Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee HirShabelle ayaa beeniyey in uu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay xubnaha guddiga, kadib markii si weyn baraha bulshada loogu baahiyey warar sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex-galay. Waxay sheegen in Guddiga uu howlihiisa u wato sidii caadiga aheyd, islamarkaana uu jirin mad-madow soo kala dhex-galay, islamrakaana ay wararkaas yihiin kuwa lagu qal-qal gelinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho. “Guddoonka iyo guud ahaan guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Dowladda HirShabelle waxay caddeynayaan in warkaas yahay mid aan sal iyo raad laheyn oo looga dan leeyahay in lagu marin habaabiyo sahcabka Soomaaliyeed ee sugaya hirgalinta doorashadii madaxda dalka ku heshiiyeen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga. Sidoo kale waxa uu Guddiga waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu leeyahay xoghayn iyo guddi hoosaadyado, balse sida ugu dhaqsaha badan usoo dhisi doonaan. “Guddiga wuxuu caddaynayaa in ilaa hadda uu leeyahay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen kaliya, inta ka dhiman sida xogheynta iyo guddi hoosaadyada la dhisi doono sida ugu dhaqasiyaha badan.” “Waxaa ka codsaneynaa saxaafada iyo cid walba oo wax tabisa in si mas’uuliyad ku dheehan tahay u gudbiyaan warbixinada ay la wadaagayaan bulshada, lagana fogaado wax walba oo caqabad u keeni kara doorashad laga warsugayo,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka. The post Guddiga doorashooyinka HirShabelle oo war kasoo saaray khilaaf laga sheegay appeared first on Caasimada Online.
  2. 2 shaqaale ayaa lagu dilay weerar lala beegsaday Markab nooca Shidaalka qaada oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Cummaan. Hadal ka soo baxay Shirkadda leh Markabkaasi ayaa lagu sheegay in Nin u dhashay UK, mid ka soo jeeda dalka Romania lagu dilay Weerarkaasi. Markabka la weeraray oo lagu magacaabo Merker Street oo ay leedahay Shirkad Israeli ah ayaa ku sii jeeday Dekeddaa magaalladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel,Yair Lapidwaxa uu ku eedeeyey Dowladda Iran inay ka dmbeeyeen weerarkaasi,loona baahan yahay in laga fal-celiyo weerarkaasi. Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Daroon loo adeegsaday Weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Badmaxiin Lagu Dilay Weerar Lala Beegsaday Markab Shidaal appeared first on Puntland Post.
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saaka, illaa xalay howl-gallo ka wada magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubaland, waxaana howl-galka uu daba socdaa qaraxii ka dhacay magaaladaas. Afhayeenka Booliska Jubbaland oo Wariyeyaasha kula hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee Kismaayo lagula beegsaday kooxda ciyaartoyda JCCI ee ka dhisan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka ay soo gabagabeeyaan howl-gallada haatan socda ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ee baaristooda. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay cadaaladda horkeeni doonaan raggii soo abaabulay qaraxaasi iyo kuwa fuliyey intaba. “Laamaha ammaanka ayaa ku howlan ka gungaarista qaraxa cadawgu uu la eegtay Dhalinyaro Ciyaartoy ah, waxaa naga go’an in aan cadaaladda la tiigsano” ayuu yiri. Qaraxani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar ciyaartoy ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, xilli ay la socdeen gaari ku sii jeeday garoonka Waamo. Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xalay isbitaalka ku booqday dhalinyarada kale ee ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxaasi, waxaana ay shaaciyeen in kuwa qaba dhaawacyada halista maanta loo soo qaadi doono gudaha magaalada Muqdisho. Si kastaba weerarkan qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli Jubaland ay ka bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyey howl-gallada ka socda KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ayaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku eedeyay inuu iibsanayo xildhibaanada labada xisbi ee qeybta ka ahaa isbaheysigii mucaaradka, uguna hanjabay inuu ka wantoobo arrintaas. Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uu xildhibaanada ku iibsanayo lacagaha kasoo xarooda canshuurta shacabka, taasi oo ay sheegen inay tahay mid aan la aqbali doonin. “Waxaad maqlayseen mudanayaal axsaabta mucaaradka kasoo baxay oo yidhi waxa aanu taageernay xisbiga dowladda, mucaarad hadal haya marna lama maqal, waad garanaysaa tirada muxaafadka kasoo baxday ee taageeray mucaaradka, maalintii ay ka soo baxeen ilaa maanta xan baa socota la leeyahay waala dacwaynayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro. Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu handadaad u geysanayo xildhibaanada muxaafadka ee taageera isbahaysiga mucaaradka, midaasi oo ay ku tilmaameen sharci darro aan laga hari doonin. “Waxaan leenahay Madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan musqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii ummadda masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. “Waa nasiib-daro in cashuurtii ummadda xildhibaanadii lagu xumeeyo, oo wadadoodii laga leexiyo iyo in Rag UCID ah oo aan awood u lahayn in uu yidhaahdo heshiis baan la galay.” Madaxweynaha Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixinaya sidii uu Guddoonka golaha wakiilada Somaliland ugu guuleysan lahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Yaasiin Faratoon, waana midda ay ka digeen mucaaridka oo si adag uga horyimid qaabka taageero ee madaxweynaha. The post Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo hanjabay kadib arrin uu billaabay MUUSE BIIXI appeared first on Caasimada Online.
