-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xaaskii awoodda badneyd ee Ex-madaxweyne Anwar Saadaat Jihan Saadaat waxay u doodi jirtay xuquuqda haweenka Jihaan Saadaat waa xaaskii madaxweynihii hore ee Masar Anwar El Sadaat, waxay Jimcihii ku geeriyootay cisbitaal ku yaalla maagalada Al Qaahira halkaas oo maalmo lagu daweynayay. Jihan Saadaat waxay ku geeriyootay da’da 88, dadkii ka tacsiyeeyay geerida ku timid waxaa kamid ah madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi. Jihan Sadat waxay masaafo yar u jirtay seygeeda oo ahaa madaxweynihii Masar xilli dabley ay rasaas ku fureen xillii uu daawannayay ciidamo gaado ka ciyaar kusoo bandhigayay Qaahira, dhowr rasaas ayaa haleeshay seygeeda Anwar Saadaat, labo saacadood kadibna wuxuu madaxweynaha dhawaaca kasoo gaaray weerarka, 6-dii bishii Oktoobar ayay aheyd xilliggaas, waxaana meesha ka baxay awooddii Jihan oo aheyd marwada koowaad ee Masar. Taariikhda Jihan Waxay sanadkii 1933 ku dhalatay magaalada Qaahira, aabaheed wuxuu ahaa Masaari halka hoooyadeed ay kasoo jeeday Ingiriiska. Jihan waxay wax ka dhigtay iskuuladii dowladda ee gaarka u ahaa gabdhaha, waxay si wanaagsan u baratay luqadda Ingiriisiga, Carabiga, Xisaabta iyo Seyniska. Jihan waxay inta badan nolosheeda kusoo qaadatay arrimaha caddaallada iyo u doodidda xuquuqda dumarka Masar, waaana shaqo in muddo ah ay ku howlaneyd tan iyo markii la khaarijiyay seygeeda. Jihan waxay Anwar Saadaat kula kulantay guriga ay qof ay qaraabo ahaayeen , wuxuu xilliggaas ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada, wax yar ka hor waxaa laga soo sii daayay xabsi kadib markii uu waday dagaal ka dhanka ah maamulkii Ingiriiska ee Masar. Arooskii Anwar Saadaat iyo Jihan 29-kii bishii May 1949 Anwar markaa xaas hore ayay kala tageen, sanadkii 1949 ayay wada aqal galeen, waxay isu dhaleen afar carruur ah. Jihan waxay ku biirtay jaamacaddii Qaahira si u barato suugaanta Carabta, waxay ka qalin jebisay 1978 halka shahaadada labaad ay ka qaadatay sanadkii 1980. Sanadkii 1979 waxay seygeeda ku dhaadhicisay in uu ansixiyo xeer dumarka Masaarida loogu qoondeeyay 30 kursi golaha baarlamaanka. Awooddii Saadaat Saddex sano kadib guurdkoodi, Anwar Saadaat wuxuu ku biiray kacdoonkii uu horkacayay Jamaal Cabdinaasir ee xilka looga tuuray boqorkii Masar ee taageerada ka helayay Ingiriiska, waxay wax ka baddaleen hannaankii siyaasadda Masar. Anwar Saadaat xilal kala duwan ayuu dowladda kasoo qabtay markii dambe madaxweyne ayuu Masar ka noqday markii uu geeriyooday Jamaal Cabdinaasir sanadkii 1970. Jihan waxay kaalin firfircoon ka qaadatay maamulak dowladda markii uu awoodda hayay seygeeda, xitaa waxay u raaci jirtay safaaradda dibadda uu ku tegayo Anwar. Jihan waxay soo caanbaxday sanadihii 1960s markii ay waday olole ay ku dhiirigelineyso dumarka ku nool miyiga Masar gaar tuulada Talla oo ku taalla gobolka Nile Delta, waxay haweenka u sameysay ururro iskaashato si haweenka dhaqaala ahaan ay isugu tashadaan. Anwar iyo Jihan oo ku sugnaa gurigooda ku yaalla magaalada Alexandria sanadkii 1972 Sanadkii 1978, Anwar Saadaat wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee kasoo jeedo dalalka Carabta ee heshiis la galo Israa’iil kadib dadaallo diblumaasiyadeed oo ku aadan heshiiskaas oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyinihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, isla sanadkaas Anwar iyo Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil waxaa la siiyay bilabadda nabadda. Heshiskaas wuxuu ka careeysiiyay dadweyne badan oo reer Masar ah, waxaana Masar ka dhacay dibadbaxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo arrintaas. Labo sano kadib markii heshiiskaas