-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida ay jimcihii maqaal ku qortay jariiradda afka dheer ee New York Times, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa inta aanu helin dhalashada Mareykanka uu horay u heystay baasaboor Canada ah iyada oo intaasi raacisay iney dhici karto inuu dhalashada Mareykanka uga laabtay si hantidiisa wax looga weydiiyo. Sida ay jariiraddu sheegtay Farmaajo waxaa uu helay dhalashada Canada dhammaadkii sideetameeyadii qarnigii tagay, weli lama hubo inuu heysto iyo in kale, laakin waxaa la ogaan doonaa marka uu Villada banneeyo. Isla warbixinta waxaa ku xusan in Farmaajo uu iska celiyey Baasaboorka Mareykanka 2019-kii kadib markii Mareykanka ay wax ka weydiiyeen hantida soo gasho. Dhanka xukun isku dhejinta, warbixinta New York Times waxaa ku xusan in Farmaajo uu 2007-dii uu dagaal ka dhex dhacay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Buffalo sababo la xiriira inuu xukunka isku dhejiyey kolkii ay ka dhammaatay muddadii 2-bada sano ee madaxda u ahaa, waxaa kale oo eedeynta ku jirta wax isdaba marin. Warbixintan lagu daabacay wargeyska ugu awoodda iyo afka dheer galbeedka, waxaa ay dunida tustay in Farmaajo uu Soomaaliya geliyey dagaallo isaga oo sameystay muddo kordhin, in xukunka isku dhejiyana uu taariikh u leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamud Nur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay mudda korhdinta uu sameystay Farmaajo isagoo u soo jeydiyay in uu isku casilo si dhaqso ah . Tarsan ayaa Farmaajo ugu baaqay in uu san magaalada Muqdisho ka bilaabin dagaal , isagoo xusay in dagaalka uusan ku faa’idi donin. ” Haku dag dagin dagaal inaad gashid , Dagaal faa’ido malahan magaaladaan yuusan dagaal ka dhicin , sharciyadaada haku dambeysiinin dagaal iyo bur bur iyo kala tag “. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo ay u furan tahay labo waddo oo keliya waxa uuna yiri ” Karaama iyo sharaf waddanka uga tag waxaan kaa rajeynaya berri markaad Baarlamaanka tagtid in aad iska dhiibtid oo tirahdid soomaaliyey waan soo shaqeyay afar sana soo shaqeyay waxaan rabay wanaag , waxaan rabay in aan waddanka dhiso , aragtideeda lahaa laakiin dadbaa i diiday , waddankiina sidaasan uga tagay ama qodob kale oo waa tartami Ra’iisul wasaaraha ha wado shaqada doorashada ha diyaariyo anne waa Tartami oo muwaadin oo tartamayaan ahay qof kuu diidi karo malahan . Hadalka Tarsan ayaana yimid iyadoo Maanta Khudbad Farmaajo uu ka hor jeedin doono xildhibaanadii 12 April mudda kordhinta u sameeyay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isagoo ku eedeeyey inuu ku fashilmay hoggaanka dalka. Gaas ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo uu ku guul darreystay qabashada doorasho loo dhan yahay, isla-markaana dalka uu galiyey xaalad hubanti la’aan ah. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan sida uu usoo gaabtay mustaqbal siyaasadeed ee Farmaajo. Cabdiweli Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale taageero u muujiyey ciidamada milatariga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay mudan yihiin in la dhiira-geliyo, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku mashquulay kaliya burburinta hanaanka federaalka Soomaaliya, si uu meesha uga saaro, una sameysto koox gaar ah oo isaga xulafo la’ah. Si kastaba hadalkan kasoo yeeray siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweynuhu hortegayo xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana uu ka hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada. The post Cabdiweli Gaas oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta hortagaya Golaha shacabka waqtigooda dhamaaday , si isaga oo qasban uga laabto mudda kordhinta uu samaeystay 12 April . Farriin xalay loo diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu yiri : M.ne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 1da MAY, waxaa jira Kulan Gaar ah. Agendaha 1. Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS Saacadu waa 09:00 subaxnimo”. Lama hubo khudbadda Farmaajo waxyaabaha uu ku soo qaadan doono laakiin waxaa la hadal haaya in ay u badnaan doonto doorashada . GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta uu hortago Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu kala hadli doono muddo kordhintii badhtamihii bishan ee labada sano ahayd. Madaxweynaha oo hadal u jeediyay shacabka, 28-kii bishan Abriil, wuxuu sheegay in Golaha Shacabka uu kula noqonayo arrinta, ka dib khilaaf iyo rabshado ka dhacay Muqdisho oo sababay barakac. Wuxuu yidhi madaxweyne Farmaaji: “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.” Dhanka kale Golaha midowga Musharaxiinta madaxwaynanimada ayaa waxay uga digeen xildhibaanada golaha shacabka inay ku dhaqaaqaan tallaabooyiin wax looogu dhimayo geedi socodka Doorashooyiinka dalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saaray Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysas-kooda. Farmaajo ayaa farriin gaar ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka. “Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi,”. Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay haatan la tacaaleyso xaalad halis ah oo uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo kusoo labo kacleeyey gudaha dalka. “Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada,” ayuu markale yiri madaxweyne Farmaajo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Soomaaliya isku biirsadeen xaalado ka dhashay cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalka iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka. The post Farmaajo: Dalkeenna maanta waxaa uu wajahayaa halis appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin ku saabsan roobkii shalay ka da’ay Hargeysa. Tirada dadka laga soo badbaadiyay Daadadka : 172 Qof. Gaadiidka laga soo badbaadiyay Biyaha Dooxu iyagoo sita : 3 Gaadhi. Guryaha daadku gudaha u galay ee ciidanku u gurmaday : 49 Guri. Gaadiidka khasaaruhu soo gaadhay ee daadku la tegay : 12 Gaadhi. 5.Guryaha khasaaruhu soo gaadhay : 18 Buul iyo hal Jiingad ah. Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay Roobabka maanta ka da’ay magaalada Hargeysa. Sidaas waxaa baahiyay ciidanka dab-demiska Somaliland. Source
-
Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd xaafad ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi. Budhcadda ayaa weerar ku qaaday Muwaadinka Soomaali ah, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo ay doonayeen inay dhac u geystaan, taas oo ku taalla xaafadda Delft, isla markaana u geeriyooday xabbado ku dhacay. Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Daahir Afrax oo loo yaqaanay (Xuseen Cirro), waxaana uu kamid ahaa dadka Soomaalida ee caanka ka ah Magaalada Cape-town. Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo xaafadda Delft tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baadhitaano aan wax natiijo ah kasoo bixin. Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Soomaalida waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Soomaali badan oo lahaa goobo Ganacsi Source
