabdicasis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha Goobjoog iyo agaasime ku xigeen, waxaa loo xiray qoraal uu Facebook dhigay uu uga hadlay maamul xumada xukuumadda ee COVID 19 iyo madaxweynaha oo qaatay ventilator loogu deeqay Isbitaal, xariga kadib 19-kii Julay ayey maxakamadda gobolka Banaadir Gurbiye ku xukuntay 6 bil. Warbixinta Amnesty International waxaa lagu xusay in NISA ay isku deyday cabsi gelinta Haaruun Macruuf oo ah weriye rug cadaa ah, kana hawlgala VOA, waxayna tiri “2 April, Waxaa NISA handadaad Twitter ugu geysatay weriyaha VOA Haaruun Macruuf iyada oo lagu eedeeyey inuu khatar ku yahay qaranka, 23 April, waxay sheegtay in kiiskiisa loo gudbiyey xeer ilaaliyaha. Weriyeyaasha kale oo warbixinta ka hadashay waxaa ka mid ah Cabdiweli Cali Xasan oo ah Joursanlist madaxbannaan ayaa lagu dilay Afooye February, iyada oo May, Saciid Yuusuf Cali oo Kalsan TV lagu dilay Muqdisho. March, Maxamed Cabdiwahab Abuuja oo tifaftire ka ahaa Hiigsi ayaa sharci darro loogu xirau xabsi ay maamusho NISA, marba meel sida loogu xerayey, waxaa maxkamad ciidan la saaray ay dambi ku weysay August. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Amnesty International ayaa maanta soo saartay warbixin ay uga hadleyso xaaladda Soomaaliya iyada oo ka hadashay Al-shabaab, xorriyadda hadalka, dilalka AMISOM, dhibaatooyinka loo geysto haweenka, barakacayasha iyo saxaafadda Somaliland. Ugu horreyn waxaa warbixinta ku jirta in inta u dhaxeysay February iyo August ay UN-ka diiwaan geliyeen dilka in ka badan 207 qof halka la dhaawacay 596. Hal weerar oo ka dhacay Elite Hotel waxaa lagu dilay 11 halka lagu dhaawacay 18. Dhanka Saxaafadda, Cabdiweli Cali Xasan oo ah Joursanlist madaxbannaan ayaa lagu dilay Afooye February, iyada oo May, Saciid Yuusuf Cali oo Kalsan TV lagu dilay Muqdisho. March, Maxamed Cabdiwahab Abuuja oo tifaftire ka ahaa Hiigsi ayaa sharci darro loogu xirau xabsi ay maamusho NISA, marba meel sida loogu xerayey, waxaa maxkamad ciidan la saaray ay dambi ku weysay August. 2 April, Waxaa NISA handadaad Twitter ugu geysatay weriyaha VOA Haaruun Macruuf iyada oo lagu eedeeyey inuu khatar ku yahay qaranka, 23 April, waxay sheegtay in kiiskiisa loo gudbiyey xeer ilaaliyaha. Isla April, waxaa ay booliiska xireen Cabdicasis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha Goobjoog iyo agaasime ku xigeen, waxaa loo xiray qoraal uu Facebook dhigay uu uga hadlay maamul xumada xukuumadda ee COVID 19 iyo madaxweynaha oo qaatay ventilator loogu deeqay Isbitaal, xariga kadib 19-kii Julay ayey maxakamadda gobolka Banaadir Gurbiye ku xukuntay 6 bil. Warbixinta waxaa ku jirtay in 2020-ka ay barakaceen 1.2 million halka dhibaatooyin kufsi iyo dil isugu jira loo geystay habeen badan oo 45 la diiwaan geliyey May iyo August keliya, waxaa kale ku jirtay licences ay Somaliland kala noqotay Universal TV iyo Star iyo sii deynta weriye Cabdi Maalik Coldoon oo muddo xirnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. LONDON and HARGEISA, Somaliland (PRNewswire) -- A team led by WorldRemit founder Ismail Ahmed has today launched Sahamiye Foundation, a philanthropic organisation focused on using technology and innovation to tackle Somaliland's most pressing development challenges. Source: Hiiraan Online
  9. After years of livestock losses from droughts and multiple crises, fish have become a lifeline source of food for nutrition and income for coastal communities. The coasts sandy soils are not suitable for crops, and fishing and livestock are the main livelihoods. Much of the Somali coastline is likely to face acute food insecurity between April and June 2021, with long stretches in IPC Phase 3 (Crisis) or above, according to the latest technical release by FAO Somalia’s Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU). To help coastal communities increase their skills and boost incomes in the fisheries sector, FAO launched the project “Protecting, Improving and Sustaining Food Security in Rural Somalia” in January 2020. Since the project launch, three Coastal Fishers Schools (CFS) have been created in the villages of Zeylac, Lawyo Ado and Toqoshi within Zeylac District, Somalia. “Our vulnerable coastal communities required projects like this, because before the project they didn’t have any technical skills to repair and maintain their damaged vessels, so the only option that they had was to carry their vessels to Djibouti for maintenance. But today they learned technical skills,” said Yurub Abiib Abdi, Deputy Minister of Fisheries and Livestock Development in Somaliland. Through the project, a number of trainings have taken place with a focus on boating and fish handling to increase food production and enhance skills. Such trainings included fishing techniques and technology, boat maintenance and boat monitoring, data training on handling and processing fish, from fish storage to inspection and transporting. The training also provided tools to support coastal communities with enhanced technology and skills. Some of the inputs that the project provided to participants included: (i) ten solar chest refrigerators, co-shared in groups to reach 40 households and (ii) ten packages of boat and engine repair kits, co-shared by groups of three reaching 30 households. On 25 February, a graduation ceremony took place for 70 fishermen and women who graduated from the CFS with enriched technology and skills. The recent graduates spent four months of training learning practical and theoretical knowledge to enhance their fishing capacities and strengthen their food security and resilience in the presence of crises and shocks. There continues to be an urgent need and enormous opportunity to equip fisherfolk and households with the tools they need to utilize the available resources from the coastal waters. “I learned a lot of things from the programme such as how to repair fibre glass boats and they gave us the tools to repair. It will firstly help us as a community to see that we can do something,” said fisherman Abdisalam Adam Hussein from Lowyacado Village in Zeylac District. Source FAO The post 70 coastal fishers in Somalia are setting out to strengthen the fisheries sector appeared first on Puntland Post.
