Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Sarkaal ka tirsan CIA-da oo u safrayay Hindiya bishan isaga iyo agaasimaha hay’adda ayaa laga soo sheegay astaamo la xiriira xanuunka Havana syndrome, oo maskaxda saameeya, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Saddex ilo wareed oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in sarkaalka uu helay daryeel caafimaad oo ku saabsan cudurka qarsoon. CIA -da kama aysan jawaabin codsiyada cidsi ay u dirtay BBC-da ay uga hadlaan arrintan. Waa kiiskii labaad ee la soo sheego muddo bil gudaheed ah, iyadoo mas’uuliyiinta Mareykanka ay sii wadaan baaritaanka sababta keentay. Bishii Ogosto, duulimaadkii Madaxweyne Ku -xigeenka Kamala Harris oo ka yimid Singapore kuna sii jeeday caasimadda Vietnam ee Hanoi ayaa muddo kooban dib loo dhigay kadib markii sarkaal Mareykan ah uu soo sheegay astaamo muujinaya cudurka Havana syndrome. Xanuunkan ayaa markii ugu horeysay saameeyay shaqaalaha safaaradaha Maraykanka iyo Kanada ee Havana, Cuba, sannadihii 2016 iyo 2017. Dhacdooyin kale oo dhowr ah ayaa tan iyo markaasi laga soo sheegay saraakiisha Maraykanka ee ku sugan waddamada Shiinaha, Ruushka, Jarmalka iyo Austria. Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa horay uga cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah. Mareykanka ayaa xilligaasi Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda “ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka”, walow ay mas’uuliyiinta dalkaas beeniyeen eedeyntaas. Dhacdooyinkaas ayaa sii xumeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Cuba. Sanadkii 2019-kii, khubaro Maraykan ah ayaa daraasad ku ogaaday in “uu dhaawac maskaxda ka gaaray” diblomaasiyiintii la xanuunsatay cudurkaas, laakiin Cuba ayaa ku gacan sayrtay natiijadaas. Dadka ay saamaysay waxay sheegaan inay si lama filaan ah u dareemeen cadaadis dhanka maskaxda, iyo inay maqleen dhawaaqyo yaab leh oo ka imanaya meel aysan garanayn. Qaar kale waxay dareemeen dawakh, lallabbo iyo daal, iyo calaamado kale. Daraasad cilmiyeysan oo lagu sameeyay dadkii uu xanuunka ku saameysay Cuba, oo la daabacay 2018, ayaa lagu ogaaday in diblomaasiyiinta ay soo mareen qaab dhaawac maskaxeed. Sababta si rasmi ah looma ogaanin, laakiin cilmi -baarayaashu waxay sheegeen inay u badan tahay natiijada shucaaca microwave ee tooska ah. Daraasado kale ayaa soo jeediyay in ultrasound, sunta cayayaanka ama walxaha kale ee waxyeellada leh ay sabab u noqon karaan. Ilo wareedyo ayaa CNN iyo New York Times u sheegay in agaasimaha CIA William J. Burns uu ka carooday dhacdadii ugu dambeysay ee India. Qaar ka mid ah saraakiisha CIA-da ayaa rumeysan in dhacdadan ay geysatay awood ka soo horjeeda Mareykanka, iyagoo farriin u diray agaasimaha una sheegay inuusan jirin qof badqabkiisa la xaqiijin karo, CNN ayaa werisay. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka walaac ka muujiyay sida ay u suurtogal tahay in dembiilaha bartilmaameedaaday sarkaalka hore u ogaaday booqashada agaasimaha, oo ahayd sir si dhow loo ilaaliyo, warbaahinta ayaa intaas ku dartay. Bishii Juun, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyo sababaha xanuunka. Ilo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in guddi hawleed gaar ah oo uu hoggaaminayo sarkaal ka tirsan CIA -da oo mar hogaaminyay raadintii Osama Bin Laden ay baaritaan wadaan. Baaritaanka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sannadkan, balse waxaa laga yaabaa inuu muddo intaa ka dheer qaato, mana jirto qorshe dadweynaha loogu so bandhigayo natiijada xanuunkan, CNN ayaa sidaasi werisay. Source
