-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sheegtay in Isbitaalka martiini ee magaalada Muqdisho dib u bilaabi doono howlihii caadiga ahaa ee bulshada u haayay . Isbitaalka oo Sanad ka hor markii uu dalka yimid xanuunka Corona Virus dowladda ay sheegtay in ay loo gaaryeelay Isbitaalka dadka uu soo rito xanuunka Corona Virus . Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay maadama uu yaraaday xanuunka Covid-19 in Isbitaalka loo fasaxayo in uu qabto howlaha kale ee Caafimaadka. “Isbitaalka Guud Ee Demartino wuxuu bulshada la socodsiinayaa in uu isbitaalka dib u bilaabay shaqadiisa caadiga eheed maadaama ay hoos u dheceen xaaladaha COVID19 ee Gobolka Banaadir.” “Wuxuu isbitaalka qaabili doonaa bukaanada cudurrda guud , Cadurrada Caruurta , dhalmada iyo cudurrada haweenka iyo Qaliimada guud.” “Sidoo kale isbitaalka wuxuu sii wadayaa u a deegidda bukaanada u soo rito caabuqa COVID19 iyadoo loo asteeyo meel gaar ah.” ayaa lagu yir Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ka koobneyd dhawr qodob ah u dirtay Qaramada Midoobay waxeyna kaga hadashay faragalin la sheegay iney beesha caalamka ka imaaneyso, halka ay qodobada ka mid ahaayeen in si farsamo ah Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble loogu wareejiyay amniga doorashada. Warqaddii ay dowladda dirtay siyaabo kale duwan ayaa loo fahmay iyadoo dadka siyaasadda ka hadla ay waxyaabo dhawr ah ku sifeeyeen. Warqadda ay Dowladda u dirtay Qaramada Midoobay ayaa lagu fasiray inay ka turjumeyso rabitaanka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah inuu dalka ka qabto doorasho aan loo dhameyn isla markaasna aysan heshiis ku aheyn dhinacyada Siyaasadda. Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa aad ula yaabay warqadii ka timid Villa Soomaaliya xilli ay sugayeen iney teendhada kusoo celiyaan madaxda Soomaalida, balse warqadda dowladda ayaa loo fahmay inay xirtay wadahadal dambe oo lala galo Axmed Madoobe iyo Deni. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa miiska u saaran in laga wada hadlo awoodaha madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, amniga guud ee dalka iyo ka qeybgalka shirarka ee saamileyda siyaasadda. Filashada laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa sii yaraaneysa, waxaana muuqata in hogaamiyayaasha Soomaalida uu qof walba ku dhagan yahay qodobadiisa. Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana beesha caalamka si weyn ugu cel-celisay ineysan ogolaan doonin doorasho hal dhinac ah, kuwa isbarbar socda iyo muddo kororsi intaba. Waxaa muuqata in madaxda Soomaalida aysan wax tanaasul ah ka muuqan, taasna waxey dheereyn kartaa rajada laga qabo iney dhacdo doorasho la wada ogol yahay. The post Maxaa laga fahmay waraaqdii ay DF u dirtay Qaramada Midoobay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la filayay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni, balse ilo ku dhaw ayaa sheegaya ineysan muuqan arintaan. Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in wadahadalladii socday ay burbureen halka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay inkireen warka ay dowladda faafisay, waxaana xigay in beesha caalamka ay ku baaqday in dib loogu soo laabto teendhada. Maanta ayaa la filayay iney madaxda dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni isla markaana ay sii wadaan wadahallada dhexdooda ah, kana arrinsadaan sidii la isugu imaan lahaa shir weyne looga heshiinayo hanaanka doorashooyinka. Si kastaba wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka dhawaajiyay in shirka burburay isla markaana ay labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland yahiin kuwa jid iyo jiho diid ah. Dhanka kale Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay ineysan ogeyn meel uu ku baaqday shirka, isla markaana ay diyaar u yahiin wakhti walba iney dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni. Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo xulafadiisa ayaa la rumeysan yahay inay mar hore go,aan ka gaareen ka qeybgalka shirkii ka socday Afisyooni, mana jirto ififaalo muujinayo in mar kale shir la isugu imaan karo. The post Shir ay isugu imaan lahaayeen DF iyo Dowlad Goboleedyada oo mar kale baaqday maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax Khasaaro geystay oo gilgilay Muqdisho +faahfaahino ka soo baxaya Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaadh- noociisu ahaa Kaarib oo ay wateen ciidamo katirsan taraafikada somalia, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Warshada Xeyle Bariise, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaadhi ay wateen ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada. Inta la xaqiijiyay laba askari oo katirsanaa ciidamada taraafikada ayaa qaraxa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale oo labo kamid ah yihiin askartii gaadhiga la socotay. Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka, waxaana qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo ciidamada Somalia. Qarax is-miidaamin ah oo ruxay Baydhabo Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta ee Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ayaa sheegaya in goordhoweyd qarax is-miidaamina uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey ruux isku xidhay walxaha qarxa, kaas oo dhex-tegay goob lagu shaaho ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baday qaraxa. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay waxyeelo,Dhimasho & Dhaawacba leh gaadhay qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi. Askari ka tirsanaa Nabadsugida Jubbaland oo qarax lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku geeriyooday qarax loogu xidhay gaadhigiisa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay badhtamaha magaalada Kismaayo. Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Maxamuud, waxaana intii aan qaraxa lala beegsan uu ku jiray hawlo la xidhiidha Sirdoonka iyo Nabadsugida magaalada Kismaayo. Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu magaalada Muqdisho u joogo shirka madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee looga arrinsanayo is-mariwaaga hannaanka doorashada dalka, kaas oo ilaa hadda aan wax horumar ah laga gaadhin. Qaran News
-
A regional governor in Somalia has escaped a suicide bombing that killed at least three people, including two of his bodyguards, officials said on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Wax-ka- Bedel lagu Sameeyey Xeerka N0.14 (Xeerka Ururada & Asxaabta Siyaasadda Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod ku ansixiyey wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee 14/2021-ka, kaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen Mudaneyaasha Golahaasi. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa qodob, qodob u ansixiyey Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka furista Ururrada Siyaasadda, kaas oo ogolaanaya in la furo ururro Siyaasaddeed marka uu walhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira oo Liisankoodu dhacayo 2022-ka. 40 Mudane ayaa ogolaaday in la ansixiyo Xeerkan, waxa diiday 3 Mudane Xeerkan, waxa oo uu ogolaanayaa un la sameeyo doorasho toos ah oo lagu dooranayo Ururro siyaasaddeed oo lagu dooranayo Barnaamijyadooda siyaasaddeed, iyada oo saddex urur ee ugu sarreeya noqon doonaan saddexda Xisbi Qaran ee Dalka. Fadhigan, waxa dibedda ka joogay oo aan Hoolka soo gelin qaar ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Waddani taageersan ee Golahaasi ku jira, kuwaas oo barxadda hore ee Hoolka codayntu ka socotay fadhiyey. Mudaneyaashan, ayaa u muuqday kuwo ka biyo diidsan ansixinta Xeerka furista Ururrada siyaasadda, oo qaarkood sheegeen in Xildhibaannada Kulmiye dano gaar ah ka leeyihiin, isla markaana guddoomiyaha Golahaasi u xil saareen Mudaneyaal Kulmiye oo keliya Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax qasaaro geeystay . Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo lagu nasto taas oo ku taalla bartamaha magaalada, kaas oo lala eegtay gudoomiyaha Gobalka Bay Cali Wardheere kaas oo xilliga uu dhacayay ku sugna maqaaxida . Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha iyo Ilaaladiisa ay ka badbaadeen Qaraxa lagula eegtay Maqaaxida Suweys. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay halka tira intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa lagu eedeeyey in ay dabada ka riixayaan furista Ururrada Siyaasadda Somaliland, kaas oo xeerkooda dooddiisu ka socoto Golaha Wakiillada. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ah Mudane Golaha Wakiillada ahna La Taliyaha dhinaca Sharciga ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Mudaneyaasha soo diyaariyey wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ay yihiin kuwo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Guddoomiyaha Golahaasi si gaar ah ugu xil saartay, taasoo uu xusay in ay muujinayso tuhun ah in Kulmiye dan gaar ah ka leeyahay Furista Ururrada Siyaasadda. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah Labada Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada kana kala tirsan Waddani iyo Kulmiye oo Telefishanka MMTV u qabtay dood Xeerkaas ku saabsan, ayaa labadooduba ka hadlay xeerkan iyo baahiyaha keenay. Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayey Xeerkan furista Ururrada Siyaasadda, ayaa waxa uu yidhi “Wakhtiga Xisbiyada uga hadhsan dhicitaanka Liisankoodu, waa sannad iyo Sideed Bilood, waxay ila tahay halka aynu imika Xeerka ku keenay in marka laga baxdo doorashadan bisha dambe dhacaysa, iyada oo sannad iyo lix bilood ku hadhsan tahay in Xeerkan daraasad balaadhan lagu sameeyo, lana eego meelaha u baahan kaabista iyo wax ka beddelka. Imika wax ka beddelkan illaa shan xubnood oo Kulmiye ah, ayuu u xil saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, shanta saxeexayna waa Xisbiga Kulmiye. Xisbiga Kulmiye Xildhibaannadii kaga jiray Golaha Wakiillada, ayaa soo diyaariyey Xeerkan Furista Ururrada Siyaasadda. Xeer si wada jir ah loo soo diyaariyey oo ay Xildhibaannadu ka midaysan yihiin maaha. Markaa tuhun ayaa imanaya, ujeeddada imika loo saaray qolada Kulmiye ee iyagu kaabista iyo wax ka beddelka ku keeneen. Markaa bulshadiina lagama qayb gelin Xeerkan in ay wax ku darsadaan, xeerkan meelihii u baahnaa kaabista lagu samayn, meelaha qaarkood oo aad moodayso in Xisbiyada imika jira qaarkood lagu beegsanayo-na waa lagu sameeyey” Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlayey tuhunka uu ka dhawaajiyey Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in aanay jirin wax dan ah ka lahayn arrintaasi, balse ay doonayaan in ay buuxiyaan bannaan sharci oo iman karta marka wakhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira, waxaanu yidhi: “Golaha Wakiilladu Abtirsiin malaha, gole ayaa nala yidhaahdaa, arrintana maaha arrin Xisbiyo ee waa arrin Gole, waxaana buuxinaynaa bannaan sharci” Source
-
(SLT-Taiwan)-Danjiraha Somaliland u fadhiya Taiwan , Maxamed Haggi ayaa ka qaybgalay daahfurka bandhig kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo isfahanka Taiwan iyo dunnida Muslimka ah. Bandhiga oo socon doona Apr 9 – Apr 18 waxa dad waynuhu ka baran doonaan dhaqanka iyo taariikhda Islaamka. Sidoo kale maalmaha ugu horraysa Ramadaanta waxa jiri doonta afur wadareed dadka oo dhan u furan. Bandhiga waxa sidoo kale qayb ka ah Saudi Arabia, Jordan, Turkey, Oman, Bahrain, Kuwait, United Arab Emirates, Nigeria, Indonesia, Malaysia, Brunei, iwm Source
-
Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa duhurnimadii maanta isku qarxiyay maqaayad ku taalla magaalada Baydhabo. Qaraxa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 7 qof. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa guddoomiyaha gobolka Bay Cali Wardheere Cabdiraxmaan, oo xiligaas ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Suweys oo ku dhagan hotel Baydhabo, waana goob ay isugu yimaadaan mas’uuliyiin iyo shacab. Maamul Koonfur Galbeed ayaa weli ka hadlin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay bartamaha Baydhabo PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Ganacsiyada Soomaaliyeed waxay kaalin weyn ka qaateen, walina ay kaga jiraan dib u soo kabashada dalka. Ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya waa kuwo mid kamid ah minnaaradaha dhifka ah ee wali ka iftiimaya dalka, in kasta oo uu socday dagaal sokeeye oo dhaawacay qaran dhan iyo dadkiisii Source: Hiiraan Online
-
Sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ayaa lagu dilay magaalada Kismaayo, kadib markii qarax gaarigiisa loogu xiray. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xamdi Maxamed Maxamuud, ayaa ku dhintay qarax oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha Kismaayo, sida laga soo xigtay saraakiil Amni. Laamaha Ammaanka magaalada Kismaayo, ayaa qaraxa kadib hawlgal baaritaan ah ka sameeyay, kaas oo lagu soo qabtay dad looga shakiyay in ay qaraxaas ka dambeeyeen. Ma jirto weli cid sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa, balse waxa jirta in Al-shabaab ay sheegan jireen qaraxyadii ka dhici jiray Kismaayo. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugidda Jubaland oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Shacabka wuxuu U hambalyeeyey Madaxwrynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo markii shanaad la doortay. Madaxweyne Deni ayaa Ismaciil Cunar Geele u rajaynaya inuu Illaahay ku Garab galo Hogaaminta shacabkiisa oo markii Shanaad u doortay inuu hogaamiyo. Madaxweyne Geele ayaa Cid aqlabiyad ah loogu doortay inuu Dalka hogaamiyo. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Deni oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti appeared first on . Source
