-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Daa’uud Shire Maxamed oo ka hadlay xaflada ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen kooxda Halgan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin horomarinta Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo guulaha uu gaaray. “Waan u mahadcelinaynaa maaamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Halgan , runtii waxay muujiyeen da’daal wanaagsan waxayna maanta ka mid yihiin kooxaha heerka ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu sheegay Mudane Daa’uud Shire Maxamed Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu soo dhaweeyay ganacstada iminka bilaaway dhiiirginta kooxaha Kubadcag yaraha, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulo weyn ay gaareyn madaxda Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya iyo kooxaha kala duwan ee kubacag yaraha dalka. “Waxaan ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta iyo dhiirigelinta kooxaha Minifootboolka u balanqaadayaa in aan waxqabadkooda tusin doono Caalamka, waxaana sidoo kale ka rabnaa in ay door wanaagsan ka qaataan guulaha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu xoghayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Da’uud Shire Maxamed u sheegay Ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta Minifootbolka dalka. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu amaanay da’daalka wanaagsan ay wadaan madaxda kooxaha kala duwan ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horomar. “Waan u hambalyaynaa is badalka wanaagsan ay wadaan mas’uuliyeenta naadiyada Kubadcag yaraha ,runtii waa wax lagu farxo waana sababta loo aas aasay kooxaha ay yihiin in la helo xidigo tayo wanaagsan oo matala Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed. Daawo Fariinta Uu Diray Xoghaye Daa’uud Shire Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan Shah Maxamuud Qureshi ayaa sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban isla markaana xiriir lala sameeyo xukunkooda cusub. Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka The Associated Press ee AP ayuu wasiirku ku sheegay in Pakistan macaal la yeelanayso maamulka curdunka ah ee Afghanistan ka jira. Pakistan ayaa caalamka u soo jeedisay in la sameeyo qorshe waddada u xaaraya in Taliban hesho aqoonsi diblomaasiyadeed haddii ay ka soo baxdo shuruudaha loo dhigay ama laga doonayo. Wasiirka oo ka qeybgalay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in dalkiisa uu cayaari doono door muhiim ah oo ku aadan xaaladda Afghanistan. Waxaa uu xusay in xukuumadda Afghanistan u baahan tahay dhiirigelin sida horumarinta dhaqaalaha, dib u dhiska iyo ka soo kabashada dagaaladii todobaanka sano ka socday dalkaas. PUNTLAND POST The post Pakistan oo xusul duub ugu jirta sidii caalamku u aqoonsan lahaa Taliban appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal Ajaanib ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Raggaan oo muddo dheer ka barbar dagaalamayay Al-shabaab Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah. Eedeysanayaasha oo muddo dheer a socotay dhageysiga gal dacwadeedkooda ayaa waxaa la sheegay in ay Shabaab ku biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010. Inta ay socotay dhageysiga gal dacwadeedka ayaa lag soo bandhigay in eedeysanaha koowaad ee Dereyn in uu ka qeyb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in labada Eedeysane lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla, sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi. Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xbunaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya. Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya. The post XOG: Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada? appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka naafada somaliland ee (SSDHO) ayaa cabasho ka dhan ah wasaarada shaqo-galinta, arimaha bulshada iyo qoyska somaliland u gudbiyey gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada somaliland. Ururka naafada ayaa wasiirka shaqo-galinka ku eedeeyey in aanu ku darin ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ay dawladu dhaqaalaha (miisaaniyada) ku kabto. Gudoomiyaha gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada maxamed xuseen maydhane oo qaabilay madaxda ururka naafada ayaa u balanqaaday in ay wax ka qabanayaan cabashadooda sidoo kalena ay maalmaha soo socda u yeedhi doonaan wasiirka shaqo-galinta iyo arimaha bulshada Mustafe Godane si ay su,aalo uga waydiiyaan cabashada ururka naafada. Source
-
