Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In his 2010 memoir Decision Points, former United States President George W Bush explained his rationale for the decision to invade Afghanistan in the following words: Source: Hiiraan Online
  2. Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada Soomaalida ee ka qaybgalay kulan miimeedkii saddexaad ee Ansaaru-sunna ee dhawaan ka qabsoomay ka caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Ugu horrayn wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey culimada isaga timi waddamada deriska iyo daafaha caalamka, waxana uu ugaga mahadnaqay wacdiyadii iyo waanooyinkii arrimaha diinta la xidhiidhay ee ay maalmahanba siinayeen bulshada reer Somaliland. Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi General Jiir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, iyaga oo si guudna Jamhuuriyadda Somaliland ugu ammaanay nabadda iyo amniga taabbo-galka ah ee ka jira, isku-duubnida iyo midnimada shacabka iyo xukuumadda ka dhaxaysa iyo xiisaha bulshadu u qabto barashada diinta Islaamkana si weyn u bogaadiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada waaweyn ee diinta magaca ku yeeshay ee qaybta ka ahaa kulankii ballaadhnaa ee Somaliland lagu qabtay, waxana uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaa soo dhaweynayo khayrka iyo wanaagga ay culimadaasi dalka keeneen iyo muxaadarooyinkii ay bulshada u jeediyeen, waxana uu yidhi,“Ilaahay baa mahad leh nagu simay in intan oo culimo ahi noo timaaddo oo ay noo duceeyaan, ciddii khayrkaas iyo intaas oo culimo iyo ducadaas noo keentayna waannu u mahadnaqaynaa, waannu jecel nahay intan oo culimo ah oo wanaagga iyo khayrka na farayaa inay If iyo Aakhiroba na xasuusiyaan waa hiil iyo garabgal aannu aad iyo aad u soo dhaweynayno.” Madaxweynuhu waxa uu culimada ka codsaday inay ummadda uga duceeyaan khilaafka iyo kala qaybsanaanta dhexdooda taalla, kuna waaniyaan inay is caawiyaan oo ay gacan qabtaan dadkooda jilicsan ee u baahan taakulaynta, waxana kulankan ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada. Wa-bilaahi Tawfiiq Qaran News
  3. Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa maanta sheegtay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyada muqaawamada ah ee ku sugan Dooxada Panjshir, balse ay doonayaan wada-hadal, intii ay dagaal la gali lahaayeen. Tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, koox muqaawamo ah oo ka tirsanaa askarta dowladdii hore ayaa isku urursanayey Panjshir, oo waqooyi kaga beegan Kabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Taalibaan diidka. “Dagaal-yahanada waxay saldhigteen agagaarka Panjshir,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujaahid, oo intaas ku daray inay saddex dhinac ka hareereeyen. “Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa imanaya kadib warbixino xalay soo baxay oo sheegayey in ciidanka Taalibaan ay buuxiyeen Dooxada Panjshir oo ah mid ka mid ah meelaha kooban ee Afghanistan oo aysan kooxda gacanta ku hayn, halka madaxweynihii ku-xigeenkii hore ee Afghanistan uu sheegay in weli ay haystaan aagaggooda. Baraha bulshada ee kooxda iska caabinta ayaa beeniyey warar sheegayey in la durjiyey, waxayna sheegeen in dagaal-yahanadooda ay weerar jidgal ah la heleen Taalibaan. Ahmed Massoud, oo uu dhalay taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan, Ahmed Shah Massoud, ayaa Panjshir ku ururiyey ciidan gaaraya 9,000 oo askari, sida uu AFP u sheegay Ali Maisam Nazary oo ah afhayeen u hadlay kooxdan. Sawirro ay qaaday AFP ayaa muujinaya dagaal-yahanada kooxda oo dhoola-tus iyo tababar ciidan sameynaya. Nazary ayaa sheegay in kooxdooda ay dooneyso inay riixaan in Afghanistan laga hirgeliyo nidaam cusub oo dowladeed, balse ay diyaar u yihiin inay dagaalamaan haddii ay lagama maarmaan noqoto. “Ciidamada dowladda oo ka kala yimid gobolo kala duwan ayaa soo gaaray Panjshir,” ayuu Ahmed Massoud u sheegay warbaahinta Al-Arabiya ee Sacuudiga. “Taalibaan ma daahi doonto, haddii ay waddadan kusii socoto. Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Afghanistan, waxaana ka digeynaa dhiig daata.” AFP + VOA The post Dagaalyahanada Taalibaan oo hareereeyey maleeshiyada uu hoggaamiyo Ahmed Massoud appeared first on Caasimada Online.
