Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – 60-sano Jir lagu magacaabo Powell oo u dhashay dalka Congo, kana tirsan Shaqaalaha Shirkadda UBC Coca Cola ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay Diinta Islaamka, kadib dhowr sano oo uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya. Xaflad loogu dhigay magaalada Muqdisho ayuu Powell ku sheegay inuu qaatay Diinteenna suuban ee Islaamka, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid ku qasabtay qaadashada Diinta Islaamka oo isagu uu go’aankaas gaaray. “Waxaan maanta ku dhawaaqayaa anigoo magaceyga cusub uu yahay Jabriil, inaan muslim ahay oo qofna uusan igu qasbin inaan Muslimo, waa go’aan aan kaligey soo gaaray, waxaan idinka codsanayaa inaad igu caawisaan inaan Diinta sii barto, si aan markaan dalkeyga ku laabto Diinta Islaamka u sii faafiyo,” ayuu yiri Jabriil. “Waxaan aaminsanahay inuu Alle iisoo diray Soomaaliya, si aan u muslimo, xoogaa ayaan hadda Diinta ka fahamsanahay,” ayuu sii raaciyey. Jabriil ayaa Xafladdaan oo lagu qabtay Xarunta UBC Coca Cola ka sheegay in qoyskiisa uu kaliya muslim ka yahay Ibraahim jabriil oo ah wiilka ilmihiisa ugu weyn. Jabriil oo u dhashay dalka Kongo ayaa xafladaas ka sheegay in Diinta Islaamka ay bartay qadarin iyo in dadka loo mahad-celiyo. “Waxay Diinta Islaamka ii horseeday isbadal, qalbiga ayey ii dajisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbadal, horay uma aheyn qof muslim ah, inkastoo uu wiilkeyga ahaa Muslim, sidaas ayaan kusoo barbaaray, waxaan qadarinayaa qof walba oo Muslim ah,” ayuu yiri Jabriil. Maamulaha guud ee Shirkadda UBC Coca Cola Cawil Tooxow Kheyre oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Jabriil uu shaqada shirkadda kusoo biiray sanadki 2014-kii xilligaas oo uu heystay Diinta Karishtaanka ah, balse hadda isagoo weli ka tirsan isla shirkadda uu go’aansaday inuu Islaamo. Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka qeybgashay xafladda ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid mudan in lasoo dhaweeyo, waxayna u rajeeyeen Jabriil inuu dhinto isagoo heysta Diinta Islaamka. Hoos ka daawo warbixin The post Daawo: 60 jir u dhashay Congo oo shaqo u jooga Muqdisho oo maanta Islaamay appeared first on Caasimada Online.
  2. Garowe (HOL) - A meeting between Somalia's Federal Member States leaders in Garowe was postponed on Monday. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed, kaas oo loogu magac daray samata bixinta qaranka iyo taageerada Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya madaxweynaha waqtiga dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble. Xaad ayaa ugu horreyn sheegay in aysan dalka ka dhici karin doorasho kahor inta aan la iska qaban Farmaajo, wuxuuna yiri “Madaxweynaha mudo xilkeedkiisa dhammaaday ee Farmaajo waa in aan iska qabanaa, sababtoo ah diyaar uma ah in dalka ay ka dhacdo doorasho.” Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ka fiican in taageero loo muujiyo Ra’isul wasaare Rooble iyo in la badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed oo wajahaya khilaaf iyo dib u dhac doorasho. “Sidaad ogtihiin waxaa lagu jiraa xilli kala guur, dalkana wuxuu ku jiraa doorasho, waxaana jiro caqabado badan oo hor taagan doorashada, in maanta Qaranka la samata bixiyo waa arrin muhiim ah oo dalka iyo dadkaba faa’ido u ah, waa inaad iska difaacdaan cidda dooneysa in qaranka ay dumiso,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo xusay inay waligood taageeri jireen uuna mudan yahay in la dhiira geliyo, isla markaasna si wanaagsan loola shaqeeyo. “Waan taageereynaa Ra’isul wasaaraha, waligeyna waan taageeri jirnay, waxaana ku taageereynaa geedi socodka doorashada, iyo go’aanadii uu dhawaan qaatay, kuwaas oo aan u aragno inay yihiin badbaado qaran,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa sheegay in dalka iyo dadkaba ay kasoo daaleen khilaaf iyo dhibaatooyin, isagoo xusay in hadda uu dalka gacanta ugu jiro qolo ay fowdadu ku cusub tahay oo aan daalaneyn, sida uu sheegay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’isul wasaare Rooble inuu heysto taageerada Shacabka Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, wuxuuna xusay inuu ku taagan yahay wadada saxda ah. “Waxaa nala gudboon inaan hal dhinac uga soo wada jeesano kuwa doonaya in dalka fowdo kale la geliyo, qofka fiican ee ku taagan wadada saxda ahna waa inaan taageerno, qofkii wax naga qaldayana waa inaan gacanta ka qabano oo yac dhahno, Ra’isul wasaare Rooble wadada saxda ayuu ku taagan yahay, shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayaana taageersan,” ayuu Nabadoon Xaad hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in awoodda ugu badan ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan siyaasiyiinta boorsada la yimid ee berrina diyaaradda ka raacaya haddii uu dalka