-
Saadaasha Xildhibaannda Ku Soo Bixi Doona Doorashada 31 Bisha May Waxa qoray Cali Gurey AWDAL 13 KURSI Kulmiye 6 Mucaaridka 7 MAROODIJEEX- 20 KURSI Kulmiye 10 Mucaaridka 10 SAAXIL-10 KURSI Kulmiye 5 Mucaaridka. 5 TOGDHEER-15 KURSI Kulmiye. 5 Mucaaridka 10 SOOL. 12 KURSI Kulmiye 5 Mucaaradka 7 SANAAG. 12 KURSI Kulmiye 5 Mucaaridka 7 ISUGEYN 82 KURSI KULMIYE 36 KURSI ~(44.2%) MUCAARIDKA 46 KURSI ~(55.8%) Fiiro Gaar Ah Kuraasida qaarkood waxa laga yaabaa in ay noqdaan jajab oo xisbiba ay wax raacaan markaa ka tirada ugu badani ay raacdo ayaa helaya. Dhinaca kale Gobolada qaarkood musharixiintooda iyo qiyaasta tirada taageerayaashoodu weli hubin ayay u baahan tahay. Markaa Qiyaas-horraadan ugu badnaan qalad +/- (plus/minus) 2 ah in ay ku keeni karto waa suurogal. Siyaasi Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey), ayaa saadaalintan Bixiyey Source
-
Warbixin dheer oo Wargeyska New York Times, ka qoray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda Somalia ee wakhtigan iyo xiisadda siyaasaddeed ee ka dhalatay muddo kordhintii loo sameeyey. Qayb ka mid ah warbixintan oo xiiso lahayd, ayaa ku saabsanayd dhacdo ka turjumaysa hoggaaminta Farmaajo, taas oo ka dhacday Magaaladii uu deganaa ee Buffalo ee gobolka New York. Wargeyska oo ka warramayey Dhacdadan, waxa uu yidhi: “Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya.” Xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka, oo codsaday inaan magacyooda la shaacin si uusan u xumaan xidhiidhka ay la leeyihiin qoyska Farmaajo, ayaa intaas ku daray in murankaas uu horseeday in jaaliyadda ay u kala jabot laba garab, Sheekada ku saabsan arrintan Jaaliyadda ayaa horey marar badan waxaa loogu soo qoray baraha bulshada, hase yeeshee warbixinta New York Times ayaa ah markii ugu horreysay oo ay warbaahin sumcad leh ay arrintan kashifto Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu hortago xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka, isagoo u jeedin doona khudbad ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa maanta oo Sabtiya yeelana kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu codsaday madaxweyne Farmaajo, si looga noqdo mudda kordhintii qalalaasaha sababtay, islamarkaana dib loogu laabto wada-hadalkii arrimaha dooraashooyinka. Xildhibaannada Baarlamanka, ayaa 12-kii April mudda kordhin u sameeyay hay’adaha dowladda, waxaase go’aankaas ka dhashay qalalaase siyaasadeed oo horseeday dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho, taas oo keentay in dowladda ka laabato sharcigaas. Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda isku raacsan in jidka keliya ee furan uu yahay in dib loogu laabto wada-hadalkii socday, si loo qabto doorasho dadban oo ku salaysan heshiiskii 17-kii September. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulmaan ayada oo uu hor-iman doono madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadal u jeedin doona. Farmaajo ayaa la filayaa inuu xildhibaanada ka codsado inay ka laabtaan muddo kororsiga, islamarkaana ay taageeraan heshiiska 17-ka September, si la isugu dayo in dalka uu doorasho galo, ayada oo dib loo furayo wada-hadalladii ku aadanaa dhameystirka heshiiskaas. Hase yeeshee, kulanka maanta ayaa waxaa hareeyey hubanti la’aan iyo cabsi xooggan oo ku aadan in guddoomiyaha baarlamanka uu qaato go’aan qalalaalse kale dalka u horseedaya, isaga oo la shaqeynaya Farmaajo, si la