-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararkii ugu dambeeyey ee isku dayga Afgembigii dhicisoobay & Xaalada Dalka Sudan Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah. Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay. Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka. “Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka. Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in la xiray illaa 40 sarkaal oo la sheegay inay hormuud u ahaayeen afgambiga dhicisoobay, kuwaas oo isku dayey inay marka hore beegsadaan xarunta taliska ciidamada ee dalka Suudaan, Idaacadda iyo Telefishinka qaranka dalkaasi. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamo oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi. Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii. Qaran News
-
Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Kooxda Soomaaliya kaga maxaafsata magaca Somaliland Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Jilaaya Somaliland sida uu sheegay xafiiska Rooble. Liiska ayaa ka kooban 24 musharax, waxayna ku tartami doonaan 11 kursi. Kursiga 1-aad ayaa waxaa musharax u ah keliya Cabdi Xaashi, kumana qorna musharax kale. Doorashadan ayaa waxaa muddo hadheeyey khilaaf u dhaxeeya Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshee ugu dambey xal laga gaadhay. Liiska Murashixiinta Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed Qaran News
-
Waxaa goordhow lasoo saaray liiska aqalka saree e Somaliland iyada oo lagu soo daray dad cusub, waxaana ka muuqato in liiskan uu ka tarjumayo heshiiska guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, mana ku jiraan wax muran dhalin kara. liiskan oo ka kooban 11, waxaa guddoomay ra’isul wasaare Maxamed Rooble, waxaa ka muuqata in haweenka loo xiray labo kursi, halka labo kursi kale ay rag kula tartami doonaan. Dadka cusub, waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleysan iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Kusriga 1-aad waxaa loo xiray guddoomiyaha aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi Cabdullahi, ma jirto cid kula tartameyso. Kusriga 2aad waxaa ku tartamaa Axmed Ibraahim Maxamed Qorane iyo Baashe Maxamed Ismaaciil Kursiga 3-aad waxaa ku tartami doona Leylo Axmed Ismaaciil iyo Maxamed Maxamuud Cabdi Kursiga 4-aad waxaa ku tartamaya Deeqo Xasan Xuseen iyo Hodan Obokor Xasan Kursiga 5-aad waxaa ku tartami doona Maxamed Maxamuud Allabari , Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali Kursiga 6-aad waxaa ku tartami doona Bilaal Idriis Cabdullahi iyo Zeynab Axmed Boqorre Kursiga 7-aad waxaa ku loolami doona Saalax Axmed Jaamac iyo Ibraahim Iidle Suleysan Kursiga 8-aad waxaa ku tarmai doona Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullahi Maxamed Kursiga 9-aad waxaa ku tartami doona Cabdirisaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid Kursiga 10-aad waxaa ku loolami doona Cusmaan Abokor Dubbe iyo Cabdikarim Maxamed Xasan Kursiga 11-aad waxaa ku tartami doona Muno Cumar Xasan, Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud(Gadhweyne) iyo Sucaad Xasan Maxamed Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay labada mas’uul liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 24 musharax. Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland. Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Arrintan ayaa imaneysa kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ka dalbaday inay si deg deg ah u soo gudbiyaan liisa musharaxiinta kuraasta Somaliland, si loo dhameystiro doorashada Aqalka Sare. Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kal hore isku maandhafsanaa maamulka kuraasta Somaliland, ayaa xilligan si wada-jir ah u wada habsami u socoda doorashadaaas, waxayna afmeer u noqoneysa doorashada Aqalka Sare, oo maamulada badankooda ay soo gaba-gabeeyen. Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed The post Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saaray liiska Musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wareejiyay liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland). Ra’iisul wasaare Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Rooble. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta lagu wareejiyay liiska musharraxiinta Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Liiska Musharixiinta Aqalkan Sare Somalilad Oo La Shaaciyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa si wada jir ah u shaaciyay Liiska Kuraasta Aqalka sare Gobalada Waqooyi. Labada Mas’uul ayaa ku dhawaaqay musharixiinta kuraasta 11-ka ah ee Aqalka sare ay ku leeyihiin Somaliland. Dhawaan ayey aheyd markii xal laga gaaray khilaafka labada mas’uul. Source: goobjoog.com -
Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa shir gudoomiyey Shirka Guddiga farsamada Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed. Shirka ayaa looga hadley qorshaha Ciidanka Booliska 2027 iyo Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka ka dhacaya degaannada Koonfur Galbeed. Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed oo kulanka goobjoog ahaa ayaa waxaa ay taliyaha warbixin ka siiyeen xaaladda amniga ee degaannada Koonfur Galbeed. Gabagabadii shirka Taliye Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa faray dhamaan saraakiisha Ciidamada in la dardar geliyo howlaha sugida Amniga degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo Amniga ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Dalka Suudaan ayaa xaqiijisay inuu Fashilmay isku day inqilaab oo Saaka ka dhacay dalkaas. Warbaahinta Qaranka Suudaan ayaa baahisay warkan,dhanka kale Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan oo la hadlay wakaaladda reuters ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadku ku lugta lahaa afganbiga dhicisoobay. Ilaa hada lama cadeyn cida ku luglahayd isku dayga afgembi,Sidoo kale lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay isku dayga afganbi iyo saraakiisha hoggaaminaysay. Dalka Suudaan ayaa sanada ka hor waxaa ka dhacay afgambi looga tuuray talada dalka madaxweynihii hore Cumar Xasan Al- bashir. PUNTLAND POST The post Afgambi Fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan appeared first on Puntland Post.
-
Sudanese authorities reported a coup attempt on Tuesday by a group of soldiers but said the attempt failed and that the military remains in control. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Mareykanka oo farriin u dirtay Farmaajo iyo Rooble
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ka digtay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu adkeyn karo hanaanka doorashada ee dalka ka socda. War-saxaafadeed ay Waaxda soo saartay ayaa lagu yiri “Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijyo in dalka uu si dhaqso ah usoo dhameeyo hanaanka doorashada ee socda. Khilaafka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, waxaana loo baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah.” War-saxaafadeedka dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada uu sare u qaadi karto suurta-galnimada ah inay rabshado ka dhacaan dalka, fursanda ay siineyso kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah. Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay ka fogaadaan qoraallada ay soo saaraan ee warbaahinta lasoo mariyo iyo ficillad kale, ayna khilaafyadooda ku aadan xilal magacaabista ku xaliyaan hab nabdoon. “Doorashooyinka oo si deg deg ah loo soo dhammeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda cusub ee Soomaaliya siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dowladda Mareykanka oo farriin u dirtay Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post. -
