-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir ku xigeenka Haweenka dowladda Puntland, Sahra-kiin Cabdi Xirsi, ayaa si adag uga digtay Culimaa’udiinka in ay hor istaag ku sameeyaan Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay muujiyaan hankooda Siyaasadeed. Marwo Sahra-kiin, ayaa sheegtay in Culimadu aysan ka hadlin Gabdhaha duruufaysan ee Jaadka ku iibiya dariiqyada, islamarkaana dhex fadhiya boqollaalka nin, balse ay Diinta ka hadlaan markii Gabadhu siyaasad ka hadasho. “Gabdhaha daruuftu ku kaliftay inay banaanka jaad ku iibiyaan ntaas oo nin dhexda uga jiraan oo ay dhici karto in ay tacadi kala kulanto culumadu kama hadasho” ayay tiri Wasiirka. “Hasa yeeshee marka gabadhu tiraahdo talada waan wada leenahaye miiska aan wada fariisano waxaa lagu leeyahay diinta kuuma ogolee gurigaaga fadhi.” PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo dhaliil u jeedisay Culimaa’udiinka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka laga helayo degaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad isku qoys ah. Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe degaankaas ku dilay laba carruur ah iyo aabbahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi waalid. Weerarka waxa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 sano jir ah. Weerarkan oo lala xiriirinayo aanoa-qabiil ayaa lagu beegsaday qoys reer miyi ah oo degganaa baadiyaha degaanka Saax-qurun sida laga soo xigtay goob-joogayaal. PUNTLAND POST The post Weerar lagu laayay nin iyo carruurtiis oo ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Garbahaarrey ayaa xalay booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi. War ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu Ugaaska uga mahadceliyay kaalintiisa ku aaddan Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Bulshada. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Ugaaska ku boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka ee ku saabsan Nabadaynta iyo isku-haynta Bulshada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ugaas Maxamed Ugaas Haashi appeared first on Puntland Post.
-
Delhi (Caasimada Online) – Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baaraan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu “xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibaneyaashu ku sheegeen in ay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay. Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. “Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah. Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibteed oo u dirtay barta lagu daabacay sawirrada dumarkan. “Sawirka afaraad waxa uu ahaa keyga. Waxa ay ii xaraashayeen sidii inaan addoon u ahay,” ayay u sheegtay AFP. “Illaa maalintii aan arkay aad baan u careysnahay.” GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoonnada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha. Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda. Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay “in lagu iibinayo” online-ka, waxayna farta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeertay guutada internetka ee xagjiriin Hinduu ah oo sanadihii danbe sii badanayay. In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiinta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisbiga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah. AFP + VOA The post Dumar Muslimiin ah oo iyaga oo aan ogeyn la xaraashay appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya oo shuruud adag ku xidhay diyaaradaha ka degaya gobolka Tigray Itoobiya ayaa sheegtay diyaaradaha deegaanka Tigraay ku socda ama ka yimaadda inta aysan dalka soo gelin ama ka bixin iney ku soo degi doonan gigadaga diyaaradaha caalamiga ee Bole ee magaalada Addis Ababa si baaritaan loogu sameeyo. Hay’adda duullimadyada rayadka ee dalka Itoobiyan waxay sheegtay diyaaraddi fasax haysato oo keli ah iney ka dagi karto deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay ayaa go’aankeeda dib uga laabatay kaddib marki ay qiimeysay codsiyada caalamka uga imanaya iyo xaaladda bani aadaminimo ee degaankaasi ka jirto. Hay’adda waxay sheegtay diyaarad kasta oo gargaar u sidda deegaanka Tigraay in looga baahan yahay iney marka hore ku soo degto garoonka caalamiga ee Boole oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Iyada oo diyaaradahaasi baaritaan qoto dheer looga sameynayo baaritaanka kaddibna la siinayo fasaxa ay ku tagi lahaayeen deegaankaasi. Qaran News
-
Natiijada Doorashada Itoobiya oo la shaaciyey Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa goor dhaweyd shaaciyey natiijada doorahada 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya. Wuxuuna guddigu sheegay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay. Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo arrimo kale. Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021. Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto. Doorashda guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen. Qaran News