  5. The 1959 political elections, the second held under the trusteeship regime, started on 4 March and were spread out over the following four days because of the largely nomadic or semi-nomadic life of the population who cast their votes without electoral certificates. The elections were, for the first time, held on universal adult franchise, meaning that the right to vote was extended to women. Source: Hiiraan Online
  6. Kaymo ku yaal dalka Turkiga ayaa gubanaya, kumanaan Kooxo dab demis ah ayaa la tacaalaya dabka, maalintii saddexaad. Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in afar ruux ku geeryoodeen, 183 kalana ku dhaawacmeen. 3 diyaaradood, Sagaal Drone, 38 Helikobtar, 680 baabuur dab damis iyo 4,000 oo shaqaale ayaa ka qayb qaadanaya deminta. Kaymo gaaraya 70 ayaa dabku ka kacay, 14 ka mid ah ayaa wali gubanaya. Kulayl jira ayaa la sheegay in dabku ka dhashay, dabeylo xooggan oo dhacayana ay sii hurinayaan, lakiin dowladda ayaa sheegaysa iney baarayso waxa dhaliyay dabka hal mar ka kacay kaymaha intaas tira le’eg. PUNTLAND POST The post Kaymo ku yaalla Turkiga oo maalintii sadexaad gubanaya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan looga muujiyey hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Soomaaliya, waxaana madaxda golaha wadatashiga qaranka ee ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada loogu baqay inay sii wadaan kulamadooda inta laga soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashooyinka. Sidoo kale beesha caalamka ayaa Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dolwad goboleedyada ugu baaqday in si aan dib u dhac lahayn ay u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo, balse qoraalkan waxaa lagu xusay in doorashadaasi ay 29-kii bishan oo shalay aheyd ay ka bilaabatay Jubbaland oo afar kursi oo Aqalka Sare ah Kismaayo lagu doortay. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqayaan DXDF inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo. Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ku yeeshay magaalada Garbaharrey. Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30. Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qabtay shirar joogto ah iyo wadahadalo. Arrimahaaas dhamaantood waa guulo amaan mudan. Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd. Arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah waxaa ka mid ah: in diyaargarow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada. Wadajir waxaa warsaxaafadeedkaan u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh ayaa war ka soo saaray qaraxii galabta Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa, kuwaas oo dhamasho iyo dhaawacyo culus ay soo gaareen. Ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee lagu dilay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo. Dhanka kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yir, “Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu galabta la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaalada Kismaayo. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay.” Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta magaalada Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa oo la socotay gaari Bus ah. “Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.” Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo kooxaha caadeystay gumaadka hal doorka dadkeenna. “Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed. Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxa uu ku yiri, “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyna.” Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uga tacsiyeeyey dhalinyaradii lagu dilay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wacad ku maray in mar aan dheereyn laga guuleysan doono nabadiidka caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Argagixisada ah. “Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga tacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu maanta kala beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaalada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dhalinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawacana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’allah. Kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed waan ka guuleysaneynaa kana sifeyn doonaa deegaanada oo dhan. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacab iyo dowladba in aan meel uga soo wada jeesano cadowga ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Qoor Qoor ku yiri qoraal uu soo saaray goordhaweed. Ugu yaraan seddax ka mid ah dhalinyaradii la socotay gaariga xilligii la qarxiyey ayaa ku geeriyootay halkaas, sidoo kale dhaawacyada tiro kale ayaa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka. The post Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda appeared first on Caasimada Online.