  2. Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Saraakiisha Amniga Garoowe diyaaradaha Caalamig ah ee caasimadda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal. Saraakiisha ayaa sheegay in Faafinta wararkaas uu ka dambeeyo Wasiirka oo doonaya in uu kiciyo jaah-wareer bulsho islamarkaana dano siyaasadeed ka leh arrintaas. Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin. Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya lagu xannibay Garoowe? appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (Commentary) — Homogeneity has been the most striking description about the Somali polity. Armed Somali clans that carved up Somalia into clan fiefdoms are now taking one further step to validate the proposition that, since Somalis belong to one ethnicity, they cannot co-exist peacefully under a mono-ethnic state. They will have to merge with neighbouring countries not by force but voluntarily, the argument goes. PM Roble’s hasty decisions remind people of General Aidid who had a desire to replace Siad Barre as a new military leader. The point is to worry less about breaking up Somalia into two countries, but the Somali nation state disappearing into neighbouring countries. This might sound far-fetched but the behaviour of political elites gives clues as to the plausibility of the proposition. The clan identity protects politicians who committed treason by authorising and signing Memorandum of Understanding with Kenya over Somalia maritime territory. National interest is absent in the rudimentary, political system of Somalia. Take a look at the capital of Somalia, Mogadishu: it’s where, in 1991, leaders of the United Somali Congress turned the capital into militia strongholds and oversaw widespread looting and massacres. The capital city is still divided into militia strongholds paid in the name of security forces, a trend that the Union of Islamic Courts temporarily ended following the defeat of warlords funded by the United States under the banner of the Alliance for Counterterrorism fifteen years ago. History may be repeating itself. In 1991 General Aidid went to Radio Mogadishu to try to proclaim that he “is the President of Somalia”. Colonel Donyale challenged him, but the damage that precipitated the collapse of state was done. The takeover of Radio Mogadishu by PM Mohamed Hussein Roble, a distant relative of General Aidid’s, hints at where Somalia might heading — a second state collapse. The End of Somalia as a nation state might be nigh if United Somali Congress sentiments are still dominant among Mogadishu’s warlord-inspired political elites. Politicians who betrayed Somalia are seeking the highest office of the country. Does such a nation state deserve to remain a member of community of nations if a large part of its capital are still indirectly controlled by militias, if the Security Minister holds a portfolio illegally because his militias are within a stone’s throw away from Villa Somalia? Answers on a postcard, please. By Adan M. Dawad The post History Might Be Repeating Itself in Somalia appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka socdo wada-hadallo xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wada-hadallada ayaan weli laga gaarin natiijo rasmi ah, balse waxaa haatan socda kulamo iyo dadaallo ay wadaan guddiga ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in guddiga uu kalan gaar ah la yeeshay Farmaajo, isla-markaana ay kala hadleen xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya. Qodobada laga wada-hadlay ayaa waxaa ka mid ah:- In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga ah ee kiiska dacwadu hor yaallo, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa in marka hore Guddigi uu magacaabay uu shaqeeyo. NISA: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Gen. Bashiir si KMG ah u sii hayo xilka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, balse Farmaajo ayaa diiday wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda. Wasiirka Amniga: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, marka laga reebo, sidoo kale Farmaajo waxaa uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo Cabdullaahi Maxamed Nuur. Sidoo kale qodobadaan iyo waxyaabaha kale oo uu guddiga dhex-dhexaadinta kala soo kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa loo gudbin doonaan dhanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan cadeyn waxa ka imaan doono dhinaca Rooble. Si kastaba, arrintan ayaa muujineyso in weli labada dhinac ay kala joogaan meelo aad u kala fog, iyada oo xiisadooda ay saameysay geeddii socodkii doorashooyinka 2021-ka. The post Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada u socda Farmaajo iyo R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
