-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxaha hubeysan ee mucaaradka oo sheegay inay “qiyaastii 20 kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee Dimishiq” Gaashaanle Dhexe Hassan Abdul Ghani oo ka tirsan waaxda hawlgallada milatari ee kooxaha mucaaradka ayaa maanta barta Telegram kaga dhawaaqay “Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.” Abdul Ghani ayaa ku yiri barta Telegram: “Ciidankeena ayaa gudaha u galay magaalada Al-Sanamayn oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Darca, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay xoreeyeen. Taas oo macneheedu yahay, waxaan wax ka yar 20 kiilomitir u jirnaa albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.” Waaxda Hawlgallada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday iyada oo la raacayo warka ay ku baahiyeen barta Telegram “xoreynta Gobolka Quneitra ee koonfur-galbeed ee Suuriya.” Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNbM8R7LUmZHY1Hcqk_aqi6TJJpsAV0TB0Rg8OtswahqLzDlEY9Vv0G20sdeSbGkp1HOQwNnzk4KbR7eE0NanQE.mp4 Qaran News
-
The newly built SSCK Khatumo Parliament in Laascaanood. Laascaanood (PP News Desk) —Laascaanood, the administrative capital of Sool and the seat of the Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo interim administration (SSCK) is recovering from a seven-month-long conflict during which Somaliland administration forces laid siege to the city. Some of those who endured the daily shelling of Laascaanood by secessionist forces now share stories of heroism and survival. “I was just 15 metres from the spot where Amiir Digaale was killed by a howitzer shell,” said Adan, a young man who now works for the Laascaanood Municipality. Not far from Gooladda (the roundabout) in Laascaanood, the Puntland Post correspondent saw a soldier searching a car whose driver was carrying a weapon in violation of the policy barring civilians from bearing arms. The driver obliged and handed over the gun to a group of soldiers from Ciidanka Xasilinta (the Stabilising Force), which was established after the storming of Goojacadde Barracks in August 2023. Public patience for locals who disregard rules and policies designed to transform Laascaanood into a city governed by the rule of law is wearing thin. Economic growth is becoming evident in Laascaanood, thanks in part to a two-pronged investment strategy by the SSCK diaspora. They not only fund the interim administration but also invest in business ventures in the city. “The difference between an administration formed by the people of Laascaanood and one imposed on them by a few local foot soldiers paid by the secessionist administration is clear to everyone here,” a businesswoman from East Laascaanood told Puntland Post. One of the supermarkets opened in Laascaanood after the conflict. The SSCK Finance Ministry has devised a mechanism to collect tax revenues from various sectors, with the goal of reducing reliance on diaspora contributions. SSCK interim administration has not officially published any budget subsidies from either the Federal Government of Somalia or Puntland State of Somalia. It remains unclear whether the SSCK interim administration declined to accept its share of funds that the Federal Government wired to Puntland State, or whether the Garowe-based administration refused to allocate a portion of those funds to SSCK—an administration that, under the federal system, remains officially part of Puntland State of Somalia. Last month, SSCK Finance Minister Abdiqani Hirad told Somali National Television, “We receive subsidy from the Federal Government of Somalia.” The lessons from Laascaanood’s post-conflict economic recovery lie in the confidence people have in the political order and institutions their leaders have established. This confidence, in turn, boosts investor trust, creating what Mohamud, a member of Laascaanood City Council, described as “a virtuous circle.” © Puntland Post, 2024 The post Public Confidence Boosts Post-Conflict Recovery in Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
The runway of Abdullahi Yusuf Airport in Galkayo can be mistaken for a gravel. Gaalkayo (PP News Desk) — Ali Haji Warsame, a former Somali presidential candidate and former Puntland State education minister, drew attention to the state of neglect evident at Abdullahi Yusuf Airport in Galkayo. Named after the former President of the Federal Republic of Somalia and the founding president of Puntland State of Somalia, the late Abdullahi Yusuf Ahmed, the Galkayo airport has a runway that resembles gravel. “It is unfortunate that after President Sharif Ahmed named the airport after President Abdullahi Yusuf, it can hardly be called an airport. It shows how successive Puntland presidents have neglected the airport and disregarded the history of Abdullahi Yusuf Ahmed, who founded Puntland State and made Villa Somalia the presidency of the Federal Government of Somalia again,” tweeted Warsame. Warsame’s tweet on Abdullahi Yusuf Airport in Gaalkayo. Warsame was attending a funeral held in Galkayo for Senator Mohamud Yusuf (Gaagaab), who passed away earlier this week in Turkey. The former Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi and the Deputy Speaker of the Upper House, Abdullahi Ali Hersi, attended the funeral in Galkayo. © Puntland Post, 2024 The post Ali H. Warsame Highlights Poor State of Abdullahi Yusuf Airport in Galkayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay masaajidka madaxtooyada, wuxuuna mar kale ku adkeysatay go’aankiisa doorashada qof iyo codka ah. Madaxweyne Xasan ayaa shaaca ka qaaday in aan qofna loo joojin doonin masiirka dalka isla-markaana dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod ah. “Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, balse uu aad uga xun yahay in ciidamada qaranka loo diido qayb kamid ah dalka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka. Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore xubnaha mucaaradka ay intooda ku gacan seereen xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay, iyaga oo sheegay inuu yahay guddi lagu dhisay rabitaanka madaxweynaha. Waxaa kale oo qorshaha Villa Soomaaliya diidan oo bannaanka ka joogay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo xiriirka u jaray dowladda dhexe.