-
Kadib markii Todobaadkii hore uu Madaxweyne Farmaajo ka baxsadey Teendhadii uu ka socdey Shirka loogu gogol xaarayo Doorashada ayaa Beesha Caalamku ay si kulul ula hadleen Madaxda Federaalka iyo Maamulada taabacsan, waaxaana la faray iney Sharuud la’aan kusoo laabtaan Miiska wadahadalka. Shirka ayaa laguwadaa inuu dib u furmo Beri oo Axada laakiin Warar Dublamaasiyadeed oo ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi.com Maamulka Farmaajo waxay wali ku adkeysanayaan in Shirkii uu burburay, Beesha Caalamkana waxay usoo jeediyeen iney faraha kala baxaan Arimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid CabdullashivDeni ayaa hada wada Dadaal si Shirku usii socdo, isagoocwadatashiyo la samaynaya Beesha Caalamka. Puntlandi.com Muqdisho The post Maamulka Farmaajo oo wali ku adkaysanaya in Shir uusan jirin, iyo Beesha Caalamka oo khasbaysa appeared first on . Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhow qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, kaas oo dhex-tegay goob lagu shaaxo ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baaday qaraxa. Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 2 qof oo uu jiro is-miidaamiyihii fuliyey, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale. “Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof, dhaawaca 5 kale, Iyo burburhantiyed” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliiska. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay iyo baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka K/ Galbeed. The post Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo + bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Two people were killed and another injured when a vehicle carrying a police officer in Mogadishu hit a land mine. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa oo nocoa miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Biyo-Dega Heliwaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo qof oo shacab ah oo wadada marayey ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu dhaawac culus soo gaaray wadaha gaariga qaraxa lala beegsaday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geystay shacabka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday amniga doorashooyinka dalka ka dhacaya lagu wareejinayo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble, sida ay lagu sheegay qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirtay golaha ammaanka ee QM. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu hoggaamin doono guddiga ee ka shaqeynaya doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya. Sababta amniga loo hoos geeyey amniga Rooble ayaa sidoo kale lagu sheegay, si loo xalliyo cabashada dhanka ammaanka ee ka taagan doorashooyinka dalka. “Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.” ayaa lagu yiri warqaddda loo diray QM. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli musharraxiinta mucaaraadka, maamullada Jubbland iyo Puntland ay horey u shaaciyeen in amniga doorashooyinka dalka aan lagu aamini karin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey is jiid-jiid u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar, iyada oo lagu kala tegay wada-hadalladii ugu dambeeyey ee ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
-
