-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war kasoo saaray doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Aqalka Sare, taas oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray Senataradii ugu dambeeyey ee maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo Xerada Xalane. “Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Somailand ee Aqalka Sare oo uu muddo ka taagaan khilaaf xoogan. “Waa ku faraxsanahay in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay guul,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Maxamed Xuseen Rooble. Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyey ergadii ka qeyb-gashay doorashada iyo sidoo kale guddigii maamulayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland. “Waxaan hambalyo iyo ammaan u jeedinayaa ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay,” ayuu raaciyey. Hadalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la dhammeystiray doorashada 11-ka xubnood ee ay Somaliland ku leedahay golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. The post Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii maanta lagu soo gaba-gabeeyey Afisyoone? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyey doorashada aqalka sare e Somaliland kadib markii la doortay ilaa shan xildhibaan oo cusub. Senatorka cusub ee Saciid Cabdi Xasan waxaa u tanaasulay Jamac Cabdullahi Maxamed halka Naciimo Xasan Xaaji oo ah kursiga keliya tartan ka dhacay ay ka guuleystay Senatorada hadda ku fadhisay ee Muno Cumar Xasan iyo Sucaad Xasan Maxamed Senatorka cusub ee Axmed Maxamed Saciid waxaa u tanaasulay labadii la tartameysay ee Xasan Cabdi Gaas iyo Cabdirisaq Axmed Cali Waxaa isna Senator noqday Axmed Ibraahim Qorane kadib markii uu tanaasulay tartamihii kale ee Baashe Maxamed Ismaciil Dhankeeda Senatorada cusub ee Deeqa Xasan ayaa heshay kursiga, waxaa u tanaasushay Hodan Abuukar Maxamed. Shalay waxaa Aqalka saree e Somaliland loo doortay Bilaal Idiris, Leyo Axmed, Cusmaan Dubbe, Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi. Ilaa hadda guud ahaan aqalka sare waxaa loo doortay 46 xildhibaan, kuwaas oo kala ah Jubbaland(4), Koonfur Galbeed(8), Hirshabelle(6), Galmudug(6), Puntland(11) iyo Somaliland(11), waxaana dhimman 8 xubin oo keliya. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadam Online) – Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka. Jawaari ayaa marka hore soo saaray fariin la xiriirta doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, taas oo qorshuhu yahay in dhowaan la guda-galo. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in golaha shacabka uu saldhig u yahay dowladnimada, maadaama lagu go’aamiyo xal ka gaarista go’aanada culus. “Golaha shacabka waa meeshii saldhigga u aheyd dowladnimada dad badan ayaa yasaayo mararka qaarkood, laakiin haddii ay mas’ala adag dhacdo meesha la eeganaayo waa golaha shacabka oo la leeyahay go’aan ka gaara oo arrintaas xalliya,” ayuu yiri Prof. Jawaari. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan-yahay in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan kuwa leh karti iyo aqoon, si loo doorto xuldhibaano tayo leh. “Waxaa loo baahan-yahay in xubnaha golaha shacabka ay ahaadaan xubno qiimo iyo qadarintaasi leh, aqoontaas iyo fikrad dheer leh in meesha loo soo xulo waa lagama maarmaan,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyey in si deg-deg ah loo bilaabo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana heer gabagab ah jooga doorashada aqalka sare oo marxalado kala duwan laga soo maray. The post JAWAARI oo farriin culus kasoo saaray doorashada golaha shacabka Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - A police officer in Puntland reportedly shot dead a colleague Wednesday night barely two days after the presidential guard fired at a woman killing her in Garowe. Source: Hiiraan Online
-