  4. BELEDWEYNE (HOL) - Clan elders in Beletweyne have assured the public of calm and return to normalcy following a takeover of the town by Regional salvation army. Source: Hiiraan Online
  5. The Elephant In The Room Decades ago during the British ruling and right after the independence, sending children to schools was a controversial and divisive even dangerous matter. Sending a girl to school was out of the question. Right after independence the Burao and Hargeisa girls school were opened and among the alumni is our beloved Dr Edna Adan. Those days were dark days for our young beautiful girls. However, the notion that our children would be converted to christianity never materialized and today we remain hundred percent muslim although our children were educated by instructors with different believes and cultures. During the military regime over two decades in our schools students were taught Karl Marx and Friedrich Engels Communism and socialist theories to undermine our Islam. Those were vulnerable times where Islam was under attack by then military leaders who embraced socialism. Students were forced to sing communist ritual songs before classes starts in the morning under duress, yet they remained hundred percent Islam. During the collapse of the dictatorial regime our people were forced to flee to refugee camps run by international organizations and religious entities. These organizations sponsored refugees to settle in different western countries including Australia. Most the refugees were uneducated mothers and daughters under the mercy of foreign donors who were providing the basic human needs such food and shelter, yet they never compromised their religious believes and they remain full fledged muslim in christian countries. Somali diaspora in general are considered among the minorities living in different western countries, however they built mosques and religious schools in places where such believes were never practiced and our women are brave enough to wear muslim attires without fear, unlike other ethnic groups. If someone believes that somalis are weak and feeble minded society that could easily be manipulated or misguided to convert to another religious believes, then one does not know somalis well enough. Since the inception Somaliland has experienced many obstacles including meddling in their internal affairs from resentful few who are not happy of the tangible progress that Somaliland has taken by politicizing certain social issues, but they failed again and again. In their most recent attempt, they are trying to smear the name of a well established center of education and that of the beautiful young Somaliland girls by using unsuspected individual Somalilanders. This School has produced young high-achieving Somalilanders who graduated or currently attending the most prestigious Ivy League universities in America. These young beautiful adults came from strong family tradition, has completed Quran, basic high school education and are the offsprings of the most resilient generations of all time who endured and overcome death and destructions from a ruthless dictator. They are many among a few and they can defend themselves and their religion. They are strong educated you girls who have the ability to challenge and convince someone, not the other way around. Given the fact that our society is non like others, especially our young beautiful Somaliland girl, in their own homeland and under the protection of their caring government and in close proximity to their own parents and society should not be afraid of few misguided individuals with ulterior motives serving the enemy interests. You are in good hands and we are proud of you. By Mohamed Adan Samatar madan.samatar01@gmail.com Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad gobleed, kadib walaac laga muujiyey hanaankii doorasho ee uu shalay soo saaray Golaha. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxa uu ka qabsoomaya teendhada Afisyoone, waxaana si gaar ah diirada loogu saari doona tabashada guddiga doorashada ee heer federaal uu ka qabo habraaca, xili uu kal hore asagu soo saaray habraac doorasho. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo hirgalin lahaa habraacyada doorashooyinka dalka sida Amniga, Maaliyada, Xulista ergooyinka, Qoondada haweenka iyo habraacyada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland, oo muddo muran badan ka taagna. War-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay in golahooda uu la wareegay awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, ayada oo habraaca ay soo saareen uu ku jiraan kuwo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu hoos u dhigay awooda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, oo kal hore soo saaray habraac doorasho, waxaana midka Goluhu uu awood buuxda siinayaan guddiyada doorashada heer dowlad goboleed. Arrintan ayaa waxaa si weyn u diiday dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya. Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay inay diideen habraacii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka. “Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Murashaxiinta. “Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.” Goluha Midowga Murashaxiinta ayaa ku tilmaamay habraaca mid “dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay,” wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta. The post Rooble iyo madax goboleedyada oo shir la leh guddiga doorashada kadib diidmo lagala horyimid appeared first on Caasimada Online.
