-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Hudda Ibrahim made history on Monday as the first Somali American appointed to the St. Cloud City Council. With a unanimous vote, Ibrahim was selected to fill the vacant Ward 3 seat, succeeding Jake Anderson, recently elected mayor. Source: Hiiraan Online
-
Paris (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ku matala xisbiyada midigta-fog iyo bidixda-fog ayaa Arbacadi shalay ku midoobay diidmada codka kalsoonida ee xukuumadda Faransiiska, taas oo keentay in ay is casilaan Ra’iisul wasaare Michel Barnier iyo golagiisa wasiirrada. Khilaafkan siyaasadeed oo ah mid sii qoto-dheeraanaya ayaa ku billowday muran dhanka miisaaniyadda ah, kaas oo ugu danbeynti keenay in marki ugu horreysay ay codka kalsoonida weyso xukumadda Faransiiska tan iyo sannadki 1962. Golaha Sharci-dajinta Faransiiska ayaa mooshinka ka dhanka ahaa xukuumadda ku ansixiyay 331 cod, iyadoo marki hore loo baahnaa 288 cod. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku adkeystay in uu xafiiska sii joogi doono ilaa uu ka dhameysanayo muddo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027-ka, hase yeeshee ku qasbanaan doono inuu soo magacaabo ra’isulwasaare cusub. Macron ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabka Faransiiska caawa fiidkii. Waxaa la filayaa in uu si deg deg ah ugu dhawaaqo ra’iisul wasaare cusub.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Ayaa gudoomiyay shir ay isugu yimaadeen Taliyayaasha, Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa, banaan, kaasoo ka dhacay Xarunta taliska guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Shirkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Caasimadda, isagoo taliyaha saraakiishan faray in la dardargeliyo qorshayaasha sugidda amniga, laguna xoojiyo wada shaqeynta iyo isku-dubaridka hawlgallada Boliiska Soomaaliyeed ee dhanka Amniga. Taliye Asad ayaa carrabka ku adkeeyay in Boliiska Soomaaliyeed ay ka go’an tahay ilaalinta amniga Dalka, gaar ahaan midka caasimadda ayna tahay mudnaantiisa koowaad. Waxa uu sidoo kale taliyaha amray in lasii xoojiyo sugida amniga Caasinadda, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, wadashaqeynta boliiska iyo bulshada si loo helo xog-isweydaarsi hufan oo ka qeyb qaata sugidda amniga. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ayaa siyaabo kala duwan u arka tallaabo dad shacab ah looga rarayo xaafadda Kalluunka oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii la sheegay in dadkaas horey loo siiyay ogeysiis ku saabsan inay halkaas iskaga guuraan. Dadka qaar ayaa sheegaya in aaney haysan meel ay aadaan dowladduna aanay dhul kale siin oo ay degaan. Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in ay dadkii deganaa ka rarto guryihii deegaanka ahaa ee Wasaaradda Kalluunka ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo qoysas badan ay muddo dheer deganayeen. Ciidamo ka socda booliska Soomaaliya ayaa tagay xaafadda Kalluunka ee magaalada Muqdisho, xilli saqdhexe ah, waxaana lagu amray dadka in ay halkaas iskaga guuraan, amarka dowladda ayaa deg deg u fulay, balse waxay dadku wajaheen duruuf adag. Waxaa jirtay warqad horay ugasoo baxday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka oo dadka deegaankaasi deggan loogu sheegay in ay isaga guuraan dhulkaas, maadaama ay dowladdu u soo baahatay. Dadkii deganaa dhulkaas ayaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegay in ay cabasho ka qabaan hanaanka ay dhulkaasi dowladdu uga saareeyso, balse ugu danbeyntii maalintii shalay ee Talaadada ayaa qoysaskii laga saaray halkaas. Waxa la arkayey qoysas badan oo alaabtooda halkaasi ka guranaya, waxayna sheegeen in aanay garaneynin meel ay u guuraan, laakiin ay sheegeen in hadda lagu qasbay in ay halkaasi ka baxaan. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilowday inay dib ula wareegto dhulalkii dowladda, waxaana arrintaas cabasho ka ah shacabka, maadaama aysan dowladdu siineyn deegaan kale. Siyaayiinta mucaardka ku ah dowladda ayaa ku dhaliilay in dhulkii danta guud ee dowladdu lahayd dadkii laga saarayo, dowladduna aanay si sax ah u maamuleynin oo ay ganacsato iyo dad kale ka iibsanayaan xubno uu ugu weyn yahay Xasan Sheekh. Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hantida qaar aanay dowladdu iibi karin sida xeryaha Ciidamada, isagoo si cad u sheegay in nidaam sax ah aan loo marin dhul badan oo qoysaskii deganaa laga barakiciyey. “Qofka muwaadinka ah, sida sharciga ku qoran dowladda waxa uu xaq ugu leeyahay in uu helo hoy, marka laga bixinayo guri ama deegaan, waa in loo diyaariyaa meel kale,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