  10. Dagaalkii Ay Ciidamadii huwanta ee ay hogaaminayeen Maraykanku ay ku qaadeen Sadam Xuseenkii Ciraaq ka talinayay waxaa laga xasuustaa Wasiirkiisii Warfaafinta Mohammed Said al-Sahaf oo xiligii Dagaalku socdey maalin walba Shirka jaraa’id qaban jiray. Shirarka Jaraa’id ee Wasiirku wuxuu Caalamka u sheegi jiray Borobogaando been ah oo lagu taageerayo Sadam Xuseen, Hadaladisii waxaa kamid ahaa , waan tirtiray Ciidamadii huwanta, sidii Jiitka ayay u yaaceen iyagoo firxad ah, Ciidamada Cirka kasoo dhacay ee Ciraaq ayaa soo ridey Diyaarado, laayayna Ciidamadii Maraykanka, Madaxweyne Sadam Xuseen Aabaha Ciraaq wuu guulaystay, Hada ogow xiliga uu saas u hadlayo qarka ayaa loo saaraa Baqdaad ilaa aakhirkii Wasiirka oo Shir jaraa’id qabanaya ay Ciidamadii huwanta dhinac walba kasoo galeen Baqdaad. Mohammed Said al-Sahaf wuxuun Aduunka ku caan baxay Wasiirkii Aduunka ugu beenta iyo Borobogaandada badnaa uguna indha adkaa, isagoo difaacaya Sadam Xuseen Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Farmaajo Cusmaan Dubbe waxba kama duwana Wasiirkii Sadam Xuseen ee Warfaafinta, Wasiir Dube wuxuu Been iyo borobogando ku difaacayaa Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey, wax yar ila Daawada Mohammed Said al-Sahaf Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadii Sadam Xuseen, The post Daawo Wasiirkii Warfaafinta Sadam Xuseen Iyo Wasiir Dube hal mid ayay ka siman yihiin appeared first on . Source
  11. Doorashada Somaliland: Ha Noqon Doqon Qabiiliste ah ee Noqo Muwaadin Xalaal ah Marka si daacad ah ama xaqiiqda ku salyasan uga hadalo Somalilandna maata, waxaan shaki ku jirin in bulshada reer Somaliland daacad u yihiin qabiilkooda ama aan yidhahado, ay daacada u yihiin siyaasada qabiilaysan (political tribalism), taasi oo ay ka doorbidayaan muwaadinimdda. Waa xaqiiqo ina hortaal maanta in Xisbiyaddii ay u dhalan-rogmeen qaar ay maamulaan madaxdhaqameedo, horjoogayaashi beelaha (madaxdhaqameedo) iyagu ay yihiin kuwa si dadban uga taliya arrimaha doorashada isla iyaguna yihiin kuwa kala reebaa musharxaiintii u tartamaayey golayaasha dawliga ah (Parliament and Local government). Madaxdhaqameedadii ayaa si qabiilaysan iyagu u maamulaya xisbiyaddii. Greeks waxaa lagu sheegaa in ay ahayeen dadkii ugu horeyey ee hirgelyey Dimqradiyada (democracy), ninka lagu sheego inuu helay Dimqradiyada waxaa lagu magacaabi jirey Cleisthenes, waxaa kale oo wakhtiga jirey niman badan oo ka hadli jirey cilmiga Falsafada (Philosophy) si gaar ahna uga hadli jirey cilmiga bushada (sociology) oo wakhtiga ay caan ku ahyeen dadka reer Greek, wakhtiga Dimqradiyada laga hirgelineyey magalaada Athens oo marka magaalo madax u ahayd dadka Greek-ga, waxaa ay culimaddii cilmiga bushadu ee wakhtiga degana magaalada Athens ayaa waxay u kala saareen bulshada reer Athens saddex: kuwii doqomada aha (the idiots), kuwii qabliisteyaasha ahaa (the tribalism) iyo kuwii muwaadininta ahaa (the citizen) 1- Kuwa doqominta ahaa (the idiots), kuwani ma aha qaar maskaxada wax ka qaba ama waali ay ku jirto, laakin waa qaar iyaga oo keliya wax isla jecel ama isla doonaya (self centred), waxay had iyo jeer ku hawlan yihiin sidii iyagau wax kasta uga faa’iidaysan lahayeen, dantooda uga fushanan lahayeen, wax kasta waxay ka horumarinyaan dantooda gaarka ah. Kuwaasi ma laha wax karaamo ah, wax faa’iidahana uma laha bushada. 