  9. Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goordhaw halkaas uu ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay saarnaayeen koox ciyaarta kubadda cagta oo ka dhisan Kismaayo. Gaariga qaraxa uu haleelay oo bas ahaa ayaa la sheegay in ay xilligaasi saarnaayen ciyaarcayahanada kooxda kubadda cagta JCCI . Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay in kabadan 5 ciyaaryahan ayaa geeriyootay halka tira intaas ka badan ay dhaawacmeen. Qaraxan ayaa ahaa mid lagu aasay wadada hareeraheeda. Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Afghanistan)-Wafti heer sare ah oo ka socda Talibanka ayaa Arbacadii gaadhay dalka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal uga bilaamay. Waftigan oo uu hormuud u yahay hoggaamiyaha dhanka siyaasada ee Talibanka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee China Wang Yi iyo xubno kamid ah dowlada China. Shiinaha ayaa xidhiidhkan tooska ah la sameystay Talibanka, xilli lagu wado in Maraykanka uu gebi ahaan ciidammadiisa kala baxo dalka Afghanistan. Talibanka ayaa bilihii lasoo dhaafay dardar geliyey hawlgaladooda, iyagoo la wareegay gacan ku heynta inta badan wadankaasi Afghanistan. China ayaa dhinaca kale dooneysa inay illaalsato maalgashiga mashaariicda ay ka fulisay Pakistan oo ay jaar yihiin dalka Afghanistan, kooxaha Talibanka gacan saarka laleh ayaa hore weeraro ulla beegsaday mashaariicda China ka wado gobalkaasi. Masharuuca China-Pakistan Economic Corridor (CPEC) ayaa ah mid shiinaha lacag badan geliyey iyagoona doonaya in masharuucaasi ay gaarsiiyaan dalka Afghanistan. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxammed, oo ka jawaabay eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in sababta hadalkiisa keentay wakhtigan ay tahay in la furayo ururadii siyaasada oo uu madaxweynuhu saxeexay sidu uu sheegay. “Faysal waayadanba waanu ogayn in uu hadli doono, xanuunka inta ugu badana waa ururadii oo la furay, ilaa maalintii ururada lagu dhawaaqay ee madaxweynuhu saxeexay waxa la lahaa Faysal muxu yidhi?, wakaa shalay hadlay waxa uu ka cadhaysanyahayna waa ururada” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabayay eedaynta guddoomiye Faysal ee ahayd in madaxweyne Biixi uu iibsanayo xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay yihiin dad caqli leh oo wax kala garanaya, isla markaana xor u ah cida ay taageerayaan. “Xildhibaannada sida uu sheegayay qaarna way u tageen qaarna way noo yimaadeen, xildhibaannadu maaha robot, waa dad maskax leh ,halka uu ka arko wanaaga dalka ayuu siinayaa codkisa, wuxuna kala dooranayaa waa musharixiin ee imika xisbiyo la kala dooran maayo” ayuu yidhi wasiir Boos mirre. “Kuwa isaga u tagay ma lacag buu siiyay anagu dad iib ah ma ogin, hadii lacag la bixinayo golaha deegaannada intaaso degmo ayay heleen kuwaa ma lacag ayaa lagu bixiyay?, lacagna laguma bixin lagumana ollolayn” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabay eedaynta ah in golaha wasiirada Somaliland ay shaqadoodi iloobeen oo ay ku mashquuleen xod xodashada xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay in wasiiradu ka tirsanyihiin Kulmiye xaqna u leeyihiin. “Wasiiradu xisbi ayay ka tirsanyihiin xaqna way u leeyihiin in ay wax soo helaan, lakiin doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa la galayaa” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Khamiistii hadal uu jeediyay ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu cashuurtii shacabka laga qaaday u isticmaalayo in uu ku iibsado xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka taasi oo uu wasiir Boos Mirre waxba kama jiraan ku til maamay. Source
  12. (SLT-Pretoria)-Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay go’aankii Midowga Afrika ku ogolaaday in Israa’iil ay dowlad korjooge ah ka noqoto Midowga Afrika. Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil ee u fadhiya dalka Itoobiya, Chad Aleli Admasu. Qoraalka kasoo baxay Waaxda Iskaashiga caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kaligood qaateen Komishinka Midowga Afrika iyagoo aan kalatashan 55 waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika. Hadalka kasoo baxay Koonfur Afrika ayaa waxaa sidoo kale taageeray dowlada Aljeeriya. Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalkii dhibaatada badan kala kulmay Israa’iil oo gacan siin jirtay dowladii cunsuriga ahayd ee Apartheidkii kasoo talin jiray dalkaasi. Source
