Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siciid Deni uu qaabilay safiirka Ingiriiska u joogta Soomaaliya Ambassador Kate Foster. Qoraalka madaxtooyada waxa sidoo kale lagu sheegay in kulanka labada mas’uul looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaanna marxaladda lagu jiro ee doorashooyinka. “Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxalada lagu jiro iyo doorashooyinka.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  2. Guriceel (Caasimada Online) – Taliska Booliska degmada Guriceel ayaa soo bandhigay Wiil qeybo kamid ah Jirkiisa dab kula qoray magaca gabar uu jeclaa, kaasi oo ciidamada xabsiga u taxaabeen. Taliska degmada ayaa sheegay in Wiilkaas uu naftiisa qatar geliyey, islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin in dhalinyaradu ku kacaan falka noocaas oo kali ah, oo waxyeelo u geysanaya naftooda. “Nafsadaas uu dhibaateeyay in sharciga Islaamka aan waafajino, oo uu ka qaato xukunka uu ku leeyahay oo aanan ku cafin, waayo wax uusan Ilaahay raali ka aheyn, oo aanan qaadan karin.” “Marnaba qaadan mayno in lagu maran-habaabiyo dhalinyarada, oo nin walba uu sidaas jidhkiisa u gaarsiiyo oo mid kale oo dhaho asaga kasii darnow.” Sidoo kale waxa uu sheegay Talisku in arrimahan noocaan oo kale ay maalmihii dambe noqdeen mashruuc lagu raadinayo lacag, oo ay ku tilmaameen mid aad u fool xun oo ay marnaba qaadan karin. Ugu dambeyntiina waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay ka warhayaan ilmahooda, ayaga oo u sameynaya wacyi gelin ka dhan ah ficilada xun-xun ee waxyeelanaya nafahooda. The post Daawo: Wiil arrin yaab leh u sameeyey jaceyl dartiis oo lagu xiray degmada Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta 15 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday, Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo ku eedaysan kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo Daacish. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020. sidoo kale, waxay ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish. Ugu dambayntii, Maxkamadda ayaa ku xukuntay 15 sanoo xabsi ciidan, isagoo fursad loo siiyay 30 cisho ah oo Rafcaan qaadasho ah. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday nin lagu helay Argagixisanimo appeared first on Puntland Post.
  4. Roobabka deyrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari waxaana la filayaa in saacadaha soo socda roobab xooggan oo dabayla wataa ka da’aan xeebaha Gobolkaas. Degmada Ufayn ee Gobolka Bari iyo nawaaxigeeda waxa xalay ka da’ay roob biya-dhig ah sida ay sheegeen dadka ku nool degaankaas. Miyiga ku dhow degmada Ufayn ayaa la sheegaya in saaka xooluhu ka cabayaan kadib markii xalay roobku biya-geliyay xurfooyinka iyo dhulka biya-qabatinka leh. PUNTLAND POST The post Roobab deyrta oo ka curtay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  5. The term “The Great Game” was coined to describe the great power competition between tsarist Russia and the British Empire in Afghanistan during the 19th Century. With the fall of Afghanistan to the Taliban over the weekend, the term is still being used and abused as analysts and others try to divine the future of the country and what other powers might do. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidamo hubaysan ayaa caawa xoog kula wareegay xaruntii maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne. Ciidamada oo waday gadiid dagaal oo aad u habaysan ayaa sheegay in ay diidan yihiin maamulka Hirshabeelle, ayna taageersan yihiin odayaasha dhaqanka iyo bulshada Beledweyne. Ciidamada waxaa hoggaaminayay Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi, abaaldulihii hore ee qeybta 27-aad ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan daraawiishta Hirshabeelle, kuwaas oo xarunta gobolka Hiiraan markii ay qabsadeen la hadlay warbaahinta. Muuqaalka saraakiisha Qabsashada xarunta maamulka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Beledweyne ayaa imanaysa, iyadoo berri oo Isniin ah lagu waday in uu Beledweyne yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe. PUNTLAND POST The post Ciidamo xoog kula wareegay xarunta maamulka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - The administration of Beletwyene, the headquarters of Hiiraan region in Central Somalia has tonight fallen into the hands of a rebel faction following several months of standoff between HirShabelle President Ali Gudlawe and Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - The administration of Beletwyene, the headquarters of the Hiiraan region in Central Somalia, has been taken over by a regional militia following several months of a standoff between HirShabelle President Ali Gudlawe and the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - The administration of Beletwyene, the headquarters of the Hiiraan region in Central Somalia, has been taken over by a regional militia following several months of a standoff between HirShabelle President Ali Gudlawe and the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  10. FAO Donates Vehicles, Motorcycles and Tractors to Improve Delivery of Extension Services in Somalia’s Agriculture Sector The collaborative effort by FAO, the EU and the Ministry of Agriculture and Irrigation will connect farmers to services, training. 