Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqday in dalka Ruushka in uu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisadi ka qaraxdo gobolka Donbas. Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii. Xubnaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi. PUNTLAND POST The post Hogaamiyaha Jarmalka oo ka digtay Xiisadda u dhaxeeysa Ukraine & Ruushka appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Golaha Ammaanka QM uga digtay inay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha doorashada Soomaaliya. Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq ayaa jawaab u ah hadal ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha Golaha Ammaanka, ahna danjiraha Mareykanka ee QM Linda Thomas-Greenfield, taasi oo aqrisay bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka. Qoraalka ay aqrisay Linda Thomas-Greenfield ayaa Golaha Ammaanka wuxuu walaac uga muujiyey is-mari waaga doorashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada inay wada-hadallo deg deg ah isugu yimaadaan ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin. “Iyada oo tixraaceysa hadalladii ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Golaha Ammaanka Mrs. Linda Thomas-Greenfield, dowladda federaalka waxay qadarin iyo mahad-celin u muujineysaa fikradaha lasoo jeediyey, taageerada fog ee xubnaha Golaha Ammaanka ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo qadarintooda ku aadan madax-banaanida, sharafta dhuleed, midnimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda ayaa intaas ku dartay inay ku war-gelineyso Golaha Ammaanka in arrimaha doorashada ay yihiin kuwa ay yaalla Soomaaliya, oo aysan shaqo ku lahayn cid kale. “Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, si la mid ah dal kasta oo madax-banaan waa arrin qaran, oo ay maamulaan islamarkaana go’aan ka gaaraan hay’adaha qaranka, sida uu qabo Xeerka No.30 ee uu meel mariyey baarlamanka,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Dowladda federaalkaa ee Soomaaliya waxay u aragtaa faro-gelin kasta oo jilayaal dibedda ah ku sameeyaan hanaanka doorashooyinka qaranka inay tahay faro-gelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaheena gudaha, taasi oo jebineysa qaraarada Golaha Ammaanka, xeerarka caalamiga ah iyo sharciyada.” Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalka ku caddeysay in amniga doorashada dalka uu mas’uul ka yahay Gudiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha. Hoos ka aqriso warqadda
  3. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay caqabad ku noqotay dhismaha wadada xiriirisa Garoowe iyo magaalada dakedda leh ee Boosaaso. Guddoomiye Jabuuti wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya diiday in ay dib ugu soo noqdaan Puntland injineero ajaanib ah oo dhisayay wadadaas, kuwaas oo markii hore u tagay sababo la xiriira Coronavirus. “Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka caqabad ku noqotay dhismaha wadadan oo ay diiday in ay soo noqdaan injineeradii ka shaqeynayay, waxaana markhaati ah gaadiidka gadaasheena yaalla oo ahaa kuwii ay ku ay dhaqeynayeen howlwadeenadii shirkaddii Shiineyska ahayd ee qandaraaska dhismaha wadada heshay oo xiligii uu caalamka ka dhacay Coronavirus dib ugu noqday dalkoodii” ayuu yiri guddoomiye Jabuuti. Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa hadalkan jeediyay shalay mar isaga iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ay booqdeen aaga ugu halista badan wadadaas oo ah dooxada Midigar oo u dhaxaysa Garoowe iyo tuulada Sinujiif. Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu sheegay in hadda la shorsheeyay in wadada lagu dhiso isku tashi, maalinta sabtida ahna Garoowe lagu qaban doono shir ay ku baaqeen isimada Nugaal oo dhaqaale loogu uruurinayo wadada, gaar ahaan aaga Midigar. PUNTLAND POST The post Puntland: Dowladda Federaal waxay caqabad ku noqotay dhismaha wadada Garoowe–Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  4. Garowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), oo sheegay in Puntland iyo Jubaland ay dhaheen “ha la kala diro dowladda.” Jaamac Dabraani, oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo qoraal kooban kusoo daabacay barta twitter-ka, ayaa hadalka Cumar Filish ku sifeeyay been abuur. “Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntlandiyo Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo,” ayuu soo qoray Jaamac Dabaraani. Hadalka kasoo yeeray madaxtooyada Puntland ayaa imaanaya kadib markii uu gudoomiye Cumar Filish uu weerar ku qaaday madaxda Puntland iyo Jubaland, kadib markii dolwaddu ay shaacisay inuu fashilmay shirkii Afisyoone, isaga oo sheegay iney yahiin kuwa masuulka ka ah iney burburaan wadahadalladii doorashada. “Doorashada inay qabsoonto oo si xalaal ku qabsoonto waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka, dowladda waa qabaneynaa diyaar u nahay taagan tahay, kuwa kale waxay taagan yihiin maba la qabanaayo, illaa qodobkan aniga la ii fuliyo, waa in danteyda aan hela, haddii kale maba la qabanaayo,” ayuu yiri Cumar Filish Gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay xubnaha aan qarsan iney gadaal ka joogaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana wuxuu ka mid yahay xubnaha warbaahinta la hadla marka ay jiraan waxyaabo liddi ku ah dowladda wakhtigeeda dhamaaday.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha hortaagan in xiligan ay dowladda federaalka daabacato lacag cusub. Beyle ayaa sheegay in daabacada lacagta ay dadaalo ugu jireen tan iyo markii uu xilka qabtay oo ku siman Afar sanno ka hor, islamarkaana ay xanuun badan ku hayso in ilaa hadda aysan ku guuleysan daabacada lacagta cusub ee dalka. Waxa uu is-dul-taagay in arrinta daabacada lacagta ay ilaa hadda hortaagan tahay in si sax ah loo jaangooyo cadadka lacagta, aqbalaada shacabka iyo dowladda goboleedyada, sidoo kale waxa uu xusay in ilaa hadda ay dhiman tahay in heshiis lala galo Shirkaddii loo dhiibi lahaa ee daabici laheyd. “Soomaaliya waa ku ceeb in ay daabici wayso lacag, waana xannuun weyn oo nagu taagan, ilaa maalintii aan halkaan imid oo Afar sano laga jooga dadaal ma yareysan, waxaana dhiman in aan Shirkad u dhiibno si ay usoo saarta,” ayuu yiri C/raxmaan Beyle. Waxa uu intaas sii raaciyey hadalkiisa “Waxaa kale oo yaalla ma aqbali doonaan dadka iyo Dowlad-Goboleedyada, imise ayay dhan tahay, maxaase nooga baxaya dabcan xal ayay u baahan yihiin su’aalahaas.” Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in ka fikir badan ay u baahan-tahay tirada la daabacayo iyo qaabka loo meel-marinayo lacagtaas una bedeli laheyn tan hadda shaqeysa oo silac badan ka muuqdo