Isku day afgambi oo ka dhacay “Khartoum” ayaa “fashilmay” subaxnimadii hore ee Talaadada, TV-ga dowladda Suudaan ayaa sidaa baahiyay, iyadoo dadka ugu baaqday inay iska celiyaan kuwa wada Afgambiga. “Waxaa dhacay isku day afgambi oo dhicisoobay, dadku waa inay ka hortagaan,” ayaa laga sii daayay TV qaranka Xubin ka tirsan golaha talada dalka ayaa u sheegay wakaaladd Reuters in xaaladda la xakameeyay. Xaaladda guud ee dalka waxaa goordhow war kasoo saari dona, afhayeenka dawladda Maxamed Al Faki Suleymaan. Mr. Suleymaan ayaa mar sii horreysay ka codsaday dhammaan dadka reer Suudaan inay difaacaan dalka. Faallo uu ku qoray Facebook, ayuu ku yiri, “Orod si aad u difaacdo dalkaaga oo aad u ilaaliso kala -guurka.” ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in afgambigu uu qeyb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagula wareego idaacadda dawladda ee Omdurman, oo kutaala caasimadda Khartoum. Sida xogaha horudhaca ah aya tilmaamayaan laba guuto ka tirsan kuwa taangiyada milteyga sudaan aya wada isku dayga iyago gadiidka gashaaman gudaha usoo galiyay caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Freed Muslim scholar 'confused, could sleep for three days'
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Scholar Abdiwahab Sheikh Abdisamad is back to his family in Nairobi after being abducted on September 8. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadirm Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si la yaab-leh uga hadlay safarka la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho. Cali Yare oo wareysi siiyey Dalsan Tv ayaa shaaca ka qaaday in muddo kadib uu saaka aroortii hore dalka dib ugu soo laabtay Fahad Yaasiin oo ay wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna tilmaamay in howlo shaqo ay u joogeen dalka dibadiisa. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, sidoo kalena ka mid ah xubnaha aadka u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa tilmaamay in xilli munaasab ah, isla-markaana aad la wada sugayey Fahad uu dib ugu soo laabtay dalka. Sidoo kale Cali Yare oo hadalkiisa ayaa intaasi kus ii daray in ay maanta uga dhigan tahay maalin aad u weyn oo farxad-leh, sida uu hadalka u dhigay. “Xilli munaasab ah oo runtii la wada sugayo oo baahi weyn loo qabo fir-fircoonidiisii, kartidiisii, talooyinkiisii iyo saameyntiisii, intaas oo dhan marka la’isku daro waxaan oran karaa maanta waa maalin weyn,” ayuu yiri Cali Yare. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay Cali Yare in tallabada xigta ay noqon doonto in la fuliyo awaamiirta kasoo baxda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan khilaaf uu kala dhexeeyo Ra’iisul wasaaraha. “Talaabada xigta waxa ay noqoneysaa waddadii madaxweynuhu falo iyo awaamiirta madaxweynuhu bixiyo wadada koowaad ee la qaadaayo ayey noqon doontaa” ayuu raaciyey. Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay Cali Yare ayaa weeraro dhanka afka ah si toos ugu qaadayey ra’iisul wasaaraha, isaga oo taageero weyn u muujinayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo uu qeyb ka ahaa ololihiisii doorashada ee sanadkii 2017-kii. The post Cali Yare oo si la yaableh uga hadlay imaanshaha Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
-
The United States called Monday on the president and prime minister of Somalia to resolve their "dispute," so as not to further delay the country's electoral process, with the African nation's presidential election scheduled for October 10. Source: Hiiraan Online
-
