-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Itoobiya oo leexisay Duulimaadyadii ku wajahanaa Addis-ababa,Halka loo leexiyey+Sababta Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah. Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn. “Taxaddar dartiis, duulimaadyada ku wajahan Addis-Ababa ayaa loo weeciyey garoomo diyaaradeed kale oo ku dhow sababo la xiriiro cimilada aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. “Maadaama bad-qabku yahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hadda ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa. Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.” Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul-wareegayeen. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa markii u horeysay soo jeediyay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacagaha ay hesho Al-Shabaab iyo howlaha sugida Amniga ee ka socda deegaanadaas. Cabdiladiif oo hadda booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa uu soo jeediyay inaysan marnaba Ganacsatadu siin argagixisada lacago baad ah oo ay isku bad-baadinayaan, halka lacagahooda lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in lacagaha ay ganacsatadu siiyan Al-Shabaab iyo Daacish ay sii dhiiri-geliso falalka arxan darada ah ee lagu laynayo shacabka, islamarkaana ay ganacsatadu qeyb ka tahay falalkaas, maadama ay lacagta u badan baxshaan, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaaso, waa in Ganacsatada ay si deg-deg ah u diidaan lacagtaas oo ay u fariistan, una midoobaan arrintaas,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la toogto ganacsade kasta oo la ogaado in uu lacag siiyo argagixisada, ama’se la maxkamadeeyo, si looga waantoobo arrintaas oo dhibaato weyn ku ah dalkeena. “Waa in la marsiiyo dariiqa argagixisada ay dadka marsiiyan, waxaan jeclaan lahaa in cidii lagu ogaado in dariiqa ku toogataan, haddii ganacsato weyn lagu ogaado lacag waa in la toogta ama maxkamadeysaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey shacabka in loo midoobo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay gaancsatada ka waantowdo lacagaha ay siinayaan kooxahaaas, midaasi oo lagu leynayo dadkooda. The post “Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab waa in la toogto” – Amar culus oo lasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Liiska tobanka ciidan ee ugu awooda badan qaarada afrika waxaa ku jira ciidamada lix dal oo carbeed, oo uu hogaaminayo ciidanka masar, kaas oo kaalinta koowaad galay, waxaa ku xigay ciidamada Algeria oo galay kaalinta labaad, Halka ciidanka Marooko ay ku jiraan kaalinta shanaad, ka dibna ciidamada Liibiya aya ku jira kalinta sideedaad ee Afrika, dalalka Tunisia iyo suudaan ayaa buuxiyay kaamaha sagaalaad iyo kaalinta tobnaad ee kala sareynta awoodaha ciidamada afrika. Sida laga soo xigtay xogta laga soo xigtay website-ka Global fire Power, oo ku takhasusay arrimaha militariga iyo kala soocida ciidamada adduunka oo dhan, ciidanka Masar, oo hogaaminaya liiska ciidamada ugu awooda badan ee Afrika iyo Carabta, ayaa kaalinta 13aad ka galay adduunka. 1 Ciidanka Masar Ciidanka Masar waxay gaareen horumar la taaban karo oo ku aadan hawlgalada hubka iyo awoodaha tikniyoolajiyadda casriga ah, kadib afganbigii juun 30, 2013kii iyadoo dalka uu saxeexay heshiisyo militari oo horumarsan oo aan horay loo arag. Tira ahaan, xoogga ciidamada qalabka sida ee Masar waa ilaa 930,000 oo askari 450,000 oo kamid ah ay diyaar ku yihiin xeryaha ciiramada halka 480,000 yihiin ciidmaada keydka Marka loo eego warbixinta wargeyska, miisaaniyadda difaaca ee masar waxay gaareysaa toban bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Ciidanka Masar waxay leeyihiin 1,053 diyaarado dagaal oo kala duwan oo 250 diyaaradood kuwa dagaalka ah ay ku jiraan, 59 diyaarad xamuul oo milatari ah, 341 diyaarad oo tababarada ciidamada, 11 diyaaradood oo gaar ah, iyo 304 helikobtar milatari, oo 91 kamida ah ayihiin helikobtarada weerarka, Masar waxay leedahay 83 garoon diyaaradeed milltary. Dhanka Taangiyada, ciidamada Masar waxay leeyihiin 3,735 taangi, 11,000 oo gawaarida gaashaaman ah, 1,165 madafiicda dhaqdhaqaaqa ah, iyo in ka badan 2,200 oo madafiicda goobta ah, marka lagu daro 1,235 gadiidka laga ganao gantaalaha . Ciidanka Badda ee Masar waxa ay leyiihiin 316 gadiidka badda oo kala duwan. Masar waxay leedahay laba marakiibta xambaara diyaaradaha oo lagu kala magacaabo Anwar Sadat iyo jamal Abdel Nasser. 