-
Hague (Caasimada Online) – Warbixin ay Khamiista maanta soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa ku eedeysay Isra’il in ay xasuuq u geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza. Kooxdan xuquuqda aadanaha ee xaruntoodu tahay London, ayaa sheegay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kaddib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka Gaza iyo hadallada saraakiisha dowladda Isra’il. Warbixinta ayaa ku eedeysay Isra’il in ay si ula kac ah u burburineyso Falastiiniyiinta iyada oo adeegsaneyso weeraro lagu hoobtay, burin ay u geysaneyso kaabayaasha muhiimka ah ee Gaza, iyo in ay si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo cunto, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah. Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza. Israa’iil ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-ki. Wali wax jawaab deg deg ah kama aysan bixin saraakiisha Isra’il, warbixinta saakay kasoo baxday Amnesty. Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kaddib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sannadki hore. Weerarkaas ayay Isra’il sheegtay in ay Xamaas ku dishay ilaa 1,200 oo qof, isla markaana afduubtay 250 Isra’iliyiin ah. Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Isha: VOA
-
Somaliland’s Elections: The Role of International Observers
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Debating Ideas reflects the values and editorial ethos of the African Arguments book series, publishing engaged, often radical, scholarship, original and activist writing from within the African continent and beyond. It offers debates and engagements, contexts and controversies, and reviews and responses flowing from the African Arguments books. It is edited and managed by the International African Institute, hosted at SOAS University of London, the owners of the book series of the same name. The authors served as international election observers during Somaliland’s 2024 presidential election. This piece reflects their firsthand experiences and insights gathered from observing the electoral process in various locations across the country. Their perspectives are informed by direct engagement with polling stations, political actors, and the broader democratic environment in Somaliland. Somaliland held its fourth presidential election under a one-person, one-vote system on 13 November 2024. This reaffirmed its status as the Horn of Africa’s most genuine democracy. As citizens of a de facto independent but internationally unrecognized state, Somalilanders turned out to vote in shaping their country’s future, which has been politically divorced from Somalia since 1991. Polling stations we visited in cities like Berbera, Borama, Gabiley, and Hargeisa were orderly and well-staffed, with diligent National Electoral Commission (NEC) workers – many of them women – ensuring a smooth process. While the day was largely peaceful and celebratory, minor issues such as underage voters and occasional long lines highlighted areas for improvement. The election was a turning point, with opposition leader Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cirro) and his Waddani party claiming victory over incumbent President Muse Bihi and his Kulmiye party. Somaliland’s unique three-party system offered voters clear choices about the nation’s direction and underscored the maturity of its democratic processes. It showcased the robust role an independent and legitimate NEC like Somaliland’s can play. It also revealed the complexities and misconceptions surrounding the role of international election observers. Political role of election observers International election observers are invited to observe elections precisely to exercise political agency in ensuring democratic integrity while remaining impartial in terms of who wins. This aligns with the Declaration of Principles for International Election Observation and Code of Conduct for International Election Observers commemorated at the UN in 2005, and now endorsed by 54 intergovernmental and international organizations. For example, it conforms to the principle that genuine democratic elections are an expression of sovereignty belonging to the people, with free elections serving to resolve political competition peacefully and maintain stability (Declaration, no. 1). In Somaliland’s election, four teams of international observers from Africa, Europe, and North America were invited. By their very presence, observers serve as visible witnesses to the democratic process, and can help to deter ballot-stuffing, fraud, or other