mid ah go’aankii 12-ka April ee muddo kororsiga. Cabsida ugu xooggan ayaa waxay ka jirtaa in la isku dayo in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Rooble, laguna adkeysto muddo kororsiga. Inkasta oo Mursal uu si shaacsan u beeniyey arrintan, haddana guuxa la xiriira ayaa weli ka dhex-jira xildhibaanada, waxaana socda hadal hayn badan. Waxaa suurta-gal ah in kulanka maanta uu ku ekaado hadal jeedinta Farmaajo oo kaliya, laguna kala tago, balse dib loogu ballamo kulan kale oo lagu eegayo arrinta doorashada. Wax kasta oo ay ahaataba, isku day kasta oo al xiriira ku adkeysashada muddo kororsiga iyo xilka ka qaadista Rooble, ayaa dadka siyaasadda fallanqeeya waxay u arkaan is-miidaamin siyaasadeed, oo si buuxda usoo afjari doonta mustaqbalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Mursal. Waa tan koowaadee, Farmaajo hadda ma haysto awood ciidan oo uu xukunka kusii joogo kadib markii ciidamada militariga ay laba u kala jabeen oo qaarkood ay diideen xukun dheereysiga, sidoo kalena dhammaan siyaasiyiinta Mogadishu Clan, oo ay ku jiraan Rooble, Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay diideen muddo kororsiga. Waa tan labaadee, waxay soo afjari doontaa dulqaadka yar ee Farmaajo ugu haray dalalka beesha caalamka qaarkood, kuna qasbi doontaa inay qaataan go’aan looga wareejinayo maamulka doorashada dalka, looguna aqoonsanayo qaswade, laga go’doomiyo caalamka intiisa kale. Haddii arrinta muddo kororsiga ama xil ka qaadista Rooble aysan labadaba dhicin, waxaa suurta-gal ah in baarlamanku laalo muddo kororsiga, laguna laabto wada-hadallo cusub, kadibna sidii lagu yaqaan Farmaajo uu mar kale ciyaaro siyaasad kale oo ila-meereyso ah. Dhinaca kale, inta badan xildhibaanadii horey uga shaqeeyey muddo kororsiga oo ku dhowaa 60 ayaa badankood ka cararay Muqdisho oo dibadaha aaday markii ay soo galeen ciidanka diidan muddo kororsiga, ayaga oo ka cabsanaya in loo beegsado qaladkii iyo sharci-darradii ay sameeyeen ee xiisadda siyaasadeed gelisay dalka, waxaana suurta-gal ah in kooram la’aan ay ku dhacdo kulanka. Si kastaba, Mursal oo marar badan qabtay kulamo sharci-darro ah, sharciya badanno saxiixay ayada oo aanu kooramka buuxin, sida kulankii muddo kororsiga oo ay joogeen kaliya 56 xildhibaan, ayaa mar kale la filayaa inuu kulanka qabto isaga oo sharci-darro ah. The post Waxa laga filan karo kulanka golaha shacabka ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay inaysan ka qeyb-geli doonin shirka arrimaha doorashada ee uu ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo oo khudbad jeediyey habeenkii Talaadada ayaa sheegay inuu maanta hortagayo baarlamanka, si uu uga codsado in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September lagana tanaasulo muddo kororsiga, wuxuuna madaxda dowlad goboleedyada ka codsaday inay shir isugu yimaadaan. Hase yeeshee, wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo shalay ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da, ayaa sheegay inaysan marnaba ka qeyb geleyn shir uu Farmaajo ku baaqay. “Kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado,” ayuu yiri Cabdi Xuseen. Mowqifka Jubaland ayaa ah inay ka qeyb-gasho kaliya shir ay abaabulkiisa leedahay beesha caalamka, oo ay u siman yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si la mid ah shirkii Teendhada Afisyoone. Jubaland ayaa ku biireysa Puntland oo dhawaan iyana sheegtay in ay shuruudo ku xirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka. The post JUBALAND oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan shirka uu ku baaqay FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
