Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “TALLO IYO TUSAALEYN” Sannad kasta waxaa dhameeya waxabarashada dugsiga sare arday tiro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo badankoodu (qiyaas ahaan 75%) ay wax ka bartaan jaamacado ku yaala dalka gudihiisa, halka qaar kale ay waxbarasho u aadaan dalka dibadiisa, gaar ahaan wadamada Suudaan, Itoobiya, Yugaandha, Masar, Hindiya, Turkiga, Bakistaan, Malaysiya iyo kuwo kale. Tiro kale oo ka mid ah ardaydaas ayaan iyagu waxbarasho gelin, sababo la xiriira dhaqaale daro, shaqo helid, ama sababo kale. Sannad dugsiyeedkii ugu dambeeyey ee 2020-2021, waxaa u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare arday tiradoodu dhan tahay 53,851 arday, kuwaasoo 67.11% ay u fariisteen imtixaan ay dejisay dawlada Federaalka ee Soomaaliya, kana koobna gobolka Banaadir, iyo dawlad-goboleedyada Galmudug, Koonfur-galbeed, Hirshabeele iyo Jubaland, halka 22.28% iyo 10.59% ay u fariistiin imtixaano ay dajiyeen maamulada Somaliland iyo Puntiland sida ay u kala horeeyaan. Waa arrin marag ma doonta ah, in ardayda tiradaas le’egi ay wax weyn ku soo kordhin karaan bulshada, dhaqaale, hal-abuur, horumar iyo dhaqan ahaanba. Waase marka ay helaan tilmaan wanaagsan oo ku hagta hilinka toosan ee ay ku hanan karaaan aqoon, xirfad iyo asluub gundhig u noqon karta inay bulsho bedeli karaan. Haddaba, su’aalaha is-weydiinta muddani waxay yihiin, ardayda Soomaaliyeed ma heleen la-talintii ama talladii ay u baahnaayeen ee ay ku dooran lahaayeen waxbarashada heerka jaamacadeed ee ay si fudud u baran karaan, haddana u sahli karta inay shaqo-abuurtaan ama shaqo helaan marka ay dhamaystaan waxbarashadooda heerka jaamacadeed. Ma jiraan cilmibaarisyo xog sugan ku dhisan oo laga sameeye suuqa shaqada ee Soomaaliya ka jira iyo sida koorsooyinka laga dhigo jaamacada dalku uga jawaabaan baahi shaqo/shaaqle? Maxaa sababay shaqo la’aan haysta dad badan oo jaamacado ka soo qalin jabiyey? iyo kuwo kale. Sida la wada dareemi karo, dugsiyda sare ee dalku ma laha cid u qaabilsan la tallinta ardayda (career counselling), iyo weliba in la ogaado hiwaayada, himilada iyo hamiga ardayda, si ardayda loo siiyo talooyin mustaqbalkooda waxbarasho iyo shaqo ku haboon. Sidoo kale, jaamacadaha dalku ma siiyaan ardayda tallo bixin badan, marka laga reebo in ay u sheegaan ama u sharxaan ardayda koorsooyinka ay hayaan. Dhinaca kale, waalidiin badan ayaan tallo ka geysan karin waxa ay caruurtoodu baranayaan. Cilmi-baarista ku saabsan suuqa shaqada ee dalka laga sameeyey, waa kuwo ay sameeyeen hay’ado dalka ka fuliyey mashaariic, kuwaasoo diirada saara shaqo abuur ka dhashay mashruuc gaar ah oo ay hay’ad gaari ahi fulisay. Marka qaarkoodna, xogta ay bixiyaan ee shaqo abuurku waa kuwo u baahan in la sugo/hubiyo, maadaama danta laga leeyahay ay noqon karto in lagu qanciyo cidii bixisay mashruuca in la gaaray ujeeddooyinkii mashruuca, si mid kale loo helo. Doorashada waxbarashada jaamacadeed oo aan u dhicin siday ahayd ayaa ah mid ka mid ah sabaha keenay shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta haysata shahaadada jaamacadeed. Arrimahaas kor looga soo hadlay, waxaa ka dhashay dhibaatooyin faran badan oo gaaray dhalinta iyo cududa shaqo ee dalka. Sidaas darteed ayaan u doortay inaan qormadaan kooban qoro si aan u soo jiito dareenka dad badan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrintaan, kuwaas oo qori doona tallooyin iyo tusaalayn badan oo anfici doonta dhalinta kusoo biireysa tacliinta sare. Sidoo kale waa suuro gal in ay qoraalkaan ka faa’iideynsan doonaan ardayda dhamaysatay dugsiyada sare iyo waalidiintuba, si ay u doortaan waxbarasho ku haboon. Haddii aan u soo noqono jawaanta su’aasha ahayd: “Sidee loo doorta waxbarashada jaamacadeed”? Si aan u wada fahano nuxurka qoraalkan, su’aasha waxa weeye, sidee ardaygu u dooran karaa koorsada uu jaamacada ku baranayo, maadaama ay jaamacaduhu bixiyaan koorsoonyin tiro badan oo mid kastaa leedahay shuruudo gaar u ah. Waa arrin culays ku ah arday kasta, oo aysan si fudud ugu suura geli karin inuu doorto waxbarashada jaamacadeed, taasoo ku haboon xiisihiisa, awoodiisa aqooneed ama, dhaqaalaha qoyska iyo weliba sida ay waxbarashadaasi ardayga ugu suuro geli karto inuu ku shaqaysto mustaqbalka. Inta badan, isku dayashadu waa sida ugu badan ee ay ardaydu wax ku doortaan. Taasna waxaa sabab u ah saameynta saaxiibadu isku leeyihiin (peer influency). Xayeysiisyada iyo hardanka Jaamacadaha ayaa iyana maanta saamayn weyn ku leh doorashada ardayda. Haddii aan soo kobo qodobada aasaaska u ah doorashada waxbarashada jaamacadeed waa: Xiisaha: Maxaad xiiseynayaa inaad barato? Runtii qofku waxa uu xiiseeyo way sahlanaataa inuu wax ka barto. Xiisuhu waa waxa keena inuu qofku hawl ku dhaqaaqo. Inkasta oo ay Soomaalidu tiraahdo xiiso iyo xubo way dhacaan, haddana xiisuhu waxaa furaha waxbrashada. Doonista: Maxaad doonaysaa inaad barato? Mararka qaarkood waxaa dhacda, in ardaydu ay doonayaa inay bartaan wax aysan xiisayn. Tusaale ahaan arday ayaa necbaa barashada maadada xisaabta markii uu dugsiga sare dhiganayey, haddana doonaya inuu noqdo injineer. Nin aan saaxiibo nahay oo ka yimi dalka dibadiisa, ayaa ila kulmay si aan tallo u siiyo wiil uu adeer u yahay oo dugsiga sare dhameeyey. Wiilkii ayaan weydiiyey waxa uu doonayo inuu barto. Waxa uu iigu jawaabay: dhaqtar, ingineer iyo wax kale. Waxaan weydiiyey su’aal kale oo ahayd: wixii uu dusgiga sare ku bartay, maadaama ardayda Puntland ee dugsiyada sare loo kala saaro: Science streem (Kimistari, Fiisigis, Bayoloji) iyo Arts stream (Taariikh, Juquraafi, Dawlada iyo Siyaasada). Wuxuu ii sheegay inuu ahaa arts. Haddaba, halkaas waxa laga garan in waxa ay doonayaan arday badani iyo waxaa ay baran karaan ay kala duwan yihiin. Sidoo kale inaysan ardaydu helin la-tallin ku aadan waxaa ay jaamacadaha ku baran karaan intii ay dhiganayeen dugsiga sare ama ka dibba. Waalidka ayaan iyana raadin cid kala tallisa waxaa ay caruurtoodu baran karaan. Awooda Aqooneed: Maxaad awood u leedahay oo aad baran kartaa? Su’aashaan jawaabteedu, waxay u bahan tahay in laga eego labo dhinac. Mida hore, koorsooyinka waxbarashada jaamacadaha waxay u baahan yihiin aasaas adag. Tusaale, ardayga raba inuu barto caafimaadka, waa lagama maarmaan ah inuu aqoon buuxda u leeyahay aasaaska maadooyinka bayolojiga, kimisteriga iyo kuwo kale. Kuwaasoo fure u noqonaya barashada caafimaadka. Waxaan la kulmay arday iyo adeerkiis. Ardaygu waxa uu doonayaa inuu barto injineernimo. Waxaan weydiiyey dhibcaha/darajada uu keenay madada xisaabta. Wuxuu ii sheegay inuu ku dhacay. Tani waa arrin kale oo ku tusinaysa inay kala fog yihiin waxa ay ardaydu doonayaan inay bartaan iyo awoodooda aqooneed. “Waa kaaf iyo kala dheeri” Dhinaca labaad, waa aqoonta ardaygu u leeyahay