anti-democratic practices. Observers are impartial, but their impact is not neutral; their role is inherently political, as it can influence perceptions of legitimacy and help set expectations for the accountability of political actors. This responsibility underscores the impartial yet influential role of observers in assessing electoral processes, offering recommendations for improvement, and promoting public confidence and participation (Declaration, no. 4). In Somaliland, observers also had the unique opportunity to meet with the country’s most influential political figures, including leaders of the three political parties and President Muse Bihi. These private, question-and-answer sessions further underscored our role as more than passive observers: we were active participants in shaping how the election would be perceived, both domestically and internationally. Such activities are supported by the principle that observers should engage with political competitors to evaluate electoral integrity and make recommendations to safeguard the process (Declaration, no. 15). Somaliland’s politicians understood this dynamic well. All parties recognized that a successful, credible election was essential for advancing their broader goal of achieving international recognition as an independent state. This heightened the stakes of Somaliland’s election, and our mission, reinforcing the critical role observers play – not only in documenting elections but in potentially influencing political behaviour. A balancing act: impartiality and influence While observers aim to remain impartial, neutrality does not erase the political dimensions of their role. Governments, like Somaliland’s, often invite observers to bolster their international credibility and affirm their commitment to democracy. Observers, in turn, act as guarantors of legitimacy, but this responsibility carries the risk of misinterpretation that may lead to inaction and malaise. The Code of Conduct states international election observers “must not express or exhibit any bias or preference in relation to national authorities, political parties, candidates, referenda issues or in relation to any contentious issues in the election process. Observers also must not conduct any activity that could be reasonably perceived as favoring or providing partisan gain for any political competitor in the host country, such as wearing or displaying any partisan symbols, colors, banners or accepting anything of value from political competitors” (Code of Conduct, no. 4). Kenyan observer team at Hargeisa Cultural Centre, 12 November 2024. Photo by Elections Observation team As election day approached, some of us grew concerned that political tensions could escalate if the results were disputed. Two observer teams proposed a joint statement urging the three main parties to publicly reaffirm their commitment to the NEC’s Code of Conduct, call on their supporters to remain calm, and respect the official results. This proactive step aimed to pre-empt unrest and reinforce public trust in the democratic process. This action would have been congruent with the Declaration’s mandate for impartial recommendations to improve processes and support non-violence and stability. Specifically, “International election observation missions are expected to issue timely, accurate and impartial statements to the public … presenting their findings, conclusions and any appropriate recommendations they determine could help improve election related processes” (Declaration, para. 7). However, not all observer teams agreed. Some argued that the political environment appeared stable and that such a statement might imply instability or raise doubts about the parties’ intentions. Others worried it could blur the line between observation and intervention, putting observers at the centre of the process. But this contradicted our mandate whereby observers are empowered to engage with all stakeholders, evaluate challenges, and promote the peaceful resolution of disputes, consistent with international principles (Declaration, para. 5). The reluctance of two of the four teams revealed a fundamental misunderstanding of our role. International election observers are not apolitical bystanders. As impartial actors, we are tasked with ensuring that the election reflects the will of the people and that all parties adhere to democratic norms. Encouraging parties to uphold commitments to non-violence and peaceful transitions is central to our mission and underscores the inherently political nature of our work. Receiving those assurances in private is one thing, publicly