  5. Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Daa’uud Shire Maxamed oo ka hadlay xaflada ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen kooxda Halgan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin horomarinta Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo guulaha uu gaaray. “Waan u mahadcelinaynaa maaamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Halgan , runtii waxay muujiyeen da’daal wanaagsan waxayna maanta ka mid yihiin kooxaha heerka ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu sheegay Mudane Daa’uud Shire Maxamed Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu soo dhaweeyay ganacstada iminka bilaaway dhiiirginta kooxaha Kubadcag yaraha, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulo weyn ay gaareyn madaxda Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya iyo kooxaha kala duwan ee kubacag yaraha dalka. “Waxaan ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta iyo dhiirigelinta kooxaha Minifootboolka u balanqaadayaa in aan waxqabadkooda tusin doono Caalamka, waxaana sidoo kale ka rabnaa in ay door wanaagsan ka qaataan guulaha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu xoghayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Da’uud Shire Maxamed u sheegay Ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta Minifootbolka dalka. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu amaanay da’daalka wanaagsan ay wadaan madaxda kooxaha kala duwan ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horomar. “Waan u hambalyaynaa is badalka wanaagsan ay wadaan mas’uuliyeenta naadiyada Kubadcag yaraha ,runtii waa wax lagu farxo waana sababta loo aas aasay kooxaha ay yihiin in la helo xidigo tayo wanaagsan oo matala Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed. Daawo Fariinta Uu Diray Xoghaye Daa’uud Shire Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan Shah Maxamuud Qureshi ayaa sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban isla markaana xiriir lala sameeyo xukunkooda cusub. Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka The Associated Press ee AP ayuu wasiirku ku sheegay in Pakistan macaal la yeelanayso maamulka curdunka ah ee Afghanistan ka jira. Pakistan ayaa caalamka u soo jeedisay in la sameeyo qorshe waddada u xaaraya in Taliban hesho aqoonsi diblomaasiyadeed haddii ay ka soo baxdo shuruudaha loo dhigay ama laga doonayo. Wasiirka oo ka qeybgalay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in dalkiisa uu cayaari doono door muhiim ah oo ku aadan xaaladda Afghanistan. Waxaa uu xusay in xukuumadda Afghanistan u baahan tahay dhiirigelin sida horumarinta dhaqaalaha, dib u dhiska iyo ka soo kabashada dagaaladii todobaanka sano ka socday dalkaas. PUNTLAND POST The post Pakistan oo xusul duub ugu jirta sidii caalamku u aqoonsan lahaa Taliban appeared first on Puntland Post.
  7. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal Ajaanib ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Raggaan oo muddo dheer ka barbar dagaalamayay Al-shabaab Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah. Eedeysanayaasha oo muddo dheer a socotay dhageysiga gal dacwadeedkooda ayaa waxaa la sheegay in ay Shabaab ku biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010. Inta ay socotay dhageysiga gal dacwadeedka ayaa lag soo bandhigay in eedeysanaha koowaad ee Dereyn in uu ka qeyb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in labada Eedeysane lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla, sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi. Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xbunaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya. Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya. The post XOG: Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada? appeared first on Caasimada Online.
