-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu helay inay si farsameeysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho u dhici jireen. Raggan oo laba ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan, waxaana si gaar ah Cabdifitaax Cali Cumar loogu helay in, isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto in uu mobeelada u iibgeyn jiray. Cabdifitaax Cali Cumar oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan uu dadka u dhici jiray uu kasoo Min-guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday, isaga oo sidoo kale soo bandhigay tirada dadka uu dhaca u geystay. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun 10-sanno oo xabsi Ciidan ku riday Cabdifitaax Cali Cumar, halka Nuur Cali Xasan isna lagu xukumay 2-sanno oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Xukunsanayaasha ayaa heysta muddo ku siman 30 Cisho oo ay racfaan qaadan karaan, sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Rag Dhac Ka Geystay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo uu hogaaminaayo guddoomiyaha guddigaas Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Muqdisho. War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay iskaashiga ku saabsan hirgelinta doorashooyin daah-furan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan murashixiinta u tartamaya labada aqal ee Baarlamanka. “Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa daadihinta doorashooyin daah furan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri warkaas. Sidoo kale, Midowga Musharixiinta ayaa sida qoraalka lagu sheegay wuxu ballan-qaaday in ay taageero buuxda oo hagar la’aan ah siinayaan guddiyada doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka oo kulan gaar ah la yeeshay Midowga Murashixiinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo 16 maalmood ah la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonkaqaranka Soomaaliya ee NISA. Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay. “Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali. Hooyo Qaali, ayaa ka codsatay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka cadaaladda ay wax ka qabtaan arrintan, ayada oo intaas ku dartay in kiiskan ay gaysay maxkamadda ciidamada. Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online oo ay ayaa sheegaya inay jirto cabsi xooggan oo la xiriirta inay suurta-gal tahay in Ikraan la dilay, islamarkaana la aasay, sida xubno ka mid ah qoyska ay nala wadaagaan. The post Daawo: Hooyo raadineysa gabadheeda oo ay sheegtay in ay ka haysato hay’adda NISA appeared first on Caasimada Online.
-
Garbaahrey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay maamul cusub u dhisayaan Jubaland marka la gaaray bisha 8-aad ee soo socota, tani oo muujineysa in xiisadda gooblka Gedo ay weli sideeda u taagan tahay. Guddoomiyaha gobolkaas ee ku xiran Villa Somalia Axmed Buule Canjeex, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku eg yahay bisha August, kadibna ay dadka gobolka dhisan doonan maamul cusub, sida uu hadalka u dhigay. “Marka ay dhammaato muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go’aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd,” ayuu yiri Axmed Buule. “Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu sii raaciyey. Axmed Buule ayaa u muuqda inuu tixraacayo qoraal 14-kii July 2020 kasoo baxay dowladda federaalka, oo ay ku sheegtay inay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Jubaland, muddo laba sano ah oo ka billaabaneysay bishii August 2019, oo aheyd markii la doortay. Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qoraalkaas kasoo baxay Villa Somalia, isla maalinkii ay soo saartay, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, mana cadda sida hadda loogu dabaqi karo. Arrinta gobolka Gedo ayaa ka mid ahayd waxyaabaha heshiiska laga gaari waayay si Soomaaliya ay uga dhacdo doorashada xilligeeda ka dib dhacday, sida ay ku doodeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland. Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata. Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka. The post Maamul Axmed Madoobe kasoo horjeeda oo August ‘laga dhisayo’ JUBALAND appeared first on Caasimada Online.