proclaiming the parties’ adherence to Somaliland’s Code of Conduct, in this case, and commitment to non-violence and peaceful transition of power is quite another. Dual roles of international election observers Our mission in Somaliland highlighted the dual nature of international election observers. While impartial in terms of political outcomes, we are political actors in shaping perceptions and promoting democratic integrity. Our presence can influence the behaviour of political parties, voters, and institutions, particularly in countries with young or fragile democracies like Somaliland. This balance is explicitly acknowledged in the Declaration, which positions international observers as impartial evaluators working to protect and promote democratic principles (Declaration, para. 6). This balance between observing and intervening is delicate but necessary and is supported by mandating cooperation with electoral authorities and encouraging public reporting to bolster trust and transparency (Declaration, para. 7). Observers must be willing to navigate these tensions to strengthen the foundations of democracy. Somaliland’s election demonstrated that this path requires accountability, transparency, and a steadfast commitment to peace. Impartiality does not mean avoiding influence; it means using influence shaped by a constructive and appropriate set of political ideas to protect and promote democratic principles. The African Union (AU) has a mandate that aligns closely with this ethos, that emphasizes the promotion of democratic governance and conflict resolution as part of its pan-African stride toward stability and prosperity. Its principles of solidarity, unity, and collective responsibility – echoed in the philosophy of Ubuntu, which values shared humanity and mutual respect – can serve as a constructive framework for the work of election observers. These ideals encourage proactive engagement where necessary, ensuring that influence is wielded to promote peace and democratic integrity. As authors, we believe such visions and their underlying principles would contribute meaningfully to the debate over the role of international election observers and build on the foundation of the Declaration of Principles. This could possibly shape future election observations and shape their role to better promote positive and inclusive electoral outcomes. Kenyan observer team, Gabiley, 13 November 2024. Photo by Elections Observation team The balance between observing and intervening is delicate but essential. International election observers must navigate these tensions to strengthen democratic practices and institutions. Somaliland’s election demonstrated that this approach demands accountability, transparency, and a steadfast commitment to peace. By walking this tightrope, international election observers play a pivotal role in supporting democracy, helping to ensure elections are free and fair, and ultimately helping nations like Somaliland build a more stable and legitimate political future. Brendon J. Cannon and Rashid Abdi Brendon J. Cannon is Associate Professor of International Security at Khalifa University of Science and Technology, Abu Dhabi, UAE. Rashid Abdi is Director of Research and Publications at Sahan Research, a policy think-tank on the Horn of Africa. SOURCE:AFRICANARGUMENTS Qaran News -
Raaskambooni (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa la sheegay inay berri u safrayaan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay sal-dhigteen. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diiwaan gelin ku bilowday ciidankii Jubbaland ee go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo maalin kasta gaaraya Raaskambooni, iyagoo ka baxsanaya maamulka Axmed Madoobe. Maanta ciidamo hor leh ayey dowladda Soomaaliya geysay Raaskambooni, kuwaas oo ah ciidankii lagu soo tababaray Eritrea ee Ilaalo Qaran. Waxaa halkaas berri tegaya wafdi culus oo la sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu hoggaaminayo, waxaana socda qorshe culus oo xidida loogu siibayo Axmed Madoobe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay munaasabad ka dhacday Muqdisho ka sheegay in Axmed Madoobe doonayo inuu isku laayo ciidanka, balse wuxuu ciidanka Jubbaland ku amaanay inay diideen in ciidanka qaranka ay la dagaalamaan. Xamsa ayaa balan-qaadyo culus u sameeyey ciidamada ka soo goostay Axmed Madoobe ee ku soo biiray ciidanka qaranka, waxaana bilowday fulinta balan-qaadkaas. Dowladda ayaa maanta bilowday diiwaan gelinta ciidankaas, waxaana weli Raaskambooni ku soo qulqulaya ciidamo hor leh oo ka soo baxaya safka Axmed Madoobe.