afka wax lagu baranayo. Inta badan ardayda Soomaaliyeed ee ka baxday dugsiyada sare ee dalka waxay wax ku bartaan af-ka Carabiga ama Ingiriiska. Jaamacaha ardayda Soomaliyeed wax ka bartaan waxaa wax lagaga bartaa afafka carabiga ama Ingiriiska-dal ama dibadba. Waa arrin aan la inkiri karin in ay ardaydu ku liitaan afafkaas wax lagu barayo. Haddana ardaydu ma doonayaan inay bartaan af-ka ay wax ku baranayaan, kaasoo sahli kara inay si quman wax u bartaan. Nin aan saaxiibo nahay oo aan la kulmay mar uu dalka yimi, ayaa ii sheegay, in gabar uu dhalay ay dalka ingiriiska ku dhamaysay dugsi sare, haddana ay goosatay inay hal sano wax barato inta aysan jaamacad bilaabin. Saxiibkey wuxuu ii sheegay inuu arrintaas ka biyo diiday, waxayse ahayd go’aan sax oo horseedi kara inuu qofku guul ka gaaro waxbarashadiisa. Haddaba, ma dhici kartaa in arday dalka wax ku bartay uu muddo sanad ah wax barto, gaar ahaan afka uu doonayo inuu wax ku baranayo si uu jaamac u galo? Ardaydu waa inay fahmaan guusha waxabrashadu waxa ay ku xiran tahay awooda aqoonta ardayga ee aan kor kaga soo hadalnay. Shuruudaha: Sida caadiga ah, waxbarasho kasta oo jaamacadeed waxa ay leedahay shuruudo, haddii lagugu xiro iyo haddii kaleba. Marka su’aashu waxa ay tahay waxa aad doonaysid ma buuxin kartaa shuruudaha laga rabo? Dhaqaalaha: Qoyskaagu ma bixin karaa dhaqaalaha ku baxaya waxbarshadaada? Waa arrin muhiim ah oo loo bahan yahay in arday kasta tix geliyo dhaqaalaha qoyskiisa inta uusan dooran waxbarasho jaamcadeed. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa:” Dani waa seeto”. Haddaba ardaydu waa inay ogaataa, awooda dhaqaale ee qoyskoodu inay tahay waxa xadidaya waxbarashadooda. Inta badan ardaydu wax kuma dhisaan dhaqaalaha qoyskooda. Waxaan la kulmay gabar dan yar ah, oo suuqley ah (suuqa khudaarta ku iibisa), oo wiilkeedii ugu weynaa caruurteeda oo agoon ahi uu dugsi sare dhameeyey. Ka dibna uu ku yiri dibada waxbarasho igu dir, isaga oo aan tix gelin heerka dhaqaale ee hooyadiis. Arrintaas markii ay ii sheegtay, ayaan la kulmey wiilkii. Waxaan weydiiyey meesha uu doonayo inuu wax ka barto, wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu Malaysiya wax ka barto. Waxa kale oo aan weydiiyey inta kharash uu hadda heli karo, wuxuu ii sheegay in ay walaashii u gadayso dahabkeeda oo dhan kun iyo shan boqol oo doolar, hooyadiina siinayso shan boqol oo doolar. Markaas ayaan wada xisaabinay kharashka ku baxaya safarkiisa iyo degista. Waxaa noo soo baxday in lacagta uu filayo aysan ku filnayn dhoofkiisa oo keliya. Markaas ayaan weydiiyey, haddii lacagtaasi ay soo gasho oo uu dhoofo, cida ka bixinaysa jaamacada, iyo noloshaiisa. Markii su’alahaas jawaab loo waayey, waxaan raadinay xal kale oo noqday inuu dalkiisa waxa ka barto oo hooyadii u turo. Arrintaas wuu soo dhoweeyey. Hadda wiilkaas jaamacad ayuu dalka guddihiisa kaga baxay, reer buu leeyahay, guri buu dhistay, wuuna shaqaystaa. Sheekadaan waxan u soo qaatay in ay ardaydu tixgeliso duruufta dhaqaale ee haysata waalidkood, weliba hooyooyinka oo isuku xilqaamay korinta iyo waxbarista ubadka (keenis iyo karin). Shaqadaada: Inta aadan go’aansan waxa aad ku baranaysid jaamacada, is weydii fursadaha shaqo, ee aad ku gaari karto waxa aad baratay? Wax yaabaha ugu muhiimsan ee lagu doorto waxbarashada heerka jaamacadeed waa sida aad ugu shaqaysan karto wixii aad baratay ama aad shaqo ugu heli karto. Inta badan ardaydu waxaa ay ugu jecel yihiin inay bartaan caafimaadka iyo injineerin-ka, laakiin kama fiirsaan dhinaca shaqada. 2006-dii ayaan la kulmay arday dibada waxbarasho u aaday oo soo noqday, ka dib markii uu waayey koorsadii uu doonayey inuu barto oo ahayd caafimaadka. Wareysi baan la yeeshay oo ku saabsan dhaqaalaha reerka, iyo cida ka bixinaysa waxbarashada, maadaama kulliyada caafimaadku ay u baahan tahay lacag badan. Wada sheekaysi dheer ka dib, waxay talo noqotay inuu barto wax u sahlan ee dhaqaale ahaan uu ka bixi karo. Ardaygaasi waxuu gaaray heerka labaad ee waxbarashada jaamcadeed, wuuna ka shaqeeyey shaqo dadkii caafimaadka bartay in badan ka lacag badan. Ujeeddadu ma aha in aan dhiiri gelinayn barashada caafimaadka, laakiin waa tabarta qofka iyo shaqo helida. Haddii wadanku uu lahaan lahaa saadaalinta cududa shaqo (human resource projection), waxaa la heli lahaa fursad ay ardaydu wax ku doortaan, maadaama odoroska cududa shaqo dalka la sii saadaaliyey. Xaggee Wax ka Barataa? Labo weji ayey yeelan kartaa jawaabta su’aasha sare. Tan hore, jaamacadee wax ka barataa? Marka ardaygu dooranayo jaamacada uu wax ka baranayo, waa inuu ogaadaa aqoonsiga jaamacada (Accreditation), adeega ay jaamacada bixiso (university service), magaca iyo sumcada jaamacada (reputation and rank), bixinta maadada aad baranyso iyo qiimaha. Wejiga labaad, waxa uu noqon karaa ma dalka ayaad wax ka barataa mise dibada. Haddii aad doonayso inaad dibad wax ka barato, ugu horeyn tixgeli dhaqaalaha qoyskaaga, tan xigta helida dal-ku-galka (visa) iyo in waxaa aad rabo inaad barato dalka laga helin. Gabagabo Haddaba si looga faa’iideysto ardayda tirada badan ee sannad kasta sii kordhaysa, ee dhamaysay waxbarashada dugsiga sare, loona gaarsiiyo inay yeeshaan aqoon ku final oo ku haboon, waa in cid kasta oo arrintaas talo ka gaysan karta ay xil gaar ah iska saarto. Gaar ahaan dugsiyada sare waa inay ardayda kala talliyaan waxa ay heerka jaamacadeed ku baranayaan, maadaama ay jiraan caqabadihii aan kor ku soo sheegnay. Ardaydu waa inay la tashadaan cid kasta oo ay aqoon iyo khibrad bidayaan oo ay noqdaan talo raac, qaataana talada wanagsan ee lagula taliyey ee ku aadan mustaqbalka. Sidoo kale waalidiinta waa inay raadiyaan cid la talisa caruurtooda. C/raxmaan Shiikhdoon Cali Garoowe-Puntland, Soomaaliya Abdirahman.sh.ali@gmail.com The post Sidee loo doortaa waxabarashada heerka jaamacadeed? appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed ayaa culimada Somaalida ah ee ku sugan mu’tamarka ama shirwaynaha culimada Soomaalida, oo Hargaysa ka socda ka codsaday in ay u duceeyaan Soomaaliya. “Walaalaheena Soomaaliya waynu u ducaynaynaa, in Alle is afgaransiiyo oo dhibka ka dul qaado, dhibaato la dooni mayno, culimo u duceeya ayaan idin leeyahay”ayuu yidhi wasiir Kaahin oo culimada mu’tamarka ku sugan hadal u jeedinayay. Waxa magaalada Hargaysa maalintii 4aad ka soconaya mu’tamarka ama shirwaynaha culimada Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid culimada ugu magaca dheer uguna cilmiga badan bulshada Somaalida dhexdeeda, oo ka kala yimid dal iyo dibad Source