LIBAAXA WAA LAGA GARDARNAA Boqorkii Kaynta (The King Of The Jangle) oo qafis bir ah xabsi looga dhigay waxa ku dhacay diiqad ayaa laga furay qufulkii. Ma la yaabuu leeyahay haduu kadinka soo jiidho isagoo xoriyadiisa uu xaqa u lahaa doonaya oo laga qaaday. Ka soo qaad adiga oo qol yar 1mX1m ah noloshaada oo dhan lagu yidhi ku xidhnow! Libaaxyada iyo duur joogta kaleba hadaan dhul u gaar ah oo u seeran laguna xanaanayn karo laguna daryeeli karo caafimaad ahaan aanad u gaar yeeli karayn degaankiisii u ku noolaan jiray in loo daayo ayaa wanaagsan xaq sharcina way u leeyihiin. Markaa Wasiirka Degaanku go’aanka ay ka soo saartay libaaxyada Cali Warancade waa go’aan sharci oo sax ah balse Dabis lafteedu ma tahay meel ku haboon oo loo diyaariyay? Hadii kale waa in dalka laga dhoofiyo iyada oo lala kaashanayo haya’daha caalamiga ee ay khusayso ama danaynaya. Ma jirto cid aan daryeekooda hanan karin ruqsad sharci ahna u haysan oo xaq u leh inay guryahooda qafisyo ku haysan karto oo waxay ku xadgudubtay xuquuqda duurjoogta kuwooda ugaadha ah ama habardugaaga ah. Ta kale maydkiisa in la gubo waxa ka fiicnayd in Aas Qaran loo sameeyo ilayn waa boqor la dilay eh Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray) Qaran News
-
Warbixin:Dhoofinta Jaadka oo la sheegay in lagu soo dhex qariyo Hub,Daroogo & Agab kale oo sharci-darro ah? Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah Warbixin uu soo saaray Macadka Daraasaadka Amniga ayaa lagu sheegay in sharciyada kala duwan ee Jaadka ay u adeegsadaan dalalka Bariga Afrika ay horseedeen sare u kac ku yimid ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada. Sida lagu qeexay warbixinta, bishii March ee sanadkii 2020 ayay dowladda Soomaaliya joojisay duullimaadyada tagaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho sababo la xiriira cudurka Covid-19 ee dillaacay. Hase yeeshee, ugu yaraan labo diyaaradood oo la filayay inay keenyaan gargaarka bani’aadannimo iyo dawooyinka cudurka safmarka ah loogu talogalay ayaa la qabtay iyagoo si qarsoodi ah u dusinaya dhowr tan oo Jaad ah. Duullimaadyadan waxay ka weecdeen garoonka Muqdisho waxayna isticmaaleen garoomada yar yar ee Buuhoodle iyo Jowhar, kuwaasoo baaritaannada laga sameeyo ay khafiif yihiin. Bayaanka kasoo baxay macadka cilmi baarista amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in muddadaas gudaheeda uu dib u furmay qaabkii hore ee loo kala gudbin jiray Jaadka, sidoo kalena lagu lifaaqo badeecooyin kale oo sharci darro ah sida walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxaha loogu yeero argagixisada, iyo sidoo kale gacansi sharci ah oo uu ka mid yahay kalluunka. Marinnada cusub ee ay adeegsanayaan dadka ganacsigaas kala gudbiya ayuu macadku ku tilmaamay dhinaca badda, gaar ahaan Lamu oo Kenya ka tirsan iyo Raas Kambooni oo Soomaaliya ka tirsan. Inta badan dad dambiileyaal ah oo howlo sharci darro ah faraha kula jira ayaa safriya badeecooyinkaas oo qaarkood ay mamnuuc ka yihiin gobolka oo dhan. Qaadka ayaa ka baxa meelo ka tirsan Kenya Khabiir dhinaca la dagaallanka argagixisada ah oo magaciisa la qariyay ayaa laga soo xigtay in mukhalasiinta dadka kala dhoofiya laftoodu ay qeyb ka yihiin socodsiinta ganacsiga Jaadka ee la marinayo waddada dhinaca badda ah. $10 ayuu sheegay in lagu qaado halkii kiilo ee Jaad ah, taasoo toban jibaar ka badan lacagtii horay loo