Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay mudda kordhinta ay u sameeyeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka kaas oo dalka looga hirgelinayo doorashoq qof iyo cod ah kadib laba sano oo mudda kordhin ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbaantahay dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay mudda kordhinta loo sameeyay dowladda appeared first on Puntland Post.
  2. Golaha Shacab oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Qaraarka cusub ee doorashooyinka . Qaraarkan ayaa dhigaya in dalka laga qabto doorasho Qof iyo Cod ah , iyadoo muddo laba sano ah loogu daray hay’adaha Dowladda si dalka doorashadaas uga qabtaan . Inta badan xildhibaanada ayaa cod Aqlabiyad ah ugu gacan taagay , iyadoo in ka badan 140 Mudane ay ansixiyeen Xeerka . Doorashooyinka ay baarlamaanka meel mariyeen ayaa waxa Qaban doona Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka . Source: goobjoog.com
  3. Xildhibaanada Golaha shacabka Barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aamiyey in muddo 2 sano ah loogu daro golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jira. Golaha ayaa u codeeyay in doorasho qof iyo cod dalka laga hirgeliyo laba sano kadib islamarkaana doorashadaas ay qabtaan guddigii madaxa banaanaa ee doorashooyinka Xaliima yarey, sida uu qorayo xeerka Barlamaanku meel mariyey. Sharciga ayaa lagu faray xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dalka in ay arrimaha doorashada uga dambeeyaan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka. 149 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u codeeyay mudda kordhintan loo sameeyay golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay laba sano oo mudda kordhin ah appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Muqdisho)-Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa muddo laba sanno ah ku kordhiyey muddo xileedka hay’adaha dowladda Soomaaliya kadib codbixin ay u qaadeen arrintaas. Kordhinta muddo xileedka ayaa la sheegay inay hab gacan taag ah ugu codeeyeen illaa 149 xildhibaan oo ka qeyb-galay kulankii maanta, kuwaas oo ka dooday sharci gaar ah oo jihaynayo doorashooyinka Soomaaliya. Sharciga la sheegay inuu ansixiyey Golaha Shacabka, wuxuu ka kooban yahay illaa sagaal qodob oo qeexayo sida loo hirgelinayo doorashada. Guddoonka ayaa ku dooday in sharcigaan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka oo siinayo golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeyo nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada . Sidoo kale Guddoonka ayaa soo saaridda sharcigaan u cuksaday qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah, mid toos ah iyo mid qarsoodi ah. Qodobada 5-aad iyo 8-aad ee sharcigan ayaa si toos ah muddo kordhin u siinaya hay’adaha dowladda ee hadda jira. Qodobka 5-aad u qoran sidan: “Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyiska qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madax banaan, muddo aan ka badneyn laba sano oo ka billaabata marka madaxweynaha uu saxiixo sharcigan.” Qodobka 8-aad ayaa ah kan sida gaarka ah u shaacinaya muddo kordhinta, wuxuuna u qoran yahay sidan: :”Hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay waxay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan [Laba sano] qodobka 5-aad ee sharcigan.” Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka uga dambeyso arrimaha la xidhiidha doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka. Sharcigan cusub ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyey uu taagnaa shaki ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saari doono nidaam doorasho oo ka duwan midkii ay isku fahmi waayeen maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa dib u dhaca ku keenay kadib markii taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee gobolka Banaadir uu diiday in maanta uu furmo, inkastoo markii dambe xilka laga qaaday. Halkaan hoose ka akhriso sharciga oo dhameystiran Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharixiinta oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada dalka. Midowga Musharixiinta ayaa si cad u sheegay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay hadda u aqoonsan yihiin inuu yahay “Hoggaamiye Kooxeed” fadhiya Madaxtooyada. Shirka jaraa’id ee midowga musharixiinta ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dalka aysan ka jirin wax sharciyad ah xilligaan, Farmaajana uu la mid yahay hoggaamiye kooxeed fadhiya Villa Somalia . Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ay Farmaajo ka ciidan badnaayeen, islamarkaana ay ka talin jireen qeybo badan oo dalka kamid ah sidaas oo ay tahay ugu dambeyntii laga adkaay. Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa Taliyaha ciidamada Booliska General Xijaar uga digay inuu madaxweyne Farmaajo ku taageero qaab qabiil ah taasna ay dalka u horseedi karto qalalaase. Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu ku jiro halistii ay muddo badan ka digayeen isla markaasna loo baahan yahay in laga gudbo halistaas. Ra’isul wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor taagan yihiin inuu dalka geliyo dagaal sida uu hadalka u dhigay. Kheyre ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan dalka uu mas’uul ka yahay ninka diiday in dalka ka dhacdo doorasho, wuxuuna si cad carabka ugu dhuftay in madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho xor iyo xalaal ah. “Maanta waxay mareysaa in ciidankii Soomaaliyeed ay ku kala qeybsameyn damaca madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, dariiqa uu dalkaan ku wado waa god,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Ugu dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa boggaadiyey go’aankii uu qaatay taliyhii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon. The post Midowga Musharixiinta oo Farmaajo u aqoonsaday “Hoggaamiye kooxeed” appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci gaar ah oo jiheenayo doorashooyinka heer Federaal, wuxuuna shaaciyey in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo Cod ah muddo laba sano gudahood ah, mudadaasna ay sii shaqeynayaan hay’adaha dowladda ee hadda jira Sharciga uu soo saaray Guddoonka baarlamaanka, oo weli laga doodayo, ayaa wuxuu ka kooban yahay illaa sagaal qodob oo qeexayo sida loo hirgelinayo doorashada. Guddoonka ayaa ku dooday in sharcigaan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka oo siinayo golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeyo nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada . Sidoo kale Guddoonka ayaa soo saaridda sharcigaan u cuksaday qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah, mid toos ah iyo mid qarsoodi ah. Qodobada 5-aad iyo 8-aad ee sharcigan ayaa si toos ah muddo kordhin u siinaya hay’adaha dowladda ee hadda jira. Qodobka 5-aad u qoran sidan: “Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyiska qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madax banaan, muddo aan ka badneyn laba sano oo ka billaabata marka madaxweynaha uu saxiixo sharcigan.” Qodobka 8-aad ayaa ah kan sida gaarka ah u shaacinaya muddo kordhinta, wuxuuna u qoran yahay sidan: :”Hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay waxay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan [Laba sano] qodobka 5-aad ee sharcigan.” Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka. Sharcigaan cusub ee uu Maanta soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyey uu taagnaa shaki ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saari doono nidaam doorasho oo ka duwan midkii ay isku fahmi waayeen maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa dib u dhaca ku keenay kadib markii taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee gobolka Banaadir uu diiday in maanta uu furmo, inkastoo markii dambe xilka laga qaaday. Halkaan hoose ka akhriso sharciga oo dhameystiran The post BF oo soo saaray sharci jiheynaya doorashada dalka, horseedaya muddo kordhin appeared first on Caasimada Online.
