Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Farmaajo ayaa khudbadiisa isku dul-taagay ‘waddaniyada’ oo uu sheegay inay soo noqotay muddooyinkii dambe, asaga oo tusaale usoo qaatay dhalinyaro badan oo sanadkaan u dabaal-dagayey munaasibada 1-da Luulyo. Waxa uu ka dhawaajiyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, islamarkaana ay tahay in uu muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay. “Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda,” ayuu yiri. “Qabyaaladu umaddeeni waa kala qeybisay, waxayna dhigtay Afrika meesha ugu hooseysa, caddowgeenii iyo shisheeyihii waxay siisay fursad ay nagu sii kala qeybiyaan oo nagu maamulaan.” “Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaan aragnay wadaniyadii oo soo noolaatay. Ogaada dagaalkii waa socdaa! Hadda rajo ayaa ii muuqata in wadaniyadii ay xoogeysaneyso, qabiilkiina uu jabaayo.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in qabyaalada ay tahay mida dib u dhaca ku keentay dalkeena. Munaasibada 1-da Luulyo ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, ayada oo lagu qabtay munaasabadda dabaal-degaas xarunta Tiyaatarka Qaranka. The post Daawo: Farmaajo: Dalkaan waxaa isku haysta laba afkaar oo kala ah waddaniyad iyo… appeared first on Caasimada Online.
  2. Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Ucid F.C.Waraabe oo dab qabsaday & Sababta+Khasaaraha Gaadhey Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday laba qol oo ka mida hoyga uu degenyahay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali WEaraabe oo ku yaala xaafada Masalaha. Dabka ayaa ka bilaabmay laba qol oo ku yaalla banaanka guriga, kuwaasi oo kala ahaa Istoodh iyo qolka Ilaalada guriga, waxaana ciidanka Dab-demiska oo goobtaas markiiba gaadhay ay dabkii ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay. Ciidanka ayaa badbaadiyay guriga intiisa kale oo ahaa laba dabaq hantidii taalay iyo saddex gaadhi. Sababta dabkan dhalisay ayaa goobjoogayaashu ciidanka u sheegeen in Ilmo yari ku gubay Leetar. Hawgalkan waxaa ka qayb qaatay ciidanka dab-demiska degmada Maxamuud Haybe iyo ciidamada Taliska guud , sidoo kalena waxaa gurmadka lagu galay Shan gaadhi oo dab-demis ah. Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaas goob joog ka ahaa, waxaa iyaguna ka qayb ahaa xubno ka mida saraakiisha iyo ciidanka labada xarumood. Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay ciidamada dab-demiska isagoo sheegay in markii ay dalbadeenba gurmadka ciidanku soo gaadheen, isla markaana damiyeen goobtii dabku haystay, sidoo kale dabkaa ka badbaadiyay qaybaha kale ee dhismaha. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaasi oo lagu sheegay in gobolka uu canshuur sharci darro ah kusoo rogay goobaha waxbarashada. Maamulka gobolka ayaa beeniyay inay canshuur dul dhigeen goobaha waxbarashada, islamarkaana ay ciidamo u adeegsadeen in amarka canshuurta la dhaqan-geliyo, sida lagu sheegay qoraal ururka jaamacadaha kasoo baxay Taladaada. “Waxaa xaqiijinayna inaysan jirin canshuur uu maamulka gobolka Banaadir ka qaado goobaha waxbarashada, haddii ay noqon laheyd dugsiyada hoose/dhexe iyo jaamacadaha intaba, aysan jirin wax ciidan ah oo maamulka u diray goobaha waxbarashada si ay canshuuro uga soo qaadan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in hadalka Ururka Jaamacadaha kasoo baxay uu yahay mid aan loo meel-dayin, ayna hubiyaan cida canshuurahaa ka qaadeysa. Maamulka gobolka Banaadir ayaa xusay in goobaha waxbarashada dalka ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin, islamarkaana ay u taagan yihiin sidii ay gacan u siin lahaayeen goobaha waxbarashada ee gobolka. Hadalkaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii uu Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed soo saaray qoraal uu kaga cabanayo canshuur ay sheegen inay kusoo rogeen maamulka gobolka Banaadir. The post Video: Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay arrin culus oo lala xiriiriyey appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu said they have arrested a gang of robbers among them one of the two who was captured by CCTV camera robbing a phone shop after brandishing a pistol. Source: Hiiraan Online
  5. A Tigray leader’s letter gives a dire account of deaths and looting in his district in Ethiopia, which is cut off from aid. The letter, dated June 16 and obtained by the Associated Press, reveals the devastating effects of the war between Ethiopia’s forces supported by Eritrea and former leaders of the Tigray region. A health official confirmed the letter that described the looting of 5,000 homes, at least 440 deaths and at least 558 victims of sexual violence, according to the Associated Press. “There is no access to clean water; electricity, phone communication, banking, health care, and access to humanitarian aid are blocked,” Mai Kinetal district leader Berhe Desta Gebremariam said. “People are unable to move around to save their lives because Eritrean troops completely put us under siege with no transportation, and people are condemned to suffer and die.” Berhe warned that without aid 2021 and 2022 will be devastating for the region and said Tigrayans “are falling like leaves.” The plea arrived from a remote area that had so far produced only rumors and residents fleeing for their lives. Help us, the letter said, stamped and signed by Berhe. At least 125 people have already starved to death. People are trapped in one of the most inaccessible areas of the conflict-torn Tigray region, beyond the reach of aid. The letter is a rare insight into the most urgent unknown of the war between Ethiopian forces backed by Eritrea and Tigray’s former leaders: What’s the fate of hundreds of thousands of people cut off from the world for months? As the United States warns that up to 900,000 people in Tigray face famine conditions in the world’s worst hunger