-
Shir ay yeesheen taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 30-kii Nofeembar, ilaa 4-tii Diseembar 2024, ayaa diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;- 1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya. 2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS. 3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya. 4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya. 5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh. 6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM. 7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM. Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;- 1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya. 2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS. 3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya. 4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya. 5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh. 6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM. 7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM. Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay gaadiid gaashaaman iyo diyaarado dagaal oo ay dhowaan soo iibsatay, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadan doona gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo difaaca dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa la wareegay Gaadiidkan oo ka kooban noocyo kala duwan, isagoo dhanka kale Kormeeray Diyaaradaha Ciidamada Cirka Soomaaliyeed. Qalabaynta ciidanka xoogga dalka ayaa u muuqata inay dowladdu xoogga saarayso, xilli uu dalku wajahayo daandaansiga dhul boobka ah ee Itoobiya iyo dagaalka Alshabaab oo daba dheeraaday. Source: goobjoog.com
-
Mohamud Sayid Adan: “The aim of deploying troops from Mogadishu to Raaskaambooni is to overthrow the Jubaland State administration.” Kismaayo (PP News Desk) — The Vice President of Jubaland State of Somalia, Mohamud Sayid Aden, today accused the Federal Government of Somalia of deploying troops to Raaskaambooni. “The aim of deploying troops to Raaskaambooni is to overthrow the Jubaland State administration. When ATMIS vacated bases such as Raaskaambooni and other parts of Jubaland, the constitutional Jubaland Dervish Forces took over because the Federal Government of Somalia claimed it was unable to deploy the national army. When we requested a brigade of the Somali army as reinforcement in Ceelwaaq, the government deployed ill-disciplined soldiers who looted from citizens. We asked for a federal martial court to put the suspects on trial, but the federal government insisted that the suspects should be tried in the Jubaland martial court,” Mohamud said. The Jubaland Vice President deplored the decision to deploy Türkiye-trained Somali soldiers to fight other Somali forces instead of focusing on terror groups. “Political differences should be addressed through dialogue. Constitutional amendments require consensus,” he added. Jubaland State has given the Federal Government of Somalia a two-week ultimatum to withdraw troops from Raaskaambooni. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland VP Condemns Deployment of Türkiye-Trained Somali Soldiers appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta yeeshay shirkoodii u dambeeyay, kaasi oo looga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee Somaliland iyo diyaargarowga waqtigan kala guurka ah ee la galay. Shirka kaddib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cali Marreexaan ayaa faah-faahiyey qodobbadii shirku ku saabsanaa iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loogu saaray. Wasiirku waxa uu xusay in goluhu ugu horrayn bulshada u caddeeyey in xukuumaddu dusha u ridatay dhammaanba hawlihii iyo culaysyadii ay lahaayeen doorashooyinkii isa saarnaa ee Madaxtooyada,xis biyada, golayaasha deegaanka iyo wakiillada, si loo dhiso oo loo adkeeyo dhismaha qaranka, dhidibadana loogu taago dawladnimada, iyada oo doorashooyinkaasi bileen korna u qaadeen maqaamkii Somaliland dunida inteeda kale ka taagnayd. Goluhu waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqay taageerayaashii baaxadda lahaa ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisaba codka siiyey iyo shacabka reer Somaliland ee muddada 14-sanno ah masiinkooda iyo taladoodaba ku aaminay xisbiga guunka ah ee Kulmiye. Goluhu waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee xukuumaddu gadh-wadeenka ka ahayd oo sare u qaaday maqaamkii Iyo sharaftii ay Somaliland dunida ku lahayd. Wasiir Cali Mareexaan waxa uu caddeeyey in goluhu isla qaatay in sidii horeba loogu yaqaanay xisbiga Kulmiye isu diyaarinayo xisbi mucaarid ah oo si waayeelnimo, xilkasnimo iyo tudhaale ku jiro wax u mucaarida oo mucaaradaddiisu noqoto mid wax dhista. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban oo dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira shirka ka jeediyey, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay golihiisa wasiirrada iyo sida hagar la’aanta ah ula soo shaqeeyey. Waxa uuna guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% (Boqolkiiba Sagaashan) dusha u ridatay usoo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin waayeelnimo ah u diray bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid ba waxana uu labada dhinacba ugu baaqay inay cagta u dhigaan oo ka fiirsadaan jidka ay qaadayaan, maaddaama oo doorashooyinkii laga soo gudbay, waxana isaga oo mucaardka dhawaan talada la wareegaya. Qolyaha mucaaridka ahaa waxan leeyahay doorashadii waad hesheen, waana aannu idin hambalyeynay, qaran inaynu dhisno ayeynu u jeednaaye idinka hadal dambe oo mucaaridnimo iyo turxaan lihi idiin ma bannaano ee dib isugu noqda.” Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale la hadlay taageerayaasha xisbigiiza iyo madaxdoodaba, waxana uu ugu baaqay inay fursad siiyaan dawladda dhawaan xisbiga guulaystay soo dhisi doono oo ay baxnaaniyeen. “Qolada Kulmiye waxan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu noqdo oo ummushaba waa la afartan bixiyaa.” Waxa uu intaas kusii daray “Dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan deg-deg ah oo muhiim ah, kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada. Kulanka waxaa ka qayb galay guddiga qaran ee NAMLC, hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaq-dhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada. Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
-
Raaskaambooni, a coastal area in Jubaland, is near Lamu and other tourist resorts in Kenya. Kismaayo (PP News Desk) — The political conflict brewing in Jubaland State of Somalia is reportedly affecting tourism resorts in the coastal region of Kenya. The Federal Government of Somalia despatched troops to Raaskaambooni following the election of Jubaland President Ahmed Mohamed Islam. The Federal Government of Somalia denounced the election and accused the Jubaland President of reneging on joint declarations he signed as a member of the National Consultative Council. Raaskaambooni, a coastal area in Jubaland, is near Lamu and other tourist resorts in Kenya. Unconfirmed reports indicate that ATMIS troops in Raaskaambooni have withdrawn from the area in response to possible confrontations between the Jubaland Forces and Somali troops airlifted from Mogadishu to Raaskaambooni. The development comes in the wake of a renewed Al-Shabaab offensive in Middle Shabelle and Lower Shabelle. Jubaland authorities gave the Somali government a two-week ultimatum to withdraw troops from Raaskaambooni. Travel agents and tour operators in Nairobi have begun advising tourists and visitors to Lamu about the uncertainty surrounding the potential conflict in the coastal areas of Jubaland State of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland Conflict “Affecting” Kenya’s Tourism Industry appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa faah-faahin dheeraad ka bixiyay howl-gal qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howl-galkan ayaa waxay ciidanka NISA la beegsadeen Shabaab waday abaabul xooggan, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. “Howl-galkan ayaa yimid kadib markii sirdoonka qaranka uu helay xogta maleeshiyaadkan ka tirsan Khawaarijta oo waday abaabul lagu carqaladeynayo amniga,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’adda NISA. Howl-galkan ay fuliyeen ciidanka hay’adda NISA ayaa waxaa lagu dilay illaa 23 dagaal-yahaano Shabaab ah, iyadoo sidoo kale lagu bur-buriyay taliskii kooxda ee aaggaasi. NISA ayaa dadka rayidka ah ku wargelisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee bartilmaameedka u ah ciidamada qaranka. Hay’adda oo door muhiim ah ka qaadata dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sifeyn ka waday duleedka caasimadda, gaar ahaan deegaanada dhaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Inkasta oo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu hoos u dhacay gobollada qaar, haddana dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii loo dardar-gelin lahaa howl-galka, ayada oo dhawaan isbeddel ku sameysay hoggaanka ciidanka.
-
Halgankii 13 sano ahaa wajigii 1aad wuu soo dhamaaday bilowga wajiga 2aad oo 10 maalmood kadib bilaami doona wuxuu ka bilaamayaa. 1,Dib u heshiisiin iyo daawaynta quluubta dadka reer somaliland. 2,Cidhibtirka colaadaha jira. 3,Dib u dhisida haybadii iyo haykalkii dawladnimo., 4,Horumarinta 6 gobol, 5,Ictiraaf. caalamiya, kuwani dafaka iyo hiigsiga maxamed cabdiraxman cirro. Marka aad nin himillada, hilin toosan mariyoo hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo haga maatadiisoo, la higsade dhashaa baa hooyo lagu xusuustaa.abwaan hadraawi By Maxamed Carab Wacays Qaran News
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenkii gobolka ee Somaliland Jaamac Maxamuud Warsame, kaas oo kasoo goostay maamulka Hargeysa. Jaamac Maxamuud ayaa saaka soo gaaray degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, maadaama ay joogaan ciidanka SSC-Khaatumo. Mas’uulkan ayaa sidoo kale lasoo goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay, kuwaas oo ay lahayd Somaliland oo weli dagaal kula jirta SSC-Khaatumo Guddoomiye ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegay in markii horeba uu ahaa nin deegaanka kasoo jeedo, haddana dadkiisii u yimid. “Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, fadhiga ayaynu isku waraysan doonaa” ayuu Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu goostay. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo indhawaanahan magaalada Ceerigaabo ay ka taagnayd xiisad culus oo sababtay amaan darri, iyada oo dad kala duwan lagu dilay magaaladaasi. Dhanka kale waxaa weli halkeedii xiisadda u dhexeyso Somaliland iyo SSC-Khaatumo, waxaana warkii ugu dambeeyay oo xalay kasoo baxay maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood lagu sheegay in aanu wax hadal ah kala dhexeyn maamulka Hargeysa. “Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.