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa galabta garoonka Muqdisho kasoo dajisay dhalinyarado Soomaaliyeed oo dhowaan doon ay kula dagtay dalka Madagascar, halkaas oo ay ku dhinteen Soomaali badan, kuwana kale lasoo bad-baadiyay. Dhalinyarada la keenay oo kasoo bad-baaday shilkaasi ayaa gaaraya illaa 40 muhaajiriin ah, waxaana diyaarad gaar ah u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tahriibayaashan oo ku labisnaa labiska Calanka Soomaaliya ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad wayn iyo inay ku qanacsanaayeen kusoo laabashadooda Soomaaliya. Mas’uul ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale dhalinyaradan kusoo dhaweeyay Muqdisho, taas oo muujineyso in dowladdu ay dadaal badan gelisay soo celinta dhalinyaradan. Qaar kamid ah dhalinyarada lasoo celiyay oo isugu jiro gabadho iyo wiilal ayaa qaarkood la hadlay warbaahinta, waxayna si weyn u mahadceliyeen dowladda Soomaaliyeed. Illaa 28 muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka ku dhintay shilka ka dhacay dalka Madagascar, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay. Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada Birjeex ee Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay dagaal socday ku dhawaad saacad oo sababay khasaare xooggan. Afhayeenka ciidamada Jubbaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo wareysi siiyay VOA ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray. Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, uuna ka dhaawacmay mid kale, balse khasaare ka badan ay gaarsiiyeen Shabaab. Afhayeenka ayaa xusay in dagaalka kadib ay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka carareen 9 maydad ah, ayna jiraan maydad kale iyo dhaawacyo ay horay u qaateen. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga waqooyi ee magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaa u muuqata inay ka dhex faa’iideysaneyso xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxayna kordhisay weerarada ay ku qaadeyso ciidamada maamulkaasi.
-
Nairobi (Caasimada Online) – SODMA (Somali Digital Media Academy) oo ah xarun Soomaaliyeed oo ku takhasustay horumarinta xirfadaha dijitaalka ah, ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Silver Award ee Digitally Fit Awards – East Africa Edition 2024. Xafladda oo lagu qabtay Nayroobi waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 500 shirkadood oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, sida Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda Congo, iyo Burundi, si loo xuso hal-abuurka iyo horumarka tiknoolajiyada dijitaalka ah. Abaalmarinta waxaa goobta ka guddoomay Farxaan Xuseen Cabdi oo ka tirsan maamulka SODMA, kaas oo sheegay in guushan ay tahay mid ay ku faani karaan dhammaan Soomaalida, isagoo tilmaamay in ay abaalmarintani tahay caddeyn u ah dadaalka SODMA ee ku wajahan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadaha dijitaalka ah. Senator Okiya Andrew Omtatah oo ka socda Kenya ayaa bogaadiyay SODMA kadib markii uu wax badan ka bartay shaqadeeda. Wuxuu yiri: “Waxa ay SODMA qabato waa wax aan dhammaanteen ku faani karno. Doorkeeda ku aaddan tababarka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo barashada xirfadaha dijitaalka ah waa tusaale ifaya oo isbeddel wanaagsan ah. Saameynteeda waxay ka baxday Soomaaliya oo waxay gaartay gobolkan oo dhan.” Wuxuu intaas ku daray: “Mashaariicdan waa maalgelin mustaqbalkeena wadajirka ah, mana aha oo kaliya horumar shaqsi. Dadaalka SODMA wuxuu muujinayaa sida hay’adaha goboleedku uga qayb qaadan karaan horumar waara.” Guushan waxay u tahay Soomaaliya tallaabo weyn oo lagu muujinayo kartida iyo hal-abuurka dadkeeda. Gobol ahaan, waxay astaan u tahay muhiimadda iskaashiga iyo waxbarashada si loo abuuro fursado cusub oo lagu gaaro horumar waara.