  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay dilka loo geystay labo caruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo shalay meydadkooda laga helay duleedka magaalada Baydhabo. Aabo Aweys ayaa falkaasi ku tilmaamay ‘mid fool-xun oo la abaabulay’, wuxuuna laamaha amaanka ka codsaday in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka caruurtiisa. Caruurta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi ayaa waxay kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir, waxaana iyaga oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba. “Ilaahay wixii uu qadaray raali ayaa ka nahay, wixii ilaahay xukumo uu qaddaro anagana raali ayaa ka nahay, waxaan dalabanayaa in cadaalada la mariyo cidii ka dambeysay dambigaas, wana u mahad-naqayaa dadkii igala qeyb qaatay duugistii caruurta yar,” ayuu yiri Aweys oo la hadlay idaacada VOA-da. Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey in kiiska caruurta ay ka warheleen 7-dii bisha oo aheyd maalinkii Arbacada, islamarkaana ay baadi-goob dheer kadib ay 8-dii bishan heleen meydka caruurta. “Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee Magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka shalay kasoo baxay taliska. Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxay laamaha amaanku shaaciyeen in lasoo qabtay dad ay ku tuhunsan yihiin falkaas, waxaana weli socota baarista dilkaan oo dadka magaalada Baydhabo ku abuurtay wal-wal iyo walaac aad u xoogan. Hoos ka dhageyso codka Aabe Aweys https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/Aabe.mp3
  7. Qasriga Boqortooyada Ingiriiska oo shaaciyey inuu geeriyooday Prince Philip oo ahaa Saygii Boqorada UK Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth II ninkeeda, ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham. Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska. Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham ayaa lagu yidhi: “Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh. “Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle.” Prince Philip iyo boqoradda waxay isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen. Taariikh nololeedka Prince Philip, Amiirka Edinburgh Prince Philip, Amiirka Edinburgh, wuxuu qaddarin badan ku muteystay daacadnimada iyo taageerada joogtada ah ee uu la garab taagnaa Boqoradda. Waxa uu ahaa door qof walba aad ugu adkaan lahaa, iskaba daa nin ka tirsanaan jiray taliska ciidamada badda oo aaminsanaa fikrado adag oo ku aaddan arrimo badan. Sidaasoo ay tahayna shakhsiyaddiisa awoodda badneyd ayaa u suuragalisay in uu si buuxda u guto waajibaadkiisa, uuna taageero kal iyo laab ah siiyo xaaskiisa isagoo ku garab istaagay doorkeeda boqoradnimo. Isagoo ahaa boqoradda ninkeeda, Prince Philip wax xil dastuuri ah ma uusan lahayn. Laakiin ma jirin qof boqortooyada ugu dhawaa ama ugu muhiimsanaa sidiisa oo kale. Prince Philip oo kasoo jeeday Giriigga wuxuu dhashay 10-kii bishii June ee sanadkii 1921-kii, wuxuuna ku dhashay jasiiradda Corfu. Warqaddiisa dhalashada waxay muujineysaa in taariikhdii uu dhashay ay ahayd 28 May 1921, maadaama xilligaas Giriigga uusan ku dhaqmi jirin jadwal taariikheeda loo yaqaanno Gregorian-ka. Aabihiis wuxuu ahaa Prince Andrew oo u dhashay Giriigga, wuxuuna ahaa wiilkii yaraa ee Boqor George I oo kasoo jeeday Hellenes. Hooyadiis waxay ahayd Princess Alice oo kasoo jeedday Battenberg, waxayna ahayd gabadhii ugu yareyd carruurtii uu dhalay Prince Louis oo reer Battenberg, walaasheedna waxay ahayd Earl Mountbatten oo kasoo jeedday Burma. Kaddib markii uu dhacay afgambigii d’etat sanadkii 1922-kii, aabihiis waxaa laga soo eryay Giriigga kaddib markii ay ciqaabtaas ku riday maxkamad ay sameysteen kacdoonkii xukunka ka tuuray. Markab dagaal oo laga lahaa Britain, oo uu soo diray ina-adeerkiisii (ama inabtgisii) labaad ee lagu magacaabi jiray Boqor George V ayaa qoyska u kaxeeyay Talyaaniga. Philip oo markaas ilmo yar ahaa wuxuu safarka badda intiisii badnaa ku dhex jiray dambiil laga sameeyay kartoonka oronjada. Hooyadiis, Princess Alice, waxaa ayeeyo labaad u ahayd Boqorad Victoria Wuxuu ahaa cunuga ugu yar, ahna wiilka kaliya ee ku jiray qoys carruurtoodu wada gabdho ahaayeen – carruurnimadiisii ugu horreysayna wuxuu ku qaatay jawi jacayl ku dheehan yahay. Amiirku wuxuu waxbarashadiisa ku billaabay dalka Faransiiska, laakiin markii ay da’diisu ahayd toddobo sano wuxuu tagay England si uu ula noolaado qaraabadiisa reer Mountbatten, halkaasoo uu dugsigiisa sare ka dhigtay degmada Surrey. Xilligaas markii la joogay hooyadiis waxaa ku dhacay cudurka schizophrenia – oo ah xanuun waxyeelleeya dhimirka qofkana u diida in uu fakaro ama si caadi ah u dhaqmo – waxaana la siiyay magangalyo. Amiirka da’da yar xiriir aad u xaddidan ayuu la lahaa iyada. Sanadkii 1933-kii, waxaa loo diray Iskuulka Schule Schloss Salem ee ku yaalla dalka Jarmalka, kaasoo uu maamulayay macallinkii waxbarashada ku xeel dheeraa ee lagu magacaabi jiray Kurt Hahn. Laakiin dhowr bilood kaddib, Hahn, oo Yuhuud ahaa, wuxuu ku khasbanaaday in uu ka cararo Naaziga. Dhaqan safarrada badda ah Hahn wuxuu u guuray Scotland, halkaas oo uu ka aasaasay iskuulka Gordonstoun, kaasoo amiirka loo soo baddalay kaddib markii uu labo sanad-dugsiyeed kaliya kusoo qaatay Jarmalka. Gordonstoun oo ahaa iskuul rafaad badan, qof walbana laga doonayo inuu is dabaro, ayaa hoy u noqday wiilka dhowr iyo tobanjirka ah, ee waalidkiisa ay kala fogaadeen, dareemayayna inuu kaligiis yahay. Maadaama ay jirtay saansaan dagaal, Amiir Philib wuxuu go’aansaday in uu xirfaddiisa ka dhigo militari. Isagu wuxuu doonayay in uu ku biiro Ciidamada Cirka ee Boqortooyada laakiin qoyska hooyadiis ayaa lahaa dhaqan ku safridda badda ah sidaas awgeedna wuxuu tababar ka billaabay macadka ciidamada badda Britain ee Britannia Royal Naval, oo ku yaalla Dartmouth. Intii uu halkaas ku sugnaa waxaa loo xil saaray in uu wehliyo labada Amiirad ee yar yar, Elizabeth iyo Margaret, mar ay boqor George VI iyo boqorad Elizabeth booqasho ku tageen macadka tababarka ciidanka badda. Sida laga soo xigtay goob jooge, Amiir Philib si wanaagsan ayuu uga soo baxay shaqadiisa. Laakiin kulankaas wuxuu aad u cajabiyay Amiirad Elizabeth oo ahayd 13 jir. Philip si dhakhso ah ayuu u caddeeyay in mustaqbalkiisa uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna heerka ugu sarreeya ka galay fasalkiisa bishii January ee sanadkii 1940-kii, wuxuuna markii ugu horreysay nasiib u yeeshay in uu ficil militari ku arko Badweynha Hindiya. Philip (oo ah qofka fadhiya) wuxuu heer fiican ka gaaray waxbarashadii iskuulka Gordonstoun, halkaas oo uu caqabado badan kula kulmay Waxaa loo gudbiyay Markabka dagaalka ee HMS Valiant oo qeyb ka ahaa maraakiibtii ku sugneyd badda Mediterranean-ka, halkaas oo markii dambena magaciisa lagu xusay kaalintii uu ku lahaa Dagaalkii Cape Matapan ee 1941-kii. Maadaama uu ahaa askari mas’uul ka ah nalalka wax lagu raadiyo, wuxuu qaatay kaalin muhiim ah oo qeyb ka ahayd howlihii dhacay habeenkaas howlgalka taariikhiga ah