saxeexay, waxaa laga soo dhaweeyay guud ahaan caalamka basle waxaa laga cambaareeyay dunida carabta. markii dambe waxaa la toogtay Anwar Saadaat xilli uu ku sugnaa goob ay militeriga gaaddo ka ciyaar kusoo bandhigayay magaalada Qaahira xilliggaas oo loo dabaaldegayay dagaalkii Masar iyo Israa’iil ee sanadkii 1973. Anwar Saadaat iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter xilli uu booqasho ku joogay Masar kadib heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil Noloshii waxbarashadeeda Markii la dilay Anwar Saadaat, Jihan muddo sanad ah ah indho lamaa saarin iyadoo ka murugeysaneyd dilka seygeeda. Waxay markii dambe u bilowday in bare ay ka noqoto jaamacadda Qaahira halkaas oo ay ka diyaarineysay waxbarahseeda PHD-da. Sanadkii 1984, guddoomiyihii jaamacadda gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka ayaa ka codsaday inay bare ka noqotao halkaas, markii dambena wey ka aqbashay. Waxay sidoo kale wax ka dhigi jirtay jaamacadda American University ee ku taalla Washington. Sanadkii 1986 waxay isaga tegtay jaamacadda South Carolina, waxay markii profasoor ka noqotay jaamacadda Radford ee gobolka Virginia. Jihan Al Saadaat waxay sanadkii 1993 noqotay profesaroor cilmiga xiriirka caalamiga ah ka noqotay jaamacadda Maryland ee Mareykanka. Qaran News
-
Talyaaniga ayaa riigoorayaal 3-2 uga adkaay Ingiriiska ciyaartii kama-dambaysta koobka qaramada Yurub 2020 ee ka dhacday Wembley, taas oo waqtigii caadiga ahaa ku dhamaatay 1-1. Luke Shaw ayaa bilowgii ciyaarta hoggaanka u dhiibay xulkiisa, markii uu qadiiqadii 2-aad dhaliyay goolkii uga dhaqsiyaha badan ciyaar kama-dambays qaramada Yurub. Balse waxaa rajadii Ingiriiska ee ahayd in ay 55 sano ka dib ku guuleystaan koob weyn burburiyay daafaca Azzurri, Leonardo Bonucci oo goosha bareejada dhaliyay ciyaarta oo ay ka dhiman tahay rubuc saac. Ciyaarta oo ahayd mid adag ayaa waqtigii caadiga iyo midkii lagu kordhiyay ku dhamaatay 1-1, taas oo sababtay in la dhigo riigoorayaal ay guushu ku raacday Talyaaniga. Goolhayaha reer Talyaani Gianluigi Donnarumma ayaa ahaa halyeeygii Azzurri ee bixiyay labo ka mid riigoorayaasha, halka Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka oo bedel ku soo galay ay ku guuldareysteen in ay soo taabtaan shabaqa uu waardiyaha ka hayo Donnarumma. Waa markii labaad oo Talyaanigu ku guuleysto koobka qaramada Yurub, horey wuxuu u qaaday sanadkii 1968-kii oo laga joogo 52 sano. Dalka Talyaaniga ayaa looga dabaal-degayaa guusha uu xulkoodu gaaray, halka Ingiriiska looga murugeysan yahay koobka London laga qaadayo ee la geynayo Roma. PUNTLAND POST The post Talyaaniga oo ku guuleystay koobka Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa degaanka Bohol Garas oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed. Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeeiyooday 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,.sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed. Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Rag hubaysan ayaa Waqooyiga gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ka afduubtay nin amiir ah iyo 12 xubnood oo qoyskiisa ah, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay qoyskiisa. Ragga weerarka qaaday oo deegaanka looga yaqaanay burcad ayaa gudaha u galay qasriga Alhassan Adamu oo 83 jir ah, ahna amiirka qowmiyadda Kajuru, wuxuuna gurigiisu ku yaalaa duleedka caasimada gobolka Kaduna. Ilo wareed kale oo ka tirsan qoyska ayaa sheegay in amiirku uu ka sii war hayay in uu jiro afduub ka dhan ah oo la qorsheynayay. PUNTLAND POST The post Nin amiir ah iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa oo lagu af-duubtay Nigeria appeared first on Puntland Post.