Abwaan Qorone Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Aqalka Sare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa goordhaw la soo gabagabeyay doorashada Kursiga Sagaalad ee kuraasta Aqalka Sare Somaliland. Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Senator Axmed Ibraahim Maxamed Abwaan Qorone. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga Todobaad ee Aqalka Sare oo uu ku soo baxay Abwaan Qorane . Source: goobjoog.com -
Naciima Xasan Xaaji ayaa loo doortay Kursiga 8aad ee Senatarnimo ee Aqalka Sare ee Somaliland, waxaana ay ku soo baxday30 cod, iyadoo ka guuleysatay Muna Cumar Xasan oo horay Kursigan ugu fadhisay. Naciima ayaa La Taliye dhanka Sharciga u ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada Kursiga Sideedaad ee Doorashada oo ay ku soo baxday Senator Naciima Xasan Xaaji. Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw la soo gabagabeyay doorashada Kursiga Todobaad ee kuraasta Aqalka Sare Somaliland. Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Senator Saciid Xuseen. Senatorka ayaa horay u ahaa shaqsigi ku fadhiyay kursiga Afarti sano ee la soo dhaafay . Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga Todobaad ee Aqalka Sare oo uu ku soo baxay Saciid Xuseen. Source: goobjoog.com
-
Taliska guud ciidanka PMPF ee dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Bootaan Maxamed Bootaan oo xalay lagu dilay duleedka caasimadda Garoowe. Marxuumka oo ka tirsanaa saraakiisha rayidka ah ee hay’adda PMPF ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xigta Garoowe kadib muran dhexmaray isaga iyo ninka dilka gaystay. “Taliska Guud ee Ciidamada PMPF waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Bootaan Maxamed Bootaan oo xalay ku geeriyoodey Garoowe.” Aya lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay PMPF. Maxamed Cabdulqaadir Muuse Af-dheere oo ah ninka dilka gaystay ayaa saaka laga soo qabtay degaanka Budunbuto oo ka tirsan Gobolka Nugaal sida ay xaqiijiyeen Booliiska. Hay’adda PMPF oo ka kooban ciidan iyo saraakiil rayid ah ayaa maamusha ciidanka badda Puntland. PUNTLAND POST The post PMPF oo ka tacsiyeeyay dilka marxuum Bootaan appeared first on Puntland Post.
-
Dadka Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday. Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaankaasi ayaa dadka ku nool waxa ay haatan bilaabeen inay u soo baxaan doorashada si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada wakiillada golaha deegaanka iyo xildhibaannada deegaankaasi ku matali doona baarlamaanka federaalka ee Itoobiya. Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Bishii June, malaayiin qof oo ku nool illa toddobo gobol oo Itoobiya ah ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada Baarlamaanka, taas oo ahayd mid lagu muransanaa. Gobolka Tigray ayeysan ka dhicin codeyntaas, maadaama dagaallo ay saameeyeen Axsaabta mucaaradka ee ugu waaweyn Itoobiya ayaa diiday ka qeybgalka doorashadaas oo ay u arkayeen in “is dabamarin ay ka dhex jirto”. Xisbiga Talada haya ayaa si aqlabiyad ah ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka. Taas waxay Abiy Axmed siiyay fursad ah in shan sano oo kale uu dalkaas sii hoggaamiyo, waxaana la filayaa in xukuumad cusub oo soo dhiso 4-ta October. Sidoo kale, doorashada hadda ka socota Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa qaadacay asxaabta qaar. Waxaa ka mid ah ONLF oo Khamiistii sheegtay in ay isaga hartay ka qeybgalka doorashada, waxayna eedeeyeen xisbiga talada haya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana la doortay kuraastii ugu dambeysay xubnaha ka imaanaya dhanka Somaliland. Saciid Cabdi Xasan ayaa ku soo baxay kursiga 7-aad, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Jaamac Cabdilaahi Maxamed Intaas kadib ayaa waxaa codeyn gacan taag ah loo qaaday musharrax Saciid oo helay 42 cod, waxaana sidaas uu markale ku noqday Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kursiga 8-aad ku soo baxday Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay 30 cod, halka Muno Cumar Xasan oo horey uga fadhisay kursigaas ay heshay 13 cod. Kursiga kale ee 9-aad waxaa ku guuleystay Sanatar Axmed Maxamed Saciid, waxaana la tartamayey labo musharax oo midkood uusan imaan goobta codeynta, wuxuu isna ku soo baxay cod gacan-taag ah, kadib markii uu tanaasulay Cabdirisaaq Axmed Cali oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa kale oo kursiga 10-aad ku guuleystay musharrax Axmed Ibraahim (Qorane) oo isna ku soo baxay cod gacan taag ah, halka kursiga ugu dambeeyey ay iyana ku guuleysatay Deeqo Xassan Xuseen oo loo tanaasulay horeyna ugu fadhiday kursigaasi. Tani ayaa ka dhigan in lasoo gaba-gabeeyey doorashada Somaliland ee Aqalka Sare, iyada shalay la doortay lixda Senatar ee kale, waxaana ku soo baxay kuraastaasi: Sen. Cabdi Xaashi Cabdullahi Sen. Saalax Axmed Jaamac Sen. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Sen. Cismaan Obokar Dubbe Sen. Leyla Axmed Ismaaciil Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxayna taasi soo dadajisay in la qabto dooerashada xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya Aqalka Sare. The post Doorashada Somaliland ee Aqalka Sare oo la soo gaba-gabeeyey – Yaa soo baxay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Xasan Cabdi Caynaanshe oo sanadkaan isku soo taagay inuu u tartamo xubin ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka noqday go’aankiisii ahaa inuu tartamo, kadib markii sida uu sheegay uu ka naxay ‘laaluushka iyo musuqa la isku dooranayo.’ Caynaanshe oo doonayey inuu u tartamo mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay in shalay markii uu tegay teendhada Afisyooni uu ku soo arkay aqoonyahanadii caanka ahaa oo odayaal ku baryaya laaluush si ay u doortaan, taas oo sida uu tilmaamay ku kaliftay in tartanka uu isaga haro. Sidoo kale Musharax Caynaanshe waxa uu sheegay in odayaasha wax dooranaya ay u sheegeen in qiimaha ay ku dooranayaan uu ka badan yahay kan musharaxiinta kale, iyagoo baqdin ka muujiyey shakhsiyadiisa, sida uu sheegay. “Ma aaminsani in nin saan arkay ku soo baxay uu Soomaali maanta wax u sheegi karo, waxaan doonayey in wadaniyada iyo Soomaalinimada aan aaminsanahay la igu doorto, hadii aan guuleystana waxaan u tartami lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare,” ayuu yiri Xasan Cabdi Caynaanshe. Sidoo kale waxa uu sheegay in musharaxnimadiisii uu ka noqday isagoo dhowraya sharafta ‘dadka wadaniyiinta ah’ kadib markii lagu xujeeyey lacag badan, sidoo kalena looga baqay sidii Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Caynaanshe. “Odayaasha su’aalo ayey i weydiiyeen, waxaa jirta arrin ay i weydiiyeen oo ay ula tageen shaqsiyaad dowladda ka tirsan, waxay u sheegeen in qiimo ka badan kan dadka kale ay igu soo saarayaan, waxay kaloo odayaashu sheegeen in Maxamed Siyaad Barre aan u egahay oo ay iiga baqeen sidiisii, laakiin sababta ma garanayo oo anigu waligey dad ma dilin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cabdi Caynaanshe. Hoos ka daawo The post “Tartanka waan isaga haray markii ay odayaashu iiga baqeen inaan Siyaad Barre oo kale ku noqdo” + Video appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Sri lank)-Afar kalluumeysato Soomaali ah oo muddo shan bilood ah ku maqnaa badda ayaa shalay ka soo hadlay waddanka Sri Lanka, kaddib markii ay soo badbaadisay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas. Kamaal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya oo ay raggaasi iyo doontooduba ka tirsan yihiin ayaa VOA u xaqjiiyay in nolol lagu helay raggan kalluumeysatada ahaa ee la la’aa. Guddoomiye Kamaal ayaa sheegay in doon ay wateen kalluumeysatada Soomaalida ahaa ay ku luntay badda, xili ay socdeen dabeylo xoogan, ayna la’aayeen muddo ku dhow shan bilood, kuwaasi oo markii dambe kasoo hadlay Sri Lanka, iyagoona uu badbaadiyey markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas. Waxaa uu sheegay Kamaal Maki in ragga la socday doonta ay is maareeyeen intii ay badda ku jireen, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin Sri Lanka oo ay qorsheynayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka Soomaaliya. Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Kamaal ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Magacyada kalluumeysatada oo ay ka dalbadeen in raggaas dib loogu celiyo dalka, hayeeshee dowladda ku wargelisay in Safaarad aysan ku laheyn Sri Lanka. Ugu dambeyn Guddoomiyaha iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in weli badda uga maqan yihiin saddex doon oo nooca kalluumeysiga, balse dadkii la socday lasoo badbaadiyey, kadib markii ay qaateen dabeylo xoogan. Source
-
Qoyska marxuumad Maryan Axmed Caato ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu faafiyay sarkaal lagu magacaabo Jeeniqaar Sheikh Cumar oo ka tirsanaan jiray ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya. G/sare Jeeniqaar oo ka soo jeeda Puntland ayaa sheegay in marxuumad Maryan Axmed Caato dhaawacii soo gaaray u dhimatay kadib markii Garoowe laga waayay irbad qiimaheedu joogo $1.5 Dollar oo keliya. Balse, Maxamuud Axmed Caato la dhashay marxuumadda oo Puntland Post la hadlay ayaa been-abuur ku tilmaamay warka uu faafiyay Jeeniqaar oo ku saabsan in Maryan loo waayay irbad $1.5 Dollar joogta. “ Walaashay looma waayin irbad $1.5 Dollar joogta waa borobagaandho warkaas. Dadka wararka noocaas ah wareejinaya Ilaahay ha ka cabsadaan” ayuu yiri Maxamuud Axmed Caato. Qoraalka Jeeniqaar PUNTLAND POST The post Qoyska marxuumad Maryan oo beeniyay war uu faafiyay Jeeniqaar Sheikh Cumar appeared first on Puntland Post.
-
Taliye Degelle Nin hubaysan oo xalay duleedka caasimadda Garoowe ku dilay sarkaal rayid ah oo ka tirsan ciidanka PMPF ayaa gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac qaba sida uu Puntland Post u xaqiijiyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden jaamac (Degelle). G/sare Degelle ayaa sheegay in ninka dilka gaystay laga soo qabtay degaanka Budunbuto oo ka tirsan Gobolka Nugaal kadib markii uu halkaas u cararay. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Bootaan Axmed Bootaan ayaa xalay lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ilaalada madaxweyne Deni Garoowe ku dileen gabar dhalinyaro ahayd kadib markii ay rasaas huwiyeen gaarigii ay saarnayd. PUNTLAND POST The post Garoowe: Booliiska oo dhaawac ku qabtay nin dilay sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta markale magaalada Muqdisho lagu dooranaya qaar ka mid ah kuraasta Gobalada Waqooyi ay ku leeyihiin Aqalka Sare. Guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in markale maanta oo khamiis ah Afisyooni lagu dooranayo 5 kursi oo ka dhineyd 11 kursi Aqalka sare Somaliland ay ku ledahay. Shalay ayey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu doortay 6 ka mid ah 11 kursi ee Aqalka sare. Hoos ka akhriso magacyada Musharixiinta Kuraasta Maanta La dooranayo Source: goobjoog.com
-
Waxaa la soo gabagabeeyay doorashadii kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqaooyi ee Somaliland, kadib markii shan ka mid ah Khamiista maanta ah la qabtay doorashadooda. Saciid Cabdi Xasan Cowke ayaa noqday Senator-ka toddobaad, kaddib markii uu u tanaasulay Jaamac Cabdullaahi oo la tartamayay. Senator Muna Cumar Xasan ayaa lumisay kursigeedii markii ay heshay 13 cod, waxaana kursigaas ku guuleysatay Naciima Xasan Xaaji oo heshay 30 cod. Deeqa Xasan Xuseen ayaa iyana mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Sare, halka labada kursi ee kalana ay ku kala guuleysteen Axmed Maxamed Siciid iyo Axmed Maxamed Ibraahim (Abwaan Qorane). Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ku dhawaaqay inay soo gabagabowday doorashada 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo qabsoontay muddo laba maalmood ah. PUNTLAND POST The post Doorashada Aqalka sare ee Gobolada waqooyi oo la soo geba-gabeeyay appeared first on Puntland Post.