Caasimadda Gobolka Sool waa Magaalada Laascaanood. Maamulka Soomaaliland wuxuu gacan ku haynta Magaalada la wareegay October/ 2007, saddex sanno ka dib xilligaas oo ahayd 2010 waxaa magaalada ka bilaabmay waxa la dhaho Madax jebis amase dilal qorshaysan oo loo gaysano Indheergaradka Magaalada. Ku dhawaad dad gaadhaya haddii aysan ka badnay 84 qof in ka badan ayaa lagu dilay gudaha Magaalada; caawa cidna looma hayo loomana soo qaban. Dadka degan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolada SSC dhex dooda waxaa ka dhici jirtay Aanooyin qabiil salka ku haya oo qofkii habeen madow wax dilla amase la dilo waa la ogaan jiray, iyakoo ay sheegayaa qoyska amase qabiilka dilkaas gaystay iyakoo ugu aaraya mid kale oo uga maqan jifidan kale ee ay wax ka dishay. Laakiin sidii ay Soomaaliland u timi saddex sanno ka dib Magaalada dhaqan ka duwan ayaa yimi oo ah; qof in badhtamaha suuqa lagu dilo haddana la odhanayo LAMA GARANAYO cida dishay. Dadka u badan ee Laascaanood lagu dilay waxay yihiin dhammaan indheergaradkii Gobolka, kuwo Maamulka meesha ka jira u shaqeeya, Ganacsatada, Suxufiyiin, Haldoorka Magaalada iyo qof kasta oo ka dhaqdhaqaaqaya Magaalada iyo dadka halkaas degan ba’. Dhamaan Magaalooyinka kale ee uu ka taliyo Maamulka Soomaaliland sida Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Boorama ba kama jirto wax la dhaho Madax duub dadka laaya oo aan la garanayn. Maxaa ku koobay oo keliya Magaalada Laascaanood ?. Anigu waxaan soo jeedinayaa qoddo badan soo socda, si xal waara loogu helo Magaalada Laascaanood. 1) Qofkasta oo lagu dilay Magaalada Laascaanood waxaa masuul ka ah Maamulka meesha ka jira, sababtoo ah haddii uusan jiri lahayn Maamul meesha jooga qofna inta layska dilo lama garan waayeen habeen iyo maalin ba. 2) Maamulka Soomaaliland ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood waxaa waajib ku ah in meel la saaro Indheergaradkii Gobolka ee la laayey, haddii aysan awoodin waa in ay masuuliyada Amni ku wareejiyaan dadka degan Magaalada iyakuna iskaga baxaan Caasimadda. 3) Ciidanka u badan ee Military ah, Boolis ah, Nabadsuggida ayaa jooga Laascaanood. Haddana in la garan waayo waxa dadka xasuuqaya maaha wax caqliga iyo garaadkuba yeelayo Jaalle-yaal. 4) Dadka Eebbe ku abuuray deegaanka waxaa waajib ku ah sida ay u sheegeen culimadu in ay iyaku Amnigood sugtaan, qofkasta uu dhegto sudho A47; maadaama aysan jirin Maamul u damqanaya oo amnigooda lagu aammini karo. Fg: Horta xaggee ayey ku danbaysay Gudidii uu soo dhisayey Garaadka Guud ee Gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ?!. W/Q: Muxammad Sugaal Baaruud Xoogsade. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kana Guddida arrimaha bulshada, ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa badan oo wanaagsan laga qabtay, sidoo kalena ay jiraan dayac iyo waxyaabo ka badan awoodda maamulka dhakhtarka Guud. Xildhibaanka oo ka hadlaya waxyaabihi ay ku soo arkeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Runtii wax badan oo aanan ogayn ayaa noo soo baxay oo kala duwan, Wax badan oo wanaagsan Ayuu dhakhtarku qabtaa runtii ,Wax badan oo Dayacana Way jiraan oo shaqadooda ka xun ama habka ay umaamulan awgii kutimid, iyo Wax Badan oo awooda Maamul ka baxsan.” Xildhibaan Khaliif waxa uu intaasi raaciyey “Sidaasi awgeed weli, waxaa noo socda Baadhistayadii, Dhawaana Masuuliyinta ay khuseyso ee Wasaarada Caafimadka ayaan u yeedhi doonaa, Waxaa jira Dhaqaale Badan oo soo gala Dhakhtarka isla Markaan ay si toos ah u maamusho, Wasaarada Caafimaadka isla markaan aan Qasnada Dawladda ku dhicin Xogteeda oo dhamaystirana, Waxan ka sheegi doonaa Golaha shacabka . Shacabkana waa loo soo bandhigi doonaa isha allah. Wax kasta oo la Xumeeyey ama la Dayacayna Waan usoo Bandhigi doonaa, Waliba Cidii Masuuliyadaas Lahaydna Waan sheegi Doonaa si loola xisaabtamo Si Ciqaabta ay Mudato loogu Abaal Mariyo. Source
-
Golaha amniga ee dalka Algeria ayaa Arbacadii go’aamiyay in hawada dalkeeda laga xidho dhammaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa millatariga ee waddanka Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada Algeria, wax ka yar bil kadib markii ay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Morocco. Bayaan ay soo saartay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid “daandaansiga sii socda iyo dhaqamada cadaawadda leh ee dhinaca Morocco”. Xidhitaanka hawada Algeria ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya diyaarad kasta oo sidata numberka diiwaangelinta Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas, kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in ayna jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca Morocco, waxaana Ilo ka tirsan diyaaradda Royal Air Maroc ay sheegeen in xidhitaanka hawada u saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar. Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xidhitaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka. Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xidhitaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka. Algeria ayaa dabayaaqadii bishii hore waxay go’aansatay inay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Morocco, iyadoo ku tilmaamtay “falal cadaawad leh” oo uga imaanayay Boqortooyadan, waxaana Algeria tixraacaysay hadalladii uu ergayga Morocco ee New York ka sheegay inay doorbidayaan madax-bannaanida gobolka Kabylie ee Algeria. Source