-
Dibadbaxyo rabshado iyo bililiqo wata ayaa waxay ka dillaaceen labo Gobal oo ka tirsan dalkaasi, oo looga soo horjeedo xabsiga lagu xukumay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma. Taageerayaashiisa waxay jidgooyo ku xanibeen Waddooyinka, iyagoo boobaya goobaha Ganacsiga. Dibadbaxyada waxay ka bilowdeen Gobalka KuwaZulu Natal, kadibna waxay ku fideen Gobalka kale ee Gauteng oo ay qeyb ka tahay magaalladda ugu weyn dalkaasi ee Johannesburg Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay ugu yaraan 62 qof u soo xireen Rabshadaha iyo Boobka ka socda Goballada ay ku badan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore, Jakob Zuuma oo ay u bilaabantay Xabsi 15 bilood ah. Maydka Nin 40-jir ah oo gubtay ayaa laga dhex helay goobtiisa Ganacsiga, waxayna Boliska baarayaan sababaha ku gedaaman dilkaasi. Sidoo kale, ugu yaraan 3 Saraakiil Bolis ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah la dhigay Isbitaalka, xilli ay Ciiddanka doonayeen inay ka hortagaan falalka Bililiqada. PUNTLAND POST The post In ka badan 60 qof oo lagu xiray Rabshado ka dhacay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadineyso in xilka laga qaado taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Khilaafka Villa Somalia iyo Jeneral Xijaar ayaa soo jiitamayey tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo sameeyeey muddo kororsigii fashilmay, markaasi oo Xijaar uu diiday inuu amro weerar lagu qaaday ciidamadii diidanaa muddo kororsiga ee Muqdisho soo galay, isaga oo booliska amray inay ku ekaadaan sugidda amniga. Villa Somalia ayaan sidoo kale ku qancin fur furnaanta taliye Xijaar iyo raali gelintii uu siiyay Murashaxiinta Mucaaradka ah gaar ahaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo murashaxiin kale, kadib markii ay dhammaatay xiisaddii Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay damacsan tahay in taliyaha booliska Soomaaliya laga dhigo Janaraal Asad Diyaano si uu qorshaha Farmaajo uga hergeliyo degaanada Puntland. Asad Diyaano oo ah Janaraal awood badan ayaa saameen weyn ku leh degaanada Puntland waxa uuna ahaa Murashaxii ugu adkaa ee tartanka la galay madaxweyne. Diyaano ayaa olole ka waday Muqdisho toddbaadyadii tegay. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay hada dejisay hoteel ku yaalo Airport-ka Muqdisho, waxaana la siiyay gaadiid iyo ciidan ka tirsan NISA oo amnigiisa suga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in uusan ilaa hada ka jawaabin codsiga ka yimid dhinaca Madaxweynaha lamana oga nuuca go’aan ee uu ka qaadan doono maadaama uusan Farmaajo laheyn sharciyad uu xil ka qaadis ama magacaabis ku sameeyo. The post Xog: Villa Somalia oo Rooble ku cadaadineysa inuu xilka ka qaado Xijaar – Yaa lagu beddeli rabaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada ee ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa maanta dhigay banaanbax cabasho ah, waxayna ka cabanayaan eedeymo culus oo uga imaanaya bulshada reer Somaliland. Dadka Oromada ah ee maanta banaanbaxa dhigay waxay sheegeen in mar kasta lagu tilmaamo kuwo caruurta xada ama afduubta, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoog leh oo ka qabaan in dhib loo gaysto. Waxay sheegeen in ilmayar oo dhawaan gurigooda laga xaday lagu eedeeyey inay xadeen dad Oromo ah, taas oo ku dhalisay cabsi ay ka qabaan in la bartilmaameedsado. “Anagu