crisis in a decade, little is known about vast areas of Tigray that have been under the control of combatants from all sides since November. With blocked roads and ongoing fighting, humanitarian groups have been left without access. A possible opening emerged this week when Ethiopia’s government announced an immediate, unilateral cease-fire after Tigray fighters re-entered the regional capital and government soldiers fled. An official for the United States Agency for International Development told U.S. lawmakers on Tuesday that some aid groups were expected to test the cease-fire immediately in an effort to reach remote areas. However, it isn’t clear whether other parties in the conflict, including troops from neighboring Eritrea accused of some of the war’s worst atrocities, will respect the cease-fire. A Tigray spokesman rejected it as a “sick joke” and vowed to fully liberate the region. The letter that reached the regional capital, Mekele, this month from the cut-off central district of Mai Kinetal was just the second plea of its kind, the health official who confirmed it said. The first had been a message from Ofla district reporting 150 deaths from starvation, which the United Nations humanitarian chief shared in a closed-door session of the U.N. Security Council in April, bringing an angry response from Ethiopia’s government. But the letter from Mai Kinetal is different, the health official said, offering badly needed, well-compiled data that lay out the devastation line by line: Thousands of livestock have been taken. Tons of crops have been burned. Looted farmers in the largely agricultural district have been left without the seeds to grow food, Berhe wrote. The one aid delivery to Mai Kinetal that wasn’t blocked was based on a badly outdated 1995 census, meaning half the district’s residents were left out. Residents had been coming by foot from Mai Kinetal with word that people were starving, the Tigray regional health official said, speaking on condition of anonymity for fear of retaliation. But the letter confirms the details and extent of the crisis. “It’s so terrible. It’s so terrible,” he said. “We know that people are dying everywhere.” Other unreachable districts remain silent, he said, as phone services are cut in much of Tigray. Asked about Mai Kinetal, a senior U.N. humanitarian official called it “an especially critical area for us to reach” and confirmed to the AP that aid had not made it into the district, and a number of others, since the conflict began. Overall, the U.N. estimates that 1.6 million people remain in Tigray’s hard-to-reach areas, and the U.N. children’s agency last week warned that at least 33,000 severely malnourished children in hard-to-reach areas face the “imminent risk of death” without more aid. But humanitarian workers warn that the situation is especially fluid now amid some of the fiercest fighting yet. Even the unilateral cease-fire announced this week is designed not to last. Ethiopia’s government says it will end once the farming season in Tigray is over, which means September. How needed seeds and other supplies will reach farmers across the region in time is not clear. For Tigrayans with loved ones trapped inside inaccessible areas, the lack of information has meant months of fear and despair. “Every time I get to talk to someone who managed to flee from the area, it’s like a round of pain and shock again and again,” said Teklehaymanot G. Weldemichel, a diaspora Tigrayan from Mai Kinetal. He said his family home there had been shelled at the beginning of the war, and his parents later returned to find every item in the house taken by Eritrean soldiers, even photo albums and frames. One resident who fled to Sudan, Kibreab Fisseha, told the AP that a cousin with diabetes who stayed in Mai Kinetal had died because of lack of food. “Both my parents are still there,” Kibreab said. “They are hiding in the house and I hope they are fine until help comes.” Another Mai Kinetal resident told the AP he has been able to speak with his mother just once since the war began, in a short conversation about a month ago before phone service disappeared again. “I have been calling ever since the war started,” he said, giving only his first name, Tsige, to protect his family. He said his mother described fierce fighting as Eritreans took control of their village and many people fled. Tsige’s father, in his 70s, was among those too old to leave. Eritrean soldiers one day came to the house and asked him to bring them water. He did, and the soldiers later spared him. But other residents who were found during house-to-house searches and suspected of links to the Tigray fighters were killed, Tsige said. Homes abandoned by fleeing families were burned. When another relative refused to hand over his cattle to Eritrean soldiers, they slaughtered him in front of his grandson, Tsige said. In all, he knows at least 11 people in Mai Kinetal who have been killed, including a deaf man in his 70s. “Every day could change the lives of my family,” said Tsige, who is studying in Japan and feels helplessly far away. “I have to prepare for the worst. Every few minutes you think about your family, are they alive?” Tsige is too young to know the famine that ravaged Ethiopia, especially the Tigray region, amid conflict in the 1980s and shocked the world, but he grew up hearing about it from his family. He pleaded for the international community to act and for Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed to “be a human person” and end the war. “It’s happening now again, and we’re just watching it happen,” Tsige said. “I don’t want to see a documentary filmed after my family has died. I want action now.” Source: Newsweek The post Tigray District Leader Offers Dire Account of Deaths, Looting in Region Cut off From Aid appeared first on Puntland Post.