faa’iidi jiray ka hor inta aan la joojinin dhoofinta sharciga ah ee Qaadka. Jaadka oo ah jeed ka baxa waddamada bariga Afrika qaarkood ayaa laga oggol yahay Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti, waxa uuna ka mid yahay ganacsiga maalinlaha ah ee dhaqaalahana laga sameeyo. Dalalka dhoofiya oo ay ka mid yahay Kenya ayaa dakhli badan kasoo xareeya, kaasoo gaaraya ilaa $400,000 maalintiiba, waddanka ugu weyn ee Jaadka Kenya la geeyana wuxuu ahaa Soomaaliya. “Dhamaadkii bishii January, xilli uu sii kordhayay dhaqdhaqaaqa qarsoodiga loogu gudbiyo Jaadka, Soomaaliya waxay mar kale oggolaatay in Jaadka laga soo dhoofiyo Kenya iyadoo shatiyo cusub loo sameysanayo shuruuc hor lehna loo marayo. Wali waa lama gaarin waqti la ogaan karo in oggolaanshahaas uu saameyn ku yeesho kala gudbinta badeecooyinka sharci darrada ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta macadka cilmi baarista amniga ee Bariga Afrika. Caalami ahaan, Jaadka waxaa lagu tilmaamay inuu yahay maandooriye ku biiraya badeecooyinka la mamnuucay. Waxaa jira badeecooyin aan hoos imaanin saddexda qaraar ee caalamka uu ku heshiiyay si loo xakameeyo maandooriyeyaasha, kuwaasoo soo kala baxay 1961, 1971 iyo 1988. Sidaas darteed dalalka ayaa ku kala aragti duwan habka loo wajahayo Jaadka, iyadoo qaarkood ay mamnuuceen kuwo kalena iska fasaxeen. Rwanda oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayuu mamnuuc ka yahay jaadka, qof walba oo lagu arkana wuxuu wajahayaa xarig 7 sano ilaa xabsi daa’in ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $30,000 oo doolar. Muddo qarniyo ah ayuu geedkan ka baxayay Kenya, waxaana jira dad badan oo la qabsaday isticmaaliika, ayna ku adag tahay inay joojiyaan. Hase yeeshee, Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qofka muddo dheer cunayay qaadka ee joojiya ay yartahay saameynta caafimaad ee uu ku yeesho. Tanzania, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Soomaaliya ayaa ah waddamada ay dadka ugu badan ka isticmaalaan Jaadka, halka ganacsato badanna ay nolol maalmeedkooda ugu tiirsan yihiin. Qaran News
-
Ragga & Haweenka Booliska Kenya oo laga mamnuucayo in ay xidhiidh caashaq yeeshaan . Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xidhiidh caashaq iyo guur ahi dhex maro ragga iyo dumarka booliska ah. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga falal dambiyeedyada ka dhasha xidhiidhka caashaq ee askarta booliska dhexdooda. Waxa sidaa sheegay wasiirka arimaha gudaha, Fred Matiangi’, oo ka hadlayey xaflad telefishanka laga baahiyey oo ka dhacday kulliyada tabobarka booliska. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in marka hore amarkan loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya ee kor joogteeya ciidamada nabad gelyadu si uu u ansixiyo. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in dhanka milatariga xidhiidhka noocan ah hore looga mamnuucay in ay is guursadaan askarta kala darajada sareeyaa. “Isha kama lalin karno hadda wixii ka dambeeya dhibaatooyinka ka dhex jira ciidanka nabadgelyada” ayuu yidhi Matiangi’i. Xafiiska arimaha xidhiidhka askarta ayaa isna aad u daba geli doona dhacdooyinka faroxumaynta ah ee ay ka soo dacwoodaan askarta haweenka ahi. “Hadda ka dib, waxay noqon doontaa sharci darro in askari boolis ahi la haasaawo haweenay askariyad ah ama guursado. Hadii ay arintaasi dhacdo na waxa qasab noqonaysa in midkood shaqada ka ruqsaysto” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha oo uu soo xigtay wargeyska The Star. Qaran News