(SLT-Hargeysa)-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod ku ansixiyey wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee 14/2021-ka, kaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen Mudaneyaasha Golahaasi. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod ku ansixiyey wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee 14/2021-ka, kaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen Mudaneyaasha Golahaasi. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa qodob, qodob u ansixiyey Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka furista Ururrada Siyaasadda, kaas oo ogolaanaya in la furo ururro Siyaasaddeed marka uu walhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira oo Liisankoodu dhacayo 2022-ka. 40 Mudane ayaa ogolaaday in la ansixiyo Xeerkan, waxa diiday 3 Mudane Xeerkan, waxa oo uu ogolaanayaa un la sameeyo doorasho toos ah oo lagu dooranayo Ururro siyaasaddeed oo lagu dooranayo Barnaamijyadooda siyaasaddeed, iyada oo saddex urur ee ugu sarreeya noqon doonaan saddexda Xisbi Qaran ee Dalka. Fadhigan, waxa dibedda ka joogay oo aan Hoolka soo gelin qaar ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Waddani taageersan ee Golahaasi ku jira, kuwaas oo barxadda hore ee Hoolka codayntu ka socotay coffee ku cabayey, halka kuwo kalena ay ka baxeenba Xayndaabka dhismaha Barlamaanka. Mudaneyaashan, ayaa u muuqday kuwo ka biyo diidsan ansixinta Xeerka furista Ururrada siyaasadda, oo qaarkood sheegeen in Xildhibaannada Kulmiye dano gaar ah ka leeyihiin, isla markaana guddoomiyaha Golahaasi u xil saareen Mudaneyaal Kulmiye oo keliya Source
-
Todobaadkan dhammaaday waxa warbaahinta qaar la soo geliyey warar been abuur ah oo ku saabsan in Soomaaliya uu qaaliyoobayo hubkii la isku gumaadi jirey. Waxan is weydiiyey tolow maanta miyuu jiraa qof Soomaali ah oo shacab ah oo baahi u qaba qori, xabbad, dil iyo barakac. Jawaabtu waa MAYA, laakiin Rabbi Subxanahu watacaalaa wuxu Suuratal Axzaab isaga oo nebigiisa Muxamad (CSW) la hadlaya ku yidhi “Nebi Allow Ilaahay ka cabso”. Culimadu waxay ku fasiraan aayaddaas xusuusin iyo baraarujin. Sidaas oo kale inkasta oo aan aaminsanahay in aanu jirin qof Soomaali ah oo maanta xiise u qaba in uu qori gato! ama ku laabto jidkii dowlad la’aanta, haddana haddiiba uu jiri karo qof ku fikiri kara qori, xabbad, dirir sokeeye iyo dowlad la’aan waxan rabaa in aan u reebo xusuusin iyo baraarujin. Markii 1991kii dowladnimadeenii weynayd duntay gobolna kama badbaadin qasaarihii dowlad la’aanta. Waxan xog-ogaal u ahay in 18kii Gobol ee dalku lahaa xiligaas dhammaantood uu ka dhacay dagaal sokeeye, dadkii ku noolaa ee shacabka ahaana ay dhibaatoodeen oo qaxeen. Aniga laftayda ayaa kamid ahaa dadkii ugu yaraan qaxay illaa 5 jeer. Ogow, fawdada iyo abaabul aan sharci ahayn waa cadawga koowaad ee dowladnimada. Jidkii dowlad dumintu wuxu ahaa Jid dheer oo mugdi badan, waa jidkii inoo horseeday burburka iyo dowlad la’aanta. In aan jidkaas marno waxa sababay innaga oo aan aqoon marka dowlad la dumiyo waxa ka dhasha. Maalin ayaa Aniga oo dhiganaya cashar ku saabsan awoodda dowladaha “Why do people accept the authority of the State?” ayaa macalinkii ku dheeraaday sida dowladuhu sharciga lagu heshiiyey u fuliyaan, wiil kursiga iga horreeya fadhiyey oo Ingiriis ah baa ku dooday in aan dowlad loo baahnayn, waxan weydiiyey sababta uu u necbaysanayo jiritaanka dowladda: Kuye “haddii dowladdu meesha ka baxdo sow traffic light ka ama Samaafaraha na dhibay ee annaga oo degdegsan na joojiya laga raysan maayo”. Wiilku wuxu ka tirsanaa koox ama jamaaco ku abtirsata mabaadiida dowlad diidka ah ee loo yaqaan ‘Anarchist’. Waan ku qoslay wiilkii, waxan ku idhi meel aan dowladi jirin korontaba ma jirto, laami iyo baabuur toona la islama helo. Aniga laftaydu wiilkaas waxba ma dhaamin burburkii kahor. Maan moodi jirin in dowlad la’aantu leedahay cawaaqib ama cidhib dambeed burburkii dowladnimada kahor. Maan fahansanayn xidhiidhka xisaabeed ee ka dhexeeya nolosha iyo dowladnimada oo haddii dowlad la waayo nolosha oo dhanna la waayayo. Keligay kuma ahayn faham la’aantaas, Soomaali oo dhan xiligaas ma aqoon cawaaqibka ka dhalan kara marka dowlad lagu rido xoog. Waxan xasuustaa rag mushahar badan qaadan jirey haddana ka shaqaynayey nabadgelyo darro, markii dowladdii dhacday ee mushahar la’waayeyna ilmihii caano iyo cunto u waayey, kaddibna ogaaday laantii uu jarayey ba show waxay ahayd tii uu ku fadhiyey. Laakiin waxay ahayd xilli wax kastaa faraha ka bexeen. Nin Reer miyi ah baa waa-hore yidhi; saddex arrimood ba markii aan gaboobay baan bartay: Awr carraabinteed Carruur aamusiinteed Iyo dab shidistiis. Dowladnimadu waa sida geed damal ah, waxa ay bulshada ugu jirtaa kaalinta hooyadu ugu jirto qoyska, meel aan dowladi jirina nololi ma jirto. Madaxweynihii 4aad ee Maraykanka James Madison ayaa laga sheegay in uu yidhi; “If men were angels, no government would be necessary” oo la micne ah haddii dadku malaaiig ahaan lahaayeen dowladba looma baahdeen, nuxurku waa dadku malaaiig aan qaldamin maaha