  6. Haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya doorashada sanadkan 2021-ka ayaa qiimo dhimis loo sameeyey xagga isdiiwaangelinta iyada oo laga dhaafay kala-u-bar. Golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay in haweenka laga qaado 50% inta raga laga qaadayo sida in golaha shacabka ay bixiyaan $5,000 halka aqalka sare ay bixin doonaan $10,000. Guddigii uu Farmaajo ka midka ahaa ayaa sanadkii hore haweenka ku kordhiyey lacagtii laga qaadayey, taas oo hadda u muuqato in laga noqday. Waxaa xusid mudan in 2016-kii ay haweenka aqalka hoose bixiyeen $2500 halka aqalka sare bixiyeen $5000, laakin heshiiskii October sanadkii hore ayaa ka dhigay aqalka hoose $10,000 iyo $20,000 senate-ka ah. Golaha wadatashiga qaran ayaa adkeeyey in ay ka go’antahay ilaalinta kootada 30% ee haweenka. Doorashadii hore ee 2016-kii waxay haweenka heleen 84 oo aheyd 24% . Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadkan olole ugu jira iney helaan 30% iyo ka badan, laakin waxaa jira caqabad ay kala kulmayaan beelaha qaar, kuwaas oo diidan iney gabar matasho. Guddiga cusub ee doorashada dadban ayaa looga fadhiyaa iney ku qasbaan beelaha, gaar ahaan kuwa saddexda kursi leh iney mid haween noqoto, waxaa la ogaan doonaan guddigan iyo midkii 2016-kii kan ku roonaada soo dhicinta xuquuqda haweenka ee 30% . Cabdicaziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Xoghayaha Arrimaha Dibedda dowladda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku boorriyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan ku dhammaystiraan hannaanka doorashooyinka dalka “Waxaan ku baaqayaa in la sii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada federaalka, si taasi ay u suurta-galiso dhammaystirka hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay, islamarkaana daah-furan, sida ugu dhakhsaha badan uguna suurta-galsan.” Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdisa ay faraxsan tahay inay sii waddoo taageerada ay siiso dadaallada madaxda Soomaalida ee ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah. Jadwalka cusub ee doorashada ee la soo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 10-ka October 2021, iyada oo midda xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka la dhammaystirayo ugu dambayn 20-ka September, sida qorshuhu uu yahay. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo Baaq ka soo saartay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. ONCE THE history of Ethiopia’s latest civil war is written, the battles of June could well be recounted as one of the great rebel victories of recent years. For it will explain how a group of insurgents in the mountains of Ethiopia’s northern region of Tigray routed two of Africa’s largest armies, Ethiopia’s and Eritrea’s, to reclaim Mekelle, their capital. As the sun set on June 28th—seven months to the day after Abiy Ahmed, Ethiopia’s prime minister, declared victory over the ruling party in Tigray as his troops occupied Mekelle—Tigrayans came onto the streets to celebrate the flight of federal troops. Officials appointed by Abiy’s government to run the region were whisked out of town as if from a crime scene. “There are celebrations in every house in Mekelle,” said Haile Kiros, a teacher in the city, before phone lines were cut. The recapture of Mekelle marks a turning point in an atrocity-filled war that Abiy had thought would last just a few weeks. It has not only scuppered Abiy’s attempt to bring Tigray to heel by force of arms, but also threatens to break up the fractious ethnic federation that makes up Africa’s second-most populous country. The fighting in Tigray started in November amid a struggle for power between Abiy and the Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF), the region’s ruling party. The TPLF had controlled the central government for almost 30 years until it was ousted by the protests in 2018 that ushered Abiy to power. At first the TPLF seized control of much of the army’s heavy weaponry by attacking federal bases in the region. But the pendulum soon swung in Abiy’s favour. Federal forces, backed by air power and soldiers from neighbouring Eritrea, swiftly captured the big towns and cities. Yet the fighting soon degenerated into a grinding guerrilla war as fighters of the self-styled Tigrayan Defence Force (TDF) took to the hills, much as their grandfathers had in a successful insurgency in the 1980s against the Derg—a communist dictatorship—and as their fathers had in a conventional war against Eritrea in 1998-2000. Some Tigrayans were provoked into taking up arms by murders and rapes, many committed by Eritrean forces whom UN officials also accuse of attempting to starve Tigray into submission. Then in mid-June the TDF’s fighters came back down from the hills under the command of Tsadkan Gebretensae, a veteran Ethiopian army chief who had been at the helm during the war with Eritrea, to launch “Operation Alula”, named after a 19th-century general. At first few observers believed the TDF when it claimed to have defeated several Ethiopian and Eritrean divisions and taken thousands of prisoners in a succession of battles on the roads to Mekelle. The Ethiopian government insisted it was in full control of the region and was mopping up sporadic resistance. But the truth was exposed when, as quickly as they had arrived, Ethiopian troops left, pausing only to dismantle telecommunications equipment and raid a UN office. With Ethiopian and Eritrean troops scrambling towards the exit, the federal government announced a unilateral ceasefire on June 28th, ostensibly on humanitarian grounds. More probably it was an effort to mask the defeat of its forces and allow them time to retreat (just days earlier Ethiopia’s deputy prime minister had told Western ambassadors for the first time that his government wanted a ceasefire and peace talks). But