la fuliyay. “Waxaan arkay markab kale, wuxuuna ka holcay bartanka, mar qura ayuu ku hoos aasmay madfaca hoobiyaha ah ee salvo of 15in, oo loogu riday qaab cabir ah,” ayuu ku yidhi wareysi uu sanadkii 2014-kii siiyay idaacadda BBC Radio 4. Markii la gaaray bishii October ee sanadkii 1942-kii, wuxuu ka mid noqday labo-xidigleyaashii ugu da’da yaraa ee abid ka mid noqda Ciidamada Badda ee Boqortooyada, isagoo ka howl galayay Markabka burburiyaha ah ee HMS Wallace. Faraanti gelin Muddadaas oo dhan, isaga iyo amiiradda da’da yar ee la yiraahdo Elizabeth waxay isdhaafsanayeen warqado, dhowr jeer ayaana lagu martigaliyay in uu la joogo qoyska boqortooyada. Mid ka mid ah booqashooyinkaas, oo dhacday xilligii ciidda masiixiyiinta ee sanadkii 1943-kii, ayey Elizabeth miiskeeda labiska saartay sawirka Philip oo xiran dharka ciidanka badda. Xiriirkooda wuxuu sii xoogeystay waqtigii nabadda, inkastoo uu kasoo hor jeestay mid ka mid ah la taliyeyaasha boqortooyada – kaasoo Amiir Philib ku tilmaamay “qof qallafsan oo si khaldan u fikira”. Laakiin amiiradda da’da yar jacayl daran ayaa hayay, sanadkii 1946-kiina ninka ay iscalmadeen ayaa boqorka ka dalbaday in uu gacanteeda u dhiibo si uu u guursado. Philip wuxu lahaa xirfad ciidamada badda ah oo aad loo qaddarin jiray Hase yeeshee, inta aan lagu dhawaaqin faraangelintooda, Amiirka wuxuu u baahnaa inuu dhalasho cusub helo iyo in uu yeesho magac qoys. Waa inuu ka tanaasulo xilkiisa boqortooyo ee Giriigga, uuna noqdo Muwaadin British ah islamarkaana uu qaato magaca qoyska hooyadiis ee ingiriiska ah, Mountbatten. Maalintii ka horreysay xafladdii arooska, Boqor George VI ayaa xilka ku biirista boqortooyadiisa ku sharfay Philip, subaxdii uu arooska dhacayayna waxaa loo magacaabay inuu noqdo Amiirka Edinburgh, Merioneth iyo Greenwich. Arooska wuxuu ka dhacay kaniisadda Westminster Abbey 20-kii bishii November ee sanadkii 1947-kii. Waxay ahayd sidii uu u dhigay Winston Churchill, “Iftiin midabo leh” oo bidhaamiyay Britain markii ay dagaalka ka soo baxday. Xirfaddii shaqo oo la xaddiday Amiirka xilka cusub la wareegay wuxuu dib ugu laabtay xirfaddiisii ciidamada badda, waxaana la geeyay Malta, halkaas oo uu in xoogaa ah joogay ugu yaraan, si ay lamaanaha u arkaan nolosha dadka caadiga ah ee qoysaska kale ee aan boqortooyada ka tirsaneyn. Wiilkooda, Amiir Charles, wuxuu ku dhashay Qasriga Buckingham sanadkii 1949-kii, gabadhooda, Amiirad Anne, waxay iyaduna dhalatay 1950-kii. Waxaa markii dambe kusoo biiray Amiir Andrew oo dhashay 1960-kii iyo Amiir Edward oo dhashay 1964-kii. 2-dii bishii September ee sanadkii 1950-kii, wuxuu hirgaliyay guusha uu askari walba oo ka tirsan ciidanka badda ku hamiyo kaddib markii taliye looga dhigay guuto u gaar ah, oo ah Markabka dagaalka ee HMS Magpie. Laakiin xirfaddiisa ciidanka badda waxay ku socotay in la xaddido. Xaaladdii caafimaad ee George VI oo sii xumaaneysay awgeed gabadhiisa ayaa ku khasbanaatay in ay la wareegto waajibaad dheeraad ah oo la xiriira boqortooyada, waxayna u baahatay in ninkeeda uu garab taagnaado. Tallaabadii uu ku guursaday Amiirad Elizabeth waxaa lagu qeexay “Iftiin midabeeyay Britain Dagaalkii kaddib” Philip wuxuu fasax ka qaatay Ciidamada Badda ee Boqortooyada bishii July ee sanadkii 1951-kii. Waligiis dambe kuma uusan laabanin shaqada. Amiirka ma uusan ahayn nin qoomameeya, laakiin goor dambe wuxuu sheegay in uu ka xun yahay inuu sii wadan waayay xirfaddiisii ciidamada badda. Dadkii ay isku loodka ahaayeen waxay sheegeen in uu sii wadan karay howshiisa, haddii uu sidaas sameyn lahaana uu gaari lahaa darajada ugu sarreysa ee ciidanka badda. Sanadkii 1952-kii, lamaanaha boqortooyada waxaa loo diray safar ku wajahnaa dalalka Barwaaqo sooranka oo markii hore uu qorshaha ahaa in ay aadaan Boqorka iyo Boqoradda. Fikrado casriyeyn ah Iyagoo jooga beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Kenya ayaa bishii February ee sanadkii 1952-kii loo soo sheegay warka ku saabsan in uu Boqorka geeriyooday. Wuxuu u dhintay xanuun ku dhaca wadnaha oo halis ah. Amiirka ayey waajib ku noqotay in uu xaaskiisa u sheego in ay hadda iyadu tahay Boqorad. Qof saaxiib la ah ayaa goor dambe marxaladdaas ku qeexay in Amiir Philip uu u muuqday Qof dusha laga saaray “kala bar ka mid ah adduunka”. Philip wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee qaddarin dadweynaha hortooda ugu muujiya Boqoradda markii Taajka loo xiray Maadaama uu waayay xirfaddiisii ciidamada badda, wuxuu ku khasbanaa in uu yeesho door u gaar ah, markii ay Elizabeth boqortooyada la wareegtayna waxaa sii weynaatay su’aasha ku aaddan waxa uu doorkiisa noqon karo. Markii uu soo dhawaaday caleemasaarka boqoradda, warqad kasoo baxday boqortooyada ayaa lagu sheegay in Amiir William uu leeyahay muhiimadda ku xigta Boqoradda, haddana sidaas oo ay tahay waligiis ma uusan qabanin xil dastuuri ah. Amiirka wuxuu hayay fikrado badan oo ku saabsan sidii loo casriyeyn lahaa loona naqshadeyn lahaa boqortooyada, laakiin waxaa aad uga soo hor jeestay qaar ka mid ah odayaashii muddada dheer la taliyeyaasha kasoo ahaa qasriga. Guuldarro qaraar Tamartii badneyd ee uu hayay intuu isu geeyay ayuu sameystay nolol dhinaca bulshada ah. Isaga iyo koox saaxiibbo rag ah ayaa isbuuc walba ku kulmi jiray qolalka sare ee makhaayad ku taalla deegaanka Soho ee bartamaha London. Waxay tagi jireen, kuna soo daahi jireen baararka lagu caweeyo inta badanna waxaa lala soo sawiri jiray saaxiibbo qurux badan. Hal meel oo uu Amiirka xor u ahaa in uu maamulo waa qoyskiisa, inkastoo uu ku guul darreystay dagaalkii ku aaddanaa magaca ay carruurtiisa qaadan doonaan. Wuxuu ku khasbanaaday in uu la qabsado nolosha ku kooban inuu ahaado Boqoradda ninkeeda Go’aankii boqoradda ee ahaa in qoyska uu qaato magaca Windsor, halkii ay qaadan lahaayeen magaca qoyska Mountbatten, ayaa ku noqday guul darro qaraar. “Waxaan ahay ninka kaliya ee waddankan aan looga oggolaanin inuu carruurtiisa magaciisa siiyo,” ayuu ugu cawday saaxiibbadiis. “Wax aan ahay ma jiro oo aah ka ahayn amoeba xun.” (amoeba waa unug ka mid ah unugyada jirka) Waalid ahaan, Amiir Philib wuxuu noqon karaa qof xasaasi ah iyo qof aan dareen lahayn labadaba. Sida uu sheegay ninka qoray taariikhda Amiir Charles, oo lagu magacaabo Jonathan Dimbleby, Charles wuxuu la ooyay hadallada ay aabihiis ku canaantaan dadweynaha, xiriirka wiilka curadka ah iyo aabihiisna waligiis ma hagaagsaneyn. Shakhsiyad awood leh Philip wuxuu ku adkeystay in Amiir Charles uu waxbarasho u aado iskuulkii uu isagu horay usoo dhigtay ee Gordonstoun, isagoo aaminsanaa in culesyada ka jira halkaas ay wiilkiisa ka caawin karaan inuu ka baxo caajisnimada. Markii halkaas loo diray, amiirka da’da yar wuu nacay iskuulkaas, kaddib markii uu la xanuunsaday xiisada uu u qabay guriga, inta badanna ciyaalka iskuulka ay ku dhibeen iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayay. Amiirka