-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo ka dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug iyo dowladda oo dhinac ah, ayaa ka socda deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo goor sii horeysay oo maanta ah ku billowday Is-rasaasayn goosgoos ah ayaa hadda sii xoogeystay, waxaana wararka ay sheegayaan in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Warar horudhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo gaaraya 8 ka mid ah dhinacyada dagaalamay. Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Huurshe. Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa midna weli war kasoo saarin dagaalka. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dib u qabsadaan Galmuudg. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada booliska Galmudug ayaa 27-kii bishan loogu digay hoggaanka Ahlu-Sunna “inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan” deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud. “Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka. Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb. Saraakiisha sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ayaa xilligaas sheegay in in malayshiyaadkooda iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaana taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame. The post Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
100 Qof oo lagu dilay dagaal xooggan oo ka socda Yemen Ugu yaraan 100 isugu jira mucaaradka Yemen iyo ciidamada dowladda taageersan ayaa 48-kii saac ee tegay lagu dilay dagaal sii xoogeysanaya oo ka socda magaalada muhiimka ah ee Marib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari iyo kuwa caafimaad. Sidoo kale, duqeymo dhowr oo ay sameeyeen isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarka ay ku hayaan Marib, oo ah magaalada kaliya ee waqooyi ee ku hartay gacanta dowladda. Lixdan iyo sideed Xuutiyiin ah iyo 32 taabacsan dowladda ayaa lagu dilay isku dhacyadii ugu dambeeyey, sida ay ilo-wareedyo militari u sheegeen AFP. Khasaarahan ayaa waxaa xaqiijiyey ilo-wareedyo caafimaad. Mucaaradka ayaan inta badan sheegin khasaarahooda. Hase yeeshee Taleefishinkooda Al-Masirah ayaa ku warramay in 60 duqeymo lala beegsaday Marib, labadii maalmood ee ugu dambeeyey. Boqolaal dagaal-yahan ayaa bishan la dilay kadib markii Xuutiyiinta ay soo cusbooneysiiyeen ololaha ay ka wadaan caasimadda gobolka hodanka ku ah shidaalka. Marib oo 120 km bari ka xigta caasimadda Sanca ee Xuutiyiinta ay haystaan, ayaa ku taalla meel muhiim ah oo xiriirisay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi, waxayna muhiim u tahay maamulka waqooyiga Yemen. Qaran News
-
Ra’isul Wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah oo loo magacaabay Tunisia Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa Arbacadii ka yaabiyay dad badan, kadib markii uu Ra’isul Wasaaraha dalkaas u magacabay Prof. Najla Bouden Romdhane, oo ah 63 jir, iyadoo noqotay Ra’isul Wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee dalkaas. Najla Bouden Romdhane oo macallimad ka aheyd kulyadda qiimaha badan ee Injineeriyadda ayaa ah khabiir cilmiga Juquraafiga, waxayna la wareegi doonta xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo bannaanaa tan iyo 25-kii Luuliyo ee sanadkan, kadib markii madaxweyne Saciid uu xilka ka qaaday Ra’isul Wasaarihii hore, isla markaanaa uu kala diray baarlamaanka dalkaas. Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Saciid ayaa ku amray Prof. Bouden inay sida ugu dhakhsa badan u soo magacowdo Golaha Wasiiradda Tunisia. Tallaabooyinka madaxweynuhu waxay dhinac u riixeen Xisbigii Ennahda ee xukumayay golaha sharciidejinta, taas oo dhalisay in dadka dhaliila ay cambaareeyaan ficilladiisa oo ay ku sheegeen ‘afgambi halis gelinaya dimuqraadiyadda da’da yar’ ee dalka, waxayna ku tilmaameen mid halis gelin karta guulaha dimuqraadiyadeed ee la gaaray kadib kacdoonkii Tunisia oo uu gacan ka geystay Kacdoonkii Guga Carabta horraantii 2010 -kii. Toddobaadkii hore, madaxweyne Saciid wuxuu laalay inta badan dastuurka, isaga oo ku doodaya inuu ku xukumi karo dalka wareegto muddo aan xadidneyn. Bouden ayaa laga yaabaa inay yeelato awood ka yar Ra’isul Wasaarihii iyada kahorreyay sida ku cad dastuurkii 2014, waxaana madaxweyne Qays Saciid sheegay toddobaadkii hore markii uu ku dhawaaqayay xilliga degdegga ah in dowladda ku-meelgaarka ah uu madaxweynuhu la xisaabtami doono. Qaran News
