Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira. Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda. In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay. UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka. UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka. Muxuu yahay yaase sameeyay xeerkan? Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti. Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa’ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah. Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo ‘Ganda’ ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go’do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha. Sidoo kale Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska kaas oo sida beelaha kale aan dhaxal aheyn. Ibraahim Axmed Cali waa cilmibaare ka tirsan hay’adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, waxa uu noo sheegay in xeerka la yiraahdo Daryeel iyo Dabar balse ay dadka kale u yaqaannaan Xeer Ciise. “Wuxuu daryeelayaa ninka tabarta daran iyo wax kasta oo jilicsan halka dabarna uu u taagan yahay in uu dabro ninka gardran iyo ninka kibra,” ayuu yiri. Ragga xeerka dhigay Qarnigii 16-aad dabayaaqadiisa magacaas ayey u bixiyeen halka guddigii fariistay loo bixiyay aayo Reeb. “Boqol sano oo ka sii horeysay ayey kolba meel fariisanayeen odayaasha markaas ayey xeerka qodobada uu ka kooban yahay ee Aayo reeb dajiyeen”. Ibraahim oo si fiican u darsaday taariikhda Ciisaha ayaa noo sheegay in odayaasha ay kulanka la joogtay haweenay la weydiin jiray wixii la xiriira arrimaha qoyska, carruurta, aqalka iyo dumarka. “Haweeneydaas waxaa la oran jiray Faadumo Siti, buurtii la fadhiyay ayaa magaceeda loo bixiyay, halkaas ayeyna ku aasan tahay, gobolka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Siti la yiraahdo, magaca islaantaa ayuu ka soo jeedaa”. Sidee loo doortaa ugaaska? Waxyaabhaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah marka ay arin dhacdo beelaha Soomaaliyeed inta ay isku yimaadan ayey go’aan gaaraan halka Ciisaha ay raacaan qodobo hore u qornaa. Habka dhaqanka ee uu ku yimaado ugaaska beesha Ciisaha ma ahan mid ku yimaada dhaxal sida ugaasyada beelaha Soomaaliyeed ee kale. Ugaaska hadda ay beesha leedahay ma ahan wiilasha ugaaskii hore. Ugaaska marka uu dhinto ma dhaxlikaraan ubadkiisa sida ugaasyada kale. Waayo xeerka ugaaska ma ahan mid ku saleysan dhaxal. Guddiyo dhan baa u fadhiisata. Guddi gaaraya 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa. Sababta keentay in ugaaska doorasho ku yimaado ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso khilaaf hore iyo dagaallo beesha dhexmaray sidaasna lagu gaaray heshiis lagu wada noolaado. Odayaasha ayaa go’aamiyay in ugaaska uu ka soo dhaxbaxo hal reer oo kaliya balse qofka uu noqonayo la doorto. “Ugaaska hal reer haloo daayo, dhaxalna yuusan noqon, Alle hala baryo oo astaamo halagu eego, ugaaska waa la casilaa ama wuu dhintaa, markaas ayaa qabiilka la dhexdoortaa”. Ayuu yiri Ibraahim. Meel kasta oo dunida uu ka joogo qofka ka soo jeeda beesha Ciisa waxa uu xeerka ugu dhaqmaa si isku mid ah. Bbcsomali Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda deegaannada Jubbaland iyo go’aanka Dowladda ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas ayaa ka sheekeeyey taariikh ka soo bilaabatay markii la aas-aasay Jubbaland. Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in markii la dhisay Jubbaland uu dalka isagu Madaxweyne ka ahaa, isagoo sheegay in markii la dhisay maamulkaas Axmed Madoobe loo dhiibay si uu doorasho u gaarsiiyo, balse kadib uu ka degi diiday xukunka. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii dambe ee Axmed Madoobe qabtay aysan sax aheyn, “Axmed weligiis ma qaban doorssho xor ah, isagaa isku jimeynaayey,” ayuu yiri isagoo ka sheekeeyey waxyaabaha lagu kala tegay markii ugu dambeysay. “Axmed Madoobe 13 sano ayuu Jubbaland joogaa, dastuurka waxaa Jubbaland ugu qoran labo jeer ka badan in uusan hal qof tartamin, xaq uma laha inuu sii joogo, 10 shir ayaan ka yeelanay anaga iyo dowlad goboleedyada oo dowlad-dhiska oo kaliya looga hadlayey,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in khudbadaan uu kaga hadlayo Jubbaland oo kaliya, isagoo balan qaaday in maalin kale uu ka hadli doono Puntland iyo siyaasadaha kale ee is diidan. “Maalintii ugu dambeysay ee shirka la isugu yimid Axmed Madoobe wuxuu yiri waqtigii ayaa naga dhamaaday ee doorasho dadban aan aadno, waa laga cod batay oo waxaan isku raacnay in doorasho qof iyo cod ah la aado, waa naga tegay maalintaas waa xanuunsanahay ayuu yiri, maalintii kale ayuu nagu soo noqday isagoo wata ajende kale, wuxuu yiri guddiga doorashada hala kala qaado,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu gaar ula shiray oo uu qanci waayey, “Mar kale aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gooni ula shirnay waa qanci weynay, madaxweynayaasha gobollada ayaan u dirnay, waa anci waayeen, maalintii dambena shirka oo socda ayuu iska baxay,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe in uu baxayo markii ay ka war heleen ay ka codsadeen in 3 saacadood uu joogo, si shirka loo xiro, qodobada uu dhibsanayana dib loogu dhigo, balse wuxuu sheegay inuu diiday. Hoos ka daawo
  3. Sida ay qortay shabakadda Bloomberg oo soo xiganaya ilo ku dhow aqalka Kremlin-ka, Ruushku ayaa sheegay inaanu hayn qorshe uu ku badbaadinayo madaxweynaha Suuriya BishaarAssad oo hadda wajahaya guluf xooggan oo kamida imaanaya jabhadaha hubaysan. Ruushka ayaa sheegay inaanu hayn wax qorshe ah oo lagu difaaci karo maamulka Bishaar Al-asad, maadaama ciidamada dowladdu ay iska hor-imaad la’aan uga baxayaan fariisahooda, ka dibna ay mucaaradku dhaqso ula wareegayaan. Ruushka ayaa kamida dowlaha ugu muhiihsan ee taageera madaxweyne Bishaar Al-asad oo dalkaas ka talinayay tan iyo sanadkii 2000, Aabbihiis Xaafid Al-asadna uu 30 sano xukunka hayay. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — Somali government has reportedly suspended all passenger flights to some regions after airlines refused to operate in the Raskamboni area of the Lower Jubba region, citing safety concerns. Source: Hiiraan Online
  5. New York (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira. Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda. In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay. UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka. UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka. Muxuu yahay, yaase sameeyay xeerkan? Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti. Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa’ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah. Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo ‘Ganda’ ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go’do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha. Sidoo kale Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska kaas oo sida beelaha kale aan dhaxal aheyn. Ibraahim Axmed Cali waa cilmibaare ka tirsan hay’adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, waxa uu noo sheegay in xeerka la yiraahdo Daryeel iyo Dabar balse ay dadka kale u yaqaannaan Xeer Ciise. “Wuxuu daryeelayaa ninka tabarta daran iyo wax kasta oo jilicsan halka dabarna uu u taagan yahay in uu dabro ninka gardran iyo ninka kibra,” ayuu yiri. Ragga xeerka dhigay Qarnigii 16-aad dabayaaqadiisa magacaas ayey u bixiyeen halka guddigii fariistay loo bixiyay aayo Reeb. “Boqol sano oo ka sii horeysay ayey kolba meel fariisanayeen odayaasha markaas ayey xeerka qodobada uu ka kooban yahay ee Aayo reeb dajiyeen”. Ibraahim oo si fiican u darsaday taariikhda Ciisaha ayaa noo sheegay in odayaasha ay kulanka la joogtay haweenay la weydiin jiray wixii la xiriira arrimaha qoyska, carruurta, aqalka iyo dumarka. “Haweeneydaas waxaa la oran jiray Faadumo Siti, buurtii la fadhiyay ayaa magaceeda loo bixiyay, halkaas ayeyna ku aasan tahay, gobolka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Siti la yiraahdo, magaca islaantaa ayuu ka soo jeedaa”. Sidee loo doortaa ugaaska? Waxyaabhaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah marka ay arin dhacdo beelaha Soomaaliyeed inta ay isku yimaadan ayey go’aan gaaraan halka Ciisaha ay raacaan qodobo hore u qornaa. Habka dhaqanka ee uu ku yimaado ugaaska beesha Ciisaha ma ahan mid