-
Kismayo (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble has concluded his trip to Kismayo on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia (AP) -- A large explosion in Somalia's capital killed at least nine people and injured eight others, a health official said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada. Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia. Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale. Birhanu ayaa doorashada ku waayey kursigiisa, waxaana xisbiyada mucaaradka ay ku guuleysteen kaliya 11 kursi. Dowladda Mareykanka ayaa doorashada ugu yeertay mid ay qaladaad badan ka buuxeen, ayada oo cuskaneysa xarigga qaar ka mid ah mucaaradka iyo amni-darro ka jirto qeybo badan oo dalka ka mid ah. Doorashada ayaa tijaabo u aheyd Abiy Ahmed oo xukunku yimid bishii April 2018 kadib markii ra’iisul wasaarihii hore uu is-casilay xilli ay rabshasho iyo dibad-baxyo hareeyeen dalka. Abiy ayaa isbeddelo siyaasadeed ka sameeyey dalka bilihii ugu horreeyey xukunkiisa, hase yeeshee wuxuu dib uga laabtay ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriira siyaasadda iyo warbaahin xor ah. Waxa uu sidoo kale cambaareyn caalami ah kala kulmay dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumanaan qof, lagana soo weriyey xasuuq iyo xadgudubyo bani’aadannimo. The post Natiijada rasmiga ah ee doorashadii Ethiopia oo la shaaciyey iyo tiro yaab leh oo kasoo baxday appeared first on Caasimada Online.
-
First the police person is a son or a daughter of a father and a mother The police person is a peace person. His duties are keeping the peace and enforcing the law. Our police and military are doing these things in a very hard circumstances Mistakes can happen and they do happen in our country and in all countries in the world. Some get good training some don’t due to circumstances surrounding them. They carry weapons to protect their lives, to protect the lives of the citizens and to protect properties and infrastructures as ordered. When to discharge live weapons depends on their training, I.e to defend their lives, the infrastructure ordered to protect and other situations deemed warranted etc, etc. Now, in the case of the student of the Camuud university died as a result of a police shooting as we heard. I think these questions must be asked and answere: what was the circumstances that lead the police man to discharge life weapons, considering the alterations occurred. Before we all ride the emotions of the moment the government must explain clearly and candidly all the circumstances which lead the death of the student. Likewise the people particularly the political parties and the cultural leaders must not pass judgment Let us be fair for both the deceased and the accused police officer. Ibrahim Mead Qaran News
-
Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPP ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday 21 bishii hore ee Juun. Guddiga doorashooyinka qaranka dalkaas ayaa goordhaweyd sheegay in xisbiga EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey uu ku guuleysay 410 ka mid ah. Xisbiga xisbiga EPP ee hoggaamiyo Ra’iisul awasaare Abiy Axmed ayaa 174 kursi u baahnaa, si uu ugu guuleysto doorashada. Doorashada ayaa weli ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho oo ay uga qabsoomi wayday sababa amni darro. Doorashadii dhawaan qeybo ka mid ah Itoobiya ka dhacday ayaa gorfeeyeyaal badani ku tilmaameen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.” PUNTLAND POST The post Yaa ku guuleystay doorashadii Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen. Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir. Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble. Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee la safan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xubnaha cusub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay “Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cusub ee ay galabta doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenna u doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.Doorashada Gudoonka waxaa goobjoog ka ahaa Gudiga Doorashada ee heer Federaal. waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye. Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa galabta lagu shaaciyey doorashada guddoonka 7-da xubnood ee Mahdi iyo Rooble ay soo magacaabeen, kuwaas Khadar Xariir Xuseen u doortay guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon, taas oo keentay in iyaguna ay caawa doortaan guddoon kale. Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab markii horaba khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel. Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi. The post Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka oo doortay guddoon cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada warta nabadda ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw hoobiyayaal ay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada dalka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa tira hoobiyayaal ah kuwaas oo ku soo dhacay xaafadaha hoostaga madaxtooyada Soomaaliya. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hoobiyayaasha ayaa ku kala dhacay mid ka mid ah Hotel ka agdhaw madaxtooyada halka mid kalena uu ku dhacay Iskuul. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaashaan. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo. Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada garbahaarrey ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeyba heeda kala duwan. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Wararka PP) — Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablo magaalada Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya. Odayaal Wasiir Saleebaan ay hayb wadaagaan ayaa ka codsaday isaga sii daynta gabdhaha. Wasiirka wuu ku gacan-saydhay codsiga odayaasha. Saleebaan Y. Cali Koore: “Amarkayga ayaa hablaha Laascaanood lagu soo xidhxidhay.” “Sharciga dalka waa loo siman yahay. Way ogaayeen in dowladda Somaliland mamnuucday ku labbisashada calanka Soomaaliya sidaas darteed hablaha waxaa lagu qaadayaa sharciga” ayuu Saleebaan ku yidhi odayaasha ku sugan Laascaanood oo telefoon kula hadlay wasiirka. Wasiir Saleebaan ayaa mowqif la mid ah mowqifkan gaadhay toddobaad ka hor markii dhallinyaro Boorame ku sugan xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu eedeeyay inay ku xafladeeyeen calanka Soomaaliya. © Puntland Post, 2021 The post Saleebaan Cali Koore: “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablaha calanka Soomaaliya xidhtay” appeared first on Puntland Post.
-
SOMALILAND DOES NOT NEED SOMALIA FOR RECOGNITION APPROVAL European Colonial Borders define patriotism, nationalism, independence, statehood, and diplomatic recognition of each country in Africa, Asia, and Arab World. Somaliland is not an exception. It inherited its Internationally recognised colonial borders from Somaliland British Protectorate as any other African Country did from its colonising power. The borders of Djibouti, Somaliland and Somalia have internationally the same legitimacy and status for being all colonially-drawn borders defining their independence, territory and nation as the rest of Africa. There is no disputed land or area in Somaliland as there is no disputed land or area in any other African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders and sharing colonial history and Independence Day. There are no clan or tribal borders in Africa but there are state borders. Borders of countries are based on land, not on clan lineage or tribal origin. Any tribe or entity which tries to claim parts of Somaliland on the basis of tribal lineage or tries to dismember Somaliland territory for aggression must pay price for such attempt. Any foreign enemy that tries to violate Somaliland borders in order to seize a span or a part of Somaliland territory must face humiliating defeat. The unity of Somaliland nation and territory are sacred and inviolable. The internal security, stability, and peace of the continent of Africa depend upon respecting, recognizing, and implementing its current borders that rose from colonial borders. If an African country would claim the tribe and its area located in another African country, the whole continent would fall to endless devastating, bloody clan wars, violence and anarchy. The African continent would not exist as we know it today if tribes were allowed to dismember African countries by rejecting land-based colonial borders. The peace and stability of African states as well as Arab World states and Asian countries depend on respecting and recognizing colonial borders. Somaliland does not need approval from Somalia for its recognition as no African country needed approval of its independence and recognition from another African country. Similarly, Somaliland does not need to hold referendum for its independence and recognition as there are no African countries that needed to hold referendum for the approval of their independence and recognition. Somaliland calls on the UN and International Community to recognize it for its colonial borders and independence dated June 26, 1960. Abandoning colonial borders in Africa on which the independence and recognition of each African country depend upon would bring destruction to current African states and lead to endless tribal wars of catastrophic proportions. The declaration of Organization of African Unity (O.A.U) in 1964 on African Borders was the formal acceptance of the existing colonial borders inherited from colonial powers on which independence and recognition of each African country were based including Somaliland. That declaration had nothing to do with unifications, federations, and unions between two or more African countries like the failed union between Somaliland and Somalia formed with chauvinism and haste in 1960. A union or federation could be dissolved anytime if the sides disagree