aabaha ah wuxuu iskuulkaas ad adeyg uga qaaday maadaama uu markii horeba lasoo qabsaday kalinimada, intii uu carruurta ahaa. Isagoo aad u da’ yar ayaa lagu khasbay in uu isdabaro kaligiis wayna ku adkaatay in uu fahmo sida aysan cid walba awooddaas shakhsiyeed oo kale u lahayn. Go’aankiisii uu ugu adkeystay in Amiir Charles uu dhigto iskuulka Gordonstoun ayaa sababay in cadaawad ay ka dhex dhalato wiilka iyo aabihiis Mid ka mid ah walaacyadii ugu waaweynaa ee Amiir Philib wuxuu ahaa sidii samafal loogu sameyn lahaa dhalinyarada, sanadkii 1956-kii ayuuna isagoo arrintaas ka duulaya daah furay barnaamijka sida weyn u guuleystay ee Abaalmarinta Amiirka Edinburgh. Sanadihii uu arnaamijkaas socday wuxuu sahlay in ilaa lix milyan oo dhalinyaro ah oo isugu jira kuwo lixaadkooda qaba iyo kuwo naafo ah oo dhammaantood ay da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 25 sano ay caalamka oo dhan ka kala yimaadaan kuna loollamaan jir ahaan, maskax ahaan iyo dareen ahaan iyagoo sameynaya bandhigyo la daawado oo loo naqshadeeyay si loo xoojiyo wadashaqeynta, iscaawinta iyo qaddarinta dabiiciga. “Haddii aad heli kartid dhalinyaro ku guuleysta noocyo ka mid ah bandhigyada, ficilkaas cajiibka ah wuxuu usii gudbayaa dad kale oo badan,” ayuu ku yidhi BBC-da. Intii uu noolaa oo dhan Amiirku wuxuu waday inuu waqti badan galiyo barnaamijkaas, isagoo ka qeyb galay munaasabado badan sidoo kalena qeyb ka noqday howlaha barnaamijkaas ee maalinlaha ah. ‘Hab anshax leh’ Waxa uu sidoo kale u doodi jiray xayawaanka duur joogta ah iyo deegaanka, inkastoo ay caro ka dhalatay mar uu shabeel ku toogtay dalxiis uu ku joogay waddanka Hindiya, sanadkii 1961-kii. Markii la baahiyay sawir muujinaya shabeelka oo loo soo bandhigay sidii koob lagu guuleystay, ayey carada kasii dartay sidii hore. Hase yeeshee markii dambe waxa uu isagoo saameyntiisa adeegsanaya juhdi aad u badan iyo dhaqaale ku bixiyay ilaalinta Xayawaanka Duur Joogta ah. Waxa uu dadaalkisii isu baddalay Sanduuqa Caalamiga ah ee lagu maalgaliyo bii’ada, wuxuuna si dabiici ah ugu muuqday in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee hayaddaas. Amiirka Edinburgh wuxuu tamar badan galiyay ilaalinta Xayawaanka Duur Joogta ah iyo deegaanka, dhaqaale badanna wuu u huray in ay arrin cajiib ah tahay inaan adduunka ku heysanno nolol noocyo kala duwan leh, oo dhammaanteedna kala madax bannaan,” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da. “Waxaan u maleynayaa in sidoo kale haddii annaga oo bani’aadanka ah aan heysanno awoodda nolosha iyo geerida – ama baabi’idda ama badbaadidda – waxaan u isticmaali lahayn hab uu anshax ku dheehan yahay. Maxaad u baabi’ineysaa wax haddii aadan ku khasbaneyn?” Wuxuu ka xanaajiyay qaar ka mid ah dadka u dooda xayawaanka markii uu difaacay toogashadii xayawaanka uu ku sameeyay ee cabashada sababtay. “Haddii aad heysatid xayawaan aad ugaarsatid, waxaad u ugaarsaneysaa si aad u noolaatid sababtoo ah waxaad rabtaa inaad sanad kale gaartid – waa isla sida beeraleyda. Waxaad dooneysaa inaad dalagga soo goosatid, mana kala sooceysid.” Aftahannimo Laakiin waxaa aad loogu amaanay sida uu ugu dadaalay in la ilaaliyo keymaha caalamka iyo olole uu u sameeyay yareynta kalluumeysiga laga sameeyo badana caalamka. Amiir Philip waxa uu sidoo kale daneyn jiray warshadaha, isagoo booqday warshado badan islamarkaana taageero dhinaca dhaqaalaha ah u fidiyay dadka adeegsada warshadaha, oo hadda loo yaqaanno Aaasaaska Shaqada. Koox warshadleyaal ah ayuu sanadkii 1961-kii Amiirku u muujiyay dabeecad caajisnimo ah markii uu ku yidhi: “Mudaneyaal, waxaa la joogaa waqtigii aan faraha kala bixi lahayn.” Waxa uu aad u daneyn jiray howlaha Warshadaha ee Britain Hadalka noocan ah ee loo arkayay in uu ahaa mid aftahannimo ah waxay dadka qaar u fasirteen qallafsanaan mararka qaarna dhibaato ayuu kala kulmayay. Waxaa hubaal ah in uu magac ku kasbaday siyaabo uu u xukmiyay xaalado taagnaa, gaar ahaan marka uu dibadda ku maqnaa. Mid ka mid ah hadalladiisii muranka ugu weyn dhaliyay wuxuu sheegay mar uu Boqoradda ku wehlinayay booqasho ay ku tagtay Shiinaha sanadkii 1986-kii. Waxa uu sheegay hadal uu u maleynayay mid khaas ah oo aysan cid kale maqleynin oo ku saabsan “indho dhuuban”. Wargeysyada ayaa aad u buunbuuniyay, inkastoo ay u muuqatay in Shiinaha uu ka ahaa hadal aan aad wax looga soo qaadin. Booqasho uu sanadkii 2002-dii ku tagay Australia, ayuu nin ganacsade ah oo ka tirsan qabiilladii Australia horay u daganaa intii aysan reer Yurub halkaas gaarin waxa uu ku weydiiyay in “ay wali fallaaro isku tuuraan iyo inkale”. Xiisado Walow aad loogu dhaliilay hadallada qaar ee uu jeediyay, dad kale waxay u arkayeen in ay ka turjumayeen qof si iskiis ah u hadlayay oo kasoo horjeestay inuu ku tiirsanaado siyaasad iyo isasixitaan joogto ah. Run ahaantii, dad badan waxay waxa lagu sheegay “hadalladiisa ceebta keenayay ee afkiisa kasoo baxsanayay” u arkayeen wax aan ka badneyn madadaalin. Intii uu noolaa oo dhan, Amiir Philib waxa uu si joogto ah u jeclaa ciyaarada. Maraakiib ayuu shiraacay, wuxuu ciyaaray cricket iyo polo, wadista fardaha, waxa uuna sannado badan ahaa madaxweynaha xiriirka caalamiga ah ee fardo fuulka. Waxa uu aad u jeclaa ciyaarta polo ee loo adeegsado fardaha Xiisadaha kala dhaxeeyay wiilkiisa curadka ah waxay bannaanka usoo baxeen kaddib markii la daabacay taariikh nololeedka uu Jonathan Dimbleby ka qoray Amiir Charles. Amiirka Edinburgh, waxaa sida la sheegay, uu Charles ku riixay inuu guursado Marwo Diana Spencer. Sidaasoo ay tahayna Amiirku aad buu uga walaacay markii carruurtiisa ay dhibaato kala kulmeen guurka. Wuxuu hoggaaminayay dadaalladii lagu doonayay in lagu fahmo meesha ay ka socoto dhibaatada, oo laga yaabo in ay asal ahaan ka timid culeyskii uu kala kulmay in uu haweeney ka guursaday qoyska boqortooyada. Xajka Amiir Philip wuxuu aad uga murugooday soo afjarmiddii guurka saddex carruur ah oo uu dhalay – Amiirad Anne, Amiir Andrew iyo sidoo kale Amiir Charles. Laakiin mar walba wuu diidi jiray in uu ka hadlo arrimaha shakhsiga ah, isagoo sanadkii 1994-kii wargeys u sheegay in uusan sidaas horay u sameynin waligiisna sameyn doonin. Sannadaha ay caqabadaha soo food saarayeen waxba iskama baddalin noloshiisa. Waxa uu sii waday in uu u safro si aan kala joogsi lahayn, maadaama uu ku mashquulsanaa howlaha Hayadda Sanduuqa Bii’ada (World Wide Fund for Nature) iyo waliba booqashooyinka ay boqoradda ku tageysay dalalka dibadda oo uu ku wehlinayay. Wadista Fardaha waxay ka mid ahayd noocyada ciyaaraha ee uu jeclaa Amiirka Marna waxa uu si shakhsi ah ugu soo xajiyay Qudus sanadkii 1994-kii si uu usoo booqdo qabriga hooyadiis. Rajadeedii ahayd in halkaas lagu aaso ayaa loo hirgaliyay. Ficil kale oo xanaaq abuuray ayuu sameeyay markii 1995-kii la xusayay sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay Maalinta VJ, oo ah maalintii ay Japan isdhiibtay markii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Amiir Philip waxa uu saarnaa markab burburiye ah oo ay Britain leedahay oo ku sugnaa Tokyo Bay markii ay Japan isdhiibtay xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markii xuska la sameynayayna, waxa uu ku biiray rugcaddaayo kale oo ka socday ololihii Bariga Fog, iyagoo Boqoradda ku dhaafay waddada The Mall. Codad diirran Waxa uu sidoo kale naxariis u muujiyay maxaabiistii hore ee Japan ee la kulmay xaaladda adag, ee aan macquulka ahayn, si ay u cafiyaan wixii lagu sameeyay. Qallafsanaantiisa xoogaa yar ayey dib usoo kacday dhowr sano kaddib, taasoo ay sabab u ahayd markii ay shacabka qaarkood ku cadowsadeen boqortooyada wixii ka dambeeyay geeridii Diana, Amiiraddii Wales. Waxa uu taageero weyn u muujin jiray Diana, Amiiraddii Wales Sanadkii 2007-dii, warqado ay isweydaarsadeen Amiirka iyo Amiirad Diana ayaa la shaaciyay si loo baabi’iyo sheegashooyinka ku saabsan in uu cadow ku ahaa gabadha uu sodogga u ahaa. Wrqadahaas oo uu jacayl mug leh ugu muujiyay, ayaa caddeeyay in uu taageero weyn la garab taagnaa Diana, xaqiiqadaas oo ay hoosta kasii xariiqeen hadallada diirran ee ay u qortay iyada qudheeda. Mohamed Al Fayed, oo ah aabbaha ninkii ugu dambeeyay ee ay saaxiibka ahaayeen Diana, Dodi, ayaa xitaa mar sheegay in eedeyn ku saabsan in Amiiradda lagu dilay amar uu bixiyay Amiir Philip – eedeyntaas oo guddigii baaritaanka dhimashadeeda loo xil-saaray ay si xoog leh u beeniyeen. ‘Ma sameynin wax aan micno lahayn’ Amiir Philip, Amiirka Edinburgh, waxa uu ahaa nin fikirkiisu awood lahaa oo madaxbannaanaa, waxa uuna bartanka uga dhex jiray bulshada reer Britain. Waxa uu ahaa hoggaamiye dabiici ah oo doorkiisu uu mar walba ku khasbayay inuu qaato booska labaad; wuxuuna ahaa nin dabeecaddiisu ay adkeyd balse ku guuleystay in uu dadaal adag kaddib meel la fariisto waxyaabaha xasaasiga ahaa ee ku saabsanaa doorkiisa. “Waxaan sameeyay wixii ay ila ahayd inuu karaankeyga yahay,” ayuu ku yidhi BBC-da. Si dhakhso ah hal mar uma baddali karo guud ahaan qaabka aan wax u sameeyo, ma baddali karo danaheyga ama sida aan waxyaabaha uga falceliyo. Sidaas ayaan u dhashay.” Boqoradda ayaa ku qeexday in uu ahaa “Awooddeeda iyo taageeradeeda” Ka howlgabiddii nolosha shacabka Amiirka waxa uu howlihii bulshada ka fariistay bishii August ee sanadkii 2017-kii kaddib tobannaan sano oo uu garab taagnaa boqoradda islamarkaana fulinayay howlihiisa samafalka iyo shaqooyinka hayadihiisa. Qasriga Buckingham ayaa xisaab uu soo saaray ku sheegay in uu sameeyay 22,219 wax-qabad oo kaligiis ah tan iyo sanadkii 1952-kii, Theresa May oo xilligaas ahayd Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaana uga mahad celisay “Adeeggii wax ku oolka ahaa ee uu usoo qabtay shacabka”. Philip wxa uu sanad guuradii 70-aad ee guurkiisa xusay goor dambe oo sanadkaas ah. Qalliin lafta sinta looga baddalay kama uusan hor istaagin inuu fardaha kursiga iyo cagaha leh ku kaxeeyo Xarunta Windsor, waxaana uu ka badbaaday shil gaari oo aad halis u ahaa xilli uu gaari ku kaxeynayay meel u dhow Sandringham bishii January ee sanadkii 2019-kii. Labo haween ah oo ku jiray gaariga kale ayaa dhaawacmay, Amiirkuna waxa uu si iskiis ah u wareejiyay shatigiisii gaari wadista. Inta uu socday cudurka safmarka ah ee Corona, Philip iyo Boqoradda waxa ay u guureen Xarunta Windsor, Tallaalna waxaa la siiyay bishii January ee samadkan 2021-ka. ‘Awooddeyda iyo taageeradeyda’ Philip waxa uu ku guuleystay in uu doorkiisa u adeegsado waxtar badan oo uu kusoo kordhiyay nolosha Britain iyo in uu qaatay kaalinta uu ku caawinayay Boqortooyada si ay isbadallo badan u sameyso sannadihii ay jirtay. Laakiin guushii ugu weyneyd ee uu gaaray shaki la’aan waxay ahayd sida joogtada ah ee uu hiil iyo hoo ula garab taagnaa boqoradda oo sannado badan xilka heysay. Waxa uu aaminsanaa in ay shaqadiisu ahayd, sida uu u sheegay qoraagii taariikhdiisa, “Inuu xaqiijiyo in Boqoraddu ay xilka heyso”. Khudbad ay ka jeedisay xaflad lagu xusayay guurkii dahabiga ahaa ee lamaanahan, ayey Boqoraddu ku ammaantay ninkeeda, oo ahaa seygii ugu waqtiga dheeraa ee abid boqortooyada soo mara taariikhda Britain. “Waa qof aan jecleyn in la amaano, laakiin si fudud waxa uu ii ahaa awooddeyda iyo taageeradeyda dhammaan sannadihihii aan wada joognay. Aniga iyo qoyskiisa oo dhanna, iyo waliba dalkan iyo waddamo kale oo badan, wuxuu ku leeyahay deyn ka weyn wax uu afkiisa ka sheegi karo ama aynaan waligeen ogaan karin inta ay la egtahay.” Dhammaan Sawirrada waxay leeyihiin xuquuq Qaran News
  8. London (Caasimada Online) – War goordhoweyd kasoo baxay qasriga boqortooyada UK ee Buckingham ayaa lagu shaaciyey geerida Prince Philip oo ahaa ninka qaba Boqoradda UK Queen Elizabeth II. Amiir Philip ayaa geeriyooday asagoo jira 99-sanno, wuxuuna boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad. “Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh. Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay qasriga Buckingham. Philip oo ahaa amiirka Edingburgh ayaa waxa lasoo warinaya in uu afar toddobaad ku qaatay isbitaal horaantii sanadkan si uu u helo daaweyn caabuq iyo inuu baaritaano wadnaha, ayada oo ugu dambeyntiina uu ku laabtay Windsor horraantii Maarso. Prince Philip iyo Elizabeth II ayaa waxay isku dhaleen far carruur ah, 8-deed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda, halka 10 kale ay iyagu sii dhaleen. Geerida Philip’s ayaa waxaa si qiiro leh uga tacsiyadeeyay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson oo sheegay in lagu xasuusan doono garab istaagii Boqorada iyo Boqortooyadaba, isagoona ku amaanay garab istaagii Elizabeth II. Prince Philip oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Giriigga ayaa Boqor George VI waxa uu 20-kii bishii November ee sanadkii 1947-kii ku sharfay xilka ku biirista boqortooyadiisa maalintii ugu horreysay ee xafladdii arooskiisa, waxaana markiiba loo magacaabay inuu noqdo Amiirka Edinburgh, Merioneth iyo Greenwich. Waxa uu ku guuleystay inuu doorkiisa u adeegsado waxtar badan oo uu kusoo kordhiyay nolosha Britain iyo in uu qaatay kaalinta uu ku caawinayay Boqortooyada si ay isbadallo badan u sameyso sannadihii ay jirtay. Sida la rumeysan yahay guushii ugu weyneyd ee uu gaaray shaki la’aan waxay ahayd sida joogtada ah ee uu hiil iyo hoo ula garab taagnaa boqoradda oo sannado badan xilka heysay. Waxa uu aaminsanaa inay shaqadiisu ahayd, sida uu u sheegay qoraagii taariikhdiisa, “Inuu xaqiijiyo in Boqoraddu ay xilka heyso”, waxayna dhowr jeer Boqoraddu ku ammaantay inuu ahaa awoodda iyo taageeradeeda dhammaan sannadihihii ay wada joogeen. Prince Philip ayaa sidoo kale waxa uu noqonayaa, islamarkaana uu ahaa seygii ugu waqtiga dheeraa ee abid inta la xasuusto soo mara boqortooyada taariikhda Britain.