  13. Sheekh Dirir: Hadalka Wanaagsan Anfac Aduunyo & Ajar Aakhiro ayaa lagu hela Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ku baraarujiyey inay ereyo wanaagsan warbaahinta, baraha bulshada ama dadka kula hadlaan, si ay anfac aduunyo iyo ajar aakhiro uga helaan, una noqonayo sadaqo sida Nebigu SCW inoo sheegay. Khudbadii Jimcaha maanta (shalay) oo Sheekh Dirir kaga hadlayey raadka uu leeyahay hadalka wanaagsan ayaa sheegay in qofku haduu qowlkiisa iyo qalbigiisu wanaagsanaado inuu wacnaanayo, oo raadka uu ku yeelanayo nafta iyo camalka, sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay in ereyada wanaagsan raga iyo dumarka wanaagsan ay ku hadlaan. Nebigu NNKH markuu ka hadlayey ereyga wanaagsan waxuu sheegay inay sadaqo tahay, sida xadiis micnahiisu yahay “Kelmada wanaagsan waa sadaqo” wanaag ayaad ku heli hadaad erey wanaagsan warbaahinta, baraha bulshada ama dadka ku tidhaahdo. Dhaqankii Nebiga NNKH ayuu ahaa in erey wanaagsan inuu ku hadlo. Sheekh Dirir ayaa sheegay in kelmada wanaagsan janno lagu helo, halka kelmada xun naar ku geyn karto, sida xadiis saxeex ah Nebigu NNKH inoogu sheegay inaynu ka fiirsano ereyga aynu odhanayno “Qofku erey ayuu ku dhawaaqaa, aanu filayn inuu wanaagsan yahay, balse noqda mid Ilaahay SW raaligeliya, markaasuu janno ku muteystaa. Sidoo kale erey xun ayuu ku dhawaaqa, aanu filayn inuu dhibaato keeno, oo naar ku muteystaa” Mar kale Nebigu NNKH isagoo inoo tilmaamaya muhiimada ereyga wanaagsan leeyahay waxuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay “Naar ka baqa, xabad lafteedna ha ahaatee, hadii kale erey wanaagsan.” Ereyga wanaagsan dadka oo dhan ayaa lagula dhaqmayaa. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay isagoo la hadlaya Nebiga SCW “Adoomadayda gaadhsii inay kelmada wanaagsan ku hadlaan” mar kale Ilaahay SW waxuu inoo sheegay “Dadka oo dhan wax wanaagsan ku dhaha” qof ehel ah iyo mid fog, saaxiib iyo cadow, ereyga wanaagsan kula macaamil. Ilaahay SW waxuu inna faray inaan waalidkeen hadal wanaagsan kula dhaqanno, siduu aayad inoogu sheegay “Hadii waalidkaa gaboobo, erey xun haku odhan, hana huruufin, balse erey wanaagsan ku dheh oo ka farxiya,” Sidoo kale qofka kuu yimaada hadaad wax u karayso iyo hadii kale erey wanaagsan ku dheh “Hadal wanaagsan iyo deeq ayaa ka wanaagsan sadaqo huruuf la socdo,” Sheekh Dirir ayaa sheegay in ereyga wanaagsan loo baahan yahay inuu qofku xitaa xawayaanka kula dhaqmo. Sida qisadu tilmaamayso, Iyadoo safar lagu jiro ayaa haweenay hasheedii kicnaysa, aragtay Nebiga SCW oo ku soo dhowaaday, marka ayey hashii ku tidhi “kac..kac Ilaahay SW ha ku nacdalee? Markaa ayuu Nebigu NNKH ugu jawaabay “Haddaba neef nacdal dusha ka saaran tahay na raaci maysee, ka tag?, haddaba! Ereygii xumaan ee neefka waxay ka macaashtay inay ku weydo. Xitaa dabeysha waa la diiday in la nacdalo. Nin baa dabeyshu maradii ka qaaday, markaa ayuu nacdalay, ka dib Nebiga NNKH ayaa ku yidhi, “ha nacdalin dabaysha Ilaahay SW ayaa soo diraye,” Qof kastoo wax nacdala, hadii aanu gaal ahayn, isaga ayey ku soo noqotaa nacdashii, ayuu Nebigu NNKH sheegay. Sheekh Dirir ayaa sheegay in kelmada wanaagsan raad ku reebto dadka quluubtooda iyo dareenkooda, taasoo asxaabtii Nebigu NNKH dadka ku hanuunin jireen ereyga wanaagsan. Ragii bilowgu uu Nebigu NNKH Madiina u diray waxa ka mid ahaa Muscab binu cumayr, maalin ayuu Saxaabi reer madiina oon weli islaamin u yimi, oo u hanjabay isagoo waran sitay, ka dib Muscab ayaa yidhi, bal erey keliya iga dhegeyso..hadaad jeclaysato na raac, hadii kale waanu iska tegi. Ka dib wacdi kooban ayuu u jeediyey, oo yidhi xor baad tahay, ama qaado ama diid? Markuu aad u dhegeystay ayuu halkii ku islaamay. Haddana Sacad ibnu mucaad oo suldaan ahaa ayaa u yimi oo u hanjabay, ka dibna Muscab ayaa yidhi, bal I yara dhegeyso, intii oo kale ayuu ku akhriyey, isaguna wuu islaamay. Dadkuu Suldaanka u ahaa ayuu ku noqday una sheegay inay islaamaan, ama uu la dagaalamayo, Sacad, ka dibna way wada islaameen. Sheekh Dirir ayaa sheegay in qoyska uu kala kaxayn karo erey lagu dhawaaqay, sida qisadii saxeexa ku sugnayd, ee Nebi Ibraahim CS, oo isagoo muddo ka maqnaa deegaanka inankiisi Ismaaciil, ayuu berri dambe yimi, waxuu kala kulmay xaaskii inankiisa iyadoon garanayn, wuu wareystay, way calaacashay gabadhii noloshayadu waa mid liidata? Wuu noqday Nebi Ibraahim, oo gabadhii ku yidhi ‘Igu salaam Ismaaciil, oo Albaabka fiyaaradiisa bedel ku dheh! Markii ay fariintii u sheegtay Ismaaciil waxuu ku yidhi ‘Waad furan tahay gabadhiisi? Mar dambe oo Nebi Ibraahim soo noqday ayuu gabadhii dambe wareystay, erey bishaaro ah ayey u sheegtay, waxuu yidhi igu salaam Ismaaciil, una sheeg ‘Albaabka fiyaaradiisa deyso’ markaa ereyada xunxun inay qoysaska iyo reeraha kala eryi karaan ogaada. Ilaahay SW munaafiqiinta waxuu ku gaaleeyey ereyo ay ku dhawaaqeen, intay Nebiga SCW iyo asxaabta wax ka sheegeen, kuna tilmaameen fulaynimmo iyo cir-weynaan? Ayuu nin Saxaabi maqlayey Nebiga SCW u sheegay, markii la weydiiyey sababta ay hadalka ugu hadleen waxay ku jawaabeen ‘waan kaftamaynay’ oo dhab ma ahayn. Ilaahay SW ayaa quraan ku soo dejiyey