Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warka Soo baxay Taliayaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xilkii looga qaaday Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Sadaq Cumar Xassan . Xilka Taliyaha ayaa waxaa loo magacabay Farxaan Maxamed Aadan oo horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Haramacad . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xil ka qaadista War Degdeg ah Xil ka qaadis Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John). Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare. Source: goobjoog.com
  2. Garowe (PP News Desk) — Puntland Committee for Covid-19 Prevention has issued a raft of measures to deal with the surge in Covid-19 infections in Puntland State of Somalia. The committee urged people to do their bit to prevent Covid-19 infections and take the vaccine. Schools will be temporarily closed in line with the preventive measures. “People praying at mosques must keep two metres apart” the Committee said. Public meetings and sessions at traditional medicine centres will temporarily stop. The Committee instructed private transport operators to ensure that passengers wear face covering. Deaths from the second wave of Covid-19 infections have been on the rise in Puntland State. There is a shortage of oxygen used for COVID-19 patients at hospitals in Puntland. © Puntland Post, 2021 The post Surge in Covid-19 Infections Prompts Preventive Measures in Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (HOL) - A parliamentary session in Somalia's capital Mogadishu was derailed on Monday after a police commander announced that he was suspending the meeting. Source: Hiiraan Online
  4. Taliska Guud ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay joojiyeen kulankii maanta ay lahaayen xildhibaanad Baarlamaanka Soomaaliya . Saadaq Cumar Xassan Taliyaha Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir ayaa sheegay in aysan dooneyn in dalka dib loogu celiyo in dagaal iyo qori . Taliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Booliiska Gobalka Banaadir ay hakiyeen kulankii Maanta , isagoo sheegay in loo baahan yahay in Baarlamaanka ay dib ugu noqdaan Deegaanadii laga soo doortay maadama waqtiga uu ka dhamaaday . “Baarlamaanka Soomaaliya Maanta Waxaan hakinay kulankii ay lahaayeen waxaan u hakinay waxaa loo baahan yahay wax boob ah oo la boobaya in aysan jirin isfaham siyaasadeed la gaaro Baarlamaanka Soomaaliyana waxaan leeyahay waanila soo doortay Afar sano ayaad joogteen afarti sano wey idinka dhamaatay waala idin soo doortay doorasho dib ugu laabta” Taliyaha ayaa sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay in uu qaato doorkiisa isagoo sheegay in Rooble aan la joogin xilligii wax loo meerin lahaa. ” Dalku wuxuu ku socday tan iyo carta doorasho Doorashana loo baahan yahay Ninkii la doortoow doorasho kale raadso wax xoog ah iyo wax hagar daamo ah iyo dib in magaaladaan difaac looga galo oo magaaladaan daaraheeda la dumiyo ma dhici karto waxaan leeyahay mudane Ra’iisul wasaare Mas’uuliyadaada qaado kana soo bax waad ku filan tahay dalku uma baahna in aad meel fariisato oo wax laguu meeriyo waa adiga inaad wax meerisaa . Source: goobjoog.com
  5. Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen Saaddiq Cumar Xasan (Saadiq Joon), ayaa sheegay in uu joojiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya. Gen. Saadiq Joon oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan ciidamadu marna aqbali doonin in mudda kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu joojiyay kulankii Baarlamanka. Taliyaha ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Rooble in uu la wareego mas’uuliyadda dalka, islamarkaana dhinacyada siyaasadda isku haya dib ugu celiyo Teendhada Afisyooni, si ay u sii socdaan shirarka lagu xallinayo khilaafka arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, wuxu uga digay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe in uusan mar dambe ku hadlin war loo soo dhiibay taasina aan laga aqbali doonin inkastoo uusan xusin cidda warka soo dhiibtay. PUNTLAND POST The post Taliye Saadiq Joon oo sheegay in uu joojiyay Kulankii Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon|) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qorshuhuu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan doorashooyinka qaran ee 2021. Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka. Taliyaba Booliska qeybta gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la geliyo fowdo siyaasadeed. Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u horseedeyao dib u dhac hor leh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye. Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda. The post War deg deg ah: Booliiska Soomaaliya oo joojiyey kulankii maanta ee BF appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goor dhow xilka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo saacado, kahor shaaciyey inuu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare. Farxaan ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Xilka qaadista Saadaq John ayaa timid, kadib saacado uun markii shaaciyey in Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka. Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xoogan ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Taliye Saadaq John oo xil ka qaadis lagu sameeyey appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dhawaan isku shaadhayn sal ballaadhan uu ku samaynayo Xukuumaddiisa, isla markaana uu buuxin doono jagooyinkii ay iska casileen masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumaddiisa, kuwaas oo noqday Musharraxiin u tartamaysa Doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee inagu soo wajahan. Xoggo uu wargeyska Foore ka helayo illowareedyo rasmi ah ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu maalmaha soo socda uu soo saari doonno wareegto xilka qaadis iyo Magacaabis iskugu jirta,taas oo uu masuuliyiin xilal ka haya Xukuumaddiisa oo iskugu jira Wasiiro, Agaasimayaal iyo masuuliyiin kale uu bannaanka kasoo dhigi doonno,halka qaar kalena uu isku baddel ku samayn doonno. Dhanka kalene xoggaha Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu buuxin doonno jagooyinkii ay iska casileen xubno ka tirsanaa Xukuumaddiisa,kuwaas oo kamid noqday Musharraxiinta u tartamaysa doorashooyinka Wakiillada iyo degaanka. Waxa Kamid ah xilalka bannaan ee la sadaalinayo inuu buuxiyo Madaxweyne Biixi Booskii wasiiraka Wasaaradda arrimaha debada oo uu iska casiley Wasiirkii hore ee arrimaha debada Yaasiin Faratoon, iyadoo si weyn isha loogu hayo cidda iyo masuulka uu u soo xulan doono booskan aadka muhiimka ugu ah Madaxtooyada ee Wasiirka Arimaha Dibadda, kaasi oo la eegi doono inuu hab deegaan booskaasi ugu soo buuxiyo iyo inuu hab aqooneed oo xulasho ah ugu saleeyo. Geesta kalene Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa laga rejaynayaa inuu isku shaadhayntiisa la filayo inuu dhawaan soo saaro uu ku soo dari doono oo uu soo buuxin doonno jagadii Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, taas oo muddo ahayd mid bannaan,kadib markii uu iska casiley Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Jaamac Warsame oo ka mida xubnaha doorkan u tartamaya Kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland. Si kastaba ha-ahaatee Isku shaandhaynta la filayo inuu Madaxweyne Biixi ku sameeyo xukuumaddiisa ayaa si weyn loogu dhegtaagayaa,waxaana la sugayaa buuxinta jagooyinka ka bannaan Xukuumaddiisa, waxaynu sidoo kale dhawri doonaa isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi uu samayn doonno maal-maha inagu soo wajahan iyo masuuliyiinta ay seefta xilka qaadistu ay jiidhi doonnto ama ay saamayn doonto. Dadka siyaasadda ka faalooda ayaa Madaxweyne Biixi ku dhaliila inuu aad ugu liito dhinaca Xulashada, iyagoo tusaale u soo qaata Ragga uu ku taxay Wasaaraddaha ugu miisaanka Culus ee dalka ee baylahda badani ka muuqato iyo sida uu indhaha uga xidho faashilka dul hoganaya wasaaraddo badan oo uu ku maamuusay masuuliyiin lasoo shaqeeyay wakhtigii ololaha. Waxay sidoo kale Madaxweynaha ku dhaliilaan inaanu illaa maanta ka *****n balanqaadkiisii ku salaysnaa dawlad hawlkar ah oo bulshaddu ku diirsato, balse uu la shir yimid xukuumaddii ugu liidata abid xukuumaddihii dalka soo maray. Isku shaandhaynta ku soo aadan wakhtiga yar ee uga hadhay Xilkiisa ayaa la eegi doonaa inuu boodhka ka jafo wasaaraddo badan oo bulshadu dhabanada la haysato dayacnaanta baahsan iyo hungadda ragga uu masuulka uga dhigay. Source