  9. Wax ka ogow Taariikhda Jabuuti -Dalka ugu yar Bariga Afrika+Dhacdooyiinka taariikheed ee ugu waaweyn: XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Jabuuti waxay saldhig ciidan u tahay dalal waaweyn, kuwaas oo halkaa ka sameeya howlgallo militari, sida la dagaallanka argagixisada. Dalka jabuuti waxaa weli ka socota doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan madaxweynaha xilka haya, Ismaaciil Cumar geelle iyo Ganacsade Zakariya Ismaaciil Faarax. Murashaxan la tartamaya Geelle ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday in codkiisa uu ka dhiibto codbixinta maanta. Sakariya ayaa ka cabanaya qaabka loola dhaqmay kooxda doorashada u qaabilsan. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta barqadii codkiisa dhiibtay. Haddaba aan eegno taariikhda guud ee Jabuuti: Sannadkii 825 – Diinta Islaamka ayaa gaartay Jabuuti. Xukunkii Faransiiska 1862 – Faransiiska wuxuu qabsaday dekedda Obock. 1888 – Waxaa halkaas ka bilowday maamulkii gumeystihii Faransiiska. 1892 – Jabuuti waxay noqotay caasimaddii dhulkii loo garanayay French Somaliland. 1897 – Itoobiya ayaa qaadatay qeybo ka mid ah Jabuuti, ka dib heshiis ay Faransiiska la saxiixatay. 1917 – Qadka tareenka ee isku xira dekedda Jabuuti iyo dhulka sare ee Itoobiya ayaa gaaray Addis Ababa. 1946 – Jabuuti waxay noqotay dhul dibadeed ka tirsan Midowga Faransiiska, waxayna wakiillo iyo xildhibaanno ku yeelatay baarlamaanka Faransiiska. 1958 – Jabuuti waxay u codeysay in ay ka mid noqoto Bulshada Faransiiska. Madax bannanida iyo xuriyadda 1967 – Afti ay codkooda ka dhiibteen bulshada Canfarta iyo dadkii kale ee Yurub ka yimid, waxaa lagu go’aamiyay in Jabuuti ay ka sii mid ahaato bulshada Faransiiska; Magicii French Somaliland na waxaa loo bedelay Dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Xasan Guuleed Abtidon, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti, ka dib xuriyadda. 1977 – Dhulka Faransiiska ee Canfurta iyo Ciisaha, wuxuu helay madaxbannaanida, waxaana madaxweynihii ugu horreeyay ka noqday Xasan Guuleed Abtidoon. 1979 – Waxaa sameysmay Xisbiga Horumarinta Isu-tagga Shacabka, kaas oo aragtidiisu ahayd mideynta Canfarta iyo Ciisaha. 1981 – Jabuuti waxay noqotay dal uu ka arrimiyo hal xisbi oo keli ah. 1992 – Dastuur ogolaanaya axsaab siyaasadeed oo kooban ayaa la hirgeliyay; ka dib wuxuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada iyo Jabhaddii Canfarta ee FRUD. Dagaalka wuxuu ka dhacay Waqooyi Bari Jabuuti. Heshiiskii awood-qeybsiga 1994 – Dowladda iyo Jabhaddii FRUD waxay wada saxiixdeen heshiis awood-qeybsi ahaa. Si halkaas loogu soo afjaro dagaalkii sokeeye; Balse garabkii mayilka adkaa ee FRUD ayaa dagaalka sii waday. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashada madaxtinimada ku guuleystay 1999. 1999 – Madaxweyne Abtidoon wuxuu shaaciyay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha. Ka dib Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha. 2000 April-May – Dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ee uu hoggaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa lagu soo doortay magaalada Carta shirkii ka dhacay ee ahaa midkii ugu ballaarnaa, tan iyo burburkii Soomaaliya. 2000 February – Dowladda iyo garabkii xagjirka ee FRUD ayaa wada saxiixday heshiis lagu dhammeeyay dagaalkii sokeeye. 2000 March – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabuuti, ahaanna hoggaamiyihii garabka xagjirka ee FRUD, Axmed Dini, ayaa ku noqday dalkaas ka dib sagaal sano oo dibad joog uu ahaa. 2000 December – Iskudey afgembi oo la sheegay in uu soo abaabulay Taliyihii booliska ee shaqada laga ceyriyay, Janaraal Yacin Yabeh Galab, ayaa fashilmay. Yacin waxaa lagu helay dembi khiyaano qaran iyo ku xadgudubka amniga dalka. 2002 January – Markab dagaal oo Jarmalka laga leeyahay iyo 1,000 askeri ayaa gaaray jabuuti, si ay u kor meeraan Badda Cas. Waxay taageerayeen cunna qabateyn uu Mareykanka saaray Afqaanistaan. 2002 September – Waxaa dhammaaday waqtigii uu ku ekaa xeerkii dhigayay in seddax xisbi oo keli ah ay dalka ku tartami karaan, wuxuuna waddada u xaaray sharci ah in axsaab badan oo siyaasadeed la sameeyo. 2002 September – Jabuuti waxay sheegtay in aysan noqoneyn saldhig loo adeegsado weerarro ka dhan ah dalal kale. Illaa 900 oo askeri oo Mareykan ah ayaa xilligaa saldhig ka sameystay, kuwaas oo hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada. 2003 January – Isbeheysi uu hoggaminayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee axsaab badan ay ka qeyb galeen ee baarlamaanka – tan iyo xilligii xuriyadda ee 1977. Tarxiilkii soo galootiga 2003 September – Dowladda waxay bilowday howlgal lagu soo qabqabanayay, laguna tarxiilayay dadka soo galooyiga ah, oo xilligaas bulshada Jabuuti ka ahaa boqolkiiba 15%. 2005 April- Doorashadii madaxtinimada, Geelle wuxuu ahaa musharraxa keli ah ee ka qeybgalay. 2006 November – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobeey waxaa lagu sheegay in dalal ay Jabuuti ka mid tahay ay jebiyeen cunna qabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray 1992. Waxaa lagu edeeyay in hub ay geliyeen dalka oo gacanta u galay maamulkii Maxkamadaha ee Muqdisho. Jabuuti way beenisay. 2007 March-April- Abaar ba’an ayaa looga dhawaaqay Jabuuti. Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in illaa 53,000 oo qof ay noqon karaan cunto la’aan. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Dibadbaxayaal dalbanayay in baaritaan lagu sameeyo geerida Garsoore Maxkamadeed oo Faransiis ahaa. 2008 January – Jabuuti waxay bilowday dagaal sharci ah oo ay Faransiiska kula tiigsatay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ. Wuxuu kiiska la xiriiray baaritaanka geerida Garsoore maxkamadeed oo u dhashay Faransiiska, Bernard Borrel. 2008 February – Xisbiga talada haya ayaa ku guuleystay dhammaan kuraasta 65-ta ah ee baarlamaanka, ka dib markii ay doorashada diideen seddaxdii xisbi ee kale. Dagaalkii Eretereya iyo Jabuuti 2008 June- Wuxuu dagaal adag ka dhex bilowday ciidamada Jabuuti iyo Eretereya. Wuxuu dagaalka ka dhacay xuduudda lagu muransan yahay ee Ras Doumeira. Ugu yaraan sagaal askeri ayaa Jabuuti looga dilay dagaalkii ugu horreeyay. Mareykanka wuxuu Eretereya ku eedeeyay “daandaansi” balse xukuumadda Casmara ayaa beenisay in duullaan ay soo qaaday. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Kumannaan qof ayey saameysay abaartii Jabuuti ee 2011-kii. 2009 December – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa ansixiyay cunna qabateyn adag oo ka dhan ah Eretereya, ka dib markii lagu eedeeyay in ay hub siisay kooxo ka soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo in ay diiday in xal loo helo khilaafka xuduudda ee kala dhexeeya Jabuuti. 2010 April – Baarlamaanka Jabuuti wuxuu ansixiyay isbedello u ogolaanayay madaxweynaha in uu mar seddaxaad xilka u tartamo. 2010 June – Eretereya iyo Jabuuti waxay isku raaceen in ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafka xuduudda. Xiisadda mucaaradka 2011 February – Kumannaan qof ayaa isu soo bxay, waxayna dalbanayeen isbedel maamul. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadaas. 2011 April – Madaxweyne Geelle ayaa ku guuleystay doorashada ay qaadeceen mucaaradka. 2011 June-September – Waxaa geeska Afrika ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60 sano ah. 2011 December – Guutadii ugu horeysay ee ciidamada jabuuti ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Waxay xoojinayeen howlgalka midowga Afrika ee AMISOM. 