the TDF is in no mood to halt its offensive. Its spokesman called the government’s ceasefire a “sick joke” and said the TDF would continue pursuing “enemy” forces. Some Tigrayan leaders have threatened to fight on northwards, towards Asmara, Eritrea’s capital, and westwards, towards the border with Sudan, intending to expel militia forces from the neighbouring region of Amhara. By June 30th the TDF appeared to be in control of most of the region, including the towns of Axum, Shire and Adwa (see map). The most urgent concern of all parties ought to be to ensure aid agencies are able to get access to Tigray, where up to a million people face starvation because they have been unable to plant crops and because Eritrean and Ethiopian forces have not allowed in sufficient supplies of food. Yet Will Davison of the International Crisis Group, a think-tank based in Brussels, sees indications that officials in Abiy’s government plan to continue to blockade Tigray, allowing in some aid but little else. If so the TDF may seek to break the blockade by fighting for access to the Sudanese border or trying to topple the government in Eritrea. Abiy, happily, has much to gain by lifting the blockade and starting talks, beyond ensuring the wellbeing of Tigrayan civilians. For a start it would help to repair his relationship with Western governments, whose support he needs to rebuild and get Ethiopia’s battered economy back onto its previous path of rapid growth. By its own admission Ethiopia’s government has spent about $2.3bn on the war. Because of its concerns about war crimes, America has asked the IMF and World Bank to withhold economic assistance. America has also pressed the United Arab Emirates, which has provided Abiy’s government with financial support (and possibly arms), not to bail it out. Diplomats are also concerned about the risks of the conflict spreading beyond Tigray’s borders. Eritrea’s dictator, Issaias Afwerki, may well already be regretting his decision to join the attack on Tigray, largely to settle scores with the TPLF, which had humiliated him in the border war. A second trouncing at its hands is unlikely to strengthen his hold on power. Another concern is a deterioration in relations between Sudan and Ethiopia. Since November the Sudanese army has been skirmishing with Ethiopian forces, Amhara militiamen and at least some Eritrean troops over a disputed area of farmland on the border and over a huge new dam under construction on the Blue Nile. In a speech on June 30th Abiy suggested his forces had withdrawn from Tigray in part to redirect their attention toward the Sudanese front. “Another force threatens us and we need to prepare for that,” he said. Still, the deepest concern of Western diplomats and other countries in the region is the stability of Ethiopia’s fragile ethnic federation. Although TPLF leaders have yet to call for secession, many young Tigrayans now champion it unambiguously. “The only way is for independence,” says Tekleberhan Weldeselassie, an Ethiopian air-force pilot who fled abroad at the start of the war. “We Tigrayans will never stay together with Ethiopia.” Abiy now has the almighty task of convincing them to do just that. Source: The Economist The post Tigrayan forces have routed the Ethiopian army appeared first on Puntland Post.
  9. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken oo farriin la xiriirta maalinta xoriyadda usoo diray Soomaaliya ayaa baaq ku aadan doorashada u jeediyey madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada dalka. “Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, waxana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 61-aad ee xoriyaddiina. Waxaan ku faraxsannahay inaan sii wadno taageerada aan siino dadaalladiina ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri Blinken. “Munaasabaddan darteed, waxaan boorinayaa in lasii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si taasi ay u suurta-galiso dhameystirka hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan, sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan,” ayuu yiri Blinken. Blinken ayaa intaas ku daray in tani ay muhiim u tahay in la xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. Doorashada Soomaaliyeed oo dhowr goor oo horey uu dib u dhac ku yimid, ayaa waxaa hadda la qorsheeyey in ugu dambeyn lasoo geba-gebeeyo 10-ka October, markaasi oo ah xilliga la dooranayo madaxweynaha, inkasta oo shaki badan uu ku jiro in jadwalka cusub uu hirgeli karo, dib u dhac la’aan. Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dalalka taageerada ugu badan siiyaa Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalkii ka hortagay isku-daygii muddo kororsi ee Farmaajo, kadib markii ay ku hanjabtay cunaqabteyn iyo xayiraado kale, oo ka dhan ah kuwii u lugta lahaa muddo kororsigaas fashilmay. Mareykanka ayaa hadda qorsheynaya inuu Soomaaliya dib ugu soo celiyo in ka badan 700 oo askari oo dalka uu ka saaray madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump bishii Janaayo, maalmo yar un ka hor inta aanu xilka ka degin. The post Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Somalia appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa ubax lagu maamuusayey gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalka dhigay Taallada SYL. Madaxweynaha oo tilmaamay in Taallada SYL ay ka mid tahay xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ayaa halkaas xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka, iyaga oo naf iyo maal ba u soo huray Gobanimadeenna. Kaddib Ubax dhigga Taallada SYL, Madaxweyne Farmaajo ayaa u gudbay Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socoto Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, isaga halkaas khudbad ugu jeedinaya shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taallada Halgamayaashii SYL appeared first on Puntland Post.