  9. Ururka naafada somaliland ee (SSDHO) ayaa cabasho ka dhan ah wasaarada shaqo-galinta, arimaha bulshada iyo qoyska somaliland u gudbiyey gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada somaliland. Ururka naafada ayaa wasiirka shaqo-galinka ku eedeeyey in aanu ku darin ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ay dawladu dhaqaalaha (miisaaniyada) ku kabto. Gudoomiyaha gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada maxamed xuseen maydhane oo qaabilay madaxda ururka naafada ayaa u balanqaaday in ay wax ka qabanayaan cabashadooda sidoo kalena ay maalmaha soo socda u yeedhi doonaan wasiirka shaqo-galinta iyo arimaha bulshada Mustafe Godane si ay su,aalo uga waydiiyaan cabashada ururka naafada. Source
  10. Caasimadda Gobolka Sool waa Magaalada Laascaanood. Maamulka Soomaaliland wuxuu gacan ku haynta Magaalada la wareegay October/ 2007, saddex sanno ka dib xilligaas oo ahayd 2010 waxaa magaalada ka bilaabmay waxa la dhaho Madax jebis amase dilal qorshaysan oo loo gaysano Indheergaradka Magaalada. Ku dhawaad dad gaadhaya haddii aysan ka badnay 84 qof in ka badan ayaa lagu dilay gudaha Magaalada; caawa cidna looma hayo loomana soo qaban. Dadka degan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolada SSC dhex dooda waxaa ka dhici jirtay Aanooyin qabiil salka ku haya oo qofkii habeen madow wax dilla amase la dilo waa la ogaan jiray, iyakoo ay sheegayaa qoyska amase qabiilka dilkaas gaystay iyakoo ugu aaraya mid kale oo uga maqan jifidan kale ee ay wax ka dishay. Laakiin sidii ay Soomaaliland u timi saddex sanno ka dib Magaalada dhaqan ka duwan ayaa yimi oo ah; qof in badhtamaha suuqa lagu dilo haddana la odhanayo LAMA GARANAYO cida dishay. Dadka u badan ee Laascaanood lagu dilay waxay yihiin dhammaan indheergaradkii Gobolka, kuwo Maamulka meesha ka jira u shaqeeya, Ganacsatada, Suxufiyiin, Haldoorka Magaalada iyo qof kasta oo ka dhaqdhaqaaqaya Magaalada iyo dadka halkaas degan ba’. Dhamaan Magaalooyinka kale ee uu ka taliyo Maamulka Soomaaliland sida Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Boorama ba kama jirto wax la dhaho Madax duub dadka laaya oo aan la garanayn. Maxaa ku koobay oo keliya Magaalada Laascaanood ?. Anigu waxaan soo jeedinayaa qoddo badan soo socda, si xal waara loogu helo Magaalada Laascaanood. 1) Qofkasta oo lagu dilay Magaalada Laascaanood waxaa masuul ka ah Maamulka meesha ka jira, sababtoo ah haddii uusan jiri lahayn Maamul meesha jooga qofna inta layska dilo lama garan waayeen habeen iyo maalin ba. 2) Maamulka Soomaaliland ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood waxaa waajib ku ah in meel la saaro Indheergaradkii Gobolka ee la laayey, haddii aysan awoodin waa in ay masuuliyada Amni ku wareejiyaan dadka degan Magaalada iyakuna iskaga baxaan Caasimadda. 3) Ciidanka u badan ee Military ah, Boolis ah, Nabadsuggida ayaa jooga Laascaanood. Haddana in la garan waayo waxa dadka xasuuqaya maaha wax caqliga iyo garaadkuba yeelayo Jaalle-yaal. 4) Dadka Eebbe ku abuuray deegaanka waxaa waajib ku ah sida ay u sheegeen culimadu in ay iyaku Amnigood sugtaan, qofkasta uu dhegto sudho A47; maadaama aysan jirin Maamul u damqanaya oo amnigooda lagu aammini karo. Fg: Horta xaggee ayey ku danbaysay Gudidii uu soo dhisayey Garaadka Guud ee Gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ?!. W/Q: Muxammad Sugaal Baaruud Xoogsade. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kana Guddida arrimaha bulshada, ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa badan oo wanaagsan laga qabtay, sidoo kalena ay jiraan dayac iyo waxyaabo ka badan awoodda maamulka dhakhtarka Guud. Xildhibaanka oo ka hadlaya waxyaabihi ay ku soo arkeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Runtii wax badan oo aanan ogayn ayaa noo soo baxay oo kala duwan, Wax badan oo wanaagsan Ayuu dhakhtarku qabtaa runtii ,Wax badan oo Dayacana Way jiraan oo shaqadooda ka xun ama habka ay umaamulan awgii kutimid, iyo Wax Badan oo awooda Maamul ka baxsan.” Xildhibaan Khaliif waxa uu intaasi raaciyey “Sidaasi awgeed weli, waxaa noo socda Baadhistayadii, Dhawaana Masuuliyinta ay khuseyso ee Wasaarada Caafimadka ayaan u yeedhi doonaa, Waxaa jira Dhaqaale Badan oo soo gala Dhakhtarka isla Markaan ay si toos ah u maamusho, Wasaarada Caafimaadka isla markaan aan Qasnada Dawladda ku dhicin Xogteeda oo dhamaystirana, Waxan ka sheegi doonaa Golaha shacabka . Shacabkana waa loo soo bandhigi doonaa isha allah. Wax kasta oo la Xumeeyey ama la Dayacayna Waan usoo Bandhigi doonaa, Waliba Cidii Masuuliyadaas Lahaydna Waan sheegi Doonaa si loola xisaabtamo Si Ciqaabta ay Mudato loogu Abaal Mariyo. Source