-
Muxuu yahay hubka uu Mareykanka Sida Fiinta uga qayliyey ee Turkiga helay? Gantaallada S-400 waa kuwan Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ee laga leeyahay Mareykanka ku sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso inay Ruushka ka soo iibsato qayb labaad oo ah gantaallada S-400. Hase yeeshee Durbadiiba Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri: “Waxaan uga digeynaa Turkiga inuu qalab dheeraad ah oo militari ka soo gato Ruushka.” Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata in ay dhagaha ka fureysaneyso digniinta Washington, sidii ay marar kaleba horay u sameysay. Muxuu yiri Erdogan? Isagoo Axaddii ka qayb galayay barnaamijka “Face the Nation” ee ka baxa warbaahinta CBS ayay wariyaha daadihineysay barnaamijka, oo lagu magacaabo Margaret Brennan, weydiisay su’aashan. “Waxay u muuqataa in in aad wali qorsheyneysaan sidii aad qayb kale oo gantaallada S-400 kusoo iibsan lahaydeen, soo sidaas ma aha? Erdoan oo ka jawaabayay su’aasha ayaa yiri: “Waqti dhow ayaan soo iibsaneynaa, ma jirto cid faro gashan karta arrimo uu leeyahay wadan kale, lagamana hadli karo tirada qalabka difaaca ee aan iibsaneyno iyo qaaka aan u iibsaneyno toona. Annaga ayaa arrimahaas go’aankooda iska leh.” Wariyaha ayaa ku celisay hadalka oo tiri, “ma waxaad ula jeeddaa haa”. Erdogan oo islamarkiiba jawaab celinayayna wuxuu yiri: “Maxaad ka waddaa? Dabcan waa haa.” Fal-celinta Mareykanka Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa durbadiiba wax laga weydiiyay sida ay dowladdiisa u aragto hadalka Recep Tayyip Erdogan. “Waxaan uga digeynaa Turkiga, si walba ayaan digniin ugu direynaa, heer walbana waan gaarsiineynaa, waxaana u seegeynaa in uusan sii heysanin gantaallada S-400 iyo in uusan qalab militeri oo dheeraad ah ka iibsanin Ruushka,” ayuu yiri Sfhayeenka. ‘Waxaa ka dhalanaya cunaqabateyn’ “Waan sii wadi doonnaa inaan si loo wada jeedo oo faahfaahsan ugu sheegno Turkiga in hub walba oo cusub oo uu kasoo iibsado Ruushka uu keeni karo in la saaro cunaqabateyn dheeraad ah, taasoo ka baxsan cunaqabateyntii lagu soo rogay bishii December ee sanadkii 2020-kii,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Gantaalla S-400 waxay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan ee loo adeegsado weerarrada dhinaca cirka Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa uu sidoo kale sheegay in Washington ay Turkiga u aragto wdadan xulafo iyo saaxiib la ah, ayna hadda raadinayaan qaabkii ay ku sii xoojin lahaayeen xiriirka bah-wadaagnimo ee ay la leeyihiin Turkiga “inkastoo ay jiraan arrimo ay ku kala aragti duwan yihiin”. Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayay waaxda dhaqaalaha ee Mareykanka cunaqabateyn dul dhigtay Turkiga kaddib markii ay Ankara dalkeeda geysatay gantaallada difaaca hawada ee S-400 oo ay kasoo iibsadeen Ruushka. Bishii April ee sanadkna 2021-ka ayay dhaqan gashay cunaqabateyntaas oo lagu magacaabo “CAATSA”, waxaana sidaas Turkiga looga mamnuucay hub uu kasoo iibsan lahaa Mareykanka. Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa cunaqabateynta CAATSA ansixiyay sanadkii 2017-kii. Hindise sharciyeedkaas waxa uu sidoo kale waddada u xaaray in cunaqabateynno lagu soo rogo dalalka kala ah Ruushka, Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi. Labada waddan ayaa ka wada tirsan gaashaan buurta NATO, walow ay waxyaabo badan oo dhanka militariga khuseeya ay isku maan dhaafaan. Turkiga ayaa hadda wada wadahadallo uu Ruushka uga iibsanayo gantaalladaas, waxayna u muuqataa in Ankara aysan wax tixgelin ah siin doonin carada uu Mareykanku ka muujinayo tallaabadan. Erdogan ayaa marka uu wareysiga CBS bixinayay sheegay in uu farriin u dirayo madaxweyne Joe Biden. “Waxaan u sheegayaa Biden, arrintan waa lagama maarmaan. Horay waxaan uga iibsannay diyaaradaha noocoodu yahay F35. Waxaan bixinnay lacag dhan 1 bilyan iyo 400 oo milyan oo doolar balse Mareykanku nama uusan siinin diyaaradihii aan ka bixinnay 1 bilyan iyo 400 oo milyan oo doolar, maxaa diyaaradahaas naloo siin waayay, annagoo lacagtooda bixinnay?”. Maalinta Arbacada ah ayaa la filayaa in madaxweyne Erdogan uu la kulmo dhigiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin, arrimaha kale ee ay ka wada hadli doonaan labada hoggaamiyena waxaa ka mid noqon doona xaaladaha kasoo kordhay waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya. Sidey u shaqeeyaan gantaallada S-400? Gantaalladan ayaa leh raadaar la socda dhaqdhaqaaqa hawada, kaasoo marka uu wax khatar ah arko islamarkiiba xogta u diraya gaariga weyn ee ay gantaallada saaran yihiin Kaddib waxaa xiga qiimeyn lagu sameynayo waxyaabaha hawada lagu arkay iyo sida loo bartilmaameedsan karo Islamarkii bartilmaameedka la aqoonsado gaariga ay gantaallada saaran yihiin wuxuu amar ku bixinayaa in gantaal la rido Xogta ku saabsan meesha gantaalka lagu ridayo waxaa loo dirayaa gaariga sida ugu habboon u beegsan kara, hawada ayaana lagu fasaxayaa gantaalka Kadib raadaar kale oo loogu talo galay gantaallada la dira ayaa kusii hagaya bartilmaameedka loo waday Qaybtii ugu horreysay ee gantaallada S-400 waxa uu turkiga helay bartamihii sanadkii 2019-kii. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war kasoo saaray doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Aqalka Sare, taas oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray Senataradii ugu dambeeyey ee maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo Xerada Xalane. “Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Somailand ee Aqalka Sare oo uu muddo ka taagaan khilaaf xoogan. “Waa ku faraxsanahay in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay guul,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Maxamed Xuseen Rooble. Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyey ergadii ka qeyb-gashay doorashada iyo sidoo kale guddigii maamulayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland. “Waxaan hambalyo iyo ammaan u jeedinayaa ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay,” ayuu raaciyey. Hadalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la dhammeystiray doorashada 11-ka xubnood ee ay Somaliland ku leedahay golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. The post Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii maanta lagu soo gaba-gabeeyey Afisyoone? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyey doorashada aqalka sare e Somaliland kadib markii la doortay ilaa shan xildhibaan oo cusub. Senatorka cusub ee Saciid Cabdi Xasan waxaa u tanaasulay Jamac Cabdullahi Maxamed halka Naciimo Xasan Xaaji oo ah kursiga keliya tartan ka dhacay ay ka guuleystay Senatorada hadda ku fadhisay ee Muno Cumar Xasan iyo Sucaad Xasan Maxamed Senatorka cusub ee Axmed Maxamed Saciid waxaa u tanaasulay labadii la tartameysay ee Xasan Cabdi Gaas iyo Cabdirisaq Axmed Cali Waxaa isna Senator noqday Axmed Ibraahim Qorane kadib markii uu tanaasulay tartamihii kale ee Baashe Maxamed Ismaciil Dhankeeda Senatorada cusub ee Deeqa Xasan ayaa heshay kursiga, waxaa u tanaasushay Hodan Abuukar Maxamed. Shalay waxaa Aqalka saree e Somaliland loo doortay Bilaal Idiris, Leyo Axmed, Cusmaan Dubbe, Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi. Ilaa hadda guud ahaan aqalka sare waxaa loo doortay 46 xildhibaan, kuwaas oo kala ah Jubbaland(4), Koonfur Galbeed(8), Hirshabelle(6), Galmudug(6), Puntland(11) iyo Somaliland(11), waxaana dhimman 8 xubin oo keliya. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadam Online) – Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka. Jawaari ayaa marka hore soo saaray fariin la xiriirta doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, taas oo qorshuhu yahay in dhowaan la guda-galo. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in golaha shacabka uu saldhig u yahay dowladnimada, maadaama lagu go’aamiyo xal ka gaarista go’aanada culus. “Golaha shacabka waa meeshii saldhigga u aheyd dowladnimada dad badan ayaa yasaayo mararka qaarkood, laakiin haddii ay mas’ala adag dhacdo meesha la eeganaayo waa golaha shacabka oo la leeyahay go’aan ka gaara oo arrintaas xalliya,” ayuu yiri Prof. Jawaari. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan-yahay in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan kuwa leh karti iyo aqoon, si loo doorto xuldhibaano tayo leh. “Waxaa loo baahan-yahay in xubnaha golaha shacabka ay ahaadaan xubno qiimo iyo qadarintaasi leh, aqoontaas iyo fikrad dheer leh in meesha loo soo xulo waa lagama maarmaan,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyey in si deg-deg ah loo bilaabo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana heer gabagab ah jooga doorashada aqalka sare oo marxalado kala duwan laga soo maray. The post JAWAARI oo farriin culus kasoo saaray doorashada golaha shacabka Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - A police officer in Puntland reportedly shot dead a colleague Wednesday night barely two days after the presidential guard fired at a woman killing her in Garowe. Source: Hiiraan Online
-
Abwaan Qorone Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Aqalka Sare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa goordhaw la soo gabagabeyay doorashada Kursiga Sagaalad ee kuraasta Aqalka Sare Somaliland. Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Senator Axmed Ibraahim Maxamed Abwaan Qorone. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga Todobaad ee Aqalka Sare oo uu ku soo baxay Abwaan Qorane . Source: goobjoog.com -
Naciima Xasan Xaaji ayaa loo doortay Kursiga 8aad ee Senatarnimo ee Aqalka Sare ee Somaliland, waxaana ay ku soo baxday30 cod, iyadoo ka guuleysatay Muna Cumar Xasan oo horay Kursigan ugu fadhisay. Naciima ayaa La Taliye dhanka Sharciga u ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada Kursiga Sideedaad ee Doorashada oo ay ku soo baxday Senator Naciima Xasan Xaaji. Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw la soo gabagabeyay doorashada Kursiga Todobaad ee kuraasta Aqalka Sare Somaliland. Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Senator Saciid Xuseen. Senatorka ayaa horay u ahaa shaqsigi ku fadhiyay kursiga Afarti sano ee la soo dhaafay . Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga Todobaad ee Aqalka Sare oo uu ku soo baxay Saciid Xuseen. Source: goobjoog.com
-
Taliska guud ciidanka PMPF ee dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Bootaan Maxamed Bootaan oo xalay lagu dilay duleedka caasimadda Garoowe. Marxuumka oo ka tirsanaa saraakiisha rayidka ah ee hay’adda PMPF ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xigta Garoowe kadib muran dhexmaray isaga iyo ninka dilka gaystay. “Taliska Guud ee Ciidamada PMPF waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Bootaan Maxamed Bootaan oo xalay ku geeriyoodey Garoowe.” Aya lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay PMPF. Maxamed Cabdulqaadir Muuse Af-dheere oo ah ninka dilka gaystay ayaa saaka laga soo qabtay degaanka Budunbuto oo ka tirsan Gobolka Nugaal sida ay xaqiijiyeen Booliiska. Hay’adda PMPF oo ka kooban ciidan iyo saraakiil rayid ah ayaa maamusha ciidanka badda Puntland. PUNTLAND POST The post PMPF oo ka tacsiyeeyay dilka marxuum Bootaan appeared first on Puntland Post.