2- Kuwa qabiilisteyaasha ah (the tribalism) waa kuwa uu fikirkoodu uusan dhaafsiisnayn Beeshooda ama Qabiilookda, waxaa Diin u ah Qabiilooda, Qabiilnimaduna waa wax ay caabudaan, wax kasta waxay ku eegan ama ku fiiriyaan waa indhaha qabiilka, (waa kuwii uu Ibrahim Gadhle ku sheegay: Maskaxaddadu yay noqon maqal lagula leeyahay, yaan toban muftaax iyo lagu furan masaabiir), had iyo jeer waxay shaki iyo baqo ka qabaan qabiilooyinka kale. Kuwaasi waxay had iyo jeer ku jiraan dacaayad, cagjuglayn, iyo wax ka sheegid beel kale ama Qabiil kale. Waa kuwo had iyo jeer col u jooga ah. 3- Kuwa saddexaad waa Muwaadanka (the citizen) waxaa uu Greeks hore ku sheegay in ay yihiin muwaadanka leh xirfada, cilmiga ee bulshada kula nool ixtiraam (respectable public lives), waa qofka had jeer qiimeya hantida guud, si fiican u og xuquuqda lagu leeyahay iyo masuuliyada ka saran bulshada, ama had iyo jeer u taagan caawimada bulshada. Waa Greeks hore (Ancient Greeks) Somaliland waxay maanta u egtahay in ay marayso taariikhdii 300 sanno ka hore Nebi Ciise, waxaa hubaal ah in abaabulka doorashada ee Somaliland ka socota maanta ay u egtahay tii Athens ee wakhtigga. Waxaa maanta Somaliland ka jira doqonimo la casriyey oo ah inuu kii doqonka ahaa iska dhigo inuu yahay mid bushada wax u qabanaya, laakin xaqiiqadu tahay inuu ka xoolaysto, kuwa u dhow ka xooleeyo, iyo musqmaasuq iyo wax-isdaba-marin. Waxaa maanta Somaliland ka jiraa waa qabyaalad la casriyey, waayo xisbigu waxaa u taliya madaxdhaqameedka oo ay u dabo fadhiistaan qofkii xisbigga laga sharaxayey, haddii aysan sidaa yeeli xisbiggii reerku cod siinmahayo xisbiggii, sida awgeed, si xisbigu u soo baxo waa inuu madaxdhaqameedka u daba-fadhiista xisbiga si uu u helo musharaxii u tartami lahaa xisbigga. Ninka madaxdhaqameedkuna wuxuu soo xulayaa mid aan bulshada ku lahayn sumcad wanaagsan, waayo, madaxdhaqameedka ayaa ah intooda badani yihiin qaar iyagu is caleem-saaray ama koox qawlaysto ahi ay caaleemo-saartay, wallow ay jiraan niman madaxdhaqameed ah oo sumcad iyo karaamo ku dhex leh Somaliland, laakin kuwaasi ma ah kuwo iyagu hawshaba gala. Osman Awad waaba2003@yahoo.ca Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, xilli uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya. Mahad Salaad Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in labo arrin midood uu ku dambeyn doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaana labo bil ay buuxsantay kadib dib u doorashadiisa, iyada oo aan heshiis laga gaarin, sida looga gudbayo marxalada lagu jiro. Mida koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay faro-gelin ka imaan karto beesha caalamka, sida cahdigii Kampala Accord ee la saxiixay sanadkkii 2011-kii. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhici karto in Farmaajo uu si xoog ah ku sii joogo Villa Soomaaliya, kadibna dalka uu geliyo dagaal sokeeye oo isaga la’isaga saarayo. Halkan hoose ka aqriso: Farmaajo labo bilood ayuu sharci daro ku dhex fadhiyaa Villa Soomaaliya. Labo mid ayuuna ku dambeyn doonaa: In Beesha Caalamku soo farageliso wadahadalada, Farmaajo heshiis lagu qasbo sidii Cahdigii Kampala (Kampala Accord) ee 9-kii June 2011 lagu kala saxiixday dalka Uganda. Qodob heshiiska ka mid wuxuu dhigayay in Farmaajo iscasilo mudo 30 beri gudahood ah. Kampala Accord waxaa wada saxiixay Sheekh Shariif, Shariif Xasan, Museveni iyo Mahiga! Farmaajo inuu ismoodsiiyo xoog inuu xukunka ku heysan karo, dabadeedna duulaan ku qaado dadka ka aragtida duwan, subaxa dambena isagoo dabada looga jiro dalka laga cayriyo sidii duqii adeerkiis ahaa!