2-Ciidanka Aljeeriya. Kaalinta labaad ee Afrika waxaa soo galay ciidanka Algeria -oo kaalinta 27aad kaga jira adduunka- oo leh awood dhan 280,000 oo askari (130ku diyaarsab xeryaha miltry iyo 150,000 keyd). Miisaaniyadda difaaca – sida ku cad isla webseytkan0 – waxaa lagu qiyaasaa qiyaastii 13 bilyan oo doolar. Ciidamada Algeria waxay leeyihiin 551 diyaaradood oo kala duwan 102 kamid ah ay yihiin kiwa dagaalka 22 diyaaradood oo kuwa weerarka ah, 60 diyaaradood oo xamuul ah, 87 diyaarado tababar ah, sagaal diyaaradood oo kuwa qaaska ah, 268 helikobtarro militari. Heerka taangiyada, ciidanka Aljeeriya waxay heystaan 2,024 taangi, 7,000 oo gawaarida gaashaaman ah, 324 madafiicda dhaqdhaqqada 396 madaafiicda goobta ah iyo 300 oo ah gaawarida laga tuuro madaafiicda. Sido kale oo uu leeyahay 201gaadiidka badda ah oo kala nooc ah. 3-ciidanka koonfur afrika:- Kaalinta seddexaad ee Afrika, iyo tan 32 adduunka, waxaa soo gala ciidanka Koonfur Afrika, oo leh awood 81,500 oo askari 66 kun oo askari oo shaqada ciidamada ,yo 1500 keyd ah. Ciidanka Koonfur Afrika waxay leeyihiin 221 diyaaradood oo noocyo kala duwan leh (17 diyaaradood oo dagaal ah, 22 diyaaradood oo xamuul ah, 88 diyaaradood oo tababar ah, toddobo diyaaradood oo gaar ah, iyo 87 helikobtarro militari. 4-ciidanka nigeria. Kaalinta afaraad ee Afrika, waxaa soo galay ciidanka Nigeria – oo kaalinta 35-aad kaga jira adduunka – kaasoo leh awood dhan 120,000, Miisaaniyadeeda difaaca waxaa lagu qiyaasaa ilaa $ 2 bilyan. 5-Ciidanka Marooko Ciidanka Marooko waxa lagu tilmaamay ciidanka shanaad ee ugu awooda badan qaarada afrika, waxaayna gaarayaan 460,000 oo askari (310 kum oo kamid ah ay ku jiraan aajibaadkooda shaqo halka 150,000 oo keyd. Miisaaniyadda difaaca – sida ku xusan isla bogga GFP waxaa lagu qiyaasaa illaa lix bilyan oo doolar. Ciidanka Morocco – oo kaalinta 53aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 1,053 diyaaradood oo kala duwan 250 diyaaradood oo kamid ay yihiin kuwa dagaalka, 88 diyaarado weerar ah, 59 diyaaradood oo xamuul milatari ah, 341 diyaaradood oo tababar ah, 11 diyaaradood oo khaas ah, iyo 304 oo helikobtarro milatariga. 6-Ciidanka Itoobiya Ciidmaada itoobiya ayaa kaalinta lixaad ka galay qaaradda Afrika, iyadoo ay tiradoodu ahayd 192,000 oo askari. Miisaaniyadda difaaca itoobiya, sida laga soo xigtay Global fire Powe, waxaa lagu qiyaasaa illaa $ 520 milyan. Ciidanka Itoobiya – oo kaalinta 60aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 92 diyaaradood oo kala duwan oo oakooban 24 diyaaradood oo dagaal, sagaal diyaaradood oo xamuul millatari ah, 26 diyaaradood oo tababar ah, iyo 33 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 7-Ciidanka Angola Ciidamada Angola waxay kujiraan kaalinta 7-aad ee lala horeynta xoogga ciidamada ee qaarada Afrika, waxayna gaarayaan 110,000 oo askari. Miisaaniyaddeeda difaaca waxaa lagu qiyaasaa in ka badan toddobo bilyan oo doolar, sida lagu sheegay tirakoob laga soo xigtay websaydhka Global Firepower, oo ku takhasusay qiimeynta ciidamada adduunka oo dhan. 8-Ciidanka Liibiya. Ciidanka Liibiya, waxay kujiraan kaalinta sideedaad ee Afrika. Libiya Waxay leedahay awood dhan 30,000 oo askari, miisaaniyadda difaaca dalkan waxaa lagu qiyaasaa $ 4.9 bilyan. Ciidanka Liibiya – oo kaalinta 70-aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 118 diyaaradood oo kala duwan (20 diyaaradood oo dagaal ah, lix diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah, 64 diyaaradood oo tababar ah, iyo 26 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 9-Ciidanka tunisia. Ciidanka Tuniisiya waxay kujiraan kaalinta sagaalaad. Waxay leedahay awood dhan 36,000 oo askari. Global Fire Power waxay ku sheegtay miisaaniyadda difaaca Tunisia qiyaastii $ 810 milyan. 10- Ciidanka sudan Ciidamada Suudaan waxay kujiraan kaalinta tobnaad ee kala horeynta ciidamada Afrika, iyo kaalinta 77aad adduunka. Waxay leedahay awood 190,000 oo askari 105,000 oo ku diyaar ku ah xeryaha ciidmaada iyo 85,000 oo keyd ah. Miisaaniyaddeeda difaaca suudaan waxaa lagu qiyaasaa $ 4 bilyan. Dalalka Qaaradda Afrika waxaa soo foodsaaray caqabado sii kordhaya, iyadoo ay sare ukacayaan khataraha kala duwan ee ku wajahan qaarada taas oo lagama maarmaan ka dhigaysaa tayeynta iyo horumarinta awoodda milltari ee Ciidmaada milatari ee dadlalka xubnaha ka ah midawga africa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay jeedinayay codsi ku saabsan in anshax-marin lagu sameeyo xil. Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Kuluc), kaas oo horay u dhaliilay wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Xildhibaannada ayaa sheegay, in mudane Kuluc uu been-abuur ka sameeyay Golaha, islamarkaana lagu qaado anshax-marin, haddii uusan raalli-gelin ka bixin hadalkiisi ahaa in wax-ka beddelkii lagu sameeyay xeer-hoosaadka uusan waafaqsanayn Dastuurka. Sidoo kale, waxa jirtay in Guddoonka Golaha Wakiilada oo la kulmay Xildhibaan Kuluc ay ka codsadeen in uu raalli-gelin ka bixiyo hadalkaas, inkastoo xildhibaanku diiday codsigooda, isagoo ku adkaystay in uusan wax been-abuur ah ka sheegin Golaha. Guddiga Anshaxa Golaha Wakiilada oo shalay lagu wareejiyay arrinta Xildhibaan Axmed Kuluc ayaa sidoo kale Fadhiga berri laga sugayaa in ay jawaab ku soo celiyaan Golaha. Dhinaca kale, Xog lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in lix mudane oo keliya ay dabada ka riixayeen abaabulka ku aaddan in anshax-marin lagu qaado Axmed Kuluc, haddana ay taageero uga waayeen inta badan xildhibaannada Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in anshax-marin lagu samayn doono xildhibaan Kuluc? appeared first on Puntland Post.