-
Wiil ka mida Dhallinyaradii ka soo baxsatey Dalka Eritrea oo la dilay,Yaase Yaa ka dambeeyey Dilkiisa? Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay ogaatay warbaahintu. Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay. Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaaleen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa noo sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin. 10-kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo laga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah. Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen qabuuraha Calamada ee duleedka degmada Afgooye. Qaran News
-
Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Qaaday Tallaabo Bilic soo celinta Caasimada Mihiim u Ah Khadar Yuusuf Cali oo ah agaasimaha waaxda arimaha bulshada iyo bilicda ee caasimada Hargeysa, ayaa sheegay in markii u horraysay xal loo helay biyihii dooxa lagu soo qubi jiray oo gaadhayay ilaa 40 foosto, kuwaas oo uu tilmaamay in loo sameeyay goob Bulaada oo lagu shubo, marka danbena ay ka qaadan booyadaha qaada walxaha dareeraha ah ee dawladda hoose. Waxaa uu sheegay in ay tahay arrin taariikhiya in maamulka dawladda hoose ee degmada Hargeysa iyo dadweynaha ku ganacsatad gudaha caasimada Hargeysa ay isla waafaqaan in waxyaabihii dareeraha ayaa ee dooxa lagu qubi jiray xal waara laga gaadho si bilic soo celintii dooxa weyn ee gudaha magaaladu ay u noqoto mid waarta, isla markaana ay bulshadu u soo dalxiistagto. Khadar Yuusuf Cali oo ah agaasimaha waaxda arimaha bulshada iyo bilicda ee caasimada Hargeysa isaga oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi. “Dhab ahaantii caawa habeen taariikhi ah, waana habeen ku suntan in taariikhda markii u horraysay xal loo helay biyaha wasakheysan ee Hudheelada iyo meheradaha laga cunteeya ay soo daadiyaan, ilaa 40 foosto oo biyo ah isla markana meelo kala duwan kaga dhici jiray dooxa weyn ee magaalada Hargeysa, oo dhibaato weyn oo xagga wasakhda ah ugeysan jiray. Waxaanu aad ugu mahad celinaynaa duqa caasimad iyo ku xigeenkiisa, in biyihii wasakhda ahaa markii koobaad loo helo xal lagu ururiyo, goobahooda loogu tago, lana qaado isla markana la geeyo Bulaacad loogu talagalay in lagu ururiyo, marka danbena booyadaha biyuhu ka qaadaan, arrintan dadka suuqa waanu isla qaadanay siweyna waalo soo dhaweeyay caawa ayaananu bilownay Alxamdulilaah, biyo ku dhaw saddex kun afar boqol oo litir ayaanu xalay qaadnay caawana waxa aanu rajeynayna ilaa todoba kun inay gaadhaan” “Waxaanu nahay qoladii biyaha dooxa ku soo daadin jirtay si fiican ayuu duqa caasimadu arrinkii nooga aqbalay waxaanu yidhi ‘Maalinta sabtida ii kaalaya oo xafiiska aynu isugu nimaadno, anaga oo dhawr iyo toban ah ayaanu u tagnay sidii ay noogu balan qaadeena waa ay noogu fushay”Ayuu yidhi mid ka mida dadkii wakhtiyada habeenkii biyaha wasakhaysan ku soo dadiin jiray dooxa weyn ee magaalada Hargeysa. Qaran News
-
Somaliland Magaaladii 2aad oo maalinta Khamiista Ololle nadaafaddeed loo asteeyey. Duqa Degmada Burco oo ah Guddoomiyaha golaha Deegaanka Magaaladaasi, ayaa sheegay inay kalfadhigoodii maanta oo qabsoomay gelin dambe ku ansixiyeen saddex qodob oo uu kamid yahay in Maalinta Khamiista ee soo socota magaalada laga fulin doono Ololle nadaafadeed bulshadu u dhantahay. “Wuxuu noqon doonaa Ololle aanu u sii qorshayno qaabka loo fulinayo, si aanay dadku jeermiska qashinka dhibaato ugala kulmin oo aanay jeermis sideyaal u noqon”ayuu yidhi Cabdirisaaq Heero. Magaalada Hargeysa ayaa qaybo kamida Khamiistii isbuucii tegay laga fuliyey Ololle qashin xaaq ah, waxaana hogaaminayey Duqa Magaalada iyo ku-xigeenkiisa. Talaabooyinkan ayaa bilow u ah waxqabadka laga sugayo Goleyaasha Deegaanka cusub ee bishii June shaqada la wareegay. Qaran News
-