-
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in dakhligii ka soo gali jiray qadka uu hoos u dhac ku yimid. Kulan uu baarlamaanka dalkaas yeeshay shalay ayaa lagu lafa guray arrintaas, waxaana mudaneyaasha baarlamaanku ay xukuumadda ku weeydiiyeen su’aalo la xiriiray arrimaha dhaqaalaha, sida nolosha sii adkaanaysa, ganacsiga sharci darrada ah, sare u kaca ku yimid badeecada gudaha dalka ka timaada, sicir bararka iyo arrimo kale. Wasiirka ganacsiga ee Itoobiya Kassahun Gofe oo su’aalahaas ka jawaabayey wuxuu sheegay in sababaha keenay hoos u dhaca dakhliga ay ugu waaweyn yihiin 3 arrimood oo kala ah sare u qaadidda dakhliga beeraleyda, xoojinta dhaqaalaha ka soo xarooda lacagaha qalaad, iyo sare u qaadidda canshuuraha ay gobolladu qaadaan. Waxaa jira seddex arrimood oo muhiim ah oo qaadka ku taxalluqa, dawladda federaalka iyo dawlad goboleedkana ay isku af garteen. Midda ugu horreysa waa in qaadku uu muhiim u yahay nolosha beeraleyda, waxaana jirta baahi loo qabo in sare loo qaado dakhliga ay ka helaan. Tan labaad, oo ah walaaca ay qabto dawladda federaalka ayaa ah in qaadku yahay sheyga labaad ee Itoobiya ay dibadda u dhoofiso marka laga yimaado bunka. Taa darteed xukuumadda federaalka aad ayey u danaynaysaa in sare loo qaado dakhliga laga helo dibad u dhoofintiisa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga ee Itoobiya Kassahun wuxuu sheegay in Oktoobar 2022 ay ahayd xilli adag, waayo wuxuu sheegay inay sheegay inay ahayd markii dawlad goboleedyadu bilaabeen inay canshuuraan qaadka. Wuxuu kaloo intaa ku daray in “go’aanka ay Soomaaliya ku gaartay inay soo waariddo qaad jaban oo Kenya ka yimaada uu saamayn taban ku yeeshay dakhligii dibad wax u dhoofinta ee Itoobiya”. Wasiirka ayaa wuxuu qiray inay jiraan ilaa 283 isbaaro oo dalka yaalla, taana saamayn ay ku yeelatay dakhligii laga heli jiray qaadka. Meelaha ugu badan ee qaadka Itoobiya loo iibgeeyo, lagana cuno waxaa ugu horreysa Somaliland. Arrinta uu wasiirka ganacsiga ee Itoobiya ka hadlay waxaa dhanka kalena laga dareemay Somaliland oo sida uu BBC u sheegay Khaalid Cabdi Nuur oo ah cilmi baare iyo macallin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargaysa. “Si guud, waa laga dareemay waayo markii dalabku bato, caddadka la helayana uu yaraado qimaha ayaa sare u kaca, markaa wuu sii qaaliyoobay qaadku” ayuu yiri. Dhanka kalena sannadihii u dambeeyey wuxuu sheegay in qaadkii kastamada Somaliland ka soo gali jiray uu hoos u dhaco 20%, taana ay saamayn ku yeelato miisaaniyadda Somaliland, gaar ahaan sannadkii hore. Iyadoo la tixraacayo hadalka wasiirka ganacsiga ee Itoobiya, ayaa Khaalid wuxuu sheegay in isbaarooyinka uu wasiirku sheegay ee gudaha Itoobiya ay keeneen in ay abuurmaan wadooyin qarda jeex ah oo dhulka hawdka ah mara oo qaad walayaashu ay qaadka soo mariyaan, sidaana ay Somaliland ku soo galiyaan. “Arrintaa Somaliland way saamaysay, waayo waxaa soo baxay qaad aan kastamada soo marin oo koontarobaan ahaan ku soo gala, aad ayuuna u soo batay. Tusaale ahaan, waxaan arkay qaad joogay lacag u dhiganta 8 doollar oo beryo dhawayd, in yar ka hor xilligii doorashada la kala siisanayey 4 doollar” ayuu sheegay Khaalid Cabdi Nuur. Meelaha ugu badan ee uu qaadkaas ka soo galo ayuu Khaalid ku tilmaamay dhanka Balli gubadle oo Hargeysa koofur kaga began, ayadoo dhanka Burcana uu ka soo galo Balli dhiig oo ilaa 200Km koofur ka xigta Burco. Xukuumadda Somaliland oo aan la xiriirnay nooma suurto gelin in aan jawaab ka helno. Lacag xoog leh ayaa lagu soo iibiyaa qaadka hareeriga oo si maalinle ah u soo gala deegaanada Somaliland, kaasoo ka yimaada gobolka Oromada ee Itoobiya. “Warbixintii ugu dambaysay ee ay shaacisay dawladda waxay ku sheegtay in sanadkii lacag ilaa 180 malyan oo dollar ah ay ku baxdo qaadka la keeno Somaliland ee ka yimaada Itoobiya, halka maalintiina qaadka Itoobiya looga soo iibiyo ilaa $500,000” ayuu yiri Khaalid Qaran News