-
Feeryahanada Ramla Cali, oo Soomaaliya metelaysay ayaa lagaga guulaystay feedhkii maanta iyadoo guushu raacday Maria Claudia Nechita oo Romania u dhalatay. Source
-
(SLT-Hargeysa)- marna is-muquuninta shir guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada garab ee Xisbga KULMIYE iyo isbahaysiga Xisbiyadda UCID iyo WADDANI oo hadda isu arka dhankooda inay yihiin Ragga Xaraarta-butaystay oo aan cid kale ku qoor-diyeyn,waxad mooda in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey ay hadda u wareegtay garoomada deegaanada Gal-beedka dalka, walow Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa labada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo ka qaybgalka ciyaarta soo gunnaanadi doonta loollanka mudada dheer soo jiitameyey. Dhanka kalene Hoggaanka Isbahaysiga mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa qaabilay xildhibaanno Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal oo ballanqaaday in ay dhisayaan musharraxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee Isbahaysiga Mucaaradka. Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif iyo Musharraxa guddoomiye xigeenka 1-aad Cumar Jaamac Faarax ayaa si weyn ugu mahadceliyay Xildhibaannada, islamarkaana ballanqaaday in ay tabashada reer Awdal ee dhanka Saamiga si weyn u taageeri doonan dadaallada wax lagaga qabanayo. Sida oo kale Afhayeenka Xildhibaannada Gobolada Awdal iyo Salel Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa ballan qaaday in ay u codaynayaan Musharraxiinta Shirguddoonka ee Isbahaysiga Mucaaradku soo xulay” annigu KULMIYE ayaan ahay KULMIYE ayaan ahaan doonnaa ,lakiin caddaaladu meesha ay taallo waddanku caddaalad ayuu u baahan yahay, maanta caddaalad cid noogu hiilisa ayaan isbahaysi la samaysanay haddii aanu raar Awdal nahay ,waxaan ka tagnay Caddaalad darrada Madaxweynaha maanta jooga ee Muuse .” Waxa uu intaas ku sii daray “ Maalintii aan haddalnay ee hawsha shir guddoonka aan ka hadlaynay in caddaalad loogu qaybiyo dadka wey dhici weyday annagoo nidhi toddobada xubnood ee mucaaradka ayaanu keenaynaa Guddoomiye ku-xigeenka ayaan xaq u lahaynay hanala siiyo ayaanu jawaab weynay,markii aanu war-baahinta ka haddalnay waa na loo yeedhay waanu is hor fadhiisanay,waxaan ku nidhi haddii aad labadii xubnood naga qadisay oo ma inankaas ayaa naga miisaan culus Qodax waxa uu noogu jawaabay isaaq ayuu tirsanayaaye ,annagu Madaxweyne Somaliland ah ayaan mooddaynee haddii uu oday isaaq noqday ,taas ayaan ka tagnay wax reer Awdal halkaa u yaallaa ma jirto.” Geesta kalene Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay in Xildhibaannada kale ee reer Awdal oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE ay iyana imanayaan halkan si ay u dhisaan shir guddooonka Somliland loo dhan yahay “Xildhibaannadii Xisbiga KULMIYE anniga oo ah inta kalene u tallinayana wallaahay oo leh soo raaca xaqa ,Waxa aan ballan-qaadayaa in aan codkayga ugu hiilinayo codkayga xaqa halka uu yaallo Musharraxiinta isbahaysia Cabdirasaaq Khaliif, Cumar Jaamac iyo Cali Xaamud .”ayuu yidhi Geesta kalene warar xog-oggaal ah ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in tiradda Xildhibaannada ay haystaan isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ay gaadhayaan kontan muddane,halka Xildhibaannada uu haystaa Xisbiga KULMIYE ay yihiin 32 Xildhibaan, waxaana la sheegay in haddii uu haysan lahaa KULMIYE aqlabiyad aanu u laba lugoodiyeen ee uu Madaxweyne Biixi isku yeedhi lahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada,balse weli uu naawilayo inuu xubno kale helo. Source
-
Dekeda Berbera, waxa Ilahay dhigay Marin-muhiim u ah, isu-socodka dunida, iyadoo ku taala goob istaatiya, isla markaana ah Wadnaha Geeska Afrika, Marin-biyoodka Baabul-mandab oo ay kulaalayso iyo isu-gudubka Saxiimadaha Xamuulka qaada ee u kala goosha qaaradaha dunida. Wejiga koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, waxa la rumeysan yahay inuu qaadi doono in ka badan hal milyan oo konteenar sanadkiiba oo leh kaabayaal casri ah, oo isugu jira wiish-ka-dejineed iyo wiishashka wareega. Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, oo Heshiis la gashay Shirkada Dp World, oo maalgelisay Dekeda Berbera, waxay Mashaaric Horumarineed ee Maalgelinta Dekeda Berbera guulaysteen mudadii uu hoggaanka talada Somaliland yimi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Tisqaadka Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa uu soo maray maraaxil kala duwan, waxana Guusha Dhismaha Dekeda Berbera, si shaqqsiyana ugu suntan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo shaqsiyaad uu kow ka yahay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi. guulahaas ay Somaliland gaadhay Maanta cid kastoo ka qayb qaadatay, waxa ay istaahishaa in magacooda lagu xardho Taalooyin Waaweyn, waayo?. Hoggaamiye kastaa oo dalkiisa Horumarinaya kaabayaashiisa dhaqaale, wuxuu Taarikhda dalkaas ka galaa Baal Dahab ah. Dekeda Berbera waxay noqonaysaa sannadaha dhow mida ugu Mashquulka badan, Dekedaha ku yaala dalal Geeska Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxay ku hawlan yihiin, inay noqoto Dekeda Berbera mida waraabisa inta badan dalka Itoobiya oo aan lahayn bad, waxanay ku guulaysteen qorshaha, Itoobiya na waxay diyaar u tahay inay badeecaddaheeda kala duwan kala soo degto, 70%, Dekeda Berbera oo ah mid Casriya oo Caalamiya. Dekeda Berbera waxay Xukuumada Somaliland intii kalankeeda ah si weyn ugu horumarisay qalabayn badan iyo sidoo kale dhismayaal xafiisyo iyo weliba Tabobar xirfadooda kor loogu qaadayo Shaqaalaha Dekeda Berbera. Haddaba Ujeedada qormadan kooban ayaa ah inaynu ku iftiimino isbedelada la mahadin doono ee ay Dekeda Berbera samaynayso sannooyinkii u dambeeyey. Dekeda Berbera waxay isu diyaarinaysaa inay noqoto midda ugu hoggaamisa Dekedahaha Geeska Afrika mustaqbal dhow, waxayna sadexdii sanaadood ee u dambeeyey qaadaysaysay tallaabooyin Horumarineed oo dhinacyo kala duwan ah, waxay u muuqata saadaasha mustaqbal wanaagsan ee Dekeda Berbera inay noqon doonto Dubai Geeska Afrika. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu abuuray Xirfad-yahano ku xeel-dheer shaqada loo qabanayo Maraakiibta waaweyn iyo Gaadiid Gaadiid kasta oo bada mara. Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow. Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato, waxanu sameeyey dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu u qabato Shacabka iyo ganacsatada dalka. La soco qaybaha dambe. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac. jamafarxaanaadan@gmail.com Hargeysa/Somaliland. Qaran News
-
Madaxweyne kala diray Baarlamanka dalkiisa, shaqadana ka eryay raysal wasaarihiisa+Sababta Dibadbaxayaasha magaalada Tunis Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada ka ceyriyay ra’isul wasaaraha, isla markaana kala diray baarlamaanka, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan wadanka. Kumannaan kun oo mudaaharaadayaal ah, oo ka careysan qaabka khaldan ee dowladda u maamushay xanuunka ‘Covid-19’, ayaa soo buux dhaafiyay waddooyinka waxayna isku dhaceen booliska. Madaxweyne Kais Saied ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegayo xilka isagoo gacan ka helaya ra’iisul wasaare cusub, waxa uu sheegay inuu damacsan yahay inuu dejiyo xaaladda dalka oo uu dib usoo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta. Balse dadka ka soo horjeedaa waxay ku tilmaameen talaabadiisa inay inqilaab tahay. “Waxaan qaadanay go’aannadan … illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo in aan badbaadinno dowladda,” ayuu Mr Saied ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay ka dib kulan deg deg ah oo amniga looga hadlay oo ka dhacay qasrigiisa. Gelinkii dambe ee habeenkii Axadda, ka dib go’aanka madaxweynaha dibadbaxayaashu ayaa sameeyay dabbaal degyo ay ku taageerayaan warka ah in ra’isul wasaare Hichem Mechichi la ceyriyay. Kumannaan kun oo qof ayaa banaanbax ka dhan ah xisbiga talada haya ka dhigayay caasimada Tunis iyo magaalooyin kale, iyagoo ku qeylinayay “banneeya meesha!”, Waxayna ku baaqayeen in baarlamaanka la kala diro. Ciidamada amaanka ayaa xiray baarlamaanka iyo waddooyinka ku xeeran bartamaha Bourguiba, oo ah xarun saldhig u ahayd mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda intii lagu gudajiray kacdoonkii Tunisia ee sanadkii 2011. Dibadbaxayaasha magaalada Tunis Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday dibadbaxayaasha waxayna xireen dhowr qof, iyadoo iska hor imaadyo ay ka bilowdeen magaalooyin kale oo dhowr ah. Dibadbaxayaasha ayaa xoog ku galay xafiisyada xisbiga talada haya ee Ennahdha, iyagoo jajabiyay kumbuyuutarro isla markaana dab qabadsiiyay xaruntiisa deegaanka ee Touzeur. Xisbiga ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen “kooxaha dambiilayaasha ah” ee isku dayaya inay “abuuraan fowdo iyo burbur”. Digniin militari Madaxweyne Saied wuxuu wacad ku maray inuu tallaabo military kaga jawaabi doono rabshado kale oo dheeraad ah. “Waxaan uga digayaa qof kasta oo ku fikira in uu hub adeegsado… iyo qofkii xabbad ridana, ciidamada qalabka sida ayaa ku jawaabi doona rasaas,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in dastuurka uu u ogolaanayo inuu kala diro baarlamaanka hadii ay jirto “khatar soo food leh”. Laakiin afhayeenka baarlamaanka Tuunis Rached Ghannouchi ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu wado “afgambi ka dhan ah isbadalka iyo dastuurka”. “Waxaan u aragnaa hay’adaha inay wali taagan yihiin, taageerayaasha xisbiga Ennahda iyo shacabka Tunisia waxay difaaci doonaan isbadalka,” Mr Ghannouchi, hogaamiyaha xisbiga Ennahda, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Toban sano ka hor, kacaankii Tuniisiya wuxuu horseeday dimuqraadiyad, wuxuuna kiciyay kacdoonkii Gugii Carabta ee ka curtay dalal badan. Laakiin rajadii laga qabay in isbadalkaasi uu horseedo shaqooyin iyo fursado badan ayaa lagu hungoobay. Toban sano kadib, Tunisia waxay la dagaallameysaa dhibaato dhaqaale oo qoto dheer iyo waxaana xaaladda uga sii daray dhibaatooyinka ka dhashay fayraska corona. Kiisaska ayaa si aad ah kor ugu kacay todobaadyadii la soo dhaafay, taas oo cadaadis dheeri ah saareysa dhaqaalaha sii liicaya. Ra’isul wasaare Hichem Mechichi ayaa shaqada ka ceyriyay wasiirka caafimaadka toddobaadkii la soo dhaafay, hase yeeshee tallaabadaasi ayaanan waxba ka baddalin carada dadka. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)- Khilaaf-yadda u dhaxeeya Wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ah qaar soo noq-noqda,isla markaana uu khilaafkoodu debada u soo baxo,waxaana xusid muddan in agaasimayaal dhawr ah xilalka loogga qaaday arrintan. Haddaba waxa hadda uu khilaaf ba’ani ka dhex –qarxay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha guud ee wasaraddaa Maxamed Xasan Dirir,kaas oo ahaa mid huursanaa,isla markaana muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa wasaaradda ayaa markii ugu horaysay soo shaac baxay,kadib markii la baahiyey warqad uu wasiirku shaqadii kaga joojiyey agaasimaha. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa shaqadii ka hakiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Dirir,iyadoo u wasiirku ka joojiyey Agaasimaha shaqadii,isla markaana uu ku eedeeyey inuu sameystay Shaanbad qarsoodi ah oo aan sharci ahayn iyo in uu dayac ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo in uu diiday Wada shaqeyntii xafiiska Wasiirka iyo weliba in uu mihiim u arki waayey shaqadii maalin laha ahayd ee wasaaradda ,sidaana waxa lagu sheegay warqad qoraal oo ka soo baxday xafiiska Wasiir Maxamed Muuse Diiriye. Dhanka kalene illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in khilaaf uu ka dhex alloosan yahay Wasiirkada Wasaaradda Macdanta Jaamac Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mukhtaar Maxamed Cali,kuwaas oo la sheegay inay isku jiq yihiin muddooyinkii ugu dambaysay,isla markaana ay isku hayaan awooda maamul ee wasaaradda dhex-deeda,wallow aaanu soo shaac bixin khilaafkani,balse waxa la sheegay inuu gaadhay Madaxtooyadda,ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay wasaaradda marka laga yimaado xoggahaanu ka helnay illo wareedyadda ka agdhow wasiirka iyo agaasimaha. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah. Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn. “Maadaama nabadgelyadu tahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hada ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. “Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.” Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul-wareegayeen. The post DEG DEG: Ethiopia oo leexisay duulimaadyadii Addis Ababa + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Warar iyo xoggo hoose oo soo baxaya ayaa sheegay inuu kala shaki uu soo kale dhex-galay Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaannadii Xisbiga UCID ee dhawaan heshiiska la galay KULMIYE,kadib markii ay keeni karri waayeen Xildhibaanno kale oo ay hore u sheegaan inay soo duuf-sanayaan iyo qaar kamid ah xubnaha oo la sheegay inuu KULMIYE u tuhun-san yahay inay xidhiidh la leeyihiin isbahaysiga. Xoggaha ayaa sheegay in Xildhibaannada UCID ay ballan qaadaan gaar ahaana Cabdinaasir Qodax iyo Xildhibaan Giirre inay keenayaa Xildhibaanno ka soo jeeda Beelahood West Burco Clan iyo Habar-jeclo,balse taas ay u suurageli wadday, isagoo uu Qodax illaa hadda yahay keli oo aanu jirin Xildhibaan beeshiisa ah oo uu KULMIYE geeyey si uu kooramka uu ugu dha dhawaado KULMIYE,balse waxa laga cabsi qabaa in Xildhibaannada West Burco Clan ee KULMIYE ka soo baxay ay iyana u tagaan isbahaysiga, maddaama oo uu Madaxweyne Biixi intii beeshiisa ee ka soo baxda UCID uu gaar u soocday. Dhanka kalena Xoggaha ayaa sheegay in kaatiriinta KULMIYE ay arrintaas ku abuurtay walaac,isla markaana ay u cadaatay in aan Xildhibaan Qodax aanu awood u lahayn in Xildhibaannada West Burco Clan uu keeno KULMIYE,isla markaana aanu hal Xildhibaan keeni karrin,halka uu Xildhibaan Giire uu isna lamid yahay oo aanu Xildhibaan ka so jeeda Beeshiisa Habar-jeclo keeni karrin KULMIYE si uu kooramka ugu buuxiyo,sidoo kalena KULMIYE ayaa ka shaki qaba in aanay Xildhibaannada u tegay u coddaynayn,isla markaana ay si hoose ula socdaan qaarkood isbahaysiga UCID iyo WADDANI. Xildhibaannada UCID ayaa iyana walaac ka muujiyey Xildhibaannada KULMIYE oo ay u arkaan inay ku meel gaadhayaan, Xildhibaan Qodax ayaa mar uu hadlayey dhawaan muujiyey walaac uu ka qabo in Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE inay uga fadhiistaan,isla markaana ay codka siin waayaan doorashada shir guddoonka“Reer KULMIYE waxa aan leeyahay annagu xoog idinku soo biiray ayaanu nahay Xildhibaannada ayaan ka hadlayaa Raggayaga halkaa fadhiyana nin aan tacab iyo cadaadis la soo saarin ma jiro aynu isku hiilino oo waa aanu idin dhisaynaa na dhisa ,Rag baddan oo han leh oo KULMIYE ah ayaa jiray oo ixtiraamay go’aankaa la qaatay annaguna waxa aanu jecelnay mawqifkaa aanu idinla qaadanay.”ayuu yidhi Si kastaba ha-ahaatee Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaannadii dhawaan u tegay ee Xisbiga UCID ayaa waxa soo kale dhex-galay shaki uu mid-ba ka kale ka qabo ,KULMIYE ayaa ka boodsan isagu kadib markii ay xubnaha UCID keeni waayeen Xildhibaanno ay sheegeen inay keenayaa si ay ugu buuxiyaan kooramka,halka ay xubnaha UCID ay iyana is leeyihiin waa la idinku dan-gaadhayaa uun ee meesha wax-ba idiin-ma yaallaan, waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo maal-maha soo socda. Source
-
M/weyne Muse Biixi oo Kulan sagootina Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub Nicolás Berlanga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga oo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku jooga safarkiisi shaqo ee ugu danbeeyey. Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:- Qaran News
-
Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta oo Isniin ah Xafiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore dowladda Puntland, ahna Senatar ka tirsan Aqalka sare ee dalka, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole). Kulanka waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xoghayaha guud ee Golaha Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Sidoo kale, waxa goob-joog ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo La-taliyaha dhinaca Amniga ee madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole. Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in Baarlamanka Puntland doorto xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ku metela Puntland. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Sen. Cabdiraxmaan Faroole appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga oo Somaliland ku jooga safarkiisi shaqo ee ugu danbeeyey. . Source
-
Qeexitaanka erayga “Xabash”, waa eray Af-Carabi ah oo la micno ah huwan ama is-bahaysi. Sababta loogu bixiyey ayaa ah dadyowga kala duwan ee dhulkaasi ku nool. Reer Yurub waxa ay iyana u yaqaanan “Abbyssinia”. Saddexdii hoggaamiye ee ugu dambeeyey ee ka dhashay qoomiyada Axmaarada ee Itoobiya xukumayey waxa ay dejiyeen siyaasad Soomaalida lagu dafiro dhulkooda oo la sheegto inay Itoobiya ka tirsanaayeen oo ay ka fallaagoobeen. Qoomiyadda Axmaaradu Soomaalida waxa ay u haystaan inay iyagu leeyihiin oo ka tirsan yihiin qoomiyayaha ku hoos jira. Waana colaad guun ah oo soo taxnayd laga soo bilaabo 1890 ilaa 1991. Bal dhacdooyinkan dhugo si aad u fahanto colaadaasi soo jireenka ah: Qoomiyadda Axmaarada. = Intii u dhaxaysay 1890 ilaa 1897 waxa ay ciidamada Boqor Mililig ay Soomaalida ka dhaceen boqol kun oo Lo’ ah, laba boqol oo kun oo Geel ah, lix boqol oo kun oo isugu jira Riyo iyo Ido. Beelaha ugu badan ee uu xoolaha ka dhacay waxa ay kala ahaayeen, Geri, Jid-waaq, Ciise iyo Gadabuursi. Xoolo dhicistan waxa keenay abaar ka dhacday guud ahaan Itoobiya intii u dhaxaysay 1888 ilaa 1892, sida ku xusan buugga” The Great Ethiopian Famine” ee uu qoray Richard Pankhurst. = Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya. = “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?. Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Ka eeg faahfaahinta” Tiirka Colaadda 2005, Cabdiqaadir Aroma. = Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. = Inay qoomiyada Axmaaradu Saylac la wareegto waxa ka warramay John Spencer oo la-taliye u ahaa boqor Xayle Salaasa waxaanu yidhi”. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii”. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika “Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa”. Qoomiyadda Tigreega: 27-kii sanno ee ay dalka Itoobiya ka talinayeen waxa ay adeegsan jireen madaxdii Soomaalida ee Kililka iyo hoggaamiye-kooxdyadii Soomaaliya ka jiray. Kililka Shanaad ee Soomaalida ayaa ay dhib badan ka dhacday iyo Muqdisho oo ay weerareen in badan kuntan kun oo ciidamada Itoobiya ah oo ay badnaayeen madaxda Tigreegu. Shicib badan ayey dagaalladii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo ciidanka Itoobiya ku dhintay. Tigreega intaasi ayaa loo tiriyaan dhibta ay geysteen. Hasayeeshee meel ay dhulka Soomaalida ku sheegtaan taariikhda meel laguma sheegin. In kasta oo ay deegaan ahaan ka fog yihiin Soomaalida. Cali Cabdi Coomay Source
-
Nin loo haystay isku-day dil Madaxweyne oo geeriyooday,Waase kuma Madaxweynahaa Dilka ka badbaadey? Madaxweyne Assimi Goita Ninka lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu dilo hoggaamiyaha militariga ah ee Mali Assimi Goita, ayaa xabsiga ku geeriyooday, sida ay dowladda sheegtay Axaddii. Tuhmanahan, oo dowladda aysan shaacin aqoonsigiisa, ayaa waxaa xabsiga la dhigay kadib isku day lagu dili lahaa Goita, oo maalinkii Talaadada ee Ciidda ka dhacay Masjidka weyn ee magaalada caasimadda ee Bamako. “Intii uu socday baaritaanka… caafimaadkiisa ayaa sii xumaaday,” waxaana la dhigay Isbitaalka, hase yeeshee “nasiib darro waa uu geeriyooday,” ayey dowladda ku tiri bayaan ay soo saartay. Waxay dowladda intaas ku dartay in si deg deg ah loo amray baaritaan lagu sameeyo meydka, si go’aan looga gaaro sababta dhimashada. Kadib Salaaddii Ciidda ayaa nin mindi watay wuxuu usoo dhaqaaqay dhanka Goita, hase yeeshee waxaa durba madaxweynaha la orday ciidamada ammaanka. Ninka weerarka soo qaaday oo watay jiinis iyo shaati cad ayaa isla goobta lagu xiray, waxaana watay sirdoonka Mali. Eedeysanaha ayaan marnaba la horgeyn mas’uuliyiinta caddaaladda. Dowladda ayaa sheegtay in geeridiisa aysan joojin doonin baaritaanka, “gaar ahaan, maadaama caddeymo horudhac ah iyo xog sirdoon ay muujinayaan in dhacdadan aysan aheyn mid uu ku keli ahaa.” Goita ayaa madaxweyne loo dhaariyey bishii June kadib markii uu hoggaamiyey afgambigii labaad ee dalka ka dhaca wax ka yar laba sano gudahood. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in madaxdooda ay software-ka ay sameyso Israel ee Pegasus u adeegsadaan inay ku jaajuusaan suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha. War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri “Tuhunnada sheegaya in Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo lagu eedeeyey inay koor-joogteyn ku beegsadaan suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka kale looma hayo wax caddeymo ah oo saldhig u noqon kara.” Eedeymaha noocaas ah “waa been cad,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Arbacadii iyana sheegtay in “sarkaal Sacuudiyaan ah uu beeniyey tuhunno dhowaan lagu sheegay warbaahinta oo ah in hay’ado iyo shaqsiyaad ka tirsan boqortooyada ay software-ka Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan taleefonada.” “Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in eedeymaha noocan ah ay yihiin kuwa been ah, islamarkaana siyaasadda boqortooyada aysan taageerin dhaqamada noocan ah.” Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowlado dhowr ah oo lagu eedeeyey inay Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka iyo kuwa dhaliila. Xogtan ayaa lagu ogaaday 50,000 oo qof lagu beegsaday barnaamijka Pegasus oo loo dusiyey hay’ado xuquuqda aadanaha. Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International, kooxda Forbidden Stories ee fadhigeedu yahay Paris iyo warbaahin ay ka mid yihiin Washington Post, Le Monde, iyo The Guardian ayaa ka wada shaqeeyey in la taxliiliyo liiskan lana shaaciyo. Shirkadda Israel ee NSO iyo barnaamijkeeda Pegasus, ayaa awood u leh inay daaraan kaamirada ama mikrafoonka taleefonka, si ay u helaan xogta qofka ama u dhageystaan. Shirkaddan ayaa caalamka markii ugu horreysay uu kusoo baraarugay 2016, kadib markii loo adeegsaday in lagu jaajuuso mucaaraadka Imaaraadka Carabta. “Software-ka NSO waa hubka ay doortaan dowladaha dadka caburiya si ay u aamusiyaan suxufiyiinta, u weeraraan una burburiyaan mucaaradka, oo ay halis geliyaan nolol badan,” waxaa sidaas yiri madaxa hay’adda Amnesty Agnes Callamard. The post Maxay tahay fadeexadda Pegasus ee hareysay madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.
-
The situation in Ethiopia, with elections postponed again and a war waging in the Tigray region, is a tragedy not only for Ethiopia but all of Africa. Prime Minister Abiy must make peace at all costs, says New African editor Anver Versi. Ethiopia’s national elections have been postponed from 5 June to 21 June. On May 15, the head of Ethiopia’s National Elections Board, Birtukan Mideksa, announced that the elections had been postponed, citing low registration, security concerns and ‘logistical challenges’, including printing ballot papers and training polling staff. A week later it was announced that the rescheduled elections would take place on 21 June. We should keep in mind that the current civil war in Tigray Province was triggered by an earlier postponement of the same election, then scheduled for August 2020. Before the 2020 election, in a bid to unite the country’s traditionally fractious political forces, Abiy had persuaded three of the ruling coalition’s most powerful ethnic-based parties to merge into a single party, the Prosperity Party. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF), the ruling party in Tigray Province, one of the 12 ethnically based provinces in the country, declined to join. Following the postponement of the 2020 election due to Covid-19 lockdowns, the TPLF went ahead with its own regional elections, pointedly snubbing the federal government. The central government cut off funding to Tigray. The TPLF, which had ruled Ethiopia from 1991 with an iron fist before losing to Abiy Ahmed’s Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) in 2018, said Abiy’s position had lapsed and attempted a takeover of national forces stationed in the region and their arms. In response, the central government launched what it hoped would be a surgical strike to oust the TPLF leadership and bring the province under the control of the federal government. The government forces were met with well-organised resistance and the situation has spiralled into a full-scale civil war with all involved, including forces from the country’s northern neighbour, Eritrea, being accused of gross human rights violations and atrocities. The UN and the Ethiopian Human Rights Commission agreed to form a joint inquiry into atrocities and Abiy, pledging that those found guilty would be punished, also slammed the activities of Eritrean forces, whose conduct he said had been unacceptable. Given this background, it is to be hoped that the general election will be held on 21 June as promised by the electoral commission and that it will be fair and free… A successful, free and fair election – even if regretfully without the participation of Tigray and some of the opposition parties who have said they will boycott them – will signal a measure of normality that the country craves at this moment. A tragedy for Africa What is happening in Ethiopia is a tragedy not only for the country but for the whole of Africa. Ethiopia is not only geographically at the heart of the continent, it is in many ways its soul. It is one of the oldest nation-states in the world; it had a flourishing civilisation that was a marvel of organisation and innovation during Biblical times and before; it has deep symbolic meaning for Christianity, Judaism and Islam; it was the central link between all the ancient African civilisations and continued to be so, even leading up to and after independence. It was one of the founder members of the OAU and today it hosts the AU and UNECA headquarters. Ethiopia, with economic growth projected at almost 9% this year, continues to be one of the fastest, if not the fastest-growing countries in the world. This growth is now under threat. With the election of Abiy Ahmed as the first Prime Minister from the majority Oromo ethnic group in 2018 and his subsequent policy of inclusion – offering olive branches to former foes, releasing all political prisoners, creating a diverse government and bringing the decades-old simmering state of war with Eritrea to an end – it had seemed that at last, Ethiopia would free itself from its centuries-old chains of ethnic rivalry