Wasiirka Isgaadhsiinta S/land oo ka Hadlay Tawaaradu inay Caafimaadka Waxyeelan iyo in kale Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland, Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in biraha taawarada isgaadhsiinta xannuuno la hubo laga qaado, taas oo uu tilmamay in aanay jirin daraasad si cad u qeexaysa in ay jiraan xannuuno la isla yaqaano oo laga qaado aanteenooyinka isgaadhsiinta. Sidoo kale waxa arrintani daba socota kormeer lagu mari doono taawarad isgaadhsiinta ee gobollada Awdal iyo Selal ay ku leeyihiin shirkadaha isgaadhsiintu. Waxanu wasiirku sidan ka sheegay daahfurtay wajiga labaad ee hubinta cabashada taawarada isgaadhsiinta oo magaalad Borama laga daahfuray, isla markaana lagu hubbinayo xeer nidaamiyaha wasaaradda ee hirarka isgaadhsiinta ee kala duwan. Wasiirka isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxan doonaya in aan halkan uga sheego dadweynaha reer Awdal, ma jirto cilmibaadhis la sameeyay xannuun la hubo oo ay dhalliyaan aanteenooyinka isgaadhsiintu. Wasaaraddu daraasad fara badan ayay sameysay, adduunka oo dhan ayay u dirtay waxaana soo baxday maanta in aanay jirin wax la hubo oo taawaradasi keenaan, qalabka ku xidhan iyo signalka ay soo daynayaana uu yahay kii istaandarka ahaa ee adduunka, kaasna waanu hubbinayna oo waaka aanu u nimid maanta gobolka Awdal, Selal, shaqaale ka socda wasaaradda iyo qalab ay wataan ayay ku hubbinayaan, waxanu ugu baaqayna dadweynaha reer Awdal dhammaantood inay soo dhaweeyaan” Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxaa uu kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland. Madaxweynha Jubbaland ayaa Xubnaha Guddiga ku booriyay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh. Qaar kamid ah Xubmaha Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa ay warbixin ka siiyeen halka ay u marayaan howlaha ay wadaan iyo qorshahooda xiga. Dhamaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ayaa dib ugu laabtay degaannadooda, iyada oo qorshuhu yahay in 25 Bishaan ay bilaawdaan doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka heer Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Gudoonka Baarlamaanka & Madaxtooyada Puntland+Halka Sartu ka qudhuntay Saamayn xooggan iyo culays siyaasadeed ayaa ka dhashay waxka bedelkii dhowaan golaha wakiiladu ku sameeyeen xeer hoosaadka barlamaanka Puntland, xilli uu dalka ka maqnaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Waxka bedelka lagu sameeyey xeer hoosaadka barlamaanka Puntland ayaa waxa uu awood dheeraad ah siiyey guddoonka golaha wakiilada iyo xubnaha Golaha, sida in xasaanada ay ka qaadi karaan, 44 Mudane, si lamid ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa si dhaqso ah u bilowday olole ka dhan ah tallaabada barlamaanku qaaday iyo guddoomiye Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Waxaana safar uu ku joogay Dalka Sweden soo gaabiyay Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ah u xil-saaranaha Madaxtooyadda ee gacan ku heynta Baarlamaanka. Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo deg deg uga soo laabtay safarkiisii Sweden ayaa bilaabay kulamo lagu qancinayo inay kusoo laabtaan garabka Madaxtooyadda, badelkeedana la siiyo dhaqaale iyo in ay dad ay wataan keensadaan kuraasta Xukuumadda ku matasha beelahooda. Dhanka kalena, guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa wada kulamo uu ku dhimayo culayska ka haysta madaxtooyada waxaana uu kulamo la qaatay isimo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Inkastoo aan la shaacin natiijada kulamadii ugu dambeeyey. Xogta ayaa sheegaysa in labada dhinac ay hadda kala haystaan min 30 xildhibaan oo garabkooda ah ayna hadda ku dirirayaan 6 xildhibaan ee dhiman isla markaana dhinacyadu kala jiidanayeen saacadihii ugu dambeeyey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku biiray dedaallada uu wado Madaxweynihii ka horreeyay ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ku aadan dhameynta xiisadda HirShabeelle. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay qeyb ka ahaa wadatashiyo ka socday Muqdisho, kuwaas oo dhaxmaray siyaasiin ka soo kala jeeda laba beel ee Abgaal iyo Xawaadle oo ku aadanaa maamulka HirShabelle. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda socda ayaa ah in marka hore laga hadlo sidii ay doorashada Beladweyne u qabsoomi laheyd iyadoo aan buuq dhicin, islamarkaana looga balami lahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka kale ee ka dhashay dhismaha HirShabelle. Dedaalo xoog leh ayaa ka socda Muqdisho kuwaasoo ku wajahan doorashada ka dhacaysa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Beladweyne waxaa yaala kuraasta ugu badan markii loo eego xubnaha ka imaanaya dhinaca HirShabelle waxaana lagu soo dooran doonaa 25 Xildhibaan. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan maleeshiyo uu hoggaamiyo Jeneral Xuud oo wacad ku maray inaan doorashada xildhibaanada gobolka shacabka aan lagu qaban doonin magaalada, oo ay gadaal kaga hortagi doonaan. Isku dayga socda ayaa ah in xal laga gaaro xiisaddan kahor doorashada, si loo hubiyo inay ku dhacdo hab nabdoon, kadib markii ay fashilmeen isku day la rabo in doorashada loogu soo kobo magaalada Jowhar oo kaliya. The post Xog: XASAN SHEEKH oo ku biiray dadaallo ay wadaan beelaha Abgaal iyo Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
-
Waa Kuma Xidigii ugu fiicnaa Tartanka Horyaalka Qaramada Yurub? Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah ayaa loo caleemo-saaray ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankii qaramada Yurub ee 2020, waxaana abaalmarintaas garoonka Wembley ku guddoonsiiyay madaxa UEFA Aleksander Čeferin. Donnarumma ayaa ahaa halyeeygii Azzurri (Talyaaniga) ka caawiyay inay hantaan horyaalkoodii labaad ee Yurub, isagoo rigoorooyin is-daba-joog ah ka badbaadiyey da’yarta Ingariiska ee Jadon Sancho iyo Bukayo Sakam. Kulankii semi-finalka ee Spain, wuxuu joojiyay rigooradii ugu dambeysay ee Alvaro Morata, taas oo sababtay in xulkiisu u baxo kulanka finalka. Donnarumma oo afar gool oo kaliya laga dhilayay intii tartanku socday wuxuu ka caawiyay Talyaaniga inay Euro 2020 guuldarro la’aan ku dhameystaan 34 kulan, joogitaankiisa goolka ayaa fure u ahaa waligiisna wax gool ah lagama dhalin wax ka badan hal mar 90-ka daqiiqo, halka uu saddex kulan oo wareega group-yada shabaqiisa ka ilaalilay gool. Donnarumma oo tan 2016 goolhaye u ahaa kooxda AC Milan ayaa bishii hore ee Juun si xor ah ugu biiray kooxda reer Faransiis ee PSG. Intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2020/21 ee AC Milan, goolhayaha da’da yar ee Donnarumma ayaa shabaqiisa ilaashaday 14 kulan. Donnarumma wuxuu raacayaa Matthias Sammer (1996 – Germany), Zinedine Zidane (2000 – France), Theodoros Zagorakis (2004 – Greece), Xavi (2008 – Spain), Andres Iniesta (2012 – Spain) iyo Antoine Griezmann (2016 – France) ) kuwaas oo ku guuleystay abaalmarinta UEFA. Qaran News
-
Waa kuwee madaxweynaaysha Afrikaanka ah ee xabsiga loo taxaabay? Jacob Zuma Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa milateriga geysay goobaha ay ka taagan yihiin rabshadaha ka dhashay xariga madaxweynihii hore ee waddankaas, Jacob Zuma. Dad mudahaaradaya ayaa boobay isla markaana dab qabad siiyay dhismayaal ku yaal dalkaas, xilli Zuma uu racfaan ku aaddan xarigiisa u gudbiyay maxkamadda u saraysa Koonfur Afrika. Rabshadaha oo billowday todobaadkii hore markii uu isa soo dhiibay Zuma ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof, halka 200 oo qof xabsiga loo taxaabay. Zuma oo noqday madaxweynihii u horreeyay ee xabsi loogu taxaabo Koonfur Afrika ayaa loo haystaa musuq-maasuq dhacay xilligii uu dalka xukumayay. Waa uu beeniyay eedeymaha lagu soo oogay. Haddaba waxaan halkan idiin ku soo gudbineynaa afar madaxweyne oo Afrikaan ah, kuwaas oo qudhooda xabsiga loo taxaabay. Cumar Al-Bashir (Sudan) Cumar Al-Bashir Cumar Xasan Al-Bashir ayaa muddo 20 sano ah xukumayay dalka Sudan. Waxa uu xukunka afgembi milateri kula wareegay sanadkii 1989, isagoo meesha ka saaray dowladdii uu shacabka doortay ee uu hogaaminayay Saadaq Al-Mahdi. Al-Bashir