  13. Xeerka Axsaabta , Ururada ee Doodiisu ka socotay Golaha Wakiilada JSL. _________________________________________ Asalaamu calaykum dhamaan akhristayaasha iyo dhamaan cid kasta oo qoraalkaygan uu gaadho . ____________________________________ Waxaan fursad u helay inaan dhagaysto dhamaan xildhibaanadii golaha wakiilada maalintii shalay ka doodaayey xeerka furista ururada iyo xisbiyada(wax-kabadalka xeerka xisbiyada) , ama wax-kabadalka habraacyadii xeerarkii khusaynaayey xisbiyada , ururada iyo guddida doorashooyinka oo aan u fahmay in wax-kabadalku dhamaantood tilmaamayo habraacyadooda . Marka hore dowladu/xukuumadu waa awooda ugu saraysa dalka (Supreme Authority ), iyada oo raacaysa habraacyo sharciyeed , waxay leedahay korjoogtaynta, dabagalka xisbiyada qaranka , iyo hadii ay ururo jiraanba , mid siyaasadeed ama bulsho , waa awooda u igman ilaalinta sharciga iyo distoorka , wax walibana waxay kasoo dhanbalmayaan waa distoorka dalka ,iyadaana looga fadhiyaa inay cid walba sharciga ku ilaaliso ,xisbiyada uun maaha, dhamaan bulshada iyo howlaha bulshadu qabanaysaba , si shakhsiya how qabto , si kooxo ah how qabtaan , ganacsi , iwm. Waan in ficilkoodu Mar walba waafaqsanahay Xeerarka iyo diatuurka dalka, laguna ilaaliyaa. (Statutory Audit & Observations ). Markaynu usoo laabano xisbiyada iyo dabagalkooda , si guud in loo xakameeyo axsaabta ,(si qaanuuniya oo aan nacayb iyo jacayl midna ku dhisnayn) cadaaladooda , dimiquraadiyada dhexdooda , xuquuqda muwaadiniinta xisbiga ka tirsan ,hanaanka maaliyadeed ee xisbiga , musharixiintooda iyo sifooyinka sharcigu tilmaamay inay yeeshaan (Tusaale , inaanu ahayn danbiile ahayn , caafimaad qabka ,muwaadinimada iwm) in la xaqiijiyo oo la ilaaliyo mabaadiidaaas guud waa sharci , waana wax loo baaahanyahay , waana sidaa ay sameeyaan aduunka oo dhan. #Doodii: Doodii xildhibaan Ibrahim Rate waxa ka mid ahayd “ shuruucda aduunku sida taayirada baabuurta ee is wada gala , ayay shuruucda caalamkuna isu gashaa , xisbinimada waxa asteeya, abuuraa waa dadweynaha , golena ma sameeyo ,gudina MA samayso , waa hadba kalsoonida bulshada , bulshadaana samaysa’’ waxa doodiisu tilmaamaysay xeeldheeridiisa dhinaca sharciga iyo waxan laga hadlaayo , waayo shuruucda aduunka oo dhan waxa loo sameeyaa , waa si bani’aadamka damaciisa logu xakameeyo , nolol wacan loogu suurtogaliyo, dowladnimo iyo haybadna ay ku noolaadaan . Bani’aadamkuna waa isku mid , waa isku baahi , waa isku damac meel kasta ha joogo . waxuu tilmaamayaa shuruucda aduunku inay isku ujeedo loo sameeyo , iyadoo umadu kala duwantahay . dood wacan oo cilmi ku dhisan ayay xildhibaanada qaar(sida Xildh Rate , gudoomiyaha kumeelgaadhka ah xisbiga waddani xild. Abdiqaadir jirde ,xildh barre xubnahaas aan ka xusi karo ) banaanka keeneen , iyagoo u awood sheegtay qaar kale oo hadlaayey (ninku markuu kaa aqoon badanyahay waa kaa awood badan yahay). Waxay cadeeyeen wax-kabadalkan iyo soo jeedin tan golaha taalaa inaanay dalka anfici Karin, xeerna u noqon Karin , sabab : () Waxaan uga jeedaa Xeerku yuu Ina soo galin, inaga ilaaliya (no entry). Waar marka koowaade xeerkan waqti xaadirkan looma baahna, waqti ku filan ayaa u dhiman xisbiyada hada jira , sabab loogu ordaa meesha ma taalo, Xeerka garsoor kama muuqdo, Uma garsooraayo xisbiyada haatan jira iyo hadii loo baahdo oo qaar kale yimaadaanba, Xeerku ma taabo galinaayo dimiquraadiyada aynu rabno inaynu xaqiijino , Xeerku ma bixinaayo fursad xisbiyadeenu ku yaabo galaan, Kuna noqdaan hay’ado qaran oo u dhisan si gundheer, Xeerku waxa uu ku xadgudbayaa xuquuqda muwaadiniinta iyo xisbiyada , Xeerku waxa uu faragalinayaa shuruucda hoose ee xisbiyadu gaarka u leeyihiin , oo kaliya waxa laga rabaa , sharciga xisbigu inuu waafaqsanyahay dastuurka iyo xeerarka wadanka , wax kale oo faro galina oo lagu samayn karaa MA jirto , taasina waa mabda guud , xisbiyada uun maaha , waa dhamaan shuruucda bulshadu si gaara u samaysato , ganacsiga , ururada bulshada dhamaan waa inay waafaqsanyihiin distoorka iyo xeerarka wadanka u yaala . fargalin kale laguma laha , Xeerku waa xeer ujeedaysan, xeer ujeedaysanina xeer qaran ma noqon karo , Dhaqaalaha yare ee dowladu siiso axsaabta qaranka , ee loogu talo galay inay howlahooda ku fushadaan (working capital/or expenses ) ayuu ka dabo imanayaa xadidayaa waxa lagu qabanaayo. Hadii xeerka wax laga badalaayo, waa xeer u baahan waqti iyo daraasad cilmiyeysan, TIRADA xisbiyada, dhanka garsoorka, Guddida doorashoonka, habraacyadooda, golaha hada joogana waqti ku filan Uma hayo oo wuu sii socdaa, Xisbiyada Qaranka waa hanti qaran, cida kaliya aqoonsiga ama ogolaanshaha xisbinimo Kala noqon kartaa waa maxakamada, ka dib marka lagu soo oogo danbiyo Xisbigu galay, Xisbiguna iska difaaco. Xeerkan waxa uu wareejinayaa