Khartuum (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah. Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay. Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka. “Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamada oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi. Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii. The post Wararkii ugu dambeeyey isku day afgambi oo ka dhacay dalka Suudaan appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Khartoum)-Dowladda Suudaan waxay sheegtay in afgembi fashilmay uu ka dhacay dalkaas isla markaana la qaaday tallaabooyin lagu dajinayo xiisadda, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. “Waxaa dhacay afgembi fashilmay, dadka waa inay ka hortagaan” ayay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP. Waxaa jiray isku dayo la doonayay in lagu qabsado dhismayaasha warbaahinta dowladda, sida ay baahisay AFP Source
-
Shaxda cusub ee Muuse Biixi dhigay waxay ku fadhidaa fikirka ah Gebiley, Maroodi-jeex, iyo Saaxil( GMS) inuu kow, xaafada Subeeriyada gacanta ku wada dhigo, iyadoo reer New Hargeysa, Axmed-dhagax iyo Beligubadlena uu soo raacinya GMS, waana sababta uu labadaas xaafadood, uu qayb libaax uga siiyey isku shaandheystiisii ugu danbeysey. Reer Awdal waxuu ka rajeynayaa inuu la kala badho labada xisbi ee mucaaridka ah, halka Sanaag, Sool, iyo Cayn-na uu ka rabo saddex meelood meel. Xaafadan Garta-xejistaana dee waa kuwaas labada xisbi ee kala qaybsan leh, waxa soo hadhay waxa loogu yeedho Beriga Burco oo Muuse isleeyahay saddexda xisbi qaran haday saddex qaybood u kala qaybsadaan xaafadaas, inay markaas lumayso miisaankii ay xaafadaasi lahayd. Hadday sidaas u dhacdo dee Xariifku shan sano oo danbe ayuu inna soo hor fadhiyi doonaa, waana siduu aaminsan yahay. Hadaba, Madaxweyne Muusow aan saaxiib oo inaadeer kula talayo, ilayn sidii Cabdoo baad xisaabta khaladaye. Waxaad tahay Madaxweynihii ugu maamulka xumaa ee dalka soo maray abid, oo waxa isu kaa raacay aqoondaro, kibir, hunguri, iyo hanti urursi qaawan. Qabiil wax ma tartid ee qoyskaaga ayaad ku egtahay, ilaa maalintii aad madaxweyne noqotay sabada guryaha laguu dhisayaa ma qalasho, danyartii waxaad xoog kaga qaaday dhulkii yaraa ee ay deganaayeen. Maanta dadku waxay kugu xantaan inaad Dahab-Shiil haddii aanad ka lacag badnayn inaad cagocagayneyso, oo riyadaadii inaad nimaankaas la mid noqoto Ilaahay wuu kaaga dhabeeyey. Beer weyn oo saddex riig ka taagan yihiin, iyo kadin geela oo aad habeenkii u caano doonato baad leedahaye, bal maxaa kalee kaa maqan inaadeer. Waan maqalnay inaad gudida kommishanka doorashooyinka aad tidhi doorashadii madaxtooyada noo diyaar gareeya. Waxaan kugula talin lahaa inaad qabatid doorashadaas, laakiin aanad juhdi iyo olole toona aanad gelinin,waayo shacbigu wuu kaa daaley oo qabiil aanad ogeyn oo aad mustaqbalkoodii sii aamaahanayso baa kugu leh kaa diidney Muusow. Maamul xumada waxaad kaga sii dartay nasiib iyo Hoodo xumada oo markii aad meesha timi waxaad la timi aargoosi, xintan, iyo dagaal aan loo baahnayn. Xaafadii aad isku jeegaanta ahaydeen cay iyo aflagaado baad kala daashey adigoo leh hantidii ummada ayey carabka sii mariyeen oo ay xaalufiyeen, waxa lagaa hayaa inaad tidhi miyigii iyo hawdkii ay ka yimaadeen baan ku celinayaa. Xitaa labo nin oo Abaan( Agents) u ahaa Fly Dubai, iyo Alcarabiya waxaad ku samaysay waxaan waraabe aanu Adhi ku samaynin. Waxaad ugu talo gashay inay xaafadaasi si habaq ah ay saddexda xisbi u kala galaan si aanay isku duubmidoodu wax kuu yeelin. Adigoo maamul xumadii la kufaa dhacaya baa Ilaahayna keenay cudurkan COVID ee dhaqaalihii adduunka wax yeelay, oo ayaandaradaasina way kuu sii raacday. Waxaan ku odhan lahaa saddexda ama Afarta boqol ee milyan ee hantidaada cusub ah, geelagaas iyo beertaadaas isku shaqlo