2012 February – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay ansixisay $14 milyan oo deen ah oo lagu xoojinayay dhaqaalaha Jabuuti oo abaaraha ay saameyn ba’an u geysteen. 2013 February – Axsaabta Mucaaradka waxay ka qeybgaleen doorashadii baarlamaanka ka dib markii ay qaadeceen middii madaxtinimada. Balse way diideen natiijadii ka soo baxday. Xisbiga talada haya ayaa helay 49 kursi oo ka mid ah 65-ta kursi ee baarlamaanka. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Kumannaan qof oo ka soo qaxay dagaalka Yaman ayaa doomo ku gaaray Jabuuti, sannadkii 2015-kii. 2014 May – Bam ayaa ku qarxay maqaayad waxaana ku dhintay tiro ka mid ah askarta ajaaniibta ah ee Jabuuti ku sugan. Sidoo kale waxaa ku dhintay laba qof oo is qarxiyay. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda. 2014 June – Jabuuti waxay la daalaa dheceysay sannadkii afaraad oo xiriir ah oo abaaro ba’an ay ka jireen, sida Qaramada Midoobey sheegtay. 2015 December – Dhowr qof ayaa ku dhimatay caasimadda Jabuuti ka dib markii ay isku dheceen dibadbaxayaal iyo booliska. Mucaaradka waxay dowladda ku eedeeyeen xarigga taageerayaashooda. 2016 April – Madaxweyne Geelle ayaa markii afaraad ku guuleystay doorashada madaxweynaha, inkastoo doorashadii 2010-kii uu sheegay in uusan tartami doonin. 2016 July – Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa sheegaty in Golaha Amniga ay u gudbisay kiis ka dhan ah Uganda iyo Jabuuti, ka dib markii ay ku fashilmeen in ay soo qabtaan madaxweynihii Sudan Cumar xasan Al-Bashiir. 2016 December – Jabuuti waxay sheegtay in Sucuudiga uu dalkeeda ka sameysanayo saldhig militari. 2017 June – Jabuuti waxay Eretereya ku eedeysay in ay ciidamo u soo dirtay dhulka lagu muransan yahay, ka dib markii halkaas ay isaga bexeen ciidamadii nabad ilaalinta ee dalka Qadar ka socday. 2017 August – Shiinaha ayaa si rasmi ah Jabuuti uga furtay salidhig militari. 2020 June – Waxaa soo baxday in duuliye askeri ahaa oo ka baxsaday Jabuuti ay Itoobiya dib ugu celisay halkaas. Duuliye Fu’aad ayaa weli ku xiran Jabuuti. Wuxuu muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay in uu xabsiga ku xanuunsaday, daryeelna uusan heli. Dowladda ayaa beenisay arrintaas. 2021 March – Axsaabta Mucaaradka ayaa markale diiday in ay ka qeybgalaan doorashada madaxtinimada oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn. 2021 -9 April – Shacabka jabuuti waxay u dareereen codeynta doorashada oo ay ku tartamayaan madaxweyne Geelle oo doonaya in marshanaad uu xilka qabto iyo musharaxa ganacsadaha ah ee Zakariya Ismaaciil Faarax. Qaran News
  10. Maxkamadda sare ee waddanka Sacuudiga, ayaa ku baaqday in lagu dadaalo raadinta Bisha baraysan ee Ramadaan Galabnimada Axadda, oo ku beegan 29-ka Bisha Shacbaan. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee Sacuudiga, ayaa ku boorriyay dhammaan Muslimiinta ku sugan magaalada Makka, in ay Galabnimada Axadda raadiyaan bisha Ramadaan, islamarkaana qofkii arka uu la soo xiriiro xarunta ugu dhow. “Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudigu, waxay ku boorrinaysa Muslimiinta ku dhaqan magaalada Makka iyo nawaaxigeeda in ay ku dadaalan Raadinta Bisha Ramadaan Galabnimada Axadda ee 29-ka Shacbaan” ayaa lagu yiri Qoraalka. Maxkamaddu waxay bayaamisay, in haddii Bisha la arki waayo Galabnimada Axadda ah oo ku abbaaran 29-ka Shacbaan, haddana la raadin doono Galabnimada Isniinta ah oo ku beegan 30-ka Shacbaan. “ Haddii Bisha Ramadaan la arki waayo Galabnimada AXadda ah ee 29-ka Shacbaan, waa in haddana la raadiyaa Galabnimada Isniinta ah oo bishu ku buuxdo 30-ka Shacbaan) ayuu sii raaciyay Qoraalku. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Sacuudiga oo war ka soo saartay dhalashada Bisha Ramadaan appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (PP News Desk) — Abdirashid Hashi, the former Director of Heritage Institute for Policy Studies, has called on the United Nations to invoke Chapter VII, which allows the Security Council to “determine the existence of any threat to the peace, breach of the peace, or act of aggression” and to take military and nonmilitary action to “restore international peace and security”. Hashi: Somalia’s ‘nascent democracy’ is in danger due to the electoral impasse. Hashi, a former Information Minister of the Transitional Federal Government of Somalia under President Sharif Sheikh Ahmed, describes the 17 September electoral model as a means for the incumbent President Mohammed Abdullahi Mohammed to secure a majority of votes during the election to win a second term. Hashi views South West, Hirshabelle and Galmudug presidencies as outcomes engineered by Villa Somalia. “Mukhtar Robow, a former Al-shabaab senior leader, was disqualified from South West elections. In Galmudug, the former Ahla Sunna Wal Jama’a was a parallel authority that refused to have its militias integrated with Galmudug security forces. The alliance of quasi-theocratic Presidential Candidates aim to return to Villa Somalia by hook and crook” said Adan Ali, a commentator in Mogadishu. The room for mediation by the United Nations or any other member country of Somalia’s International Partners is limited. Last year, the former British Ambassador Ben Fender said that an election based on person, one vote “was blocked.” The Union of Somali Presidential Candidates supported the Electoral Law that was to pave the way for one person, one vote elections, and the subsequent decision to return to indirect elections demanded by Puntland and Jubaland as a precondition for endorsing 17 September electoral model. “Invoking Chapter VII of the UN Charter will not end the electoral impasse because UNSOM statements emphasise 17 September electoral model as a basis for any agreement on Somalia elections. UN is reluctant to strong-arm Somalia’s federal institutions into accepting renegotiation demands of the National Salvation Council formed by Puntland and Jubaland Presidents” added Aden. © Puntland Post, 2021 The post Can UN Invoke Chapter VII to break Somalia Electoral Deadlock? appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe. Warbaahinta dowladda ayaa sii deysay Arbacadii muuqaal lagu tuhmay inuu yahay mid horay loo duubay oo ay dowladda kaga hadashay fashil ay sheegtay inuu ku yimid shirkii ka socday teendhada Afisyooni, wuxuuna madaxda Puntland iyo Jubbaland ku sifeeyay kuwa jid iyo jiha-diid ah oo aan ogoleyn wax doorasho ah. Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in hadalkaas loo adeegsado ayaa hoosta ka xariiqay in la isaga hari doonin, balse wuxuu ka gaabsaday tallaabada ay qaadayaan. “Walaahi eraygaas jid iyo jiha-diid ah waxyaabaha aan sheegaayey ee cabsida abuureysa qeyb kamid ah waaye. Aniga waxaan u dhadhansanayaan dhiigiinaa baneysaneynaa macnaheedu waaye. Maxaa yeelay waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay” ayuu yiri Saciid Deni oo su’aalo lagu weydiinayay barnaamijka awoodda 5-aad ee Tv-ga Dalsan. Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay: “Marka in annaga Shabaab nagula sifeeyo oo uu wasiir Dubbe yiraahdo, runtii arrin la isaga hari doono ma ahan. Qoraalkana way ku taalay dowladda federaalka ahina way xigatay. Fahamka uu bixinayo erayga waa macno khatar ah” Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay inuusan ogeyn shir burburay, isla markaana ay diyaar u yahiin ka qeybgalka wadaxaajoodyada la filayo iney kasii socdaan teendhada Afisyooni. Beesha caalamka mar kale ugu baaqday in la isku soo laabto iyadoo dowladda sheegtay in shirka burburay, balse madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxey sheegeen iney wali diyaar u yahiin shirka inuu sii socdo.