burburo. “Shacabka waa awoodda ugu weyn ee ummad yeelato, awoodda oday dhaqameedka maahan siyaasiyiinta, ee waa shacabka, waxa laga rabo awoodda ugu weyn waxay ka halaabayaan waa Shacabka, maxaa yeelay nin boorso la yimid oo haddii ay wax ka halaabaan siduu rabo yeeli kara oo diyaarad raaci kara iyo anaga isku baahi ma nihin, wixii aan na anfaceyn awood aan ku diidno ayaan leenahay, balse waa inaan ognahay oo naqaan awoodeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nabadoon Maxamed Xasan Xaad. Hoos ka Daawo The post Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Farmaajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey ayaa soo bandhig xog ku saabsan arrimo uu sheegay inay dhex-mareen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble oo salka ku haya dhaqaale, lana xiriira dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta. Xundubey ayaa xogtan kusoo qoray bartiisa facebook, oo tan iyo markii xilka laga qaaday uu ku weerarayey Rooble. Caasimada Online ma xaqiijin karto sax ahaanshaha xogta uu Xundubey faafiyey. Hoos ka aqriso. Masar Kadib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la’aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la’aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine! Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go’aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin! Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto! Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay! Imaaraadka Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray. Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado. Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay. Hayeeshee, Rooble wuxa uu mar kale go’aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu DHABAR-JEBIN igu sameeyo. Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go’aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday! Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo! Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan! Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga – waa Rooblee – ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay! Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago! Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas. Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo! The post Xundubey oo soo bandhigay xogtii uu ka hayey Rooble appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa dib ula soo wareegtay mas’uuliyadda hay’adda falanqeynta sugnaanta cuntada iyo nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM). Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada (FAO) ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto maamulka hay’adaha FSNAU iyo SWALIM. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalka muddo dheer kadib maamulka labadan hay’adood dib ugu soo laabtay Dawladda Federaalka Soomaaliya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu qoraal ka soo baxay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dib ula soo wareegtay hay’adaha FSNAU iyo SWALIM appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmihii u dambeeyay uga socday magaalada Muqdisho Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu taageeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, looguna digay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo. War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay in awoodaha Ra’iisul Wasaare Rooble loo igmaday ay tahay arrimaha doorashooyinka iyo amniga, taasina lagu tixgeliyo. “Shirweynaha wuxuu adkeynayaa in laga fogaado wax walba oo dhabar jabin kara habsami u socodka shaqada qaranka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka. “Maamul goboleedyada qeybta ka ah dowlad federaalka inay dhowraan shuruucda dalka, kana fogaadan wax walba oo dib u dhac ku yimaada kara doorashada dalka. Wuxuuna shirweynaha kula talinaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu ilaaliyo sharciga.” Sidoo kale waxa qeyb kamid ah war-murtiyeedka lagu sheegay in loo diyaar garoobo in la dhowro dimuquraadiyada iyo dowladnimada haddii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhago adeego baaqyada uga imaanaya beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. “Shirweynuhu waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uga digayaa inuu joojiyo is hortaaga uu ku hayo kiiska cadaalad u helida sarkaalada Ikraan Tahliil Faarax, kana waantoobo hab-dhaqanka aan shacniga ku dhisneyn ee ku difaacayo eedeysanayaal loo haysto dil, barakac iyo is-hortaaga doorasho xor iyo xalaal ah.” Ugu dambeyntiina waxay bulshada ugu baaqeen inay iskugu soo baxaan mudaharaad lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo looga soo horjeedo tallaabooyinka jar iska tuurka ah ee Farmaajo. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii odayaasha dhaqanka ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale la kulmay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed. Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dadajinta kuraasta Gobollada Waqooyi (Somaliland), xilli ay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi soo saareen Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka uu Rooble la qaatay labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu u ballan-qaaday labada dhinac in doorashadaas ku dhici doonto si hufan oo caddaalad ah. “Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.” “Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.” Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed oo asagu door weyn ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi Si kastaba, waa markii labaad ee Ra’iisul Wasaaraha ka dalbo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay soo gudbinayaa liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ka dhacay xafiiska R/Wasaare Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  8. The Somaliland government has lifted its suspension of Emirati low-cost carrier flydubai (FZ, Dubai Int’l) following a bilateral agreement between their respective civil aviation authorities. This was disclosed at a news conference recently by Somaliland Civil Aviation and Airports Authority (SCAAA) director Omar-Sayid Qalombi, reported the Som Tribune newspaper. As previously reported, the Emirati low-cost carriers flydubai and Air Arabia (G9, Sharjah), in November 2020, found their route licenses to Hargeisa, the capital of Somaliland (an unrecognised self-proclaimed territory in northern Somalia), withdrawn. This came after they had adhered to a Somali government ban on international flights imposed due to COVID-19. The Somaliland government demanded an apology from the two carriers and that they should come to an agreement with its own regulator, which appears to have now ensued. Omar-Sayid Qalombi said the ban had been based on a decision by the Somaliland Ministerial Council dated October 17, 2020, that foreign state-owned carriers must have a license from the SCAAA based on a business entry agreement between both states. Such an agreement had been finalised, and state-owned flydubai could now resume flights to Hargeisa as soon as it was ready to do so, he said. He said privately-owned airlines and charter companies could apply for licenses on the strength of their own merit, prevailing conditions, and market demand and did not require an agreement between states. Publicly-listed Air Arabia was expected to benefit from this new development. “Once the airlines conform to requisite provisos, there is little else needed,” the director said. Ethiopian Airlines (ET, Addis Ababa) had reportedly exploited the absence of the Emirati carriers by hiking its fares on the Hargeisa route, highlighting the need for more competition in the market. The Ethiopian state carrier serves Hargeisa daily and sometimes twice daily from Addis Ababa with a B737-800, the ch-aviation schedules module reveals. Ch-aviation Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa mar kale ka hadashay kiiska gabadheeda la la’ayahay ayada oo farriin u dirtay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaali Maxamed Guhaad oo maanta oo Isniin ah ka qeyb gashay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu kasoo saaro meesha uu ku ogyahay gabadeeda. Hooyo Qaali ayaa Farmaajo ugu baaqday inuusan siyaasadeyn kiiska Gabadheeda Ikraan, waxayna ku eedeysay inuu hor taagan yahay in cadaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyey afduubka iyo dilka loo maleenayo in loo geystay Ikraan. “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadheyda maanta hadaad hayso berri ma haysaneysid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su’aalayaa adiga oo taagyar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tahay,” ayay hadalkeeda kusii dartey hooyo Qaali. Hooyo Qaali ayaa hey’adaha cadaaladda ugu baaqday inay sii dhaqaajiyaan gal-dacwadeedka loo gudbiyey isla markaasna ay ka shaqeeyaan sidii si deg deg ah loogu heli lahaa jawaab ku dhisan cadaalad. Ku dhowaad saddex bilood ayay maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka haysay jago ah madaxa ammaanka internet-ka. Hadalka hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadayo xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka ka dhashay kiiskaan oo u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isuwlasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeysanayo in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda halka madaxweyne Farmaajo uu difaacayo saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo kamid ah eedeysanayaasha kiiska Ikraan. The post Video: Hooyada Ikraan Tahliil oo WAR cusub soo saartay appeared first on Caasimada Online.