  3. Wadamada Sucuudiga & Imaaraadka Carabta oo diidan Doorashada lagaga dhawaaqay Dalka Qadar+Sababta Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay qabanayso doorashada golaha sharci -dejinta ee ugu horreeyey abid taariikhda dalkaasi, waxaana haatan la furay diiwaangelinta musharraxiinta. Doorashadani oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa haatan waxaa la shaaciyay goorta ay dhaceyso codeynta golaha shuurada ee dalkaasi ku yaal khaliijka. Sida ku cad wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Amiirka haya xukunka dalkaasi, codeynta ayaa dhici doonto 2-da Oktoobar ee saandkan. Go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha dalkaasi waxaa wali leh amiirka dalka, haseyeeshee golaha shuurada ama sharci-dejinta ayaa la filayaa in uu ansixiyo miisaaniyadda dawladda isla markaana uu yeesho awoodo kale oo dheeraad ah. Xisbiyada siyaasadda ayaa weli mamnuuc ka ah dalka Qadar, waxaana durbaba ay dood ka dhalatay cidda xaqa u leh in ay codeyso. Shakhsiyaadka doonaya in ay tartanka galaan ayaa waxa ay wajihi doonaan baadhitaan ay ku sameynayaan saraakiisha dalkaasi.Kuwa rajaynaya inay istaagaan waxay wajihi doonaan baadhitaan rasmi ah. Dalka Kuwait ayaa ah boqortooyada kaliya ee ku taal Khaliijka oo ilaa iyo haatan awood buuxda siisa baarlamaan la soo doortay.Waddamada deriska la ah dalka Qadar ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo horjeedaan qorshaha doorashada Qadar. Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ka baqayaan in doorashooyinka ka dhacaya Qadar ay horsed u noqdaan in muwaadiniinta dalalkooga ay dalbadaan dimuquraadiyad iyo in dalalkaasi ay doorasho ka dhacdo, arrintaa oo qoysaska xukunka haya aysan ku qanacsanayn. Dadka reer Qadar ayaa soo dooran doono 30 xubnood oo ka mid noqonaya golaha 45 xildhibaan ka kooban halka Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu soo magacaabi doono 15 xubnood ee hadhay. Marka laga soo tago ansixinta miisaaniyadda, awoodaha golahani waxaa ka mid noqon doono in ay la xisaabtamaan waaxda fulinta ee dowladda marka laga reebo arrimaha gaashaandhigga, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo siyaasadaha la xiriira maalgashiga. Doodda ugu weyn waxay ka taagan tahay cidda leh xuquuqda codeynta kaddib markii xubno ka tirsan qabiil deggan dalkaasi Qadar ay caddaatay in aysan codkooda ka dhiiban karin doorashadaasi. Sababta ayaa lagu sheegay sharciga doorashooyinka uu xuquuqda codbixinta siinaya dadka dalkaasi ee halkaa ku noolaa wixii ka horreeyay sanadkii 1930-kii. Sharcigaasi oo lagu meelmariyay aftidii dastuurka ee sanadkii 2003-dii ayay suurtagal tahay in dib u eegis uu ku sameeyo baarlamaanka cusub ee la dooran doono. Qaran News
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay xalay xarumaha maamulka la wareegeen ciidamo hubeysan. Ciidamadan oo u abaabulan hab beeleed, isla-markaana la magac baxay ciidamada bad-baadada Hiiraan ayaa waxaa hoggaaminayo Cabdullaahi Barre Cilmi oo ka tirsan guutada shanaad, qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi Hiiraan. Cabdullaahi Barre oo wareysi siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in weli ay gacanta ku hayaan xafiisyada maamulka gobolka ee Beledweyn, xaaladduna ay haatan deggan tahay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aanay qaadi doonin tallaaba kale oo uga sii dari karto xaaladda cakiran ee haatan laga dareemayo magaalada Beledweyne. Sarkaalkan oo horey u ahaa abaanduulaha guutada shanaad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka, balse xilka laga qaaday ayaa xusay inuu la soo xiriiray ugaaska deegaanka, kana dalbaday ina an xiisadda intaasi looga sii drrin, si xal waara loo helo. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in maleeshiyaad taabacsan janaraalka gadoodsan ee Xuud ay iyagunna soo galeen qeybo ka mid ah magaalada, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq looga soo horjeeda safarka la qorsheynayao ee Cali Guudlaawe. Xaaladda ayaa haatan u muuqaneysa mid faraha kasii baxaysa, waxaana dhanka kale isla magaalada qeybo uga sugan saraakiil iyo ciidamo taabacsan madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe, kuwaas oo dhowaan ka baxay magaalada Jowhar. Si kastaba xiisadan ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday Beledweyn, waxaana kadib soo baxday in si awood ah Guudlaawe lagu geynayo magaaladaas, taas oo keentay in ciidamo ka soo horjeedo ay soo galaan magaaldaasi. The post Muxuu yahay qorshaha ay damacsan yihiin saraakiisha la wareegtay Beledweyne? appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu kaga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Cumar Cabdirashiid ayaa ka horyimid go’aanada kasoo baxay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay inay buuri karaan xiisado horleh. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabi ahaan meesha laga saaray hufnantii geedi socodka doorashooyinka, ayna awooda isku soo koobeen maxdaxda maamullada dalka. Cumar Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in dib eegis deg deg ah lagu sameeyo qodobada qaar ee war-murtiyeedka lasoo saaray. “Hoggaamiyayaasha goboladu waxay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin doorashooyinka Aqalka Hoose. War-murtiyeedka ayaa wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka oo haddii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa inay kiciso xiisado cusub oo laga yaabo inay rabshado dhacaan. Dib -u -eegis degdeg ah ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid ra’iisul wasaarihii hore. Waxa kale oo uu ku baaqay in loo baahan-yahay in laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda, si ay natiijada u noqoto mid la wada ogol-yahay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii wada-tashiga ee u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo qodobada laga soo saaray ay muujinayaan in awooda doorashada, gaar ahaan tan golaha shacabka loo gacan-geliyey hoggaamiyeyaasha shanta maamul ee dalka. The post Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid go’aanadii kasoo baxay shirkii MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  6. MOGADISHU (HOL) - Somalia's federal and state leaders have set out a new framework of elections as the country prepares for the lengthy Lower House elections, which will culminate in the election of a new president in October. Source: Hiiraan Online
