Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) - Abdirizak Khalif Ahmed, the vice-chairman of the Waddane Party, has been elected the new speaker of the 5th Somaliland House of Representatives on Tuesday morning following a closely contested race with Kulmiye Party's Yasin Faratoon. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) - Ali Idow Hassan, One of two Somalia Olympic athletes in Tokyo, has placed 10th in the first round of the Men's 1500M. Source: Hiiraan Online
  3. Golaha wakiillada Somaliland ayaa goordhow waxaa ay Guddoomiye cusub u doorteen Cabdirisaq Khaliif oo ka tirsan xisbiga Waddani. Khaliif ayaa doorashada kadin afhayeen u noqon doona aqalka golaha wakiillada Somaliland 5-ta sano ee soo socota. Codbixin ka dhacday golaha, Cabdirisaq waxaa helay 42 cod halka ninka ay xukuumadda wadatay ee Faratoon uu helay 39 cod. Inta aan la dooran Khaliif waxaa hoolka lagu dhaariyey xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo gaaraya ilaa 81 xildhibaan. Waxaa kale oo la doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Mudanayaasha Baarlamanka Somaliland, ayaa maanta oo Talaado ah doortay guddoon cusub. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa loo doortay, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Cabdirisaaq ayaa 42-cod kaga guulaystay, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka sharraxnaa xisbiga Kulmiye, kaas oo isna helay 39-cod, kadib loolan adag oo dhexmaray labada murashax. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa loo doortay, Siciid Mire Giirre oo isna ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID ,halka Guddoomiye ku xigeenka labaad uu ku guulaysay Cali Xaamud Jibriil (UCID). PUNTLAND POST The post Baarlamanka Somaliland oo guddoon cusub doortay appeared first on Puntland Post.
  5. Musharax Cali Xaamud Jibriil ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha xigeenka 2aad ee ee Barlamaanka Somaliland oo Helay 43 Cod,halka Musharax Cabdirisaaq Qodaxna helay 38 Cod Qaran News
  6. Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa maanta lagu qaabilay xarunta Baarlamanka Puntland. Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaannada Puntland, ayaa Xaruntooda ku qaabilay Xildhibaanka oo Garoowe u yimid ka qayb-galka Munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee as’aaskii dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamuud Nuur oo khudbad ka jeediyay Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa Golaha la wadaagay Khibraddiisa Arrimaha Baarlamannada, gaar ahaana Habka ay u shaqeeyaan Baarlamanka Gobolka Minnesota. Mudane Maxamuud Nuur, ayaa sidoo kale Baarlamanka Puntland u ballan-qaaday in uu si dhow ula shaqayn doono isaga oo ka mahad-celiyay, sida loogu soo dhoweeyay Golaha wakiilada Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Minnesota oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Musharax Siciid Giire ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha xigeenka 1aad ee ee Barlamaanka Somaliland oo Helay 41 Cod,halka Musharax Cumar Jaamacna helay 40 Cod Qaran News
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa. Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ku tartamay labo musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Faratoon ayaa metalayey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, halka Cabdirisaaq uu ka socday xisbiga mucaaradka ee Wadani, kaas oo ay guushu raacday. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod, waxaana sidaas guddoonka golaha wakiilada ugu guuleystay Wadani. Cabdirisaaq Khaliif ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, wuxuuna laba jeer soo noqday wasiir xilligii Siilaanyo, isaga oo sidoo kale xisbiga Wadani ku biiray 2015-kii. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku guuleystay Saciid Mire Faarax oo metalaya xisbiga mucaaradka ah ee Ucid , wuxuuna helay 41 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cumar Jaamac uu helay 40 cod. Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa sidoo kale kusoo baxay Cali Xaamud Jibriil oo isna metalaya xisbiga Ucid, isla-markaaana hekay 43 cod, halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo laga guuleystay uu helay 38 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare. Doorashadan ayaa aheyd mid la wada sugayey, waxaana guushan ay xisbiyada mucaaradka u horseedeydaa inay lalan adag la galaan xisbiga talada haya ee Kulimye. The post Xildhibaanada Somaliland oo guddoon cusub doortay – Yaa guuleystay mucaaradka iyo muxaafadka? appeared first on Caasimada Online.