  10. F.C.Waraabe oo Masuul sare Xilkii ka qaaday Qaran News
  11. Ciyaartooyda u dhashay Jabuuti ee iska dhiibay Faransiiska Bilaal Xasan, Abuubakar Cilmi iyo Nasrudin Abtidoon Saddex ciyaartooy oo ka tirsan xulka qaranka ee Jabuuti ayaa magangelyo ka codsaday dalka Faransiiska halkaas oo muddo toddobaad ah ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee Paris. Mid kamid ah ciyaartooydan ayaa loo ogolaaday in uu ka baxo garoonka, Nasrudin Cabdi Abtidoon ayaa ka baxay garoonka Orly ee Paris kadib markii uu ku guuldareystay in uu raaco diyaarad ku wajahneyd Morocco halkaas oo ay kula ballansanaayeen xulka qaranka Niger xilli ay socotay ciyaaraha isreeb reebka Koobka Adduunka. Horraantii bishan ayay aheyd markii xulka qaranka Algeria ay 8-0 kaga badiyeen Djibouti. Ciyaartooyda xulka qaranka Jabuuti ayaa sii maray Faransiiska si ay u gaaraan Morocco maadama Algeria ay xiriirka diblumaasiyeed u jartay dalalka ku yaalla waqooyiga Afrika, waxaana adkeyd in loo safro Morocco. Niger waxay ka badisay Jabuuti, waxaana Jabuuti xilliggaas guri u ahaa Morocco maadamada xiriirka kubadda cagta adduunka uu sheegay in Jabuuti aysan laheyn garoon u qalabeysan ciyaar caalami ah. Dhawaan ciyaartooyda kala ah Bilal Xasan iyo Abuubakar Cilmi ayay dowladda Faransiiska ku amartay inay isaga baxaan garoonka. Waxaana saddex ciyaartooy la siiyay muddo saacado ah si ay u gudbiyaan codsigooda si loogu ogolaado in muddo saddex bilood ah ay sii joogaan halkaas oo ay kiiskooda u gudbistaan. Hay’ad u doodo arrimaha xuququul insaanka oo caawineysay ciyaartooyda ayaa ka cabsi qabtaa in ciyaartooyda kala ah Bilaal Xasan iyo Abuubakar Cilmi oo u shaqeeya dowladda Jabuuti in la xiro isla markaana loo diido in magangelyo ay ka helaan dowladda Faransiiska loona tarxiilo Jabuuti. Abuubakar wuxuu ka tirsan yahay booliska Jabuuti halka sababta Bilaal Xasan uu u magangelyada uga raadsaday Faransiiska ay tahay in lagu khasbay in fuliyo amarro xilliggii uu ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Jabuuti. Garoonka diyaaradaha Orly Airport ee ku yaalla Paris “Waxaa dhibaato u geysan doontaa dowladda, Xasan waxaa lagu khasbay arrin uu diidaana sida in uu soo xiro xubno ka tirsan qoyskiisa, marka waxay yiraahdeen masii wadi karno xiritaanka dadkeena” waxaa sidaas yiri Jean-Loup Schaal, oo ah madaxa ururka xuquuqda aadanaha Jabuuti ee ARDHD. Jean-Loup Schaal wuxuu intaa ku daray in kadib guuldarradii ay ciyaartooyda Jabuuti kala kulmeen Algeria in ciyaartooyda ay cabsi ka muujiyeen sida ay noqon doonto xaaladdooda marka ay dib ugu laabtaan Jabuuti. BBC waxay isku dayday in arrintan ay wax ka weydiso xiriirka kubadda cagta Jabuuti balse uma suurogelin. Jabuuti ayaa kaalinta 182 kaga jirtaa shaxda xiriirka kubadda cagta ee adduunka. Qaran News
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta markale dib u dhacday doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare, waxaana farriimo loo kala diray xildhibaan baarlamaanka Hirshabelle oo loogu sheegayo inaysa doorasho jirin. Xildhibaan Maxamed Xuseen Bulle oo la hadlay idaacada KNN ayaa sheegay in arrimo farsamo ay u baaqatay doorashada maanta, islamarkaana la filan karo in caawa farriimo loo kala diro xildhibaanada si loo qabto doorashada. “Cilado farsamo awgood ayey dib ugu dhacday, waxaan sugeynaa ilaa caawa, markaa anaga waxaa dhowrnaynaa in sidii kuwii hore loo doortay ay dhici doonto oo la dooran doono,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in khilaaf adag oo ka taagan kuraastaas ay u baaqatay doorashada, isagoona ku dooday in doorashada Hirshabelle ay aheyd middii ugu daah furneyd ee doorashooyinkii ka dhacay maamulada dalka. “Waxaa isleenahay arrimahaas waa iska baranbagooda, doorashada Hirshabelle waa doorasho daah-furan oo cid-walba oo wax kasoo doonatay lagu qanciyay, waxaa rajeynaynaa in labada kursi la dooran doono.” Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli uu guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle uu wado in uu tallaabo ka qaado xildhibaano ku buuqay doorashadii habeen hore qabsoomi laheyd. Xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood, ayaa waxaa lagu qaadaya waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka. “Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh Isxaaq, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle. Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in kuraasta dhiman la dhameystiri doono saacadaha soo socda, haddii uusan dib u dhac kale ku imaan. The post Doorashadii Aqalka Sare ee HirShabeelle oo maanta baaqatay xilli ay xiisad jirto appeared first on Caasimada Online.