  7. Waxaa goordhaw si toos ah u bilaabmay kulanka Golaha Shacabka , iyadoo xildhibaanad Baarlamaanka loo qeybiyay sharci gaar ah oo lagu jiheynayo doorashada . Xildhibaanada waxyaabaha loo qeybiyay waxaa ka mid ah In la qabto Doorasho Qof iyo Cod ah oo ay maamusho Guddiga doorashooyinka madaxa baanaan,Biometric, laguna qabto Muddo laba sano ah oo ka bilaabaneysa markuu Madaxweynaha saxiixo . Hoos Ka Akhrsio Warqadaha Jiheynta Doorashada Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Tehran)-Shil ka dhacay xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz Axaddii ayaa waxaa uu sababay ficil “argagixisanimo nukliyeer ah,” waxaa sidaas sheegay madaxda Nukliyeerka Iran Ali Akbar Salehi, sida uu ku warramay taleefishinka dowladda. Salehi ayaa intaas ku daray in Tehran ay xaq u leedahay inay qaaddo ficil ka dhan ah kuwa fuliyey weerarka. Raadiyaha Kan ee Israa’iil, ayaa kasoo xigtay ilo-wareedyo sirdoon oo aan la shaacin dhalashadooda, in sirdoonka Israa’iil ee Mossad ay fuliyeen weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu qaaday xarunta. Goor sii horreysay oo Axaddii ah, afhayeenka Ururka Tamarta Atoomika ee Iran (AEOI) ayaa sheegay in waxyeello gaadhay shabakadda korontada ee xarunta Natanz ay sababtay shilka. Behrouz Kamalvandi, ayaa sheegay in wax khasaare ah ayna ka dhalan dhacdadan. Warbaahinta IRAN ayaa goor dambe sheegay in Kamalvandi uu dhaawac soo gaadhay isaga oo booqanaya xarunta, islamarkaana lug ay ka jabtay, madaxana uu dhaawac ka gaadhay. Xaruntan oo ku taalla saxaraha gobolka badhtamaha ee Isfahan ayaa xudun ah barnaamijka kobcinta uranium-ka ee Iran, waxaana kormeera hay’adda caalamiga ee tamarta atoomika ee IAEA, oo hoostagta QM. Israa’iil oo Iran ku eedeysay inay isku dayeyso inay dhisto hub nukliyeer ah, ayaan wax faallo ah ka bixin dhacadan. Dhacdada ayaa timid maalin kadib markii Tehran oo beenisay inay sameysaneyo hub Nukliyeer ah ay xarunta Natanz ka billowday kobcin horumarsan oo uranium ah. Reuters Source
  9. Mogadishu (PP News Desk) — The Commander of Somali Police Force Major General Abdi Hassan Mohammed fired Brigadier General Sadaq Omar Hassan, the Commissioner of Banadir Regional Police, and appointed Lieutenant Colonel Farhan Mohamed Adan as the new Commisioner for the regional police. Reckless: General Sadaq called for the overthrow of the President of Somalia. Earlier today General Sadaq held a press conference in Mogadishu and claimed that he had adjourned a parliamentary session that was to take place today. Sadaq urged the Somali Prime Minister to overthrow the incumbent President Mohamed Abdullahi Mohamed. Lieutenant Colonel Farhan Mohamed Adan is the new commissioner of Banadir Regional Police The Interior Minister of Galmudug State Ahmed Fiqi expressed support for Sadaq’s claim and subtle attack on the Somali Presidency and the Parliamentary Speaker. © Puntland Post, 2021 The post Somali Police Commander Fires Banadir Police Commisioner appeared first on Puntland Post.
  10. Ex. Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haatan warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu dalka ku sii wado godmadow. Mr. Khayre ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo mudda kororsi aan sharciga waafaqsanayn, kaas horseedi doona fowda iyo burbur ay adagtahay in dib looga soo kabto. Murashax Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidanka dowaldda Federaalka uu soo kala dhex-galay shaki iyo aaminaad la’aan sababtay in aysan wada-shaqayn, taasina ay caddayn u tahay wixi saaka dhacay. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in wax kasta oo maanta dalka ka xumaada uu mas’uuliyadooda qaadan doono madaxweyne Farmaajo islamarkaana aysan cidna la wadaagin. PUNTLAND POST The post Xasan Khayre: Farmaajo dalka wuxu ku sii wadaa godmadow appeared first on Puntland Post.