Nebiga SCW “Waxaad tidhaahdaa ma Ilaahay SW, Rasuulkiisa CSW iyo Aayaadkiisa ayaad ku ciyaarayseen, waxba ha cudur-daaraninna, waad gaalowdeen,” Ereygu waxuu noqon karaa mid qofku ku badbaado ama ku halaagsamo. Nin reer miyi ah ayuu Nebigu SCW soo booqday isagoo xanuunsanaya, oo ku yidhi ‘hebelow iska waran, belaayo majirto, Ilaahay SW dembi-dhaaf ha kaaga dhigo’ ninkii intii kuma joogine waxuu yidhi ‘ waa xumad kulul oo odey weyn heshay, oo qubuuraha geyn doonta’ ereyga adag ayuu ku jawaabay, markaa ayuu Nebigu SCW yidhi ‘haye, haddaba’ sidii ayuu ku dhintay. Qiso kale oo xilliyadii dhexe dhacay, nin Kheyre la odhan jiray, oo ereyga kheyr hal-hays u lahaa, wax kastoo loo sheego kheyr Idam Alle odhan jiray, ayaa maalin dambe caruurtiisi u sheegeen in dameerkoodi la dhacay, ‘kheyr Insha alaah’ ayuu yidhi, haddana laba habeen ka dib ayaa la yidhi, eygii reerka ilaalin jirayna waa la dilay, marka ayuu ku jawaabay ‘kheyr Insha alaah’, habeenkii saddexaad waxa loo sheegay in digaagadii la cunay, sidii oo kale ayuu ku jawaabay ‘kheyr Insha Alaah’ muddo ka dib col baa reerahii deegaankii kheyre ku soo duulay? Iyagoo soo dhegeysanayey reeraha dameer, ey iyo digaagad ka ciyeysay? Reerkii kheyre sidii ayey ku nabadgaleen, hadalkii wanaagsanaa ee kheyr faa’iidadeedii ayuu helay. Sheekh Dirir ayaa sheegay in ereyga wanaagsan uu Ilaahay SW aqbalo, oo xagiisa gaadho, sida quraanka inoogu sheegay “Xagiisa ayuu ereyga wanaagsani gaadhaa, camalka wanaagsana wuu idiinka aqbalaa’. Quraanku waxuu tilmaamay in ereyga wanaagsan xidido, laamo iyo midho laga goosto leeyahay, sida tusaale Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka, “Ereyga wanaagsan waxuu la mid yahay geed wanaagsan, oo xidido dhaadheer dhulka ugu jiraan, laamahiisuna sare u kaceen, Ilaahay SW idamkiisana midho laga cuno ayuu soo saarayaa markasta.” Ereyga wanaagsan sida uu geed midho laga cuno u noqdo ayuu sidoo kale ereyga wanaagsannina quluubta dadka u gaadhaa oo saamayn ugu yeeshaa, qanciyaa, oo soo jeediyaa, waa furaha quluubta. Ereyadda fiicfiican ee islaamku inoo dhigay inaan ku dhaqanaa waa muhiim. hadalka wanaagsan anfac aduunyo iyo ajar aakhiro ayaa laga helayo. Marka la kulmo ama la kala tegayo ‘Assalaamu calaykum ayaa la inoo jideeyey, marka caruuska loo yimaado ‘Baarakalaahu, wa baaraka calaykum… booqashada qofka xanuusanaya ‘Belaayo kuma haysato, dhib ma jiro, Insha Alaah, dembi dhaaf Ilaahay SW ha kaaga dhigo..marka dhibaato dhacdo ee dadka qaar qayliyaan quraanku waxuu inna baray inaan nidhaahno ‘Inaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun..marka shey ku cajab geliya aragto, intaad cawryi ama xaasidi lahayd waxaad odhan ‘Maashaalaah.. hadaad Ilaahay SW nimco ka hesho ha dafirine, dheh ‘Alxamdulillah..hadii samo-fal laguu sameeyo, ku dheh ‘Jazaakalaah… Nebigu SCW waxuu yidhi qofka ku yidhaahda Jazaakalaah, qof u samo-falay, ducadii wuu ku xeel-dheeraaday. Sidoo kale ‘shukran.. waad odhan karaa, sidii Nebigu SCW u sheegay “Qofkaan dadka u mahadcelin, Ilaahay SW uma mahadceliyo” hadaad qof khalad ka gasho “Raali ahow..waan kaa raaligelinayaa gefkaa.. waa hadalka in badan dadka loogu taag waayey, laba dawladood is qabsaday , laba qabiil ama laba qof oo isku dhimaya, way qaboojinaysaa. Ilaahay SW dhamaanteen ha inna waafajiyee qowlka wanaagsan ku hadalkiisa, aamiin. Mohamoud Ali Freelance Reporter http://www.funca.info/ Hargeisa- Somaliland Qaran News
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxii galabta ka dhacay magaalad Kismaayo, kaasi oo haleelay Bus ay saarnayeen ciyaartooyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo. Gaariga uu qaraxa haleelay oo gebi ahaanba gubtay, waxaana ilaa hadda loo xaqiijiyey Caasimada Online dhimashada 4 ciyaartooy oo kamid ah dhalinyaradii saarneyd gaarigaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacamtay. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax ee haleelay gaariga ay saarnayeen Ciyaartooyda, waxay qaarkood sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaariga bus-ka ah, halka kuwa kalena sheegayaan in uu ahaa is-miidaamin. Laamaha amaanka ayaa ilaa hadda wada baarista qaraxaas iyo qaabka uu u dhacay. Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dhalinyaradda ciyaartooyda ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Farmaajo ayaa qaraxaas ku macneeyay mid ka marag kacaya sida argagixisada cadow ugu tahay nolshada dhalinyarada Soomaaliyeed. “Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marka laga imaado qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ee lagu sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso Al-Shabaab, ilaa hadda majiro war kasoo baxay kooxda oo ku aadan qaraxa Kismaayo. The post Wararkii ugu dambeeyay qaraxa cayaartoyda ee Kismaayo iyo tirada dhimashada appeared first on Caasimada Online.