  7. Shirweynaha labaad ee urur siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda ee Puntland (RUNCAD) ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay caasimadda Garoowe. Shirka waxa ka qayb-galaya hoggaanka RUNCAD, ergooyin ka tirsan ururka oo isaga yimid dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Puntland iyo taageerayaashiisa kala duwan. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RUNCAD Cismaan Maxamed Faarax (Gammuure) oo shirka Furay ayaa sheegay in Shirka loo qabtay ka tashiga arrimaha ururka Runta iyo Caddaaladda. Sidoo kale, ajandaha labaad ee shirka ayuu ku sheegay soo dhowaynta xubno ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye oo ku soo biiray ururka Runta iyo Caddaaladda. Halkaan ka eeg sawirada Shirka PUNTLAND POST The post Shirweynaha labaad ee Urur siyaasadeedka Runta iyo Cadaalada oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ka mid ah odayaasha reer Somaliland ee sida weyn ula dhacsan, walina aan ka tanaasulin mabda’a Soomaali weyn, muddo dheerna ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dorraad ka soo dagay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport halkaasi oo muddo dhawr saacadood ah ciidamada ammaanku ku hayeen kadib markii ay si kedis ah ugu qabteen isaga oo ka soo degay diyaarad uu ugu soo safray Hargeysa. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qabashada ciidamada ammaanku ay Madaarka Hargeysa ka qabteen siyaasi Jaamac Yare ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in ciidamada ammaanku markii ay Madaarka ku qabteen Janaraal Jaamac Maxamed Qaabil waxa dhacday in muddo kooban kadibba ay ciidamadu halkaasi ka sii daayeen isaga iyo qof ehelkiisa ka mid ah oo ay wada socdeen. Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay noo sheegeen in Markii uu Jaamac Yare dorraad Madaarka Hargeysa ka soo degay ay ciidamadu muddo Madaarka ku hayeen kadibna la war geliyey Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland kuwaasi oo iyaguna muddo kooban kadib markii ay Madaxtooyada ku war galiyeen safarka Jaamac Yare iyo in Madaarka lagu hayo la sheegey in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyay in la sii daayo Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa dadka ugu caansan siyaasiyiinta Somaliland ee muddoda dheer sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland. Inkasta oo aanu muddooyinkii ugu dambeeyey wax xilal ah Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) ka qaban xukuumadda Soomaaliya haddana waxa ay ahayd Bishii July, sagaalkeedii Sannadkii 2017 Markii Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) u magacaabay guddoomiyaha guddiga taakuleynta ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, balse Jaamac Yare xilkaasi uu ka cudurdaartay. Siyaasi Jaamac Yare oo maalmahaasi wax laga waydiiyay sababta uu uga cudur daaryay xilka Farmaajo u magacaabay ee Guddida taakulaynta Ciidamada ayaa waxa uu yidhi: “Labo sabab ayaan u diiday. Horta ciidan qaran taakuleyn iyo tabarucaad laguma dhisi karo, aniguna tabar uma hayo oo xil qaran waan ka gaboobay.” Inkasta oo ay jiraan masuuliyiin iyo siyaasiyiin aaminsanaa mabda’a Soomaali weyn oo hore cafisyo u soo waydiistay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, haddana mar uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland ka hadlayay arrintan waxa uu sheegay in ay tahay arrin ay il gaar ah ku hayaan oo ay tallaabo adag ka qaadi doonaan siyaasiyiinta reer Somaliland ee Muqdisho u jooga mada’a Soomaaliweyn balse ma uu xaqiijin waxa ay mudan doonaan kuwa aan xilalka wakhtigaasi hayn ee haddana dalkooda dib ugu soo laabta ama safarrada ku yimaadda. Siyaasi Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo dawladdii Soomaaliya mar ahaan jiray taliyihii ugu horreeyey ee sirdoonka Soomaaliya ayaa wakhtigan isagoo 88 jir ah waxa uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho oo uu macallin ka yahay jaamacadaha SIMAD iyo CITY oo uu illaa sannadkii 2013kii ka dhigayay taariikhda siyaasadda Soomaaliya. “Magaalada Muqdisho iyo dadkeedaba waan jeclahay. Cimrigayga inta ugu badan iyada ayaan ku qaatay. Maalmihii xorriyadda oo aan imid aniga oo 27 jir ah ilaa iyo maanta oo aan 88 jir ahay waqtigii ugu badnaa ee aan Muqdisho ka maqnaa waa markii Itoobiya nagu soo duushay 2006dii oo aan 5 sano ku maqnaa Asmara, Eritrea” ayuu yidhi Janaraal Jaamac Yare oo sannadkan horraantiisii waraysi warbaahintu la yeelatay. Lama oga in Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib uu dalka u soo guuray iyo in uu kaliya safar kooban ku yimid oo uu muddo kadib ku laabanayo Muqdisho. Source
  9. Hordhac Sh. Maxamad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa. Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah. Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah: 1- Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray). 2- Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada). 3- Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN). 4- Dacwadda Diinta ( Xilligii uu dacwadda bilaabay, sidii uu u bilaabay… IWM). 5- Caqabadihii uu la kulmay ( Caqabadihii uu kala kulmay faafinta Dacwadda. Iyo sida uu ugu dhabar’adeygay ee uu uga adkeystay). 6- Waxqabadka Sheekha ( Waxyaabaha uu qabtay Sheekhu, doorkii uu ku lahaa xallinta khilaafaadka, shaqaaqooyinka iyo sidii uu dagaalladii Sokeeye qayb laxaad leh uga soo qaatay). 7- Ardeyda uu waxbaray (Ardeyda wax ka baratay ayaynu tixi doonaa… Goorta iyo goobtoodu in ay kala duwanayd ayaynu hoosta ka xarriiqi doonnaa). Ugu danbayn, wa aan soo gunnaanadii doonaa oo waan innoo soo xidhi qormada haddii Alle yidhaa. 1- Dhalasho Sannadkii 1963kii, ayuu Sheekh Maxammad Cumer Dirir, adduunyada korkeeda yimidday. Wuxuu ku dhashay Dalooburay oo Itoobbiya ku taalla, gaar ahaanna halka ay iska galaan Kililka Soomaalida iyo ka Orommadu. Sh. Maxammed waa curadka Aabbihii Sh. Cumer Dirir. Hargeysa ayuu ku hanaqaaday oo carruurnimadii ku cawayn jiray, sida uu waraysi ku sheegay Sheekhu, isaga oo ka warramaya wuxuu yidhi; “Hargeysa iyo agagaarkeega ayaan ku soo barbaaray.” Barbaarin wanaagsan oo Waalidnimo ayuu helay, ku barbaaray oo ku koray. Qoys ehluddiin ah, oo Diinta si wanaagsan u yaqaanna ayuu ka soo jeeday. Adeerradii iyo qaraabadii ku dhawayd aad ayay Diinta u ixtiraami jireen oo ay u baran jireen; Sheekhu isaga oo ka warramaya Adeerradii iyo dadkii ehelkiisa ahaa waxa uu yidhi; “ Ilma Dirir shan ayay ahaayeen Afar baa culimmo ahaa……Qoys culimmo ah ayaa lagu yaqaannay oo ka soo qayb qaatay Diinta faafinteeda.” 