  11. Sarkaal sare oo Xukumada Farmaajo Xilkii ka eriday+Halka Sartu ka qudhuntay Saadiq John Taliyihii booliska ee Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Saadiq Cumar John ayaa xilkii laga qaaday, isaga oo lagu eedeeyey inuu ku kacay fal ka baxsan anshaxa booliska. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in taliyaha booliiska Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar inuu xilkaasi ka qaaday Saadiq John uuna ku beddelay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole”. Tallaabadan ayaa ka dambaysay hadal uu jeediyey Saadiq John oo uu ku sheegay inuu hakiyey fadhigii uu maanta lahaa baarlamaanka Soomaaliya. Saadiq John ayaa sheegay inuu hakinta baarlamaanka u qaaday si looga baaqsado gacan ka hadal iyo xatooyo dhacda, sida uu hadalka u dhigay. Isagoo ka hadlayey telefiishanka Universal TV, waxa uu Saadiq John sheegay inuu doonayo in dhinacyada siyaasadda isku haya ay heshiis ka gaaraan doorashada oo laga baaqsado muddo korodhsi. Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu la wareego mas’uuliyadda dalka uuna ku cadaadiyo dhinacyada is khilaafsan inay ku laabtaan teendhada oo ay is faham gaaraan, sida uu hadalka u dhigay. Baarlamaanka ayaa lagu waday inay maanta ka shiraan ajande ku saabsan doorashada qaran. Mucaaradkuna waxay xalay ka digeen inay muddo korodhsi samayso dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaran News
  12. Taliyaha Ciudanka Booliska Gobolka Banaadir Saadiq Joon oo maanta shir haraa’id qabtay ayaa baaq u diray Taysal wasaaraha xilkiisu dhamaaday. Saadiq Joon wuxuu yiri “ Raysal wasaare ha noqon mid wax loo yeeriyo, ee Awooda Dalka ka wareeg” Saadiq Joon wuxuu kaloo Fariin u diray Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe wuxuu isna yiri “ Dubbe Warqad dambe oo lagusoo dhiibo ha akhrin, Dadkaagana dhinac ka raac” Sawirka hoostiisa ka daawo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadiq Joon The post Daawo Saadiq Joon “Wasiir Dubbe Warqad dambe oo laguu soo dhiibo ha akhrin, Dadkaaga dhinac ka raac” appeared first on . Source
  13. Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabadii uu saaka qaada Taliye Saaddaq Joon, taas oo uu kaga horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya. “Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey.” Ayuu yiri wasiir Fiqi. “Todobaadkii hore waxay ciidamada Boolisku jidadka ku celinayeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diidayay in barlamaanka ay tagaan, maantana qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba ayadoo tan danbe ay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.” Ayuu sii raaciyay. Hadalka wasiir Fiqi ayaa ku soo beegmay, saacado kooban kadib markii Taliye Saaddaq Joon uu sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka, kana horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladdd inkastoo markiiba xilka laga qaaday. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Galmudug oo taageero u muujiyay Taliye Saaddaq Joon appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano kooban oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan xarunta Villa Hargeysa, kuwaas oo gaaray goor sii horreysay, halka kuwa kalena ay sheegeen in ciidan Boolis ah ay ka celiyeen jidadka. Kulanka ayaan illaa iyo hadda furmin, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal haatan ku sugan xarunta baarlamaanka oo soo tabinaya kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in baaris lagu sameeyey xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacayo kulanka, kadib shaki la sheegay inuu ka dhashay dhanka amniga. Sida uu qorshuhu yahay ajandaha kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka doodista mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo is mari-waaga ka taagan. Sidoo kale siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan kuwa mucaaradka ayaa waxa ay sheegeen in ujeedka laga leeyahay kulanka maanta uu yahay in la sameeyo muddo korrsi horleh. Arrimahan ayaa yimid, kadib markii taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon uu ku dhowaaqay inuu joojiyey kulankii baarlamaanjka, saacado kadibna laga qaaday xilka. Lama oga waxa kasoo bixi doono kulanka baarlamaanka oo ku soo aadayo, xilli xasaasi ah oo lagu kala tegay wadahadaladii ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Soomaaliya ayaa ku jirto haatan xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. The post Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  15. Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyey talaabadii uu saaka qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadiq Joon. Taliye Joon ayaa saaka wuxuu qabtay Shir jaraa’id oo uu ku hor istaagay kulankii Baarlamaanka, wuxuu kaloo Taliyuhu kala diray Baarlamaankii oo uu u sheegey iney shaqadoodii 4 sano ahayd Dhamaatay. Saadiq Joon wuxuu kaloo baaq u diray Raysal wasaaraha oo uu kula taliyey inuu Awooda Dalka la wareegi. Wasiirka Ambiga Galmudug oo isla markaasna ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Axmed Macalin Fiqi wuxuu yiri Sidaan hoose Sawirka hoostiisa ka Akhriso Fiqi oo bogaadoyey Taliye Saadiq Joon The post Wasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyey talaabada uu qaaday Saadiq Joon appeared first on . Source