  15. PRESS RELEASE Somalia: Climate change and conflict threaten herders Somalia is ranked as one of the most vulnerable countries to climate change by the ND-GAIN Country Index when it comes to its ability to improve resilience GENEVA, Switzerland, July 28, 2021/ — Conflict and the growing climate crisis are pushing herders in Somalia to abandon their way of life, the International Committee of the Red Cross (ICRC) has warned. Erratic weather patterns, droughts and floods have taken their toll on Somali pastoralists, while conflict, COVID-19 and the recent locust infestations have made matters worse. Stark new footage from the East African nation lays bare the struggles facing herders. Ahmed Mohamud, a herder, said he has lost 50 of his 70 camels while other herders have lost all their livestock. “There’s no food. The ground is dry,” he said. “This country is known for its refugees. If you lose your animals, you sign up as a refugee, that’s what we say. So, there are many people who lost their animals and signed up as refugees.” Dwindling herds have become commonplace as vegetation, a source of food for the animals, becomes harder to find. The recurrent nature of climatic shocks, such as droughts and floods, mean herders have little chance to recover. The instability created by conflict further weakens their ability to adapt and find alternative grazing areas. Mohamed Hassan Gure, another herder, said: “The latest drought, 2021, is the one that destroyed the animals. Before they recovered from the previous drought they were hit by others. Like the locusts. The locusts ate the pastures. “So the animals did not get anything to eat and that is how they died. There was nothing to give them. They didn’t have anything to feed on. We were left with 50 animals. Out of the 50, 30 were killed by the rains. Now 20 are left.” He added: “Only God knows, but we wonder whether our way of life is in danger. If the droughts continue and the animals get fewer, this way of life is in real danger.” The frequency of climate-related crises in Somalia is increasing. More than 30 climate-related hazards, including droughts and floods, have hit the country since 1990 – a threefold increase compared to similar events between 1970 and 1990 (OCHA). The recurrent nature of such events makes recovery difficult for communities. Somalia is ranked as one of the most vulnerable countries to climate change by the ND-GAIN Country Index when it comes to its ability to improve resilience. Three decades of conflict have weakened the country’s institutions and left some 2.9 million people internally displaced. Competition over scarce natural resources can also increase tensions leading to violence. “Somalia is a perfect case of [the] disastrous consequences of the combination between climate change and conflict. And how climate change and conflict are working together to worsen an already disastrous humanitarian situation,” said Abdallah Togola, who heads up ICRC’s economic security program in Somalia. “These extreme weather events due to global warming, climate change, are droughts, floods and cyclones. All these factors now are more frequent, first, and are worse in terms of intensity.” The ICRC has supported more than 11,000 families who were left in a precarious situation following the prolonged dry season in Somalia this year. As part of its support, cash grants totaling nearly CHF 900,000 have been sent to these families to help them cope with the harsh conditions and loss of livelihoods. Distributed by APO Group on behalf of International Committee of the Red Cross (ICRC). SOURCE International Committee of the Red Cross (ICRC) Qaran News
  16. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay 9 kalana waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Golol xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo 4 ruux ee dhamashadooda la xaqiijiyay 3 kamid ah waa ciyaartoy ka tirsan kooxda Rugta Gancsiga Jubaland (JCCI) halka ruuxa kalana yahay darawalkii gaari u waday. Kooxda ayaa ku sii jeeday garoonka ciyaaraha Kismaayo ee Waamo oo muddooyinkii dambe dhisme ku socday, galabtana sida la sheegay uu xariga ka jari lahaa madaxweynaha Jubaland. Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullhaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda, waxayna weerarka ku eedeeyeen Al-shabaab, iyagoo ku tilmaamay xasuuq. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan qaraxyada ka dhaca Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Koox Ciyaartoy ah oo qarax lagu laayay appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalad Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan, kaasi oo oo lala eegtay gaari Bus ah oo ay saarnayeen Ciyaartooy. Ciyaartoyda saarna Buska ayaa waxay ahaayeen kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online. Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa gebi ahaanba gubtay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Waxaa goordhoweyd gaaray goobta Qarax uu ku haleelay gaariga Laamaha amaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah oo ayagu bilaabay samata-bixinta ciyaartooyda. Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online. The post DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  18. F.C.Waraabe Waxa uu ka qaylinayaa waxa weeyaan Ururadii ayaa la furayaa….Wasiir Boos Mire Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxammed, oo ka jawaabay eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in sababta hadalkiisa keentay wakhtigan ay tahay in la furayo ururadii siyaasada oo uu madaxweynuhu saxeexay sidu uu sheegay. “Faysal waayadanba waanu ogayn in uu hadli doono, xanuunka inta ugu badana waa ururadii oo la furay, ilaa maalintii ururada lagu dhawaaqay ee madaxweynuhu saxeexay waxa la lahaa Faysal muxu yidhi?, wakaa shalay hadlay waxa uu ka cadhaysanyahayna waa ururada” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabayay eedaynta guddoomiye Faysal ee ahayd in madaxweyne Biixi uu iibsanayo xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay yihiin dad caqli leh oo wax kala garanaya, isla markaana xor u ah cida ay taageerayaan. “Xildhibaannada sida uu sheegayay qaarna way u tageen qaarna way noo yimaadeen, xildhibaannadu maaha robot, waa dad maskax leh ,halka uu ka arko wanaaga dalka ayuu siinayaa codkisa, wuxuna kala dooranayaa waa musharixiin ee imika xisbiyo la kala dooran maayo” ayuu yidhi wasiir Boos mirre. “Kuwa isaga u tagay ma lacag buu siiyay anagu dad iib ah ma ogin, hadii lacag la bixinayo golaha deegaannada intaaso degmo ayay heleen kuwaa ma lacag ayaa lagu bixiyay?, lacagna laguma bixin lagumana ollolayn” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Boos Mirre. Wasiirka oo ka jawaabay eedaynta ah in golaha wasiirada Somaliland ay shaqadoodi iloobeen oo ay ku mashquuleen xod xodashada xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay in wasiiradu ka tirsanyihiin Kulmiye xaqna u leeyihiin. “Wasiiradu xisbi ayay ka tirsanyihiin xaqna way u leeyihiin in ay wax soo helaan, lakiin doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa la galayaa” ayuu yidhi wasiir Boos Mirre. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Khamiistii hadal uu jeediyay ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu cashuurtii shacabka laga qaaday u isticmaalayo in uu ku iibsado xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka taasi oo uu wasiir Boos Mirre waxba kama jiraan ku til maamay. Qaran News
  19. Sacuudiga Oo Fasaxay Dalxiiska Iyo Soo Gelidda Dalkiisa! Makkah Al-Mukarramah, Qaran News Hay,adda Dalxiiska Boqortooyada Sacuudiga Oo Ku Dhawaaqday Laga Bilaabo Maalinta Axadda Bisha August 01,2021 = Dul Hajj 22,1442 In Dalka Uu U Fasaxan Yahay Dalxiisayaasha Caalamka Ka Imaanaya Iyo Dadka Haysta Fiisaha Dal Ku Gal Ah Qofka Soo Galaya Waxaa Looga Baahan Yahay 1. Caddayn Inuu Qaatay Labo Tallaalka Caabuqa Karoona Iyo 2. Baaris PCR Oo Caddayn U Ah Inuusan Qabin Cudurka Karoona Feyruska Muddo 72 Saacadood Ka Hor Inta Uu Soo Gelin Dalka Sacuudiga, Loomana Baahna Karantiin Toos Ayuu Magaalada Qofku U Geli Karaa Ali Sheikh Adam Qaran News
  20. Jubbaland, ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee bilowda qabashada doorashooyinka xubnaha aqalka sare dowlada federaalka ee dowlad goboleedyada ka imanayo, hayeeshe waxaa la yaab ah in doorashada oo ay codeenayeen Baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo ay doorteen Ragg doornaa oo madaxtooyada Axmed Madoobe laga soo amray doorashadooda. Guddiga doorashada heer dowlad gobboleed ee Jubbaland ee kol hore Axmed Madoobe uu magacaabay ayaa horey u soo kala reebay liiska tirada aqalka sare ee Jubbaland ay leedahay, kaliya afar kursi bay musharixiinta u tartameesay magacyadooda shaaciyeen oo doorashadooda qabteen, maxaa loo dib dhigay kuraasta kale magacaabistooda waa su’aal furan oo jawaabteedu aan wada dooneeno, hayeeshe imika jawaabta suaashaasi yeynaa waqti badan ku bixin. Afarta Xildhibaan ”Senetaro” ee la sheegay inay kuraasta ku guuleesteen mid mooye saddexda kale waa saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Axmed Islaan, waana raggii kuraasta ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay, afarta kursi ee Kismaayo tartankeeda lagu qabtay mid walba waxaa musharaxii horey ugu fadhiyay oo Madaxtooyada Kismaayo ay wadatay lagu lamaanshay qof la sheegay inay la tartami doonaan, hubaal se ay aheyd inay ahaayeen boosas buuxiyayaal malxiisinayay galbinta kursiga. Waa macquul inaad la yaaban tahay sida dhaqsiyaha ah ee aan musharixiinta ugu arkay inay kuraasta ka yihiin malxiisayaal ” Malxiis, soomaalida dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa midka/mida, barbar istaago caruuska/sadda habeenka aqal galka, malaha wehel baa looga dhigaa ragg/dumar way wada noqdaan. Cabdulaahi Sheikh Ismacil ”Farataag”, Iftiin Xasan Baasto iyo ilyaas Badal Gaboose ayaa ku soo baxay kuraasta aqalka sare, muuqaalka wuxuu ahaa rag u eg kuwa tartan galayay, se xaqiiqdu waxay aheyd in Madaxtooyada Axmed islaan ay si sandula ugu qasabtay Baarlamaanka wax dooranayay. Labada nin ee hore mid walba wuxuu saaxiib dhaw la yahay Madoobaha Kismaayo, waxayna qeyb ka ahaayeen dhibaatooyin ahli ah oo deegaankaasi ka dhacay, Ilyaas Gaboose oo ninka saddexaad ah isagu horey wuxuu u soo noqday gudoomiyihiin Jubbooyinka ee dowladii Cabdulaahi Yusuf, wuxuuna ehel iyo saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waa macquul inaad is leedahay qoraaga muxuu cinwaan uga dhigtay ” Ragguu Madoobe doortay buu baarlamaanka Jubbalan doortay”, aan ku siiyo dhowr sababood iyo dhacdooyin aan goob joog u aheyn ee quseeyo baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo. Asalkaba sida aan naqaano xubnaha baarlamaan dowlad goboleed ama heer federaal marka la dooranayo waxay matalaan beelo ama qabaail hadba sida aad u garan og tahay, maadaama awood qeybsiga dowladnimo ee waddanka ay sees u tahay qabaa’il ka inay kuraastooda soo xushaan laakiin taa caksigeed xulashadii Baarlamaanka Jubbaland, Axmed Madoobe isaga ayaa lahaa. Si kale aan kuugu sheego Qabiil walba wuxuu faray in kursigooda ay u keenaan saddex qof oo uu isaga kursiga siin doono midkuu doonayo, sidaa buu ku soo xushay Xildhibaano isaga hoostaga. Baarlamaanka Jubbaland ma yeesho kulamo dhameestiran, lama xisaabtamo wasiirada Axmed uu magacaabay, ma keeno ajande iyo qorshe baarlamaani ah oo u gooni ah, xeer hoosaad iyo sharci ay meel mariyeen oo nidaamka jiro ay kula xisaabtamaan ama u dirayaan fulinteeda ma jirto oo waligeedba may dhicin, si qarsoodi ah baa loo codeenayay oo doorashadu ku dhacday hayeeshe taasi waa muuqaalka guud ee cabirka dadka lagu qaldayo, xildhibaanada mid walba si gooni ah baa loogu sheegay inay hebel u codeeyaan, qofkii diidmo sameeyana uu weyn doono xasaanadiisa iyo xubinimadiisa baarlamaaneed. Waxa Kismaayo ka dhacay waa nin doornaa un hala doorto.. W/Q: Fatuma Yasin Omar fatumayasin2019@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post “Ragguu Axmed Madoobe doortay buu baarlamaanka doortay” appeared first on Caasimada Online.
  21. Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble today (29, July) met the UK Prime Minister Boris Johnson in the margins of the Global Education Summit held in London. The summit seeks to raise at least $5bn across five years to transform education in the world’s most vulnerable countries including Somalia, giving 175 more million children the chance to learn. During the meeting, Prime Minister Johnson lauded Prime Minister Roble for his leadership in the upcoming elections, and urged the rapid delivery. Mr. Johnson reiterated the UK’s support to a timely and credible elections. The two leaders also discussed the education sector in Somalia. Access to education in Somalia is low. The UK’s Girls’ Education Challenge programme has supported over 100,000 Somali girls access primary school, accelerated basic education and non‐formal course tailored to their needs. We recently announced additional contribution through a $15 million partnership with USAID, which will support a further 40,000 Somali girls. Prime Minister Roble also met the UK Foreign Secretary Dominic Raab, where they discussed Somali elections and regional security. The British Ambassador to Somalia, Kate Foster, said: “I’m very pleased that Prime Minister Roble was able to attend the Global Education summit and meet Prime Minister Johnson. Without access to schooling and effective teaching, many children are at risk of falling behind and dropping out of education permanently. The UK will continue to asupport Prime Minister Roble and the Somali government in their commitment to ensuring Somali children have access to good education.” The two leaders also held discussions on progress towards the upcoming elections slated for October. Somalia is also one of the countries most affected by climate change, despite contributing so little to global emissions. Challenges such as flooding and droughts drive displacement, which in turn generates further climate vulnerability. While in London, Prime Minister Roble also met the UK’s COP26 envoy Dr John Murton and the UK Special Envoy for Famine Prevention and Humanitarian Affairs, Nick Dyer. They discussed the risk humanity faces from climate change and underscored UK support for communities in Somalia affected by climate change The UK has committed over $600million of new UK aid for GPE which will go towards helping the 1.1 billion children across these countries over the next five years. Since its establishment in 2002, GPE has contributed to getting 160 million more children into school including doubling of girls’ enrollment in the countries they work in. The post Somali PM attends Global Education Summit, meets UK Prime Minister Johnson appeared first on Caasimada Online.
  22. Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.. Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-gala Aaga u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Xubnaha isisoo dhiibay ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqan celinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug. Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo. Sidoo kale saraakiisha soo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-Shabaab looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan. Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Al-shabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragaan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan. Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen. Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. The post DF oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa-soo dhiibay appeared first on Caasimada Online.