ku yimaada dhaxal sida ugaasyada beelaha Soomaaliyeed ee kale. Ugaaska hadda ay beesha leedahay ma ahan wiilasha ugaaskii hore. Ugaaska marka uu dhinto ma dhaxlikaraan ubadkiisa sida ugaasyada kale. Waayo xeerka ugaaska ma ahan mid ku saleysan dhaxal. Guddiyo dhan baa u fadhiisata. Guddi gaaraya 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa. Sababta keentay in ugaaska doorasho ku yimaado ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso khilaaf hore iyo dagaallo beesha dhexmaray sidaasna lagu gaaray heshiis lagu wada noolaado. Odayaasha ayaa go’aamiyay in ugaaska uu ka soo dhaxbaxo hal reer oo kaliya balse qofka uu noqonayo la doorto. “Ugaaska hal reer haloo daayo, dhaxalna yuusan noqon, Alle hala baryo oo astaamo halagu eego, ugaaska waa la casilaa ama wuu dhintaa, markaas ayaa qabiilka la dhexdoortaa”. Ayuu yiri Ibraahim. Meel kasta oo dunida uu ka joogo qofka ka soo jeeda beesha Ciisa waxa uu xeerka ugu dhaqmaa si isku mid ah. Isha: BBC
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa raxan diyaaradaha qumaatiga u kaca ah ku biirisay howlgalka militari ee ay ka waddo deegaanka Raaskaambooni ee gobolka jubbada hoose oo dhowaan la geeyay ciidamo xooggan. Taliyaha hoggaaminaya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Haramcad ee deegaankaas ku sugan kornayl Ciraaqi oo warbaahin la hadlay ayaa sheegay in ciidanka cirka Soomaaliyeed oo diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah wataahi ay Raaskaambooni gaareen. Dowladda Soomaaliya ayaa deegaankaas gaysay ciidamo aad u hubaysan, kuwaas oo la sheegay inay la wareegi doonaan goobaha ay ka baxayaan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, balse maamulka Jubbaland ayaa tillaabadan u arka duullaan asaga ku wajahan. Source: goobjoog.com
  7. Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb-galay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo Ka mid noqan doona daraawiishta ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo tababar ugu socday dalka Jabuuti. Wafdigan Saraakiisha ah oo uu hoggaaminaayey taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise oo ay wehliyaan taliyaha hoggaanka Caafimaad Boliiska S/Guuto Cabdirisaaq Afguduud iyo G/dhexe Axmad Maxamed Axmad oo ah taliyaha hoggaanka tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Saraakiishan waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyey taliska Booliska dalka Jabuuti iyo Saraakiil ka tirsan Karanbiyeeriga booliska Talyaaniga oo qeyb ka ah mashruuca tababarka daraawiishta booliska Soomaaliyeed. Ciidanka tababarka Loo soo xiray ayaa ah Dufcaddii 21-aad ee ciidanka daraawiishta Booliska Soomaliyeed, waxaana tababarka ciidankaan iska Kaashadey dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti. Source: goobjoog.com
  8. The Director of Somali National Intelligence and Security Agency Mahad Mohammed Salad (left) and his Ethiopian counterpart Temesgen Tiuneh signed an intelligence-sharing agreement in 2022. Mogadishu (PP News Desk) — If the reports about “the planned appointment” of Mahad Salad as the Defence Minister of Somalia are true, the political situation for Somalia may worsen. Mahad was the director of the National Intelligence and Security Agency (NISA) until he was replaced by Abdullahi Sanbaloolshe earlier this year. The decision to sack Mahad was related to the intelligence-sharing agreement he signed with his Ethiopian counterpart in 2022, before Somalia signed a defence pact with Ethiopia in December 2023. Mahad was tasked to submit a report to the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, on the rationale for forming closer defence ties with Ethiopia . Mahad recommended building on ties between the TPLF regime and the post-transition Federal Government of Somalia and highlighted Ethiopia’s role in forming the Ahlu Sunna Wal Jama’a paramilitary group, once based in Galgaduud, the stronghold of Mahad Salad. Mahad accompanied President Mohamud on his visit to Egypt in 2022. Mahad’s tenure as NISA director was marked by nepotism, where he employed officers selected based on sub-clan affiliations. “If he is appointed Defence Minister, the risk of