sidaasna nagu dhaaf Ilaahay baan kugu dhaarshee, waayo Somaliland shan sano oo danbe kuma qaadi karto. Imminka dad badani waxay aaminsan yihiin hadday Somaliland ay dhibtaada iyo hadimadaada ka badbaado inay kunka sano ee socda ay sii jiri doonto in’sha’Allahu. Sharaf waxa kuu noqonaysa oo xumaan kasta oo aad geysatey kaa maadhaysa, waa madaxweynihi labada doorasho ee isa saaran qabtay, iyo waa madaxweynihii aan mudada korodhsan, iyo madaxweynihii markii laga helay xilka wareejiyey sidii Daahir Rayaale oo kale. Intaas hadaad Somaliland u samayso intaas aad sii qadhiidhay waanu kaa saamixi karnaa,laakiin mar labaad ha isu kaayo soo qaawinin saaxiib. Xitaa haddii ay kuu hirgasho sidan qabyaaladeysan ee aad shaxda u dhigtay oo aad doorashada ku guuleysato adigoo qabyaaladaas qaawan isticmalaya, waxa iman doonta rag sidii ay Xaaji Cabdi waraabe iyo gudoomiye shiikh Ibrahim ku sameeyeen Siilaanyo in lagu yidhaado waa lagaa helay oo anigaa sidaas garanay ee SALAAMA. Ilayn qabyaalad qabyaalad baa lagu saxaaye! Qabiilka ku ridi doona, ee lixda gobolba dega, ee ugu faraha badan Somaliland waxa la yidhaahdaa qabiilka dhalinyarada oo waxay wadaagaan mustaqbal. Dalka iyagaa iska leh oo waxay u baahan yihiin horuumar uma baahna in la kala qaybiyo ee isku duubni bay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin in la is jeclaysiiyo ee uma baahna in la isku diro oo ay isnacaan. Xikmad baa tidhaahda dadka waaweyni waxay ka sheekeeyaan waqti tegey iyo taariikh hore waayo mustaqbal ma laha; dhaliyaraduna waxay ka sheekeeyaan mustaqbal waayo taariihk hore oo ay ka sheekeeyaan ma laha. Intee baa SNM iyo Somalilanders baa la xaaqay laga sheekeen karaa( 30 sano), dhalinyarada reer Somaliland waxay u baahan yihiin inay halgankooda ay galaan oo samaystaan “ SNM” tooda cusub oo ah mid walaalaysa oo ay meel uga soo wada jeedaan dalkooda, dantooda, diintooda, iyo dadkoodaba iyagoo hiigsanaya cadaalad, horuumar, iyo walaalnimo gidigood wada dhaqda. Doorashadii dhoweyd wacdaro ayaad dhalinyarow noo dhigteen, Somaliland boqolkiiba todobaatan da’ ahaan way ka yar yihiin 30 jir markaas waa inuu is bedelku dhinaciina uu ka yimaado oo aan mustaqbalkiina lagu sii khamaarin. Madaxweynuhu shanta sannadood uu joogo waxuu magacaabi karaa 50 wasiir marka isku shaandhaynta lagu daro, iyo konton agaasimayaal, oo waxa shaqada loo abuuraa iyadoo weliba qabyaaladeysan 150 qof haday innoogu bataan. Dhalinyarow waxaad rabtaan inaad noolol fiican samaysataan oo guursataan oo guryo dhisataan oo horuumar samaysaan, laakiin sidan xukuumadaha kala danbeeyey ee siiba kulmiye wax u wadeen waa boobtee aniguna aan boobo iyo dhalinyarada mustaqbal keeduna yeelkadeed. Dhalinyarow, maanta iska kaashada oo hurdada ka kaca oo dalka iyo dadkaba u hiiliya. Dhalinyarow hareerihiina eega iyo adduunka waxa ka socday ilayn waa idiinkan baraha bulshada iyo internetyada ku jiree bal Muuse Biixi miyuu maqlay mase fahmi karaa: Metaverse, Bionic( bionic spy fly),nanotechnology,Blockchains(crypto-currency), Quantum computation, Genome, Dark webs( Tor), Sun powered chemistry, Asteriod mining( psyche16). Intaba akhristaayasha dhalinyarada ahaw google-gareeya, adduunka halkaas la marayo buu Muuse Biixina inna gala dhamaan la’ yahay reer hebel baa Xamar iyo Somaliyaa innagu celinaya ee aniga ii codeeya. Xitaa waxaanu ogeyn in ay Somaliland ictiraaf la yidhaahdo kii runta ahaa( De facto recognition) ay haysato, oo uu innaga maqan yahay uun ictiraafkii diplomaasiyada (De jure) kaasina waxuu ku xidhan yahay uun wada hadal Somaliyaa la isku hor fadhiisto oo aynu 100% guusha heleyno. Muuse waa geeljire soo xoogsi tegey oo walaahay waa ka bes oo intuu garanayey way dhaaftay ee dhalinyarooy mustaqbalkiina ilaashada, Muusena aynu u sheegno inaanay Somaliland u baahnayn milateri wax in qilaaba( Xaasha) ay u baahan tahay dhalinyaro feejig oo mustaqbal kooda meel uga soo wada jeeda. Dhalinyaroy hurdada ka toosa! WQ. Cali Kubad gudoomiye ku xigeenkii hore ee komishanka Doorashooyinka. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Agaasimihii hore ee hay’ada Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka ka soo degey garoonka diyaaradah Aden Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib markii diyaarad gaar ah ay ka soo qaaday dalka Turkiga. Fahad Yaasiin ayaa safarkiisa magaalada Muqdisho ku imanayay dib u dhac ku yimid 17kii bishan kadib markii diyaarad uu ka soo raacay dalka Turkiga lagu xayiray magaalada Jabuuti kadibna dib ugu laabatay dalka Turkiga. Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhawaan waxa uu u magacaabay madaxweynaha xilku ka dhammaaday Farmaajo La-taliyaha gaarka ah ee dhinaca Amniga, hase yeeshee waxaa loo gudbiya dacwad lid ku ah Fahad Yaasiin Maxkamad Ciidamada iyadoo lagu eedeeyay ku lug leeyahay Kiiska Ikraan Tahliil oo ay hay’ada NISA ku sheegtay in ay dileen Ururka Alshabaab. Source
-
Wasiirkii hore ee arrimaha bulshada iyo qoyska marwo Hinda Gaani ayaa shalay lagu Rasaaseeyay Deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer, Halkaas oò lagu dhaawacay Ilaaladeedii. Marwo Hinda Gaani oo buurta fiqi ayuub ka wada macdan baadhis ayaa muran ka dhex dhashay iyada iyo dadka deegaanka taas oo sababtay in rasaas lagu furo gaadhigii ay wadatay , dhaawac culusna la gaadhsiiyay ilaaladii la socotay. Sidoo kale shalay ayaa lagu dhaawacay laba kamida ciidànka qaranka ee amni ahaan loo geeyay buurtaasi Fiqi ayuub oo mudooyinkii udanbeeyay uu muran ka taagnaa. ~Xigasho Xabiib Cige Xasan . Source
-
Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa beeniyay sawiro iyo warar ay baahisay dowladda Itoobiya kuwaas oo lagu sheegay in ay Ciidamada Dowladda ay weerareen deegaanada Debark iyo Dabat oo ay ku sugan yihiin xoogagga difaaca Tigrayga. Sawiraan oo muujinaya diyaaradaha dagaalka oo weerar Hawada sare ah ku jira ayaa la sheegay in ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Jabhadda. War ka soo baxay maamulka Amxaarada ayaa lagu sheegay in ciidamada ay jab xooggan gaarsiiyeen Jabhadda koxodooda ku sugan Debark iyo Dabat. “Ciidankeenna Cirka ee geesiyaasha ah ayaa si lama filaan ah u weeraray ciidanka cadowga, waxaana ciidamada deenna cirka la socday 50 gawaadirada dagaalka ah kuwaas oo guul taariikhi ah ka soo hooyay ciidamada Junta, kuwaas oo ay ka qabsadeen Debark iyo Dabat. Taariikh ahaan, junta waligeed lama kulmin khasaare intaas le’eg, ”ayaa lagu yiri qoraalka Amxaarrada. TPLF ayaa dhankeeda sheegtay in Sawirada ay adeegsadeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Amxaarada in ay yihiin kuwa ay kala soo degeen Google, sawirka hore ayaa la sheegay in baaritaano ay sameeyen kadib ay heleen in uu yahay sawir ay horay u adeegsatay BBC-da maqaal ay ka qortay dagaalka Itoobiya Nofembar 2020, halka sawirka dambe lagu sheegay in uu yahay mid ciidamada cirka Uzbekistan ay 18 -kii Janaayo 2020, ay ku soo bandhigayeen quwadooda cirka. Itoobiya ayaa markaan faraha la gashay fadeexad dhanka warbaahinta ah kadib adeegsiga sawirada marin habaabinta ah iyo xogaha ay guullaha ku sheeganayaan. Abiy iyo xulafadiisa ayaa sanad dagaal kula jiro kadib markii ay Xisbiga gobalka Tigrayga ee TPLF ay ka diideen muddo kordhin uu rabay. Ra’iisul wasaarahan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa fadeexado dhowr ah wajahaya kadib guushiisi biladda Nabadda, dhawaan ayeey aheyd markii Abiy Axmed laga helay cod oo kuu sheeganayo in uusan talada banaaneynin 10 sano oo soo socota xilli uu la hadlayay xisbigiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com