  11. Haregeyga (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay saaka markale xabsiga u taxaabeen Marwo Deggan Miiraash oo laba goor hore loo xiray Calanka Soomaaliya dartiisa, kadib markii ay ku goglatay qol-keeda jiifka ah. Wararka ayaa sheegaya in xarigga haweeneydaas uu yimid, kadib markii ay is hortaag ku sameysay dhalinyaro dooneysay inay gubaan Calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan bartamaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Deggan oo ah Hooyo heysata afar caruur ah ayaa la sheegay inay ka biyo diiday in la gubo Calanka Soomaaliya, falkaas oo ay doonayeen inay ku dhaqaaqaan dhalinyaro ku sugan Boorama oo ‘dhibsaday’ in Calanka Soomaaliya lagu faafiyo deegaanada Somaliland. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku baxay buuqa ka dhashay arrintaasi, waxaana markii dambe ay xabsiga u taxaabeen Deggan Miiraash oo horey labo jeer loogu xiray Calanka Soomaaliya dartiis. Xarigga haweeneydan ayaa sidoo kale dood adag ka dhaliyey baraha bulshada oo si weyn loogu faafiyey, waxaana dadka qaar ay ku tilmaamtay inay tahay wadani dhab ah. Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigta dadka ku labista dharka Calanka ama Sawirradooda, iyaga oo xiran ku faafiya baraha bulshada ee Internet-ka. Si kastaba dhacdadan hadal heynta dhalisay, isla-markaana ay xarigga ku muteysatay Degan Miiraasa ayaa kusoo aadeyso, xilli maanta loo dabaal-degayo xuska kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaadatay koonfur, sidoo kalena ay israaceen waqooyi & koonfur. The post Somaliland oo xirtay haweeney ka hortimid in ‘la gubo calanka’ Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani oo qoraal soo geliyey boggiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay sawir gacmeed muran badan dhaliyey oo uu sameeyey farshaxaniistaha caanka ah ee Amiir Caamir, kaas oo u ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan aheyn Shabaab. Jaamac Deperani ayaa ku eedeeyey in sawirkaas soo saaritaankiisa uu lacag fara badan ku bixiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in tani ay muujineyso in madaxweyne Farmaajo uu lacag ku bixinayo dacaayad ku salaysan difaacidda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkan in khatar laga badbaadiyay wuxuu qof walba ogaanaya markuu arko Madaxweynihii wakhtigiisu dhammaaday oo Lacag ku bixinaya Alshabaab danbi qirtay oo xukun lagu fuliyey, in lagu difaaco dacaayad ku suntan Sawir-gacmeed! iyadoo laga beensheegayo xogta argagixisada la toogtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jaamac Deperani. Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sawir gacmeedkaas looga been sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab. Si kastaba tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Puntland toogasho wadareed ku fulisay rag ay ku eedeysay inay yihiin Al-Shabaab waxaa si aad ah u soo baxayey hadal-heyn ku aadan raggaasi oo qaarkood ehelladooda ay sheegeen inay tirsanayaan cadaalad darro. Puntland oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howl-galada ka dhanka ah kooxahaasi. The post PUNTLAND oo eedeyn halis ah u jeedisay MW Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  13. Mayran Kalah is a Somali language interpreter and also acts as an essential human channel who connects her Somali community in Winnipeg intergenerationally. Source: Hiiraan Online
  14. Abdi Abdirahman’s career has turned into a marathon. Source: Hiiraan Online
  15. Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan tartanka loogu jiro Kuraasta Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa la sheegayaa inuu waji kale yeeshay islamarkaana uu u dhaw yahay in maalmaha soo socda lakala ogaado Xubnaha sida rasmiga ah ugu fadhiisanaya Gudoomiyaha Golaha Cusub ee Wakiiladda iyo ku xigeenadiisa. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in halgankii iyo kala jiidashadii ugu cuslayd ee ku aadan Kuraastani ay hadda si rasmi ah uga dhexayso Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo Xukuumadda ama Xisbi Xaakimka KULMIYE. Halka Xisbigii kale ee UCID ee uu gadhwadeenka ka yahay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanay waxba faraha ugu jirin, kadib markii uu dhexdooda Khilaaf ka aloosmay, islamarkaana uu Xildhibaanaddii Xisbigaa intoodii badanayd uu dhinac ula ruqay ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Xildhibaan Naasir Qodax. Naasir Qodax ayaa la sheegay inuu heshiis la galay Xisbi Xaakimka Kulmiye. Wararkan ayaa sheegaya in Xisbiga WADDANI uu Xildhibaanadiisii ku xeraystay Huteel Magaalada Hargeysa ka baxsan, Huteel Royal Place oo duleedka Magaalada Abaarso ku yaala, halka Xisbiga Kulmiye uu ku jiro halkan culus oo uu ku baadi goobayo inuu hogaanka u qabto aqlabiyada Mudanayaasha Cusub kadib markii lagaga awood roonaaday Tartankii doorashadii dalka ka dhacday, balse uu midho midhaysanayo Xildhibaanada Mucaaridka u soo baxay si uu uga dhabeeyo balanqaadkii uu Madaaxweyne Biixi u sameeyay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo uu ugu fadhiisiyo Kursiga Gudoomiyaha Wakiiladda. Wararkan ayaa intaasi ku daraya in Xisbiga Kulmiye oo adeegsanaya Xildhibaano hore oo ka tirsanaa Golahan Wakiiladda ee Kuraasta banaynaya inuu maalmihii u dambeeyay midho midhaysanayay Xildhibaanada u daacadda ah Cabdirisaaq khaliif Ahmed islamarkaana uu qaarkood heshiisyo lagalay halka uu qaar kula heshiiyay lacag aan xadigeeda lanoo sheegin. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa ka go’an inay xoog iyo maalba ku fadhiisiyaan Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon. Sidoo kale Kulmiye ayaa ku xigeenada u qoondeeyay Mucaaridka si uu codad dheeri ah ugu helo Fartoon. Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha Mucaaridka oo aan shalay la xidhiidhnay waxna ka weydiinay arintani ayaa noo sheegay in Xukuumaddu nafta dul dhigtay kursiga Gudoomiyenimada Wakiiladda islamarkaana ay dhinac walba kaga timid oo isaga laftiisa wada hadal uu u socdo “walaahi arinta waxba iska badelay, Xukuumaddii way dadaalaysaa,raggayagii mucaaridka ahaa midba meel ayuu ka dhacay, waxaanu is nidhi uun marka codaynta uun, si kale maleh”. Ayuu si kooban yidhi Si kastaba ha noqotee, waxa si weyn loogu dheg taagayaa cidda hanan doonta shirgudoonka Golaha Wakiiladda ee cusub, Xisbi xaakimka ama Xisbiyada Mucaaridka ah oo ay ka go’an tahay inay ku guulaystaan . Source
  16. Madaxtooyada Somaliland ayaa dorraad loo gudbiyey Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 kadib markii toddobaadkan Golaha Guurtida Somaliland oo uu muddoba hor yaallay si rasmi ah ugu ansixiyey Kalfadhigiisa kadib markii wax ka baddal iyo kaabis lagu sameeyey Xeerkan. Shir-guddoonka Golaha wakiillada xilka sii haya ayaa Madaweynaha u gudbiyey Xeerkan si uu Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan qalinka ugu duugo kadibna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah taasi oo u muuqata dadaal xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku doonayso in uu xeerkani si degdeg ah ugu dhaqan galo. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi dabada kaga riixayo xeerkan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax uu dorraad oo Salaasa ahayd u gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha xeerkan si uu isna Madaxweynuhu waajibkiisa dastuuriga ah uga guto kaasi oo la filayo in uu sida ugu dhakhsaha badan u saxeexo. Tan iyo markii xeerkan loo gudbiyey Golaha Guurtida Somaliland oo uu muddo kooban hor yaallay waxa hadal haynta ugu badani ka taagnayd sida ay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u danaynayaan Xeerkan Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 oo jidaynaya in wakhtigii xisbiyada hadda jira ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID muddada jiritaankoodu ku egyahay bisha Diisambar ee sannadka soo socda 2022, wakhtigaasi oo ay ka dhacayso shahaadadooda sharci ee jiritaan taasina keenayso in dalku galo doorashooyin ay ku tartamaan Ururro siyaasi ah si ay uga soo dhex baxaan saddexdii Xisbi siyaasadeed ee muddoda soo socota masraxa ku tartami lahaa. Dad badan oo u kuur gala siyaasadda Somaliland waxa ay aaminsan yihiin in ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka go’an tahay in uu dabarka ka furo ururradii Siyaasadda si uu xaaladda ugu adkeeyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo doorashooyinkii isku sidkanaa ee ugu dambeeyey dhistay isbahaysi adag oo ay qarqarsiga ugu adkeeyeen Xisbul xaakimka KULMIYE taasi oo keentay in ay ku guulaystaan aqlabiyaddii Maayarrada Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo sidoo kale Aqlabiyaddii Golaha wakiillada Somaliland oo ay imikana dadaal ugu jiraan sidii ay Golahaasi shir-guddoonkiisa gacanta ugu dhigi lahaayeen. Dad badani waxa ay ka dhur sugayaan bal khamaarkan siyaasadeed ee culusi halka uu salka dhigo iyo haddii uu Madaxweynuhu ka badheedho is biimayntaasi siyaasadeed ee halis galin karta xataa xisbigiisa KULMIYE oo aan la ogayn sida ay xaaladdiisu noqon karto iyo saamaynta ay tallaabadani ku yeelan karto damiciisa ku aaddan doorashada Madaxtooyada ee shanta sano ee soo socota maadaama muddo xileedkiisu ku eg yahay dabayaaqada isla sannadka soo socda ee 2022. Source