2- Waxbarasho Aabbihii Sh. Cumer Dirir, wuxuu ahaa Wadaad Caalin ah oo Diinta aad u yaqaan, isla markaanna dadka bara oo u faa’ideeya. Meelaha uu Sh. Cumer wax ka dhigay waxa ka mid ah Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo, iyo meelo Itoobbiya ka mid ah. Haddaba, Sh. Maxammed na Aabbihii ayaa markii koowaad wax baray oo wax fahansiiyay. Macallinkiisii koowaad ee alifka u qabtaa waxa uu ahaa Aabbihii Sh. Cumer Dirir AHUN. Waxyaabaha uu ka qaatay waxa ka mid ah Fiqiga, Axaadiista, Naxwaha iyo Qur’aanka. Qofka in uu Aabbihii waxbaro wax ka wanaagsan la waa. Waxoogaa ka dib markii Sh. Maxammed gaashaanqaad noqday, qiyaas ahaan sannadkii 1972kii, waxa geeriyooday Aabbihii iyo Macallinkiisii qaaliga ahaa ee Sh. Cumer Dirir AHUN. Waqtigaa da’da Sheekh Maxammed waxa ay ahayd 19 sano jir. Tiir wayn oo nolosha Sh. Maxammed ka baxay ayuu ahaa, waase qaddar Ilaahay oo qoran. Waxase arrin lagu farxo ah in Sh. Cumer ku duceysan jiray in Allah uu ka dhigo Sh. Maxammed mid ka dhaxla cilmiga. Dabcan, dhabbay noqotay oo innagaa ka marag ah sidey mustajaaba u noqotay ducadii Sh. Cumer AHUN. Markuu yaraa wuxuu xoogga saari jiray xagga barashada Diinta. Asaaggii qaar ayaa la yaabi jiray oo ku wiirsan jiray mararka qaar; sida uu ku sheegay waraysi uu bixiyay, wuxuu yidhi; ‘ Siddeetameeyadii markii aannu cilmiga ku dhexjirnay da’ yartu waynala yaabbi jireen… waxay nagu odhan jireen; “ Malcaamad yar iyo masaajid yar ayaad dhex warwareegtaan. Malaha waxa kuu fiican inaad waxaad shaqo fiican aad ku helaysaan raadsataan.” [Halkan ka daawo waraysiga Sheekha oo warramaya arrintaa (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g )] 3- Aabbihii ka dib Sh. Maxammed Aabbihii ka dib Culimmo badan ayaa Diinta u dhigtay. Culimmada u dhigtay waxa ka mid ahaa: kuwo u dhashay Qawmiyadda Orommada. Dugsiyo kala duwan iyo goobo kala geddisan oo waxyaabo badan lagu barto ayuu wax ka bartay oo ka qallinjebiyay Sh. Maxammed, Aabbihii dabadii. Maddarasado Hargeysa ku yaallay ayuu wax ka bartay, halka luuqadda Carabigana uu ka bartay Macallimiin Masaari ah oo loo soo diray Soomaaliya. Macallimiin Sucuudiga ka iman jirtay laftooda waxbuu ka bartay Sheekhu. Sannadkii 1982kii ilaa 1984kii, Sh. Maxamed wuxuu u baqoolay Dalka Masar, wuxuuna galay imtixaan Dugsi Sare ah, wuuna ku guuleystay. Dabadeed, dadaal dheerada ayuu sameeyay oo isagaa isdabaqabtay oo wax isbaray. Sannadkii 1996kii, wuxuu Sheekhu u dhoofay Waddanka Bakistaan ee ku yaalla Koonfurta Eeshiya. Imtixaan Jaamacadeed ayuu galay, wuuna ku guuleystay. Jaamacadda la yidhaa ‘Al-Wifaaq Al-Islaamiya’ oo dalka Baakistaan ku taal ayuu Shaahadada sare ee Masterta ka diyaariyay. Kulliyadda uu qaatay ee uu diyaarinayay waxa ay ahayd ‘ Daraasaadka Islaamka iyo Luuqadda Carabiga.’ Sannadkii 1999kii, wuxuu booqday Dalka Masar, isaga oo la kulmay Culimmo badan, sida ‘ Shaykhul Azhar.’ Dawro ayuu ku soo qaatay isla Dalka Masar. Xalqadooyinka Masaajidda ayuu Sh. Maxammed aad uga faa’deystay oo uu ku taxnaan jiray, tan iyo intuu waxdhigashada bilaabay. Sheekhu Jaadad kala duwan oo aqoonta ah ayuu yaqaan oo uu ku takhasusay. Waxaanna ka mid ah: 1) Tafsiirka Qur’aanka. 2) Luuqadda Carabiga. 3) Musdalax Alxadiis. 4) Alfiqi. 5) Usuul Alfiqi. 6) Cilmi Al-tajweed. 7) Cilmiga Caqiidada. Naxwaha. 9) Culuumta Qur’aanka ee kala geddisan. 10) Cilmiga Aayadaha 11) Cilmiya todobbada dariiqo ee qur’aanka loo akhriyo. 12) Taariikhda Shareecada. 13) Asraarta Shareecada Iwm. Tafsiirka Qur’aanka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah caan ayuu ku yahay oo marar badan ayuu akhriyay, illaa haddana wuu ka akhriyaa. Markii ugu horraysay akhrinta Tafsiirka wuxuu bilaabay 1986kii. Waxaanna markii ugu horraysay laga sii daayay Idaacaddii Hargaysa sannadkii 1991kii, halka Muuqbaahiyahana laga sii daayay 1996kii. Maqaal Kalhore laga diyaariyay ayaa lagu sheegay sidaa (http://waxsansheeg.com/?p=60867 ) Qur’aanka in badan ayuu dhammeeyay oo Tafsiirkiisa gunaanaday. Maqaal 2016kii laga qoray waxa lagu sheegay inuu 7 jeer dhammeeyay Qur’aanka, kuna dhammeeyay Masjidka uu maammulo ee Al-Huda (Rusheeye). Sidoo kale wuxuuu marar badan ka dhammeeyay Idaacadda (Radio Hargeysa) iyo Tv-ga Soomaalilaan. ((http://waxsansheeg.com/?p=60867 ). Ilaa hadda wuxuu ka marinayaa tafsiirka Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Hargeysa. Idaacadda Radio Hargeysa iyo Muuqbaahiyayaasha kala duwan. Axaadiista Axaadiista aad buu ugu horreeyaa oo si fiican ayuu u daraaseeyay Sheekhu. Kutubta Axaadiista ah wuu akhriyaa, oo qaarkood wuuba duubay. Anigu waxa aan ka dhagaystay Kitaabka la yidhaa‘ Riyaadu As- Saalixiin.’ Kitaabkaa oo aan Canjalad duuban kaga dhagaystay Sheekha waan ka faa’idey oo waxbadan ayuu ku kala dhigdhigay. Qaabka uu isku saarayo iyo xarakaadka uu u yeelayo ayaa si fiican isoo jiitay. Qaab heersare ah oo lala ashqaraaro ayuu kaaga dhaadhicinayaa. Luuqadda Carabiga Carabiga waa culimmada ku horraysa ee aadka u taqaan. Kutub badan ayuu ka akhiyay oo dhigay. Qaarkood way duubanyihiin. Naxwaha Naxwaha aad u dhigaa oo uu u yaqaan. Markuu Qur’aanka Tafsiirayaba wuu sheegaa, oo wuu kala dhigdhigaa. Sideedabana, Qur’aanka si fiican uma Tafsiiri karo qof aan Naxwaha si wanaagsan u aqoon. 4- Dacwadda Diinta Sheekhu Dacwadda waa ku caan oo isaga oo wada wacdiga ayuun baan ku garaadaystay. Sida la sheegay wuxuu Dacwadda bilaabay isaga oo da’diisu tahay 19 sano jira- illaa haddana wuu wadaa. Waa nimcad Ilaahay in qofku Diinta iyo Dacwadda yaraan ku bilaabo, muddo badanna wadaa. Xadiiskii Nebiga SCW ee ahaa ‘ Dhallinyaro ku barbaaray Cibaadada Ilaahay ayaa ka mid ah Toddobada maalinta aannu hadhka Alle mooyee hadh kale jirin loo hadhaynayo.’ Sheekha waan u rajaynayaa sidaas Xadiisku sheegayo, maaddaama uu yaraan Dacwadda Diinta ku bilaabay. 5- Caqabada uu kala Kulmay Faafinta Dacwadda Diinta Sheykasta oo la bilaabaa caqabad iyo waxyaabo iska caabbina oo qofka ka horyimaadda ayuu leeyahay. Kolba caqabaddu waxa ay ku xidhantahay sheyga aad qabanayso. Haddii aad Diinta faafinayso, cidina lacag kugu siinayn waadka caqabad badanaysaa qofka aragti Xisbi faafinaya ee mushahar ama lacag ku qaata. Marka aad u banbaxdo in aad dadka gaadhsiiyo wixii adduunka ugu qiima badnaa oo Diinta ah, khatar way kula soo wajahaysaa. Sheekhu Dacwad faafin ayuu bilaabay isaga oo dar Alle u wadaya, caqabado ayaa ka horyimid. Caqabadahaa waxaa ka mid ah: Dagaallo ayaa dalka ka dhacay, waxbadan oo geeddisocday ayay kharribeen dagaalladaasi. Sheekha, dagaalladaasi caqabad baaxad weyn ayay ku noqdeen. Mararka qaar waxaa dhacday in dacwaddaa loo xidhay. T) Markaad meel gasho waxkasta u diyaargarow. Sheekha, waxa marbaa la isku dayay in laga takhalluso oo la dilo sannadkii 2001dii. Subax uu masaajidka tagay ayaa shirqool abaabulan loo dhigay, waxaanna u dhigay sida la sheegay; dad iska sannifay uun Sheekha. Alxamdulilaah, wuu ka badbaaday dilkaa, balse, waxaa la gaadhsiiyay dhaawac culus oo sababay in dhakhtar debadda ah loo qaado. 