  13. MOGADISHU (HOL) - The International Court of Justice will deliver its ruling on the maritime case between Somalia and Kenya next month, Somali Deputy Prime Minister Mahdi Guled has said. Source: Hiiraan Online
  14. Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo ICJ, ayaa shaacisay waqtiga ay ku dhawaaqeyso kiiska dacwadda muran badeedka dalkeenna kala dhaxeeyo Kenya. ICJ ayaa sheegtay in bartamaha bisha soo socota ay shaacin doonto go’aanka maxkamadda ee Muranka labada dhinac. Bilawgii sanadkaan ICJ ayaa dhageysatay garta dacwadda oo ay Soomaaliya cadeymo muujinaya lahaan shiyaha biyaha ay ku soo bandhigtay halka Kenya ay diiday kasoo qeyb galka garmaqalka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hogaaminayey mas’uuliyiinta Soomaaliya ku mataleeysa dacwadda ayaa qoraal uu soo dhigay ku shaaciyay in 12-ka October ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto go’anka. “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 202,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 12-ka bisha soo socota ee October 2021 ay si rasmiya go’aan uga gaari doonto kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa isna sheegay in uu umadda Soomaaliyeed la wadaagayo warka ku saabsan in 12-ka October ay maxkamadda ICJ shaacin doonto xukunka dacwaddaas. “Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed. Dacwadda muranka badda Soomaaliya iyo Kenya oo heerar kala duwan soo martay ayaa lagu wadaa in maxkamaddu go’aan kama dambays ah ka gaarto. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ICJ oo go’aan kama dambaysa ah ka gaaraysa dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukunka dacwada muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si rasmi ah Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ugu dhawaaqi doontaa 12-ka October ee 2021-ka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn. Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac. The post Goorta la xukminayo kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  17. Jeneraalka “fashiliyay” weerarkii nukliyeerka Trump uu ku qaadi lahaa Shiinaha Janaraal Mark Milley Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa iska difaacay weerar afka ah oo lagu qaaday ka dib markii buug u qoray lagu sheegay in wicitaan qarsoodi ah oo dhexmaray isaga iyo sarkaal ka soo jeeda Shiinaha arrintaas oo uu walaac ka muujiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Wicitaanka dhexmaray labadan sarkaal bilihii October iyo January ayaa looga gol-lahaa in cabsida looga saaro militariga Shiinaha, sida uu Arbacadii sheegay Janaraal Milley. Trump wuxuu sheegay in eedeymaha ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana wuxuu saraakiisha Jamhuuriga ugu baaqay in janaraalka ay shaqada ka ceyriyaan. Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in kalsooni uu ku qabay janaraal Milley. Afhayeen u hadlay Janaraal Milley ayaa sheegay in “wadahadallada telefoon ee uu la yeeshay Shiinaha ay ka mid ahaayeen in uu xaqiijiyo shaqadiisa iyo mas’uuliyadiisa ee dib u xaqiijinta ah si uu u xoojiyo istaraatiijiyadda amniga” Janaraalkan wuxuu wacay Sarkaal lagu magacaabo Li Zuocheng oo Shiinaha u dhashay, waxaana Talaadadii la soo saaray qeyb ka mid ah waxa dhexmaray ka dib buug la qoray arrintaas oo ay soo bandhigeen weriyeyaal qaabilsan warbixinada dabagalka oo ka tirsan Washington Post. Waxay arrintani dhacday kadib doorashadii Mareykanka xilliggii uu Trump diidanaa in uu aqbalo natiijada. Waxaan ninkaas lagu eedeeyay in janaraalka Shiinaha uu u sheegay in xaaladda ay degan tahay, wuxuuna u xaqiijiyay in Mareykanka uusan wax weerar ah ku soo qaadeynin. Haddii tallabadaas ay qaadi lahaayeen, “Shiinaha wuxuu marka hore jeedin lahaa digniino,” ayaa lagu yiri qeybo kamid ah buugga. Sida ku xusan buugga, janaraal Milley ayaa shaqaalahiisa u sheegay in haddii Trump uu amar ku bixiyo in gantaal nukliyeer lagu weeraro Shiinaha, in marka hore uu isaga xaqiijin doono arrintaas weerarka. Trump wuxuu ku eedeeyay janaraal Milley in uu galay ‘khiyaamo qaran’ iyo in uu jeediyay hadallo been ah. Buugga oo lagu magacaabo “Peril”, waxaa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay dibadbaxyadii 6-dii January, in Janaraal Milley, oo ahaa Madaxa Shaqaalaha Isku-dhafka ah, “inuu si dhab ah u hubay in Trump ay la soo deristay xaalad maskaxeed oo aad u xun oo ka soo gaartay doorqashadii looga guuleystay”. Sida buugga ku xusan Milley wuxuu walwal ka qabay in Trump “uu noqdo damiir la’aan”, sida ay qoraayaasha sheegeen. “Weligaa ma ogaan kartid waxa ay tahay arrintan madaxweynaha kicinaya,” ayuu yiri Milley oo la hadlayay Shaqaalaha sare, waa sida lagu sheegay buuggaas. Janaraal Milley wuxuu qabtay kulan aan caadi ah