  17. Gabadh yar oo13 sanno jir ah oo lagu magacaabo Barwaaqo Axmed Cateeye ayaa ay eheladeedu sheegeen inay kufsadeen afar askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Magaalada Ceel-afweyn,kuwaas oo ay sheegeen inay hadda xidhan yihiin,balse aan la horgeyn Maxkamadda Hooyada dhashay gabadhaas oo war-baahinta la haddashay ayaa ka warrantay siday wax u dhaceen“Inantaa yare e la fara xumeeyey Hooyadeed ayaan ahay waa 13 sanno jir , habeenkii markii aan waayey waan iska jiifsaday subixii ayaan baadi doon galnay anniga iyo eddadeed xafadaha Magaalada Ceel-afweyn oo dhan ayaan ka raadinay,maalin iyo habeen ayey maqnayd, waxa qaatay ciidankan bilayska ah birmadka ee Ceel-afweyn jooga, kadib halkii ay ku kufsadeen, ayaa la yidhi halkan ayey tallaa inantii,markii aan u tagnay waxay noo sheegtay ina afar nin oo ciidanka ah inta ay qateen ay kufsadeen oo halkii ay ku kufsadeen ay kaga tageen .” Waxa ay intaas ku dartay “Waxa weeye afar nin oo waa weyn oo 28 jir ugu yar yahay afartaa nin,ayaa kufsaday inanta yar, markaa waxa uu dhacay afartii bishan Juun 2021-ka ilaa hadda Maxkamad lama geyn nimankii caddaalad lama horgeyn nimankii falkaas sameeyey .”ayey tidhi Gabadhar Hooyadeed. Geesta kalena waxa halkaas ka hadashay edada gabadha yar ee la sheegay in la kufsaday “Waxa aan ahay Barwaaqo Axmed Cateeye Eedadeed oo 13 sanno jir oo Magaalada Ceel-afweyn kufsi ay ku sameeyeen afar nin oo ciidanka birmadka ah,waa la qaatay oo afarta mid-na mar ayuu galay ilaa subixii, askari kale oo ka tirsan ciidanka ayaa u yimi oo ka kiciyey,markii aanu ugu tagnay meshii waanu soo qaadnay dhakhtarka ayaanu geynay dhakhtarkii ayaa caddeeyey inay kufsi iyo dhibaato kale qabto ,waxaanu doonaynaa in afartaan nin ee ilmahaa yar ku tacadiyey in sharciga na loo horgeeyo oo aan odayaal iyo cid kale na loo maqlin.” Dhanka kalana waxa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Salebaan Ducaale Ubax Leh ,kaas oo sheegay inay eedaysanayaashasi xidhan yihiin,isla markaana la hor-geyn doonno Maxkamadda “ Dembigaa afarta askari loo haystay gacanta ayaa lagu hayaa baadhistuna wey socotaa, arrintaa ay sheegtay gabadhaas wax ka dayacan iyo caddaalad darro kaga dhacday ma jirto inantaa dayarta ah cidii ay tidhi dambigaas ayey iga gashay wey xidhan yihiin Maxkamadda sharciga ahna waa la hor-geynayaa.” Taliyaha ayaa intaas ku daray “ Waxa weeye arrintaa ay gabadhaas war-baahinta marisay waa arrin aan sal iyo raad toona lahayn ,waxa aanu leenahay ka joogsada inantaa ciddii dembiga ka gashay wey xidhan tahay sharcigana waa la horgeenayaa,dembigaa cidii lagu tuhunsan yahay wey xidhan yihiin waana Maxkamadda sugayaal waanan horkeeni doonna cidii dembiga loo haystay kiiskii oo dhammaystiran.” Source
  18. Habeen hore ayaa waxa ka dhacday Magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafada Gantaalaha qaybta waqooyi ee Degmadda Ibrahim Koodbuur dhacdo ugub ah oo argagax leh,taas oo tuug guri u dhacday saqdii dhexe ay ku qateen ilmo yar oo shan sanno jir ah. Gurigan laga xadday inanta yar ayaa ahaa mid jiin-gad ah, kaas oo ay maqas lagu jeexay,kadibna al-baaba la iska furray,isla markaana ay galeen tuugtu qol ay caruurta oo keliya oo ilaa 4 ah jiiftay waxa cajiib inaan caruurtii kale iyo hanti kale toona aan la qaadan,balse la qaatay Mumtaas Maxamed Xasan oo ahayd inan yar oo shan sanno jir ah . Ehelada qoyskaas oo la hadlay Saab tv ayaa ka warramay dhac-dadaa argagax leh,isla markaana ugub ah “Sandaqadu waa taa waxaynu arki jirnay tuug guri u soo dhaca oo xadda alaab ama lacag, waxa ka duwan ayeynu arragnay oo ah guriga sandaqada ah maqas ayaa lagu gooyey halkaas, raadkii waanu arragnay laba nin ayaa meesha galay .”ayey sheegeen Waxa ay inaas ku sii dareen “Carruurtii iyo reerkii