6- Waxqabadka Sheekha Waxqabadka Sheekhu aad buu u ballaadhanyahay oo hal maqaal kuma soo koobi karno, kagamana bogan karo. Balse waxyar oo iftiimin ah ayaan ka soo qaadanaynaa waxqabadka Sheekha. Waxaanna ka mid ah: Wuxuu Maxkamad Islaami ah ka aasaasay tuulada Gunburaha 1998kii. Tuuladaasi oo Aabbihii Sh. Cumer AHUN, masaajidkii ugu horreeyay uu ka dhisay. Waanna deegaanka uu ka soo jeedo Sheekhu. T) Waxa kale oo uu Sheekhu aasaasay Maxkamadda Sharciga ee Hargeysa, sannadkii 1999kii. Isagana ayaana masuul ka noqday. J) Waxa uu Sheekhu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee aasaasay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee sannadlaha ah. Waxaynna aasaaseen sannadkii 1992kii. X) Wuxuu Sheekhu bilaabay xafiiska Xujaajka oo dadka Xajka tagaya u fududeeya tagidda Xajka. KH) Waddammo badan ayuu wacyigelin Diineed iyo baraarujin u tagay. Qaarkood waxa ay ku yaallaan Qaaradda Waqooyiga Ameerika iyo Qaaradda Yurub. D) Sheekhu wuxuu kasoo qaybqaatay xallintii dagaalladii Sokeeye ee dalka ka dhacay. Sidoo kale dagaalbeeleedyo badan ayuu xalliyay oo meelo badan u tagay. Dad walaallo ah oo birta iska aslaya oo ishorfadhiya ayuu Wacdi iyo waano ku kala kiciyay. Arrintaa xallinta khilaafaadka iyo Walaalaynta wuu waday tan iyo dagaalladii Sokeeye ee dalka ka qarxay. Shaqaaqooyin badanna wuu xalliyay, waxa ugu danbaysay shaqaaqadii ka dhacday Ceel’afweyn gugan 2018ka, oo bishii Julaay Sheekha iyo culimmo kale soo xalliyeen. R) Waxbaridda dadka iyo waanada waan ku caan Sheekhu, oo waa waxbadan abaal dadku ugu hayaan, Alle agtiisana abaalmarin wanaagsan aan uga rajaynayno. S) Dagaalladii sokeeyey ee lagu hoobtay qayb laxaad leh ayuu ka soo qaatay. Meelo xabbadi dhawda ka hayso oo laba beeleed oo walaallo ahi isku gawracayaan ayaa intuu soo galo uu kala qaboojin jiray. 7- Ardeyda Uu Sheekhu Waxbaray Kumannaan ardey ah oo adduunyada daafaheega ku kala filiqsan ayuu Sheekhu wax baray. Lama koobi karo, oo kansho uma haynno. Haddii aynnu tiriya is nidhaahnana qalinkaa innaga dhamman. Inyar oo lagaga maarmi karo kumannaanka uu Sheekhu aflixiyay ayaynnu halkan ku sheegi: 1- Sheekh Maxammed Aadan (Imaamka Masjidka Weyn ee Cali-Mataan). 2- Sheekh Cabdiraxmaan Axmed. 3- Sheekh Khadar Xasan Aadan (Khadar-Tajwiid). 4- Sheekh Cabdilkhaaliq Sheekh Axmed (Maammulaha Maddarasada Al-Shaadibbiya). 5- Sheekh Maxammed Xuseen Faarax (Madaxa Qaanuunka Jaamacadda Hargeysa). 6- Mubaarik Ibraahin Aar (Oo mar soo noqday Guddoomiyekuxigeenkii Jaamacadda Hargeysa). 7- Sheekh Maxammed Cayddiid. 8- Sheekh Aadan Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha Machaddada Ibnu Cabbaas ee Qur’aanka lagu daraaseeyo). Dhammaan culimmadaas waaweyn ee hadda iyaguba dadka waxbara Sheekha ayaa wax soo baray goobo iyo gooro kala duwan. Waqtigoogu wuu kala duwanaa oo isku mar Sheekhu uma dhigin. Balse, Sheekhaa wax u wada dhigay. Ninba markii uu soo gaadhay uun buu Sheekha hoosfadhiistay oo Cilmigaa iyo waxbariddaa uu shubayo koobka hoos dhigtay oo ka qaatay. Gunaanad Sh. Maxammad Cumer, hadda waa mufti weyn oo su’aalaha la wayddiiyo. Qofba wixii ka shaki gala ee uu fahmi waayo wuu wayddiiyaa, Sheekhuna wuu uga jawaabaa. Barnaamijyo toddobaadle ah ayuu leeyahay oo wayddiimo lagu wayddiiyo. Jimcaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Hargeysa ayuu fadhiistaa, boqollaal qof ayaa telefoonka ka soo hadlo oo Sheekha halkaa su’aalo Diiniya ku wayddiiya. Sidoo kale Muuqbaahiyayaasha wuu fadhiistaa oo su’aalo la soo wayddiiyay ayuu ka jawaabaa. Sheekhu Casharro Tafsiir ah iyo kuwa kalana wuu akhriyaa. Hadda Tafsiir ayuu ka wadaa Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah. Waa Imaamka iyo Khaddiibka Masaajidka weyn ee Suuqa Hargeysa ku yaal ee la yidhaa Al-Huda’ Rusheeye.’ Sheekhu sidoo kale waa macallin Jaamacadaha dalka wax ka dhiga. Fanniyo kala geddisan ayuu akhriyaa. Sheekhu wuu caafimaad qabaa oo waa gadhmadoobe ordaya. Jidh ahaan muuq dhisan leh, Diin iyo nuur Iimaan ka muuqdo. Hargeysa ayuu ku noolyahay oo ku nabadqabaa. Xaas iyo Carruurtiisa ayuu la noolyahay. Allah cimriga iyo caafimaadka ha u dheereeyo. Raadraacyo – https://nadawaad.wordpress.com/…/taariikh-nololeedka…/ ( Source: Salaanmedia.com ). – http://waxsansheeg.com/?p=60867 waxaa qoray (Cabdirisaaq Ismaaciil Cabdi oo ah mid kamid ah ardeyda ka qalin jabisey Jaamacadda Geeska Qeybta Diraasaadka Islaamka iyo Luuqada Carabiga waxaana isku habeyaay Ahmed Coday). – Waraysi Sheekha lala yeeshay: (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g ) W/Q: Cabdirasaaq Sandheere Boorama, Awdal. Source
  10. Taariikhdu markii ay ahayd 16-kii bishan aynu ku jirno waxa soo baxay warka sheegayaa in xerta Daalibaan ay gacanta ku dhigeen caasimadda Afgaanistaan ee Kabul. Warbaahinta adduunka iyo tan Soomaalida ayaa si weyn u faaqidayey qabsashada Daalibaanka. Arrintaasi waxa ay keentay in dhegaha iyo indhaha reer Hargaysa ay ku badatay magaca DAALIBAAN. Dhawr arrimood ayaan goob joog u ahaa oo magacaa Daalibaan dadka ku keenay: = Makhaayada ay inta badan fadhiistaa wadaaddadu ayuu dhawaan soo galay oday reer magaal ah, waxaanu cod dheer ku yidhi” waar meesha ma Daalibaan ayaa qabsatay waa maxay waxan oo khamiis ahi”. wadaaddadii qaar ka mid ahi way qosleen, hasayeeshee mid ka mid ah ayaa dood iyo xanaaq uu ku dhaliyey hadlkii odaygu. Wuxuu odaygii ku yidhi” fikirka gaaladu ay Islaamka ka haystaan ayaad aamisan tahay, Daalibaan miyaanay niman muslim ah, maxaad dacaayad uga dhigaysaa” odayga oo u muuqday mid ay sarrayso adduun-aragiisu ayaa ugu falceliyey adigu haddii ay Islaam yihiin maxaad uga xanaaqday, anigu ma Maraykankii ay la dagaalamayeen ayaan ahayn. Wuu sii watay hadalkiisa odaygii waxaanu yidhi” bal eeg kaas hadalku damqayo haddii xukunka dalka loo dhiibo, siduu dadka Islaamka ah u xukumi, waxaasi waa waxa keenay in wadaaddadu ay maamulada ku fashilmaan” aakhirkii waar bal u kaadiya ayaa lagu dhexgalay. = Annaga oo bas saaran oo baska dad tiro yari saaran yihiin ayuu soo galay, nin aan da’ahaan ku qiyaasay 50 jir. Oo qiyaastii soo lugeeyey oo dhidid iyo hiinfaadh ka muuqdaan. Nin khamiis xidhan oo cumaadi madaxa u saaran tahay uu khursi keligii fadhiyo, ayuu si badheedh ah ugu yidhi” waar bal xagaasi u durug Daalibaanow”. Ninkii ayaa cadho jidh noqday oo ugu af-celiyey “ soo fadhiiso Joe Baydhanow” mise geesaha ayaa la isla galay. Oo kii wadaadka weeraray ayaa dood keenay oo yidhi” anigu dad Islaam ah ayaan ugu sheegeen maxaad gaalka igala doontay” wadaadkii ayaa ku jawaabay” ujeedo kale ayaad ka lahayde yaanu hadalku ku damqin”. dadkii baska saarnaa way isku dhagaysanayeen labada nin, lama kala dhexgelin. Markii dambe ninkii weerarka ahaa ayaa wadaadkii ka raaligeliyey kaftankii. = Dirawal bas aanu saarnayn ayey dhexda ka soo fuuleen laba nin oo u muuqday inay yihiin macallimiin wax ka dhiga madarasadahan Qur’aanka oo khamiis iyo koofiyado xidhan. Dirawalkii ayaa markii baskii uu yara dhaqaaqay ku yidhi” waar labadaa Daalibaanka ah lacagta ka soo qaada”. Koox dhallinyaro u badan oo wiilal iyo gabdho isugu jirta ayaa baska u badan, markaasay qosol jaanta wadheen. Labadii wadaad way xanaaqeen, oo mid ka mid ah ayaa yidhi” waar dibjiryow hoo lacagta Daalibaan waa rag nool oo dalkoodii ka saaray gaaladiiye, ma waxaad moodaysaa noocaagan oo kale” haddana waa lagu qoslay. Islaan u muuqatay inay kaftanka fahamayso ayaa kala dhexgashay oo tidhi” waar ilaaqda joogi baslow adigaa gardarrane, waa idinkuna jibjir ha ugu yeedhina, ileyn isagabu dad muslina ayuu idinku sheegaye”. Oday mijin jaad ah sita ayaa kaftankii soo dhexgalay oo yidhi” horta mar kasta oo la kaftamo maxay wadaaddadu la xanaaqaan?” muu se caddeyn cidduu su’aasha weydiinayo. Ka dib Islaantii ayaa ugu jawaabtay wadaaddadu ma kaftamaan waayo kaftanka ma wax aan dembi ahayn ayaa ka soo raacaya”?. Odaygii oo u muuqday inay jawaabta islaantu deeqday ayaan hadal soo celin. Cali Cabdi Coomay Suxufi, Qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan. Calicoomay@gmail.com Source