  12. Golaha amniga ee dalka Algeria ayaa Arbacadii go’aamiyay in hawada dalkeeda laga xidho dhammaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa millatariga ee waddanka Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada Algeria, wax ka yar bil kadib markii ay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Morocco. Bayaan ay soo saartay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid “daandaansiga sii socda iyo dhaqamada cadaawadda leh ee dhinaca Morocco”. Xidhitaanka hawada Algeria ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya diyaarad kasta oo sidata numberka diiwaangelinta Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas, kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in ayna jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca Morocco, waxaana Ilo ka tirsan diyaaradda Royal Air Maroc ay sheegeen in xidhitaanka hawada u saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar. Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xidhitaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka. Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xidhitaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka. Algeria ayaa dabayaaqadii bishii hore waxay go’aansatay inay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Morocco, iyadoo ku tilmaamtay “falal cadaawad leh” oo uga imaanayay Boqortooyadan, waxaana Algeria tixraacaysay hadalladii uu ergayga Morocco ee New York ka sheegay inay doorbidayaan madax-bannaanida gobolka Kabylie ee Algeria. Source
  13. Muqdisho (Caasimad Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday laba nin oo ajaaniib ah, isla-markaana muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Labada nin ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah. Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay kooxda Al-Shabaab ku soo biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii, si ay xoog iyo xeelad-ba ugu biiriyaan Shabaab. Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka. Darren Anthony ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu qeyb ka ahaa weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska, isaga oo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay aheyd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysa. Ninkan ayaa sidoo kale hay’adaha amniga u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika. Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo ahaa ninka labaad ee la xukumay, una dhashay wadanka Malaysia ayaa dhankiisa Al-Shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg-dega ah, wuxuu isna ka qayb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxkamadeynta raggan ayaa heerar kala duwan soo martay, iyada oo 18-kii bishii April ee 2019-kii ay u gacan galeen Puntland, kadibna loo soo wareejiyey dowladda dhexe. Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada sida ayaa Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ku kala xukuntay mid-kiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, wuxuuna xusay inay heystaan fursad ay ku dalban karaan rafcaan. The post Maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku riday ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Yemen)-Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq laba sanno ka hor loo geystay arday reer Yemen ah. Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday “saddexda eedeysane” iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen. Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii salaasada. Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xidhiidha ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA. Source
  15. Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay tuulada Ambareeso, gaar ahaan xero ay halkaasi ku leeyihiin maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleyda oo la dagaalama Al-Shabaab. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa 7 ka mid ah maleeshiyaadka ku sugnaa halkaas, sida uu shaaciyey Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xeradaasi. Sidoo kale Aadan Cumar oo ah guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe ayaa ku eedeeyey qaraxan inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay ka qeyb-qaataan howl-gallada ka socda gobolka, si loo xoojiyo nabad-gelyada guud ee deegaanka. Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay mid kale oo khasaare geystay uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan Shabeelaha Hoose, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay la beegsato ciidamada ka howl-gala gobolkaasi. The post Warar ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka Baraawe + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  16. SOMALILAND REMINDS THE INTERNATIONAL COMMUNITY THAT IS NOT PART OF SOMALIA The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Somaliland issued a statement to remind the international community that it is not part of the selections being held in Somalia which the Federal Government of Somalia claims includes Somaliland. Below is the Press Release as translated by Somaliland Chronicle. Somaliland reminds the international community that it is an independent and sovereign country that has nothing to do with the elections of the dysfunctional regime of Somalia. In a statement issued today and addressed to the UN, the AU, the EU, and the international community as a whole, Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation said that since it regained its sovereignty in 1991 Somaliland is an independent and democratic country in which the people elect their representatives in the executive and legislative branches of the government and the local councils through countrywide one-person-one-vote elections. “Therefore, Somaliland warns the Somalia regime and its politicians against their false and fantasy claims aimed at misleading the international community.” “Somaliland, which is one of the leading democratic countries in Africa will not accept its name to be included in any way in the elections in Somalia.”. Somalilandchronicle Qaran News
  17. Rep. Ilhan Omar said Wednesday that Congress must not approve arms sales to nations accused of human rights violations, one day after she and other far-left House lawmakers forced the removal of $1 billion meant for Israel’s Iron Dome air defense system from a massive government funding bill. Source: Hiiraan Online
  18. Mohamed Mohamud Farah had seen a lot of violence in his 31 years, Judge Leonardo Castro said Wednesday at Farah's sentencing hearing. Source: Hiiraan Online
  19. KUALA LUMPUR (Bernama): A Malaysian man known as Ahmad Mustakim Abdul Hamid, who is currently under detention for allegedly entering Somalia to engage in the activities of the Al-Shabaab terrorist group, is receiving a fair trial, says Somalia’s embassy in Malaysia. Source: Hiiraan Online
  20. Guriceel (Caasimada Online) – Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, maalmo kadib markii madaxda kooxdaas ay dib ugu soo laabteen gobolka. Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud. Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabileen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maamulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuusamareeb. General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu-Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isagoona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galmudug. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu-Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka. Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu-Sunna ee gobolka ayaa Talaadadii waxay Saraakiisheeda Ciidamada meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulmeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Balihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Galmudug. Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka. Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu-Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga dareemay deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamareeb. Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galgaduud ugu weyn ee Ugaas Nuur. Ahlu-Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, waana taas midda keentay in ay Shabaabku ka caagaan dhulkii ay Ahlu-Sunna ka arrimineysay, muddadii laba iyo tobanka sano ahayd. The post Xog: Ahlu Sunna oo muddo kadib dhaq-dhaqaaq ciidan ka billowday gobollada dhexe appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu – Coinciding with the International Day of Peace, a group of Somali students today graduated with master’s degrees in subjects with special relevance to peacebuilding in Somalia – and were encouraged to channel their learning towards the betterment of their country. Source: Hiiraan Online
  22. Fareedah Oyolola, a Nigerian high school student, has been named one of the world’s brightest pupils by The Johns Hopkins Center for Talented Youth. Source: Hiiraan Online
  23. Pastoralists on the outskirts of Adado in central Somalia say plastic waste from the town is being dumped on their grazing land and causing harm to their livestock. Source: Hiiraan Online
  24. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka. Rooble ayaa golaha wadatashiga qaranka kala hadlay xaaladihi u dambeyay ee doorashooyinka dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale madaxda kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa doorashooyinka Golaha Shacabka. Dhanka kale kulankan ayaa waxaa warbixin looga dhageeystay guddiga doorashooyinka heer federaal. Guddiga ayaana shirka ku soo bandhigay waxyaabihii uga hirgalay qorshahooda doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com