halkaas ayey wadda hurdeen qolalkii waa la galay qol ay laba carruur ahi hurdeen ayaa mid la qaatay inan yar oo shan jir ah waa la qaatay Mumtaas Maxamed Xasan ,reerkii waxay tooseen markii waagu beryey, waxa la arkay albaabkii oo furran ,markaa waxa loo maleeyey in guriga la xaday,lakiin wey ka weynaatay oo carruurtii ayaa qaar la xadday waa dhacdo aad inoogu cusub ,waana in cid kastaa ka hawlgasho sidii inantaa yare ee la xadday loo soo heli lahaa,Libaax ayaa dadka qaadan jiray maynu arrag tuug guri u soo dhaca oo carruur qaata hadda ka hor.” Dhanka kalena waxay farriin u direen shacbiga reer Somaliland,waxaanay ka codsadeen inay la galaan baadi doonka inanta yar “Laamaha Dawladda waanu u wadda gudbinay saldhigyadda iyo kantaroolada sawirkeeda waanu geynay ,illaahay waxa aanu ka rejeynaynaa inuu bidh-bidhiyo inantaa yar ,waxaan leehay dad weynaha farriinta aan u farrayo waad arkaysaa sida ay wax u dhacayaan wadda boolis ha la noqdo waa la soo heli karraa ciddii falkaas ku kacday haddii reer Hargeysa iyo shacabka reer Somaliland oo dhammi kacaan .” Geesta kalena waxa iyana halkaas ka hadashay ayey-deed oo sheegtay sidan:“ Annigu ayeydeed Hooyo ayaan ahay carruurtii waxa uu ugu dul-tegay sariirta waxa aan doonnayaa in la soo qabto wixii inantaa yar xadday ummaddana waxaan ka codsanayaan sawirraanteedii waanu baahinayey in ay nala raadiyaan ilmahaa yar .” Xaaladdan ayaa walaac weyn ku abuurtay dhammaanba waalidiinta Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo shalay illaa xalay si weyn u hadal hayay fal dambiyeedkan ugubka ku ah dalka oo markii ugu horraysay la arkayo tuug inta uu xaafad u soo dhacay ilmo aad u yar qaatay halka wakhtyadii hore la arki jiray ilmo la waayay ama meel cidlo ah laga kaxaystay balse aanay dhici jirin inta xaafad loo soo dhaco in ilmihii yaraa oo jiifa la qaato. Shacabka ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay si degdeg ah baadhitaankooda sharciga ugu hor keenaan cid kasta oo falkaasi loo soo qabtay iyaga oo dhinaca kalena dadku xalay isku boorinayay in ubadka la ilaashado habeen iyo maalinba. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee caasimada. Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordhayeen falal liddi ku ah amniga ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay soo kordheen qaraxyo joogto ah, dilal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka muhiimka ah. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku eedeeyey falalka amni darrada ah ee soo kordhay inay ka dambeeyaan gacmo qarsoon oo shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Cumar Filish ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortego falalkaasi. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aan la sugi karin amniga, haddii aysan ka qeyb qaadan shacabka oo uu ku booriyey in la shaqeeyaan ciidamada Booliiska Soomaaliya. Marka laga tego qaraxyo iyo dilalka qorsheysan waxaa maalmahaan kusoo kordhay caasimada dhac baahsan oo ay geysaneyso burcad hubeysan, walow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ay soo qabteen rag hubeysan oo dhac geysanayey. Si kastaba dhibaatooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan lagu jiro marxalad kala guur ah oo la’aadayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. The post Yaa ka dambeeya amni darada ka jirta magaalada Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  20. (SLT-Tehran)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inay qaado cunaqabateynta saaran waddan Iran, ayna labada dal dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii. “Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yidhi Guterres warbixin ay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodeen Arbacadii. Guterres ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaallada dhowaanahan socday ee diblomaasiyadeed ee ay labada dhinac dib ugu soo nooleynayaan heshiiskii Nukliyeerka, kaasi oo ku sigtay in uu bur-buro kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskaasi bishii May ee 2018-kii, uuna cunnaqabateyno dib u saaray Iran. Iyadoo taas ka jawaabeysa, ayay Tehran dib u anba qaadday howlaheedii kobcinta Nukliyeerka, iyadoo July sanadkii 2019-kii jebisay heshiiskaas oo ay kor u dhaaftay xadadka kobcinta kiimikada iyo heerarka kaydinta ee uu dhigayay heshiiskaas. Source