national army matériel falling into the hands of militias associated with him is high,” said a journalist in Mogadishu. The lopsidedness of the defence portfolio would pose a serious threat to Somalia’s national security, as the President, Defence Minister and the Commander of the National Army would all belong to the same clan if Mahad is appointed. The poorly discussed defence pact between the Federal Government of Somalia and Ethiopia still has the potential to drag Somalia into the vortex of the Ethiopia-Egypt rivalry, with Cairo aiming to deploy peacekeeping forces in parts of southern Somalia. This week, Ethiopia deployed more troops in Gedo, citing the threat posed by Al-Shabaab and the Jubaland crisis as reasons for maintaining its forces in Somalia. Puntland Post has learned that the Ethiopian government has diplomatically invoked the defence pact with Somalia as a basis for “protecting its interests.” The Federal Government of Somalia still considers the defence agreement with Ethiopia valid. © Puntland Post, 2024 The post Defence Portfolio May Go to Mahad Salad After Somali Cabinet Reshuffle appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu HOL) — Somali military forces and local communities on Friday prevented Ethiopian troops from Dolow from entering Beled Hawo in the Gedo region as diplomatic tensions between Somalia and Ethiopia escalate. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyin ay sheegtay in Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, waxaana ay ku eedeysay faragelin ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Saaka ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow u soo dhaqaaqeen dhanka degmada Buulo Xaawo, balse ay ka horyimaadeen dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday in ay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaawo. “Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedaysay in ay fara-gelin Ciidan ka waddo Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  11. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyinka faragelinta ah ee Ethiopia ka waddo Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin isku-dayo lagu kala fogeynayo bulshada ku nool gobolkaas, taasoo wiiqeysa midnimada iyo qaranimada Soomaaliya. Saaka, ciidamo Ethiopian ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Doolow ayaa isku dayey inay galaan degmada Buulo Xaawo, balse waxaa si cad uga hor istaagay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Arrintan ayaa sii adkeysay xiisadda ka taagan gobolka oo ay Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay qayb ka tahay faragelin joogto ah oo maamulka Addis Ababa uu ku hayo Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inay ka go’an tahay ilaalinta deris wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka gobolka. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in Ethiopia ay si joogto ah uga shaqeyneyso xasillooni-darro cusub oo gobolka ka dhalata, taasoo khatar ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo nabadda guud ee gobolka. Soomaaliya waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay si degdeg ah u cambaareeyaan falalkaan wax u dhimaya nabadda iyo wadajirka gobolka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysatay inay diyaar u tahay difaaca qaranimadeeda iyo madax-bannaanida dadkeeda si kasta oo ay xaaladdu noqoto. Source: goobjoog.com
  12. Khaire: “Travelling is an inviolable right of the Somali citizen. It is unfortunate that this right is being politicised to force airline companies to airlift troops.” Mogadishu (PP News Desk) — The former Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire, today condemned the decision by the Federal Government of Somalia to halt all flights to federal member states. Reports indicate that airline companies have expressed reservations about their services being used to deploy troops to Raaskaambooni in Jubaland State. “I strongly condemn the wrong decision of the Federal Government of Somalia to stop all flights to the region after airline companies have shown reluctance to airlift troops to Raaskaambooni. It is deplorable that Somali