-
Amesterdam (Caasimada Online) – Marwo Zahra Naaleeye Waxay ka tirsan dalad ururka FSAN ee dalka Nederland , caanna ku ah ololaha ka hortagga gudniinka gabdhaha, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaan ” Officier in de Orde van Oranje-Nassau” oo ah abaalmarin ay bixiso boqortooyada dalka Nederland. Abaalmarintan ayaa la siiyaa dadka loo arko in ay door muhiim ah kaga jiraan horumarinta & kor u qaadista wacyiga bulshada, iyada oo Zahra muddo ka badan 20 sanno hormuud u aheyd wacyigelinta dadka magangelya-doonka ah, ee dhinacyada caafimaadka & la socodsiinta shuruucda dalkan. Zahra, ayaan wax ka weydiinay abaalmarintani waxa ay kaga dhigan tahay iyo waxa ay ku muteystay, waxaana ay ku jawaabtay: “Abaalmarintan waxaa la bixiyaa sanad kasta xilliga ay ku beegan tahay dhalashada boqorka, dadka la siiyo waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay bulshada ku soo kordhiyeen, anigu waxaan ku muteystay howlihii adkaa ee aan ka soo qabanay dhanka wacyigelinta iyo tabaradda arrimaha la xiriira ka hortagga gudniinka gabdhaha oo gaar ahaan agaasinkooda masuul ka ahaa.” Zahra oo saxaafadda la hadashay, waxaa kale oo ay ku nuuxnuuxsatay in markii hore shaqadeedu ay ku koobneyd Soomaalida oo keliya, oo ay ka caawin jireen marka ay dalkan soo galaan, la socodsiiyaan shuruucda dalkan, gaar ahaan hooyooyinka oo lagu wargelin jiray in ay mamnuuc tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha. “Dalkan waxaan soo galnay annaga oo habqan ah, oo aynaan wax badan kala socon sharciyada Yurub, annaga oo kaashanayna wasaaradda caafimaadka waxaan ku guuleysanay in dadku ay helaan xogag ku filan oo dhinac walba ah” Ayeey tiri Zahra, waxayna u mahadcelisay ururka Pharos, GGD & Veilig thuis, ururadda bulshada iyo wacyigaliyaasha oo ay soo wada qabteen howlo muhiim ah. Zahra waxaa la weydiiyey waxa ay Soomaalida ku dhaqan Holland kaga dhigan tahay abaalmarinta ay ku guuleysatay.? ” Anigu jinsiyadeydu waa Soomaali, mararka qaar waxaan aragnaa in Soomaalida lagu tilmaamo in ay yihiin ma shaqeystayaal qaata ceyr, sawirkaas ayeey wax ka bedeleysaa, laakiin aniga keliye ma ihi waxaa jira dad badan ee Soomaliyeed oo kaalin muhiim ah bulshada kaga jira, dalkanna magac ku leh, shaqooyin wanaagsana haya” Ayeey tiri Zahra. Zahra waxay sheegtay in dhinacyada ay caawiyaan aysan aheyn Soomaalida keliya, ee sidoo kale ay tababaro siiyaan dadyowga kale ee qaxootiga ah sida wadamada Afrikaanka, Ciraaqiyiinta kurdisha. “inaan dadyowga kale ee ajnabiga caawino waxaan ku helnay qiimo dheeraad ah oo na lagu aaminay, ayna nagu taageereen hay’adihii dowladda, oo ay ugu horreeyso wasaaradii caafimaadka oo nagu taageertay, waxaana u sabab aheyd aqoontii iyo waaya-aragnimadii aan dhaxalnay waqtiga dheer ee aan soo shaqeynay oo aan kasbanay kalsooni” Ayeey tiri Zahra waxayna intaasi sii raacisay in ay tababar siiso shaqaalaha kala duwan caafimaadka ka shaqeeya, arrimaha bulshadaiwm. Zahra waxaa kale oo ay sheegtay in ay ugu baaqayso Soomaalida, in ay joojiyaan caadada duuga ah ee gudniinka gabdhaha “Waxaan la soconaa in weli dalkeenu si xooggan lagaga dhaqmo gudniinka gabdhaha, waxaan juhdi kasta ku bixinay, kuna bixin doonaa sidii loo joojin lahaa dhaqankaasi, qof keligii wax kama qaban karo, waxaan soo jeedinayaa inaan dowlad & shacabba u guntano sidii loo joojin lahaa dhaqankaasi” Ayeey tiri Zahra. The post Zahra Siyaad Neeleeye oo ka hadashay sababta ay ku heshay abaal-marinta appeared first on Caasimada Online.