  11. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in kadib saacado badan oo magaalada xaaladeedu kacsaneyd ay saaka tagan tahay. Ciidamada ka tirsan guutada 5-aad ururka 27-aad ee xoogga dalka oo la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin socdaal madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, la qorsheynayay in maanta uu ku gaaro magaalada ayaa la wareegey gacan ku heynta goobaha muhiimka ah ee Magaalada. Saraakiisha ciidamada hoagaaminaysay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedan dadka dega gobalka oo xaqooda siyaasadeed la duudsiyay. Ciidamada ayaa illa iyo hadda gacanta ku haya xarunta maamulka gobalka Hiiraan ee magaalada Baladweyne iyo saldhigga ciidamada Lama galaay. Qaar ka mid ah dadka shacabka ayaa dhankooda Tan iyo xalay magaalada ka sameyay banaanbaxyo ay ku taageerayaan ciidamadan oo la magac baxay Ciidamada Badbaada Hiiraan. Dhanka kale maagaalada ayaa sakaa la sheegay in ay soo gaareen ciidamo uu horkacayo Generaal Abuukar Xuud oo mudda dheer dagaal kula jiray maamulka Hirshabeelle kadib doorashadii Cali Guudlaawe. Generaalka ayaa la sheegay in uu garab siinayo ciidamada la wareegay magaalada ee ka soo horjeeda Imaanshaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Sikastaba maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle ayaana dhankooda weli ka hadlin ciidamada la wareegay magaalada Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-London)-Nin Soomaali ah ayaa si arxan darro ah shalay gelinkii dambe loogu dilay magaalada London, xilli ay sare u kacayaan dilalka magaalada loogu gaysto Soomaalida. Dilkan oo loo adeegsaday mindi ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacabo Leyton, sida ay goobjoogeyaal arkayey sheegeen. Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay in marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ay qoorta kaga gooyeen mindida, kadibna ay goobta iskaga baxsadeen. Waxaa kadib goobta soo gaadhay kooxaha gurmadka deg degga ah, oo ula cararay cisbital ka agdhowaa goobta, halkaasi oo ay nafta kaga baxday. Booliska ayaan weli shaaca ka qaadin magaca marxuumka. London ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado mindiyaha, ayada oo inta badan lagu dilo ama ay isku dilaan dhallinayarada Soomaalida ee dad’doodu u dhaxeyso 18 illaa 25 jirka. Weerarkan ayaa wuxuu kaga duwan yahay weeraradii hore in lagu beegsaday nin da’ ahaan weyn. Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa London ka dhacay dilalka ugu yaraan lix qof oo dhammaantood loo adeegsaday mindi. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si kooban uga hadlay nuxurka kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubnaha shirguddoonka golaha wakiillada. Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook-ga oo Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa waxa uu ku yidhi sida tan: “Waxa aannu qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kula yeelannay kulankii koowaad ee rasmi ah Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayeen Wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa si aanu uga wada hadalno isla markaana isula jeexjeexno wada shaqaynta Dastuurku waajibinayo ee ka dhaxeysa waaxda fulinta iyo waaxda sharci dajinta si loo helo isu dheelitirnaanta awooda Qaranka iyo Isla xisaabtanka Hay’adaha Dawladda. Madaxweynaha iyo Wasiiraddiisa waxa aan uga mahadcelinaynaa sida qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen.” Source
  14. (SLT- Cape Town)-Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in koox budhcad ah ay ku dileen ganacsato Soomaali ah magaalada Cape Town. Soomaalida kala ah Ibraahim Cumar Caddow Gaabow iyo Isaaq Shiinow Cali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay xalay waddanka Koofur Afrika gaar ahaan deegaano ku yaalla magaalada Cape Town. Wararka waxa ay sheegayaan in ganacsatadan Soomaali la dilay xilli ay ku sugnaayeen goobahooda ganacsi, mana jirto cid loo qabtay dilkooda. Dilka ganacsatadan Soomaalida loogu geysanayo dalka Koofur Afrika ayaa sii kordhay bilihii la soo dhaafay kadib markii bannanbaxyo rabshado wata oo loogaga soo horjeedo xadhiga madaxweynihi hore ee Koofur Afrika ay ka dhaceen magaalooyin badan oo ka mid ah waddanka Koofur Afrika. Source
  15. Kenyan officials in Nairobi may face a new barrier in their bid to push Al-Shabaab into a tighter corner with more sanctions after the Taliban astonishingly seized control of Afghanistan this week. Source: Hiiraan Online
  16. Kenya has Monday morning received 880,000 doses of Moderna vaccine from the US, a boost to the ongoing nationwide vaccination programme. Source: Hiiraan Online
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray, welina ku sugan saraakiil ka baxay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle iyo ciidamo ka amar qaata madaxweyne Cali Guudlaawe. Ciidamada ka baxay Jowhar ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha booliska HirShabeelle oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Sidoo kale waxaa kaamirada ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo ku libisan dareeska ciidamada, iyadoo ay saraakiishaan ciidan loo geeyey Beladweyne qorshe awood ciidan loogu geyn lahaa madaxweyne Cali Guudlaawe. Si kastaba, qorshahaas ayaa waxaa xalay fashiliyey ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan oo la wareegay gacan ku haynta magaalada. Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle. Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in ciidankan ay ka hortagayaan qorshe la rabay in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geeeyo magaalada, taasoo ka dajin laheyd xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay. Ma cadda hadda halka ay ku dambeeyaan saraakiishii iyo ciidankii uu diray Guudlaawe, iyo sidoo kale ciidamadii horey magaalada u joogay ee maamulka HirShabeele. The post Xog: Saraakiil iyo ciidamo ka amar qaata Guudlaawe oo ku sugan Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  18. Ganacsade Soomaali ah oo Xalay lagu dilay Queens-town+Budhcadii dishay oo la laayey,Yaase laayey+Sababta Allaha u naxariistee Ganacsade Isaaq Shiinow Cali ayaa caawa budhcad hubeysan waxay ku dileen dukaankiisa oo ku yaala duleedka magaalada Queenstown oo ka tirsan gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika. Goob joogayaal ayaa sheegay in Budhcada ay dilka ganacsade Isaaq Shiinow u adeegsatay Toorey. Saddex nin oo budhcad ah ayaa sida la xaqiijiyay dukaanka ugu galay marxuumka ka dibna hoosta ka xidhay xili marxuum ganacsade Isaaq Shiinow u dukaanka ka shaqeynaayay kaligiis. Dadka deegaanka oo ka war helay in dukaanka ganacsade Isaaq ay ku dhax jiraan budhcad ayna dhacayaan ayaa la sheegay iney markiiba gudaha u galeen dukaanka iyagoo isla goobtaas ku dhax dilay sadexdii nin ee budhcada ahaa. Marxuumka ayay wararku sheegayaan inuu muddo dheer halkaas ku ganacsanayey dadka degaankuna ay aad yaqiineen taasoo keentay iney u soo gurmadaan isla markaana dilaan raggii budhcada ah, iyadoo dhacdadan ay tahay mid ugub ku ah dalka koonfur Afrika. Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku dhaqan dalka Koonfur afrika ayaa si joogto ah waxaa loogu geystaa dilal iyo boob ka dhan ah hantidooda oo ay kula kacaan budhcad u dhalatay dalkaas. Qaran News