women and children who were planning to travel are now victims of this decision and are stranded at Aden Adde International Airport in Mogadishu. Travelling is an inviolable right of the Somali citizen. It is unfortunate that this right is being politicised to force airline companies to airlift troops,” tweeted Khaire. The Federal Government of Somalia disputes the outcome of the election in Jubaland State and has resorted to an action similar to what the predecessor Federal Government of Somalia did in 2019, when it imposed an aviation embargo on Kismaayo following a presidential election conducted by the current Prime Minister of Somalia, Hamsa Abdi Barre, who was then the Chairman of the Jubaland Electoral Commission. © Puntland Post, 2024 The post Khaire: Flight Ban Violates Citizens’ Right to Travel appeared first on Puntland Post.
  13. (Bloomberg) — Somalia’s biggest telecommunications firm plans to build more green data centers to support the growing demands of the local and the global AI economy, Chief Executive Officer Ahmed Mohamud Yusuf said. Source: Hiiraan Online
  14. Dowladda Mareykanka ayaa diidday warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ,taasi oo sheegtay in ay jiraan caddaymo dhameystiran oo ku saabsan xasuuqa Israa’iil ka samaysay marinka Gaza. Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu dafiray warbixinta ay soo saartay hay’adda Amnesty International ee caddaynaysa xasuuqa Israa’iil ka samaysay marinka Gaza oo si aan kala sooc lahayn u beegsatay rayid u badan haween iyo carruur. “Waan ku khilaafsannahay gunaanadka warbixintaan, waxaanna horay u sheegnay oo aan sii wadnay inaan ogaanno eedeymaha ku saabsan xasuuqa in ay yihiin kuwo aan sal lahayn,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo bayaankaasi akhriyay. Hay’adda Amnesty International oo fadhigeedu yahay magaalada London ayaa warbixin ay Khamiistii soo saartay ku sheegtay in ay hesho caddaymo dhammaystiran oo ku saabsan xasuuq ba’an oo Israa’iil ka samaysay marinka Gaza. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sisoo kale dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii ​​hore ee Difaaca Yoav Gallant oo ku eedaysan dambiyo dagaal iyo xasuuq dhan ah bini’aadanimada. PUNTLAND POST The post Dowladda Mareykanka oo diiday warbixin hay’adda Amnesty International ka soo saartay Xasuuqa Israa’iil ee marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  15. Af-hayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia, Nebiat Getachew oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhaweeyay in wada-hadal lagu xalliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia. Ambassador Nebiat Getachew ayaa taageeray qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan in ay ku dhex-dhexaadiyaan khilaafka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia, ee ka dhashay is afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. Af-hayeen Nebiat Getachew, oo su’aal laga weydiiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in ciidamada Ethiopia laga saaro hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu su’aashaasi si toos ah uga jawaabo, Balse wuxuu sheegay in Ciidamada Ethiopia ay sii wadi doonaan dagaalka kooxaha Argagixisada ah ee AS. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud, iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika. “Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay shirka ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Hase yeeshee, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin dowladda Ethiopia ilaa inta ay ka laabanayso is afgaradkii badda ee dhexmaray xukuumadda Addis Ababa iyo Somaliland, kaasi oo dhigaya in Ethiopia marin badeed iyo saldhig millitari ka hesho xeebaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Ethiopia oo ka hadashay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya kadib go’aankii looga saaray Hawlgalka Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
  16. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — When the ball tipped off at Rutgers' Jersey Mike's Arena on a crisp November night, all eyes were on potential NBA lottery picks Ace Bailey and Dylan Harper. Yet by the end of the game, it was Monmouth University's 6'7 sophomore guard, Abdi Bashir Jr., who had stolen the show. Source: Hiiraan Online