  7. MOMBASA, Kenya, Aug. 23 (Xinhua) -- Kenyan police on Monday arrested two terror suspects in the coastal region of Mombasa, seizing two AK-47 rifles and ammunition, authorities said. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - A military court in Somalia has sentenced an ISIS member to a lengthy prison term on Monday. Source: Hiiraan Online
  9. Golaha midawga musharixiinta ayaa war-saaafadeed ka soo saaray xaaladda guud ee dalka si gaar ah doorashooyinka dalka ka socda. Midawga musharixiinta ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta Habraacyadii ay soo saareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka. Shir ay isugu yimaadeen maanta Midawga ayeey ku sheegen in haddii lagu dhaqmo Habraacyada ay suura gal tahay in dalka uu gaalo Dagaal Sokeeye. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
  10. A St. Paul police officer is at the center of a U.S. Supreme Court petition that seeks to remove immunity protections from federal law enforcement officers who violate a citizen’s constitutional rights. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa war-murtiyeed kasoo saaray habraacyadii shalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay si adag uga horyimaadeen. Golaha ayaa sheegay in habraacii kasoo baxay Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid khilaafsan dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-Maajo, islamarkaana si toos ah loogu gacan geliyay madaxda dowlad goboleedyada dalka, si lamid ah middii Aqalka Sare. “Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii kasoo baxay Golaha Wadarashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qoddobada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayidka, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwaan-gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagna isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxmed Cabdilaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.” Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta lagu sheegay in habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga uu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudihiisa uu magacaabis toos ah yahay. “Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay kamid tahay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan doorashadeena, in nidaamka dowladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dowladnimo sax ah.” Ugu dambeyntiina Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay 7 qoddob oo ay ku sheegen in lagu gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka. Hoos ka aqriso War-murtiyeedka oo dhameystiran The post Midowga Musharaxiinta oo diiday habraacii uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
  12. Taalibaan oo sheegtay in ciidankeeda hareereeyen kooxda Ahmed Shaah Massoud Taalibaan ayaa maanta sheegtay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyada muqaawamada ah ee ku sugan Dooxada Panjshir, balse ay doonayaan wada-hadal, intii ay dagaal la gali lahaayeen. Tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, koox muqaawamo ah oo ka tirsanaa askarta dowladdii hore ayaa isku urursanayey Panjshir, oo waqooyi kaga beegan Kabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Taalibaan diidka. “Dagaal-yahanada waxay saldhigteen agagaarka Panjshir,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujaahid, oo intaas ku daray inay saddex dhinac ka hareereeyen. “Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa imanaya kadib warbixino xalay soo baxay oo sheegayey in ciidanka Taalibaan ay buuxiyeen Dooxada Panjshir oo ah mid ka mid ah meelaha kooban ee Afghanistan oo aysan kooxda gacanta ku hayn, halka madaxweynihii ku-xigeenkii hore ee Afghanistan uu sheegay in weli ay haystaan aagaggooda. Baraha bulshada ee