ayaa 11-kii April 2019 waxaa xukunka ka tuuray milateriga dalkiisa, kadib rabshado muddo socday oo shacabka dhigayeen isla markaana uu dhiig ku daatay. Bishii December ee sanadkaas ayaa waxaa ay maxkamad ku heshay in uu ku kacay musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay laba sano oo xabsi ah. Waxaa lagu haya xabsi gaar u ah dadka da’da ah. Maxamed Mursi (Masar) Maxamed Mursi Maxamed Mursi ayaa ahaa madaxweynihii shanaad ee Masar. Waxaa si dimuqraadi ah xukunka loogu doortay kadib markii dibedbaxyo ballaaran ay meesha ka saareen Xusni Mubaarak oo muddo xukumayay dalkaas. Mursi ayaa talada Masar hayay muddo sanad ah (30-kii June 2012 illaa 3-dii July 2013) kadibna waxaa afgembi milateri xukunka kala wareegay Jeneral Cabdul-Fattah Al-Sisi oo ahaa wasiirkiisa gaashaandhigga. Mursi ayaa 17-kii June 2019 ku geeriyooday maxkamad ku taal Qaahir xilli loo ballansanaa dhegaysiga kiiskiisa. Xukuumadda al-Sisi ayaa ku eedaysay Mursi in uu amray in taageerayaashiisa ay laayaan dad rayid ah oo uu kamid yahay weriye. Charles Taylor (Liberia) Charles Taylor Charles Taylor oo dalka Liberia hogaaminayay 1997-2003 ayaa hadda ku xiran xabsiga HMP Frankland ee ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo ku yaal meel u dhaw magaalada Durham ee Ingiriiska. Bishii April 2012 ayaa maxkamad gaar ah waxa ay ku heshay 11 dembi oo lagu soo oogay ayna kamid yihiin argagixin, dil iyo kufsi. Bishii May ee isla sanadkaas ayaa waxaa lagu xukumay 50 sano oo xabsi ah. Laurent Gbagbo (Ivory Coast) Laurent Gbagbo Madaxweynihii hore ee Ivory Coast, Laurent Gbagbo, ayaa ku dhawaad 10 sano ku qaatay maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dagaal sokeeye oo waddankiisa ka dhacay oo ka dhashay markii uu diiday in looga guulaystay doorashadii dhacday 2010. Maxkamadda ayaa Gbagbo sii deysay sanadkii 2019, kadib markii ay ku wayday eedeymihii loo haystay. Waxa uu dib ugu laabtay oo hadda uu ku nool yahay dalkiisa Ivory Coast. Qaran News
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ciidamadaasi lala eegtay, xilli ay marayeenj inta u dhexeysa Buula Mareer iyo Golweyn. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee AMSIOM, halka uu ku dhaawacmay oo mid kale oo tarjumaan ah. Ilo deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in qaraxa, kadib ay rasaas u fureen hareeraha wadada lagu qarxiyey, ayna markii dambe sii wateen socdaalkooda. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxaya AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ku aadan qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Uganda. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana shaacisay in marka laga tego dhimashada askariga iyo midka dhaawaca ah uu burbur uu so gaaray mid ka mid ah kolonyada gaadiidkaas oo kasoo amba-baxay dhanka deegaanka ee gobolkaasi. Int badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Ciidamada AMISOM ‘oo khasaare lagu gaarsiiyey’ qarax ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
A senior UN official has held talks with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) leadership to discuss various issues to boost the peace support operation in the country, the AU mission said on Monday. Francisco Madeira, head of AMISOM said Atul Khare, UN Under-Secretary-General for Operational Support met with the AU mission’s leadership to discuss logistical and financial support to the mission, including modalities to support the upcoming electoral process in Somalia. “In 2016, we were covering and securing elections in areas where we have our military and our police. This time we are asked to go to areas where we have never deployed before. That will require additional logistical support. We discussed the matter with Khare. He was very receptive and will look at it,” Madeira said in a statement issued in Mogadishu. Madeira noted that the UN remains the most significant contributor to AMISOM, with the world body contributing almost