-
Elders from North Eastern region have raised fears over an influx of refugees in the country caused by rising tensions in the Horn of Africa over the independence of Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029. Istaraatiijiyaddan oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo Isla Xisaabtan,” ayaa looga golleeyahay dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda si uu u noqdo mid ka jawaaba baahiyaha dadka Soomaaliyeed. Qorshahan waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa ilaalinta xuquuqda bulshada nugul sida haweenka iyo carruurta, iyadoo la dhisayo nidaam caddaaladeed oo isku dhafan, waafaqsanna nidaamka federaalka, kuna saleysan dhaqanka, qiyamka, iyo diinta suuban ee Islaamka. Mudane Xamse ayaa ku nuuxnuuxsaday in istaraatiijiyadda cusubi ay muhiim u tahay dhismaha nidaam caddaaladeed oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana bulshada u sahlaya helitaanka adeegyo caddaaladeed oo hufan. Waxaa sidoo kale qorshuhu xooga saaraya in la xoojiyo isla xisaabtanka hay’adaha garsoorka iyo hufnaanta howlaha lagu fulinayo caddaaladda. Source: goobjoog.com
-
Somalia on Thursday announced that it successfully brought back 161 of its citizens stranded in Libya through the United Nations-backed Voluntary Humanitarian Return program. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa si adag ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si weyn u dhaliilo dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Al-Cadaala oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa naqdiyay hadallada Juxa, wuxuuna u jeediyay eedeymo shaqsiyadeed, isaga oo runta u sheegay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Juxa la yaqaano taariikhiida, uuna baal madow uu jiro, sidoo kalena yahay nin anshax xumo badan, sida uu hadalka u dhigay. “Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay ah buuggiisa ayuu ku qoray, isagoo madaxu cadaaday in uu meel lasoo fariisto doorkii uu ku lahaa burburkii dalka waa nasiibdaro” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jiraan dad kale oo uu la meel dhigay argagixisada, isaga oo tusaaleynayay dhaqankooda. “Kuwaas oo kale waxa ay ka xun yihiin oo dhaqan xumadooda ay ka halis badan yihiin argagixisada, sababtoo ah argagixisada waa la yaqaanaa, laakiin qofkan isaga oo u isticmaalayo magacii dowladda ayuu sidaas u hadlayaa” ayuu mar kale yihi wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sidaan oo kale u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka qayb-galayay kulan dadweyne, wuxuuna adeegsaday erayo adag oo dad badan ka falceliyeen.
-
Rag hubaysan oo markab kalluumeysi ugu af-duuban yahay xeebaha Puntland ayaa dalbaday $5 milyan oo doollar sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP News. Wakiilo ka socda shirkadda markabka leh ayaa u bandhigay dableyda hubaysan lacag dhan $1 milyan oo doollar balse way diideen waxaana ay ku adkeysteen in la siiyo $5 milyan oo doollar. Markabkani oo laga lee yahay dalka Shiinaha islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa todobaar ka hor laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Markabka oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah waxaa markii hore la geeyay degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal waxaase hadda lagu hayaa degaanka Marraya oo hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay bilowgii qafaasheen ilaaladii loo xilsaaray amnigiisa balse ay dib kaga biireen dabley kale oo hubaysan. PUNTLAND POST The post Rag hubaysan oo markab ku qafaashay xeebaha Puntland oo dalbaday lacag dhan $ 5 milyan appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay in doon laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay saarnaayeen 18 shaqaale ah ay soo afduubteen kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida. Mas’uuliyiinta degmada Xaafuun oo ka tirsan Puntland ayaa shaaca ka qaaday in burcad-badeedda afduubka sameysay ay ka mid yihiin xubno ka tirsan kooxdii amniga ee doonta waardiyeynaysay kuwaas oo kaashaday rag hubaysan oo deegaanka ah si ay u qabsadaan doonta. Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee la-dagaallanka burcad-badeednimada, Eunavfor Atalanta, ayaa war-saxaafadeed soo saaray ku xaqiijiyay in arrinta ay soo gudbiyeen mas’uuliyiinta deegaanka. Baaritaannada hore ayaa falka ku tilmaamay “dhac hubaysan oo ka dhacay badda.” Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha saaran doonta ay badqabeen oo aysan wax dhaawac ah soo gaarin. Kooxda burcad-badeedda ah ayaa markii hore doonta u qaaday deegaanka Jiifle oo ku yaal degmada Godobjiraan, laakiin waxaa la sheegay in doonta loo wareejiyay meelo kale oo xeebaha Soomaaliya ah. Hadda, waxaa lagu tuhunsan yahay in doonta ay ku sugan tahay deegaanka Maraya oo hoos yimaada degmada Eyl. Dhacdadan inkasta oo la sameeyay dadaallo badan oo caalami ah, sida kormeerka ciidamada badda ee Mareykanka iyo saaxiibbadooda caalamiga ah. Mas’uuliyiinta maxalliga ah waxay sheegeen in baaritaan socdo, iyaga oo ballan qaaday in tallaabo degdeg ah la qaadi doono si loo soo afjaro arrintan. Afduubkan wuxuu markale soo saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga xeebaha Soomaaliya si looga hortago dhibaatooyinka noocan oo kale ah. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa sheegtay in ay lidka diyaaradaha ku garaacday diyaarad gelinkii dambe ee shalay kusii jeeday dhanka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay sahay u siday ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni oo maalmahan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo culus. “Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Jubbaland. Sidoo kale waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay in diyaaraddu ay dagi weysay, kadibna ay u jiheysatay dhinaca xuduuda Kenya oo ay markii dambe jihadaasi kasoo degtay. “Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lasii raaciyay. Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubbaland”. Horay Jubbaland ayaa u mamnuucday in diyaaradaha ay toos uga dagaan Raaskambooni, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi. Dowladda ayaa dhankeeda iyaduna xayiraad kale uga jawaabtay go’aankaasi, waxayna gebi ahaan joojisay in diyaaradaha ay u duulaan dhammaan deegaanada hoostaga Jubbaland.
-
A Chinese fishing vessel off the coast of Somalia has come under the control of alleged pirates, a European Union anti-piracy force operating in the area said Thursday. The ship, with up to 18 crew members, had been taken over by the suspected pirates, some of whom were armed with AK-47s and machine guns, the European Union Naval Force Operation Atalanta said in a statement. It classified the incident as a robbery at sea and said none of the crew had been injured. The force had responded to an alert from police in Somalia’s semi-autonomous northeastern Puntland region that a Chinese ship off the coast had allegedly been hijacked, its statement said. China has yet to comment on the situation, which occurred in a key region for its overseas naval activities guarding the country’s expanded footprint and economic interests in Africa and the Middle East. The People’s Liberation Army Navy has since 2008 conducted anti-piracy operations around the Gulf of Aden along Somalia’s northern coast as one of a number of major powers seeking to secure shipping routes in the face of rampant piracy. And since 2017 China has operated its only overseas military base in Djibouti, also on the Horn of Africa. The latest incident comes amid a recent uptick in piracy in the area, which is close to key international shipping lanes through the Suez Canal and Red Sea. The slow resurgence follows attacks by Houthi rebels on commercial shipping in the Red Sea in retaliation for Israel’s war on Hamas in Gaza. The attacks, which began late last year and decreased in the spring, upended global trade – and diluted the attention of international naval forces in the region, observers say. The EU’s Operation Atalanta recorded 19 attacks by suspected pirates so far this year – the highest number since 2012, according to data from the force, which operates in waters around the Horn of Africa and the Western Indian Ocean. That’s still a far cry from the peak of 2011 when there were 212 attacks, the data shows. The earlier decline is widely attributed to coordinated and UN-backed international efforts, including from NATO, the EU and UN Security Council permanent members, which gained steam from 2008. The Chinese navy’s now-longstanding anti-piracy task force began conducting escort missions in the Gulf of Aden and the waters off Somalia in December 2008 after a spate of attacks on Chinese vessels. At the time, the start of that taskforce marked a step forward in China’s efforts to use its growing international clout and economic strength to address shared international issues. China’s navy has since run more than 40 escort missions of international and Chinese vessels in the region, but did not join a US-led multinational coalition to protect ships transiting the Red Sea against the Houthi attacks. The EU’s Operation Atalanta said it was in “permanent contact” with Somali and Chinese authorities on the latest incident. CNN has reached out to China’s Foreign Ministry and Ministry of Defense for comment. Source: CNN The post Chinese fishing vessel under control of suspected pirates off Somali coast, EU naval force says appeared first on Puntland Post.
-
Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo Jimcihii ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo kale oo intaas ka badan oo waxyeelo ku noqday dagaalka oo ahaa mid xooggan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana aagga deegaanka Laba Garas isku horfadhiyo maleeshiyaadka labada dhinac oo helayo gurmadyo dheeraad ah. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka oo ay weli ka jiraan colaad beeleedyo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.
-
Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol oo Sabtida saaka ah khudbad jeediyay ayaa raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, inkastoo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib. Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo. Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo. Khudbaddiisa saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan. Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo madaxweyne Yoon maanta oo Sabti ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo raalli-gelin ka bixiyay Sharcigii Martial Law appeared first on Puntland Post.