22 August 2021, Mogadishu– The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) in Somalia, with funding from the European Union (EU), handed over pick-up trucks, motorbikes and tractors with farm implements to federal and regional government partners at a ceremony held in Mogadishu on Thursday, under the OUTREACH II project. The OUTREACH II project titled ‘Resilient, Inclusive and Competitive Agriculture Value Chain Development in Southern and Central Regions of Somalia’ aims to boost the agriculture, which play a crucial role in Somalia’s economic growth. The agricultural motorbikes and pick-up trucks will be used by Ministry extension officers and technical value chain officers to ensure efficient and effective delivery of extension services to farmers and cooperative groups. While the tractors and other farm implements and inputs given to the Ministry will be used to improve access for farmers to new technology, including pre/post-harvest handling and management skills to maximize crop yields and minimize losses. Somalia possesses large swathes of unexploited fertile alluvial soils for cereals, legumes and horticulture crops. Yet the country’s agriculture sector is hampered by low productivity, high post-harvest losses, low product quality and high vulnerability to climate change. Despite the many current constraints, including insecurity, better access by farmers to new technology and good delivery of extension services with these vehicles will contribute to improving the sector’s production and market performance. Present at the handover ceremony in Mogadishu on Thursday were the Minister for Agriculture and Irrigation, Honourable Said Hussein Iid of the Federal Government of Somalia, Hirshebelle State Minister for Agriculture and Irrigation, Honourable Mohamed Omar Ceymooy, South West State Minister for Agriculture Honourable Mustaf Ahmed Idow, European Union Programme Manager Mr Umberto Ambrosi, and Mr Jonathan Brooks, Senior Programme Advisor for FAO Somalia. Connecting farmers to training and technology The four pick-up trucks, twelve motorbikes, and six tractors with farm implements donated will ensure that technical officers in the agriculture sector have the means to travel to farms and reach people in rural areas. This contributes to a continuing goal of offering important extension services to small scale farmers, such as technical advice on agriculture as well as supplying them with the necessary services to support their crop production and increase their productivity. Using these vehicles, technical officers will also be able to train farmers on business strategy and planning, financial systems, process improvement, quality, pricing, price differentials, inventory, distribution, and financing to enhance their financial and farm management. “This is a timely boost that the agriculture sector needs. Our technical officers will now have the capacity to deliver on-field trainings to farmers across the region thanks to these motorbikes and pick-ups. We hope the small-scale farmers we target can benefit from our officers’ trainings and produce a better-quality yield,” said Hon. Said Hussein Iid, Minister of Agriculture and Irrigation of Somalia. Small-scale farmers will also benefit from the services of the tractors which will enable them to plough their lands while making sure that they have access to a better cultivating method that can yield a good harvest. “Agriculture is one of the backbones of the economy and we must support small-scale farmers to become increasingly self-sufficient and food secure, strengthening Somalia’s food systems in the process,” said FAO in Somalia Representative Etienne Peterschmitt continuing, “These vehicles will help fulfil that goal by enabling farmers to connect with ministry staff to receive the latest trainings and technology needed to improve levels of productivity.” Strengthening institutions and enhancing livelihoods The European Union funded OUTREACH II project consolidates and complements other ongoing EU projects in the region. It is aimed at enhancing livelihoods, resilience, and economic development, promoting a more conducive environment to exploit opportunities, and overcome constraints present in the Somali context. “The Outreach II project contribute to a broader and ambitious action which aims at reviving the riverine agriculture in Somalia,” said Nicole Miller, the Deputy Head of the Delegation of the European Union to Somalia. “This action offers a unique opportunity to promote a sustainable and inclusive development by implementing innovative solutions to climate shocks, improving the overall food security trend and contributing to the stabilization and peace process in the southern regions,” she said. The project combines capacity building for Somalia’s emerging public institutions and supporting smallholders and private sector organizations to enhance rural services based on public-private collaboration, creating better job opportunities, income, livelihoods for smallholders’ farmers in identified value chains. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka, sida xulista ergada doorashada, amiga doorashada, dhaqaalaha ku baxaya iyo qaabka loo ilaalinayo qoondada haweenka. Heshiiskaan ayaa daaha ka rogaya in golahaan ka kooban ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ay la wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku jira qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa. Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh. Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.” Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale. Tani waxay madaxda dowlad goboleedyada oo sidey rabeen u maamushay doorashada xubnaha Aqalka Sare fursad awood u siineysaa, in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin, oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi. Sidoo kale heshiiskaan qeybtiisa hubinta ergada waxaa lagu yiri, “Si loo hubiyo fuhnaanta amni iyo sugnaanta ergada, liiska ergada ee kusi kasta waxaa hubinaya guddi hoosaadka amniga ee guddiga doorashada dowlad goboleedyada, si looga hor-tago faro-gelinta argagixisada, iyagoo ka hubinaya hey’adaha dembi barista iyo xasilooni darada amni ee doorashada.” Halkaan madaxda dowlad goboleedyadu waxay ka heli karaan fursad kale oo ay ku dhimi karaan tirada xubnaha ergada ah ee soo dooranaya kursi xildhibaan, sida in xubintii la doono lagu adkeeyo warqadda dembi la’aanta, sidaasna codeynta doorashada looga reebo. Qodobadan ayaa awoooda ka qaadaya guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) oo awoodiisii oo dhan lagu wareejiyey Guddiga Heer Maamul Goboleed ee ay u taliyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, waxaana awoodihii Guddigan kusoo haray kormeerid, ogaanshaha maamulka miisaaniyadda Doorashada iyo kaliya sharciyad iyo shahaado siinta xildhibaannada. The post Madax goboleedyada oo si rasmi ah u inqilaabay doorashada iyo guddiga doorashada oo la awood tiray appeared first on Caasimada Online.
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ayaa caawa la wareegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ay warbaahinta u sheegeen in guud ahaan magaalada ay gacanta ku hayaan, HirShabeelle dambana aysan ka tali doonin. Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle. Korneyl Cabdullahi Barre oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay magaalada ula wareegeen ay tahay tallaabo ay uga hor-tegayaan in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu keeno Beledweyne. “Ciidamadu waxay la wareegeen xarun kasta oo maamulku kulahaa Beledweyne, waxaa noo cuntami weysay in sayaasiyiin dano gaara leh ay waxay rabaan ka sameystaan gobolkaan, dowladda federaalka waxaan ka codsaneynaa in dhibaatada ka jirta Beledweyne ay soo fara geliso, meel kasta waan la wareegnay, hadda waxaan ku suganahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, dhibaatadii jirtana caawa ayey soo dhamaatay,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Barre oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la wareegay Beledweyne. Sidoo kale Korneyl Nuur Dheere ayaa sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibtaada ka jirta gobolka, isla markaana talada gobolka ay la wareegi doonaan hadda kadib. “HirShabeelle wax la yiraahdo kama sii jiri doono gobolkaan Hiiraan, qeylada reer Hiiraan waana dhibtay, hadda kadibna halkaan kama tali doonto HirShabeelle, talada gobolkaan anagaa la wareegnay,” ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere oo ka tirsan saraakiisha daraawiishta HirShabeelle. Caasimada Online ayaa maanta qortay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay. Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne. Waxaa laga cabsi qabaa in isku dhacyo hubeysan ay cagaha la gasho Beledweyne, oo beesha ugu awooda roon qabaa’illada dega ay diidan tahay hoggaanka sare ee maamulka HirShabeelle, weliba in madaxweynaha maamukaas uu tago magaalada Beledweyne. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee saraakiisha ciidanka qabsaday Beledweyne The post Daawo: Ciidamo beeleed kasoo horjeeda HirShabeelle oo qabsaday Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  13. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidama ka gadoodsan ay la wareegen Saldhig militeri oo ku yaallo magaalada. Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan socdaal madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen la qorsheyay in uu beri ku tago magalaada Baladweyne. Ciidamadan oo ay hor kacayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka guutada 5-aad ururka 27-aad. Saraakiil lagu kala magacaabo Abdullahi Barre iyo Ibraahim Sheelare ayaa la sheegay in ay la wareegen xerada ciidamada ee Lama galaay. Wixii Faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala Soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii wasiirrada ahaa ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayey dadka rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidanka AMISOM, waxayna xubnaha guddigaas oo warbaahinta la hadlay shaaciyeen heshiis ka kooban 3-qodob oo AMISOM ay la galeen. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qodobadii ay kala hadleen AMISOM warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in seddax qodob ay u kala qaadeen arrinta, kuwaas oo kala ah. 1 – In ciidankii dhibka geystay sharciga la hor-geeyo, kuwaas oo qaar la xiray, qaarna baaritaan lagu wado, sida uu sheegay wasiirku. 2 – In ehellada dadkii la dilay laga daaweeyo dhibkii dhacay oo AMISOM ay bixiso magta dadkii ay dishay. 3 – In AMISOM aysan dhibaatooyin dambe u geysan shacabka Soomaaliyeed. “Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay ciidamada AMISOM dalkaan ayey nala joogaan, waxaan maanta kala hadalnay taliska AMISOM in dhibaatooyin kale aysan dhicin mustaqbalka oo AMSIOM loo diyaariyo hanaan lagu koontoroolaayo dhaqdhaqaaqa ciidankooda,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay sii daba-geli doonaan maxkamadeynta ciidankii dadka rayadka ah ku dilay Golweyn, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan in si dhab ah loo qanciyo dadkii dhibku gaaray. Hoos ka daawo The post Xukuumadda iyo Amisom oo heshiis 3 qodob ah ka gaaray xasuuqii Golweyn + Video appeared first on Caasimada Online.
  15. Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay shir labo maalmood uga socday xarunta Afisyoone ee Muqdisho, waxayna ka soo saareen war-murtiyeed. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay Todoba (7) habraac doorasho, kuwaas oo kala ah: Maamulka maaliyadda doorashada Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddiga maamulka maaliyadda doorashada oo ka kooban guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xulida ergooyinka doorashada Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in ergada doorashada ee ka kooban 101 ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaangashan dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah. Amniga doorashada Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xunnood oo kala ah: 1. Ra’iisul Wasaaraha 2. Taliyaha Booliska Soomaaliya 3. Taliyaha Booliska Puntland 4. Taliyaha Booliska Jubaland 5. Taliyaha Booliska Galmudug 6. Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed 7. Taliyaha Booliska Hirshabeelle 8. Taliyaha Booliska UNSOM 9. Taliyaha Booliska AMISOM 10. Xoghayaha amniga guddiga doorashada heer federaal. Xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Golaha Wadatashiga Qaran waxay saxiixeen in ay qaadayaan mas’uuliyada xaqiijinta qoondada haweenka. Waxaa la go’aamiyay in la asteeyo kuraas Aqalka Hoose oo haweenka kaliya ku tartamayaan. Doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in liiska musharaxiinta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi (Somaliland) ay soo gudbiyaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, uuna hubiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland ay doortaan 46 xubnood oo 23 ka imanayaan odayaasha dhaqanka gobolada Waqooyi, halka 23 kale ka imanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la waafajiyay habraacii doorashadii 2016. Daahfurnaanta doorashada Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen in dhamaan inta shaqada ku leh doorashada ay saxiixaan hab-dhaqanka anshaxa doorashada. Waxay kaloo ku heshiyeen in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ay shaaciyaan musharaxiinta kuraasta doorashada iyo xiliga doorashada, iyagoo 48 ka hor ogaysiinaya guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga khilaafaadka. Codbixintu in ay noqoto qarsoodi, telefoonkana la mamnuuco iyo in gudbinta natiijada doorashada la ilaaliyo badqabkeeda ayaa sidoo kale kamid ah habraacyada daahfurnaanta doorashada ee la shaaciyay. La-taliyayaasha farsamo La-taliyayaasha farsamo waxaa la sheegay in ay xoghayn u yihiin Golaha Wadatashiga Qaran, ayna ka caawin doonaan arrimaha kala ah: 1. Diyaarinta farsamo ee kulamada madaxda Golaha Wadatashiga Qaran 2. Talasiinta arrimaha hirgelinta heshiisyada doorashada. 3. Fududeynta dhaqangalka qorshada amniga doorashada 4. Fududeynta iyo talo-siinta howlaha dib-u-heshiisiinta Gedo 5. Diyaarinta hannaan lagu ilaaliyo qoondada haweenka. 6. Tala-siinta Golaha Wadatashiga Qaran ee caqabadaha farsamo iyo dhaqaale ee la soo gudboonaada guddiga doorashada. 7. Isku dubaridka dadaalada Beesha Caalamka ee ku aadan u qareemida dhaqaalaha doorashada. 8. Xiriirka dhammaan guddiyada doorashada iyo Golaha Wadatashiga Qaran. Muuqaalka hoose ka daawo habraacyada oo faahfaahsan. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin 7 habraac doorasho ee ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran? appeared first on Puntland Post.