two-thirds of the mission’s funds. He said discussions with Khare had focused on the operations of AMISOM as a multidimensional mission, support activities and institutional capacity-building to support peace and security for Somalia. “We discussed with Khare everything, ranging from operational activities, institutional-building activities, the way AMISOM is doing it, and support activities. We believe this is the way to go. Somalia needs support to defeat al-Shabab,” Madeira said. Khare, who is on a working visit to Somalia will also meet leaders in the government and the Southwest State of Somalia. The post AU, UN seek to boost peace support operation in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
A senior UN official has held talks with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) leadership to discuss various issues to boost the peace support operation in the country, the AU mission said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Muuqaal: Xijaar iyo Sakiya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaad 50 gabdhood oo ka tirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad tababar ugu dirtay dalka Turkiga. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo mas’uuliyiinka ayaa galabta garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde ku sagootiyey ciidankan oo dhan 49 gabdhood oo muddo ku jiray xerada Gen. Kaahiye ee Muqdisho. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ay soo qaadanayaan tababar heerkiisu sareeyo oo la xiriira sida ciidamada gaar ah u howlgalaan, wuxuuna intaas ku daray in lagu soo xulay aqoon, da’d iyo dulqaad. Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen ayaa gabdhaha ciidanka kula dardaarantay in ay wax u soo bartaan sidii ay dhibaatada uga saari lahaayeen dadkooda, gaar ahaan haweenka. PUNTLAND POST The post Gabdho ciidan ah oo tababar dibada loo qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, waxaa kulan qarsoodi ah magaalada Muqdisho ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, kulankaas oo ay ku wehliyeen siyaasiin kale oo reer Hiiraan ah. Wasiirkii hore ee waxbarashada Goodax ayaa 3-dii December 2020, wuxuu weerar culus oo qabyaaladeysan ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.” “Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yiri Goodax Barre xilligaas. Kulanka lagu heshiisiiyey Guudlaawe iyo Goodax ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in uu ahaa mid xal loogu raadinayo diidamada beesha Xawaadle ee tagitaanka Cali Guudlaawe ee magaalada Beladweyne iyo sidii loo dhameen lahaa khilaafka labada masuul. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qorsheeyay in uu marka hore si gaar gaar iyo koox koox ah u kulansiiyo siyaasiinta Xawaadle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaana xoogga la saaray in marka hore laga bilaabo xubnaha maal-geliyo ama sida weyn u taageero Jabhada Janaraal Xuud. Kulankii dhaxmaray Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre islamarkaana uu goob joogga ahaayeen siyaasiin kale ayaa la sheegay in lagu heshiisiiyay labada dhinac oo markii hore khilaaf adag u dhaxeeyay. Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in sidoo kale ay Muqdisho ka dhacaan kulamo kale oo xal loogu raadinayo arrimaha HirShabelle. The post Xog: Goodax Barre iyo Cali Guudlaawe oo la heshiisiiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Jubaland ayaa digniin adag u dirtay odayaasha dhaqanka iyo cidwalba oo xiriir la yeelata ururka Al-shabaab, waxayna sheegtay in cidii jabisa go’aankan ay talaabo ka qaadi doonto. Go’aankan ayaa waxaa soo saaray Golaha Amniga Jubaland oo maanta yeeshay shir uu guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga doorashooyinka. Jubaland waxay sheegtay in ay joogtaynayso shir maalinle ah oo looga hadlayo arrimaha amniga doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo digniin u dirtay odayaasha dhaqanka appeared first on Puntland Post.