-
Dadka Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday. Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaankaasi ayaa dadka ku nool waxa ay haatan bilaabeen inay u soo baxaan doorashada si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada wakiillada golaha deegaanka iyo xildhibaannada deegaankaasi ku matali doona baarlamaanka federaalka ee Itoobiya. Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Bishii June, malaayiin qof oo ku nool illa toddobo gobol oo Itoobiya ah ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada Baarlamaanka, taas oo ahayd mid lagu muransanaa. Gobolka Tigray ayeysan ka dhicin codeyntaas, maadaama dagaallo ay saameeyeen Axsaabta mucaaradka ee ugu waaweyn Itoobiya ayaa diiday ka qeybgalka doorashadaas oo ay u arkayeen in “is dabamarin ay ka dhex jirto”. Xisbiga Talada haya ayaa si aqlabiyad ah ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka. Taas waxay Abiy Axmed siiyay fursad ah in shan sano oo kale uu dalkaas sii hoggaamiyo, waxaana la filayaa in xukuumad cusub oo soo dhiso 4-ta October. Sidoo kale, doorashada hadda ka socota Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa qaadacay asxaabta qaar. Waxaa ka mid ah ONLF oo Khamiistii sheegtay in ay isaga hartay ka qeybgalka doorashada, waxayna eedeeyeen xisbiga talada haya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana la doortay kuraastii ugu dambeysay xubnaha ka imaanaya dhanka Somaliland. Saciid Cabdi Xasan ayaa ku soo baxay kursiga 7-aad, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Jaamac Cabdilaahi Maxamed Intaas kadib ayaa waxaa codeyn gacan taag ah loo qaaday musharrax Saciid oo helay 42 cod, waxaana sidaas uu markale ku noqday Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kursiga 8-aad ku soo baxday Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay 30 cod, halka Muno Cumar Xasan oo horey uga fadhisay kursigaas ay heshay 13 cod. Kursiga kale ee 9-aad waxaa ku guuleystay Sanatar Axmed Maxamed Saciid, waxaana la tartamayey labo musharax oo midkood uusan imaan goobta codeynta, wuxuu isna ku soo baxay cod gacan-taag ah, kadib markii uu tanaasulay Cabdirisaaq Axmed Cali oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa kale oo kursiga 10-aad ku guuleystay musharrax Axmed Ibraahim (Qorane) oo isna ku soo baxay cod gacan taag ah, halka kursiga ugu dambeeyey ay iyana ku guuleysatay Deeqo Xassan Xuseen oo loo tanaasulay horeyna ugu fadhiday kursigaasi. Tani ayaa ka dhigan in lasoo gaba-gabeeyey doorashada Somaliland ee Aqalka Sare, iyada shalay la doortay lixda Senatar ee kale, waxaana ku soo baxay kuraastaasi: Sen. Cabdi Xaashi Cabdullahi Sen. Saalax Axmed Jaamac Sen. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Sen. Cismaan Obokar Dubbe Sen. Leyla Axmed Ismaaciil Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxayna taasi soo dadajisay in la qabto dooerashada xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya Aqalka Sare. The post Doorashada Somaliland ee Aqalka Sare oo la soo gaba-gabeeyey – Yaa soo baxay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Xasan Cabdi Caynaanshe oo sanadkaan isku soo taagay inuu u tartamo xubin ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka noqday go’aankiisii ahaa inuu tartamo, kadib markii sida uu sheegay uu ka naxay ‘laaluushka iyo musuqa la isku dooranayo.’ Caynaanshe oo doonayey inuu u tartamo mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay in shalay markii uu tegay teendhada Afisyooni uu ku soo arkay aqoonyahanadii caanka ahaa oo odayaal ku baryaya laaluush si ay u doortaan, taas oo sida uu tilmaamay ku kaliftay in tartanka uu isaga haro. Sidoo kale Musharax Caynaanshe waxa uu sheegay in odayaasha wax dooranaya ay u sheegeen in qiimaha ay ku dooranayaan uu ka badan yahay kan musharaxiinta kale, iyagoo baqdin ka muujiyey shakhsiyadiisa, sida uu sheegay. “Ma aaminsani in nin saan arkay ku soo baxay uu Soomaali maanta wax u sheegi karo, waxaan doonayey in wadaniyada iyo Soomaalinimada aan aaminsanahay la igu doorto, hadii aan guuleystana waxaan u tartami lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare,” ayuu yiri Xasan Cabdi Caynaanshe. Sidoo kale waxa uu sheegay in musharaxnimadiisii uu ka noqday isagoo dhowraya sharafta ‘dadka wadaniyiinta ah’ kadib markii lagu xujeeyey lacag badan, sidoo kalena looga baqay sidii Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Caynaanshe. “Odayaasha su’aalo ayey i weydiiyeen, waxaa jirta arrin ay i weydiiyeen oo ay ula tageen shaqsiyaad dowladda ka tirsan, waxay u sheegeen in qiimo ka badan kan dadka kale ay igu soo saarayaan, waxay kaloo odayaashu sheegeen in Maxamed Siyaad Barre aan u egahay oo ay iiga baqeen sidiisii, laakiin sababta ma garanayo oo anigu waligey dad ma dilin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cabdi Caynaanshe. Hoos ka daawo The post “Tartanka waan isaga haray markii ay odayaashu iiga baqeen inaan Siyaad Barre oo kale ku noqdo” + Video appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Sri lank)-Afar kalluumeysato Soomaali ah oo muddo shan bilood ah ku maqnaa badda ayaa shalay ka soo hadlay waddanka Sri Lanka, kaddib markii ay soo badbaadisay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas. Kamaal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya oo ay raggaasi iyo doontooduba ka tirsan yihiin ayaa VOA u xaqjiiyay in nolol lagu helay raggan kalluumeysatada ahaa ee la la’aa. Guddoomiye Kamaal ayaa sheegay in doon ay wateen kalluumeysatada Soomaalida ahaa ay ku luntay badda, xili ay socdeen dabeylo xoogan, ayna la’aayeen muddo ku dhow shan bilood, kuwaasi oo markii dambe kasoo hadlay Sri Lanka, iyagoona uu badbaadiyey markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas. Waxaa uu sheegay Kamaal Maki in ragga la socday doonta ay is maareeyeen intii ay badda ku jireen, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin Sri Lanka oo ay qorsheynayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka Soomaaliya. Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Kamaal ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Magacyada kalluumeysatada oo ay ka dalbadeen in raggaas dib loogu celiyo dalka, hayeeshee dowladda ku wargelisay in Safaarad aysan ku laheyn Sri Lanka. Ugu dambeyn Guddoomiyaha iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in weli badda uga maqan yihiin saddex doon oo nooca kalluumeysiga, balse dadkii la socday lasoo badbaadiyey, kadib markii ay qaateen dabeylo xoogan. Source