oo si sir ah uga dhacay xafiiskiisa Pentagon, bishii january 8, si dib u eegis loogu sameeyo hannaanka tallaabada militari, sida qaadidda weerar nukliyeer. Isagoo la hadlayay saraakiisha militariga ee madaxda ka ah Xarunta Amarada Qaran ee qolka dagaalka Pentagon-ka, Milley wuxuu faray in aysan qofna amar ka qaadan karin, isaga la’aantiisa. “Waxkasta oo la idiin sheego, waxaad raaceysaan hannaanka. Anigana qeyb ayaan ka ahay hannaankas,” ayuu Milley u sheegay saraakiisha, sida buuga lagu sheegay. “Ka dib qolka oo dhan ayuu dhexmaray, wuxuuna isagoo eegaya waydiiyay dhammaantood in ay si hadal ah u xaqiijiyaan in ay fahmeen hadalkiisa”. Marco Rubio oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Biden in uu shaqada ka ceyriyo Janaraalka. Arbacadii, xoghayaha Aqalka Sare waxay sheegtay: “Madaxweynaha wuxu kalsoonida buuxda ku qabaa hoggaanka iyo daljaceylka uu muujiyay janaraalka”. Waxay intaa ku dartay in madaxweyne Biden uu sidoo kale kalsooni buuxda ku qabo janaraal Milley, si uu shaqadiisa usii wato. Qaran News
  18. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactir lagu sameynayo Buundooyinka wadada u dhexaysa Garoowe iyo Sin-u-jiif. Qeybta dayactirka lagu sameynayo Wadadan waxaa ku jira 56 Buundo oo isugu jira kuwo yaryar iyo waaweyn. Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkada dhismaha fulinaysa. Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa booqasho ku tegay magaalada Sin-u-jiif halkaasi oo uu inta uu joogay uu wakhti kula qaatay bulshada magaalada. PUNTLAND POST The post SINUJIIF: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay dayac-tirka 56 buundo appeared first on Puntland Post.
  19. As Somalia endeavors to recover, reconstruct, and redevelop after decades of conflict and civil war, it faces an unprecedented need for better data and statistics. Sharmarke Farah, Director-General of the Somalia National Bureau of Statistics, speaks in Mogadishu at the launch of the 2019 Labour Force Survey in Somalia. Photo by Somalia National Bureau of Statistics, used with permission. After a year and a half of the global COVID-19 pandemic, it’s nearly impossible to overstate the importance and unprecedented need and demand for data. These introductory words from the Data Manifesto of the Royal Statistical Society put it aptly: “What steam was to the 19th century, and oil has been to the 20th, data is to the 21st. It’s the driver of prosperity, the revolutionary resource that is transforming the nature of social and economic activity, the capability that differentiates successful from unsuccessful societies.” As Somalia endeavors to recover, reconstruct, and redevelop after decades of conflict and civil war, public expectations abound—not least for the creation of a better future for the citizens of Somalia through improved service delivery in education, health, housing, food, water, employment, and security. To meet these expectations, the government designed a National Development Plan 2020-2024 (the 9th National Plan since 1960), intended as an instrument to deliver much-needed socio-economic transformation for the Somali people. But for the team working on the development of the plan, one of the most frustrating aspects of the process was the dearth of data available to policy makers for baseline and planning. More infuriating was the paradox that, while data is often over-collected and fiercely competed for in Somalia, getting access to and coordinating efforts on producing transparent data remains elusive. Clearly, something is amiss. The extent of this data plight is detailed in a recent independent study, “The political economy of aid data procurement and analysis in Somalia” by Hagmann et al., as well as a policy brief based on the analysis, Who owns data in Somalia? Ending the country’s privatized knowledge economy, by Wasuge et al. The study by Hagmann et al. reveals a broken system that is out of control. Scores of donor and aid agencies operating in Somalia lacked and needed data for planning (baseline and evaluations) and accountability (third-party monitoring) purposes. But, as with most initiatives that were prompted by an urgent need and started off with the best of intentions, in the absence of regulation, they morphed into uncontrolled practices that undermined the very purposes they were meant to serve to the public. In the case of data collection in Somalia, the study describes the nature of the cut-throat “aid data business” and identifies number of thorny issues, including “continuous replication and duplication of aid data” leading to exacerbating “fatigue and complaints” among respondents. Privacy concerns also abound around the extensive collection and