  17. Boqolaal dadweyne ah ayaa ku xaniban gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, kadib markii dowladda Soomaaliya hakisay dhammaan duulimaadyadii gudaha ee diyaaradaha ay ku aadi lahaayeen gobolada dalka. Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa dhammaan joojisay duulimaadyada gudaha, waxaana la sheegay in tallaabadani salka ku hayso dowladda oo Arbacdii dalbatay in loo sameeyo 20 duulimaad oo Raas Kambooni lagu daabulayo ciidamo, taasi oo Shirkadaha diyaaraduhu diideen. Shirkadaha diyaaradaha ayaa sida wararku sheegayaan codsiga dowladda ee arrinta Raas Kambooni diiday, kaddib digniin dhawaan ka soo baxday Jubaland oo diyaaradaha rayidka ah ku wargelisay in aysan imaan karin Raas Kambooni, sababa amni dartood. Dhinaca kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareynayaa go’aanka dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni. “Waxaan ka xumahay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare hore Khayre. “Socdaalku waa xuquuq lamataabtaan ah oo muwaadinku leeyahay, waxaana ayaandarro ah in la siyaasadeeyo, si diyaaradaha loogu khasbo in ay ciidanka daabulaan. Waxaan madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa ah in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankan gurracan, si shuruud la’aan ahna u fasaxaan diyaaradaha” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo joojisay dhammaan duullimaadyadii Gobollada dalka appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (HOL) — The Somali National Intelligence and Security Agency (NISA), with support from the Somali National Army (SNA), carried out a raid in Lower Shabelle's Jambaluul village, killing four senior Al-Shabaab operatives. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — The uneasy alliance holding Somalia's federal system together is showing cracks. Clashes between Federal Government of Somalia (FGS) forces and Jubbaland troops in late November have exposed deep divisions over regional autonomy, election protocols, and the growing involvement of regional powers like Ethiopia and Egypt in the Horn of Africa's power struggles. Source: Hiiraan Online
  20. Sir Mo Farah is running again. This time, though, medals couldn’t be further from his mind. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — UNESCO has officially recognized Xeer Ciise (, the centuries-old oral customary law of the Somali Issa communities in Djibouti, Ethiopia, and Somalia, as part of its Intangible Cultural Heritage of Humanity. The historic recognition celebrates Xeer Ciise's role in uniting communities, preserving traditions, and promoting justice in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — Sadiya Mohamed Noor, Somalia's Director of the Gender Department, has been elected Chairperson of the IGAD Women's Peace and Security Forum (IWPSF), marking a significant milestone in the country's efforts to amplify women's leadership across the Horn of Africa. The election, held December 4 in Mombasa, Kenya, saw Sadiya secure the position following the withdrawal of South Sudanese candidate Amer Manyok Deng, who assumed the role of Vice Chairperson. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Somalia is grappling with the devastating impact of climate change, which has inflicted $2.84 billion in agricultural and livestock losses over two decades. A new report by SPARC (Supporting Pastoralism and Agriculture in Recurrent and Protracted Crises) reveals that worsening droughts and floods, fueled by global warming, have eroded livelihoods and strained the country’s fragile economy. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) — Armed pirates have seized a Chinese fishing vessel with 18 crew members in Somalia's territorial waters, the European Union Naval Force (EUNAVFOR) confirmed on Thursday. The hijacking occurred off the northeastern coast of Puntland, marking a resurgence of piracy in the region after a period of relative calm. Source: Hiiraan Online