  16. Ciyaartoyda Haylaan oo kor u qaadaya tababarahooda Xulka gobolka Haylaan ayaa tagay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 5-4 uga adkaaday xulka Mudug, ciyaar waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbardhac 1-1. Waa markii ugu horreysay oo xulka gobolka Haylaan uu tago kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo la qabtay siddeed jeer tan iyo 1998. Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degay deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan waxaa si weyn loo dabaal-degay magaalada xarunta ah ee Dhahar. Dabaal-dega Dhahar Xulka Haylaan ayaa kulanka kama-dambaysta (final-ka) wajihidoona xulka Nugaal oo markii saddexaad oo xiriir ah yimid kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland. Kulanka kama-dambaysta ayaa dhici doona maalinta Talaadada ee taariikhdu ku beegan tahay 24 Agoosto 2021, sida ay shaacisay wasaaradda ciyaaraha Puntland. PUNTLAND POST The post Goormuu dhici doonaa kulanka kama-dambaysta Tartanka Ciyaaraha Puntland? appeared first on Puntland Post.
  17. He swept to power preaching unity and hope, struck a landmark peace deal with the longtime foe Eritrea, released thousands of political prisoners, lifted restrictions on the press and promised to overturn decades of repressive authoritarian rule. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka. War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah. 1– Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada 2– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada 3– Habraaca Xulista Ergada Doorashada 4– Habraaca Amniga Doorashada 5– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka 6– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland 7– Hawlaha la-taliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran. Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal. Sidoo kale Ergada Somaliland ayaa waxaa soo xulaya duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble. Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala ibaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha. Hoos ka daawo Hoos ka akhriso The post Habraac doorasho oo laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.
  19. Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka Wadatadhiga arrimaha doorashooyinka oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Dowlad gobaleedyada dalka uga socday Teendho ku taalla Afisyooni. Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan waxyaabihi ay isla meel dhigeen madaxda labada dhinac. War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxaa qeyb ka ah Habraacyada doorashada Aqalka sare ee Gobalada Waqooyi oo muddooyinkii la soo dhaafay muran uu ka taagnaa. Hoos Ka akhriso War-murtiyeedka Shirka. Source: goobjoog.com
  20. The post War-murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay. Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in arrintaan ay ku howlanyihiin Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Jeneral Mukhtaar iyo madaxweyne ku-xigeenka Maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hada dhamaantood ku sugan magaalada Beladweyne. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay guul dareysteen dadaalo ka socday Beladweyne, kuwaasoo ay maalmahaan wadeen Xildhibaano iyo siyaasiin reer Hiiraan ah. Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shalay ka digay in Beladweyne ay ka dhacaan dagaalo iyo in doorashada laga weeciyo magaaladaas. Goodax Barre ayaa dhaliilay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo Baledweyne gaaray iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay. “Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan,” ayuu yiri Goodax. “Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa “Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso” Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah.” Goodax ayaa sidoo kalen nasiib-darro ku tilmaamay in shacabka Beledweyne loogu caga-jugleeyo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne, haddii aanu iman Guudlaawe, sida uu hadalka u dhigya. The post Xog: Qorshaha Guudlaawe lagu gaynayo Beladweyne oo isku beddelay awood ciidan appeared first on Caasimada Online.
  22. Guddi heer wasiiro ah oo Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dadka rayidka ah, ayaa maanta shir la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhibbanayaashii dhacdadaas. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa, islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas. Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xiray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo. PUNTLAND POST The post Askar AMISOM ka tirsan oo loo xiray dhacdadii Golweyn appeared first on Puntland Post.