storage of sensitive personal data, including pictures, phone numbers, and fingerprints. But even more troubling are the distorted power dynamics that emerge, putting Somalis in the bottom of the heap and leaving them with “no decision-making power or ownership” over data. According to the study, aid agencies treat “information as power,” “jealously guard aid information,” and “keep tight control of their data.” This contrasts with the mandate of official statistics to treat datasets as public goods, as they satisfy the properties of non-rivalry and non-excludability (goods are available to all citizens). Moreover, accessibility issues were found to create information asymmetry, where selected donors, aid agencies and private firms know more than the government they are supposed to support, and which is ultimately responsible for acting to improve the situation of its citizens. The study’s conclusions are reinforced by research AidData has conducted into how leaders use data and statistics and how national statistical offices (NSOs) and donors can increase data use. In AidData’s report on Decoding Data Use, a survey of 3,000 leaders in developing countries found that these leaders used national statistics data most frequently and considered it to be the most helpful source of development data. Yet the growing demand for official statistics has not been met with a corresponding increase in the capacity of countries to deliver them—but there are paths forward to close the capacity gap, as outlined in AidData’s Counting on Statistics report. This is the situation in Somalia; despite the large outpouring of resources put into collecting data, Somalia ranks last or near last in Africa in terms of reliable statistical indicators and data products. Collected data often does not make it into official statistics, because the National Statistics Agency is not involved. The study by Hagmann et al. makes sensible recommendations to improve the situation. It’s important to note from the outset that the current situation arose due to government failure and decades of international aid institutions doing their best to fill a much-needed vacuum. For the government to fully reassume its role and regulate the sector is a challenge that will take time. That said, what is the government agency charged with country’s data doing to address these enormous issues? Since the inception of the newly independent Somali National Bureau of Statistics (SNBS) via an amended law in 2020, the SNBS has designed and operationalized a National Strategy for the Development of Statistics (NSDS, based on the Paris 21 guidelines). This NSDS is a holistic framework for addressing data limitations, mobilizing and prioritizing the use of resources, and finally integrating statistics within national policy, planning, and budget processes. The SNBS has also set for itself the ambition of becoming a centre of excellence in Africa within the next 5-10 years and a model for fragile states, through a commitment to transparency, accountability, and leveraging leapfrog advances in technology. However, a necessary catalyst to achieve these objectives will be the cooperation of international partners, humanitarian and development data producers, and data users. In line with the amended statistics act, international partners working in Somalia on data collection must be transparent and accountable to the Somali government. Importantly, the law is strengthened by the international guiding principle for accountability, transparency, and cooperation, the Aid Effectiveness Declarations, which in successive venues (Paris, Accra, and lastly Busan) over the past two decades have underscored the virtues and importance of government ownership and agency, particularly in fragile contexts. While challenges in Somalia’s data sector remain, the SNBS, on behalf of the government, has marked a milestone of progress recently by signing an agreement with the Food and Agricultural Organization (FAO) on the transfer of the Food Security and Nutrition Analysis Unit and the Somalia Water and Land Information Management to SNBS management. Under the amended Statistics Act and with guidance from its independent board, the SNBS will, in the coming weeks and months, bring more coordination reforms and regulations to improve the situation of statistics and data collection within Somalia. Sharmarke Farah is the Director-General of the Somalia National Bureau of Statistics and the former Principal Economic Advisor to the Prime Minister of Somalia. Source: aiddata.org The post Statistics development in Somalia: Challenges and opportunities in a complex environment appeared first on Puntland Post.