sidaa darteed in xukuumadi jirto waa lagama maarmaan. Xikmad kalena waxay ahayd dowladnimada duminteeda waxa ka shaqeeya qofka maanta ladan ee qadada haysta, marka ay duntana waxa ka faaiida oo talada la wareega dadka xabsiyada ku jira oo marka la sii daayo qoryaha qaata. Waxan ogahay dad u badan siyaasiyiin iyo hal abuur oo qori u qaatay si ay dowlad u dumiyaan in xilli dambe ay ka shallaayeen, sababta oo ah markii goobtii dagaalka la tegey waxa taladii kala wareegay wiil gaandheri ah. Guntii iyo gebegebadii: Soomaalida maanta waxa horyaalla laba dariiq Jidka dowladnimada iyo qaranimada Iyo jidka fowdada iyo dowlad la’aanta. Sida aan kor ku soo xusay waan soo aragnay jidkaas qodxanta badan ee dowlad la’aanta oo xiise uma qabno, weliba tookadan haddii aynu kufno way adkaan doontaa sida aan u kacno ama uba soo kabano mar dambe. Weliba shisheeyihii burburkeena ka faaiidi jireyna weli dunida way joogaan. Sidaas darteed dhammaanteen waxa inagu waajib ah in aan doorano jidka sharciga, nabadda iyo dowladnimada. Cismaan Dubbe Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Source
-
(SLT-Muqdisho)-Xog ay heshay Warbaahintu ayaa xaqiijineysa in qeyb ka mid ah laga jartay lacago gunno ah oo ay qaadan jireen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ay bixin jirtay dowladda dhexe. Lacagtan ayaa aheyd mid labada madaxweyne ama madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu dastuurka u ogolanayo, balse waxaa lacagtaas hadda qeyb kamid ah ka jartay Villa Somalia, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay maalmo ka hor, waxa uu ku sheegay in laga jaray qeyb kamid ah lacago ay xaq u lahaayeen islamarkaana ay qaadan jireen sannado ka hor. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta gunnooyinka ah laga jartay ciidankii la socday isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan fashilkii ku yimid wada-hadallada doorashada ee ka socday xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Geelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadalka, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha oo laga doonayey inuu xalka raaadiyo uu ka kaco fadhiga, halkii laga rabay inuu wanaajiyo hoggaamintiisa. “Dowladda iyadaa gogosha naga laabatay, waxaana rabnaa in ay nala hadlaan oo ay nala heshiiyaan Madaxda xafiiska joogta, Dowladdu xal baa laga rabaa balse ma ahan in ay dhahdo fadhiga waa lagu kala tagay, Madaxweynuhu ma ahan in fadhiga uu ka kaco balse waa in uu raadiyaa xalka, xalka wanaagsan waa in hoggaanka wax wanaajiyaa,” ayuu yiri. Musharrax madaxweyne Daahir Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay dantu ku jirto inay sii socdaan wada-hadalla, si xal looga gaaro doorashooyinka dalka. “Haddii wadahadal culeys ku yimaada dalkana uu yahay mid dhibaato ka taagan tahay xalku waa in la isugu laabto, waana arrin dabiici ah in la is qabto balse muhiimadda ayaa ah in xal lagu dhammeeyo waxyaabaha sababay kala tagga, si looga fogaado kala tag horleh,” ayuu markale yiri afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo lagu kala kacay shirkii ka socday Teendhada Afisyoone ee looga arrinsanayey hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021.
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada waddankaas, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan sida uu soo sheegayo wariyaha VOA Ramadan Muuse oo ku suga xarunta ugu weyn ee tirinta codadka ee magaalada Jabuuti. Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada. Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan. Source
-
Ilo ku dhow shirkii madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la filayey in maanta dib la isugu laabto ee Afisyooni ayaa sheegaya in aaney muuqan rajo arrimahaas la xiriira. Shirka oo dowladda federaalka ah ay dhankeeda ka baxday, dowlad goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland ay inkireen, beesha caalamka ay dalbatay in lagu laabto ayaa la ogeyn sida ay wax noqon doonaan. Maamulka Farmaajo ayaa sheegay in shirka uu u burburay kadib markii sida uu sheegay Puntland iyo Jubbaland ay noqdeen jir iyo jiho diideyaal. Labada maamul ayaa dhankooda sheegay in aaney jirin shir burburay, ayna diyaar u yihiin iney sii wadaan shirka iyo wada hadallada doorashada. Beesha caalamka ayaa dhinacyada kala duwan ugu baaqday iney dib ugu laabtaan miiska wada hadalka, oo la ambaqaado heshiiskii September 17. Goobjoog News Source: goobjoog.com