  19. London (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa si arxan darro ah shalay gelinkii dambe loogu dilay magaalada London, xilli ay sare u kacayaan dilalka magaalada loogu gaysto Soomaalida. Dilkan oo loo adeegsaday mindi ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacabo Leyton, sida ay goobjoogeyaal arkayey u sheegeen Caasimada Online. Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay in marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ay qoorta kaga gooyeen mindida, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Waxaa kadib goobta soo gaaray kooxaha gurmadka deg degga ah, oo ula cararay isbital ka ag dhowaa goobta, halkaasi oo ay nafta kaga baxday. Booliska ayaan weli shaaca ka qaadin magaca marxuumka. London ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado mindiyaha, ayada oo inta badan lagu dilo ama ay isku dilaan dhallinayarada Soomaaliyeed ee dad’doodu u dhaxeyso 18 illaa 25 jirka. Weerarkan ayaa wuxuu kaga duwan yahay weeraradii hore in lagu beegsaday nin da’ ahaan weyn. Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa London ka dhacay dilalka ugu yaraan lix qof oo dhammaantood loo adeegsaday mindi. The post Nin SOOMAALI ah oo lagu gowracay magaalada London appeared first on Caasimada Online.
  20. Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Axaddii diiday fikradda ku saabsan in dadka laga soo daad-gureynayo Afghanistan la geeyo dalalka u dhow Ruushka, isaga oo sheegay inaysan dooneyn in “mintidiin iska dhigaya qaxooti ay halkaas tagaan.” Moscow ayaa xiriir wanaagsan la leh Taalibaan, waxaana mintidiintan uu ka hadlayo loola jeeda kuwa Al-Qacida. Putin ayaa cambaareeyey fikradda dalalka Reer Galbeedka qaarkood, ee ay qaxootiga Afghanistan dib u dejin ugu sameynayaan dalalka deriska la ah ee Bartamaha Asia, inta Visa-ha ay ku galayaan Mareykanka iyo Yurub laga diyaarinayo. “Taas ma waxa uu macnaheedu yahay in ayaga oo aan Visa haysan la geyn karo dalalkaas iyo deriskeena, halka Reer Galbeedka aysan dooneyn inay qaadaan Visa la’aan,” ayuu yiri madaxweyne Putin, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS. “Maxay dhibaatadan ugu xalinayaan hab bah-dilaad ah?” ayuu yiri. Dowladda Mareykanka ayaa wada-hadallo sir ah la yeelatay dhowr dal, ayada oo isku dayeysa inay xaqiijiyo heshiis hoy loogu sameynayo Afgaaniyiinta la shaqeeyey dowladda Mareykanka. Putin ayaa sheegay in Ruushka, oo safar bilaa Visa ah u ogol dadka dalalkii horey uga tirsanaa Soviet-ka ee Bartamaha Asia, uu taas kasoo horjeedo. “Ma dooneyno in mintdiin aan halkan ku aragno, ayaga oo isku qarinaya qaxooti,” ayuu yiri Putin. Halka dalalka Reer Galbeedka qaarkood ay la daala dhacayaan inay dad kasoo daad-gureeyaan Afghanistan, ayaa Moscow waxay Taalibaan ku amaantay inay soo celisay kala dambeynta dalka kadib markii ay la wareegtay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Taalibaan ay illaa iyo hadda kasoo baxayaan ballan-qaadkooda. “Waxaan aragnaa in hadalkii Taalibaan ee ahaa inay joojinayaan ficillada dagaal, ayna cafis ugu fidiyeen kuwii kasoo horjeeday, la fuliyey,” ayuu yiri Lavrov. The post Madaxweyne Vladimir Putin oo diiday qorshaha Reer Galbeedka ee Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
  21. Mas’uuliyiinta Gobolka Bari ee Puntland, ayaa digniin culus ka soo saaray roobab dabaylo wata, oo sida saadaashu sheegtay saacadaha soo socda ku wajahan xeebaha Gobolkaas. Qoraal ka soo baxay maamulka Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in 48-saac ee soo socda roobab dabaylo wataa ku soo wajahan yihiin xeebaha Gobolka Bari, sida saadaashu sheegtay. Maamulka ayaa dadweynaha ugu baaqay, in ay isaga baxaan dhulka godan iyo togagga ku dhow xeebaha, si looga baaqsado dhibaato dadka iyo duunyada ka soo gaarta roobabkaas dabaylaha wata. Sidoo kale, saraakiisha Booliiska iyo guddoomiyaaasha degmooyinka Gobolka Bari, ayaa amar lagu siiyay in aysan mudda 48-saac ah wax gaadiida u fasixi karin gudaha badda, si looga taxaddaro khatarta dabaylaha. PUNTLAND POST The post Digniin culus oo laga soo saaray Roobab dabayla wata oo ku soo wajahan Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa gobolka Shabeellada Dhexe ka dalbaday ciidamo Milateri ah iyo Gaadiid dagaal, kadib markii uu xoogeysstay xiisadda u dhaxeysa isaga iyo taliyaha booliska Soomaaliya. Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar uu amar ku bixiyay in awood ciidan lagu joojiyo dhismaha dhul danguud ah oo ay Naafada Qaranka lahaayeen oo ku yaala nawaaxiga Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo guddoomiye Cumar Filish ka dhisay baakinka gaadiidka ka shaqeeya dekadda Muqdisho. Taliye Xijaar ayaa guddoomiyaha ku amray joojinta dhismaha iyo xarig ka jarka, waxaana la sheegay in diidamada gobalka kadib taliye Xijaar ku amray in awood ciidan lagu joojiyo howsha halkaas ka socotay. Xogta ayaa tilmaamaysa in Korneel Saneey Cabdulle iyo Sarkaal lagu magacaabo Shaah Ma-cabe ay guddoomiye Cumar Filish usoo dhiibeen shan gaari oo nuuca dagaalka ah iyo ciidamo ku hubeysan qoryaha BKM iyo Baasuko iyo hub kale oo kamid ah nuucyada fudud. Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish oo markii hore ku socon jiray hal gaari oo nuuca aan xabada karin ee Butuufta ah ayaa hada ka dhigtay laba gaari iyo dhowr gaari oo kale kuwa raaxada ah. Arrintaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay xiisada u dhaxeysa Taliye Xijaar iyo Cumar Filish. Ilaa hadha ma jirto wax dadaal ah oo ka socda dhinaca dowlada oo arrintaan xal loogu raadinayo. Abaabulka ka socda Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in uu saameyn ami ku yeesho Muqdisho haddii aan wadahadal lagu xalin. The post Xog: Cumar Filish oo gaadiid dagaal iyo ciidan badan kala yimid Shabeellada Dhexe appeared first on Caasimada Online.