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday laba nin oo ajaaniib ah, isla-markaana muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Labada nin ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah. Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay kooxda Al-Shabaab ku soo biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii, si ay xoog iyo xeelad-ba ugu biiriyaan Shabaab. Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka. Darren Anthony ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu qeyb ka ahaa weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska, isaga oo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay aheyd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysa. Ninkan ayaa sidoo kale hay’adaha amniga u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika. Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo ahaa ninka labaad ee la xukumay, una dhashay wadanka Malaysia ayaa dhankiisa Al-Shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg-dega ah, wuxuu isna ka qayb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxkamadeynta raggan ayaa heerar kala duwan soo martay, iyada oo 18-kii bishii April ee 2019-kii ay u gacan galeen Puntland, kadibna loo soo wareejiyey dowladda dhexe. Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada sida ayaa Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ku kala xukuntay mid-kiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, wuxuuna xusay inay heystaan fursad ay ku dalban karaan rafcaan. The post Maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku riday ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Yemen)-Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq laba sanno ka hor loo geystay arday reer Yemen ah. Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday “saddexda eedeysane” iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen. Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii salaasada. Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xidhiidha ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA. Source
-
Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay tuulada Ambareeso, gaar ahaan xero ay halkaasi ku leeyihiin maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleyda oo la dagaalama Al-Shabaab. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa 7 ka mid ah maleeshiyaadka ku sugnaa halkaas, sida uu shaaciyey Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xeradaasi. Sidoo kale Aadan Cumar oo ah guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe ayaa ku eedeeyey qaraxan inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay ka qeyb-qaataan howl-gallada ka socda gobolka, si loo xoojiyo nabad-gelyada guud ee deegaanka. Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay mid kale oo khasaare geystay uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan Shabeelaha Hoose, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay la beegsato ciidamada ka howl-gala gobolkaasi. The post Warar ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka Baraawe + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALILAND REMINDS THE INTERNATIONAL COMMUNITY THAT IS NOT PART OF SOMALIA The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Somaliland issued a statement to remind the international community that it is not part of the selections being held in Somalia which the Federal Government of Somalia claims includes Somaliland. Below is the Press Release as translated by Somaliland Chronicle. Somaliland reminds the international community that it is an independent and sovereign country that has nothing to do with the elections of the dysfunctional regime of Somalia. In a statement issued today and addressed to the UN, the AU, the EU, and the international community as a whole, Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation said that since it regained its sovereignty in 1991 Somaliland is an independent and democratic country in which the people elect their representatives in the executive and legislative branches of the government and the local councils through countrywide one-person-one-vote elections. “Therefore, Somaliland warns the Somalia regime and its politicians against their false and fantasy claims aimed at misleading the international community.” “Somaliland, which is one of the leading democratic countries in Africa will not accept its name to be included in any way in the elections in Somalia.”. Somalilandchronicle Qaran News
-
Rep. Ilhan Omar said Wednesday that Congress must not approve arms sales to nations accused of human rights violations, one day after she and other far-left House lawmakers forced the removal of $1 billion meant for Israel’s Iron Dome air defense system from a massive government funding bill. Source: Hiiraan Online