  16. Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka socda bannaan-bax lagaga soo horjeedo xukunka iyo Xadhiga Kornayl Jaamac Doolaal, oo shalay ay xukuntay Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland. Source
  17. Ciidamada amaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga dhigay habeen hore Marwo Sabaax Cabdi Ibrahim oo ah Xaaska Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa,taas oo aan la ogeyn sababta loo xidhay. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ilaa hadda Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Hay’addaha amaanka oo tafaasiil ka bixiyey xadhiga ay ciidanka boolisku u geysteen Marwo Sabaax Cabdi Ibrahim oo ahayd xaaska Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa. Dhanka kalene Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa si adag uga hadlay xadhiga loo geystay Marwo Sabaax Cabdi Ibrahim oo ah xaaska Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa. Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo la hadlayey Telefishanka Eryal Tv ayaa waxa kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-“Waxa aan u arkaa arrintaa iyadda ah hablihii hore ee la caayayey ayay kamid tahay inantu,isagana Ismaaciil Hurre Buubaa inuu kusoo darro ayaa fiicnayd inta uu inanta xidhanayo.”ayuu yidhi Geesta kale Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu isaguba Hargeysa taageero uga muujiyey Guddoomiyaha aqalka sare ee Somaaliya Cabdi Xaashi “Isaguba sawkii ka hadlaayey ee lahaa Cabdi Xaashi ayaa Wakiil iga ah ee Mahdi yaan la dooranin ee Cabdi Xaashi ha la doorto,saw kuwii reerkii ay uga bannaan baxayeen meesha iyama ayaa saxan. Habeen dhawayd ayay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen haweenaydan xaaska Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo aan la ogayn sababta xadhigeeda , balse dhawaan baraha Bulshada ku baahisay sawirro ay lulayso kuna faanayso calanka Soomaaliya. Source
  18. MOGADISHU (HOL) - Somali Police Commissioner Gen. Abdi Hassan Mohamed Hijar has fired Banaadir Regional police chief Sadak Omar Mohamed shortly after he issued controversial orders warning parliament against conducting further business. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) - Somali Police Commissioner Gen. Abdi Hassan Mohamed Hijar has fired Banaadir Regional police chief Sadak Omar Hassan shortly after he issued controversial orders warning parliament against conducting further business. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay is-bedalka deg degga ah ee lagu sameeyey hoggaanka taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) in uusan qaaban xilka loo magacaabay ee taliyaha Booliska gobolka Banaadir, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay xil gumeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘inuu dhacay gabalka’ madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, loogana baahan yahay in uusan maqlin warkiisa. “Ha qaadan xil gumeed, hana maqlin warka hoggaamiye kooxeed Farmaajo. Ninkaas gabalkiisa waa dhacay,” ayuu yiri Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Is-bedalka deg-degga ah ee lagu sameeyey taliska gobolka Banaadir, ayaa yimid kadib saacado uun markii shaaciyey Saadaq Joon im uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka. Xaaladda soo korortay ayaa uga sii dareysa is mari-waaga taagan doorashooyinka 2021-ka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. The post Mucaaradka oo war kasoo saaray xil ka qaadista lagu sameeyey Saadaq John appeared first on Caasimada Online.
  21. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa haatan xilka ka qaaday Taliyihii Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saaddiq Joon. Dikreeto ka soo baxday Taliye Xijaar ayaa lagu shaaciyay, in xilka laga qaaday Saaddiq Joon, islamarkaana xilkaas loo magacaabay G/dhexe, Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole oo loo dallacsiiyay derejada G/sare. “Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John). Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. Xilka qaadista ayaa ku soo beegmatay, wax yar kadib markii uu hadlay Gen Saaddiq Joon isagoo sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena Ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay in uu talada dalka la wareego. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo xilka ka qaaday Gen. Saaddiq Joon appeared first on Puntland Post.