dalkan magan-geliyo ayaan ku joognaa, waxaan heysanaa kararka sharciga ah ee qaxootinimo, seddax sano ayaan joogaa dalkaan, waxaan ka codsaneynaa madaxda Somaliland oo xukunkooda aan hoos joogno, in nabad geliyada nada xil la iska saaro, magaalada waxaan kamari la’nahay Orormo caruurta ayey xadaa, waan cadibanahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ragii Oromada ahaa ee banaanbaxaas ka hadlay. Sidoo kale mid ka mid ah haweenkii Oromada ahaa ee goobtii banaanbaxa ka hadlay ayaa tiri, “Dadkeena Oromada ah intooda badan horta ma shaqeeyaan, waxna ma heystaan, dad gaajo u baqtinaya ayaa dalka ku nool, dadkeenii shaqa tegi lahaana waxaa la leeyahay Ubadkaa xadiin, marka dowladda waxaan leenahay taa nooga gargaara, Somaliland dhexdeeda dhinac aan u dhaqaaqno ayaan garan la’nahay, shaqooyinkii yaraa ee aan heysanay waxaa nagoola joojiyey Oromo dadka ayey qaadataa.” Dhinaca kale, guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed oo wareysi siiyey VOA ayaa meesha ka saaray inay jiraan dad halis ku ah amniga dadka Oromada ah ee ku nool deegaanada Somaliland. “Warbaahinta waan ku arkay cabshada dadka Oromada ah, inkastoo aysan noo imaanin oo aysan nala wadaagin waxa ay dareemayaan, laakiin dadka intii sharci dalka ku joogta dowladda ayaa amnigooda damaanad qaaday, sida umadda kale ee reer Somaliland, ma jirto sabab ay cabasho u muujiyaan, ma jiraan dad isku abaabulaya inay dhibaateeyaan dadka Oromada ah,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed Maxamed guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland. The post Itoobiyaanka ku nool Hargeysa oo dibad-bax dhigay kadib markii lagu eedeeyey arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa u muuqato inaysan ku dhici karin waqtiga loo asteeyey ee ah 10 October sida lagu dhigay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sababaha ugu weyn oo aysan doorashada waqtigeeda ugu dhici karin ayaa ah in Beesha Caalamka ay weli daahineyso lacagihii laga sugayey inay ku bixiso doorashada Soomaaliya. Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, Beesha Caalamka ayaa weli ku kalsooneyn in dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida ay si madax banaan u qaban karaan doorasho la isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Wasiirka Maaliyada dowlada federalka ayaa dhawaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada. Beesha Caalamka ayaa dedaal badan waxay ku bixisay sidii doorasho deg-deg ah uga qabsoomi lahayd Soomaaliya, ayaga oo si weyn u taageeray dedaalada ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen hogaanka dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Sikastaba ha ahaatee, lacag la’aanta soo wajahay geedi-socodka doorashada ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filayo isla markaana ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay. 25 Bishaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada aqalka sare, welina ma muuqato diyaar garow loogu jiro doorashadaas, taasoo loo sababeeyey inaan weli la heyn lacagihii doorashada lagu dhaqaajin lahaa. The post Xog: Beesha caalamka oo weli diidan bixinta lacagta doorashooyinka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo wali uusan dhamma baaritaanka ay waddo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa haddana warar hordhac oo aan ka