kooxda iska caabinta ayaa beeniyey warar sheegayey in la durjiyey, waxayna sheegeen in dagaal-yahanadooda ay weerar jidgal ah la heleen Taalibaan. Ahmed Massoud, oo uu dhalay taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan, Ahmed Shah Massoud, ayaa Panjshir ku ururiyey ciidan gaaraya 9,000 oo askari, sida uu AFP u sheegay Ali Maisam Nazary oo ah afhayeen u hadlay kooxdan. Sawirro ay qaaday AFP ayaa muujinaya dagaal-yahanada kooxda oo dhoola-tus iyo tababar ciidan sameynaya. Nazary ayaa sheegay in kooxdooda ay dooneyso inay riixaan in Afghanistan laga hirgeliyo nidaam cusub oo dowladeed, balse ay diyaar u yihiin inay dagaalamaan haddii ay lagama maarmaan noqoto. “Ciidamada dowladda oo ka kala yimid gobolo kala duwan ayaa soo gaaray Panjshir,” ayuu Ahmed Massoud u sheegay warbaahinta Al-Arabiya ee Sacuudiga. “Taalibaan ma daahi doonto, haddii ay waddadan kusii socoto. Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Afghanistan, waxaana ka digeynaa dhiig daata.” Qaran News
  13. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in lix ka tirsanaa shaqaalaha madaxtooyadda shaqadooda looga eryay sababo la xidhiidha guushii guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Maxamed Sadiiq Dhamme Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Waddani Ayaa Sidani Sheegay waxaanu yidhi sida tan: “6 ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada ayaa Madaxweynuhu amray in shaqada laga joojiyo, ragga qaar waxa galaafatay sacab ay tumeen maalintii doorashada shirguddoonka guushii Khaliif qasriga dhexdiisa. waxa kale jira tuhuno iyo xog muqarribiintu heleen oo tibaaxaysa in warar bannaanka u baxeen, kala shakiga guuldarada KULMIYE !” Source
  14. A Somali national, described in court as a pillar of the Somali community, has been denied bail after being arrested carrying €160,000 on a flight to Istanbul. Source: Hiiraan Online
  15. Overlapping crises have pushed the fragile east African country to the ‘cusp of humanitarian catastrophe’, with one in four facing food insecurity Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaankauu muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa si adag kaga hadlay xaaladda kacsan ee ka taagan Beledweyne, kadib markii ay xalay la wareegeen ciidan hubeysan. Goodax Barre ayaa soo dhoweeyey ‘kacdoonka’ ka billowday Beledweyn ee looga soo horjeedo safarka madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe). Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu billowday Halganka iyo Geela loogu tala-galay ciidamada qabsaday magaalada ee ka soo horjeeda maamulka HirShabelle. “Geela waa iskeenay, halgankana waa halkiisa,” ayuu yiri Goodax Barre oo ka hadlayey xaaladda adag ee magaalada Beledweyne. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo siyaasiyiintii ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya inay hataana ku jiraan xaalad go’doon ah, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Goodax oo si weyn u taageersan ciidamada la wareegay xarumaha Beledweyne ayaa intaasi ku daray inay suuragal tahay in lasoo ‘masaafuriyo’ mas’uuliyiintaasi. “Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin uu ka watay Muqdisho ayaa ku jira xaalad go’doon ah kadib markii ay isku hareereeyen ciidanka lana wareegay dhammaan xarumahii maamulka gobolka, waxaana suurtagal ah in laga soo masaafuriyo magaalada Baledweyne” ayuu yiri Goodax Barre oo la hadlayey warbaahinta. Xiisadda ka taagan Beledweyne ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday magaaladaas, waxaana kadib soo baxday in si awood ah Guudlaawe lagu geynayo, taas oo keentay in ciidamo ka soo horjeedo ay soo galaan Beledweyne. The post Daawo: Goodax Barre oo shaaciyey xaaladda ay ku sugan yihiin Dabageed iyo siyaasiyiintii ka raacay Xamar appeared first on Caasimada Online.