-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Duqeymo ay Isra’il Sabtidi ka geysatay Marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka Gaza. Duqeymahaan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Dowladda Qatar ka dhawaajisay in ay dib u billaabeyso dadaalladeedii dhex dhexaadinta wadahadallada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il. Milatariga Isra’il wax jawab ah kama aysan bixin duqeymaha Sabtidi shalay ay ku qaadday magaalooyinka Gaza iyo Rafax. Laalin Isra’il waxay Jimcihi sheegtay in duqeymo dhowr ah ay ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa bartamaha Gaza, iyo Xerada Nuseyraar. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaase sheegay in ilaa 20 qof oo la dilay ay lix ka mid ah ahaayeen carruur halka shan kalana ay dumar ahaayeen. Tan iyo sannadki hore, dagaalka Gaza waxaa lagu dilay ku dhawaad 46 kun oo Falastiiniyiin ah. Source
-
Kooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saaka oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda. Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda. War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”. Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan. Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan. Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada. Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo. Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad. Source
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dalka ku soo celisay 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa waddanka Madagascar. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu soo celisay 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xannibnaa dalka Madagascar kaddib markii diyaarad gaar ah loo diray. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in muwaadiniintaasi tahtiib ku galeen dalka Madagascar islamarkaana 28 kamid ah ay badda ku dhinteen halka intii kalena la soo badbaadiyay. “Nasiib darro, safarka halista ah ee muwaadiniintan ku xayiray ayaa sababay dhimashada 28-dii muwaadin Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa khataraha ka dhalata tahriibka sharci darrada ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Waxaa naga go’an in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadaha loo soo celiyo iyada oo aan la adeegsan caawimaad dibadda ah” ayuu sii raaciyay bayaankaasi ka soo baxay dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post 47 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo dalka lagu soo celiyay kaddib markii ay ku xayirmeen waddanka Madagascar appeared first on Puntland Post.
-
Jabhadaha hubaysan ee saacado ka hor ku dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka Suuriya, islamarkaana ay soo afjareen maamulkii 54 sano jirsaday ee Bishaar Al-assad iyo Aabihiis Xaafid Al-assad ayaa dadweynaha dalkaas ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud, sidoo kalena aanay dhibaato u geysan dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan ururrada caalamiga ah oo kuwa qaramada midoobey ugu horreeyaan. Abuu Muxamed Al-golani oo ah taliyaha Guud ee Waaxda Hawlgallada jabhadda Tahrir Alsham oo farriin u diraya dagaalyahannada mucaaradka ah iyo dadweynaha ayaa yiri “Ilaaliya hay’adaha dawladda, maadaama ay ka tirsan yihiin dhaxalka shacabka”. Sidoo kale wararka ayaa sheegay inay ra’iisul wasaarihii maamulka Bishaar Al-assad, xukuumaddiisii, iyo booliskii magaalooyinkaba lagu amray inay shaqadooda sii wataan inta cid badesha laga soo magacaabayo. Arrimahan ayaa ku soo beegmay ka dib markii la xaqiijiyay inuu dalka ka baxsaday Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii talada hayay, horayna uu 30 sano Suuriya u xukumayay Aabbihiis Xaafid Al-assad oo hadda dadweynuhu ay billaabeen inay taallooyinkiisii dhulka soo dhigaan. Source: goobjoog.com
-
Kooxaha Mucaaridka ah ee Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday magaalada Dimishiq. Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda. War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”. Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan. Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan. Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada. Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo. PUNTLAND POST The post Kooxaha Mucaaridka ah ee Suuriya oo awood ciidan xukunka kaga tuuray Bashar Al Asad appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwa ka howl-gala magaalada Berbera ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Iid Yuusuf Cabdullaahi, kaaa oo loo haysto dhaawac la sheegay inuu u gaystay maareeyaha warshadda adeegga korantada magaaladaas Cabdi Maxamuud Faarax. Ciidanka booliska oo howl-gal degdeg ah sameeyay ayaa soo qabtay eedaysanahan , waxaana si dhaqso ah loo horgayn doono laamaha garsoorka sida laga soo xigtay hay’adaha ammaanka Soomaaliland. Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhankiisa bogaadinayay ciidamadii hawlgalka sameeyay iyo shacabkii ka gacansiiyay qabashada eedaysanaha, oo la sheegay inuu goobta falku ka dhacay ka baxsaday. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is hurtling toward its first one-person, one-vote election in over five decades, an ambitious goal that has ignited fierce debate over its feasibility and fairness. While the federal government promises elections within seven months, deep political divisions and logistical hurdles loom large. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Muhammad has officially become the most popular baby name for boys in England and Wales, marking a historic shift in the UK's naming trends. The Office for National Statistics (ONS) reported that 4,661 boys were given the name Muhammad in 2023, surpassing Noah, which had held the top spot for the past two years. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Mohamed Ali Alasow, a Somali shopkeeper known for his resilience and generosity, was shot dead on Monday in Gugulethu, a township long marred by poverty and violence. His death adds to the mounting toll of Somali entrepreneurs targeted in South Africa, a country grappling with deep-seated xenophobia. Source: Hiiraan Online
-
Dimishiq (Caasimada Online) – ooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda. Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda. War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”. Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan. Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan. Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada. Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo. Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad. Isha: VOA
-
Wararka imaanaya magaalo madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegay in xoogagga mucaaradka ay la wareegeen xurumaha dowladda iyo garoonka diyaaradaha, islamarkaana aan la garanayn meel uu jaan iyo cirib dhigay Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii xukunka hayay. Dabaaldegyo ayaa ka socda magaalada, saraakiisha ugu sarraysa mucaaradka qaarkoodna waxay ku suganyihiin xarunta Radio-yaha iyo TV-ga dowladda, halkaas oo la filayo inay dadweynaha kala hadli doonaan, islamarkaana shaacin doonaan inay ayagu talada qabsadeen. Xaaladda dalkan ku yaalla bariga dhexe ayay dunidu isha ku wada haysaa, ayadoo la soo afjaray xukunkii adkaa ee ku dhowaad 60 ay kooxda calawiyiinta ah ee laga tirada badanyahay maamulka ku haysteen. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa qorshaha madaxda dowladda ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida amniga dalka, waxay tababar heerkiisu sareeyo magaalada Isparta ee dalka Türkiye ugu soo xirtay Afar Urur oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howl-galada xooggan ee ciidamada dowladdu ay wadaan ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda. Source: goobjoog.com
-
Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo ka ag dhow mucaaradka hubeysan ee dalka Suuriya saraakiisha militariga ee maamulka Bishaar Al-assad ayaa isaga baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidank guud ee magaalada Dimishiq. Mucaaradka Suuriya oo wararku ay xaqiijinayaan inay caasimadda galeen ayaa hadda gacanta ku haya xaafadaha magaalada qaarkood gaar ahaan dhinaca bariga iyo duleedka koonfureed, lamana oga halka uu ku suganyahay madaxweyne Bishaar Al-assad oo muddo 24 sano ah dalkaas gacan bir ah ku maamulayay, Aabbihiisna 30 sano xukunka hayay. Sida degdega ah ee ay mucaaradku dalkoo dhan isugu ballaariyeen ayaa dunidoo dhan ka yaabisay, waxaana muuqada in militarigu aysan wax dagaal ah la gelin xoogaggan hubaysan ee inay xukunka dalka la wareegaan qarka u saaran, ka dib dbowr iyo toban oo halgan adag ay ku jireen. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho darajooyin ciidan ugu xirtay saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, kuwaas oo go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho lagu keenay diyaarado, kadib markii ay tageen deegaanka Raaskambooni oo dowladda u cadeeyeen mowqifkooda. Saraakiisha Ciidamadaas ayaa maanta dalacay darajooyin kala duwan, halka askartii loo sameeyey diiwaan-gelin, mushaar iyo xuquuq kasta oo ay dowladda ka helaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Saraakiisha maanta lagu hor dalacsiiyey ciidankii ay hoggaaminayeen ee Axmed Madoobe ay kala soo goosteen ayaa ugu horeyn u mahad celiyey madaxda dowladda federaalka oo ay sheegeen inay gudeen abaalkooda. Sidoo kale saraakiisha ayaa farriin u dirtay ciidamada weli uu xukumo Axmed Madoobe, waxayna ka digeen in dagaal la geliyo saaxiibadii ay kaga soo tageen Kismaayo iyo deegaano kale oo Axmed Madoobe uu ka taliyo. “Saaxiibadeen waxaan leenahay waxay dowladdu na siisay lambarkii xoogga dalka, waxay na siisay darajooyin, qof kasta oo naga mid ah wixii uu mudnaa ayuu helay, waxaan idinleeyahay saaxiibayaal imaada oo ku soo biira xoogga dalka Soomaaliyeed, dowladdu waa guda balaaran tahay, cid idinka xigta ma jirto,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiishii la dalacsiiyey maanta. Sarkaal kale ayaa yiri, “Dhalinyarada joogta Jubbaland waxaan codsanayaa in si xun aan adeegsan, in dowladooda aan lagu dirin ciidankii aan ka soo tagnay, waxaan leeyahay walaalayaal baraaruga.” Korneyl Maslax oo ah sarkaal militeri oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha la dalacsiiyey iyo askartii ka timid Jubbaland u sheegay in aysan laheyn cadow aan aheyn Khawaarijta, isagoo uga mahadceliyey inay garteen in aysan la dagaalamin dowladooda. Hoos ka daawo