helnay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay sheegayaan, in Cabdifitaax Cali Cumar oo loo heysta dhaca dumar badan uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Cabdifitaax oo lala soo qabtay nin kale iyagoo wata gaari islamarkaana Bastoolad dadka ku dhacaya ayaa qirtay in uu ahaan jiray Khadiib Masjid iyo in uu dhacay 30 dumar ah, kuwaas oo uu ka qaatay mobeelo ay wateen, inkasta oo tirada dumarka uu dhacay la gaarsiinayo 60. Ilo-wareedyo kuwa ammaanka ah ayaa sheegay in Cabdifitaax uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab kadibna uu ka baxay isagoo aaday Nairobi markii uu dib ugu soo laabtay dalkana uu markale ku biiray Al-Shabaab isagoo hadda u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda. Askartii soo qabatay Cabdifitaax ayaa Maxkamada ka sheegay in uu siiyay lacag dhan 3 kun oo dollar, halka akoonkiisana la sheegay in ay ku jirto lacag ka badan 20 kun oo dollar. Xogta ayaa tilmaameysa in ninkaan uu ahaa sarkaal dhinaca maaliyada ah oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna lacagaha ka qaadi jiray ganacsatada, hay’adaha iyo dadka kale oo ay lacagaha ka qaadaan Al-Shabaab. Si kastaba, ma cadda sababta Cabdifitaax u gaysay dhaca, ayada oo saraakiisha Al-Shabaab aan inta badan lagu aqoon dhaca waddooyinka, balse ay dadka ku dhacaan hab qasab ah, sida canshuuraha iyo lacagaha kale ee ay weydiistaan. Si kastaba waxaa la filayaa in dhawaan la soo gaba-gabeeyo dhagaysiga dacwadda Cabdifitaax oo si gaar ah isha loogu haayo, ayada oo kadibna la filayo xog badan inay dibedda usoo baxdo. The post Xog: Ninka Imaamka ahaan jiray ee loo haysto dhaca 60-ka haween oo noqday… appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Jaalliyada Oromada ee ku dhaqan Somaliland, oo ka cabanaya magac dil iyo raaf joogto ah. Dadwaynaha Oromada ah oo mudaharaad ka dhigay Hargaysa, ayaa cabasho ka muujiyay ciidanka booliiska oo ay sheegeen in ay raaf joogto ah ku hayaan. “Ubadkayagii waala wada raafayaa, Wajaale ayaa lagu wada qubayaa” haweenay kamida mudaharaadayaasha ayaa sida tidhi. “Hooyooyinkii khaatiyaan bay ka taaganyihiin, maalinkasta way ooyayaan” ayay hadalkeeda sii raacisay. Sidookale waxay cabasho ka muujiyeen in suuqa loo galiyay dacaayado, oo lagu sheegay in danbi kastaba ay iyagu galaan. “Falkasta oo dhaca waa Oromo, inan hadii la kufsado waa Oromo, mobil hadi la qaato waa Oromo” haweenay kamida mudaharaadayaasha ayaa sida tidhi. “Dowlada Somaliland sidan ha naga dayso ayaanu leenahay”. “Xaafadaha ayaanu u shaqayna, imika uma shaqayn karno, madama oo lana leeyahay caruurti ayaad xadaysan” ayay hadalkeeda sii racisay. Dad katirsan qoomiyada Oromada, ayaa lagu eedeeyay in ay xadeen caruur reer Hargaysa ah, isla markaana booliiska ayaa raafa dadka Oromada ah Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Saxarla Cabdullaahi Bahdoon ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa caasimada dalka Itoobiya. Gabadhan ayaa ku guuleysatay kursiga lagu tartamayay ee xaafadda Yeka magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah. Saxarla Cabdullaahi oo ah wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya waxa ay ku tartamaysay magaca xisbiga EPP ee tallada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah. Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaadhka aheyd ee EPDRF. Aabbaheed ayaa shan sannadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u raray, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi. Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay. Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba. Waxa ay xidhiidhiye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay helaan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo kalana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaanba. Source