  13. Aw-dheegle (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dhammaan askartii ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab loogu geystay saldhigyada ciidamada Dowladda ee Aw-dheegle iyo Bariire. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa ka qeyb galay xafladda dalacsiinta oo Maanta ka dhacday Aw-dheegle , waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo askartii ka qeyb qaadatay dagaalkaas la dalacsiiyey min hal darajo. Saraakiisha iyo ciidamada la dalacsiiyey ayaa dhammaantood waxay ka kala tirsan yihiin Ciidamada guutada Gor-gor iyo kuwa 14 October. Kooxda Al-Shabaab ayaa 3-dii Bishaan April waxay dagaal kusoo qaaday saldhigyada ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Aw-dheegle iyo Bariire, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaaro xoog leh. General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo Shabaabna ay guul ka sheegatay weeraradaas. Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay. Halkaan hoose ka daawo sawirada xafladda dalacsiinta
  14. Nairobi (Caasimadda Online) – Garsoore Kenyaan ah ayaa is-hor-taagay go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto laba xero-qaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka maxkamadda oo ay aragtay wakaaladda Reuters. Laba todobaad ka hor wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa shaaciyay in dowladdiisu ay dooneyso in la xiro xeryaha, waxaana uu siiyay hey’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR laba todobaad oo fursad ah, si ay u soo gudbiso qorshaheeda ay tallaabadan ku flineyso, isaga oo intaa ku daray in aanan horey loo sii wadi karin wax wadahadallo dheeri ah oo looga baaqsanayo xiridda xeryahan. Xukunka uu garsooruhu soo saaray ayaa hakinaya qorshaha dowladda muddo bil ah. Arrintan ayaa timid markii siyaasiyiin maxalli ah oo qorshahan kasoo horjeeda ay maxkamadda ka codsadeen in meesha laga saaro tallaabada ay dowladdu ku dooneyso in albaabada leysugu dhufto xeryaha. Kiiska la xiriira qorshaha ay dowladda Kenya ku xirayso xeryaha ayaa bil kadib waxaa dib loogu soo celin doonaa maxkamadda. Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee waqooyiga Kenya ayaa waxaa degan in ka badan 410,000 oo qof oo Soomaali u badan. Tiro yar oo dadkaasi ka mid ah waxa ay ka yimaadeen Koonfurta Suudaan. Iyaga oo qiil ka dhiganaya walaaca la xiriira amniga qaranka, ayaa mas’uuliyiinta Kenya waxa ay marki ugu horreysay sanadkii 2016-kii ku dhawaaqeen qorshahooda ku aaddan xiritaanka xerada Dhadhaab, oo aad ugu dhow xuduudda Soomaaliya marka la bar-bar-dhigo Kakuma.
  15. Garowe (HOL) - Puntland's regional government has announced a raft of public health measures in a bid to stop the spread of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  16. Ismail Ahmed, a refugee turned multimillionaire, says his country has had to battle ‘negative PR’ Source: Hiiraan Online
  17. Click here to read more about this article Qaran News
  18. Jabuuti (Caasimadda Online) – Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta oo Jimca ah ka bilaabatay codbixinta Doorashada 2021 oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Talada haya Ismaaciil Cumar Geelle & Musharaxa madaxa bannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax. Goobaha la dhigay Sanaadiiqda codeynta waxaa lagu diyaariyay Gacmo dhaq (Hand Sanitazer), Marada Afka & sanka daboosha (Face Mask), waxaana aad loo ilaalinayaa isu dhawaanta dadka sida ka muuqaata muuqaallada laga soo duubay goobaha codbixinta. “Waxa aan usoo baxay in aan codkeyga ku doorto Madaxweynaha Jabuuti, Dabcan waan dhageystay fariimaha Musharixiinta ee aan ku kala xulan karno, Dadku way ku kala duwan yihiin meelaha ay wax ka eegayaan balse waan ogahay qofka aan u codeynayo waxqabadkiisa & waxa aan ka filayo” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Codeeyaasha. Geelle, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa ololihiisa ku soo gabagabeeyay Arbacadii dibad bax qurux badan oo kama dambeys ah oo ka dhacay garoon ay ka buuxeen taageerayaal faraxsan iyo dhaanto dhaqameed. “Sida aan maanta kuugu arko adiga oo tiro badan, waxaan hubaa in sidoo kale aad tiro badan iman doontid goobaha codbixinta,” Geelle ayaa yiri ka hor dadweyne xirnaa funaanado ay ku xardhan yihiin xarfahiisa, IOG. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Hay’adaha ammaanka, waaxda Caafimaadka & Guddiga Doorashada faray in ay ku dedaalaan xasiloonida Jamhuuriyadda inta lagu howlan yahay Codbixinta Doorashada. Dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti ayaa aaminsan in Geelle uu mar kale ku guuleysan doono doorashada, waxaana shaki weyn laga qabaa in musharaxa la tartamayo uu diido natiijada kasoo baxdo codbixinta. Guddiga Doorashada ayaa marka uu soo dhammeeyo codbixinta dadka qaatay kaararka kadib xiri doona Goobaha codeynta, waxaana uu ku dhaqaaqayaa tirinta si natiijada usoo baxda uu u shaaciyo sida ku xusan jadwal howleedka Guddigaas.
  19. Mogadishu (HOL) - A statement released on Thursday by the international community urges Somalia's federal government and regional leaders to continue consultative talks on the electoral process after negotiations broke down on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  20. Ururada Bulshada Rayidka ayaa war ka soo saaray ismari-waaga siyaasadeed ee ka jira dalka , gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Warsaxaafadeed ay soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu loogu baaqay in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Qoraalka Isutaga Ururada Bulshada Rayidka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka soo horjeedan wax kasta oo carqaladeynayo Wadahadalada Labada Dhinac ee lagu xalinayo Doorashada . Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Ururada Bulshada Rayidka Source: goobjoog.com
  21. EU citizens’ rights campaigner and BBC journalist has bid turned down over insufficient proof Source: Hiiraan Online
  22. After years of livestock losses from droughts and multiple crises, fish have become a lifeline source of food for nutrition and income for coastal communities. The coasts sandy soils are not suitable for crops, and fishing and livestock are the main livelihoods Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhibsatay, kana jawaabtay war-saxaafadeed kasoo baxay ururka gabdhaha Soomaaliyeed ee LeadNow! (Hoggami Hadda), oo ku saabsana burburkii ku yimid wada-hadallada Afisyoone ee Muqdisho. Ururka LeadNow!, oo ka mid ah bulshada rayidka, ayaa ka shaqeeya sare u qaadista ka qeyb-galka haweenka ee siyaasadda. War-saxaafadeedka LeadNow! ayaa welwal xoog leh looga muujiyey xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan khilaafka hareeyey arrimaha doorashada iyo wadahadalladii u socday madaxda oo hadda joogsaday. “LeadNow! wuxuu aad uga xunyahay in Dowladda Federaalku ay ku dhawaaqdo inuu burburay shirkii hor dhaca ahaa ee u socday Madaxda Dowladda Federalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DF ee ka socday xarunta Afisyooni, iyadoo dhanka kale Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in aysan ogayn shir burburay oo ay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedkan ayaa intaas ku sii daray, “LeadNow! waxay nasiib darro u arkaan in uusan jirin ilaa hadda heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu gaareen, iyadoo uu dhamaaday muddadii xil haynta Madaxda Dowladda Federalka. LeadNow!” LeadNow ayaa sheegay inaysan aqbali karin wax kasta oo keeni kara in dalkaan lagu celiyo mugdi iyo burbur muddo soo daashaday, hindise iyo xeelad kasta oo lagu doonayo in dowladda hadda joogta ku samaysato muddo kordhin, doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhamayn, doorashooyin is barbar yaac ah. Dhaq-dhaqaaqa LeadNow ayaa yiri “Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyanaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dib ugu soo laabto shirkii hordhaca ahaa ee u socday dhinacyada iska soo horjeeda si halkaas looga sii wado wadahadallada ku aadan sidii loo gaari lahaa doorasho loo dhanyahay. Madaxweynuhu waa masuulka ugu sareeya Qaranka, waana masuuliyaddiisa in dalka doorasho ka dhacdo uuna ka fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada dalka iyo dadka.” Intaas kadib agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku lifaaqay bayaanka LeadNow!, kuna weeraray LeadNow!. “Soo jeedintiina ah in madaxweyne Famaajo uu xagal-daacibayo wada-hadallada doorashada waa mid aan loo qiil dayin. Horay ayaan u aragnay ujeedooyin siyaasadeed oo kuwan lamid ah oo guracan. Bulshada rayidka kaalin muhiim ah ayey cayaartaa xilliyada oo kale, waxaana idin weydiisaneynaa oo kaliya dhex-dhexaadnimo. Soomaaliya waa ay soo jeeddaa.” War-saxaafadeedka LeadNow! Melena looguma xusin in Farmaajo xagal-daacinayo wada-hadallada doorashada, taasi oo dad badan ku dhalisay su’aalo ku saabsan sababta uu Cabdirashiid sidaas ugu qaatay. Hoos ka eeg war-saxaafadeedka LeadNow.
  24. Al-Shabaab is trying to play havoc with Somalia’s COVID vaccine rollout. Source: Hiiraan Online