and hatred and embark on a glorious new era. It was not to be. It proves again that there are no silver bullets; that change cannot always come about overnight. It is a gradual process with many wrong turns. But during the ‘honeymoon’ period, we could see what is possible. Abiy Ahmed has weight, authority and power behind him and he must make peace with Tigray at any cost. It will not be easy – there has been too much pain and anguish – but it is possible. He has no other choice. It is said that in Ethiopia, to compromise is to lose face – a fate worse than death, according to some. But only the very strong and munificent have the courage to compromise, because they are bigger than themselves. Nobel Prizes are awarded to such people. Abiy must make peace at all costs – Ethiopia and Africa demand and expect it from him. Source: New African The post Ethiopia’s Abiy must make peace at any cost appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah gobolkaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliyeed, xilli ay howl-gal ka wadeen halkaasi. Qaraxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaas, xilli ay howl-gal qorsheysan ka wadeen inta u dhexeysa magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaadka loo yaqaano Macawiisleyda ee ka howl-gala halkaas. Ugu yaraan labo askari oo uu mid ka mid ah ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, halka kan kena uu ka tirsanaa maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa ku dhintay qaraxaasi. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in weerarka qaraxa ah, kadib ciidamadu ay sameeyeen howl-gallo lagu baadi kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Kadib ciidamada ayaa la sheegay inay isaga sii dhaqaaqeen goobta qaraxa lagula eegtay, waxayna dib ugu noqdeen fariisimihii ay markoodii hore kasoo baxeen. Hiiraan ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, kuwaas oo ay wadeen ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala HirShabelle. The post Wararkii ugu dambeeyey QARAX ka dhacay duleedka Beledweyne + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo kan Jubbaland u qaabilsan arrimaha doorashada ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta, kaas oo looga wada-hadlay qabsoomida doorashooyinka. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), kaas oo shalay Jabbaland gaaray, una tegay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya. Labada guddi ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen, si markaasi ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa isku af-gartay in si deg deg ah loo hirgeliyo doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashada ugu horreyso ee la qabanayo ayaa ah tan Golaha Aqalka Sare, waxaana guddiga doorashada Jubbaland uu shaaciyey in la diyaariyey goobtii lagu qaban lahaa. “Xubnaha guddiga federaalka ka socda iyo guddiga Jubbaland waxa ay isla garteen in la hirgeliyo qabsoomidda doorashooyinka labada gole ee BFS waxaana howsha koowaad laga qabanayaa doorashada Aqalka sare” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga doorashada Jubbaland. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in kaliya haatan ay harsan tahay in lagu dhaqaaqo doorashada sideeda kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Jubbaland. Si kastaba dib u dhac ayaa ku yimid qabashada doorasha golahan oo horey loogu asteeyey 25-ka bishan oo shalay ku beegneyd, waxaase socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista Senatorada cusub ee baarlamaanka waxaana ku xiga mida Golaha Shacabka. The post Maxay ka wada-hadleen guddiga doorashada heer federaal & kan Jubaland? appeared first on Caasimada Online.
-
Tunisia (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, wuxuuna kala diray baarlamaanka dalkiisa, isaga oo shaqadiina ka ceyriyey ra’iisul wasaarihiisii Hichem Mechichi, sidoo kalena casilay golaha xukuumadda. Kais Saied ayaa shaaca ka qaaday inuu la wareegayo talada dalka, isla-markaana uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo gacan ka siiya xaaladda adag ee Tunisia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu damacsan yahay inuu dejiyo qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo xaaladda dalka, is dib loogu soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta. “Waxaan qaadanay go’aannadan, illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo in aan badbaadinno dowladda,” ayuu ku yiri Mr Saied khudbad uu ka jeediyey telefishinka. Arrintan ayaa timid, kadib markii dibad-baxyo waa weyn ay ka dhaceen dalka Tunisia, kuwaas oo looga soo horjeeday saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalkaasi. Dadka Tunisia ayaa sidoo kale dalbanaya inay dhacdo dowladda, maadaama ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha adag ee haatan ka jira dalkaasi. Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Tunisia Raashid Ganushi ayaa ka horyimid go’aanka madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay inuu qaaday tallaabo u muuqdo ‘Inqilaab’, isaga oo shaaca ka qaaday inuu xilka sii heyn doono, baarlamaankana uu shaqeynayo. Si kastaba go’aanka madaxweynaha dalka Tunisia ayaa noqday mid lama filaan ah oo ‘lala yaabay’ kadib markii uu kala diray baarlamaanka, uuna ceyriyey ra’iisul wasaarihiisa. The post Madaxweyne ceyriyey ra’iisul wasaarihiisii, kala dirayna baarlamaanka DALKIISA appeared first on Caasimada Online.