-
Labo Haweena oo Soomaali ah oo ka mid noqday Golaha Degaanka Addis Ababa Waxaa markii ugu horeesay taariikhda oo ay Soomaali ka soo baxdo golayaasha magaalada Addis Ababa. Kuraasta golaha deegaanka ee magaalada Adhisababa oo dhan 138 kursi, kuwaas oo uu dhammaantood xisbiga PP ku guuleestay ayaa waxaa ka mid noqatay labo gabdhood oo Soomaali ah. Farxiya Maxamed cumar ahna wasiiru dowlaha dhaqanka ee dalka Itoobiya iyo Faa’isa Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ismaamulka Magaalada Addis Ababa ayaa ka mid noqonaya golaha cusub ee degaanka caasimadda dalkaas, Itoobbiya. Magaalada Addis waxaa ku nool Soomaali tiro badan oo shaqo, waxbarasho iyo deegaan ba u ah. Qaran News
-
Addis ababa (Caasimada Online) – Saxarla Cabdullaahi Bahdoon ayaa noqotay inta taariikhda la ogyahay qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo Xildhibaan loogu doorto Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Saxarla Cabdullaahi ayaa hadda ah wasiiru dowlaha arrimaha caafimaadka dowladda federaalka ee waddanka Itoobiya. Waxay kusoo baxday cod aqlabiyad leh kadib tartan adag oo ka dhacay doorashadii bishii hore loo galay kursiga Xildhibaanimo ee Xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa. Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah. Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF. Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi. Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay. Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba. 2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan. Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika. 2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi. The post Waa tuma Saxarla C/llaahi: Gabadhii ugu horreysay ee SOOMAALI ah ee xildhibaan ka noqota Addis Ababa? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhawaan ka dhacday Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri “Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasare Abiy Axmed Ali oo sharciyad adag ka helay shacabka Itoobiya” “Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta dowladiisa si loo sii xoojiyo xiriirkeena laba geesoodka ah si ay uga faa’iideystaan shacabka labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn mudane Ra’iisul Wasaare” ayuu sii raaciyay madaxweyne Farmaajo. Guddiga doorashooyinka qaranka dalkaas ayaa shalay galinkii dambe sheegay in xisbiga EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey uu ku guuleysay 410 ka mid ah. Xisbiga xisbiga EPP ee hoggaamiyo Ra’iisul awasaare Abiy Axmed ayaa 174 kursi u baahnaa, si uu ugu guuleysto doorashada. Doorashada ayaa weli ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho oo ay uga qabsoomi wayday sababa amni darro. Doorashadii dhawaan qeybo ka mid ah Itoobiya ka dhacday ayaa gorfeeyeyaal badani ku tilmaameen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay guusha Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.