-
Guriceel (Caasimada Online) – Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, maalmo kadib markii madaxda kooxdaas ay dib ugu soo laabteen gobolka. Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud. Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabileen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maamulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuusamareeb. General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu-Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isagoona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galmudug. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu-Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka. Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu-Sunna ee gobolka ayaa Talaadadii waxay Saraakiisheeda Ciidamada meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulmeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Balihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Galmudug. Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka. Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu-Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga dareemay deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamareeb. Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galgaduud ugu weyn ee Ugaas Nuur. Ahlu-Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, waana taas midda keentay in ay Shabaabku ka caagaan dhulkii ay Ahlu-Sunna ka arrimineysay, muddadii laba iyo tobanka sano ahayd. The post Xog: Ahlu Sunna oo muddo kadib dhaq-dhaqaaq ciidan ka billowday gobollada dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Pastoralists on the outskirts of Adado in central Somalia say plastic waste from the town is being dumped on their grazing land and causing harm to their livestock. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka. Rooble ayaa golaha wadatashiga qaranka kala hadlay xaaladihi u dambeyay ee doorashooyinka dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale madaxda kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa doorashooyinka Golaha Shacabka. Dhanka kale kulankan ayaa waxaa warbixin looga dhageeystay guddiga doorashooyinka heer federaal. Guddiga ayaana shirka ku soo bandhigay waxyaabihii uga hirgalay qorshahooda doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan Somali-Kenyan ah oo si weyn u taageera madaxweyne Farmaajo, kaasi oo dhowaan lasii daayey kadib 10 malamood oo la haystay, ayaa sheegay inuusan aqoonsan karin kooxdii afduubatay. Sababta waxay tahay in kooxda ay wejiyada qarsanayeen mar kasta oo ay su’aalo weydiinayeen. Sida uu qoray wargeyska The Star ee Nairobi, Cabdiwahaab ayaa xubno ka mid ah qoyskiisa iyo saaxiibadiisa kula hadlay gurigiisa oo ku yaalla xaafadad South C ee Nairobi, wuxuuna shaaca ka qaaday qaar ka mid ah waxyaabihii qabsaday intii la haystay. Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadkii uu la hadlay, Cadbiwahaab ayaa sheegay in kooxda afduubatay ay aad u danaynayeen xiriiradiisa Soomaaliya iyo amniga gobolka. Arrimaha yaabka leh ee uu sheegay ayaa waxaa ka mid ah, in kooxda afduubatay aysan ka qaadan bistoolad uu watay oo ay ku jireen 15 xabad. Waxaa bastooladda dib loo siiyey markii ay soo dhigeen xaafadda South C habeenkii Axadda. Cabdiwahaab ayaa haysta hub sharci ah, oo dowladda ay diiwaan-gelisay. Waxa uu sheegay in kooxda afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeeen, ku siiyeen dawooyinkiisa waqtigooda, si wanaagsan u quudiyeen, oo ay siiyeen qol uu salaadda ku tukado. “Waxa uu sheegay in mar ay tuseen sawirro laga qaaday safar uu ku tegay Soomaaliya. Dhammaan intii uu joogay Soomaaliya waa la sawiray. Waxayna u muuqatay in sababta loo xiray ay la xiriirto safarkaas,” ayuu yiri xubin ka mid ah qoyskiisa oo la hadlay wargeyska The Star. “Waxaan filaa inay tijaabinayeen daacadnimadiisa. Waa Kenyan kasoo jeeda Wajir,” ayuu yiri qofka ehelka ka mid ah. Cabdiwahaab ayaa sheegay in kooxda afduubatay ay mar kasta weydiinayeen su’aalo ku saabsan amniga Kenya, argagixisada, kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo xiriirada uu ku leeyahay Soomaaliya. Weli ma uusan go’aansan inuu sharciga la beegsan doono arrimaha lagu sameeyey iyo in kale. Dadka la kulmay ayaa sheegay inuu u muuqday mid aad u argagaxsan oo welwelsan oo aan diyaar u aheyn inuu arrintan kala hadlo dowladda. Waxa uu sheegay in markii ay go’aansadeen inay sii daayaan ay ugu waceen mooto bajaaj, kadibna siiyeen lacag 2,000 oo Kenya shilling ah, una sheegaan qofka waday mootada inuu geeyo gurigiisa xaafadiisa South C. Booliska Kenya ayaa beeniyey inay ku lug leeyihiin xarigiisa. The post Lacag la siiyey iyo yaab kale – Cabdiwahaab Cabdisamad oo bixiyey xogta afduubkiisa appeared first on Caasimada Online.