each restoring and retaining its original independence and borders. That declaration reinforces the rightful claim of Somaliland to be recognized as independent nation based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate on June 26, 1960. That declaration does not prevent Somaliland from withdrawing from the union with Somalia and restoring its independence and diplomatic recognition achieved on June 26, 1960 without the need of approval from Somalia. If Uganda and Kenya share union or federation today and after some time they disagree and dissolve that union or federation, each country would still be independent, recognized nation on its own colonial borders. Senegal and Gambia founded federation or union in February 1982 calling it Senegambia. That union was dissolved in September 1989 after disagreement and each country retained its original independence and diplomatic recognition without changing the borders of Africa. So, why denying Somaliland of retaining that independence and recognition it had before the union with Somalia 1960? Somaliland is not a secessionist or separatist or breakaway region from Somalia but Somaliland just withdrew from the union with Somalia after Somalia breached the emotionally-driven union with injustices and atrocities against Somaliland people(1960-1991). If Nyanza Province of Kenya, or Arusha Region of Tanzania, or Puntland province of Somalia break away from their own respective countries, that would make them secessionists, separatists, or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from colonial powers and that would create instability and political unrest in the continent of Africa because these provinces share history and colonial borders with their own countries. There is no doubt that Somaliland Republic will be recongnized soon or later for its colonial borders from Somaliland British Protectorate and for its independence achieved on June 26, 1960; two conditions necessary for the diplomatic recognition of each African country. So, People of Somalia are urged to focus on their interests and needs instead of chasing an unattainable unity. Both Somaliland and Djibouti locked their gates permanently from unity with Somalia, not for bilateral relations. Somaliland people don’t hate people of Somalia but the nightmares of the hijacked thirty-year old virtual union by Somalia dismiss any chance of restoring it. Somaliland people do not need to be convinced to come back to Somalia or get apology from Somalia for the atrocities committed against them. They just want to have their country back with respect and dignity. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
-
Xubnaha guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ayaa maanta fadhi rasmiya oo ay yeesheen ku doortay shir gudoon cusub. Xilka Gudoomiyaha guddiga waxaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye Ku Xigeen loo doortay Mudane Najiib Xuseen Samaale. Doorashada waxaa ka maqnaa 4-ta xubnood ee ka yimid garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana isdoortay 7 xubnood oo ka kala yimid garabka Mahdi Guuleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Xubnaha garabka Cabdi Xaashi ayaa doonayay in aysan doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxaa muuqata in khilaafka siyaasiyiin Waqooyi uu saameeyay guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi oo saameeyay guddiga doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada metelaya Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen guddoon cusub. 7-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale. Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa lagu shaaciyey doorashadaan, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnaha wax doortay aysan ku jirin kuwii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. Todobada xubnood ee maanta guddoonka dooratay afar ka mid ah waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, halka 3-da kale ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana goobta doorashada guddoonka ka maqnaa xubnihii uu soo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon. Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, oo la xajinayo dhanka Mahdi Guuleed, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi, ayada oo la sheegay in Rooble uu aqbalay. Si kastaba, doorashadii maanta ayaa lagu jebiyey ballan-qaadkii uu sameeyey Rooble, ayada oo saddexdii xubnood ee uu magacaabay ay doorashada ka qeyb-galeen, sidoo kalena doorashadii lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi. Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel. Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa inuu berri warbaahinta la hadlo, isla markaana uu cadeeyo mowqifkooda ku aadan guddoonka la doortay ee guddiga maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee gobollada waqooyi. The post Doorasho ay ka maqan yihiin garabka Cabdi Caashi oo guddoon loogu doortay guddiga gobollada Waqooyi appeared first on Caasimada Online.