awoodii maxakamada, Kuna wareejinayaa shaqsiyaad aan ahayn garsoorkii dalka, Sidaas daraadeed waa xeer dhinac ordaaya Hanaankii dowladnimada. Sababahaas iyo qaar kale oo badan( qoraalkaa dheeraanayee) ayaanu sharcigani /soo jeedintani aanu ku ahayn mid ka fikirtay /lagu jaangooyey danta guud ee qaranka . Waxa nasiib daro ah , fooxumo ku ah golaha iyo dowladnimadeenaba , nin qayb ka mida xildhibaanada, doodahoodu ay la mid noqdeen doodaha suuqa . Waayo xildhibaanku wuu ka duwanyahay qofka suuqa jooga , ama siyaasiga ah ee damaca leh , ee doodiisa ku dhisaaya hadba meesha uu la hayo ama dantiisu ku jirto . – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – Dooda xildhibaanka laga rabaa waa noocee? ————————————————— Maadaama xildhibaanku yahay wakiil bulsho , fadhiyo goob sharciyeed /goobtii shuruucda dalka laga unkaayey , qayb ka yahay haybadii dowladnimada , marka uu golaha fadhiyo dooda uu dhiibanayaa waa inay sifahan leedahay:- Waa in doodiisa ay ku dhisantahay qanuun /sharci (waxa markaa laga doodaayo sharcigu waxa uu ka qabo) sal sharci waa inay leedahay , Waa in doodiisu qiimaynayso mustabalka , waxa laga hadlaayo waxa ka dhalan kara (odoros) isagoo ka duulaaya danta guud ee qaranka , Tixgalin bulshada iyo xaalada ay markaas ku jirto (u kala cadyihiin bulshadu waxay qaadi karto iyo waxaanay qaadi Karin, waaqaca bulshadu ku sugantahay), Doodiisu waa inay tixgalin sisaa ,arinka laga doodaayo haduu bulshada hore usoo maray, samayntiisii khayr iyo shar, xogogaalnimo hore waa inay ka muuqataa . Intaas oo aanu ku degdegin ee dhanwalba uu ka eego , ka dibna hab qaran u akhriyo, fikirkiisiina raaciyo, diid ama yeel ,(lagayaaba waxaas oo dhan sida uu u fahmay inaanay sawaabkii ahayn , ama sidii saxda ahayd) , xildhibaan walba inuu si ka duwan u arkhriyo ka kale ayaa dhacaysa, sunnena ah, , laakiin waa inay doodu ahaataa dood ay ka muuqato wakiilnimo . hadaanay sifooyinkaa lahayn , dooda xildhibaanku , waxay noqonaysaa dood hunguri (isagu waxa uu rabo kaliya , cida uu la socdo , taageersanyahay , diidanyahay iwm ) qof rabitaankiina dee bulshada sharci uma noqoto . waxuunbay haybad tiraysaa golihii iyo sumacadii guud ee dowladnimo . ugu danbayn xeerkani waxa kaliya ee uu iftiiminayaa waa awooda fahan , aqooneed , Sharci dajineed ee goleheena wakiilada iyo halkaynu soo soco, waxa ka soo horeeya murashixiintaa hada soo socota iyo howsha u taala. waxa jira hanaan/hab /aragti aad u qiimo badan, kana mida aqoonta lagu dhiso/lagu horumariyo xooga shaqada iyo shaqaalaha (human capital/Human Resource Development Schemes). Shirkadaha gaarka loo leeyahay, dhamaan hay’adaha bixiya adeega dadweynaha, goob walba oo adeeg shaqo bixisa/shaqaale joogo. Habkaas waxa lagu horumariyaa shaqaalaha (Training and Development Strategy ) , public haa ahaado private ha ahaado Training waxa la siiya had iyo jeer dadka shaqada qabta (Traing is for non- managerial personnel ) halka development strategy /program loo qorsheeyo dadka haggayaasha ah (development programs is designed for Managerial Personnel). Waxaan u soo qaatay , xildhibaanadan aan qaarkood arkay , waxa ay ahayd in la siiyo barnaajiyo lagu horumarinaayo shaqo ahaan iyo faham ahaanba . waxaan u fahmay malaa wali gudo iyo debed midna inaan wax orientation ah , oo ku saabsan golaha wakiilada , haybadiisa , saamaynta uu leeyahay warka ka baxa , doodaha ka baxa iyo qiimaha /ama qiimo dhaca ay bulshada gaadhsiin karaan iwm aan la siinin , jaantaa rogan uun kusoo gaaleen ,aragtida lagu hawl galaayeyna waxuunbay ahayd “HASOCOTO “. – – – – – – – – Dhamaad————– Fiiro gaara:- Anigu MA ihi sharciyaqaan, laakin waa intaan ka fahmay,iyo doodii xeerka waxa iiga baxay. Sir-Abdirashid Hussein Yousuf (Gahaydhle), Email :-Gahaydhle@live.com Doha, Qatar.Image Get Outlook for Android Qaran News
  14. Maanta waxaa kulan dhex maray Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Beesha Caalamka, kulankaasoo looga wada hadlay Shirkii shalay iyo dhamaadkiisii. Labada Madaxweyne waxay hoosta ka xariiqeen in Dowlada Federaalka iyo Maamulada la socdaa aysan daacad ka ahayn Dadaalka docda ayna Isku dayeen inay Shirka fashiliyeen. Lanøbada Masuul waxay sheegeen in shir burburay aysan ka warhayn, Shirkii shalayna uusoo dhamaadey iyadoo lawada balamay Maalinta Xigta. Beesha Caalamku waxay Labada Madaxweyne ku wargaliyeen inay Beesha Caalamka ka go’antahay in Dalka Doorasho ka dhacdo, isla markaasna aysan aqbalayn mudo kordhin. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Deni, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka oo kulmay appeared first on . Source