  20. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Kate KFoster. Ra’iisul wasaare Rooble iyo safiirka Ingiriiska ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu. Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala qeyb galay Wasiirka cusub ee Amniga Abdullahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee Ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  21. Qodobo Ka Soo Baxay Kulan Ay Yeesheen Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Hayada Caymiska S/land Kulankii ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo Guddoomiyaha caymiska qaranka ayaa imika soo dhamaaday. Qodobada ay labada dhinacba isla qaateen ee kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah: In ay labada dhinacba ayideen (Aqbaleen) go,aankii maxkamada sare jsl. In kulanka ay maanta iskugu yimaadeen uu hordhac u yahay kulamo is daba socda oo ay gudigu la yeelanayso madaxda caymiska qaranka. In labada dhinacba ay cabashada ganacsatada hoos u eegaan oo ay ku dhameeyaan wax la isla ogol yahay. In gudi-hoosaadka dhaqaaluhu ay qaraar ka soo saari doonaan kulanka maanta ay la yeesheen gudoomiyaha caymiska qaranka. Qaran News
  22. Beledweyn (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo careysan ayaa maanta xiray waddada ugu muhiimsan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadaan oo ah kuwa aad u careysan ay rasaas ku kala ceyrinayaan dadka iyo gaadiidka isticmaalaya waddada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne. Sida wararka sheegayaan, ciidamadaan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday bilooyinkii ugu dambeeyey taasoo keentay inay maanta ku dhaqaaqaan tallaabadaan. Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama uusan hadlin falka ay ku dhaqaaqeen ciidamada Booliska, waxaana dhowr jeer oo hore lagu eedeeyey maamulka inay musuq-maasuqaan lacagaha canshuuraha ee laga qaado Beledweyne. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo ka tirsan kuwa HirShabeelle ay xirteen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Baledweyne, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan heyso. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan qabsaday ciidamo ka tirsan kuwa Militariga oo sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka awood qeybsiga Maamulka Hirshabelle iyo in madaxweyne Guudlaawe uu yimaado Magaalada inkastoo markii dambe xal laga gaaray. The post Ciidamo careysan oo maanta qabsaday waddo muhiim u ah Beledweyne iyo rasaas… appeared first on Caasimada Online.
  23. Faysal Cali Waraabe Oo Toddobaadkan Ku Wajahan Magaalada Burco, Qorshaha Safarkiisa Iyo Damaca Wareejinta Kursiga Guddoomiye Ee Xisbiga UCID Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) ayaa qorshaynaya in uu toddobaadkan dabayaaqadiisa safar siyaasadeed oo ballaadhan ku tago caasimadda Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo dhawaan kasoo laabtay safar muddo qaatay oo uu dibadda ugu maqnaa ayaa waxa ay ilo-wareedyo u dhuun-daloola xisbiga UCID wargeyska Foore u xaqiijiyeen in uu safar gaar ah oo siyaasadeed ugu wajahan yahay magaalada Burco oo uu ugu bixi doono dhammaadka toddobaadkan. Ilo-wareedyadan wargeyska Foore u xaqiijiyey Safarka Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer waxa ay intaasi ku darayaan in muddoda uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku sugan yahay magaalada Burco uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono siyaasiyiinta, wax-garadka, dhallinyarada iyo hogaamiyayaasha dhaqanka isaga oo kala xaajoon doona is baddalo uu doonayo in uu doorkan ku sameeyo xisbiga UCID oo bisha dambe ay ugu buuxdo sannad-guuradiisa 20aad ee maalintii dhidibada loo taagay. Xoghani waxa ay tibaaxayaan in Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu quudda-raynayo in uu markii afraad isu soo taago doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Sannadka dambe, si hankiisu u meel marana uu doorkan doonayo in uu la yimaaddo qorshe cusub oo uu xisbiga ku wareejiyo deegaan uu la galo heshiis ay isagana ku dhisaan hankiisa Madaxweyne isna uu xisbiga ku wareejiyo. Inkasta oo ay wali jiraan xogo tibaaxaya in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe doonayo in uu Siyaasi Maxamuud Xaashi ku wareejiyo mansabka Guddoomiye ee xisbiga UCID haddana waxa aan la saadaalin Karin sida xaaladdani noqon doonto iyada oo ay dhawaan ahayd markii Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda Beelaha Bariga Burco ay magaalada Dubai kulan gaar ah kula yeesheen Guddoomiyaha xisbiga UCID, kulamadaasi oo aanay wali wax rasmi ahi ka soo bixin, taa baddalkeedana xogo kale tibaaxayaan in Maxamuud Xaashi u dhaw yahay dhinaca xisbiga WADDANI. Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu badhtamaha Bisha dambe safar ku tagi doonaa magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal oo la filayo in uu xisbiga UCID ku qabsado xaflad uu ugu dabbaal dagayo sannad-guurada 20aad ee aasaaskiisa oo ku beegan 15-ka October 2021. Xisbiga UCID ayaa ah xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada dalka marka la eego muddada aasaaskiisa oo ku began 15-kii Oktoobar sannadkii 2001. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hore ugu guul darraystay saddex jeer oo uu u tartamay doorashooyinkii Madaxtooyada ee sannadihii 2003, 2010 iyo 2017 waxaanu mar afraad qorshaynaa in uu isu soo taago doorashadaasi. Qaran News
  24. WhenSomali-Finnish writer-director Khadar Ayderus Ahmed was growing up in Mogadishu, he’d often see gravediggers waiting outside a nearby hospital on his walk to school. Source: Hiiraan Online