  9. Somalia on Sunday received 200,000 doses of Sinopharm vaccine donated by China to boost the war against COVID-19 pandemic in the Horn of African State. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Siti)-Dagaalladii dhawaanahan xadka deegaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada qowmiyadood ee deriska ah ayaa waxaa ku barakacay boqollaal qoysas ah. Barakacayaasha oo ku sugan dulleedka tuulooyinka ay dagaallada ka dhaceen ayaa sheegay inay halkaasi ku haysato macluul iyo biyo la’aan daran. Deeqa Axmed Cawaale oo barakacayaashaasi ka mid ah oo haatan ku sugan duleedka magaalada Caddeyti ayaa BBC u sheegtay in ayna heysan hoy, isla markaana ay waajahayaan biyo iyo cunto la’aan. Waxaa dhawaan Magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti. Source
  11. Waxaa socda Abaabulka kulan sy yeelanayaan Xildhibaanada wakhtigoodu dhamaadey, kulanka oo la sheegey in looga doodayo Arimaha Doorashada. waxaa jira warar isasoo taraya oo sheegaya in Ajande qorsoon uu jiro kasoo ah mudo kororsi uu wado Gudoomiyaha Baarlamaanku. Inkastoo laga digay mudo kororsiga hadana waxaa shaki weyn laga qabaa in Villa Soomaaliya ay ka go’antahay iney Baarlamaanka kasoo dhameystaan mudo kordhin khasab ah. Maalmihii u dambeeyay waxaa lagu guul daraystay in miiska Wadahadalka la isugu keeno Madaxda Soomaalida, iyadoo Dhanka Villa Soomaaliya laga quustay inay yimaadaan Afisyooni si Wadahadalku usii socdo. Puntlandi.com Muqdisho The post Baarlamaanka oo maanta la horgeyn doono mudo kordhin appeared first on . Source
  12. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka digayaan muddo kordhin aan sharci ahayn iyadoo wali ay socdaan wada hadalladii doorashada. Wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qorsheynayo in uu waqtiga dheereysto, taasoo keeni karta ayuu yidhi cawaaqib aan wanaagsaneyn. ”Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in xiligan dalkan diyaar u aheyn in uu qaado, boob doorasho, wali dowladnimadeenu waa curdan waxey u baahan tahay in la ilaaliyo, waxaa nasiib darro ah iyadoo ay ku beegan tahay maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed 12ka April, in madaxtooyada Soomaaliya ka fikireyso sidii ay waqtiga ku dheereysan laheyd” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Shakiga uu muujinayo madaxweynihii hore iyo ee guud ahaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa imanaya xili farriimaha loo diray xildhibaannada Baarlamaanka lagu sheegay in kulanka maanta ajandihiisu yahay mooshin la xidhiidha doorashada Soomaaliya. Waxaa si weyn isha loogu hayaa ugu danbeyntii go’aamada fashiga Golaha ee maanta iyo xildhibaannadu u codeeyaan muddo kordhin loo sameeyo hay’addaha dastuuriga ah ee dowladda. Source
  13. Three people have been killed and a police reservist seriously injured in fresh attacks along the Isiolo-Garissa border. Source: Hiiraan Online
  14. Maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay u dabaal-degayaan 61 sano guuradii ka soo wareegatay aasaasitaankooda. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Ciidanka Xoogga: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. 1960: Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale. Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka. Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka. Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh, inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida. Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo ahaa askar la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska. Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah. Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”, “Joogso”, “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah. Pan-Somalism(Somaliweyn): July 1, 1960: Waxaa Xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii midowday. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan. Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud. Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD. Dagaallada: 1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane. 1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah, waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban. Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka hogaaminayey waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in xabashida ay si lama filaan ah u jabtay, ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka Mengistu Haile Mariam. Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashiga tiiyoo keentay in ciidanka xoogga dalka uu soo jabo. Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii Ka Hor: Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa. 1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib. Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa: Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Cumar Xaaji Massalle, Maxamed Xersi Morgan iyo Aden Gabyow…. Waxaa xusid mudan in Jaalle Siyaad uu ciidanka taliye u ahaa min 1969-1991-dii. Wasiirradii Gashaandhigga: 1960-1969: Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Sheekh Cali Ismaaciil, Hilowle Macali Maxamed, Aden Isaq Axmed, Cabdiraxman Xaaji Muumin, Xaaji Yusuf Imaan Guuleed. 1969-1991: Salaad Gabeyre Kadiye, Maxamed Cali Samatar, Aden Cabdulahi Nur Gabyow iyo Xuseen Cabdiraxmaan Mataan Tirada iyo Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka waxaa uu noqday ciidanka 3-aad ee ugu awoodda badan Afrika marka laga reebo dalalka Nageria iyo Masar, waxaa uu ku bilowday 8 horin 1960-kii, dagaalkii 1964-tii ciidankeena tiradiisa waxaa ay dad xog ogaal ah ii sheegeen in uu ahaa 4000 iyo xogaa laakin 13 kadib dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed tirada ciidanka xoogga dalka waxaa ay dowladda ku sheegtay ilaa 40,000 oo askari, laakin saraakiil ka tirsan militariga waxaa ay xaqiijinayaan in ciidankeena uu u dhaxeeyay 300,000-500,000, taasi oo ku tuseysa tirada iyo tayada ciidanka. Mishaar: inkasta oo ciidanka xoogga dalka aanu qaadan jirin mushaar badan xiligii Maxamed Siyaad hadana waxaa jiray sababo badan uu ku qanco, tababaro, dalacsiin, raashiin lacag la’aan ah iyo isagoo aaminsanaa in uu difaacayo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa. 1991: Burburkii dalka waxaa dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, ciidanka xoogga gooni uma istaagin oo waxaa ay ku dhex milmeen qabaa’ilkii, waxaa meesha ka baxay heybaddii ciidanka. 2000: Wixii ka dambeeyay Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa bilaabay in uu dib la isugu yeero ciidanka xoogga dalka isagoo taliye u magacaabay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wixii maalintaas ka dambeeyay ciidanka xoogga dalka waxaa uu u jiraa magac ahaan laakin in uu noqdo ciidan awood leh waxaa ay u baahan tahay waqti iyo dulqaad. Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka malaha shakhsiyaddii hore, lama yaqaano tirada rasmiga ee ciidanka, waxaa kala badan inta mishaariga ah iyo inta rasmiga u shaqeysa, wax badan ayaa isku qasan oo ay ka mid tahay”waa kuma cadawga Soomaaliya?,disibiliinka ciidanka waa arin kale oo ka hadal u baahan, waxaase hubaal ah in ay jirto meel wax laga bilaabi karo haddii la helo hogaan diyaar u ah. Waxyaabaha awoodda ciidanka hoos u dhigaya waxaa ka mid ah mishaar xumo, maamul goboleedka oo jiidanaya taliyeyaashii khibradda lahaa, cunaqateynta hubka ee dalka saaran iyo hadaf la’aanta hogaanka dalka ee ku aadan qarameynta ciidanka iyo damaanad-qaadka mishaar, tababar iyo qalabeyn joogta ah. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