  15. Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya, ahna ku simaha Taliyaha Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed( Kaniif) ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidan ka wada tirsan Ciidanka Booliiska iyo kuwa Milatariga oo ku sugan gobolka Galgaduud,Tababarka ayaa waxaa u ka socday Xerada Gen Dhaga-badan. Tababarkaan oo ku saabsanaa, sidii looga aruuriyo walxaha qaraxa wadooyinka ay Shacabku isticmaalaan oo ay argagixisadu qaraxyo dhagar ah geliso. Ciidankan ayaa loo diyaarinayay howlgalo looga nadiifinayo wadooyinka oo looga ilaalinayo haradiga walxaha laga cabsi qabo in ay sababan qaraxayo ay dad ku nafwayaan. Waxaana bixinta tabarkaan oo qeyb ka ahaayeen, EU Training Mission (EUTM), EUCAP Xoogga Dalka iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeediyada,iyadoo uu tababarku socday mudo dhan 42 Cisho ayaa maanta la soo gagabeeyay. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, kadib markii ay shalay dowladda federaalka shaacisay inuu fashilmay shirkii Afisyooni. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Beesha caalamka u sheegay inaysan ogeyn shir fashilmay, sida ay sheegtay dowladda waqtigeedu uu dhamaaday, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay sii socdaan wada-hadaladaas oo xal looga gaarayo khilaafka doorashada. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale meesha ka saaray shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay ku xireen heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, waxayna madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ku eedeyeen in uusan rabin doorasho. Intii uu socday shirkaan ayaa waxay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland u sheegen wakiilada beesha caalamka in Farmaajo uu rabo inuu dalka geliyo qalaalase hor leh. Xogta aan helayno ayaa intaas kusii dareysa in Wakiilada Beesha caalamka ee C6+ ay sheegen inay kulamo la soo qaadan doonaan madaxda dowladda, si ay u sameeyaan fikrado aruurin ku aadan kala duwanaashaha argtida labada dhinac. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxay kulamada labada dhinac warbixin uga gudbin doonaan dalalkooda, waxaana la filayaa in illaa caawa war cusub kasoo yeeraan. Beesha Caalamka ayaa aad uga wal-walsan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, oo ay in muddo ah kasoo shaqeynaysay, kaasi oo dowladda federaalka ay shalay shaacisay inay fashiliyeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkasta oo ay madaxdaas beeniyeen eedeyntaas. Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sidoo kale xalay uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho kadib markii ay shir gaar ah kula yeesheen xarunta QM ee Xalane. Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.
  17. Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Kulanka labada dhinac, waxa looga hadlay arrimaha keenay in uu natiijo la’aan ku dhammaado Shirkii Muqdisho uga socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga arrinsanayay ajandaha shirka guud ee arrimaha doorashooyinka. Wararku waxay sheegayaan, in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay wakiilada Beesha Caalamka u xaqiijiyeen in Shirku uusan dhankooda ka fashilmin, balse madaxweyne Farmaajo uusan doonin in la xalliyo muranka doorashooyinka. Waxa xusid mudan, in wakiilada Beesha Caalamku ay xalay kulan la yeesheen madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed ee taageersan Villa Somalia ,kuwaas oo Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay fashilinta shirkii Afisyooni. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  18. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Arbacadii ka digay halista dagaal ka dhasha biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile-ka bulugga ah, kadib markii wada-hadalladii labada dal iyo Sudan ay dhammaadeen natijoo la’aan. Ergo ka socotay saddexda dowladood ayaa horraantii toddobaadkan ku kulmay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, hase yeeshee waxay ku guul-darreysteen inay soo afjaraan khilaafkooda. Isaga oo ka hadlayey furitaanka dhisme cusub oo ay dowladdu leedahay, ayaa Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo Sudan ay ka wada-shaqeynayaan arrinta, islamarkaana “Iskaashiga iyo heshiiska ay ka wanaagsan yihiin wax kasta oo kale.” Isaga oo tixraacaya dagaalladii hore ee gobolka, waxa uu yiri: “Waan soo aragnay qiimaha isku dhac kasta.” “Waxaan u sheegayaa walaalaheena Ethiopia, yeyna gaarin marxalad aad ku taabaataan dhibic ka mid ah biyaha Masar, sababtoo wax kasta waa ay furan yihiin.” Wasiirka biyaha Ethiopia Seleshi Bekele ayaa isku dayey inuu qaboojiyo xiisadda. “Ma jirto sabab loo galo dagaal aan lagama maarmaan aheyn dagaal uma billaaban karo biyo dartood. Biyuhu way qulquli doonaan haddii aad maanta dagaalanto, wayna sii quluqli doonaan berri,” ayuu u sheegay weriyayaasha Arbacadii. Farriin qoraal uu u diray Reuters ayuu sidoo kale ku beeniyey eedeymaha ah in Ethiopia ay isticmaaleyso biyaha dal kale. “Ma isticmaaleyno biyo ka yimid Masar ama Sudan, sababtoo ah biyuhu uma soo dareeraan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri. “Waxaan biyo ka yimid Ethiopia u isticmaaleynaa baahida weyn ee aan qabno, innaga oo raaceyna isticmaal macquul ah oo caddaalad ah, oo aan dhaawac weyn u geysnaeyn deriskeena.” Wada-hadallada Kinshasa oo socday afar maalmood ayaa fashilmay kadib markii Ethiopia ay diiday qorshe ay soo jeedisay Sudan, oo Masar-na ay taageertay, oo ahaa in dhex-dhexaadiyayaal caalami ah laga qeyb-geliyo wada-hadallada, sida ay sheegeen Masar iyo Sudan. Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia “aysan geli karin heshiis diidaya xuquuqdeeda iminka iyo tan mustaqbalka ee isticmaalka webige Nile.” Diblomaasiga ugu sarreeya Masar ayaa sheegay inay murankan gayn doonaan Golaha Ammaanka ee QM. REUTERS + VOA
  19. Ku Dhawaaqista Liiska rasmiga ah ee kama dambaysta ah ee Musharraxiinta Golaha wakiillada ee Dalka oo dhan ayay ka hadhsan tahay muddo tobaneeye cisho ahi sida uu xeerku dhigayo iyada oo xeerku dhigayo in muddo bil iyo badh ah laga horraysiiyo ku dhawaaqista kama dambaysta ah ee u tartamayaasha Kuraasta Golaha Wakiiladda Somaliland ee dhamaan Goboladda Dalka oo dhan. Ilo-wareedyo u dhuun daloola Axsaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku waxa ay wargeyska Foore u sheegeen in wada socod hoose oo ay Komishanka iyo Xisbiyada qaranku ku hawlanaayeen maalmihii ugu dambeeyey lagu kala hufayay xubno Musharraxiin ah oo buuxin waayay shuruudaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka taasi oo Komishanku si hoose ugu gudbiyo Axsaabta oo Iyana qaarkood si hoose loo soo baddalo iyada oo aan la shaacin ama aan Bulshada loo soo ban dhigin. Tiro dhawr ah oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland iskana sharraxay qaar ka mid ah Gobolada dalka oo Komishanka Doorashooyinku soo qabtay kadib markii ay buuxin waayeen shuruudaha u yaalla ayay Komishanku wada xaajoodyo hoose xisbiyada kula dhammeeyeen in si degdeg ah beddelkooda loo soo gudbiyo taasi oo ay xisbiyadu ku hawlan yihiin sidii ay u baddali lahaayeen si hoose oo aan lahayn wax buuq iyo hadal ah toona si looga gaashaanto in uu wax khilaaf ahi ka yimaaddo arrintaasi. Ilo-wareedyadani waxa ay noo xaqiijiyeen in inkasta oo wali ay jiraan qaar la isku mari la’yahay baddalkooda iyo xal ka gaadhistooda haddana ay badi hawshani si wanaagsan oo hoose uga dhex socoto Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo u muuqda kuwo ay ka go’an tahay in ay hawshaasi si hoose oo qabaw u dhammeeyaan wixii Musharraxiin ah ee sidaa ku soo hadhana baddalkooda la geeyo Komishanka. Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale qaar ka mid ah Musharraxiinta Golayaasha Deegaanka oo buuxin waayay shuruudaha u yaalla uu Komishanku soo celiyey taasi oo keentay in ay xisbiyada lagu celiyey Iyana dib usoo baddalaan oo baddalkooda keenaan sidaana badiba lagu dhammeeyey hawshaasi. Lama oga wakhtiga rasmi ahaan ay qaadan doonto in hawshan lagu soo gabogabeeyo oo la soo saaro Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee Komishanka iyo axsaabtu isla dhammeeyaan Source
  20. We are moving towards a multipolar world. With competing global powers and increasing regionalism and nationalism, uncertainty is poised to dominate world politics in the coming decade. Source: Hiiraan Online
  21. Musharax Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaala Hargeysa. Shucayb ayaa wasiir ka soo noqday Xukuumaddii Hore Axmed Siilaanyo. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay xaaladda kasii dareysa ee doorashooyinka dalka, kadib fashilka ku yimid shirkii ka socday Afisyoone. Cumar Cabdirashiid oo haatan ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay fashilinta wada-hadallada doorashooyinka dalka ee 2021 ay tahay muddo kororsi la doonayo in loo sameeyo hay’adaha dowladda, sida uu hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in muddo kordhin hor leh la sameeyo, iyada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo taageerayo. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray, haddii la qaado wadadaasi, iyada oo la’iska indho-tirayo xaaladda adag ee jirta ay keeni karto xasillooni darro iyo kala qeybsanaan. “Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan waa kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan,” Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo ka tirsan Aqalka Sare. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ku kala kaceen wada-hadalladii gogol xaarka ee ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, kadib markii la’isku fahmi waayey ajandaha shirka guud ee arrimaha doorashooyinka dalka.