-
The Somali Digital Media Academy (SODMA) has won the Silver Award at the Digitally Fit – East Africa 2024 Awards, held in Nairobi, Kenya. The event brought together over 500 organizations from East African countries, including Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, the Democratic Republic of Congo, and Burundi, to celebrate innovation and advancements in digital technology. Receiving the award on behalf of SODMA, Farhan Hussein Abdi, from the academy’s management, expressed his pride in this remarkable achievement, noting that the award reflects SODMA’s dedication to empowering Somali youth with advanced digital skills. During the event, Kenyan Senator Okiya Andrew Omtatah praised SODMA after reviewing its achievements. He remarked: “What SODMA is doing is a source of pride for all of us. Its role in training Somali youth in digital skills is a shining example of positive change. Its impact goes beyond Somalia, contributing to the growth of the entire region.” He added: “Initiatives like SODMA’s are investments in our shared future, showing how regional institutions can drive meaningful progress.” This recognition is a major milestone for both SODMA and Somalia, highlighting their role in advancing digital skills and creating opportunities for youth across East Africa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa raali-gelin siiyay askarigii uu ku dhex feeray kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waana laga aqbalay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Askarigaas oo lagu Xuseen Maxamed Xasan oo ka mid ahaa koox askar ah oo ilaalisa amniga xarunta Golaha Shacabka, waxayna ku soo baxeen gacan-qaad ka dhex bilowday kulankii ugu dambeeyey ee baarlamaanka Askarta ayaa isku aadiyey guddoonka baarlamaanka oo xildhibaano mucaarad ah ay doonayeen inay waxyeelo u geystaan, balse Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa qaaday tallaabo uu markii dambe aad uga qowmameeyey. Dalka oo dhan waxaa ku baahay muuqaalka Xildhibaan Xasan Firinbi oo feeraya askari aan sameyneyn wax iska cabin ah oo sharciga dhowraya, waxayna noqotay arrin aad looga carooday oo si weyn loogu dhaleeceeyey xildhibaanka. Intaas waxaa u dheereed Xasan Firinbi in culeys badan uu kala kulmay xukuumadda, maadaama dembi cad uu galay oo lagu maxkamadey karo, xeerkii xasaanadana uu isagu jebiyey. Xildhibaan Xasan Firinbi oo labo dakano qaba, mid uu ka galay qoyska askariga uu feeray iyo mid ay ku heshay xukuumadii uu mucaaradaayey ayaa waayey meel uu Muqdisho kaga noolaado, wuxuuna galay guriga Sheekh Shariif. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Xasan Firinbi lagu soo rogay xayiraad sababtay inuu Muqdisho ka bixi waayo, waxaana ka ergeeyey oo kiiskaan culus ka xaliyey Sheekh Shariif oo magan-geliyo uu ka raadsaday. Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo askariga metela iyo Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa maanta ka soo muuqday goobtii lagu gaaray xalka oo askariga lagu raali geliyey. Maanta oo Sabti ah ayuu Xasan Firinbi xal u helay arrin uu ka joogi waayey Muqdisho oo dhinac uu uga bixi waayey, maadaama uu ahaa nin dakano galay oo dhiig islaam daadiyey. Xukuumadda ayaa la sheegay in markii hore ay dooneysay in kiiskaan lagu xaliyo sharciga, waxaana ku raacsanaa qoyska iyo xildhibaanada ku metela baarlamaanka, balse Xasan Firinbi oo codsiyo badan dirsaday, isla markaana u cararay guriga Sheekh Shariif oo la ixtiraamo ayaa ugu dambeyntii laga aqbalay raali gelinta.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo horleh oo la xiriirta xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso dowladda Soomaaliya. Jubbaland oo cabsi ka qabta ciidamada ay dowladda ku daabuleyso deegaanadeeda ayaa maanta adkeysay guud ahaan amniga xeebaha maamulkaasi. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu arkay xeebaha Jubbaland, kuwaas oo aad u adkeeyay amniga, isla markaana bilaabay dhaq-dhaqaaqyo horleh. Muuqaal uu baahiyey Telefishinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la adkeeyay amniga xeebaha, waxaana muuqaalka laga arkayay ciidamo hubeysan oo bannaanka xeebaha fadhiya kuna jira heegan buuxa. “Halyeeyada Ciidanka Dowladda Jubbaland oo sugay amniga Xeebaha” ayaa lagu yiri war kooban iyo muuqaal lagu baahiyay bogga Telefashinka Jubbaland. Ujeedka ugu wayn ayaa ah in ciidamadaasi ay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka wado Jubbada Hoose, gaar ahaan ciidamada ay ku daabuleyso gobolkaasi. Xiisadda ayaa kasii dareyso, waxaana labada dhinac ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah, iyada oo laga cabsi inuu ka dhex-qarxo dagaal toos ah. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli dowladd federaalka ay ku adkeysaneysaa in meesha laga saaro Axmed Madoobe oo markii 3-aad dib loo doortay.