  15. Golaha shacabka waqtigiisu dhammaaday ayaa maanta la hor geynayaa mooshin looga doodayo doorashada qaranka iyo ismariwaaga taagan. Farriin xalay loo diray xildhibaannada ayaa lagu sheegay sidan: M.ne Xil Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha 1. Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka Saacadu waa 09:00 subaxnimo Musharax madaxweyne Sheekh Shariif oo la hadlay saxaafadda waxyar kadib markii farriinta la diray ayaa sheegay in aan la aqbali karin wax muddo kordhin ah isaga oo intaa ku daray in gogoasha Afisyooni ay weli fidsan tahay, waxaa uuna Farmaajo kula taliyey inuu kusoo laabto wada hadalada doorashada. Beesha caalamka qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegay in aaney aqbali doonin doorasho hal dhinac ah, isbarbar socda ama qalalaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) - Security in Mogadishu has been tightened on Monday morning, with additional troops being deployed on all main roads in the city. The security build-up comes as federal lawmakers are expected to convene a parliamentary session. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - Security in Mogadishu has been tightened on Monday morning, with additional troops being deployed on all main roads in the city. The security build-up comes as federal lawmakers are expected to convene a parliamentary session to discuss the electoral crisis. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey in marnaba uusan taageeri doonin mudo kororsi, xilligaan loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaalliya. Madaxweyne Qoor Qoor oo wareysi siiyey TV-ga Somali Cable, ka hor inta aanu baarlamanka ku dhowaaqin kulanka maanta ee muddo kordhinta, ayaa sheegay in uusan maqlin wax mudo kororsi ah, markii laga reebo wararka xanta ah, isla markaana warar aan xaqiiqo uusan wax weyn ka soo qaadin. “Dalku xilli doorasho ayuu ku jiraa, mana qabo inuu dhici karo wax la yiraahdo mudo kororsi saxna maaha, dalku doorasho ayuu gelayaa waan ku kalsoonahay, dad ayey eedo ku raaci doonaan si kasta oo wax loo qorxiyo, cid kasta oo taako ku ah doorashada dalka waxaan u rajeynayaa inay ka waantowdo oo dalka iyo dadka loo tanaasulo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii uu shaaciyo musharaxnimadiisa madaxweyne Farmaajo uu ula sinaa doono musharaxiinta kale ee kula tartami doonta xilka madaxtinimo. Mar wax laga weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo lagu cadaadiyo inuu saxiixo waqad qeexeysa awoodiisa, maadaama doorasho lagu jiro, isaguna uu musharax yahay waxa uu ku jawaabay, “Dadkan waxaa kala hagi kara shuruucda dalka, Madaxweyne Farmaajana sharciga kama weyna, hadii uu awoodiisa dhimi karo, macnaheedu waxay tahay waana dheereysa karaa, awoodaasna cid leh ma jirto meel ay ku qorantahayna ma jirto.” Hoos ka Daawo The post Daawo: Madaxweyne Qoor Qoor oo si cad uga horyimid muddo kordhin la sameeyo appeared first on Caasimada Online.
  19. Xubnaha midawga Musharixiinta ayaa ka digay muddo kordhin loo sameeyo Hay’adhaa dowladda . Midawga oo Kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka . Musharixiinta ayaa kaga digay Baarlamaanka in ay Farmaajo u sameeyaan Muddo kordhin . Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi “Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid” ayuu yiri Sheekh Shariif. Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya Ex. Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si adag uga digay in wakhtigan mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka. “Waxaan aaminsanahay in ay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid”ayuu yiri Shiikh Shariif. Sidoo kale, wuxu sheegay in Soomaaliya aysan maanta qaadi karin mudda kordhin iyo boob-doorasho midna, marka loo eego dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, islamarkaana ay tahay in laga fekero cawaaqibka xun ee ka dhalan kara tallaabadaas. “Dalkaan ma qaadi karo xil kordhin iyo boob doorasho, dhaqaala ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, waa dal dowladnimadiisa weli ay curdan tahay, oo ubaahan in laga fikiro cawaaqibka xun ee ka dhalan kara talaabooyinka aan ka fiirsashada lahayn ee madaxdii hore ay ku dhaqaaqayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ex. Madaxweyne Shiikh Shariif, ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ku wargeliyay in hoggaanka dowladda Federaalka ee xilligan jira aan lala wadaagi doonin cawaaqib xuma kasta oo ka dhalata mudda kordhin wakhtigaan la sameeyo. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo si adag uga digay mudda kordhin loo sameeyo dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska iyo Nabad-sugidda Soomaaliya, ayaa saaka oo Isniin ah lagu arkay baraha kantarool ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya. Ciidamadan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa ku sugan dhammaan waddooyinka laga galo xarunta Villa Somalia, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Tallaabadan ayaa ku soo aaday, xilli Baarlamanka Soomaaliya uu maanta dood ka yeelanayo mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, oo weli muran iyo khilaaf ka taaganyahay. Wararka qaar ayaa sheegaya in Baarlamanku doonayo in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka ee haatan jira, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin. PUNTLAND POST The post Ciidamo lagu daadiyay dhammaan wadooyinka gala Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  22. Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta dood ka yeelanaya mooshin ku saabsan doorashooyinka madaxtinimada dalka. Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan kulanka Isniinta oo ku saabsan ka doodista mooshin la xiriira Arrimaha doorashooyinka Qaranka. Kulanka ayaa ku soo beegmay, xilli aysan weli dhinacyada siyaasadda Soomaaliya heshiis ka gaarin xallinta muranka ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in Baarlamanku doonayo in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka ee haatan jira, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya mooshin ku saabsan doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ku guul-darreystay tallaabooyin saddex ah oo ay qaadeen oo lagu wiiqayo awoodda Farmaajo, islamarkaana lagu raadinayo xal doorasho oo uusan qeyb ka aheyn, sida ay ogaatay Caasimada Online. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wakiilada beesha caalamka ay ka quusteen in la helo xal looga gudbo is-mari waaga doorashada, oo uu qeyb ka yahay Farmaajo, hase yeeshee qorshayaashooda ayaa waxaa fashilisay madaxtooyada Soomaaliya. Qorshayaashaas oo la damacsanaa in lagu wiiqo awooda Madaxweynaha ayaa kala ahaa 1- Saaxiibada Caalamka ayaa isku dayay in hoggaanka doorashada Soomaaliya uu la wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, islamarkaana ay qeyb kala noqdaan maamul gobaleedyada dalka, taas oo ugu dambeyn la sheegay in ay ka socon weysay dhinaca Rooble kadib cadaadis uga yimid Villa Somalia, si uu u diido. 2- Beesha Caalamka waxay isku dayday in ay heshiiyaan maamul gobaleedyada dalka islamarmaana go’aan mid ah ka qaataan arrimaha la isku hayo ee doorashada, waxaana kulamadii dhici lahaa ka baaqday maamulada taabacsan Villa Somalia oo lagu cadaadiyay in aysan ka qeyb gelin. Haddii maamulada heshiin lahaayeen waxaa meel cidlo ah kusoo dhici lahaa madaxtooyada oo u muuqan laheyd caqabadda doorashada. 3- Beesha caalamka waxay isku dayday in khilaafka doorashada Soomaaliya ay kala hadasho Guddoonka Golaha Shacabka oo cabsi weyn laga qabo in uu ku dhaqaaqo muddo korarsi, waxaana la sheegay in arrintaasna sidoo kale socon weysay kadib cadaadis kale oo la saaray guddoonka Golaha Shacabka, isagana u dhego nuglaaday. Tallaabooyinka beesha caalamka ayaa keenay in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay qoraal u dirto Golaha Ammaanka, kaasi oo looga digay “faro-gelinta” arrimaha doorashada. Waxaa taasi xigay in xalay uu baarlamanka shaaciyey in maanta uu dhacay kulan looga hadlayo “doorashooyinka qaranka,” lana rumeysan yahay in muddo kordhin lagu sameynayo, waxaana muuqata in saameyntii beesha caalamka ee Soomaaliya ay daaqadda ka baxday. The post Xog: 3 qorshe oo ay wadeen beesha caalamka oo ay fashilisay madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
  24. CAIRO (Reuters) - Egypt and Sudan on Saturday rejected an Ethiopian proposal to share data on the operations of its giant hydropower dam on the Blue Nile after negotiations between the three countries in Kinshasa this week ended without progress. Source: Hiiraan Online