  23. Panjshir (Caasimada Online) – Ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan ee billaabay muqaawamada ka dhanka ah kooxda Taalibaan ayaa isku diyaarinaya “dagaal daba dheeraada,” balse waxay sidoo kale diyaar u yihiin wada-xaajood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen, kumanaan qof ayaa gaaray Dooxada Panjshir, si ay u helaan aag ay ku bad-baadaan uguna biiraan dagaalka, sida uu sheegay Ali Maisam Nazary . Waxaa halkaas ku sugan Ahmed Massoud, oo ah wiilka taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan Ahmed Shah Massoud, oo ay dileen Al-Qacida, laba maalmood ka hor weerarkii September 11, 2001. Sida uu sheegay Nazary, Ahmed Massoud ayaa halkaas ku diyaariyey dagaal-yahano dhan 9,000 oo askari, inkasta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin tiradaas. Kooxdan oo la baxday Jabhadda Iska-Caabinta Qaranka (NRF), ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda koowaad ay tahay in laga fogaado dagaal dhiig badan uu ku daato, ayna doonayaan nidaam cusub oo dowladeed. Hase yeeshee Nazary ayaa sheegay in kooxda ay isku diyaarisay dagaal, islamarkaana haddii Taalibaan aysan wada-xaajood gelin, ay wajihi doonaan muqaawamo ka dhacda dalka oo dhan. “Shuruudaha nabad aan la galno Taalibaan, waa in dowladda laga dhigaa mid aan hal meel laga xukumin, iyo nidaam xaqiijiya cadaaladda bulshada, sinnaanta, xuquuqda iyo xoriyadda dadka oo dhan,” ayuu yiri Nazary oo ah madaxa xiriirka arrimaha dibedda ee kooxda NRF. Waxa uu yiri in haddii aysan Taalibaan middaas aqbalin uu jiri doono “dagaal daba-dheeraada.” Inkasta oo Taalibaan ay gacanta ku hayaan inta badan dalka, Nazary waxa uu sheegay in maleeshiyo ku sugan meelaha qaar ay billaabeen iska caabin, islamarkaana ay xulufo la sameysteen kooxda NRF ee uu hoggaamiyo Massoud. “Taalibaan ma joogi karaan meel kasta, kheyraadkooda waa xadidan yahay. Ma haystaan taageerada aqlabiyadda,” ayuu yiri. Ahmed Massoud ayaa dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, wuxuuna Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa. Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa. “Waxaan maanta kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri. Isaga oo rajeynaya inuu raaco “raadkii aabnihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay kusoo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ahaa ee Afghanistan “oo ka niyad jabay is-dhiibitaanka taliyayaashooda.” The post Kooxda Ahmed Massoud ee DAGAALKA ku iclaamiyey ururka Taalibaan oo hadda sheegay inay doonayaan… appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dhacdo lacag malaayiin dollar ah, oo ah dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya, oo qeyb ka aheyd Somaliland. Maareeyaha Hay’adda duulista iyo maamulka madaarrada Somaliland, Cumar Sayid oo khudbad ka hor jeediyay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa waxa uu ku dooday in dowladda federaalka aysan gacanta ku hayn maamulka diyaaradaha Somaliland, hase yeeshe ay maamulato dhaqaalaha kasoo baxa, ee ay xaqa u leedahay Somaliland, sida uu yiri. “Hawada waxa laga maamulaa Taawar, iyaguna (Soomaaliya) Taawar bay haystaan, annaguna (Somaliland) Taawar baanu haysanaa, laakiin waxa keliya ee inaga maqani waa Dakhligii innaga dhexeeyay (Soomaaliya) ee ay ahayd inaynu qaybsano intaynu kala baxayno ayay keligood dhinac ula jeedsadeen,” ayuu yiri. “Hawo ay maamulkeeda awood ku leeyihiin iyo diyaarad ay innaga joojin karaan iyo mid ay inoo fasixi karaan midna ma jirto, taana waynagii markii ugu dambaysay ay Jabuuti kaga wada-hadalnay, Beesha Caalamkuna garta innaga ayay ina siisay, wixii ay heshiis ka baxeena miiska ayaynu keenay, iyagaa (Soomaaliya) weli isku maqan oo isku buuqsan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilmatay dhowrista xeerka duulimaadyada Adduunka oo dhigay in aan marnaba la carqaladeyn duulimaadyada Rayidka ee dunida iskaga kala-goosha. Mareeyaha ayaa ugu dambeyntiina ku hanjabay in xukuumada Somaliland, gaar ahaan Hay’adda duulista ay qaadi doonto qorsheyaal ay ku maareynayso maamulka hawadeeda, oo uu ka gaabsaday shaacinteeda, kuwaasi oo dhaqan-geli doona haddii ay dowladda federaalka waxba ka hirgeli waayan, sida uu sheegay. The post Maxay tahay lacagta ay Somaliland sheegeyso inay ka dhacdo DF Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.