  23. Sisi oo farriin Hanjabaada u diray Ethiopia kadib fashilkii wada-hadallada Abdel Fattah el-Sissi Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Arbacadii ka digay halista dagaal ka dhasha biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile-ka bulugga ah, kadib markii wada-hadalladii labada dal iyo Sudan ay dhammaadeen natijoo la’aan. Ergo ka socotay saddexda dowladood ayaa horraantii toddobaadkan ku kulmay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, hase yeeshee waxay ku guul-darreysteen inay soo afjaraan khilaafkooda. Isaga oo ka hadlayey furitaanka dhisme cusub oo ay dowladdu leedahay, ayaa Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo Sudan ay ka wada-shaqeynayaan arrinta, islamarkaana “Iskaashiga iyo heshiiska ay ka wanaagsan yihiin wax kasta oo kale.” Isaga oo tixraacaya dagaalladii hore ee gobolka, waxa uu yiri: “Waan soo aragnay qiimaha isku dhac kasta.” “Waxaan u sheegayaa walaalaheena Ethiopia, yeyna gaarin marxalad aad ku taabaataan dhibic ka mid ah biyaha Masar, sababtoo wax kasta waa ay furan yihiin.” Wasiirka biyaha Ethiopia Seleshi Bekele ayaa isku dayey inuu qaboojiyo xiisadda. “Ma jirto sabab loo galo dagaal aan lagama maarmaan aheyn dagaal uma billaaban karo biyo dartood. Biyuhu way qulquli doonaan haddii aad maanta dagaalanto, wayna sii quluqli doonaan berri,” ayuu u sheegay weriyayaasha Arbacadii. Farriin qoraal uu u diray Reuters ayuu sidoo kale ku beeniyey eedeymaha ah in Ethiopia ay isticmaaleyso biyaha dal kale. “Ma isticmaaleyno biyo ka yimid Masar ama Sudan, sababtoo ah biyuhu uma soo dareeraan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri. “Waxaan biyo ka yimid Ethiopia u isticmaaleynaa baahida weyn ee aan qabno, innaga oo raaceyna isticmaal macquul ah oo caddaalad ah, oo aan dhaawac weyn u geysnaeyn deriskeena.” Wada-hadallada Kinshasa oo socday afar maalmood ayaa fashilmay kadib markii Ethiopia ay diiday qorshe ay soo jeedisay Sudan, oo Masar-na ay taageertay, oo ahaa in dhex-dhexaadiyayaal caalami ah laga qeyb-geliyo wada-hadallada, sida ay sheegeen Masar iyo Sudan. Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia “aysan geli karin heshiis diidaya xuquuqdeeda iminka iyo tan mustaqbalka ee isticmaalka webige Nile.” Diblomaasiga ugu sarreeya Masar ayaa sheegay inay murankan gayn doonaan Golaha Ammaanka ee QM. REUTERS Qaran News
  24. Labada Magaalo ee ay ku nool yihiin Bilyaneerada ugu badan caalamka Magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ayaa imika ah magaalada ay ku nool yihiin bilyaneerada ugu badan caalamka, sida ay qortay jariiradda Forbes’ oo soo saarta liiska sanadlaha ah ee bilyaneerada caalamka. Magaalada Beijing sandkan waxaa tirada dadka bilyaneerada ah ku darsantay 33 bilyaneer. Tirada bilyan-neerada ku nool caasimadad Shiinaha ee Beijing ayaa imika ah 100 bilyaneer. Waxay magaaladan si dirqi ah uga guuleysatay magaalada New York, oo bilyaneerada ku nool lagu sheegay 99 bilyaneer. Magaalada New York ayaa 7-dii sano u dambeysay ahayd magaalada bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin. Shiinaha oo si degdeg ah u xakameeyay feyriska Corona, shirkadaheeda tiknoolajiyada oo sii kobcaya iyo suuqyadeeda saamiyada ayaa gacan ka geystay korarka bilyaneerada dalkaasi. Inkastoo Beijing ay ku nool yihiin bilyanerada ugu badan caalamka ayaa hadana waxaa wali bilyaneerada New York ay ka lacag badan yihiin marka la isku daro kuwa ku nool Beijing. Ganacsadaha ugu taajirsan magaalada Beijing’ ayaa waxaa lagu magacaabo Zhang Yiming. Zhang Yiming ayaa ah ninka asaasay shirkadda muuqaalada ee TikTok. Yiming waxaa hantidiisa lagu sheegay in ay gaarayso $35.6 bilyan. ”Haddiyad qaali ah oo loo keenay ayuu webiga ku tuuray” Qiimihii ugu sarreeyay abid oo lagu iibsaday 1 kalluun Maxay tahay sida fudud ee ninkan uu ku taajiray? Maalqabeenka ugu taajirsan magaalada New York Michael Bloomberg, ayaa waxaa hantiisu ay gaaraysaa $59 bilyan. 17 saacadood-ba bilyaneer Waxaa liiska bilyaneerada caalamka sanadkii aanu so dhaafnay ku soo biiray 493 qof. Arrintan ayaa micnaheedu tahay in 17 saacadod-ba uu hal bilyaneer ku soo biirayay sida ay shaacisay jariiradda, Forbes. Dalka Hindiya ayaa kaalinta saddaxad soo galay oo noqday dalka bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin. Waxa dalka Hindiya ku nool guud ahaan 140 bilyaneer. Jeff Bezos, oo ah asaasaha iyo madaxa shirkadda Amazon, ayaa wali ah ninka ugu taajirsan oo ugu maal badan caalamka. Hantidiisa ayaa waxa lagu sheegay in ay sii kobceysay oo ay imika gaartay $64bn to Qaran News