-
U.S. delegation engages Somaliland leaders on security and cooperation Addis Ababa, December 4, 2024 (FBC) – A high-profile U.S. delegation led by Ambassador Richard H. Riley and Major General Brian Cashman visited Somaliland on Tuesday, marking a significant engagement following Somaliland’s recently concluded presidential election. The delegation first met with the outgoing President Muse Bihi Abdi, followed by a meeting with President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro in the capital, Hargeisa. According to the U.S. Embassy, the delegation congratulated both leaders on Somaliland’s peaceful and democratic election and discussed opportunities to advance peace, stability, and prosperity in the Horn of Africa. President-elect Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro, in a post on X (formerly Twitter), shared highlights of the meeting: “I had the honour of meeting today with the U.S. delegation led by Ambassador Riley and Major General Cashman. We had productive discussions on key issues, including regional security, advancing democracy, and strengthening areas of cooperation between Somaliland and the U.S. government. This engagement reflects our shared commitment to peace, stability, cooperation, and progress in the Horn of Africa.” The delegation included Major General Cashman, commander of the United States Africa Command (AFRICOM), along with senior diplomats and military officials. Discussions during the visit centered on enhancing diplomatic and security ties between Somaliland and the United States, reflecting mutual interests in maintaining peace and stability in the region. The U.S. delegation commended Somaliland’s transparent and credible election process, which has been praised internationally as a model for democratic governance in the region. Both Somaliland and the United States recently conducted elections, ushering in new administrations. This shared milestone underscores the importance of bolstering bilateral relations in a rapidly evolving geopolitical landscape. Somaliland’s strategic location in the Horn of Africa continues to attract global attention for its importance in security and trade. The U.S. and its allies have expressed interest in deeper engagement with Somaliland to address shared challenges and opportunities in the region. The visit is seen as a positive step toward strengthening ties between Somaliland and the United States, paving the way for enhanced cooperation on regional security, governance, and economic development. Qaran News
-
Milateriga Suuriya ayaa waxaa u suurtagashay inay xoogagga mucaaradka Suuriya ay kala wareegan gacan ku heynta aagag kamid ah magaalada Xamaa, kadib markii ay labada dhinac is weeydaarsadeen weerar iyo weerar celis. Wakaaladda rasmiga ah ee Suuriya (SANA) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u suurtagashay inay la wareegaan amniga magaalada Xamaa, kadib markii ay goobta ka saareen xoogagga mucaaradka isla markaana ay ka burburiyeen gawaaridooda. SNA waxay baahisay in milateriga ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah xoogaggaas ee waqooyiga dalka. Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegtay in kooxd Hayat Tahrir al-sham iyo kooxo kale ay ku guul dareysteen inay la wareegaan Jabal Zain al-Abidin oo u dhow magaalada Xamaa. Bbcsomali Qaran News