-
Fadeexada Foosha xun ee soo baxday+Sidii Xoolaha Umadda loo dhici jiray. Saaka waxan ka qayb galay qandaaraaskii u horeeyey ee Dawlada Hoose Hargaysa(DHH) samayso. Qandaraaskan oo ahaa shidaalka waxa amray Maayarka iyo Maayarku xigeenka, waxa fuliyey gudida qandaraasyada DHH. Qabashada qandaraaskani wuxu DHH u suuro geliyey inay saxaan qiimihii shidaalka laga siin jiray. Hore waxa laga siinayey Diesel 15000SLSH iyo Petrolka 16000SLSH, imikana waxay ku helayaan Diesel 6100SLSh iyo 6400SLSH. Reer Hargaysow waxa hesheen maamul cashuurta la idinka qaado idiin ilaalinayee u soo duceeya. Waxa xusid mudan qiimaha hore iyo ka danbe ba waa isku Kaalin Waxay arintani ku tusaysaa sida ay Aaran Dubato u boobi jireen dalka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta war kasoo saaray natiijadii doorashada Ethiopia, taasi oo uu ku guuleystay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada. Farmaajo oo ugu horeyntii guushaas ugu hambalyeeyay Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku macneeyay natiijada doorashada Ethiopia mid uu Abiy Ahmed “muddo xileed kale oo awood badan kaga helay” shacabka Ethiopia. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta xukuumadda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladooda iyo shacabka labada dal. “Waxaa si diirran ugu hambalyeynayaa PM Abiy Ahmed, Soomaaliya waxay sii wadi doonta la shaqaynta dowladdiisa (xukuumadda Abiy) si loo sii xoojiyo xiriirkeenna laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.” “Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane PM Abiy Ahmed,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka. Guushan la shaaciyey ee doorashada Ethiopia, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia. The post Madaxweyne FARMAAJO muxuu ku macneeyey guusha Abiy ee doorashadii Ethiopia? appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenaydii ugu horraysay ee Soomaali ah ee Addis Ababa xildhibaan ka noqota Saxarla Cabdullaahi Bahdoon Saxarla Cabdullaahi Bahdoon, wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya ayaa inta la og yahay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa. Waxa ay ku soo baxday xildhibaanka xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah. Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidhka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah. Waa qofma Saxarla? Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF. Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi. Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay. Saxarla Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba. Waxa ay xiriiriye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay helaan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo kalana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaanba. Dhanka kale waxa ay Saxarla wax ka qabatay oo ay horumarisay barnaamijyada nadaafadda iyo fayadhowrka bulshada iyadoo horumarisay caafimaadka iyo tallaabooyinka loogaga hortagi karo cudurrada. Taariikhdeeda siyaasadda 2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan. Shantii sanadood ee ay ka tirsanayd baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, Saxarla waxa ay aheyd gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka. Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika. 2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi. Saxarla Cabdullaahi Bahdoon Doorashada Itoobiya: Abiy Ahmed oo ku guulaystay aqlabiyad wayn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu ku guulaystay aqlabiyad wayn oo uu ka helay doorashooyinka dalkaasi ee dibka loo dhigay, waxaa sidaasi Sabtidii sheegay guddiga doorashooyinka. Guddiga ayaa sheegay in xisbiga Mr Abiy ee Prosperity Party uu ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, shan meelood oo meel dalkaasi ayaanay doorasho ka dhicin dhibaatooyinka dhanka farsamada ah iyo ammaan xumo awadeed. Doorashada ayaanay ka dhicin gobolka Tigray ee ay colaaddu ka taagan tahay, halkaas oo kumannaan kun oo qof ay ku nool yihiin xaalad macaluul ah. Doorashooyin kale ayaa waxaa loo asteeyay in 6-da bisha Sibteembar lagu qabto deegaannada aanay doorashadu ka dhicin, hasayeeshee taariikh looma astayn doorashada gobolka Tigray. Doorashada ayaa markii horaba waxaa dib loogu dhigay cudurka safmarka ah ee Covid-19 awadii. Mr Abiy, oo ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu codbixintan ku tilmaamay “doorasho taariikhi ah oo loo dhan yahay”. Xukuumad cusub ayaa waxaa la filayaa in la dhiso bisha Oktoobar. Sikata oo uu xaalku ahaadase, waxaa jira walaac laga qabo hufnaanta doorashada. Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay ka cawdeen in baacsiga dowladdu ee saraakiisheeda uu hakiyay qorshihii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen doorashada. Berhanu Nega ayaa sheegay xisbigiisu, Ethiopian Citizens for Social Justice, uu gudbiyay in ka badan 200 oo cabasho kaddib markii korjoogayaashiisii ku sugnaa dhowr gobol ay hor istaageen saraakiisha maxalliga ah iyo maleeshiyaadba. Qaran News