  9. Al-Shabab militants killed three Kenyans over the weekend in two separate terror attacks in northeastern Kenya's Mandera County, authorities confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  10. Degdeg:Musharaxa ku Guulaystay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland oo la shaaciyeyada Musharax Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Somaliland oo Helay 41 Cod,halka Musharax Faratoona Helay 39 Cod Qaran News
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka golaha wakiilada Somaliland oo haatan ka socda gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa hareeyey buuq iyo fowdo, kadib markii shir guddoonka golaha lagu wareejiyey xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo loo yaqaano Faratoon. Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu shir guddoominta ku wareejiyey Faratoon oo ah musharrax u taagay xilka guddoomiyaha, waxaana xildhibaanada qaar ay ka biyo diideen arrintaas, iyaga oo, kadib fowdo bilaabay. Xubnaha mucaaradka ee ku jira golaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan suurtogal aheyn in Faratoon uu guddoomiyo kulanka, sababo la xiriira in nuu musharrax yahay. Sidoo kale kadib waxaa laga dajiyey kursiga guddoonka ee golaha, si loo joojiyo buuqa, isla-markaana uu sii socdo kulanka golaha oo ah kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu haatan si habsami leh ku socdo, waxaana khudbado jeediyey musharraxiinta u taagan xilka guddoonka sare ee golaha wakiilada. Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku dooranaya gudoomiyaha cusub waxaana u taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Wadani, isla markaana garab ka helaya xisbiga Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan. Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland. Doorashadani ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid. The post Maxaa dhaliyey buuqa hareeyey kulanka golaha wakiilada Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  12. Ahmed Mohamud, an elderly pastoralist from Mudug region in north-central Somalia, has witnessed the devastations climate change has wrought in his ancestral village where livestock keeping has strong economic and cultural value to his folks. Source: Hiiraan Online
  13. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayuu guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay inuu yahay Xildhibaanka ugu da’ weyn yahay sidaas darteed uu shirguddoonka noqdo,Hase yeeshee Buuq Iyo Sawaxan ayaa bilaabmay Ku darsoo Waxaa ku ganacansaydhay Hogaaminta shirka ee faratoon Musharax Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loolan ka dhexeeyo Faratoon Isku soo wada duuboo Waxaa laysku raacay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Gudoomiyo hagana fadhigaa ilaa la dooranyo Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Qaran News
  14. Waxaa goordhaw xarunta golaha wakiilada Somaliland ee magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyay dhaarinta xildhibaanada cusub ee golaha. Xildhibaanadan oo gaaraya illa iyo 82 mudane, ayaa bishii May dhamaadkeedii laga soo doortay deeganada Somaliland. Golaha wakiilada Cusub ayaa sidoo kale lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doortaan shir guddoonka golaha wakiilada iyo ku-xigeenadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Wali waxa si toos ah u socda kulanka kowaad ee golaha wakiillada Somaliland, iyaga oo uu guddoomiyaha maxkamadda sare Somaliland Aadan Xaaji Cali uu gobolka gobol u dhaarinaya xildhibaannada cusub. Xildhibaannada gobolka Marooji-jeex ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Togdheer ayaa noqday gobolkii labaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Awdal ayaa noqday gobolkii saddexaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Sanaag ayaa noqday gobolkii afraad ee la dhaariyo. Xildhibaannnada gobolka Sool ayaa noqday gobolkii shanaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Saaxil ayaa noqday gobolkii lixaad ee dhaariyo. Source
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u bilaabatay, waxaana doorashooyinkii ugu horreeyey ee Golahaasi lagu qabtay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Maamullada harsan waxaa ka mid ah Puntland, haddaba yaa ku dhagan qabashada doorashada Aqalka Sare ee maamulkaasi?. Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in la joogo waqtigii lagu heshiiyey doorashada Golaha Aqalka Sare, waxayna dalab xasaasi ah u direen madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo weli ku dhagan doorashadaasi. Guddiga ayaa ka codsaday Saciid Deni inuu soo saaro liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. “Waxaan halkan kuugu soo wadaagayaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska musharraxiinta Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland Cabdikariin Muuse Maxamed. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey ” Mudane madaxweyne anigoo ku kalsoon codsigeyga inaad iga aqbali doontid, si aan u gudano waajibaadka na saaran ee qaran,”. Deni ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo dalabkan, isla-markaana uu ku dhawaaqo liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya doorashada ka dhaceysa magaalada Garoowe. Si kastaba Puntland ayaa la filayaa inay qaado dhabihii ay mareen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isla-markaana ay soo xusho Senatorada ka imaanaya maamulkaasi. The post Yaa ku dhagan doorashada Puntland ee Aqalka Sare? appeared first on Caasimada Online.
  17. Sarkaal u dhashay waddanka Sudan ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qofood webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay. Qaar kale oo ka mid ah dadkan ayaa gacmaha ka xirnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan. Sarkaalkan ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baaritaan dambi baaris ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta. Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze. PUNTLAND POST The post Maydadka 50 qof oo laga helay webiga u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  18. Piratical attacks on vessels are as old as the hills. Vessels traversing stretches of sea have, since time immemorial, been subjected to piratical attacks. Source: Hiiraan Online